Shan faa'ido oo laga helo cunista Yaanyad

0
Wednesday September 28, 2022 - 17:46:57 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan faa'ido oo laga helo cunista Yaanyad

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Yaanya

Yaanyadu waxay ka mid tahay khudaarta sida weyn loo cuno oo cunnooyinka lagu darsado sida basbaaska iyo baradhada.

Yaanyadu waxay leedahay noocyo kala duwan xagga muuqaalka mid waaweyn oo wareeg siman, mid dhuuban oo qaabka ukunta u taallo iyo mid aad u yaryar.

Balse waxay noocyada kala duwan ee Yaanyada ay ka siman yihiin midabka casaanka ah. Inkasta oo la helo yaanyo midabkeedu jaalla ama cagaar yahay.

Haddaba maxay yihiin shanta Faa'ido ee laga helo cunista yaanyada:

1. Caafimaadka wadnaha ayey wanaajisaa

Qofka caafimaadka qaba ee qaangaarka ah maalintii wuxuu u baahan yahay 80 garaam oo Yaanya ah cuntadiisa iney ku jirto taasoo u dhiganta 5% maaddada Potaasiyamka oo qofka jirkiisa u baahan yahay.

Qofka oo cuno cunnooyinka ay ku jirto maaddada Potaasiyamka waxay qofka ka caawineysaa inuu dhiig furan dhanka wadnaha ah uu ku dhicin iyo cudurrada kale ee wadnaha haleela intaba.

Yaanyada waxaa ku jirta maaddada Lycopene, oo yaanyada midabka cas u yeeleysa.

Daraasad badan oo lagu sameeyey maaddada Lycopene iyo faa'idooyinka qofku u leeyahay waxaa lagu ogaaday iney yareyso khataraha qofka ka soo wajahi karo cudur wadnaha kaga dhaca.

Yaanya

XIGASHADA SAWIRKA,ANGELIKA GRETSKAIA/REDA&CO/UNIVERSAL IMAGES GROUP VIA GETTY IMAGES

2. Indhaha ayey u wanaagsan tahay

Khudaarta yaanyada waxay ka kooban tahay maaddooyin phytochemicals la isku yiraahdo oo ay ka mid yihiin Lycopene, Lutein iyo beta-carotene.

Dhammaan maaddooyinkaasi ayaa ah kuwa waxtar weyn u leh caafimaadka Indhaha iyo badqabka aragga qofka waxayna awood u leeyihiin iney ka hortagaan cudurrada indhaha ku dhaca ee da'da la socda.

3. Caafimaadka maqaarka ayey wanaajisaa

Maaddada Carotenoids oo inta badan laga helo khudaarta cagaaran oo ay Yaanyadu ka mid tahay waxay ka hortagaan cudurrada dadka haleela.

Daraasad 2006-dii la sameeyey waxaa lagu ogaaday waxtarka ay maaddada carotenoids 10-12 toddobaad kaddib inuu waxtarka maaddadaasi hoos u dhici karo.

Balse taa micnaheedu ma aha haddii aad Yaanya badan maalintii isticmaasho iney kaaga baahnyen inaad gubto si looga hortago dhibaatada ama khatarta ka dhalan karto si la mid ah cunta walba haddii isticmaalkeedu la badiyo.

Daraasadduna waxay ku talo bixineysaa markasta oo yaanyada la kariyo waxtarkeeda caafimaad gaar ahaanna qaybta u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha jirka halista ku ah ay kordheyso.

Yaanyadu in lagu cuno dufanka ay ka mid yihiin Saliida Seytuun, waxay gacan ka geysaneysaa iney maaddada carotenoids ay jirka si wanaagsan ula falgasho.

Sida oo kale maaddadaasi waxay wax weyn ka tartaa caafimaadka maqaarka qofka sida inuu iftiimo inuu ingeeg yeelan iwm.

4. Waxay jirka ka caawineysaa Xinjirowga Dhiigga iyo dhaawac inuu bogsado

Yaanyada sida oo kale waxay qani ku tahay maaddada Vitamin K, oo waxtar weyn u leh dhiig xinjirowga iyo bogsashada dhaawac.

Sida oo kale waxaa jira caddeymo muujinaya Vitamin K iney waxtar u leedahay lafaha iyo caafimaadka wadnaha.

Yaanya

XIGASHADA SAWIRKA,ANGELIKA GRETSKAIA/REDA&CO/UNIVERSAL IMAGES GROUP VIA GETTY IMAGES

5. Waxay gacan ka geysataa yareynta astaamaha caada joogsiga

Daraasad 2015-kii lagu daabacay Joornaalka Arrimaha Nafaqada lagu soo saaro ayaa lagu ogaaday in cabitaanka casiirka Yaanyada ay u muuqatay inay caawiso hagaajinta qaar ka mid ah calaamadaha sida walaaca iyo garaaca wadnaha.

Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 95 haween ah oo ay da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 60 sano kuwaas oo cabay 200ml oo sharaabka yaanyada, laba jeer maalintii, muddo siddeed toddobaad ah.

Inkasta oo tani ay tahay tijaabo yar, natiijadu waa dhiirregelin waxayna dammaanad qaadaysaa in cilmi-baarisyo dheeraad ah la sameeyo.

Yaanyada cid walba ma isticmaali kartaa?

Yaanyadu waxaa la sheegaa iney dadku intooda badan ay isticmaali karaan marka laga reebo saameyn dhinaca xasaasiyadda, lafa xanuunka iyo xubno xanuun.

Inkasta oo ilaa iyo hadda ay jirin daraasado rasmi ah oo taa caddeyneyso hase yeeshee waxaa la isku raacsan yahay oo keli ah dadka xasaasiyadda qaba qaarkood iney saameyn yar kala kulmaan marka ay yaanyada isticmaalaan.

Waxayna dhakhaatiirtu ku talinayaan xasaasiyadda Yaanyada iney yartahay, balse haddii uu qofku xasaasiyad uu kala kulmayo inuu u bato dhanka khudaarta kale ee cuntada lagu darsado sida baradhada iyo kudaarta kale.

Qofka haddii uu qaadanayo dawooyinka joogtada ah sida dawada dhiig karka oo kale waa inuu qofku raacaa talooyinka ay dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip