Xildhibaan Macallimuu oo arrimo xasaasi ah shaaciyey: "ATMIS far baa ku godan"

0
Sunday October 16, 2022 - 21:37:57 in Wararka by
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Macallimuu oo arrimo xasaasi ah shaaciyey: "ATMIS far baa ku godan"

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

ATMIS far baa ku godan

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ee hore loogu yaqiin AMISOM sannado ka hor waxa ay ka qeyb qaadan jireen ama hormuud ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xilligii wariyenimadeyda waxa aan u raacay howlgallo badan oo Khawaarijta lagaga saaray deegaano badan, sida: Qoryooleey, Buulamareer illaa Baraawe. xilligaas AMISOM waxa ay ku doodi jireen in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya aaney awood badan laheyn, dadweynaha deegaanadana aaney wadashaqeyn ka heysan.

Hadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waa kuwa dagaalka adag kula jira cadowga, Shacabkii waa kaa ku kacay Al-Shabaab, laakiin nasiib darrada jirta waa ATMIS oo gacmaha ka laabatay dagaalkii ay Al-Shabaab kula jireen oo kaliya ku soo ururay is difaac.

Sidan xal maaha, Baarlamaanka Soomaaliya waxa aan u soo jeedin lahaa kolka uu furmo kalfadhiga innagu soo aaddan in la iska wareysto howlgalka ATMIS. Ciidamo 20,000 gaaraya oo magaca kaalmada Soomaaliya mushahar ku qaata, oo aan haddana kuu ciidmineyn waa arin culus oo shaki badan abuureysa.

Waxa kala oo iyana nasiib darro kale ah Ciidamada khaaska ah ee tababarka sare leh ee Soomaaliyeed in ay ku shaqeeyaan amarro shisheeye oo aay madaxda Ciidamda awood kooban ku leeyihiin. Waxa ay mararka qaarkood Ciidamada iyo xoogagga kacdoonka dadweyne galiyaan cabsi iyaga oo u sheegay in dhowr boqol oo Al-Shabaab ah ay dhankoodu ku soo socdaan drones-kooda ay arkayaan.

Ma duqeynayaan, juuq uma yiraahdaan, haddiise iyagu ay howlgalku qeyb ka yihiin dhan walba waa laga taageerayaa oo ay ku jirto duqeynta ay codsadaan si loo yiraahdo ciidamada dal heblaayo uu tababaro waa cajiib, ma garan karo goorta Ciidanka Soomaaliyeed uu labo qaanad kala galay.

Waxa la joogaa xilligii Al-Shabaab waddanka laga saari lahaa, haddii ciidamada ajnabigu aaney howlgalka iyo dagaallada socdaa aaney qeyb ka aheyn, ma aqaano sabab ay dalka u joogaan.

Hadii ay innaga baxaan Shisheeyaha sadax uun bey mid noqon:

  1. In runta loo dhaadhaco oo aan Al-Shabaab jihaad sax ahaan la galno kana adkaanno, sida ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliyeed.
  2. In Al-Shabaab sidii Daalibaanka ay innaga adkaadaan oo dalka ay la wareegaan.
  3. In cid walba ay taagtiisa runta u sheegto oo la gaaro hishiis dhab ah.

Wixii intaas ka soo hara waa qorshe Ha Dhiman, Hana Noolaan (Daalac Naasil), Waxa aan aaminsanahay haddii ay daacadnimo jirto Al-Shabaab bilo yar gudahood si weyn ayuu u wiiqmayaa lagagana adkaanayaa balse waxaa muuqata ra’yi ay dad badan ka qabaan shisheeyaha waddankeena jooga oo ah in Al-Shabaab nalku dul hayo.

Xildhibaan Macallimuu oo arrimo xasaasi ah shaaciyey:


W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip