
Amb. Cawad: "Wax lug ah kuma lihin dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo diiday degenaansho"
Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka:" Safaaradu waa ka war haysaa dhalinyaro dib u dejin loo diiday, anagana wax lug ah kuma lihin.."
Ambassador Axmed Ciise Cawad Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dowladda Mareykanka ay u diiday inay degaan dalkeeda.
Safiirka ayaa sheegay in safaarada Soomaalida ay ka warheyso hase ahaatee aysan jirin in safaarada ay ku lug leedahay in dalkooda dib loogu soo celiyo loona diido dalka Mareykanka.
Safiirka ayaa sheegay in dadka loo diiday dib u dejinta ay tiradooda u dhaxeyso 20 ilaa 40 qof oo dhamaantood Soomaali ah.
Dowladda Mareykanka ayaa hada waxay Maxkamadeyneysaa 3 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku biiri rabeen ururka Daacish.
Audio Player
Amb. Cawad: "Wax lug ah kuma lihin dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo diiday degenaansho"
Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka:" Safaaradu waa ka war haysaa dhalinyaro dib u dejin loo diiday, anagana wax lug ah kuma lihin.." Ambassador Axmed Ciise Cawad Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed