
Xoghayaha NUSOJ oo Muqdisho ugu waramay weriyeyaal jilaya ammaanka darrada dalka
Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan lagu dhameystirayay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo dhowaan lagu dhisay Hotelka City Palace, hase yeeshee markii uu soo gabagaboobay kulankaasi ayaa koox weriyeyaal u badnaa shisheeye waxay Xoghaye Maxamed Ibraahim Macallimuu ku heleen jaanis.
Weriyeyaashaan oo u muuqday kuwo jilaya ammaan darrida dalka ka jirta ayaa xirnaa jaakadaha aanay xabbadaha karin, taasi oo layaab ku noqotay dadkii halkaasi ka dhowaa, layaabna ku noqotay in iyagoo ku jira gudaha Hotelka ay hadana isticmaalaan jaakadaha oo loogu talo galay goobaha ay dagaalada ka socdaan.
Xoghaya guud ee ururka Suxufiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka warbixinayay ujeedada kulanka oo dhowaan la dhisay ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay bahda Saxaafadda u heli lahayd xuquuqaheeda asaasiga ah.
Maxamed Ibraahim Macallmuu oo ka mid ah weriyeyaasha ugu firfircoon kana soo shaqeeyay warbaahino fara badan ayaa loo doortay ururka NUSOJ oo maamulkii hore, kaasi oo waxqabadkii laga sugayay ay ragaadiyeen khilaafyada hoggaankiisii hore.
xigasho:-somaliweyn.com
Xoghayaha NUSOJ oo Muqdisho ugu waramay weriyeyaal jilaya ammaanka darrada dalka
Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan lagu dhameystirayay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo dhowaan lagu dhisay Hotelka City Palace, hase yeeshee markii uu soo gabagaboobay kulankaasi ayaa koox weriyeya