
Dhageyso: DAAHIR AMIIN Jeesow oo ku biiray dagaalka Hiiraan, xog cusub-na bixiyey
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inuu ku biiray abaabulka dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha uu golaha shacabka ku metelo ee Gaaljecel.
Xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka gobolka Hiiraan ay deegaan kasta iska abaabuleen, si ay isaga xoreeyaan Al-Shabaab, isagoo wacad ku maray in Hiiraan uusan ka soo laaba doonin iyadoo aan la xoreyn deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan.
Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la weydiiyey waxa uu uga jawaabayo eedeyntii Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku tilmaamay waxaba kama jiraan, isagoo raaciyey sababta.
Faarax Macalin ayaa dhawaan sheegay in shacabka is abaabulay ee gobollada dalka ka dagaalamaya ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isagoo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qabiilo hubeyneyso.
Xildhibaan Jeesow oo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa yiri, "Hadey dadka Soomaaliyeed i aaminayaan waxaan u xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya aysan hub bixin, shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab ayagaa hubkooda gatay, dowladdu waxay siisaa cuno iyo rasaas oo kaliya.”
Dhinaca kale wuxuu sheegay in dowladda ay dadka ku nool gobollada qaar ay gaarsiisay gargaar, halka kuwo dadka reer Hiiraan ay ku jiraana la weysan yahay wado loo marsiiyo gargaarka.
Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey Universal TV
Dhageyso: DAAHIR AMIIN Jeesow oo ku biiray dagaalka Hiiraan, xog cusub-na bixiyey
...