
Sawirro: Xasan Sheekh oo shirka Jabuuti kusoo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee…
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka deegaanka.
"Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.
Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada ee wadamada gobolka.
Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

Sawirro: Xasan Sheekh oo shirka Jabuuti kusoo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee…
...