Tababaraha xulka qaranka ee guusha soo hoyiyay oo farriin u soo diray Soomaalida.

0
Sunday October 16, 2022 - 11:19:20 in Wararka by
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha xulka qaranka ee guusha soo hoyiyay oo farriin u soo diray Soomaalida.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kulanka kama dambeysta ahaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa xulka kubadda cagta ee Soomaaliya min bilow illaa dhammaad ay ciyaarta ku gacan sarreeyeen.

Soomaaliya ayaa 2018-kii gaartay fiinaalka tartankan, haatanse waxay la hoyanaysaa koobkii tartanka.

Ilaa iyo hadda waxaa baraha bulshada ka socda dabaal degyada ay sameynayaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn ula socday ciyaarta.

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay dad u badan dhaliyaro oo lulaya calanka Soomaaliya kuna dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin guusha xulka qaranka Soomaaliya uu ciyaarta ka gaaray.

Tababaraha xulka qaranka 17-jirrada Soomaaliya Nuur Amiin ayaa BBC uga warramay waxyaabaha u horseeday inay gaaraan guushan.

"Waxaan u sheegay ciyaartoyda inay gaaraan hadafkooda guusha maadama malaayiin qof oo Soomaali ah ay ina sugayaan, tababar badan baan sameynayay, waan soo dhibaatoonay..waxaan dhalinta u sheegay haddii aan qaadno koobkan’ waa kii ay Soomaali ku midoobi laheyd’. ayuu yiri Nuur Amiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip