HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 25-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Sunday September 25, 2022 - 08:38:50 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 25-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qeexay halganka cusub ee dalka ka socda?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qara mada Midoobey António Guterres ayaa kala had lay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda ho rmarineed ee la ga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhi gay sida ay uga go’an tahay dag aalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qar amada Midooobay, halganka dalka ka socda ee ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wad aan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, wux uuna ku qeexay "halganka isku dhafka ah ee ciid amada iyo shacabka.”

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Gute rres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxwey naha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madax wey naha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caa lamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacab ka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Soomaal iya Xa san Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Feder aalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shac abka Soomaaliyeed.

R/W Xamza oo amray Golaha Wasiirada in si deg deg ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo Shalay guddoomiyay shirka dib u hab eynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeya hay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boo rriyay inay xoogga saaraan sidii dhamm aan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso loog una gudbo shuruudaha xiga…

Md. Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dow ladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dha mmaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan hor seedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bu lshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dham maan hey ’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dal keenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abu urmaan shaqoo yin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

Guddoomiye Madaale Oo Digniin U Dir ay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shirka degmoo yinka gobolka Banaadir, oo looga hadlay horu marinta Daqliga, Amniga, Nadaafada iyo Taak uleenta Barakacaya asha.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan, ayaa Du qa Magaalada Muqdisho Sheikh Yuusuf Madaale ay aa mid mid warbixin ku saa bsan soo xareenta daqliga, iyo caqab adaha jira ka dhag eestay guddoomiyaasha deg mooyinka, iyo agaasimayaasha Daqliga gobolka Banaadir.

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Ma gaalada Muqdisho Mudane Yuu suf Xuseen Ji mcaale (Madaale) waxa uu sheegay in lala xis aabtami doono mas’uul kii lagu helo musuq-ma asuq iyo wax isdab arin.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gu ddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka an Ba naadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka, waxaana Guddomiyeyaasha la faray inu dardar-geliyaan howlaha shaqo ee muhiimka ah.

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Haweenka Kala Hadlay Caqabadaha Heysta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa guddo miyey kulan looga hadlaayey doorka Haweenka ay ku leeyihiin Hay’addaha Dowladda iyo caqa badaha ka haysta helista xilalka sare, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka.

Kulankan ayaa lagu lafa guray caqabadaha ay ka la kulmaan Haweenka shaqada iyo in xilal mu uqda ay ka qaban karaan xafiisyada dowladda, iyadoo la isla qaaday in loo baahan yahay in dhii rigalin iyo dalacsiin la siiyo dumarka dadaalka dheeraadka ah muujiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa xusay muhiimadda ay haweenku u leeyihiin Hay’addaha Dowladda isla markaana in ay waajib tahay in ha weenka lagu dhiiri galiyo shaqooyinka dowladda, isla markaana xukuumadda Dan-Qaranna ay kor u qaadayso dhiiri galinta Haweenka ee dhina cyada shaqaalaysiinta iyo ka qayb galka siyaa sadda dalka.

Kulanka waxaa goob jooga aha Wasiirka haw eenka iyo xuquuqul insaanka, Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qar anka, Xisaabiyaha guud ee Qaranka, Guddoom iye ku xigeenka bangiga dhexe, Agaasimaha gu ud ee xarunta warbix innada maaliyadda, Agaasi mayal &la taliyayaal sare ee xafiisyada Dowlada.

Guddoomiye Aadan Madoobe Iyo James Swan Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ah na Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarl amaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur Madobe ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-ha yaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Sheekh Aad an Madoobe iyo Wakiil James Swan ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yih iin xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loo gu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay.

Sidoo kale inta uu soc day ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Qaramada Midoobay Baa rlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dedaalada ay dalka ka wadaan wakiiladda beesha caalamka wa xaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dha nka ah Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi la haa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Shalay U Ambabaxay Canada & Ujeedka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xu kuumada Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ay aa Shalay u ambabaxay magaalada Montreal ee Dalka Canada.

Wasiir Fardowsa Cusm aan ayaa magaalada Montr eal u ga qeyb galeysa shirka Caal amiga ah ee Hay’adda Duulista Hawad da Addu unka ee (ICAO) oo ka furmaya magaaladaas, is la markaana looga hadli doo no arrimaha Duulista Hawadda Adduunka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka mid ah 193 waddan ee xubnaha buuxa ka ah ICAO , iyadoo inta uu socda shir weynaha Wasii rka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , ay soo bandhigi doo nto warbixin la xiriirta guulaha ay Dawladda Soo maaliya ka gaartay adeegyada duulimaadyada iyo Hawada sare .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuku umadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulamo doceedyo la qaa dan doonta wasiirrada iyo wakiillada ururrada iyo hay’adaha duulimaadyada adduunka ee shirka ka qeybgalaya.

Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Gaasha andhiga iyo Talyaha Ciidanka oo gaaray deega anno laga saaray Al-shabaab

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Ka ariye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdu qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidama da Xoogga Odowaa Yuusuf, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaal ka ayaa gaa ray deegaan no dhawaan la ga saaray Al-shab aab.

Mas’uuliyiinta ayaa deegaana da ay gaareen waxaa kamid ah fur imaha Sin adhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowl adda.

Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hoggaami neysa howgalka, taasi oo ku aadan xaalada deegaanada ay ka soc dana dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Masuuliyiintan ayaa Ciidanka ku boggaadiyay iyo in loo diyaar garoobo dagaal Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maa

mulka Galmudug.


Dowladda Soomaaliya Oo Safaarad Iyo Qunsu liyad Cusub Ka Furaneysa Dal Carbeed

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka ay dhawaan safaarad iyo Qunsuliyad guud ka furameyso Magaalada Dakhla ee dalka Morroco.

Wasiir Abshir Cumar Haru use oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Go’aan ku gaartay in safaarad ka furato mag aalada Rabat iyo qunsuliyadda guud ee maga alada Dakhla.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowla ddaha Soomaaliya iyo Morroco uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadajir, wuxuuna intaas kusii daray in labada dal ay kala saxiixan doonaan qorshaha Iskaa shiga.

"Soomaaliya waxay go’aansatey inay safa arad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda do wladda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haru use.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuum adda Soomaaliya kulan uu la qaatay Wasiirka arr imaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo Morroco, Na sser Bourita, oo ka qeyb galay kulanka Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Somaliland Oo Mas’uul Cus ub Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxw eyne oo su mmadeedu tahay SL/XM/ WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiid ka iyo Horumarinta Jidadka Somali land. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madax we ynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waa ya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuul iyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday; In, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bila abo taariikhda Shalay uu ahaado Wasiir Ku-xig eenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Naasir Caydiid Maxamed Faarax ayaa waxaa uu horey u ahaa Wasiir Ku xigeen ka Arrimaha Gudaha ee Dawlad daha Hoose ee Maamulka Somaliland, balse haatan ayaa waxaa loo ma gacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaa diid ka iyo Horumarinta.

Beel Muqdisho ka iclaamisay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Saraakiisha, xildhibaanada, wasiirrada iyo wax garadka beesha Baadicadde ayaa Shalay maga alada Muqdisho ku yeeshay kulan ay ku iclaa miyey dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaaba doona gobolka Hiiraan.

Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Beenabe ene ayaa shir guddoon ahaa kulankaas, waxaana laga soo saaray go’aan ah, in beeshu ay ku duu sho dhulka ay Al-Shabaab ka heystaan, sida Jala laqsi, Buurweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Hiiraan.Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay ayaa shee gay in Al-Shabaab waayihii u dambeeyey ay dhib aato badan u geysteen beeshiisa Baadicade, isa goo soo tiriyey dadkii ay ka waxyeeleeyeen bee sha oo isagu uu ku jiro.

"Al-Shabaab dhibaato ayey horay u soo gaa si iyeen beesheyda sida dadkii ay nooga laayeen qa raxii hotel Xayaat, Saraakiil, Odayaal iyo Masuuliy iin ay naga dileen, aniga qarax bay igu soo weera reen, Shalay waxay beeshu go’aansatay inaan la dagaalano kooxdaas,” ayuu yiri Xildhibaan Macal imuu oo baarlamaanka federaalka ka tirsan.

Xildhibaan Cabdisamad Waber Axmed oo ka tirs an baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa yiri, "Jimcada soo soc ota Jalalaqsi ayaan ku tukanayaa, Al-Shabaab deegaankeenna ma sii haysanayaan oo heshiis ma nihin, Soomaali oo dhan ayaa dil ugu xuku man in aan iska dhicino ayaana naga go’an.”

Dowlada Soomaaliya Oo Saxiixday Axdiga La gu Unkay Jaamacada Nabadda Ee QM

Axdiga Nabadda ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabsho Upeace waxay gaa rtay guul kale oo taariikhi ah, ka dib markii mada xweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Max amuud uu saxiixay axdiga ka mid ahaansha Jam aacada.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Dowladda So omaaliya ay si rasmi ah u ansixisay Axdiga Nab adda, lana filayo in ay dhaqangeliso.

Wakiilka Jaamacadda ee dalka Dr Maxamed Cis maan oo ka falcelinayay warkaas ayaa sheegay in go’aanka madax weynaha uu yahay war wanaagsan oo lagu farxo.

"Warkan waa war aad loo soo dhaweynayo, waxa yna jaamacaddu faraceeda Soomaaliya ka dhiga ysaa inay la mid noqoto dalalka kale ee saxiixay xeerka,” ayuu yiri Dr Maxamed. Dowlada soomaa liya oo saxiixday axdiga lagu unkay jaamacada nabadda ee qm

dr juan carlos, madaxa jaamacadda peace oo la sheekeysanaya madaxweynaha soomaaliya dr xasan sheekh maxamuud kulanka golaha guud ee qaramada midoobay, sebtember 20, 2022

"Ardaydu waxay kaloo ka faa’idaysan doonaan de eqo waxbarasho oo kala duwan oo ay Jaamacadu bixiso” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay axdiga ku biirista QM isagoo ka qeyb galaya shirka 77-aad ee Q/M. iyadoo Soo maaliya ay noqotay dalkii 42-aad ee saxiixa axdiga, kaasoo ka dhashay Qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 35/55 ee soo baxay 5-tii December 1980-kii ee lagu aasaasay Jaamacadda Nabadda Xarunta Dhexe ee Costa Rica iyo Barnaamijyada Gobolka ee Afrika (Itoobiya), Yurub (Netherland) Aasiya (Shii naha), Koonfur Bari Aasiya (Filibiin), iyo Koonfurta Ameerika (Honduras).

Dhowr sano ka hor, Jaamacad da ayaa lagu soo dhaweeyay Soomaaliya, ka dib markii ay bilowday bixinta koorsooyinka. Wixii ka horeeyey 2018-kii ardayda Soomaaliyeed waxay u safri jireen Itoobiya oo ay Jaamacaddu ku leedahay xarunt eeda ugu weyn ee qaaradda Afrika.

dowlada soomaaliya oo saxiixday axdiga lagu unkay jaamacada nabadda ee qm

midig: wakiilka upeace ee soomaaliya dr moham ed osman, madaxweynaha sooma aliya mudane xasan sheekh maxamuud, agaasimaha barnaami jka gobolka upeace, professor samuel kale ewusi, iyo madaxa xafiiska shaqaalaha ee madaxweyn aha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya dr. hus sein sheikh

"Saxiixa Axdigan ee madaxweynuhu waa horumar kale oo weyn oo Jaama cad da ku talaabsatay, waxaana raj eyneynaa inuu albaabada u furo ar day badan inay isku diwaan gali yaan koorasyada ay bixiso Jaamacaddu” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuus uf, Madaxa Upeace ee Soom aaliya.

Aasaaska xaruntii ugu horeysay ee Jaam aca dda taasi oo laga asaasay dalka Costa Rica, oo ah waddan ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa do or laxaad leh ka qaadatay in ay sal-dhigato Jaam acadda.

dowlada soomaaliya oo saxiixday axdiga lagu unkay jaamacada nabadda ee qm

khariidad muujinaysa xarumaha waaweyn ee jaa macadda upeace ee dunida

Dhanka Afrika, Jaamacaddu waxay sannadkii 2002-dii xarunt eeda ka asaastay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya barnaamijkeeda gobolka ee Afrika, kaasoo albaabada u furay kum anaan arday Afrikaan ah oo aad u jecel inay sii wataan koorsooyin la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka.

madaxweyne xasan sheekh maxamuud (dhexda), oo la qoslaya dr juan carlos, oo ah madaxa caal amiga ah ee upeace. Wax aa weheliya madaxa xafiiska madaxtoo yada jamhuuriyadda federaalka soomaali ya dr. xuseen sheekh maxamuud.

Qaar badan oo ka mid ah ardayda ka qalin jabis ay Jaamacadan ayaa hadda isticmaal aya aqoon ta ay heleen si ay u dhisaan nab adda iyo inay gacan ka geystaan taageer ada bulshadooda.

Bishii Ogosto 2018, Upeace waxay xarunteedii ugu horreysay ka hirgelisay M/Muqdi sho, waana dufcadii ugu horreysay ee Jaamacadda Soomaal iya ee ardayda dhigata barnaamijyada Master iyo PhD.

dowlada soomaaliya oo saxiixday axdiga lagu unkay jaamacada nabadda ee qm dr juan carlos, maxada guud ee jaamacadda upeace (dhexda), Md.Madaxweyne xasan sh & ambassador narind er kakar, kormeeraha joogtada ah ee jaamacadda nabadda ee qaramada midoobay- goobta waa shi rweynaha 77aad ee qaramada midoobay.

UPEACE waxay qabanqaabin doontaa xaflad da qalin-jabinta xigta ee Soomaaliya dhammaad ka Oktoobar 2022 iyada oo in ka badan 100 arday dhaameeyey koorsada Masters-ka ah iyo ugu yar aan 10 arday oo dhameeyey shahaada PHD-ga la filayo inay helaan Shahaadooyinkooda.

dowlada soomaaliya oo saxiixday axdiga lagu unkay jaamacada nabadda ee qm

Saciid Deni iyo Aaran Jaan oo kala tag ay iyo PUNTLAND oo loolan cusub ga shay

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyey dagaal siyaasadeed cusub kadib markii uu xeendaabkiisa dowliga ah ka saaray kooxda Aaran Jaan ee markii hore ay xulufada iyo shir kada siyaasadeed ahaayeen.

Wasiirkii ugu awoodda badnaa nidaamka Puntland dhowrkii sano ee lasoo dha afay Xasan Shire Abgaal ayaa banaanka laga dhi gay xukuumadda Puntland, wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda, ayada oo uu xilkaas ku waayey isku shaandheyn uu Dorraad sameeyey Deni.

Damaciisa doorashada 2024 iyo sida uu ugu adkeysanayo sii socoshada kaltanka beelaha ee hoggaanka Puntland ayaa loo arkaa sababta uu Saciid Deni u badalay Xasan Shire Abgaal.

Xil ka qaadista Xasan Shire Abgaal waa ka mac no badan tahay kuwii ka horreeyey, sababta waa inuu kamid ahaa milkiilaya asha maamulka Saciid Deni.

Ninkaan oo ay Deni shirko ku ahaayeen daga alkii Boosaaso iyo qorshihii doorash ada madaxw eynaha Soomaaliyan wuxuu matalayey koox siy aasiyiin ah oo isku xiran oo reer Puntland ah badankoodna ay magaalada Garoowe kasoo jeed aan kuw aas oo ay dadku ku xantaan magaca Aaran Jaan.

Iyadoo ay 15 bilood ka dhiman tahay muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa durba Puntland ka bilowday ololaha doorashada, siyaasiyiin isku aragti ah ayeyna dantu kala wa day.

Kooxda uu hormuudka u yahay wasiirka xilka laga qaaday waxaa lagu eedeynayaa inay doonay aan in kaltanka beeluhu uu sidiisa usoo socdo oo maalinba uu reer xukumo Puntland.

Beesha dagan caasimadda Garoowe waxay jilbo culustooda siyaasadda ku xisaabtamayaan in do orkoodii la joogo oo Gaalkacyo iyo Qardho aysan fursad laheyn, laakiin Deni iyo kooxdiisa waxay sheegayaan inay muhiim tahay in laga gudbo ka ltan beeleedkaas. Qaabka looga gudbaayo ayaan weli heshiis laga gaarin.

Saciid Deni ayaa seddex deegaan horey uga qabtay doorasho dadweyne oo tijaabo ah, waxa yna hadda kooxdiisa sheegeysaa in loo baahan yahay in waqtiga haray lagu dhameystiro doora shada deegaanada kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Dadka dhaliilsan Saciid Cabdullaahi Deni wax ay leeyihiin shaqo badan lagama qaban arrimaha doorasho dadweyne, sidaas darteed waa in doorkaan sidii hore lagu celiyaa, halkaan waa dar iiqa kala leexiyey Deni iyo Aaran Jaan.

Horey Saciid Deni waxay gudaha Puntland isugu hayeen ilmo Diyaano oo siyaasad ahaan iyo cii dan ahaanba saameyn xoog leh ku leh deegaana da Puntland, inuu lumiyo Aaran Jaan waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay inuu galay dagaal laba afle ah oo aan natiijadiisa laga hor dhici ka rin.Xigasho:caasimadda.net

Afar qodob oo madaxweyne Xasan Sheekh uu caalamka hordhigay khudbaddii QM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa hadal dhinacyo badan taabtay ka jee diyey meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Madaxda ay dalalkooda argagixisadu aafeysay sida Xasan Sheekh Maxa muud muhiim ayey kalm adooda u aheyd shirka. Madaxweyne Xasan Sh.ayaa khudbadiisa ku dul istaagay afar dhinac oo muhiim ah. 1- Xanuunka COVID-19

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xanuunka COVID-19 uu muujiyey sida aysan dunida ugu diyaarsaneyn ka jawa abista deg degta ah ee xaaladaha waaweyn. Madaxwey naha wuxuu muujiyey sida uu xanuun kaas u naafeeyey dalalka soo koraya.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka uu cudur kaas dadka badan ka laayey laakiin aan deg deg ah u helin jawaabaha. Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in COVID-19 laga bartay baahida loo qabo jawaab wadajir ah marka ay xaalado waaw eyn yimaadeen.

Dalal badan ayaan weli kasoo kaban khasaar ihii kasoo gaaray xanuunkaan ee xagga dhaqa alaha kuwaas oo ugu badan dalalka ku yaalo qaa radda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dheeraaday ka hadalka isbadalka cimilada adduunka iyo dhibaatada ay ku heyso dalalka soo koraya, wuxuu sheegay in dowladiisu ay ahmiyad siisay arrinta deegaanka iyo cimilada oo ay dhiseen wasaarad arrimahaas u gaar ah.

Wuxuu dalbaday in garab lagu siiyo Soomaal iya xal u helidda dhibaatada deegaanka iyo cim ilada oo hadda ah mid kamid ah waxyaabaha ugu badan ee uu adduunka dhaqaalaha ku bixiyo.

3- Abaarta

Khudbadda madaxweyne Xasan Sheekh ee shirka Qaramada Midoobay wuxuu kusoo hadal qaaday xaaladda abaarta ee Soomaaliya. Inuu dalkaan ku yaalla Geeska Afrika uu wajahayo waqti adag oo abaar ah, inuu bulshada Soomaaliy eed gaar ahaan qurba joogta iyo ganacsatada ka la hadlay inay kala shaqeeyaan inaysan abaarta isku badalin macluul ayaa ku jirtay khudbadda madaxweynaha.

Wuxuu dalbaday kaalmo dheeri ah si ay dowl adiisa ugu guuleysato wax ka qabashada abaarta. Dhibaatada argagixisada ayuu madaxweynuhu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabaha kordhi yey abaarta iyo dhaqaale xumada.

4- Dagaalka Al-Shabaab

Qodobkii ugu muhiimsanaa hadalka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daa cish.

Xasan Sheekh waxa uu xusay inay kooxdaan dhibaato badan ka geysatay Soomaaliya haddana ay bilaabeen inay ceelashii ka duugaan shacabka iyo inay dadkii iska laayaan taasina ay qasab ka dhigtay inay dowladiisu jawaab deg deg ah bixiso.

Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed go’aans adeen inay dowladda ku garab siiyaan dagaalka argagixisada taas oo uu sheegay inay saamixi doonto in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha wuxuu u muuqday nin taageero u raadinayo mashruuca lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Nuxurka khudbadda madaxweyne Xasan Sh. waxay aheyd n dagaalka Al-Shabaab, abaarta iyo isbadalka cimilada in lagu garab siiyo Somaliya.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu la,yahay xeebaha Giriiga

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa baadigoob ugu yaraan lix muhaajiriin ah oo lagu la’yahay jasiiradda Leros, sida ay sheegeen sara akiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya shil kale oo la rumeysan yahay inuu kaas ka dambeeyay.

Booliska Dekadda ee xeebta Leros ayaa hel ay 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo ka le doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga hel ay badda dhexdeeda, sida uu AFP u sheegay afh ayeen u hadlay ilaalada xeebaha.

Dadka la badbaadiyay oo u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, ayaa saraakiisha u sheeg ay in 55 qof ay la socdeen doonta.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in la billaabay howlgal samatabixin ah.

Waxay hawlgal labaad ka bilaabeen Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giri igga, kadib markii laba mar kab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu she egay bayaankan. Dadka la badba adiyay ayaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aan uga sii daraya xiisadda

Guddiga doorashada Somaliland ayaa Shalay ku dhowaaqay in aysan xilligeeda ku qaban karin doorashada madaxwey na ha iyo ku xigeenkiisa oo ku asteysan 13-ka No vember,taasoo uga sii da reysa xiisadda hadda taagan.

Qoraal ka soo baxay gu ddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey saddex qodob oo ay saldhig uga dhigeen go’aanka ay haatan ka soo saareen doorashada guud ee Somaliland.

Guddiga ayaa go’aankiisa u sababeeyey arrimo farsamo iyo kuwa dhaqaale oo xilligan heysta Somaliland.

Go’aanka ka soo baxay guddiga ayaa wa xa kale ay ku caddeeyeen in doora shada ay ku qa ban karaan farsamo ahaan muddo 9 bilood ah, ayna u baahanyihiin waqti dheeri ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxwe ynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay fars amo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa door ashada Mad axtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billo od ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsa mo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangal inta Codbixyeya asha iyo qabsoomida doorash ada Madaxt ooyada JSL.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uga sii dare yso xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan dag aalka siyaasadeed ee u dhexeeyo xukuumada & xisbiyada kala ah Wadani iyo UCID.


Gabar Soomaaliyeed oo mar kale ka mid noqotay Baarlamaanka Sweden

Leila Cali Cilmi oo ah Muwadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden ayaa mar kale ka mid noqotay Baarlamaanka Sweden, ka dib doorasho aad u adag dhawaan ka dhacday dalka wadan kaasi.

Guddiga Doorashada ayaa shaaci yay natiijada waxaa Xildhibaan walbo loo soo bandhigay inuu ku soo laa btay booskiisa Xildhibaanimo ama in uu ka dhacay Booskaasi.Leila Elmi ayaa barteeda Facebook ku Xaqiijisay inay ku soo baxday Doo rashadii barlamaanka isla markana Afar sano oo kale ay booskaasi ay matalidoonto.Xidhibaan Lei la Elmi ayaa Barlamaanka kasoo gashay dhanka Caasimada Götenborg iyadoo mataleysa Xisbiga Miljöpartiet.Leila Cilmi ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay doorashadii baarlamaanka 2018-kii.Waagaas, waxay taariikhda gashay iyadoo no qotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Swe dish ah oo loo doorto baarlamaanka Sweden

Cabsi Laga Qabo In Golaha Guurtida Somalil and Ay Mudo Kordhin U Sameeyayaan Muuse Biixi.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Shalay ku dhawaaqay in aanay qaban karin doo rashada madaxweynaha ee lagu waday in la qa bto 13-ka bisha November.

Guddiga waxay sheegeen in farsamo iyo dhaqaale ahaan aysan diyaar u aheyn qabshada doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in doorashada Ma daxweynaha ay ku qaban karaan muddo 9 bilood ah laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ee sanadkan si ay isugu diyaariyaan qabashada doorashada.

Somaliland waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka iyadoo mucaaradka ay ku ba aqayeen in doorashada lagu qabto xilligeeda.

Waxaa tallaabadan laga yaabaa in golaha guurt ida Somaliland ay kordhiyaan muddo xileedka Madaxweynaha.

XEEL DHEERAYAAL DHANKA AMNIGA AH OO XOG CUSUB KASOO SAARAY DAGAALKA KU SOCDA AL SHABAAB

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadey tallaabo lagu bogaadiyay oo dhanka dagaalka Al-Shab aab, iyadoo kaashanaysa shacab ka dhamaadey dulqaadka dhibaatda Kooxda.

Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo is-abaabulay ay aa ka saarey Al-Shabaab inta badan degaanadii ay ka jo ogtay gobollada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo howlgalka lagu dilay boqolaal dagaalyahan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa ayaa shaaciyay in wajiga 1aad ee howlgalka uu soo idlaadey, islam arkaana midka 2aad ay ka billaabi doonaan Baay iyo Bakool, oo kamid ah meelaha Al-Shabaab go’ doomin ku hayso, oo dadka degmooyinka dow ladda maamusho u diiday inuu gargaarka bini’aadanimo iyo badeecooyinka ganacsiga u gaaro dhanka dhulka.

Dadka darsa amniga waxay sheegeen in tall aabadan ay tahay mid billow u ah dhamaadka Al-Shabaab, balse waxay ka digeen in dowladda gac anta kusii hayn wayso meelaha la xoreeyay, oo u baahan xasilin iyo in la geeyo boolis suga amniga, loona dhiso maamulo maxali ah.

Qorshaha MW Xasan Sheekh ayaa ah inuu hal sano kusoo afjaro Al-Shabaab, taasoo hadii ay dhacdo gali doono Taariikhda baal dahab ah, isagoo noqon doono Madaxweyne lagu xasuusan doono xoreynta wadanka.

Ciidanka dowladda waxay hadda haystaan taag eero badan, oo uga imaanaysa Mareykanka, dad ka degaanka iyo ATMIS, waxayna sameynayaan horumaro xowli ah, oo degaanno kula wareegay aan, iyadoo Xildhibaanno ay safka hore ee dagaa lka kula jiraan, si ay niyadda ugu dhisaan.

Goobihii ugu dembeeyay ee laga saarey Al-Shab aab waxaa kamid ah Ceel-Heley, Nuur Fanax, Be erxano, Aboorey iyo Booco, oo bariga Beledwe yne ku yaalla, iyadoo dhanka Galgaduud ay Ciid anka kaabiga ku hayaan degmada Ceel-Buur.

Al-Shabaab ayaa sanado badan dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, waxaana ay weeraro isdaba joog ah ka fuliyeen goboladda kale iyo Muqdisho.

 


AFAR ARRIN OO LAGA OGAADAY CUDURKA ASAASAQA AFARTII SANO EE LA SOO DHAAFAY QALIN LAGU SHARXAYO SAWIR MASKAXDA LAGA QAADAY


XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Daawooyin cusub iyo baaris dhiig ayaa ka mid ah afar shay oo rejo geliyey dadka la nool cudurka Asaasaqa afartii sano ee la soo dhaafay.

Wax badan oo kale ayaa laga yaabaa inay soo baxaan si loo caawiyo qof walba - yar iyo weyn ee la tacaalaya xannuunka asaasaqa.

Waxaa jiray horumarro la taaban karo oo sann adihii u dambeeyay laga sameeyay in wax badan laga ogaado cudurka asaasaqa iyo daweyntiisa.

Waxaa ka mid ah hormarrada la taaban karo ee la gaaray afar arrin oo aan halkan idinku soo gudbin doono xilli bishan September la xusayo asaasaqa.

Muxuu yahay cudurka ?

Cudurka Alzheimers waa sababta ugu badan ee keenta asaasaqa dadka waaweyn, oo saamee ya in ka badan 55 milyan oo qof, sida ay sheegtay xarunta caalamiga ah ee cudurka Alzheimer' ee la socoto xannuunkan.

Waxaa loogu magac daray Dr Alois Alzhe imer, Sannadkii 1906-dii, waxa uu arkay isbeddel ku yimid unugyada maskaxda ee haweenay u geeriyootay calaamado ay ka mid yihiin xasuus-xummada iyo dhibaatooyinka dhanka hadalka ah.

Dr Sara Imarisio, oo ah madaxa cilmi baarista Alzheimer ee dalka UK, ayaa u sheegtay BBC: "Cilmi-baaristu waxay horumarinaysaa sida aan u baari karno, uga hortagi karno oon u daweyn karno cudurka asaasaqa.

"Sanado badan oo maalgelinta cilmi-baarista hormuudka ah, taageeridda dadka leh fikrado gee sinimo leh, ayaa ina gaarsiiyey heerkan, iyadoo dawooyiinka cudurkan ay waddada ku soo jiraan," ayay tiri..sawir muujinaya madaxa bina'aadamka iyo maskaxda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

1:Horudhac weyn oo ka timid cilmi-baarista saameynta hidde-raaca (2022)

Daraasad "taariikhi ah" oo sanadkan la sameeyay ayaa xannuunkan la xiriirisay 42 hiddo-sido oo dheeraad ah markii ugu horreysay.

Saynisyahanno ku sugan sideed wadan oo ay ku jiraan Fransiiska, Mareykanka, UK iyo Austra lia, ayaa eegay hidde-sidaha 111,000 oo qof oo qaba cudurkan.

Waxay aqoonsadeen 75 hidde-sideyaal lala xiriirin kara khatarta sii kordheysa ee cudurka, oo ay ku jiraan 42 aan horay loo ogeyn.Natiijada dar aasaddan, oo lagu daabacay jariirada Nature Gen etics, waxay bidhaaminaysaa in xannuunka asaa saqa ay sababaan arrimo badan, oo caddaynaya inuu jiro borotiin gaar ah oo keena bararka.

Professor Julie Williams oo ka mid ah qoraaya asha daraasadda ayaa shaqada la qabtay ku til Shalayy "horrumar weyn oo horudhac ah oo ku aaddan himiladeena ah inaan fahanno asaasaqa, oo ugu dambeyntii soo saarno daweyn dhowr ah oo loo baahan yahay si loo hakiyo ama looga hort ago cudurka.

"Natiijadu waxay taageertay aqoontayada sii kordheysa ee ah in cudurkan uu yahay xaalad aad u adag, oo leh waxyaabo badan oo kiciya, dariiqooyinka noolaha iyo noocyada unugyada ee ku lug leh kicintiisa," ayuu intaa ku daray.

Cilmi-baaris kale ayaa muujisay in arrimaha hab-nololeedka, sida sigaarka iyo cuntooyinka qaark ood, ay saameeyaan cidda uu ku dhici karo asaasaqa.

Laakiin cilmi-baarayaashu waxay aaminsan yi hiin in hidde-sidaha uu keeno khatarta ugu weyn.

Qof caawinaya bukaan ku nool tuulada Dax,oo Faransiiska ku taalla

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2: Tuulo la isugu keenay dad ka qaba xanuunka

Faransiiska ayaa abuuray tuulo u gaar ah dadka qaba cudurka astaasilooga tusa ale qaatay tuulo kale oo laga hirgaliyay dalka Netherlands taasi oo iyadana loogu talagalay dadka qaba xanuunka Asaasaqa.

Injineerkii Nashqadeeyay ayaa u sheegay wargeyska Le Monde in tuuladu aysan yeelan doonin deyrar muuqata, balse si wanaagsan ugu dhex milmayaan nolosha bulshada iyo dhaqanka ee magaalada.

Bukaan qaba xanuunka asaasaqa oo timaha loo hagaajinayo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Madeleine Elissalde, oo 82 jir ah, ayaa ka mid ah yd dadkii ugu horreeyay ee soo degay.

"Waxay la mid tahay inaad guriga joogto," Elissalde ayaa sidaa tiri. "Si wanaagsan ayaa na loo daryeelaa." "Xusuus la'aan teeda ma aha mid daran," ayay tiri Elissalde inanteeda Aurie oo intaa ku dartay in hooyadeed ay "dib u heshay raaxada nolosheeda."

Mid ka mid ah natiijada tuuladan loogu talagal ay dadka la nool xanuunka ayaa ah in dadka ku nool agagaarka ay u muuqdaan inay beddeleen aragtidooda ku wajahan dadka la nool xanuunka asaasaqa.

Sahan iyo daraasad lagu sameeyay dadka tuu lada martida loo yahay oo uu daabacay Ururka isu tagga Asaasaqa August 2022 ayaa muujinay sa in aysan dadka dhib u arkin dadka la nool xan uunkan, Baaritaan lagu sameynayo tijaabooyiinka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

3. Mareykanka ayaa ansixiyay dawaddii ugu horr eysay ee Alzheimers muddo 20 sano ah (2021)

Daawadii ugu horreysay ee cudurka Asaas aqa oo la helo muddo 20 sano ah oo baaritaan la sam eynayay ayaa waxaa an sixi yay laamaha xakameyn ta daweeyinka ee Mareykanka bishii June 2021. Bishii March 2019, tijaaboo yinka caalamiga ah ee dawooyinka ee Aducanum ab, EEG BOGGA 6AAD

oo ay ku lug lahaayeen ilaa 3,000 bukaan, ayaa la joojiyay. Waxaa la ogaaday inaysan waxtar badan lahayn.

Laakiin dabayaaqadii sanadkaas, shirkada dawoo yiinka so saarta ee Maray kanka ee Biogen ayaa faah faahisay xog badan waxayna ugu dam beyntii sheegtay in daawadu ay shaqeysay.

tijaabo maskaxda

Si kastaba ha noqotee, December 2021 Hay 'adda Daawooyinka Yurub (EMA) waxay tiri diiday ansixinta daawadani.

EMA waxa ay sheegtay in daawada Aducanu mab aanu u muuqan mid wax-tar u leh daawaynta dadka waaweyn ee leh calaamadaha marxaladda hore ee cudurka Asaasaqa. Waqtigii la ansixiyay ee Maraykanka, tiro ka mid ah saynisyahanno ay aa sheegay in ay jirto caddayn yar oo tijaabo ah oo muujinaysa in ay daweynayso maskaxda dad ka qaba asaasaqa.

Iyadoo daawada cusub ay ku jirto suuqa Maray kanka, waxaa jira shaki dalalka kale ay ka qabaan waxtarkeeda.

Unugyada Maskaxda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

4: Baarista asaasaqa ka hor inta aan la arkin calaamadihiisa(2019) Saynisyahannada ayaa hor ay u sheegay sanadka 2019 inay si sax ah u aqo onsan karaan dadka uu soo hayo ama halis ta ugu jira cudurka asaasaqa ka hor inta aysan astaam uhu soo bixin.

Waxay rumaysnaayeen in tani ay gacan ka geysan karto horumarka laga gaaray tijaabooyin ka daawaynta cudurka.

Saynisyahanada Maraykanku waxa ay awood een in ay isticmaalaan heerarka dhiiga si ay u saa daaliyaan in uu qofka ku dhici karo xanuunka. Cil mi-baarayaal ka socda Jaamacadda Washington School of Medicine, oo ku taal gobolka Missouri ee Maraykanka, oo wax ku qoraya joornaalka Neu rology, waxay cabbireen heerarka borotiinka amyloid beta ee dhiigga 158 qof oo ay da'doodu ka weyn tahay 50.

Markii cilmi-baarayaashu ay ku daraan mac luumaad kan iyo laba arrimood oo kale oo halis u ah cudurka - dadka ay da'doodu ka weyn tahay 65 sano iyo dadka leh nooc hidde-side ah ee loo yaqaan APOE4 - saxnaanta baaritaanka dhiigga ayaa soo haga agtay ilaa 94%.

BBC ayaa ka soo xigatay khubaro UK ah sa nadka 2019 in natiijadu ay tahay mid rajo-gelin leh iyo tallaabo loo qaaday dhanka xal u helidda xan uunka asaasaqa.

qof irbad lagu mudayo

XIGASHO:BBC


SADDEXDA WALAALAHA AH EE KU KULMAY FURINTA DAGAAL EE KA DHANKA AH AL-SHABAAB SADDEX WIIL OO WALAALO AH

XIGASHADA SAWIRKA,SAWIRKA WAXAA NALA WADAAGAY CABDIFATAAX XALANE

Maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah wa xaa qabsaday hadal-heyn ku saabsan saddex wiil oo wal aalo ah oo ku jira hal furin oo ka mid ah deegaannada uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Cabdifataax Cali Cabdulle Xalane, oo ah 31 jir, Cabdixakiin Cali oo ah 27 jir iyo Cabdi-Asad Cali, oo ah 21 jir oo dhammaantood isku hooyo iyo isku aa bbe ah ayaa ku biiray dagaalka, iyagoo qeyb ka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee garabka siinaya maleeshiyada qabaa'ilka is-aba abulay ee wajahaya Al-Shabaab.

Saddexda walaalaha ah kan ugu weyn, oo ah Cabdifataax Cali Xalane ayaa BBC-da u sheegay in ay go’aan wadajir ah gaareen.

"Xaaladda jirta ayaa keentay inaan hal meel kasoo wada jeesanno, taasoo ah in deegaankeenna iyo dadkeenna aan ka xoreyno kooxda cadowga ah ee Al-Shabaab oo muddo 18 sano ah ku heysay gu maad iyo gum eysi,” ayuu yiri.

Isagoo sharraxa ya sababta ay iy agoo saddex wa laalo ah hal me el uga wada daga allamayaan ayuu yiri: "Waxaan sidaas u go’aansan nay in Shalay ay taagan tahay fursad, oo deegaann adii aan kasoo jeednay ay Shalay dadkooda iyo mas ’uuliyiintoodii oo dhan u istaageen in la xoreeyo.

Fursaddaas ayaan meesha ka aragnay. Sadd exdeennaba hal meel ayaan isku garab taagan nahay, hal koox ayaan wada nahay, wax aana rajey neynaa, in shaa All aah, inaan si wadajir ah guul u wada gaarno.”

Cabdifataax oo saddexda wiil ugu weyn ayaan helnay. Nooma suurtagelin in aan la hadalno labada kale.

Ciidanka ay ka tirsan yihiin wiilashan waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Sinadhaqa oo ku yaalla dul eedka magaalada Dhuusamar eeb, oo ah magaalo madxada Dowlad-goboleedka Galmu dug ee barta maha Sooma aliya.

Maxaa ka socda Sinadhaqa?

War-saxaafadeed Shalay kasoo baxay wasaara dda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in: "Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgalaya deegaanka Sinadha qa ee G/Galguduud ay dileen 15 ka tirsan Al-Sha ba ab kaddib markii ay isku dayeen inay dib u soo wee raraan saldhigyo ay Cii damada Qaranku ka saareen maalin ka hor”.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in weerarka ka hor ay ciidanka halkaas ku sugan heleen macluuma ad ay soo gudbiyeen shacabka.

Cabdifitaax Xalane

XIGASHADA SAWIRKA,SAWIRKA WAXAA NALA WADAAGAY CABDIFATAAX XALANE

Bilihii la soo dhaafay waxaa deegaannadaas ka socday abaabul xoog leh oo ay sameynayeen dadka deegaanka oo sameystay ciidamo la magac-baxay "Macawisley”.

Shacabka is-hubeeyay ayaa sheegay inay go’a ansadeen sidii ay dagaal ula geli lahaayeen Al-Shab aab oo farriimo ku leh meelo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Cabdifataax Xalane oo sheegay inuu farriin u dir ayo shacabka Soomaalida ah ayaa yiri: "Umadda Soomaaliyeed waxaan u she egayaa in la joogo waqtigii dhammaadka u ahaa Al-Sha baab, ayna iska dul qaadaan, loogana faa’iideysto fursadda jirta iyo yididdiillada shacabka oo u taagan, dowla dda Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay ciidamada xoogga dalka garab siiyaan dadka deegaanka.”

'Arrin ay Al-Shabaab igu sameysay ayaa igu kallifty in anigoo 77 jir ah aan qaato qori weyn'

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilka loo doortay ku celcelinayay in ujeeddada ugu weyn ee dowladdiisa ay tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Meelo kala duwan ayay dagaalladan ka dhaceen ilaa hadda.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa dowladda Sooma aliya ku eedeysay inay hubeyneyso qabiillada.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage "Cali Dheere” oo dhawaan ka hadlay kacdoonka shacabka ee ka socda qaar ka tirsan maamul gobo leedyada ayaa digniin u diray shacabka.

"Qabaa’illadaas waxaan u sheegayaa in la doona yo in dano gaar ah la idinku gaaro, kaddibna meel ci dlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale u hanjabtay beelaha is abaabulay ee dagaalka wada, oo ay u sheegtay in "reerkii ama jufadii ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaallanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta koo xda.” Qoyskii XalaneSaddexda wiil ee walaala ha ah ayaa kasoo jeeda qoyska halgame Maxamed Cabdulle Xalane, oo adeerkood ah.

Xalane oo ka tirsanaan jiray militeriga dal ka Soomaaliya ayaa 1964-kii u dhintay calanka dartiis, xilligaas oo uu dagaal dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa markii dambe loogu magac-daray xerada tababarka ciidamada ee Xalane, oo hadda ah meesha saldhigga u ah hay’ada ha caalamiga ah iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho.

Saddex wiil oo walaalo ah

Cabdifataax Cali Xalane ayaa wareysi ga uu BBC-da siiyay ku sheegay in aabbi hiis uu sidoo kale ka tirsanaan jiray Ciidan ka Xoogga Dalka Soomaa liya, uuna dhintay 2011-kii.

Hooyadiis iyo waaliddiintiisa kale ayuu sheegay inay ka war qabaan.

"Waalidkeennu way og yihiin inaan ka tirsan na hay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, diyaarna u nahay inaan dadkeenna iyo dalka u adeegno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa goor sii horreysay sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan "uu ku jiro dareenkaas [la-dagaallanka Al-Shabaab],” isla markaana ay bogaadinayaan, kuna dhiirrigelinayaan in lagu sii socdo.

"Dowladdana wax ay kari karto oo ay qaban karto oo ay ka reebaneyso ma leh, Shalay in nimankaan nabad-diidka ah dalka laga xoreeyo,” ayuu sii raa ciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Habeen hore mar uu ka hadlayay shir-madaxeedka Qaramada Mi doobay ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an ta hay la dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxda la baxday Dowladda Islaamka, isagoo sheegay inay markan ku xisaabtamayaan gacanta ay ka helayaan shacabka.

"Hadda waxaan kalsooni ku qabnaa in taageero aan ka heleyno shacabka awgeed ay dowladdeennu bu rburin doonto argagixisada ka howlgasha Soomaal iya, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waxay ugu da mbeyn garowsadeen in ficillada gurracan ee Al-Shabaab aan la soo afjari karin ilaa aan si wadajir ah u hirgelinno arrintaas.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu faafiyay bogga Telefishinka Qaranka, ciidan Mareyk an ah ayaa taageeraya dowladda.

Dagaalka ay maleeshiyada qabaa'ilka qeybta ka

yihiin ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanno ka kala tirsan dowlad-goboleedya da Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

W.Q: Cabdishakuur Casoowe

XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip