Dagaalamaayasha Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degaanka Yasooman

0
Wednesday October 12, 2022 - 06:38:04 in Wararka by
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalamaayasha Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degaanka Yasooman

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciddanka Macawisleyda oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka socda degaanka Yasooman, waxaana lasoo sheegayaa inuu yahay dagaal aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in aroornimadii hore ee saakay ay weerar xooggan ku ekeeyeen degaanka Yasooman, waxaana sidoo kale dagaallo culus ay ka dhaceen degaanno kale oo u dhaw isla degaanka hadda lagu dagaalamayo ee yasooman.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah maaddaama wali dagaalku socdo.

Degaanka Yasooman waxaa uu ka mid ahaa degaanadii dhawan dib ay ula wareegeen Ciidanka Macawisleyda oo kaashanaya Ciidanka Xoogga dalka





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip