
KULAN LOO DHAN YAHAY: "Soomaaliya mushkiladeedu waa inay cunto waxbarashana helaan"
Cabdi Abshir Dhoore oo ah Agaasimaha guud ee rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka qeyb galay, wuxuu ka hadlay dhibaatada u dhaxeysa bulshada iyo ganacsatada oo uu sheegay inaysan wax badan ka ogeyn ganacsiga iyo waxa uu yahay.
"Soomaalida mushkiladeedu waa inay wax cunto waxbarashana helaan, haddii aad u keento Malaay gasacadeysan maba garanayaan” ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore oo sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay sidii ay ganacsiga u horumarin lahaayeen.
Ganacsato Ijaabo Sheekh Xasan Siciid oo ka socotay Puntland ayaa iyana halkaasi ka sheegtay in shirkad ay iyadu asaastay ay ka shaqeeyaan 102-qof oo ganacsi kala duwan ka wada degaanada Puntland.
Dhinaca kale waxaa isna goobtaasi ka hadlay Aqoonyahan La taliye Wasaaradda ganacsiga Somaliland Maxamuud Kheyre oo isagu si toos ah u abbaaray ganacsiga iyo siyaasadda, wuxuuna tilmaamay in ganacsigu aanu lahayn wax xuduud ah.
"Socdaalkeenu ma aha mid siyaasadeed, waxaana ka kala nimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa” ayuu yiri Maxamuud Kheyre oo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed iyagoo kala fikir gudbinayaan ujeeddo isku mid ah.
KULAN LOO DHAN YAHAY: "Soomaaliya mushkiladeedu waa inay cunto waxbarashana helaan"
Iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay xilli kala guur ah, isla markaana xusul xoogan loogu jiro sidii madaxda maanta ay uga soo dhex muuqan lahaayeen isbedellada dalka ka dhacaya sanadka 2016-ka oo ay ka harsan tahay muddo laba bilood ah, aya