FAALLO:- Hayeey, xatooyo Xoolo Dadweyne.

0
Tuesday September 27, 2022 - 20:14:00 in Wararka by
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:- Hayeey, xatooyo Xoolo Dadweyne.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

 

Sida ku cad Xadiithka ku qoran Sunan Nasai 4454.

 

Rasuulkeena Muxamed CSW kii khayrka badnaa, intii Raacdayna ey Liibaantay ayaa yiri: (( waxaa imaan doono Wakhti uuna Qofku kala jecleeyn xageey Hantidiisu ka timid/ Ka kasbaday, Xalaal iyo Xaaraan)). ( F.S: 1aad).
Amaa wakhtigii la gaaray ?.

2.

 

Nin Saalixiinta ka mid ahaa ayaa yiri: Sheydaan oo ah kan ugu sharta badan Uunka Alle ayaa yiri: ibnu Aadamka hal Talo ayaan siiyaa, hal dhinac ayaan u jeheeyaa, kadibna wakhti isagama dhumiyo, waa isaga tagaa, siduu doono ha u dhaqmee.


Waxaa lagu yiri: Noo sheeg, waa maxaay?
Waxa uu yiri: (( waxaan ku hagaa in kasabkiisa/ waxa uu Tacbanayo ey Xaaraan noqdaan, kadibna wax uu cunayo iyo waxa uu cabayo waxa ey naqdaan xaaraan.

 

Dharka uu ku labisanayo waxa uu noqdaa xaaraan, dharka uu ku tukanayo waa kasab xaaraan ah, waxa uu Sadaqeeysanayo waa xaaraan, Haddii uu soomo, waxa uu ku Af furayo waa xaaraan, haddii uu Guursado waxa uu ku guursaday waa xaaraan, Haddii uu Xajiyo waxa uu ku xajiyay waa Maal xaaraan ah iyo….)) . ( F.

 

S: 2aad)

Hal talo oo Sheydaan ku siiyay oo aad qaadatay ayaa uga filan in uu Talooyin kale ku siiyo.

 

Allow waxaan kaa magan galnay in aan raacno Talo Sheydaan iyo Xoolo xaraan ah.

3.

 

Waxa ey ila tahay Gabar lagu guursaday Xoola xaaran ah, lagu hugiyay Dhar Dollar xaaraan ah laga soo bixiyay ( F.S: 3aad).

 

Waxaa iimaan dhaantu Gabar Baalweyn Shilin Somali ah oo Bolol ah oo Xalaal lagu kasbaday, loogu soo iibiyay Maro ey ku tukato. ( F.S: 4aad).

4.

 

Xoolo Hal Qof aad ka xaday waa kaa cafi karyaa, Laakin Xoolo aad ka Xaday Ummadda Somaliyeed oo dhan ee Ummaddii oo dhan ey Qiyaamaha kaa wada laalaadsato Culeeys kuuma yaro.

 

Qiyaamuhu yuuna kula dheeraan, Berriba waa noqon karaa.( F.S: 5aad).

Allaah, Xoolo iyo kasab xaaraan ah hakaa badbaadiyo, wixii Dambi ah ee aad hore u gashayna hakaa cafiyo.

 

Ogowna waxaa lagu jiraa wakhtigii Rasuulkeena Moxamed CSW uu sheegay ee Xalaal iyo Xaraan aan la kala sooceeyn si wax loo helo.

 

Sheydaana waxaa uu buxinayaa Hal Talo oo uu uga nasto Talooyin badan oo uu ku siiyo.iska ilaali xatooyo Xoolo Dadweyne.

FG: wixii iga khadan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.


Qore: Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip