Xogta Shaqsiga Loo Wado Xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Ee Uu Qaroole Ka Geeriyooday.

0
Sunday October 02, 2022 - 14:38:14 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Shaqsiga Loo Wado Xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Ee Uu Qaroole Ka Geeriyooday.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, xilkan waxaa loo wadaa sarkaal haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida Galmudug, kaasoo qabashada xilkan darteed shalay loo keenay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Macalin Mahdi oo ah sarkaal xilkaasi loo xushay waxaa Muqdisho keenay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo lahaa soo jeedinta koowaad ee in loo xusho booskaasi, waxaana arrintan gadaal ka riixaya xildhibaanada ay isku beesha yihiin sarkaalkan ee Saabir Shuuriye,C/raxmaan Odowaa iyo Saadaq Joon, Xasan Sheekh ayaa aqbalay soo jeedintaas, sida ay macluumaadka tilmaayaan.

Macalin Mahdi ayaa ah sarkaal dhalinyara ah oo firfircoon, aadna u yaqaana dhagarta iyo xeeladaha dagaal ay adeegsadaan kooxda Shabaab, isagoo dhawaan dhaawac uu ka soo gaaray sagaal Shabaab lagula galay deegaanka Cada-kibir ee duleedka magaalada Cadaado.Waxa uu Macalin Mahdi qeyb ka ahaa shalay boqolaal qof oo ka qeyb gashay aaskii Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Jeneraal Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday Miino dhulka la galiyay oo uu ku istaagay, xili howlgal uu u joogay deegaanka Basra ee kala qeybiya labada Shabeelle

Xogta shaqsiga loo wado xilka taliyaha booliska gobolka Banaadir ee uu Qaroole ka geeriyooday. - Jowhar somali news leader



Xigasho:-jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip