HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA OKTOOBAR 2022-KA

0
Saturday October 08, 2022 - 08:07:53 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA OKTOOBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay Shirka Golaha Golaha Wasiirada

Madaxweynaha JFS Xasan Sh.Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka 7-laha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xa silinta deegaannada laga xoreyn ayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilma amay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanna da ay ku ay maamulaan Al-Shabaab, iyadoo dowlad du ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Alshaba ab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanad aas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku la dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta 1aad siiyaan ladagaallanka Al-Shabaab oo caqab adda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaara daha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhanka ah Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkee nna.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Oo Magacaabay Mas’uul Cusub (Wareegto)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soo maaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Aga asimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFSoomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’Iis ul Wasaare Xamse ayaa waxaa si KMG ah uu xilka Agaasimaha Guud ee Wa saaradda Arrimaha Gudaha ugu maga caabay inuu noqdo Caydaruus Macalin Xasan Cabdulle, kaasi oo bedelaya mas’uulkii isaga ka horreeyay.

Magacaabista Caydaruus Macalin ayaa ku timid, ka dib markii la arkay baahi loo qabo in la dardar-gel iyo habsami u socodka Arrimaha maamulka ee Was aaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u he shiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista

Aadan Madoobe Oo Khadka Telefoonka Wada-Hadal Kula Yeeshay Dhiggiisa Finland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aad an Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleef oonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Matti Vanhanen.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ayaa ka wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin xiriirka iyo saaxibtini mada labada Baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale inta uu socday kulanka khadka Telefo onka ayaa waxaa isla soo qaaday xiriirka soo-jireen ka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga lab ada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhina cyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in laga wada shaqee yo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowla daha Soomaaliya iyo Finland.

Shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqd isho Iyo Dowladda oo si Kulul uga Hadashay

Ururka Al-Shabaab ayaa joojisay dhismayaal ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iya doo milkiilayaasha iska leh dhismayaashaasi ku am artay iney hakiyaan shaqada, sida xoga ha la helayo ay muujinayaan.

Axmed Macallim Fiqi Wasiir Arrima ha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshi isiinta oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismaya al ka socday Muqdisho u ista ajiyey ama rro ka yimid Alshabaab ayaa sheeg ay in Dowladda Soomaaliya ay fareyso milkii leyaasha dhismayaa shaas, in la qaato amarka Al-shabaab uu ka tarjum ayo in ay tahay arrin dambi ah.

"Cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duur arka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoo gsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujiney saa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay” ayui yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu milkiilayaasha goobahaasi ganacsi fa ray iney deg deg u shaqa bilaabaan, isagoo sheegay in dowladda ay talaabo adag ka waadi doonto cidii aan u hagaansamin awaamirteeda ee mida Shabaab qaadato.

"waxaan fareynaa in la fasaxo dhamma aan dhisme yaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu amm aanku ay tall aabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argi gixisada ah, cid kasta oo amarka dow ladda fulin wey dana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Bilaal Bulshaawi oo ka waramay qaabkii loo dhaawacay iyo xaaladiisa

Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaano Bilaal Bulshaawi ayaa ka warbixiyey xaaladiisa caafimaad, kadib mudo bil ah oo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho lagu baxnaaninayey

2-dii bishii September ayaa Bila al Bu lshaawi iyo wiil saaxi ibkiis ah lagu dhaa wacay maq aayad ay ku caweynayeen oo ku taalla aagga isbitaalka Banaadir, xilli habeen ah, kadib markii ay soo weerareen koox aan ilaa hadda heybtooda la garan.

Bilaal oo ka sheekeeyey dhacdadii habeenkaas ay aa sheegay in laba xabadood ay ku dhacday, balse hadda uu ka soo kabsanayo, sidoo kale wuxuu shee gay in caafimaad dalka dibadiisa ah uu u baahan yahay.

TV-ga Dalsan ayaa xaafadiisa ku soo wareystay Bilaal Bulshaawi oo hadda dhaawaciisa laga saaray isbitaalka, balse naawilaya inuu u safro dalka dibad iisa, si baxnaano caafimaad oo tan dalka dhaanta uu u helo.

Ugu dambeyntii Bilaal Bulshaawi ayaa dadka Soomaaliyeed ee uu caawi jiray, maadaama uu ka shaqey jiray howlaha samafalka wuxuu weydiistay inay ku garab istaagaan sidii ay caafimaad dalka dib adiisa ah u heli lahaayeen, isaga iyo saaxiibkiisa lala dhaawacay.

Maxkamadda Ciidamada Oo Shalay Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Askari Dilay Taliyihiisa

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay oo jimco ah xukun dil to ogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sh.Xasan oo si bareer ah u dilay Taliyihii Ururka 59-aad ee Gaadiid ka xooga dalka Dhame Cabdi Max amed Axmed Hurdaaye.

Cabdinaasir Daa’uud ayaa lagu too gtay fagaaraha Iskuul buluusi ya, wax aana goobjoog ahaa goob ta ay ka dhaceysay toogashada xubno ka tirsan Ma xkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiil ka mid ah Ciidanka Xoogga. Maxkamad da Ciidamada ayaa maalmo kahor xukun dil toog asho ah ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo qirtay inuu 29-kii September 2022 si bareer ah u dilay Taliyihiisii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye, sidoo kalena dhaawacay laba qof oo shacab ah.

Cabdinaasir ayaa kal hore Maxkamadda kahor sheegay in sababta uu u dilay Taliyihiisii ay aheyd xa quuq ka maqan uu ka cabanayey, wuxuuna intaas kusii daray inuu isagaahaa nin qaban waayay mid kamid ah Shaqooyinkii loo diray oo ahaa in uu qeyb ka noqdo Ciidamo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay Gobolada

Macalimuu oo dood adag ka keenay qaabkii Shalay loo toogtay askariga

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dood ka keenay hanaankii ay Shalay maxkamadda ciidamada Soomaaliya u fulisay qisaasta askarigii horay u dilay Taliyihiisa, kaas oo kiiskiisa lagu soo gabagabeeyey mudo todobaad ah.

Macalimuu oo ugu horeyn qoraal ka soo saaray ariintaas ayaa yiri, "Qofkii qof dila in la dilo shareec ada Islaamka ayaa qabta, raali baanan ka nahay . Waxaa naga maqan oo aan Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiis aneynaa meydka wiilkaas la too gtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in na loo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaa dir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin.”

Xildhibaan Macalimuu oo isku heyb ay yihiin askariga Shalay la qisaasay ayaa intaas ku sii daray, "Meesha ay toogasha du ka dhacday ma aheyn caadiyan meelaha dad ka dadka lagu toogto oo xero ciidan ayaa la geystay.”

Ugu dambeyntii Macalimuu ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Sharciga waa in loo sinnaado. Wiilkaa meydki isa hadaan heli weyno, waxeey ka dhignaan doontaa ku tagri fal awoodeed iyo dhaqan cusub oo bilowd ay.”

Intaas kadib TV-ga Somali Cable ayaa Xil dhib aan Macalimuu ka wareystay waxa ay salka ku hey sto tabashadooda, maadaama ay ku qanacsan yi hi in xukunka, wuxuuna sheegay in reerka askariga la toogtay aysan waxaba kala socon wixii Shalay dh acay.

Askariga ayaa lagu dhex toogtay xerada Jene ra al Goordan ee degmada Hodan, halkaas oo 29-kii September uu ku dhex dilay tliyihiisii, waxaana meyd kiisa lagu aasay Isbitaalka Ciidanka Xoogga, iyadoo lagu garab aasay Taliyihiisii uu horay u dilay.

Xildhibaan Maxamed Macalimuu ayaa wareysigaan ku sheegay in askariga la qisaasay laga qariyey reer kiisa oo la beeleeyey kiiskaan, isla markaana waalidi inta laga qariyey fulinta qisaasta iyo duugista wiilkoo da, halka ay goobjoog ahaayeen reerka kale ee nin ka loo qisaasay. Maxkamadda Ciidamada ayuu Ma calimuu aad u gu dhaleeceeyey arrintaan, isagoo sheegay in xukun ka fulintiisa sida uu u dhacday uu san qabin sharciga dalka, iyadoo qofka la xukumo uu xaq u leeyahay ra cfaan, inuu diyo bixiyo iyo inuu sii noolaado ugu yaraan 40 cisho.


Guudlaawe "Qaraxyadii Baladweyne Waxa Ay Ba abi’iyeen Dhamaan Xafiisyadii Maamulka”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxy adii Is-miidaaminta ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan oo ay geysteen saddexdii qarax ee loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxy aabaha qarxa, kuwaasi oo lagu weeraray xerada lam agaalay oo ku yaallan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Beledweyne oo bu rbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gur madaan dadka ku hanti waayay weerada, wuxuuna xusay in khasaaro lixaad leh oo hantiyadeed ay jiraan.

"Runtii meesha dhibaatada ka dhacday waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran oo ka weyn Maam ulka Hirshabeelle, dhibaatada dhacday waa in qaran ahaa loogu soo gurmado, dhammaan Xafiisyada Hi rshabeelle ee Hiiraan waa burbureen” ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu intaas kusii daray Guudlaawe inay Jawa ab ka bixiyey doonaan qaraxyadii ay Al-shabaab ku weerareen xerada lamagaalay oo ku yaallan Xafiisy ada Hirshabeelle ee Hiiraan, sida Xarunta Madaxtoo yada, Xafiiska Guddoonmiyaha Gobolka iyo Xafiisyo kale.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Xarunta bangiga Horu marinta Afrika (AFDB) ee magaalada Nairobi, halk aasi oo ay kulan uu kula yeeshay madaxda Bangiga ee barig

a Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wada-hadalkii ay yeesheen labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray barnaamij ka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maadaama uu dhisay xaruma ha ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ee lagu ur uuriyo cashuuraha dalka.

” Waxa aan Shalay booqasho ku tagay Xarunta Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ee magaalada Nairobi, halkaas oo aan shir wax-ku-ool ah kula ye eshay madaxda Bangiga ee bariga Afrika oo Soo maaliya ay ka mid tahay.

Waxa aan wada-hadal keennii diiradda ku saar nay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo Bangigu uu qeyb wayn ka qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu nala garab taagan yahay. AfDB waa saaxiib muhiim u ah dakhli kordhinta dalka maa daama uu innoo dhisay xarumaha ugu muh iimsan ee cashuuraha dalka.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda FS

Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay xaaladda aba arta daran ee ka jirta inta badan gobollada degaanka Sooma alida

Wasiirka Maaraynta Khataraha iyo Masiibooyin ka ee dowlada degaanka Soomaalida Axmed Yaas iin Sheekh Ibraahin oo Warbaahinta waraysi siiyay ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta ee ka jirta deg aanka Soomaalida iyo saameynteeda.

Wasiirku waxa uu sheegay in abaartii hore xilligii ay degaanka jirtay uu mar roobkii gu'ga uu ka da'ay de gaanka balse roobkaasi uu ahaa mid aan ku filn aanin, sidoo kalena ay biyo yari ka jirtay inta badan meelihii ay abaartu saameysay.

Abaartan oo ahayd mid daba dheeraatay waxay degaanka kaga tagtay saameyn badan, iyadoo xoolihii markii ay biyo ya raantu dhacday ay noqdeen kuwo cad iyo caano midna aan laga helayn, sidaas darteedna dadkii oo xoolo dhaqato u badnaa ay noqdeen kuwo ku barakaca meelihii ay hadba is yiraahdaan biyo iyo baad ayaad ka heli kartaan.

Iyadoo abaartani ay si guud u saameysay gobol lada uu degaanka Soomaalidu ka kooban yahay, ay aa Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay inay usii daran yihiin gobollada Daawa, Nogob iyo Afdheer.

Dowladdu maysan sheegin qorshaha hadda uga yaal abaartan, iyo wixii laga yeeli lahaa iyadoo maa linba maalinka xigta ay kasii darayso abaartan dadk una oo intiisa badan ay ka dhammaadeen xoolihii ay bilaabeen inay u barakacaan goobaha ay is dhihi karaan waad ku noolaan kartaan.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Booqday Dhaawa cyadii laga keenay Baledweyne "Sawirro”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan o Shalay booqday xaaladda dhaawacyadii laga kee ney Magaaladda Baladweyne.

Wasiirka ayaa Ma amulka iyo Dhaqaatiirta Isbita alka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageys tey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii la ga keeney dhawa an Magaalada Baladweyne ee xar unta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid isagoona xogwareys anayey dhaawacyada xaaladdo oda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad midka uga wanaagsan..

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fii can ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacy ada inkastoo ay jiraan kiisas yar oo u baahan dib adda, dhanka kale qaar kamida bukaanada ayaa ay aa kamadceliyay baxnaano fiican iyo adeeg Caaf imaad ee loo fidiyay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel ka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu bar yey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheeg ey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu war qabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaaf imaa dka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiraan.

Galmudug iyo safiirka Talyaaniga oo saxiixay heshiis lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Xaflad lagu maamuusaayey saxiixa heshiis ku saabsan mashruuca dayactirka garoonka diyaarada ha ee Dhuusamareeb,ayaa Shalay lagu qabtay mag aala da Muqdisho. Heshiiska saxiixaan waxaa ka qey bgalay Wasiir ka Gaadiidka Dowlad Gonoleedka Ga lmudug C/ris aaq Maxamed Maxamuud.danjiraha safaaradda Tal yaaniga ee Soomaaliya Albert Fiki iyo xubno kale oo ka socday hey’adda WFP.

Mashruuca dayactirka garoonka oo so con doona illaa dhammaadka sanadk aan waxaa ku baxay lac ag dhan 3-mil yan iyo boqol kun oo doolar.mashruu caan oo ay ku yabooheen dowladda Taly aaniga ah,waxaa ku lug leh ama fulinaya hey’adda WFP

Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay baaqa beesha caalamka

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay soojeedinta beesha caalamka ee ku aadan in doorashooyinka loo qabto sida ugu dhakhs aha badan ee ugu haboon.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali War aabe, ayaa qoraal uu ku baahiyay ba raha bulshada baaqa beesha caalamka ku sheegay in ay tahay fursadii ugu dan baysay ee uu madaxweyne Biixi haysto.

"Baaqa ay soo saareen dalalka EU-da ee inagana ca awiya sanduuqa ( SDF) Iyo dalka Maraykanka oo wa dashaqaynta tooska ah inala bilaabay, waa fursadii u gu dambaysay ee loo jeediyay madaxweynaha sha rci diidka ah, anagu waanu soo dhawaynaynaa sida anu horeba xalkasta usoo dhawayn jirnay" ayuu yidhi Waraabe.

Waddamada Somaliland ka caawiya geedi socod ka dimuquraadiyada ayaa qoraal, ay soo saareen xukuumada Somaliland ku booriyay in doorasho oyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha ba dan.

Jeesow oo jawaab kulul ka bixiyey ‘beegsi Jeyte uu ku sameeyay’ beeshiisa

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay beegsi uu sheegay in Guddoomiyaha go bolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan kula kacay bee sha uu kasoo jeedo, kadib qaraxyadii dhawaan gilg ilay magaalada Beledweyne.

Jeesow ayaa sheegay in guddoomiye Jeyte uu ciidamo badan dul dhigay Buundada Liiq-liiqata, isla markaana uu amray in qofka reer Qoraxsin ee gud aha magaalada usoo gudbaya si gaar ah loola dha qmo, sida uu sheegay.

"Ciddii soo gudubta ee reer Qorax sin wajiga hal aga calaamadiyo ayuu yiri, sida la igu yidhi guddoo miyaha yi dhi oo Booliskii meesha joogay ayaa shee gay. Waa masuuliyad xumo oo aan ku habooneyn dadka reer Qoraxsin,” ayuu yiri.

"Reer Hiiraan dhibaatada wey wada saameysay qoys aan laga dhiman malaha, dadka reer Qoraxsin ayaa ugu badna dhimashada marka Ilaahay laga ba qayo. Arrintaasi waa kala qeybin umadda Soomaa liyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in labada gaari ee qaraxa ku rarnaayeen aysan kasoo gudbin dhanka buundada, hase yeeshe baabuurkii saddexaad uu ka gudbay ayada oo la xabadeynayo uu ka gudbay.

"Guddoomiye haddii saaka ciidamada aad soo daadisay ay aheyd ciidamo aad ku xumeyneysid dad ka reer Qoraxsin waa qalad iyo masuuliyad xumo. Waxaa ka rabna haddii ay jirto in aad raali-gelin shac abka ka siiso, labada dhinacba dadka adiga gudd oomiye u ah.”

Xildhibaan Jeesow ayaa ku eedeyay guddoo miye Jeyte in uu eekaday guddoomiye degmo, isaga oo ah heer gobol, taasi oo uu ku tilmaamay arrin aad looga xumaado maadama guddoomiyihii degmada uu joogo.

"Hal dhinac ha ku eedeyn wixii dhacay, idinka waa qaxdeen aniga gurigeyga daganahay waxaa diy aar u ahay in aan is-difaaco. Magaalada kusoo noq da oo dadka deganaansho ku beera, amaankaaga haddii aad sugan weyday cid kale amaankeeda ma sugi kartid.” Waxa uu intaas kusii daray "Adiga (Jeyte) ka daa dadka kala qeybinta, adiga guddoomi ye u wada ah ee maxaa kaligood uga hadleysa oo buundada ha la xiro u leedahay. Umad isla dagaal gal eysa ha ahaa to, oo ha u eekaan nin dadka qeybinaya.” Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadka reer Hiiraan inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab iyaga oo isku duuban, islamarka ana iska kiciyaan cadowga si ay ugu noolaadaan xor nimo gobanimo leh

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Beledweyne oo la shaaciyay

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cisma an oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay tirada dadka ku wax yeeloobay qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ku sheegay soddon qof, halka dhaawacuna uu ku sheegay sideed iyo konton kale.

"Waxaan rabaa marka hore inaan tacsi u diro dadkii ku geeriyooday falkii fuleynimo ee argagixisa du sameysay, kana dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan Xarunta Gobolka illaa dhanka bacadlaha ragga, dadkii ku baaba’ay ee isugu jiray shacab, as kar iyo madax, intaba.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

"Meeshaa waxaa ku dhintay dad 30 qof ah, inta aan xaqiijinay meydkooda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Dhaawacuna waa 58 qof, inta aan xaqiijnay, laga yaabo inay ka sii badan yihiin oo isbitaalo badan ayaa magaalada ku yaala.”

Dhanka kale Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka ka cods aday inay Beledweyne u soo dirto guddi baara qara xyadaasi, oo tuhun ay ka muujinayaan in Shabaab laga gacan siiyay in qaraxyadaasi ka gaystaan magaalada.

"Argagixisadu dhibaato waa gaysataa, waa ha y’ad argagixiso ah, waana virus ummadda dhiigeeda caadeysatay, laakiin waxaa la rabaa masuuliyaddu inay cid yeelato. Saddexda baabuur ee subaxii hore laba soo gudubtay, midna Shalaytii soo gudbay, sad dexduba buundadaasi ayay ka soo gudbeen, labada dhinacna waxaa ka joogga ciidan boolis ah.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa Talisyada Booliska iyo Na bad Sugidda ee Gobolka Hiiraan ku eedeeyay inay ka gaabiyeen waajibaadkii loo igmaday, xilli ay dag aal adag kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Jeyte ayaa arrinta baaritaankaasi u daayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, isagoo hoostana ka xariiqay inay sii wadi doonaan gulufka ay kala horjeedaan Shabaab.

"Hadda waxa ay sameeyeen waa gacan munaaf aq, qaraxyada ay meeshaa ku soo celiyeen saddex da jeer iyo khasaaraha dhacay wax isu dhow ma ah an, waxaana nooga qorsheysan Shabaab ama ha boodo ama ha deggo ama aabihii bidixda haku salaa mo, Shabaab haddana xooggiisaa burburinaynaa, sa acadaha ku soo xigana ukumihiisaa bixinaynaa. Ilm ihiisa iyo xaasaskiisa magaaladan ayay jooggaan, halkan ayay jooggaan waan ognahay.” Ayuu yiri Je yte.

Jeyte ayaa intaasi raaciyay "Shabaab hadda wa xaan la dagaalamaynaa kiisii qoriga sitay, islaamihi isa, carruurihiisa, ukumihiisa iyo kii berri’ la shaq eeyay, lama cafin doono. Ninkii guri ka ijaaray asa gana inuu xabsi muteysanayo, gurigana in lala ware egayo oo dowladdu la wareegayso. Hadda qof kas taa Shabaab ha iska saaro.”

Xukuumadda oo magacaabeysa guddi ka Shaqe eya lacag u arruurinta Ciidamada kujira furimaha dagaalka

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaara ha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xi ldhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Go bolada dalka ayaa sheegay in ka dhalin yaro ahaan ay uga qeyb qaadan karaan dhowr waxyaabood si lo oga guuleysto Al-Shabaab.

Wasiirka waxaa uu sheegay inay qorsheeynayaan Magacaabista guddi dhalinyaro ah, kuwaas oo sameeyn doona dhaqaala aruur inta iyo taakuleynta Ciidamada kujira furimaha ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaa liya waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed daga alka kuwajahan Al-Shabaab ay uga qeyb qaadan kar aan dhowr nooc si awooda la isugu geeyo ka xureyn ta dalka fursadaasna ay heystaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli meelo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan kacdoon ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, ka as oo keenay in degaano badan ay ciidamada dowl adda iyo dadka degaanka kala wareegaan Al-Shab aab.

In ka badan 10- ka mid ah Al-Shabaab oo lagu dil ay deegaan ka Basra.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan 19 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay kadib dagaal qaraar oo Shalay ka dhacay deegaankaas.i

Sida ay shaacisay warbaahinta dowl adda, dagaalka lagu dilay maleeshi yada Al-shabaab ayaa dib uga qarxay tuulada Muryaale, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay maleeshiyada Al-shabaab isku aruurs anayeen, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.Ciidamada dowl adda ayaa toddobaayadii ugu dambeeyay howgallo amni ka sameynayay deegaankan oo saldhig u ahaa maxkamadaha maleeshiyada Al-shabaab. Deegaan kan ayaa ah halkii Jimcihii hore lagu dilay Taliyihii Cii damada Booliska Gobolka Benaadir Farxaan Qaro ole.Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaan no tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab horraantii bishii hore ee September.

Sanbaloolshe oo fasiraad ka bixiyay hadal siyaabo badan loo turjumtay

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalo olshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacab ka ayaa fasiraad ka bixiyay hadal uu dhawaan shee gay, kaasi oo ahaa in reer Hiiraan aysan sii wadi kar in dagaalka Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadalkiisi hore si xun loo fasiray, balse ujeedkiisu ahaa in laga wada qeyb qaato dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Sha baab oo ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo ciri btiro argagixiso.

"Hadalkayga ma aheyn in aan anaga (reer Hiir aan) sii wadi karin dagaalka, oo micn aheedu tahay in aan ka daalnay daga alka ee xuduudo kale ayuu nala gala ya marka aan ka baxno Hiiraan, xud uudahaas kale ma gaari karno haddii aan laga wada shaqeyn ama dadka degan uusan na la jaan-qaadin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedkoodu ah eyn inay iska difaacan cadowga oo gobolka ka saa ran oo kaliya, hase yeeshe ay rabaan in guud ahaan Soomaaliya laga waayo argagixisada Al-Shabaab.

"Cadowga inta uusan idin halaagin waa in aad hal aagtan, cadowgu wax uusan maleysaneyn ayaa kula dhaqanteen oo weligiis cabsi kama qabin in qabiil Soomaaliyeed uu ka horyimaado oo iska kor qaado heeryadiisa, waxaa tihiin deegaankii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo si muuqata ula dagaalay ee dadka Soomaaliyeed toosh u daaray, waa idinku hambalye eynaya.”

"Waxaa rabaa in aan idin sheego saaxiib hadduu leeyahay dagaalkan waa dowladda federaalka ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xuku umadda, saaxiibka kale waa saaxiibadeena shishe eye ee Mareykanka iyo ciidamada xooga dalka oo is kaashanaya, saaxiibka saddexaadna waa dowlad de egaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo saaxiibka kal ena waa dadweynaha.”

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aysan hilmaami doonin cidkasta oo codsi ay u dirsadeen, haddana ku fiirsata culeys ka uu cadowga ku hayo, sida uu hadalka u dhigay. "Gacmo wada-jir ayaa wax lagu gooya, cadowga Shalay wuu nugul yahay ee aan isla wada dilno Shalay, si uusan qofba maalin u dilin.”

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan ku wa dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa wa xaa uu ka dhacay degmada luuq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa wax aa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano xero kowaad oo ah afaafka hore ee laga ilaaliyo buundada degmada luuq.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dag aalka uu ahaa mid xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana khas aaro uu kasoo gaaray labada dhin ac iyo dad rayid ah.

Saraakiil katirsan laamaha Am niga degmada luuq ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku doonaysey in ay ku waxyeelayso ciidamada, bal se xogta oo ay heleen ay kaga hortageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deg mada luuq ayaa sheegaya in xaaladdu ay Shalay tah ay mid dagan, isla markaana isku socodka dadka Gaadiidka iyo Ganacsiga ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay muddo kordhinta loo samayay madaxweynaha Somaliland

Qoraal kasoo baxay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in loo bahanyahay in doorashooyinka Somaliland loo qabto sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Qoraalkan oo lagu baahiyay bo ga Twitterka ee Wasaarada Arr imaha Dibadda Maraykanka qay bteeda arrimaha Africa, ayaa la gu booriyay xukuumada Somaliland in ay qabashada doorashooyinka u raacdo habraaca ay guddida doorashooyinku soo gudbisay.

"Ka dib go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ee muddo kordhinta toddobaadkan, saaxiibada caal amiga ah ee la socda geeddi-socodka dimuqraad iyaynta, waxay doonayaan inay hoosta ka xariiqaan muhiimadda ay leedahay geeddi-socod la isku raa csan yahay oo ogolaanaya in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyinku u qabsoomaan si waafaqsan tixgalinta farsamo ee ay guddida doorashooyinku dejiyeen".

Waxa kale oo lagu sheegay qoraalka in loo bah anyahay in matalayaasha siyaasadu ay ku heshiiy aan nidaam doorasho oo wakhtiyaysan, si kalsooni loogu qabi karo nidaamka dimuquraadiyada Somal iland.

"Mar labaad, waxaanu ku boorinaynaa dhamaan matalaayasha siyaasada

Somaliland in ay si wax dhisaysa u wada shaqeeya an khariidad doorasho oo wakhtiyaysan, si loogu ka lsoonaado dimuquraadiyada iyo xasiloonida Somal iland".

Waddamada iyo urrurada qoraalkan ku saxeexa n ayaa kala ah:- Denmark, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Holland, Norwey, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mara ykanka.

Weerar ka dhacay dalka Thailand oo sababay dhimashada 34 Caruur ah

Thailand weerar lagu qaaday xarun lagu xan aaneeyo caruurta oo sababay dhimashada 34 qof.

In ka badan 34 qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay weerar tooga sho ah oo ka dhacay xarun lagu xa naaneeyo caruurta oo ku taal gobol ka Nong Bua Lamphu ee waqooyi bari dalka Thail and. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu oo hore uga tirsanaan jiray Booliska iyadoo aan weli la soo qaban dhib geystaha

SOOMAALIYA OO NOQOTAY DALKA KELIYA EE MUSLIM IYO AFRIKAN AH OO U CODEEYAY QABASHADA DOODDA XADGUDUBKA SHIINAHA EE MUSLIMINTA UYGHUR.

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mi doobay ayaa ku guuldaraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka dambe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiy ada ka dhanka ah xuquuqda aad anaha ee ka dhacay gobolka Xi njiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiy adda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool.

Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeya an 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraar kan ka aamusay 11 xubnood.Ka hor intii aan coday nta la bilaabin, qaar ka mida dalalka xubnaha ka ah golahan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan qaraarkan qabyada ah, iyo muhiimadda uu u leeyahay in goluhu taageero.

Maraykanka oo ka mid ah toban dal oo reer Galb eedka ah oo dabada ka riixayey qaraarkan ayaa gol aha soo hordhig ay.Cadaadis uu saaray dalka Shiinu hu illaa 13 wad dan oo Afrikan ah ayaa faa’iido u noq otay ama hors eedday inaan la meelmarin qaraark an.Sideed dal ay aa ka hor yimi qaraarka, halka afar dalna ay ka aam useen, Soomaaliya ayaa noqoday dalka keliya ee ku yaalla Afrika, kana tirsan Ururka Midowga Islaamka ee qaraarkan taageeray.Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in afar dawladood oo muslimiin ahi inay ka horyimaadeen qaraarkan, halka dawlad kale oo mus lim ahina ay ka aamuseen.

Danjiraha Mara ykanka u qaabilsan Golaha Xuqu uqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Taylor ayaa xustay in caddaymaha muujinaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha in lagu soo bandhigay warbixintii Qaramada Midoobay ee la soo saaray bil ka hor.Waxay intaas sii raacisay, inay muhiim tahay in madal dhexdhexaad ah lagu qabto dood arrintaas ku saabtan.Warbixin ay soo saartay bishii August 31-keedii, madaxii hore ee Golaha Xuq uuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Ba chelet, waxay ku xustay caddaymo muuqda oo ka ha dlaya jidh-dil, bahdilaad, xadgudubyo galmo, ama xadgudubyo jinsi oo ka dhan ah qowmiyadda laga tirade badan yahay ee Uyghur.

Warbixinta ayaa ku sheegtay in xadgudubya daasi, inay gaadhsiisnaan karaan illaa heer lagu tilm aamo, xadgudubyo ka dhan ah bini’aadantinimada.In ka badan hal milyan oo ah qowmiyadda Uyghurs iyo kooxo kale oo muslimiin ah ayaa lagu soo waramay aa inay ku xidhan yihiin, waxa loogu yeedho xaruma ha farsamada gacanta ee gobolka Xinjiang.

Shiinaha ayaa si joogto ah u dafira eedahaas, is agoo markale ku heliyey isla fariintaas.Danjiraha Shii naha u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla Geneva ayaa sheegay in hindidaha qabyada ahi uu yahay mid siyaasadaysan oo uu Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedku ay dabada ka riix ayaan, wuxuuna ku eedeeyey inay been abuur sam eeyeen, isla markaana ay Shiinaha ka faafiyeen war ar aan sugnayn.Dalka Shiinaha ayaa cadaadis bad an ku haya muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang.

Madaxweyne Laftagareen "Madhici doonto in K /Galbeed noqoto god bahalo galeen ah oo Shaba ab ku hakadaan"

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soo maaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgadu ud iyo qorshaha kaga aadan Koonfur Galbeed dagaalada ka dhanka ah Shabaab.Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in haatan la joogo waqtigii ay soo afjarmi lahayeen Al-shabaab oo wax walibana waqti ay leeyihiin, isago ona carabka ku adkeeyay in firxadka Shabaab ee ka imaanaya gobolada kale ineysan suurtagal noqon doonin in Koonfur Galbeed ay ukuma dhigtaan waa sida uu hadalka u dhige.

"Shabaab waqtigiisa waa soo dhamaaday intii dhibaato ay ugeysteen Shacabka Soomaaliyeed inta an ayaa kaga filan, waxaa naga goan inaan soo afja rno sida uga dhow Argigixisada ku dhuumalaysana yaa Gobolada Koonfur Galbeed, haatan waxay how lgalada ka bilawdeen gobolka Bakool, deegaanada kalana waa in deg deg looga bilaaba howgalada" ay uu yiri madaxweyne Laftagareen.

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deega anada maamulka Koonfur Galbeed iney u diyaar gar oobaan in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab, sida shacabka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ay ula dagaalamayaan Al-shabaab.

"Madhici doonto inay Soomaaliya dhan Al shab aab iska soo saaran oo ay anaga nagu hakadaan oo ay koonfur galbeed noqoto god bahalo galeen ah" ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Koon fur Galbeed ayaa imaanaya xili dagaalo culus oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab ay ka socdaan gobol ada Hiiraan iyo Galgaduud oo bilaaw u noqday kac doono ka dhan ah Shabaab oo haatan ku fidiya gob olada dalka.

Golaha Wasiirada Puntland Oo La Horgeeyay Qo rshe 37 Degmo Looga Qabanayo Doorasho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi De ni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Mad axweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cism aan Karaash.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amni ga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta wax ka bedelka Xeerka howlgab ka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, Tababarada Shaqaalaha, xaaladaha Roobabka Dalka ka curtay iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Feder aalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay soojee dinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha dee gaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorasha da iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxi yey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyin ka Doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhac ayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbi say Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu is la qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doo rashooyinka Puntland TPEC.

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa Shalay lagu ansixiyey wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liilt irka Shaqaalaha Rayidka ah oo ay Golaha usoo gud bisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinya rada iyo Ciyaaraha. Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay muhiimada Xeerkan wuxuuna Sidoo kale Golaha faray in Wasaaraduhu si weyn uga faa’ ideystaan Tababarada Shaqaalaha oo hadda ka so cda Machadka Tababarada Shaqaalaha xaruntiisa Garoowe.

Xisbiga Waddani oo ka jawaabay qoraalkii xuku umada Somaliland kaga hadashay muddo kordhinta

Xisbiga Waddani ayaa sheegay in aan Somali land loogu yeedhi karin dimuquraadi, kadib muddo kordhintii loo sameeyay madaxweynaha iyo golaha guurtida.Xogeeyaha Guud Ee Xisbiga Waddani Kha dar Xuseen Cabdi, oo bartiisa Twitterka kaga faalo oday warqad ay Khamiistii xukuumadu kaga faalootay muddo kordhinta iyo do orashooyinka, ayaa is waydiiyay in So maliland dimuquraadi loogu yeedhi ka ro kadib muddo kordhinta.

"Aynu daacad noqono daqiiqado, Somaliland dimuq uraadig ma ugu yeedhi karnaa, kadib muddo kordhi ntii sharciga baal marsanayd?, warqadani waxay tu saale u tahay karti la'aanta, isku xidhnaansho la'aan ta, is khilaafka iyo beenta" ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in erayada dimuquraadiyad, isla-xisaabtan iyo ku dhaqanka sharciga oo xukuum adu Somaliland ku aShalayy ay yihiin qaar si qaldan loo adeegsaday, "Isla xisaabtanka, dimuquraadiyada iyo ku dhaqanka sharcigu, waa saddex kalmadood oo halkan si qaldan loogu isticmaalay".

Xukuumada ayaa qoraalkeeda Dorraad Somali land ku aShalayy, dimuquraadiyad, sharci iyo kala danbayn, iyadoo sheegtay in doorashooyinka lagu qaban doono wakhtiga ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Faah Faahin: Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dha awac Oo Ka Dhacay M/Laascaanood

Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa we erar sababay dhimasho iyo dhaawac oo Habeen hore ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gob olka Sool, waxaana weerarkaas lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo ku sug naa halkaas.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gac meed ayaa lagu tuuray maqaayad ay fadhiyeen dhowr Askari oo kamid ah Booliska Somaliland ee Laascaa nood, sida ay warbaahinta u shee geen qaar kamid ah dad shacab ah goobta ka agdha waa.

Inta la xaqiijiyey hal Askari oo Boolis ah ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii loo qaaday Isbi taal, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, koox ihii ka dambeeyay weerarka ayaa baxsaday.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay falal amni darro oo isugu jiray dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuli yiin iyo Askar ka tirsan Ciidanka Somaliland, sidoo kalena waxaa halkaas ka dhacay weeraro khasaaro dhaliyey

Meydadka Haween Muhaajiriin Ah Oo La Helay & Dad Weli Lagu La’yahay Badda

Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa Khamiistii sheeg ay inay soo saareen meydadka 15 qof oo la socday labo doon oo tahriibayaal ah oo degtay, iyadoo dhowr kalena laga cabsi qabo in la la’yahay.

Meydadka 15 haween ah oo asalkoodu Afrikaan ya hay ayaa laga helay meel u dhow jasiiradda Lesbos kadib markii doon la rumeysan yahay in ay saarnaa yeen ilaa 40 qof ay ku degtay bariga Jasiiraddaasi xi lli ay dabeylo xooggan socdeen, sida uu afhayeenka ilaalada xeebaha Nikos Kokkalas u sheegay TV-ga qaranka ee ERT.

Ilaa hadda ma jiro khasaare rasmi ah oo kasoo baxay doon labaad oo ku degtay koonfurta jasiiradda Peloponnese.

Kokkalas ayaa sheegay in sagaal kale oo haween ah laga soo badbaadiyay dhacdada Lesbos, laakiin 14 kale ayaa la rumeysan yahay in la la’yahay.

Dhowr saacadood ka hor inta aan la helin meydadka dumarkaas, ayaa ilaalada xeebaha lagu wargeliyay dooni nooca sailboat ah inay dabeyluhu ku xannibe en meel u dhow jasiiradda Kythira, ee koonfurta jasi iradda Peloponnese, waxaana doontaas la rumeys an yahay inay saarnaayeen ku dhawaad 95 qof ayna ku degtay meel u dhow dekedda Diakofti ee jasiir addaas. Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen ilaa 1,500 oo qof siddeedii bil ood ee ugu horeysay sanadkan, halka sanadkii hore ay ahaayeen in ka yar 600 oo qof.

Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaas adeed ku dhuftay Joe Biden.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii "Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mar eykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta militari.Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.Xiriirkan ayaa ku saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda, islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo xasiliyo.Ku-baaqista dhimista wax soo-saarka shidaalka waa "ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yiri Tom Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo isaga iyo laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga."Waxa Sacuudiga ay sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer."Waxaan eegeynaa dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee dan eysiga ah,” ayuu yiri.Mareykanka iminka wax qorshe ah kama lahan inuu shaqaalihiisa militari kala soo baxo Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Vedant Patel.Congress-ka iyo xubnaha maamulka Biden ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda cayriin ay ku sameeyeen dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.Dhimistan ayaa sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka kasoo gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer Galbeedka ay xayiraado saareen.Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan "cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.AP .

Pakistaan 1697 oo qof ayaa ku dhintay Roobab dabaylo lahaa oo ka da’ay dalkaas.

Pakistaan 1697 oo qof ayaa ku dhintay Roobab dabaylo lahaa oo ka da’ay dalkaas Tirada dhimashada ay sababeen roobabka dabaylo watay ee Pakistan ayaa gaar tay 1697, roobabkan da’ ayay tan iyo 14kii June.

Sida laga soo xigtay xogta Hay’adda Maare ynta Musiibooyinka Qaranka Pakistan (NDMA), 1697 qof, oo ay ku jiraan 631 carruur ah iyo 340 haween ah, ayaa ku dhintay, 12,867 qofna waa ay ku dhaawacmeen roobabkii socday tan iyo 14kii June.

Dhinaca kale Roobabka ayey waxyeelo kasoo gaartay In ka badan 2 milyan oo guri iyadoo 1 milyan 163 kun oo xoolo ku le’deen.

Roobabka ayaa sidoo kale sababay burburka 13 kun 97 KM oo jidad ah iyadoo dhinaca kale ay ay ku burbureen 440 boondooyin.

OPEC+ oo dhimaysa illaa 2 milyan oo foosto maalintii, shidaalka ay soo saaraan

Dalalka shidaalka soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC+ ayaa ku heshiiyey inay yareeyaan shidaalka ay soo saaraan, iyaga oo ku macneeyey inay doonayaan inay wax ka qabtaan qiimaha sabba ynaya ee shidaalka, iyaga oo ku doodaya in tallaab ada ay qaadeen ay wax ka tarayso dhaqaalaha dunida ee liita.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay tahay dhirba axo kale oo xasaasiya, taas oo laga yaabo inay kor u qaado qiimaha shidaalka ee dunida, gaar ahaan dal ka Maraykanka oo xilligan isu diyaarinaya doorasha da golaha baarlamaanka.

Wasiirada Shidaalka ee dalalka xubnaha ka ah OPEC ayaa isla qaatay inay dhimaan illaa 2 milyan oo foosto maalintii, shidaalkii la filayey inay soo saaraan bisha November, ka dib markii ay kulan fool-ka-fool ah ku yeesheen caasimadda dalka Austria ee Vienna.

OPEC ayaa sheegtay in go’aankooda ay ku sal eeyeen "hubanti la’aanta ku xeeran saadaasha dhaq aalaha ee dunida iyo weliba suuqyada shidaalka”. Wasiirka Tamarta ee Sucuudiga, Abdulaziz bin Salman ayaa carrabka ku adkeeyey in ururkooda ay masuuliyadi ka saaran tahay inuu ilaaliyo xasiloonida suuqyada shidaalka.

"Waxaan halkaan u joognaa inaan ahaano ciidan dhexdhexaad ah, si aan u keeno xasilooni," ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Go’aanka OPEC+ ayaa ka caawin karta dalka Ruushka oo xubin ka ah, inuu xal u helo cunaqabat aynta dhaqaale ee ay ku soo rogeen Yurub, maa daama aanay dalalka xubnaha ka ah qaarkood aan ay soo saari karin, shidaalka intii laga rabay, arrin taas oo fursad u ah Ruushka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegtay in mad axweyne Joe Biden inuu ku tilmaamay go’aanka OPEC+ inuu yahay "aragti gaaban, oo ku soo aada ysa xilli dhaqaalaha adduunku uu la tacaalayo saam aynta xun ee ka dhalatay duulaanka uu Madaxw eyne Putin ku qaaday dalka Ukraine.

"Hadalka Shalay ka soo yeedhay OPEC + wu xuu markhaati u yahay inay la jaanqaadayaan dalka Ruushka” ayay tidhi Karine Jean-Pierre.

Wasiirka Tamarta ee dalka Sucuudiga oo wax laga weydiiyey, falcelinta ka timi Maraykanka ama in go’ aanka OPEC uu caawinayo dalka Ruushka, ayaa diiday inuu su’aalahaas ka jawaabo, balse wuxuu sheegay in doodaha ay yeesheen inay ahaayeen kuwo aan siyaasad la xidhiidhin.

Doodaha la xidhiidha qiimaha shidaalka, ayaa ah mid saamayn ku leh dhinaca codbixinta doorasha da la filayo inay dalka Maraykanka ka dhacdo bisha November ee soo socota, maadaama madaxweyne Biden oo dhowaanahan oo dhan, dedaal badan ku bixinayey in hoos loo dhigo qiimaha shidaalka ee Maraykanka gudihiisa.

Qaybo waxbixintan ka mida waxaa laga soo qaatay wakaaladda wararka ee Associated Press.

FBI-da oo soo bandhigtay tirada dembiyada ka dhacay Maraykanka sannadkii hore

Hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa sheegtay in dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku ay xoogaa hoos u dhaceen, ka dib markii sannadkii hore la diiwaangeliyey sare u kac, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay hay’addu sii daysay Arbacadii.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegay in sannadkii hore, dembiyada ka dhacay dalka Maraykanku inay gaadhayeen 1,313,200 oo dembi oo rabshado wata, halka tirada dembiyada ee dhacay sannadkii 2020 ay gaadhayeen illaa 1,326,600 oo dembi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhinaca kale ay tirada dilalka ka dhacay Maraykanku ay kor uga kaceen 22,000 oo dil oo la diiwaangeliyey sannadkii 2020, iyaga oo sannadkii hore ee 2021 gaadhay 22,900 oo dil.

Warbixintan ayaa ku soo beegantay xilli ay dad badna oo Maraykan ahi ay ka walaacsan yihiin korodhka ku yimi rabshadaha ka dhaca dalka, waxaana arrintani ay noqotay mid si weyn loo hadal hayo, xilli la filayo in dalka Maraykanka ay doorasho ka dhacdo bisha dambe.

Hase ahaatee hay’adda FBI ayaa ka digtay in culays badan la saaro dhinaca xogta, taas oo ka tarjumaysa qiyaasaha rasmiga ah ee la xidhiidha heerka ay marayaan dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku.

Muranka Giriiga iyo Turkiga oo laga cabsi qabo inuu isu bedelo 'gacan-ka hadal'

Athens – Giriiga ayaa soo saaray digniin cusub, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu adeegsado dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri, si ay u difaacdaan madax-banaanidooda, ayna uga hortagaan farogelin qorshaysan oo uu wado dalka Turkiga ee ay sida weyn isu hayaan.

Digniintan tooska ah ayaa daba socota, heshiiskii muranka badan dhaliyey ee dhowaan dhexmaray dalka Turkiga iyo qayb ka mid ah dawladda ka dhisan dalka Liibiya. Balse xiisadda u dhexeysa labadan dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, ayaa beryahanba cirkaas maraysay, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda u dhexeysa labadan dal inay faraha ka baxdo ayna u xuubsiibato gacan ka hadal, taas oo halis gelin karta isbahaysiga milateri ee ay xubnaha ka yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u soo jeediyey dalka Turkiga inuu ku soo laabto, wax uu ugu yeedhay, caqliyadda saliimka ah ama jid macquul ah, haddii ay taasi dhici waydo oo ay Ankara sii waddo gardarradeeda, wuxuu sheegay in Giriigu ay qaadi doonaan tallaabo ay dib gacanta ugu dhigaan waxa uu ugu yeedhay, dhulkooda.

Hanjabaadda Giriiga ayaa timi ka dib markii uu Turkigu dhowaan heshiis la saxeexday mid ka mida labada maamul ee isku haya dalka Liibiya, isagoo heshiiskaasi uu dalka Turkiga fursad u siinayo inay sahamin shidaal ka sameeyaan dhul uu Giriigu u arko inuu leeyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip