Xabiibo Xasan waxay toddobo sano biileysay nin aabbeheed iska dhigay, oo xitaa nin ku mehriyay!

0
Wednesday October 19, 2022 - 14:04:41 in Wararka by
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabiibo Xasan waxay toddobo sano biileysay nin aabbeheed iska dhigay, oo xitaa nin ku mehriyay!

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Nin telefoon isticmaalaya

W/Q: Cabdirisaaq Maxamed Axmed

Agaasimaha Bankiga MyBank



XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Xabiibo Xasan waxay ku dhalatay magaalada Qoryooley sannadkii 1981. Waxay curad u aheyd qoys danyar ah.

Aabbeheed Xasan Aadan wuxuu shaqaale ka ahaa beer ku taallay duleedka Qoryooley. Hanad iyo Xaawo oo ahaa lammaane ladan oo Muqdisho ku noolaa ayaa 1989-kii waxay dalxiis u tageen beertii uu Xasan Aadan ka shaqeynayay.

Hanad ayaa la sheekeystay Xasan Aadan, wuxuuna ogaaday duruufta adag ee Xasan iyo qoyskiisu ku nool yihiin.

Hanad wuxuu Xasan Aadan u sheegay in ay u joogaan carruur yaryar, ayna u baahan yihiin gabar guriga ka shaqeysa oo carruurtana u heysa, oo ay sidoo kalena wax u baraan. Xasan Aadan wuxuu qoyskii soo siiyay Xabiibo oo 8 jir ah, waxayna ku soo laabteen gurigoodii oo ku yaallay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan.

Labo sano ka dib, 199-dii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalladii sokeeye, qoyskii Hanad ee Xabiibo la nooleedna waxay u qaxeen xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Mareykanka.

Xabiibo waxay mar kasta isweydiin jirtay halka ay ku dambeeyaan waalidkeed iyo walaalaheed, waxaase adkaatay in ay su’aashaas jawaab u hesho maadaama ay isgaarsiintu adkeyd. Xabiibo waxay Mareykanka ku dhammeysatay Dugsi Sare 2001, ka diba waxay shaqo ka heshay warshad digaagga lagu qalo.

Aabbeheed Xasan Aadan wuxuu ka dawarsadaa xaafadaha iyo masaajidda Muqdisho, qoyskiisuna waxay duruuf adag kula nool yihiin Qoryooley.

Xabiibo waxay go'aansatay in ay qoyskeedii baadi goobto, ka dib na waxay ka baafisay idaacadda BBC-da. Aabbaheed waa miskiin tuugsada oo aan idaacad dhegeysan, waxaase baafintaas dhegeysanayay Xasan Maaddey oo ay deris ahaayeen Xasan Aadan, oo aqoon durugsanna u lahaa qoyska Xasan Aadan iyo gabadha ka maqan.

Xabiibo waxay muddo raadineysay qoyskeeda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xasan Maaddey wuxuu qortay lambarkii Xabiibo, wuxuuna ku fikiray in uu la xiriiro isaga oo iska dhigaya aabbeheed Xasan Aadan. Xasan Maaddey wuxuu yimid Muqdisho, wuxuuna baranji ka wacay Xabiibo.

Salaan ka dib, Xasan Maaddey wuu is oohisiiyay, si aysan Xabiibo uga shakin in uu aabbeheed yahay ayuu geliyay xaalad murugo ah, oo wuxuu u sheegay in hooyadeed iyo walaalaheed oo shan ahaa ay baahi iyo macluul ugu dhinteen abaar sanado ka hor ka dhacday Qoryooley, isaguna uu hadda ka dawarsado Muqdisho. Si aysan su’aalo isaga waydiinna wuxuu xusay magacyada hooyadeed iyo walaalaheed.

Xabiibo oohin ayay la dhacday, murugo ayayna la hadli waysay. Saacad kadib ayay ku soo celisay, waxayna isla maalinkii u soo dirtay $500. Wixii ka dambeeyayna waxay bil kasta u soo direysay $350.

Lacag

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Waagaas $350 qiimo weyn ayay laheed. Xasan Maaddey oo waagii hore danyar ahaa wuxuu ka mid noqday dadka Qoryooley ugu ladan. Bartamaha magaalada ayuu dukaan ka furtay, wuxuuna gatay gaari saksuuko ah.

Dadkii yaqaannay waxay isweydiinayaan halka ay lacagtu ka soo gasho Xasan Maaddey. Halka Xasan Aadan oo ah aabbaha dhabta ahna uu ka tuugsado xaafadaha Muqdisho.

Xabiibo wiil ayay guur isku fahmeen, waxayna la soo xiriirtay Xasan Maaddey oo wilaayada ku wareejiyay Hanad oo ay la nooleyd. Sidaas ayaana loogu mehriyay.

Sanadku waa 2008. Shariifoow oo ahaa oday reer Qoryooley ah ayaa maalin xawaaladda ugu soo galay Xasan Maaddey oo lacag ka qaadanaya, wuxuuna arkay in qofka lacagta u soo dirtay ay tahay Xabiibo Xasan Aadan, wuuna ogaa in ay gabar ka maqneyd Xasan Aadan. Wuxuu warkii u sheegay Xasan Aadan.

Oday Xasan Aadan wuxuu iigu yimid xawaalad aan ka shaqeynayay, wuxuuna ii sheegay shakiga ku jira. Waxaan waydiiyay magaca iyo qabiilka ninkii gabadha ka watay. Baadigoob dheer ka dib waxaan xiriirkii Hanad ka helay xafiis ay xawaaladdu ku laheyd magaalada Minneapolisee dalka Mareykanka.

Waxaan wacay Hanad, waxaana u sheegay dhibka taagan. Hanad wuxuu iga dalbaday in aan u diro sawirka Xasan Aadan. Waxaa laga sawiray wejiga hore iyo labada dhafoor, waana u diray. Hanad wuxuu ii sheegay in ay u badan tahay in uu ninkani yahay Xabiibo aabbeheed, wuxuuna iga dalbaday in aan la hadashiiyo.

Isbariidin ka dib, Hanad wuxuu Xasan Aadan ka codsaday in uu ka sheekeeyo wixii dhex maray maalinkii uu Xabiibo kala wareegayay. Xasan Aadan wuxuu ka sheekeeyay goobtii, goortii iyo qaabkii ay gabadha ugala wareegeen, iyo baabuurkii ay wateen. Wuxuu tilmaamay gurigii ay ka degganaayeen Muqdisho oo uu ku soo booqday waagii ay gabadha ka soo wateen.

Hanad wuxuu dalbaday in la siiyo hal isbuuc si uu baaritaan kale u soo sameeyo. Wuxuu wacay Xasan Maaddey oo iska dhigi jiray Xabiibo aabbeheed, wuxuuna waydiiyay isla su’aalihii uu waydiiyay Xasan Aadan. Nasiib-wanaag, Xasan Maaddey wuu ka jawaabi waayay.

Isbuuc ka dib ayuu Hanad igu soo laabtay, wuxuuna ii sheegay in uu soo hubiyay in Xasan Aadan yahay Xabiibo aabbeheed. Balse wuxuu walaac ka muujiyay sida uu Xabiibo ugu sheegi doono in ninka ay aabbeheed u taqaanno, ee ay todobada sano biileysay, ee ninkanna ku mahriyay uusan aabbeheed aheyn, lana hayo aabbeheeda dhabta ah.

Nin iyo god loo wado lama kala qariyee, Hanad wuxuu la fariistay Xabiibo, wuxuuna u sheegay wixii dhacay. Xabiibo waa ay shoogtay, miyirka ayaana ka tegay, waxayna isbitaal ku jirtay saddex maalin.

Ugu dambeyntii waa lagu qanciyay, waana lala hadashiiyay aabbeheeda runta ah. Markii ay codkiisa maqashay ayay oohin la dhacday, odaygiina wuxuu ku celcelinayaa: Aabbe... gabarteey... ma nooleed?!

Dareen farxad iyo murugo kulansaday ayay ku sheekeysteen. Wuxuu u sheegay in ay duruuftu bedeshay oo uu tuugsado, ayna caafimaad qabaan hooyadeed iyo walaalaheed oo uu Xasan Maaddey u sheegay in ay wada dhinteen. Mar kale ayay oohin jabsatay. Call saacad qaatay ayaa dhex maray. Isla maalinkii ayay u soo dirtay $1,000. Waxayna ku ballameen in uu reerka Muqdisho u soo raro.

Lacag

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Malaha waa markii ugu horreysay ee ay gacanta Xasan Aadan soo gashay lacag sidaas u badan. Farxad ayuu la ilmeeyay. Intuu sarriftay ayuuna Qoryooley ula carraabay.

Isbuuc ka dib wuxuu qoyskii soo dejiyay degmada Hawlwadaag. Bil kasta waxay u soo dirtaa $500. Nolol cusub ayay galeen. Waa markii ugu horraysay oo ay helayaan biil joogto ah, ayna ka soo toosayaan guri fillo ah. Waxaa guriga ugu jira taleefan landline ah oo ay Xabiibo kala xiriiraan. Carruurtiina wuxuu geeyay Iskuul.

Markii uu Xasan Aadan Muqdisho soo degayay ayuu iigu yimid in uu ii mahad-celiyo, wuxuuna ii soo hadiyeeyay loor galley ah iyo saddexle macsaro ah. Wuxuu ii sheegay in uu cafiyay Xasan Maaddey marba haddii uu helay gabadhiisii. Waxaa i soo xiriirin jirtay Xabiibo oo 2012-kii ii sheegtay in aabbeheed Xasan Aadan uu Muqdisho ku geeriyooday.

Lacag

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRISAAQ MAXAMED AXMED

Cabdirisaaq Maxamed Axmed, waa Agaasimaha Bankiga MyBank iyo qoraaga buugga Ambad. Sheekadan isaga ayaa goob joog u ahaa billowgeedii ilaa dhammaadka. Wixii aragti ah isaga ayey gaar u tahay, kamana tarjumayso aragtida BBC-da.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip