Barcelona Oo Ka Careysiisay Taageerayaasheeda Ka Dib Markii Ay U Hambalyeeyeen Real Madrid

0
Sunday May 29, 2016 - 12:09:43 in Sports News by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Ka Careysiisay Taageerayaasheeda Ka Dib Markii Ay U Hambalyeeyeen Real Madrid

    Kooxda Barcelona ayaa ka careysiisay jamaahiirteeda xalayto ka dib markii ay ugu hambalyeeyeen kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Real Madrid hanashada koobkoodii 11aad ee Champions League oo ay xalayto ku qaadeen garoonka San Siro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa ka careysiisay jamaahiirteeda xalayto ka dib markii ay ugu hambalyeeyeen kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Real Madrid hanashada koobkoodii 11aad ee Champions League oo ay xalayto ku qaadeen garoonka San Siro.

Ka dib markii barbaro 1-1 ah ay isku mari waayeen kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid 120kii daqiiqo ee ciyaartii San Siro, waxaa la isla gaaray rigoorayaal iyadoo Juanfran uu rigoore ka qasaariyay Atletico halka uu Cristiano Ronaldo dhaliyay rigoorada guusha taasoo keentay in Los Blancos ay koobka ku qaado rigoore 5-3.

Kooxda Barcelona ayaana ku qasbaneyn inay ixtiraam u muujiso kooxda ay xafiiltamaan madaama ay noqdeen horyaalka Yurub, waxaana ay bogooda Twitter soo dhigeen fariin ay ugu hambalyeeynaya kooxda ay cadaawada kubadeed kala dhaxeysa ee Los Merengues.

 

"Hambalyo Real Madrid madaama aad Champions League ku qaadeen Milan” ayay aheyd fariintii ay kooxda Barcelona soo dhigtay bogeeda Twitter.

Laakiin jamaahiirta kooxda oo markii horeba ka murugeysnaa in Atletico Madrid ay horjoogsan weysay Real Madrid ayaa caradooda kala duldhacay kooxdooda iyagoo baraha bulshada ugu baaqay kooxda iany tirtirto waxa ay soo qoreen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip