Ciyaaryahankii guulaha taariikhiga ah gaarsiiyay Soomaaliya haddana tababare u ah kooxda guuleysatay

0
Thursday October 13, 2022 - 07:22:59 in Wararka by
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahankii guulaha taariikhiga ah gaarsiiyay Soomaaliya haddana tababare u ah kooxda guuleysatay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,NUUR AMIIN

Mas'uuliyiinta xulka qaranka

Xulka Qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maanta usoo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika. Waxaa ciyaartoydan hoggaaminaya oo tababare u ah nin horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay guulo waaweyn.

Nuur Maxamed Amiin ayaa Kkooxda uu hadda wato isagoo tababare ah waxa ay tartanka socda guulo uga gaartay xulalka Itoobiya iyo Uganda, iyagoo hadda filaya inay guul taariikhi ah ka gaaraan ciyaarta ugu dambeysa.

Nuur Amiin ayaa BBC-da u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay sameynayaan dhallinyarada ciyaartoyda ah ee uu tababaray.

"Alle ayaan uga mahad celineynaa in uu noo hirgalay qorshaheenna, oo aan gaarnay guul," ayuu ku yiri BBC-da, markii ay dhacday ciyaartii hore ee ay la yeesheen Itoobiya.

In muddo ah ayuu dadaal ugu jiray barbaarinta ciyaartoyda da;da yar ee xulka qaranka, si ay heer fiican u gaaraan.

Dhammaan ciyaartoyda kooxda hadda wacdaraha ka muujisay tartanka socda waa dhallinyaro uu Macallin Nuur Amiin si iskiis ah uga soo xushay iskuullada, sida uu BBC-da u sheegay dhawaan.

"Waxaan kusoo barbaarinnay wixii ay berri qaban lahaayeen. Ujeedkeennu waa inaan mar walba guuleysanno, haddana qaddarta Alle waa halkeeda," ayuu yiri.

Kooxda Qaranka

XIGASHADA SAWIRKA,KOOXDA QARANKA

Ciyaartoyda uu macallinkan wato ayaa ammaan badan ka helay buslahada kaddib markii ay lasoo shir tageen qaab ciyaareed cajiib ah, shakhsiyaadka laga tilmaamona waxaa ka mid ah gool hayahooda koowaad iyo weeraryahanka labada jeer goolka u dhaliyay, Cabdixaafid Maxamed.

Mar uu Nuur Amiin ahaa ciyaartoy guulo usoo hoyiyay qaranka

Marka laga soo tago macallinnimadiisa, isaga qudhiisa ayaa horay xirfaddiisa ciyaaryannimo kaalin weyn uga soo qaatay guulo usoo hoyday xulka qaranka Soomaaliya.

"Muddo 14 sano ah oo aan u ciyaarayay qaranka hal habeen oo keliya ayaan galay kursiga keydka, habeenkaasna kuma aanan dhammeysanin oo waan soo galay qeybtii dambe ee ciyaarta," ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay BBC-da.

Isla habeenkaas, oo uu ciyaarta soo galay 15-kii daqiiqo ee ugu horreysay ayuu Nuur Amiin sameeyay ficil taariikhda galay, ilaa haddana dadka qaar ay xasuustaan.

Mas'uuliyiinta xulka qaranka

XIGASHADA SAWIRKA,NUUR AMIIN

Waxaa lasoo geliyay ciyaar qeyb ka ahayd tartanka dalalka Carabta (All Arab Games) oo ay Soomaaliya martigelisay 1979-kii.

Goolka guusha

Nuur Amiin qudhiisa oo ka sheekeynaya marxaladdaas ayaa yiri: "Rubi saacii ugu dambeeyay ee aan soo galay, Alle wuxuu qaddaray inaan goolkii ugu horreeyay ee taariikhda ay Soomaaliya ugu gudubtay ciyaar kama dambeys ah ama fiinaalka, kaasoo ahaa goolka guusha.”

Ciyaarta oo 1-1 mareysa ayuu Nuur Amiin dhaliyay goolka labaad ee guusha xaqiijiyay, waxa uuna ku tuuray madaxa.

"Waxay ahayd markii ugu horreysay ee xulka qaranka Soomaaliya uu gaaro ciyaar fiinaal ah," ayuu yiri.

Kooxda uu ka mid ahaa Nuur Amiin ee da'doodu ka yareyd 20-ka sano ayaa 1981-dii ku guuleysatay koobka tartankii Bariga iyo Bartamaha.

Waxa la sugaba waa in la eego natiijada ay ciyaarta fiinaalka kala kulmaan macallinkan ciyaartoyga halyeeyga ahaan jiray iyo kooxdiisa dhallinyarada ah.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip