Baarlamaanka Ruushka oo Kremlin-ka u xalaaleeyay 4-tii gobol ee Ruushku ka goostay Ukraine

0
Tuesday October 04, 2022 - 18:02:07 in Wararka by
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ruushka oo Kremlin-ka u xalaaleeyay 4-tii gobol ee Ruushku ka goostay Ukraine

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Baarlamaanka Ruushka ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in afarta gobolka ee dalka Ukraine ka tirsan ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in dadka degan Gobolada Zaporizhzhia, Kherson, Donetsk iyo Luhansk ay doorteen inay ka mid noqdaan dalka Ruushka, ka dib aftidii bishii September.

Vyacheslav Volodin, Afhayeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ruushka ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku dhawaaqay in goboladan ay hadda si rasmi ah uga mid yihiin dhulka Ruushka.

Aqalka Kremlin-ka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku qarameeyeen 4-taasi gobol.

Moscow ayaa sheegtay in goboladaasi ay lacagtooda rasmiga ah noqonayso ruble-ka Ruushka, illaa iyo inta bisha December laga gaarayana ay dadku isticmaali karaan lacagta Ukraine (hryvnia).

Madaxda Reer Galbeedka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa wax sharci darro ah, oo aan ebid la aqbali karin ku tilmaamay ku darsashada Ruushka ee dhulka Ukraine.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada Ruushka ay isaga baxeen Magaalada Lyman ee Gobolka Donetsk, dibna ay u qabsadeen Ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta ay dib uga qabsanayaan dhulka uu Ruushku ka haysto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip