Daawo: Madaxweyne Xasan oo shacabka laba u kala qeybiyey – Qeybtee ku jirtaa?

0
Sunday October 02, 2022 - 11:53:37 in Wararka by
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne Xasan oo shacabka laba u kala qeybiyey – Qeybtee ku jirtaa?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay ka hadlay janaasadii Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa sheegay inaanu maanta dalku lahayn cadow aan ahayn mintidiinta Al-Shabaab.

"Cadow waa hal, laba ma ahan, laba cadow malihin ee hal ayaan leenahay. Soomaaliyada maanta berri wixii Ilaahay ka dhigo ayay noqon doontaa, Inshaa’Allah. Maanta Soomaaliyada jirta hal cadow ayay leedahay, waana Shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaabka wax qarxinayo iyo kan kale ee taageerayaba ay hal cadow wada yihiin.

"Ogow Shabaabka wax qarxinayo waa cadow, kan ku taageerayana, lacagta siinayo, qarinayo, guriga dejinayo, qalbigana kala jira cadow waaye,” ayuu yiri Madaxweynuha.

Madaxweynaha oo dadka Soomaaliyeed ee maanta ku sheegay inay laba mid un yihiin ayaa yiri "Meel dhexe oo la istaagaahi maanta Soomaaliya kuma taalo ama Shabaab ayaa tahay ama kan Shabaab la diriraya ayaa tahay, meel dhexe oo la istaago kuma jirto. Shabaab qori qaado kula dirir, gurigaga iyo gaarigaga haka ijaarin, meesha uu jooggo ha tagin, ka leexo, dadka u sheeg carabkaga kula dagaal.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray "Hal cadow baan leenahay, cadowgaas Shabaab baa la yiraahdaa, macnaheeda kan qaraxa sameynayo keliya maaha Shabaab, Shabaab kalkaal, beeso bixi, guri iyo baabuur ka ijaar, u soo iibi baabuur ee ka sii iibso. Walaalka Soomaaliyeedow Shabaab kalkaal ha noqonin, cadow waa hal, waana Shabaab.”

 

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu shalay kaga qaybgalay Salaadda Janaasada ee Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

 
 
 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip