HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI

0
Saturday October 01, 2022 - 08:01:23 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aa dan (Farxaan Qaroole) oo Shalaya lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee G/Sh/Dhexe.

Madaxweynaha ayaa u gu horeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Ciid amada Qalabka Sida u ga tacsiyeeyay geerida ku timid taliye Farxaan Qaroole iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii Shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tah ay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh u gu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahii daan iyagoo gudanaya waajibaadkaasi qaran.

Waxa uu sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Ma xamuud Aadan, Alle ha u naxariistee uu lahaa go’a an naf hurnimo, kaasi oo uu ku shaqeeyey Shalaya na u shahiiday.

"Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noola an lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna da daal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn la haa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Jen.Qaroole iyo askartii kale ee la shahiidday Shalaya Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardo wsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay saameynta dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray geerida taliyihii booliska gobolka Ban aadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo Shalaya lagu dilay qarax ka dhacay dee gaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ay aa qoraal uu soo saaray wuxuu ugu horeyntii ku sheegay in Jeneraal Farxaan Qaroole uu geeriyooday isaga oo koryeelaya sharaf ta Diinteena iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

"Rabbi ha ka aqbalo shahaadada uu Shalaya qaatay Gen. Farxaan Maxamuud Aadan, wuxuu shihiidey is aga oo koryeelaaya sharafta Diinteenna iyo karaama da ummaddeenna kuna howllan xorreynta deegaan nada katirsan gobolka Shabeellaha dhexe, gaar aha anna Basra,” ayuu R/Wasaaraha ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu xusay inta lagu jiro dagaalka Al-Shabaab looga saarayo dalka ay dhaceyso geeri da saraakiil naftood hurayaal ah, isaga oo xusay in dilka Jen/Qaroole aysan saameyn ku yeelan doonin howl-galka culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Mar haddii aan ku jirno dagaal xaq u dirir ah oo aan Diinta iyo dalka ugu gargaarayno waxaa shaki ku jir in in ay ku shahiidayaan geesiyaal naftooda u huray xoreynta Diintooda iyo dalkooda, laakiin waxaan hu baa in ay Alle agtiisa boos fiican ka heli doonaan In shallah.”

Waxa uu intaas sii raaciyay "Marna kuma niyad ja bayno in aan wayno halyeey iyo laba u diyaar ahaa inay naftooda waayaan ee waxaan ka qaadeynaa dhiiranaan iyo in aan kusii taagnaano waddada xaqa ah.” R/Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii ciida madda ku dhiira-galiyay inay sii wadaan gulufka ku foorara argagixisada Al-Shabaab, oo toddobaadyadii u dambeeyay laga gaaray guulo waaweyn.Allaha un axariiste Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo soc do dhinaca

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) oo Geerida taliyihii booliska G/Bana adir (Farxaan Qaroole) ka hadashay

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ka Soomaaliya (NISA) ayaa war kasoo sartay geeri da taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farx aan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo Shalaya lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee G/ Sh/Dhexe.

Qoraalka ay NISA soo dhigtay twit ter ayey ku sheegtay in Farxaan Qa roole uu shahiiday isaga oo xaq ku diriraya.

"Allaha u naxariisto Taliyahii Ciidanka Booliska G/ Banaadir Gen. Farxaan Qaroole. Farxaan wuxuu shahiiday isagoo xaq ku diriraya, naftiisana u hibeey ay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cad owga Khawaarijta ah ee ku soo duulay. اللهم تقبل شهادته وأسكنه الفردوس الأعلى,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

ALLAHA U NAXARIISTO TALIYAHII CIIDANKA BOOLISKA GOBOLKA BANAADIR GEN. FARXAAN QAROOLE. FARXAAN WUXUU SHAHIIDAY ISA GOO XAQ KU DIRIRAYA, NAFTIISANA U HIBEEY AY SIDII DALKA IYO DADKA LOOGA DULQAADI LAHAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH EE KU SOO DUULAY.

اللهم تقبل شهادته وأسكنه الفردوس الأعلى PIC.TWITTER.COM/WMJYZXRDEF

— NISA (@HSNQ_NISA) SEPTEMBER 30, 2022

NISA oo inta badan aan ka hadlin arrimaha aan si ga ar ah u quseyn hay’adda, ayaa sidoo kale qoraal keeda wuxuu u muuqdaa xaqiijintii ugu horreysay ee ka timid dhanka dowladda ee ku saabsan geerida Farxaan Qaroole.

Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax oo ah aa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee cii dan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xab adda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay she egayaan inuu ku istaagay.

Farxaan Qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciid amada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgal ka Al-Shabaab looga saaray Basra. Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amn iga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaaw ac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowl adda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay ma suuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Had lay Geeri dii Nabaddoon Cilmi Guure Ee La Dilay

Madaxweynaha JFS Xasan Sh.Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabee lle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabe eyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ah ayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay Shalaya ka go’an tahay xoreynta dal ka."Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo hi milo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa xoreeyo iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa difaacaya. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowla dda Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wa da taagan in ay dalka ka sifeeyaan Shabaabka, de egaan kastana kaga kici doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u way diiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku dhi ntay howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan soc da, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soo maaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegay in Ahlu Su na iyo dowladda uu wada hadal u socdo

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sheegay in iyaga iyo Dowladda Federaalka uu u so cdo wada hadalo dhabaha loogu xaarayo, sidii ay la bada dhinac isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in ha atanba ay saraakiishooda iyo ciidamadoodaba ka qayb qaadanayaan hawlgalada ka socda Gobolka Galgaduud.

"Ciidamadeenii deegaankoodii ayay joog gaan, waxay ku jiraan dagaalka, hoggaa miyeyaasha hogaminaya ee saraakiisha tababaraya ayay ku jiraan.” Ayuu yiri Sheekh Max amed Shaakir oo BBC la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri "Waxaan leenahay Ciidanka DFS ayay ku jiraan, shacabkiina waa ku jiraan, aya ga wayba ku ajarsanaayaanba.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri "Runtii Ahlu Sunna Waljameeca marna dowladda lama dagaalam in, dowladdii hore ayadaa la dagaalantay oo ku soo duushay, ayada iyo waxaydiina way isla taggeen. Marka Ahlu Sunna Waljameeca waaba deegaanadii ay jooggeen, dadkii ay badbaadiyeen weeye, dowla dda cusubna waa midda la doonayo marka ay ku dhawaaqday ficilkii aan samayn jirnay inay samey nayso, waa inaan ku garabgalno oo ku garab istaa gno, oo ciidamadii iyo shacabkii kuligood lagu garab istaago.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri "Shalaya ha ddii deegaanadii kaceen oo dadkii ay leeyihiin deeg aanadeeniiyaa badbaadsaneynaa, wax looga haraa meesha maba yaallaanba.”

Waxa uu intaasi ku daray "In nimankaa la suuliyo oo ummadda laga badbaadiyo waa midkii aan doon aynay weeye, waana midka aan isku garab istaagay no hadda oo isku bahaysanay, waana midka aan ka wada hadlayno rag ka mid ah dowladdii.”

Mar wax laga weydiiyay khilaafka kala dhaxeeya D/G.Galmudug ayuu ku jawaabay "Maamulka Galm udug iyo DF.arrimahaas oo dhan hadda waxay uga mideysan yihiin inay Shabaab la wada dagaalama an, markii Shabaab la iska suuliyo, wixii soo haraa, hadde waaba wax yarba.”

Maamulkii Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arriminayay Gobolada Dhexe ayaa deegaanadoo dii ka dhigay mid ka caagan weerarada maleeshiya da Al Shabaab, tani oo lagu macneeyay, iyagoo si wanaagsan u garanaya qidadda ama xeeladda da gaalka ee maleeshiyadaasi.Villa Somalia ayaa dhaw aan hubeysay Xerta Ahlu Sunnada G/da Dhexe ee Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee G/ G/Gaduud

iyo Mudug.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga had lay daga alka lagula jiro Shabaab

Shirka Golaha Wasiirada ee Shalaya ayaa looga hadlay hawlgalada dib-u-xoreynta dalka iyo guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ka ga areen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay Ciidam ada Dowladda iyo xoogaga deegaanka ay ka gaare en hawlgalada la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga looga dhagaystay warbixino la xiriira hawlgalada maleeshi yadaasi looga saaray deegaano badan, qorshaha su gidda amniga iyo xasillinta deegaanada laga xoree yay kooxaha argagixisada.

Toddobaadkii hore ayay Golaha Wasiiradu maga caabeen Guddiga Abaabulka & Isku-dubaridka how laha dagaalka, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaa uu Shalaya goluhu ka dhageystay qorsh ayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabadka illaa hadda ay ka sameyeen doorkooda ciribtirka kooxahaasi.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in qor shaha xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada, isla-markaana deegaan kasta oo la xoreeyay la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeeg yada bulshada, si degdeg ahna looga hirgeliyo maa mul iyo kala dambayn

Dagaalka Al-Shabaab oo la kordhinayo iyo Gen. Odowaa oo war cusub soo saaray

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaal iya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliy aha ciidamada xooga dalka Jeneraal Odawaa Yuus uf Raage oo gaaray deegaanada ay howl-galada ka socdaan ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la kordhinayo weerarada ka dhan ka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiintaan oo la hadlay boqolaal kamid ah ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaan ka ee ku sugan deegaanada Dhuumoodle, Maarsa mage iyo Dhisiq-Shurufle ayaa ku bogaadiyay ciida mada sida ay ugu dhiiradeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen inay aad uga xun yi hiin dhibaatada ay Al-Shabaab u geysteen dadka ku nool deegaanadaas, islamarkaana dowladda Sooma aliya aysan ka hagran doonin wixii taakuleyn ah.

"Waxaa ballan-qaadeyna in dowladda Soomaa liya taageero weyn idin siin doonto, waana idinku bo gaadineyna sida ugu dhiirateen in aad iska dhicisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Ca bduqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka looga baahan yahay inaysan sii fiirsan dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan bulshada, islamarkaana ay sii laba-laaban weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Si kastaba, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliya ha ciidamada xooga dalka ayaa tan iyo markii ay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ka bilowdeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxay kormeer ku soo mareen deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab ee ka tirsan goboladaas.

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo War Kasoo Saaray Nabaddoonkii Shalaya Lagu Dilay Hiiraan

R/Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Gu ure oo Shalaya lagu dilay dagaal xoogan oo ka dha cay deegaanka Ceel Qooxle ee G/Hiir aan ee Hirshabeelle.Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ta csi ugu diray qoyska Marxuumka, isa goona ku tilmaamay inuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday dhibaatada lagu haayo dad ka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in Marxuum Cilmi Hagar Guure uu astaan iyo halbeeg u yahay kuwa dadka nabadda iyo xasiloonida u diiday, waa sida uu hadal ka u dhigay Xamse Cabdi.

"Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo Shalaya ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle, Waxaan Eebbe uga bar yayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa Shalaya lagu dilay dagaal xoogan oo Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab ku dhe xmaray deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Duqa Muqdisho oo deeq raashiin ah ga arsiiyay barakacayaal ku dhaqa degma da Kaxda Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/Muqdi sho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa de eq Raashiin ah gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa D/Kaxda kuwaasi oo ka kala yimid Gobolada dalka kadib markii ay saameen kusoo yeesheen Abaaraha ka jira guud ahaan dalka. Dee qdaan ayaa ah mid ka timid D/Emarat-ka Carabta isla ma rkaana lasoo marsiiyay Hey’ad da Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay xooga saaray sidii wax loogu qaban lahaa dadka soo barakacay ee abaaraha soo saameeye en, Asigoona sheegay in guud ahaan Maamulkiisa uu xooga isugu geyn doono u gurmashada dadka ku soo barakacay Muqdisho.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer Gobol Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maa mulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axm ed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa sheegay in iyagoo fulinayo awaamiirta Duqa M/ Mu qdisho ay ka shaqeyn doonaan qorshaha wax loogu qabanaayo dadka barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho

Madaxweyne Guudlaawe oo amar duldhi gay Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xu seen (Cali Guudlaawe) ayaa Shalaya Degmada Bal cad ee Gobolka Shabellaha Dhexe kula kulmay Tal iyaha Qaybta 5aad (Sector 5) ee Ciidanka Nabad Ila alinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa faray in ay u diyaargaroobaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulankan oo uu qayb ka ahaa Gudoomiyaha De gmada Balcad, Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa lo oga hadlay ammaanka guud ee deegaanada Hir shabelle, dardargelinta hawlgalada lagu wiiqayo koo xaha argagixisada iyo sidii si degdeg looga hawlgeli lahaa xoreynta deega anada ay kooxahaasi haysteen.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa u ma had celiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka deegaanada Hirshabelle, sida ay uga go’an tahay in deegaanadooda ka xoreeyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Xasan Shire Abgaal: Waxaan ku baaqa yaa in Pu ntland laga badbaadiyo madaxweyne Deni

Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Punt land, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntl and u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

Xasan Shire Abgaal oo Shalaya xilka wareejiyay, ayaa ku tilmaamay sababta xilka looga qaaday inay ahayd, kadib markii isaga iyo madaxweyne Deni ay isku qabteen doorashada 12 degmo oo oo Deni uu doonayo in la qabto ka hor inta aan la gaarin doorashada madaxtinimada 2024.Wasiirkii hore ee maaliyadda wuxuu sidoo kale sheegay inay madaxw eyne Deni isku maandhaafeen tartankii doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay salluug ka qabeen dadka Reer Puntland.

Abgaal oo kamid ahaa saaxiibada dhow ee mad axweyne Deni iyo ragga ugu awoodda badnaa gol aha wasiiradda, ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xi geenka, Axmed Karaash iyo golaha wakiiladda inay badbaadiyaan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa todo baadkii hore shaqada ka eryay wasiir Abgaal iyo dhowr xubnood oo kale oo katirsanaa golaha was iiradda Puntland. halka kuwa kalena lagu sameeyay isku shaandhayn. Xilka qaadidiisa waxaa loo arkay ay inay qeyb ta hay qorshe uu madaxweyne Deni ku doonayo inuu meesha ka saaro cid kasta oo caqab ad ku ah siyaasadiisa ku wajahan doorashada 2024.

Madaxweyne Deni ayay ka go'an tahay in olo laha doorashada soo socota uu ku galo qabashada in ka badan 10 degmo oo u qorshaysan inuu ka ful iyo doorasho shacabku codkooda kusoo dooranay aan golayaasha heer deegaan.

Xasan Shire iyo siyaasiyiin oo uu damac weyn laga jiro doorashada soo socota, ayaa la filayaa inay mucaaradnimo kala horyimaadeen doorashada nida amka axsaabta badan.

Boqortooyada Sacuudiga Oo Ballan-Qaad U Sa meeysay Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa M /Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaab ilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Cara biya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Safiirka ayaa ugu horreeyn Guddoomiye Sheekh Madaale ugu hambalyeeyay Ma gacaabida uu markale Madax weynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud u Ma gacaabay hg ogaanka G/ Ba naadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Danjire Maxamed Bin Axmed ugu ma hadceliyay sida walaal tanim ada leh oo ay D/ Sacuu diya u taageerto dal ka Soomaaliya iyo sida ay ugu go’an tahay Soo maa liya in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaa shiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Danjire Muwallad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto Duqa Magaalada Muqdisho dhinacyada horumarka, dib-u-dhiska iyo Maalgeshiga Caasimadda si dhaqaalaha u kobco isla markaana shacabka Muqdisho ay u helaan fur sado shaqo.

Ugu danbeyn Danjire Maxamed Bin Axmed ayaa u rajeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xus een Jimcaale (Madaale) in uu eebe ku guuleeyo how laha hor yaala.

Madaxweynaha Iiraan Oo Digniin Culus Kasoo Saaray Rabshado Ka Socda Dalkiisa

Madaxweynaha dalka Iran Ibraahim Ra’iisi ayaa ka digay iney dowladdiisa oggolaaneyn rabshado dalka ka dhaca. Ra’iisi ayaa wuxuu sheegay haddii rabshadaha dalka ka socda ay istaagi waayaan uu ku qasbanaanayo ciidamada amniga inuu amar ku siiyo soo afjariidda rabshadaha labada toddobaad soconaya.

Dalka Iran waxaa ka dhacaya mudaharaadyo rab shada wata oo salka ku hayo haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo dhimatay. Geerida Mahsa Amini ku timid laba toddobaad ka hor waxay horsee day in dalka Iran oo dhan ay ka dhacaan dibadbaxyo marki dambe iisu baddalay kacdoon guud oo looga soo horjeeda nidaamka dalka Iran ka arrimiyo.

Tan iyo marka ay dalka Iran ka billowdeen mudahar aadyada rabshadaha wata waxaa dhintay dadka ba dan 70 qof, iyada oo laamaha ammaankana ay xir Xireen dad ka badan 1,200 oo qof.


Xamza "Qof kasta oo lacag siiyay Al-Shabaab, hadaf buu u yahay dowladda”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa Xalay ku hanjabay inay dowladdu barti lmaameedsan doonto kuwa maleeshiyada Al-Sha baab siiya dhaqaalaha ay dadka ku laayaan.

R/Wasaaraha ayaa ganacs atada ku eedeeyay inay u dhego nugul yihiin awaamiirta Al-Shaba ab, iyagoo ka baqaya in ay dilaan. "Galgala, mid buurta saaran baa mid Xamar Weyne joogga intuu la soo hadlo dhihi lacagtaa ii keen, markaasuu u gayn intuu sii qaado,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

"Ganacsatadeena qof aan Jilib la gayn kuma ji ro, jidkaas yaa baabuur ku maray? Dhowr habeen baa la dhaxaa. Odayaal ayagoo ah ayay intay xoolo qaadaan bay Jilib ugu geeyaan, farriin qoraaleed baa loo soo qoraa, soo bax Jilib imow, wuuna tagay aa, haddii ay dowladdu u yeerto waxaa laga yaabaa inuusan imaanin,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

Waxa kaloo uu yiri "Maxay tahay waxaas? Waa cabsi iyo fuleynimo, waa fuleeyo kuwaasi. Waxaa ful eynimadaa kaaga daran waxay ka qayb qaadanay aan dilka dadka Muslimiinta ah.” Xamza Cabdi Barre ayaa ku goodiyay qof kasta oo dhaqaale ku taageera Shabaab in uu hadaf u noqon doono dowladda.

"Sidaasi darteed qof kasta oo Shabaab xoolo u wada ama u tagga dowladda hadaf buu u yahay, maxaa yeelay dowladdu waxay masuul ka tahay dhii gga shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliso,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamza.

R/Wasaaraha ayaa Xalay hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo uu ku daahfuraya ololaha qaran ee doorka dhallinya rada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Yaasiin Farey oo faahfaahin ka bixiyay shakhsiya dii Farxaan Qaroole

Xildhibaan Yaasiin Farey oo soo noqday Taliya ha NISA ayaa wareysi uu siiyey VOA uga waramay in ta uu ka yaqaanay Jeneraal Faexaan Qaroole oo Shalaya lagu dilay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Yaasiin Farey ayaa Farxaan ku til maamay nin dhalinyaro ah oo aad u yaqaanay dhagarta Al-Sha baab, isla markaana ay ka go’need in dalka laga tirtiro kooxdaas.

Xildhibaanka oo mar soo noqday Taliyiha NISA ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in shaqooyin iyo how gallo badan ay ka soo wada qeyb qaateen isaga iyo Farxaan, oo Shalaya qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee Farxaan Maxamuud Aadan ayaa ugu yaraan laba jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole ayaa kasoo mid ahaa saraakiishii uu ugu kalsoonaa Farmaajo, sidoo kale Farxaan wuxuu kalsooni ka helay dowladda Ma daxweyne Xasan Sheekh oo si qeyn uu ula shaqeyn ayey mudooyinkii dambe.

Sidoo kale Yaasiin Farey oo la weydiiyey sabab ta ka dambeysa in saraakiisha lagu dilo furimaha da gaalka ayaa sheegay in dalka oo dhan uu dagaal ga lay, taas oo waajib ka dhigeysa in saraakiishu ay da ga alka hoggaamiyaan, sidoo kale wuxuu xusay in mar kasta la fila karo dhimasho noocaan ah, maa daama ay dalka ka socdaan dagaalo culus.

Muxuu Yahay Heshiiska Ay Kala Saxiix deen Mar eykanka Iyo Soomaaliya Ee Ku Kacaya $86.7 Mil yan?

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horuma rinta Dhaqaalaha, XFS, Mohamud A. Sheikh Farah (Beenebeene), oo uu weheliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur iyo Danjire Andre ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaa soo lagu taageerayo Soomaaliya dhaqaale gaaraya 86.7 Milyan USD. Heshiiskan oo ah mid diiradda saaraya dhinacyada Horumarinta, ayaa mudnaanta waxuu siinaya: Dimuqraadiyadda, Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ay aa uga mahadcelisay dowlad da Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo; iyadoo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeriddaan hanaankii loogu tala galay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horu marinta Qaranka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu laba jibaarayo taageerada uu siiyo Soomaaliya, xili dalka uu haatan la tacaalayo Abaaro iyo Colaado baahsan.

muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen marey kanka iyo soomaaliya ee ku kacaya $86.7 milyan?

DAAHIR AMIIN Jeesow oo ku biiray dagaalka Hiiraan, xog cusub-na bixiyey

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inuu ku biiray abaabulka dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha uu golaha shacabka ku metelo ee Gaaljecel.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka G/ Hii raan ay deegaan kasta iska abaabuleen, si ay isaga xoreeyaan Al-Shabaab, isagoo wacad ku maray in Hiiraan uusan ka soo laaba doonin iyadoo aan la xoreyn deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la weydiiyey waxa uu uga jawaabayo eedeyntii Xildhibaan Faarax Mac alin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku tilm aamay waxaba kama jiraan, isagoo raaciyey sab abta.

Faarax Macalin ayaa dhawaan sheegay in sha cabka is abaabulay ee gobollada dalka ka dagaalam aya ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isa goo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qabiilo hubeyneyso.

Xildhibaan Jeesow oo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa yiri, "Hadey dadka Soomaaliyeed i aaminayaan waxaan u xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ays an hub bixin, shacabka dagaalka kula jira Al-Shaba ab ayagaa hubkooda gatay, dowladdu waxay siisaa cuno iyo rasaas oo kaliya.”

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dowladda ay dadka ku nool gobollada qaar ay gaarsiisay gargaar, halka kuwo dadka reer Hiiraan ay ku jiraana la we ysan yahay wado loo marsiiyo gargaarka.

"Bakhaarada dekedda Muqdisho waxaa ka buuxa gargaarkii dadka Soomaaliyeed loogu tala galay, meel la marsiiyo ayaa la weysan yahay, xiligaan wax aan gobolka u imid sidii dadkeyga aan wadooyinka u gu furi laheyn, si gargaar loo soo gaarsiiyo Shabaab-na looga dul qaado,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Askar badan oo Xalay ku geeriyootay shil ka dhacay degmada Balcad (Warbixin)

Wararka aan Xalay ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ciidan badan ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay afaafka hore ee magaaladaas.

Inta la xaqiijiyey 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa geeriyootay kadib markii uu la rogmaday gaari nooca Cabdi Bilaha ah.

8-askari oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaas ga ari, waxayna ciidankaan ka baxeen Muqdisho, iya goo ku sii dhowaa Balcad markii uu la rogmaday gaarigu.Agaasimaha he y’ad da NISA Mah ad Maxamed Salaad ayaa ha beenkii 3-aad ku sugan degmada Balcad, halkaas oo dee gaan uu ka dhigtay.Xog ay heshay Caasimada Onl ine waxay tilmaameysaa in Mahad Salaad uu hal kaas ka hogaaminayo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada Shabeelooyin ka.

Xigasho:-Caasimadda.net

Soomaaliya oo dalalka Qatar iyo Imaara adka Carabta iskaashi kala yeelanaysa Duulista Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuu madda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cis maan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhig eeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Ha wada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

Kulamadan ayaa looga hadlay iskaashiga dhina cyada, Gaadiidka dhulka ,cir ka , Duulista Hawada , tabab arada iyo horumarinta shur uucda.

"Dunidda Shalaya waxay bog gaadinaysaa horumar ka mu ddada yar aan sameynayno, balse hiigsige enu intaa kuma filna, waxaan dooneynaa dalkeenna inuu noq do kan u sarreeya waddamada gobolka.” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulan doceedyo ay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , Xil. Fardowsa Cismaan la qaadaneyso wasiirrada , ururrada iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee ka qeybgalaya kalfadhiga 41-aad ee Golaha Hay’ad da Duulista Hawada Adduunka ee ICAO.

Gabar iyo hooyadeed oo Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah

Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba ga bar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa Shalaya ku guuleystey abaalma rinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sw eden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka.

Hay’adda Right Livelihood oo bixisa abaal-marintan ayaa sidoo kale ab aal-marisay iyo qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo u dhashay dalka Ukraine, ururka Cecosesola ee dalka Venezuela, oo ah urur bixiya adeegyada bul shada, iyo Machadka Afrika ee Maamulka Tamarta.

"Ayado oo ay jiraan fashil ku yimid dowladnima da iyo burburka kala dambeynta – oo ay ku jiraan da gaallo, argagixisanimo, xagjirnimo, barakac ballaar an iyo qalalaase dhaqaale – (kuwii helay abaal-mar inta sanadkan) waxay aas-aaseen nidaamyo cusub oo bin’aadannimada ay xudun u tahay,”, waxaa sida as yiri aas-aasaha hay’adda Ole von Uexkull oo war-saxaafadeed soo saaray.

Fartuun Aadan iyo gabadheeda Ilwaad Elman, oo maamula hay’adda Elman Peace, ayaa waxaa la gu abaal-mariyey "sare u qaadidda nabadda, hub ka dhigista iyo xuquuqda aadanaha Soomaaliya, xilli dal ka ay ka jiraan argagixisanimo iyo rabshado ku sal eysan jinsiga.”

Fartuun iyo Ilwaad ayaa maamula hindisooyin ga can ka gaysta hub ka dhigista iyo dhaqancelinta car uurta hore loo askareeyey iyo sidoo kale dhibbaneya asha rabshadaha ku saleysan jinsiga.

Waxaa hindisooyinkaas ka mid ah; wax ka qaba shada sababaha keena xagjirnimada, waxayna ay ada oo sidaas sameyneysa ay hay’adda ay maamul aan fursado siisaa caruurtii hore loo askareeyey iyo kuwa halista ugu jira.

Hanaanka ay Fartuun iyo Ilwaad ku caawiyaan dhallinyarada waxaa ka mid ah; taageero dhanka maskaxda ah, dhaqan-celin, wax barashada tababar xirfadeed iyo shaqo abuur.

"Guusha hanaanka Fartuun iyo Ilwaad waxa ay horseedday in looga daydo dalal kale oo ay dagaalo la mid ah Soomaaliya ka dhaceen, kuwaas oo ku ya alla Galbeedka iyo Bartamaha Afrika,” ayey tiri Hay’a dda Right Livelihood.Fartuun iyo Ilwaad ayaa sidoo kale horey ugu guuleystay abaal-marino kale oo caal ami ah.AFP, VOA

Somaliland: Meel ceel biyood laga qod ayay oo raad shidaal laga helay

Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.

Dareere madow oo shidaal u eg ayaa hal mar kasoo booday go ob laga qodayay ceel-biyood si da lagu arkay muuqaalo lagu baahiyay baraha bul shada, isla markaana uu xaqiijiyay Wasiirka Macdan ta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi.

"Meeshaas riig ayaa laga qodayay, oo wasaa a da biyuhu ka qodaysay meel ilaa 5 kilomitir xaga wa qooyi ka xigta tuulada, riigii markuu marayo 340 mi tir, ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, oo aan hore loo arag" ayuu yidhi Wasiir Faarax. Wa xa uu wasiir Faarax sheegay in markii khuburada wasaaradu eegeen uu dareeraha la helay leeyahay astaamihii saliida qaydhiin, isla markaana, baadhit aan buuxa lagu samayn doono.

"Saddex calaamadood oo saliidu yeelan kartaba way ka muuqdaan, midabkii madoobaa wuu ka mu uqdaa, urtii ilaa xad way ka muuqata, waxa ka mu uqda dufan" ayuu yidhi Wasiir Faarax.

Waxa uu sheegay in deegaankan raadka shid aalka laga helay, ay shirkada caalamiga ah ee shid aalka baadha ee Genel Energy, ay sannadkii 2017 shidaal sahamin ka samaysay, oo ay ahayd deeg aan lagu tuhunsanaa in uu shidaal ku jiro.

Maamulka Puntland oo baadi goobaya guddi doorasho oo madax-banaan + Sababta

Wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo Dorraad xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaarada ayaa she egay in Puntland ay u baahan tahay guddi doorasho oo madax-banaan.

Wasiirka oo laga sugayo dardar-gelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ayaa xusay in ka dhabeynta geedi ga doorashooyinka ay muhiim u tahay in guddiyada ku shaqada leh aan lagu fara-gelin.

"Waxaa rabnaa guddi madax-banaan oo dorasho oo aan la fara-galin oo shaqadiisa wata taageerada uu dowlada uga baahan yahayna hela, ururo siyaasa deed oo kalsooni ku qaba dorashadana ka qayb qaa ta iyugana kalsoonida ku qaba dorashada la qab anayo,” ayuu yiri Wasiirka Juxaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaas sii raaciyay "Qar da jeexi mayno waana guuraynaa, inaan nabad ku kala keenana waa rabnaa, in nalagu aaminana waa rabnaa, in nalagula shaqeeyana waa rabnaa hawsha dhamaystirka golayaasha deegaanka doorashad ooda.”

Wasiir Juxa oo hore u soo noqday wasiirka arri maha gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay xilka uu la wareegay ee Wasiirka ar imaha gudaha Puntland, waxaana laga sugaya ka miro-dhalinta mid kamid ah barnaamijyada ugu muhiimsan maamulka.

Afganistaan:19 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Kabul

Booliiska magaalada Kabul ayaa sheegay in qar ax ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal caasi madda Afgaanistaan ​​uu dilay ugu yaraan 19 qof ,waxaana ku dhaawacmay 27 kale.

Qaraxa oo uu ka dambeeyay nin naftii halige ah,ayaa ka dha cay xarunta waxbarashada ee Kaaj oo ku taalla deegaanka Dashte Barchi ee galb eedka magaalada.

Weerarka qaraxa ayaa dhacay xilli arday badan ay u fadhiyeen imtixaan jaamacadeed, sida ay she egeen masuuliyiin ka tirsan xarunta.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay inay ka damb eeyeen qaraxa oo lala beegsaday dadka Hazara ee laga tirade badan yahay. Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban Abdul Nafy Takor ayaa sheegay in weerarrada bartilmaameedyada rayidka "ay caddaynayso naxariis-darrada cadowga iyo la’ aanta heerarka anshaxa.”

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaq day Daga al Maalliyadeed Digniin Adag na Dirtay

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku dhaw aaqay dagaal Maalliyadeed oo ka dhan ah, kooxaha lacagaha dhaqa iyo kuwa maalgaliya wax loogu yee ro Argagixisada.

Xeer Ilaaliye Suleymaan Max amed ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska xeer Ilaaliyaha Qaran ka oo kaashanaya hay’addaha baarista ay la socd aan dhaq-dhaqaaqyada maaliyeed ee lagu dhaqayo lacagaha, isla markaana lagu maalgelinayo Argagix isada, waa sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay da bagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maa lgalin u sameeyaan Al-shabaab, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo laga qaadi doono tall aabooyin adag oo lagu beegsanayo dadkaas.

Xeer Ilaaliyaha ayaa digniin xooggan u diray cid ka sta oo isku dayda inay Al-shabaab siiso dhaqaale, isla markaana shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaq day dagaal maaliyaddeed, "Sharciga ayaan horkeen aynaa cid kasta oo falalka digniinta lasoo saaray la gu heyo”

Sidoo kale xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin u diray dadka garsoorka u raadsanaya Al-shabaab, isagoo hay’adda fulinta fa ray inay sharciga horkeenaan cid kaste oo lagu tuh unsan yahay inay garsoor u doonatay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda oo sheegtay in la dhaawacay afhayeen ka Al-Shabaab CALI DHEERE

Sida ay baahisay warbaahinta ciidamada ee SNA Radio, waxaa dhaawacmay Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sida lagu baahiyey xogtaan, Cali Dheere waxaa lagu dhaawacay dagaal culus oo Dorraad ka dhacay dee ga nka Ceel-qooxle ee goblka Hii raan, kaas oo u dhax eeyey dad ka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay warbaahinta ciidamadu sheegtay in dhaawaca Cali Dheere lagu dabiibayo aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay isugu tageen Al-Shabaab-kii lagu jebiyey Ceel-qooxle.

Sidoo kale ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dagaalkaas ku dilay sarkaal kale oo lagu maga caabo Qoorgaab, ninkaan ayaa Al-Shabaab u qaab ilsanaa jabhadaha, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Shabeellooyinka, sida ay xogteeda ku baahisay Idaacadda Ciidamada ee SNA RADIO.

Markii laga soo tago xogtaan ay baahisay Idaacadda Ciidamada, ma jirto ilo kale oo Caasimada Online u xaqiijiyey dhaawaca afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, dhankooda Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan.Xigasho:-Caasimadda.Net

Al-Cadaala oo ka jawaabay hadalkii qab yaaladeysnaa ee Faarax Macallin

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cab diraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa u digay dadka is ku dayaya inay qabiileeyaan dagaalka socda ee sha cabka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Al-Cadaalada ayaa waxa uu ka jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan baarlamanka Kenya, kaas oo uu ku shee gay in dowladda Soomaaliya ay hubeynayso qabiilo, waaana uu sheegay wasiirka inuu diiday yahay kacd oonka dadka ay kaga soo horjee daan Alshabaab ee ka socda gob ollo badan oo dalka ah.

"Runtii waan ka xunahay mar ka koowaad in qof weyn oo mas’ uuliyad sheegana ayo oo isku arko inuu mudda Soomaaliyeed xurmo ku dhex leeyahay inuu dhaleeceeyo oo uu isku dayo, oo ma aragtahy inuu niyad jabiyo dad abaareysan oo isaga oo noloshiisa la tacaalayo cadow argigixiso ah inta ay kusoo duuleen ceelkii biyaha uu ka ca bayay ay ka dumiyeen oo ka baabi’iyeen, ninka raba maxaa loo taageerayaa inuu su’aal geliyo darajo wal ba uu wato iyo magac walba uu wato inuu Khawaarij yahay ayaan u aqoonsan nahay, inuu Al-Shabaab yahay ayaan u aqoonsan nahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma howlgallada ka socda qey bo kamid ah gobolka, waxaana uu sidoo kale ka war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannada hoostaga degmada Baxdo, oo ay ka jiraan howlgallo ciidanku ay muddooyinkii dambe ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah.

"Runtii wax weyn ayey ku dhordhinaysaa, waad ogtahay guud ahaan hoggaanka xoreynta dalka loo ga xoreynayo nimanka argigixisada ah hoggaankiisa waxaa iska leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayaa iska leh, ima atinkooda waxaa uu kusoo kordhinayaa dhiiragelin, waxaa uu kusoo kordhinayaa abaabul iyo xoojinta wax allaala wixii halkaan looga baahan yahay ay fud udeeyaan, dhiig cusub ayey ku shubeysaa, howshii socotay ayey dardargelin iyo u tahay kaabid,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay goorta ay kasoo labadan doonaan gobolka isaga iyo xildhibaannada kale ee ku sugan furimaha hore, wa xaana uu sheegay in ay caasimadda dib ugu soo laa banayaan markii ay soo gutaan waajibaadka ay u tageen gobolka ayna joogayaan inta la xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowldda federalka Soomaaliya.

"Halkaan waa aan joogeynaa, shaqada aan u nimid waa inaan dadka halkaan ku nool aan garab I staagno, aan ku garab istaagno in cadowgaas Argigi xisadaa ay iska xoreeyaan, inta ay iska xoreynayaan waa aan la joogaynaa, safka hore ayaan kula jira ynaa, waana la soconaynaa, inta ay naftu nagu jirto, inta halkaan nalkaga naahan yahay oo dadkeenna gurmad iyo garab istaag ay u baahan yihiin, waa aan garab taagnaaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Al-Cadaala.

Nabadoon Cilmi Hagar oo ku geeriyood ay daga al culus oo Shalaya ka dhacay deegaanka Ceel qooxle

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Shalaya ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Naba doon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoo nada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.

Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar ayaa qeyb ka ahaa Nabadoonada hormu udka ka ahaa dagaalada u dhaxeeya ciidanka Macawiisleeyda Beesha Xaw aadle iyo kuwa Al-shabaab oo mudo oyinkii dambe ka socday gobolka Hiiraan, islamarkaana Al-shabaab looga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen bariga gob olka Hiiraan.

Al-shabaab oo dhawaan laga saaray deegaanka Ceel qooxle ayaa Shalay waabarigii hore weerar cu lus oo ku bilaawday qaraxyo ku gashay gudaha de egaanka Ceel qooxle oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo u dhexmaray ciidam ada dowlada iyo Macawiisleeyda oo dhinac iyo Al-shabaabkii soo weeraray deegaanka, inkastoo wali si faahfaahsan loo heynin khasaaraha rasmiga ee dagaalka. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in la fashiliyay weerar ka Al-shabaab Shalay ay kusoo qaadeen deegaan ka Ceel qooxle oo ay ku doonayeen iney gacanta ku Dhigaan, islamarkaana jab xoogan ay gaarsiyeen Ciidankii soo weeraray deegaanka.

KUMUU AHAA JANARAAL FAXAAN MAXAMUUD AADAN (QAROOLE) OO SHALAYA

 GEERIYOODAY? FAXAAN MAXAMUUD AADAN (QAROOLE

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhimashada Taliyihii ciidamada booliska gobalka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Afhayeenka ayaa sheegay in taliye Qaroole uu ku dhintay howl gal ka socday deegaanada dhaca xuduuda saddexda gobol ee gobo lka Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

kumuu ahaa Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Waxa uu sannadkii 1991-kii ku dhashay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ifka uga tagay saddex xaas oo u dhalay 7 wiil iyo 2 gabdhood. Wuxuuna ahaa madi, sida laga soo xigtay hooyadii.

Bishii Febaraayo ee sannadkii 2011-kii ayuu u biiray ciidamada dowladda So omaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda. Ciidankan ayuu ku jiray ilaa 2017-kii.

Ka dib waxa loo baddalay ciidanka booliska markaas oo uu noqday taliyahii koobaad ee ciidanka Haramcad, isla sanadkaas ayaa laga dhigay gaash aanle horana wuxuu u ahaa kabtan.

Mar kale sannadkii 2019-kii ayaa waxaa loo dala csiiyay Gaashaanle Dhexe ka hor inta aan 2021-kii loo dalac siinin Gaashaanle sare.

Wuxuu xilka taliyaha booliska Gobolka Banaadir qa btay bishii April ee sannadkii 2021-kii, markii awoo dda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

25-kii bishi Diseemabar ayuu Madaxwenihii hore ee Soomaaliya u dalacsiiyay sareeye guuto isagoo garaadaha ugu xiray xafladdii sannad guuradii ciidan ka booliska Soomaaliyeed.

Sannakan 2022-ka ayuu Madaxwenihii hore ee Soo maaliya u dalacsiiyay sar eeye guuto

Horay wuxuu u ahaa ciidamadii muqawamada ee la daririray Itoobiyaanka isagoo da’yar.

Tababaradiisa ciidanimo waxaa la sheegaa inta ba dan uu Turkiga ku soo qaatay

Wuxuu ka badbaaday weeraro badan oo shab aab uga yimid. Waxaa ka mid ahaa weerar ka dha cay banaadir oo qarax ahaa, Miino gaari saaxiibkiis leeyahay uu ka furyayay oo ku qaraxday.

Maxaa lagu xusuustaa farxaan?

Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu dadka ka soo badbaadin jiray marka ay ku go’doom aan goobaha ay Shabaab weeraraan, meelahaas wa xaa ugu caansan weerarkii hotel Ambasador sanad kii 2016, iyo weeraraadii Liido ee hotel Elite iyo sidoo kale Saxafi iyo Xayaat.

Dadka uu farxaan ka soo badbaadiyay weerarkii Xayaat waxaa ka mid ah Nabadoon Xaad. Wuxuu ahaa nin hawl kar aho o shaqo badan.

Wuxuu ahaa nin dagan, dadka soo dhaweeya oo dad ixtiraam badan, ciidank iisana saaxiib la ah, taas oo u horseedday inuu ku guuleysto hogaamintiisa cii danka.

Alle ha u naxariistee Farxaan ayaa waxaa sidoo kale dad aad ay isugu dhowa ayeen inoo sheegeen inuusan dadka caadiga ah iyo ciidankiisuba iskala wey neyn. Sidoo kale wuxuu xariirin jiray waalidka askarta isaga aadka uga dhaw.

FG: Xogtan qaar ka mid ah waxaan ka soo xiganay qof ay Farxaan saaxib dhow ahaayeen oo ka gaabs aday in magiciisa la shaaciyo.

Sanadkii hore waxaa caan baxday kalmadda ah "Iga arkaygii Farxaanoow ka joog, dhiiqaa lugaha laguu galinooyaa", taas oo uu shir jaraa'id ka sheegay mad axweynaha hadda jooga ee Xasan Sheekh Maxa muud oo markaasi ka mid ahaa madaxda muca aradka.Ma ahayn hadal kaftan iyo maad looga gol la haa, wuxuu Xasan Sheekh ka had layay saraakiil cii dan oo lagu eedeynayay in ciidamada ay u horka ceen ku milanka siyaasadda.

Xasan Sheekh oo horraan kamid ahaa mucaarad ka Soomaaliyaa ayaa waxaa si weyn loo hadal ha yay 'dignintii uu siiyay' , isaga oo si gaar ah ula had layay tali yaha haatan geeriyooday ee gobolka Bana adir Farxaan Qaaroole kaas oo mark aas uun loo ma gacaabay xilkaas kadib markii taliyihii ka horeeyay Saadaq John uu kasoo horjeedsaday go'aamaddii muddo kororsiga ee dowladdii Farmaajo.

Ka dib markii la shaaciyay geeridiisa dad shacab iyo madaxba isugu jira ayaa baraha bulshada uga tacsiyeeyay Farxaan.

Madaxda ugu sarreysa ee u tacsiysay waxaa ka mid ah:

Qoraalka tacsida ee madaxweyne Xasan Shee kh,Hassan Sheekh,Qoraalka tacsida ee Raysal wasaare Xamza,Hamza,Faramjo,Hassan ali Khaire

XIGASHO:BBC

Roobab Xoogan Oo Ka Da’ay Gobolada Maam ulka Puntland, Xilli Ay Jirtay Abaar Baahsan

Roobab xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ayey deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Puntland, xilli muddooyinkii dambe ay deegaanada Maamulkaas ka jireen abaaro baahsan iyo biyo la’aan.

Roobabka ayaa ahaa kuwo lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaanada Gobolada Nuga al, Mudug, Bari, Sool iyo Cayn gaar ahaan dhanka Hawdka, waxaana ro obabka ay biyo farabadan dhigeen waddooyinka waa weyn ee deegaanadaas, sida lasoo weriyey.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in roobabka lagu qabowsaday, isla markaana dad iyo duunyo ay ku diirsadeen, maadaama muddooyinkii dambe Puntland iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya ay ka jireen abaaro saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah.

Abaarta sanadkaan ku dhufatay dalka Soomaaliya ayaa gaartay meel adeg, waxaana gobolada qaarkood dad ugu dhinteen haraad iyo caajo, iyadoona xusid mudan tahay in abaarta ay ku le’deen xoolo farabadan oo ay lahaayeen dadka xoolo dhaqato ah.

Ciidanka DF oo burburiyey maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd duleedka Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay Habeen hore ciidamada dowladda ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sa meeyeen ciidama da Kumaan do oska Go rgor ayaa ka dhacay tuulada Sabya oo hoostagta deegaan ka Basra oo dhaca waddada xir iirisa magaalooy inka Afgooye iyo Balcad.

Gaashaanle Bashiir Cumar oo ah taliyaha guutada 18-aad ee ciidamada Kumaandooska Gorgor oo hork acayey howl galka ayaa ka warbixiyey, wuxuuna shee gay inay bur buriyeen maxkamad beenaad ku taalay halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab ugu yeeri jireen sha cabka iyo gana csatada, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ho wlgalka ku dileennl xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ma caddeyn tiradooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Muqdisho oo ay inta badan weeraro ka soo abaabulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka Sooma aliyeed. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen deegaannadan, halkaas oo sidoo kale kale khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda waxa ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu xoogooda ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.8

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Ku Amray Inay Deg-Deg Uga Baxaan Ruu shka & Sababta

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa Arbacadii, qoraal ay soo saartay waxay walaac xooggan kaga muujisay in dadka Maraykanka ah ee haysta dhalashada dalka Ruushka, in Moscow u isticmaasho inay ka caawiyaan dagaalka ay ka waddo dalka Ukraine.

"Ruushka waxaa laga yaabaa inuu diido inuu aqoons ado dadka Ruushka ah ee haysta dhala shada labaad ee Maraykanka, isla markaa na uu ka hor-istaago inay adeeg ka helaan qunsuliyadaha Maraykanka, isaga oo diidd an nay dadkaasi ka dhoofaan dalka Ruu shka, isagoo tallaabadaas ula jeeda inuu dadkaas u ist icmaalo inay ka mid noqdaan ciidamada kaydka ah” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arri maha debedda ee Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadin iinta Maraykanku inaanay u safrin dalka Ruushka, iyaga oo u soo jeediyey qof kasta oo haatan ku sugan Ruushka, "inuu dalkaas uga soo baxo sida ugu dhak hsaha badan, xilli ay xadidan yihiin duulimaadyada gan acsi ee ka ka imanay dalkaas”.

Wasaaradda arrimaha debedda ayaa uga digtay muwaadiniinta Maraykanka ahi "inaanu dalka Ruushku masuuliyad iska saaray xuquuqda isu-soo baxyada nabadeed iyo xorriyadda hadalka” sidaas awgeed ay tahay inay ka fogaadaan dhammaan isu-soo baxyada siyaasadeed iyo kuwa bulsho, ayna ka fogaadaan inay sawiro ka qaadaan ciidamada ammaanka, xilliyada ay socdaan mudaraadadu. Ruushka ayaa hore xabsiga u dhigay muwaadiniin Maraykan ah oo ka qayb galay isu-soo baxyada ka socda dalkaas

Mareykanka oo qaadanaya 125,000 oo qaxooti ah, una badan qaaradda AFRIKA

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaadanayo sannad miisaaniyadeedka 2023, tiradaas oo gaadhaysa illaa 125,000 oo qaxooti ah, inkasta oo uu cadaadis xooggan uga yimi

kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha qaxootiga, iyaga oo madaxweynaha ku cad aadinayey inuu kor u qaa do tirada qaxootiga uu Ma ray kanku qaato sannadkii, si loo daboolo baahida jirta.

Kooxaha u dooda qaxootiga ayaa ku cada adinaya maa mulka Biden inuu wax badan ka qabto, Barnaamijka Qaabilaadda Qaxo otiga ee Maraykanka, iyada oo si weyn loo dhimay tirada qaxootiga ee Maraykanku uu qaato sannadkii, intii uu xilka joogay madaxweynihii ho re ee Maraykanka Don ald Trump. Waxaana tirada qax ootiga uu Maraykanku qaato ay gaadhay illaa 20,000 sannadkii.

Sannad miisaaniyadeedka Maraykanka ayaa dhamm aanaya maalinta Jimcaha ee foodda innagu soo hay sa

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo lagu faahfaahiyey meelaha uu Maraykanku qaxootiga ka soo qaadanayo sannad miisaniyadeedka 2023, ayaa lagu sheegay in qaaradda Afrika laga soo qaadayo illaa 40,000 oo qaxo ot i ah, iyada oo dalalka ku yaalla Bariga dhow iyo Woq ooyiga Aasiya loo qoondeeyey illaa 35,000, halka dalal ka ku yaalla Bariga Aasiya, Yurub, Badhtamaha Aasiya &Latin America loo qoondeeyey min 15,000. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa 5,000 oo qaxooti ah in lagu calaamadiyey inay yihiin qoondo kayd ah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip