
Aaden Ducaale oo ka hadlay bar-tilmaameedsiga Soomaalida Kenya
Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee waddanka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa mar kale soo jiitay indhaha warbaahinta iyo dadka ku wada-xiriira baraha bulshada, ka dib markii uu guddiga baarlamaanka ee xaqiijiya dadka xilalka loosoo magacaabay ka hor sheegay sida uu ula yaabban yahay bar-tilmaameedsiga lagu hayo bulshada Soomaalida ah ee dalkaas.
Xildhibaanka magaalada Gaarisa ayaa ku taliyay in Soomaalida oo uu sheegay in si gaar ah loo eegto ay tahay in meesha laga saaro oo loola dhaqmo sida bulshooyinka kale ee Kenya.
"Waxaa jira aragtiyo laga qabo Soomaalida dalkan. Dowladdan waxa ay bulshooyinka oo dhan ka dhigi doontaa kuwo siman, waxayna meesha ka saari doontaa in si goonni ah loo bar-tilmaameedsado Soomaalida Kenya,” ayuu yiri Aaden Barre Ducaale.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in bulshada Soomaalida ay dunida oo dhan joogaan oo weliba qaar xilal ka hayaan dalal kala duwan, isagoo ku adkaystay in markii laga soo tago asalka halka ay Soomaalida ka soo jeedaan, haddana ay yihiin dad daacad u ah dalka ay muwaadinnimadiisa haystaan.
"Soomaalida ma deggena oo kaliya, Jabuuti iyo Soomaaliya, balse meel walba ayay joogaan. Soomaalida Kongareeska Mareykanka ayay dad ku leeyihiin. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan dowladda Canada,” ayuu yiri Aaden Ducaale.
"Soomaalidu waxa ay daacad u yihiin dalalka ay muwaadiniinta u yihiin. Marka waxaad iila dhaqantaa inaan ahay Soomaali Kenyan sida aad ula dhaqantid bulshooyinka kale," ayuu carrabka ku adkeeyay.
Dhacdooyin hore oo ku saabsan Aaden Ducaale
Horraantii bishii Oktoobar ee sanadkii 2019, ayuu xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo markaas ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya gaashaanka u daruuray sheegashada ah inuu haysto labo dhalasho, midda Kenya iyo tan Soomaaliya.
Arrintaas ayaa soo baxday kaddib markii golaha anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ay billaabeen baaritaan ku aaddan eedo ah in dhowr sarkaal ay haystaan labo dhalasho.
Hase yeeshee, Aaden Barre Ducaale ayaa sheegay in "ay iska caddahay oo bulshada ay ogtahay inaan ku faano inaan ahay muwaadin Kenyan ah. Ma haysto labo dhalasho, weligayna dal kale dhalasho kama qaadan, abidna ma samaynayo,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ruto iyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya
Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee Kenya ayaa inta badan ka hadli jiray arrimaha sida tooska ah u taabanaya bulshada Soomaalida ah ee Kenya, isagoo dhowr jeer oo hore dhaleeceeyay falal uu sheegay in lagu bar-tilmaameedsado Soomaalida dalka.
Sanadkii 2018 ayay aheyd markii uu gaashaanka u daruuray warar sheegayay in inta badan Soomaalida ay ku jiraan ganacsiyo sharci-darro ah, markaas oo uu ku dooday in diinta Islaamka aanay oggoleyn in dhaqaale laga sameeyo waxyaabaha sharci-darrada ah.
"Sida dadka kale, Soomaalida Kenya waxa ay xor u yihiin inay gudaha dalka ka sameystaan ganacsiga ay doonayaan, marka waa in aanan si gaar ah loo bar-tilmaameedsan,” ayuu yiri.
"Soomaalida Kenya waxa ay guusha uga gaareen ganacsiga ayaa ah in ay howlkar yihiin. Waxaa qasab ah in la joojiyo, bulshadeenna lagu bar-tilmaameedsanayo borobogaandada baahsan,” ayuu ku sii daray.
Aaden Ducaale oo ka hadlay bar-tilmaameedsiga Soomaalida Kenya
...