HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Saturday September 24, 2022 - 08:16:16 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH SABTI 24-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ka dib booqashadii Xasan Sheekh, Marey kanka oo ku dhowaaqay taageero xooggan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo cusub oo ay siineyso Soomaaliya, maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Washi ngton kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maa mulka madaxweynaha Biden.

"Dowladda Mareykanka, oo marineysa Hay’adda Horuma rinta Caalamiga ah ee Mare ykanka (USAID), ayaa in ka badan $151 milyan ku bixineysa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu ba ahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu war-saxaafadeed kasoo baxay USAID.

"Lacagtaas ayaa $146 milyan oo dollar oo ka mid ah waxaa loogu talagalay gargaar cunto, iya doo abaaro masiibo ah ay dalka naafeeyeen, in ka badan 7 milyan oo qofna ay qarka u saaran yih iin macaluul. $5 milyan ee soo hartay ee ayaa la gu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiib ada iyo soo kabashada dhaqaalaha.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagt an cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 mil yan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykan ka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhi gaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soo maaliyeed – waana in ka badan kala bar dhamm aan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay saadaasha hay’adaha QM ee ah in Soomaaliya ay macluul ka dhici karto bilaha October illaa December.

"Ku dhawaaqista Dorraad ayaa u ogolaan do onta hay’adda USAID ee wada shaqaynta la leh Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) in ay bixiso laba bilood iyo bar dheeraad ah oo gargaar cunto ah oo la siinayo 3.6 milyan oo qof ah,” ayey tiri USAID.

Taageerada Mareykanka ayaa timid maalmo un kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan do wladda Biden, oo uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo abaaraha.

Xasan Sheekh ayaa Aqalka Cad kula kulmay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Su llivan. Wuxuu sidoo kale la kulmay xoghayaha arr imaha dibedda Antony Blinken iyo xoghayaha gaa shaandhigga Lloyd Austin.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqdayde eq bixiyeyaasha beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo u qaadaan si ay kordhiyaan maal-gel inta bini’aadanninimo ee dadka Soomaaliyeed si looga hortago in saadaasha macluusha ay noqoto mid dhab ah.

Shirka Golaha Wasiirada DF oo laga soo saa ray go’aamo culus

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Dorraad shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Ba rre ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo dhaxal-gal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Golaha ayaa go’aamiyay in la dhi so guddiga abaabulka iyo isku du baridka howlaha la-dagaalanka argagixisada lagu dabargoynayo, kuwaasi oo ka kooban Ra’iisu Wasaaraha, RW ku-xigeenka, Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Amni ga, Awqaafta iyo Arrimha Diinta, Arrimaha Guda ha, Maaliyadda, Caafimaadka, Dhallinyarada, Isg aarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo dari kara guddi ga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dag aalanka argagixisada lagu dabargoynayo ciddii kale ee uu u garto in aan looga maarmin haw shan.”

Sidoo kale Golaha ayaa go’aamiyay in barn aamijka la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabsh adaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

Golaha ayaa soo jeediyay si loo xoojiyo kaal inta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howl-galada dalka looga xor eynayo argagixisada.

Shirka Dorraad ayaa sidoo kale lagu go’aa miyay qabashada shir qaran oo looga arrinsana ayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoon ka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

"Golaha ayaa waxa uu go’aamiyay in la hirgal iyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqid da iyo la-dagaalanka maal-galinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la bur buriyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaq an-galiyo.”

Ugu dambeyntiina golaha ayaa go’aamiyay an sixinta istiraatijiyada guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaal ka, dowlad goboleedyada iyo Saaxiibada Sooma aliya.

Duqa Muqdisho Oo Amray Inaan Dib Loo Furin Ganacsigii Lagu Xiro Amarka Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa digniin culus u diray ganacsatada u hogaansama amarrada ka soo baxa Al-Sha ba ab. Gudoomiye Madaale oo ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayay Kacdoon ka ka dhanka ah Sha baab ee ka socda Hii raan iyo Galgaduud ay aa sheegay in ganac sigii lagu xiro amarka Shabaab aan dib loo furi doonin, sida uu hadalka u dhigay.

"Albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-shaba ab, waxaan cadeynaya inaan dib loo furi doonin, sidoo kale qofkii Al-shabaab u garsoor u raadsada waxaan u sheegaya inuusan Muqdisho soo laa ban doonin” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, xili todoba adkan amar ka soo baxay Shabaab lagu xiray xar umo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Zoobe ee bar tamaha magaalada Miqdisho, walow markii dam be ay goobahaasi si xoog ah ay ku fureen ciida madda Nabad Sugida ee dowladda.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa canshu uro kala duwan ka qaado ganacsatada ku sugan Muqdisho iyo Soomaaliya, waxayna dil ugu hanja btaa cid kasta oo diida canshuurta iyo awaamiirta kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Yee shay Hoggaamiyaha Golaha Sare Edi Suudaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya l Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kul an doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dal ka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka So omaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciid amada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shac abka iyo Dowladda Suudaan, garab ista agga joo gtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaali yeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-bur haan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wa dayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amni ga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareyst ay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggi isa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka So omaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Sooma ali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas aw geedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaaf aadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH "AL-SHABAAB WAXAAN KA XOREYNAY MAGAALOOYIN IYO TUULOOYIN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khu dbad ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qara mada Midoobey ayaa soo bandhig ay dadaallada Dowl adda ee gurmad ka abaaraha, dib u habaynta laama ha amm aanka, guulaha laga gaaray dagaal ka ka dhanka ah Al-sha baab, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyin ka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo Alshabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uu na la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliy eed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdo oda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

"Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen inay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladoo da ee ah in ay naftooda iyo dalkooda difaacaan. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreyn ay Al-shabaab magaalooyin iyo tuulooyin, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tay eynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbed delka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris-wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.


Wasiir Fiqi Oo La Kulmay Cabdi Waayeel Kadib Mudo Kororsigii Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soo maaliya Md.Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mud

ane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kux igeenka Wasaaradda mudane Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasa aradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qor shaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamul lada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka Alshabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey ’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan aba arta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug. wasiir fiqi oo la kulmay cabdi waayeel kadib mudo kororsigii galmudug.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gargaarka oo deeq-bixiyeyaasha Caalamka ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan dalabkooda

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee Arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-bixiyeya asha Caalamka ayaa ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku beddalaan macluul.

Ergeyga ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayra adkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diiradda lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wad ajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Mi doobay,waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamca da Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qar amada Midoobay u qaabbilsan arrimaha garga arka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska, Talyaani ga,Qatar iyo Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qara mada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadam nimada iyo gurmadka deg-degga ah,iyo sidoo kale madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.

Imaaraadka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa Dorraad safiir cusub u soo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka waddankaasi ee Emir ates News Agency, WAM.

Safiirka cusub oo lagu maga caabo Ahmed Juma Al Ruma ithi ayaa beddalaya danjirihii hore ee Abu Dhabi u qaabilsanaa Soomaaliya, Mudane Mohamed Ahmed Al-Othman. Al Rumaithi oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa Dorraad lagu hor dhaariyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Na hyan, si uu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u qa abilsanaan doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Eebbe la garab galo shaqada loo igmaday, isaga oo sidoo kale kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xoojinta xiriir ka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowlad ood ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa haatan xiriir xoogan la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii ugu horrey say ku tegay, kadib markii uu ku soo baxay doora shadii ka dhacday Teendhada Afisyooone oo uu kaga adkaaday Maxamed Farmaajo.

Isbeddalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haa tan Imaaraadka uu Qatar kaga adkaaday loolanka Soomaaliya, taas oo 5-tii sano ee la soo dhaafay aad ugu dhoweyd Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dow ladaha Carbeed oo sida u dhow u taageero Soo maaliya, waxaase uu xiriirka hoos u dhacay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay dowladdii Farmaajo iyo iyaga, balse xiriirkii xumaaday ayaa markale haatan dib u soo hagaagay, kadib markii uu talada waddanka dib ula wareegay madaxw eyne Xasan Sheekh.

Imaaraadka ayaa horey u tababari jiray qaar ka mid ah ciidamada militariga Soomaaliya kahor inta aanay isku dhicin dowladdii Farmaajo bishii April 2018, taasi oo keentay inay xiraan saldhiggo odii militari ee ku yaallay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka

C/Kariin Guuleee "Qof Walboow Kaalintaada Dagaalka Ka Qaado. Qori, Qalin, Qarash Ama Qeylo Dhaan”

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay da gaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda de egaano kamida maamulada Hirshabelle iyo Gal mudig.

"Waxaan boggaadinaya dadweyna ha deegaanada Hirshabeelle iyo Gal madug ee go’aansaday iney gunnim ada iska dulqaadaan, deegaanada kale ee ayaguna abaabulka ku jira waa ku dhiiri galinayaa waana bogaadinayaa. Waxaa sidoo kale bogaadin iyo amaanba mudan ciidanka Xo oga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya iyo mad axda labada heer maamul oo iyaguna muujinaya kaalin wax ku ool ah. Ummaddeenu intaan ka bad an ma xamili karto Al Shabaab. Waa inaan aami naa, kana dhabeyna in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa argagixisadda” ayuu yiri Guuleed.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in wadajir looga qeyb qaato duulaankan oo aanlaga dhiigin mas’uuliyad dad gaara saaran, wuxuuna adkeeyay muhiimaa ay leesahay in midow lagu wajaho kooxdan.

"Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta So omaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada wa xaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan Dorraad muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxal adahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnima daas iyo is ku duubnidaas” ayiuu hadalkiisa sii raacitay.

Sababta xiligan keenay in meel looga soo wa da jeesto kooxdan ayuu ku sheegay iney tahay dii dmada kooxdan ee Qaranimada Soomaaliyeed iyo dilalka ay shacabka u geysanayaan.

"Al Shabaab waxey diidanyihiin jiritaanka Qaran Soomaaliyeed. Qofkii diida jiritaanka Qaranimad aada wuxuu diiday qofnimadaada. Shabaab wax aa dil ugu xukuman qof walba oo Soomaaliyeed oo damiir iyo faham leh, mana jirto sabab aan u bixino fursad ay dhammaanteen nagu laayaan oo ay Dalka iyo Dowladnimada ku bur buriyan” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dnabeyntii, Madaxweynihii hore ee Gal mudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qoraalka uu ku soo daabacay bartiisa Facebook ugu baa qay shacabka in hubka la qaato oo laga faa’id eysto tabar darida xiligan ee Al-Shabaab, maadaa ma gukuf ka dhan ah ay gobolada ka socdaan.

"Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan wixii aad aw oodo” ayuu qoraalkiisa ku soo xiray.

Yuusuf Madaale oo tallaabadii ugu horreysay Dorraad qaaday, kadibna

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) oo dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa Dorraad qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya

Madaale ayaa hoggaamiyey ho wlgal Habeen hore ka dhacay isgoyska Fa gax, kaas oo lagu burb uriyey goobo lagu iibinayey Calaq iyo Xashiish, sida ay sheege en laamaha ammaanka.

Duqa Muqdisho oo Wariyeyaasha kula hadlay Fagax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu la dagaalami doono dadka iibiya maan dooriyaha iyo kooxaha ciyaal weerada.

"Ma aqbaleyno magaaladaan in ay noqoto maga alo fasahaad ciyaal weero iyo maan dooriye go’a an adag baa inooga yaalla, Xalayna waxaa nas iib ah inaan burburinay goobihii Calaqa iyo Xashi ishka lagu iibinaayey” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacab ka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isa ga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulkii sa iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgal lada ay wadaan ciidamada Booliska ee lagu sug ayo amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaal ada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah am niga, sida dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 15 xubn ood Al-shabaab looga dilay dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga Dhuusamareeb

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa war saxafadeed kasoo saartay dagaalo ka dhacay de egaanada Sinadhaqe iyo Labidulle oo ka mid ah de egaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Wa rfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu she egay in dagaalo ka dhacay deegaanka Sinadhaqa iyo labidulle ciidanka xoogga dalka ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-sha baab oo weerar kusoo qaad ay deegaanadaasi.

Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan Sal dhigyo ciidamada dowladda maalmo ka hor Shab aab ka saareen, waxaana sidoo lagu xusay Warsax afadeedka inuu gaba absi yahay waqtiga ay hayst aan dhalinyarada la qalday ee la dagaalamaya ciida nka xoogga dalka iney isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda oo la kulmay dhiggiisa dalka

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Md., Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada New York ee carriga Maraykanka kulan kula yeesh ay dhigiisa dalka Serbia Md, Nikola Selakovic.

Labada mas’uul ayaa waxay si qo to dheer ugu wada had leen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horu mar in lahaa cilaaqaadka ku aaddan dhinacyada wax barashada, ganacsiga, maalgashiga, nabad-gelyad da, tababaradda teknolojiyadda iyo iskaashi ku saab san dhanka siyaasadda caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir wanaagsan aadna u sii horumarayay waayadaan dambe, kaas oo haatan wixii ka dambeeya noqonaya mid sii laba jibbaarma.

Kulanka wasiirradda arrimaha dibedda ee Soomaal iya iyo Serbiya ayaa kusoo dhammaaday jawi farx adeed iyo sidii loo ilaalin lahaa isla markaana loo joogteyn lahaa xiriirka labada dal.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay ninkii sameey ey qaraxii ka dhacay MILXO

Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Security Foce ee magacooda loo soo gaabiyo (PSF) ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal kan lagu soo qabtay farsamaya qaankii sameeyey qaraxii xoo ganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

PSF ayaa shaaca ka qaaday in ninkan oo ku dhu umaaleysanayey Boosaaso ugu dambeyna gacanta lagu soo dhigay, waxaana hay’addu intaasi ku sii dar tay in baaris ay sameeyeen laamaha amniga ay ku ogaadeen in ninkaan uu yahay shaqsigii sameeyey qaraxii Milxo, isla-markaana uu ka tirsan yahay xoo gaga Al-Shabaab ee weerarada ka fuliya Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa u mahadcelisay shacabka deegaanka ee xogta ninkaas lasoo wadaagauy ciida mada ammaanka maamulkaasi.

"Waxaan dhiiro-gelineynaa shacabka Soomaali yeed ee Puntland oo marwalba garab istaaga u mu ujiya ciidanka PSF,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska. Qaraxa ka dhacay Milxo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo shacab ahaa, halka ay ku dha awacmeen 11 kale, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Si kastaba, Milxo ayaa ah deega an laga qodo macdanta, waxaana ku nool dad u bad an xoogsato ka shaqeysta qodista dhulka si ay uga helaan Macdan ay sii iib geeyaan.

Daraasad lagu ogaaday hab fikirka siyaasad eed ee shacabka Somaliland

Daraasad lagu sameeyay shacabka Somaliland ayaa lagu ogaaday heerka aaminsanaanta shacabka ee qaranimada Somaliland, heerka taageerada ay u hayaan xisbiyada siyaasada, halka ay ka taagan yih iin khilaafka siyaasade ed iyo arrimo kale oo muhiima. Daraasadan oo ay Ak adamiyada Nabada Ee Somaliland ka samaysay 6-da gobol ee Som aliland, ayaa lagu ogaaday in shacabka Somaliland ay 95% ku qanacsanyihiin madaxbannaanida Som aliland, ayna rabaan in ay ku sii socdaan jidka gooni isu taaga.

Shacabka ayaa sidookale baadhayaashu wax ka waydiiyeen ta ay doonayaan in ay soo horayso do orashada madaxtooyada iyo doorashada urrurada, waxayna 80% u codeeyeen in doorashada madaxt ooyadu soo horayso, halka ay furista urrurada siyaa sadana ku taageereen cod dhan 84%.

Waxa kale, oo shacabka la waydiiyey cida ay do oran lahaayeen hadii imika ay tartamaan madaxwe yne Muuse Biixi Cabdi, Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, 32.9% ayaa sheegay in ay dooran lah aayeen musharax Cirro, 32%-na waxay sheegeen in ay dooran lahaayeen Madaxweyne Biixi, halka ay 3.7% sheegeen in ay u codayn lahaayeen Gud doomiye Faysal, lakiin 31% ayaa sheegay in anay midkoodna doonayn.

Daraasada ayaa sidoo kale, lagu ogaaday in 49% shacabku ay qabaan in madaxweynuhu shaq adii loo doortay kasoo baxay, 29% ayaa sheegay in uu waxna qabtay waxna u dhiman yihiin oo dhex dhexaadnimo qaatay, halka 15% ay sheegeen in anay ku qanacsanayn wax qabadka madaxweynaha.

Shacabka oo wax laga waydiiyay cida ay taageeri la haayeen hadii saddexda xisbi ee hada joogaa ay ku tartamaan doorashada urrurada ayay 28% kamid ahi sheegeen in ay u codayn lahaayeen Waddani, 25% ayaa sheegay in ay u codayn lahaayeen Kulmiye, halka 3.7% ay sheegeen in ay u codayn lahaayeen xisbiga UCID.

Waxa kale oo la waydiiyay hadii ay u dagaalami karaan xisbi ama siyaasi, iyo halka ay ka taagan yihiin mudo kordhin madaxweynaha loo sameeyo, 74% ayaa sheegay in ayna u dagaalamayn xisbi ama siyaasi dartii, halka 9% ay sheegeen in ay u dagaalamayaan, dhinaca kale 48% ayaa ogolaaday in madaxweynaha mudada loo kordhiyo halka 40% ay kasoo horjeesteen.

Daraasadan oo aynu kasoo qaadanay qodobada taabanaya arrimaha siyaada oo kali ah, ayaa soo ba ndhigtay xaqiiqooyin kale oo taabanaya nolosha dha qan dhaqaale ee bulshada, sida heerkooda aqoone ed iyo arrimo kale oo tirro badan Xigasho:Hiiraan.Com

Saciid Deni Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Aad Ugu Dhawaa Wasiiro Cusubna Magacaabay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cab dullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibtee mbar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Punt land. Markuu arkay: Dastuurka Puntl and Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartid ooda iyo Waa yo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qa bo dhamaystir ka Golaha Xukuuma dda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowl adda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:-B Bedel

1- Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

T) Magacaabid

2- Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Was iirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

3- Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hor umarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

4- Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo mag acaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

5- Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Adu un) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

6- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxw eynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo aad ugu dhawaa Madaxweyne.

Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Maamulka Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi De ni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Aga asimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoon ka Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magac aabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).

2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa mar kuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Puntland Oo Ka Hortimid Is-Afgaradyo Ay Gaa reen Dawladda Somalia Iyo Dalal Shisheeye

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeesatay Go aan kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga dow ladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka heysan Wasaaradda Kalluumaysiga DFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin Qoraalkii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Wasaaradda kalluumeysiga DF iyo Safiiro ee lagu sheegay in shati aan kasoo bixin Wasaaradda ay u aqoosan yihiin waxba kama jiraan.

Puntland ayaa tilmaamtay Qoraalka Wasaarad da kalluumeysiga inuu si toos ah u baalmarsan ya hay heshiiyadii ka dhacay Magaalooyinka Baydbabo iyo Addis Ababa ee qeexayay hab-qeybsiga kheyra adka badda ee Soomaaliya.

"Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, in ay ka wada xaajood aan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqon aysaa daganaanshaha Amni ee dalka, taas oo hors eedi doonta Xasilooni darro siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Puntland ayaa sidoo kale ka hortimid Is afgarad yo ay gaareen Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo dalalka Shisheeye oo ku jihaysan arrimaha Kalluume ysiga iyo Kheyraadka Badda.

UK oo ku dhawaaqday taageero maaliyaddeed oo loogu talo galay wax ka qabashada macluusha Soomaaliya

Wasiirka horumarinta UK Vicky Ford ayaa ku dha waaqday taageero cusub oo lagu taageerayo dadka ay saameysay abaartii ugu xumayd ee ku dhufatay Soomaaliya.

Iiyadoo ka hadlaysay shirka gola ha guud ee QM. ee New York, Ford ayay ku dhawaaqd ay 22.8 milyan ginni si ay awood ug u siiso Qaramada Midoobay iyo hay' adaha aan dawliga ahayn inay sii wadaan gargaarka nafo-badbaadinta.

Ford waxay beesha caalamka ugu baaqday inay hadda wax ka qabato sidii loo baajin lahaa musiibo, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in macl uusha la saadaaliyay ee Soomaaliya ay kasii dare yso tii sanadkii 2011, markaasoo rubuc milyan qof ay naftooda ku waayeen.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ugu xun caalamka.

Ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa si aad ah ugu baahan gargaar iyadoo 300,000 oo qof la saadaaliyay inay macluul halis ugu jiraan bi sha Oktoobar haddii aan gargaar degdeg ah loo helin.

Nin horey lacag ugu bixiyey ‘dhismaha guriga’ Farmaajo oo lagu xiray Mareykanka

Mid ka mid ah raggii sida weyn ugu ololeynayey guriga la sheegay in loo dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xiray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Khadar Jigre Adan ayaa ka mid ah 48 qof oo Waa xda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah, ayada oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykan ka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay garga arka COVID-19.

Khadar iyo 47-ka qof ayaa loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barna amij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo gashay nafaqeynta caruurta.

Sida ku cad website-ka Waaxda Cadaaladda Ma reykanka, Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan ma gaalada Lakeville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacag, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag.

Khadar ayaa ahaa maamulaha Lake Street Kitchen, oo ahayd goob qeyb ka ah barnaamijka la tuhunsan yahay in lacagaha lagu lunsaday, goobtaas oo ku taalla xarunta Jigjiga Business Center ee Minneaplis.

Waxa uu sidoo kale ka mid ah yahay kaliya 7 qof, oo ka mid ah 48-ka oo la xiray illaa hadda.

Bishii June 5, 2022, Khadar Adan waxa uu boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu si weyn ugu ammaa nayo madaxweyne Farmaajo, kuna shaaciyey inuu diray $1,000 oo u uku tabarucay guriga la sheegay in loo dhisayo.

Qoraalkaas ayuu ku yiri "Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo shakhsiyan ima yaqaano laakiin anigaa aqaana, wa xaana ku aqaanaa in uu yahay Mohamed Al Amiin iyo xabiibul malaayiin kor u qaaday sharaftiii ay So malia ku lahayd caalamaka, islamarkaana xafiday amaanadii uu u hayay shacabka Soomaaliyeed. Wa xaa galbta Allah SWT noo suura gelyay in aan u diro gurigii loo dhisayay madaxweyne Farmaajo lacag tabarucaad ah oo cadadkeedu yahay $1000 (kun doolar) waxaana leeyahay mahadsanid madaxwe yne.”Khad ar wuxuu hadda ku eedeysan yahay inuu kaalin ku lahaa lacag $250 milyan ah oo laga lunsaday dowladda Mareykanka, wuxuuna ku jiraa xabsi. Hoos ka eeg warqaddii uu lacagta ugu diray Farm aajo oo lagu hagaajiyey agaasimihii hore ee warfaa finta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Wararkii Ugu Danbeeyay Duqeyn Cusub Oo Ka

Dhacday Magaalada Mekele

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda Gobolka Tigray Dorraad, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn maga alada. "Waxaa dhacay weerar drone ah Dorraad qiyaastii 5:30 am. Nin 60 jir ahaa ayaa lagu dilay,” waxaa sidaas yiri Ki brom Gebr eselassie oo ah sarkaal sare oo ka tir san isbitalka Ayder Refer ral Hospital, oo isaga oo Me kel le jooga qoraal usoo diray wakaaladda warar ka AFP.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 17 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray tan & markii uu dagaalka dib u qarxay bil ka hor.

Dagaalka oo dib u billowday 24-kii August ayaa meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii Ma rch, wuxuuna meesha ka saaray in si nabdoon loo xaliyo dagaalka labada sano u dhaxeeya dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa bishan ku dhowaaqay in ay diyaar u yihiin wadahadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, taasi oo meesha ka saartay caqabad muddo hortaagneyd wadaxaajoodka.

Si kastaba, dagaalka ayaa sii xoogeystay toddob aa yadii dhowaa, ayada oo duqeymo xooggan lala beeg saday gobolka, islamarkaana ciidamada dalka deris ka ah ee Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda si ay ula dagaalaan TPLF.

Joe Biden oo JAWAAB ka bixiyey hanjabaadda Putin

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ay aa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaa day xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu istic maali do ono hubka nuk li yeerka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedina yey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda M.New York, ayaa Biden wu xuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.

"aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirs an G/Ammaanka ee Q.Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

"Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadg udbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga QM, ka as oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaat aan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaan ka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dham maan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaa day walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhin aca Nukliyeerka ah. "Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la’aan ah inaan isticmaali doon no dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruush ka iyo dadkeenaba – ta ni maaha kaftan” ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefi ishanka.

Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan ka rin ku tilmaamay "hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay "masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii la gu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taas oo he shiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.VOA

Masar iyo Somalia oo isku sii dhowaanaya xilli Itoobiya ay walaac qabto

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa isku soo dhowaanaya xilli Itoobiya ay dusha sare ka eegeyso ayada oo ka walaacsan isbaheysiga Muqdisho iyo Qaahira. R/Wasaaraha XFS, Md. Xamza Cabdi Bar re ayaa Dorraad ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz.

Kulanka R/ Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa wa xa diirada lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dha xeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xo ojin lahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo ba xay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaal iya, Maxamed Al-Saciid Axmed Al-Baz ayaa bogaad iyay dadaallada ay waddo xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa yimid laba bilood kadib markii ma daxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi.

Kulankaas ayaa horseeday in dowladda Itoobiya ay baajiso safar la qorsheeyey in madaxweynaha Soom aaliya Xasan Sheekh uu ku tago Addis-Ababa, kaasi oo aan weli dib loo waqtiyeyn.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u ade egsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan.

Intii uu socday kulankii Xasan Sheekh iyo al-Sisi, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la camb aareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan he shiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay.

Dhowaan, taleefishinka ETV ee dowladda Itoobi ya ayaa laga sii daayey barnaamij si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh.

Barnaamijkaas ayaa waxaa markii dambe ka da ba timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islam arkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa bar naamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowla dda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowl adda raali ka ahayn.

Ruushka iyo Ukraine oo isweydaarsaday 300 oo maxbuus

Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa si lama filaan ah isu dhaafsaday ku dhowaad ​​300 oo qof, taasoo ah isku daygii ugu weynaa tan iyo duulaanka Mos cow ee bilowday ​​7 bilood ka hor.

Dadka la sii daayay ayaa waxaa ku jira maxaab iis laga soo qabtay dalal ay ka mid yihiin Mareykan ka, Ingiriiska iyo Marooko, kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah kaddib markii laga soo qab tay dalka Ukraine,kuwaas oo lagu eedeeyay inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal.

Ruushka ayaa sidoo kale sii daayay ilaa 215 Ukrain ah, oo ay ku jiraan shanta taliye ee hogaa minayey difaaca Ukra ine ee mag aalada dekadda leh ee Mariupol horaantii sanadkan.

Dhinaca kale, Ukraine waxay dib u celisay 55 Ruush ah ,dad Ukraine ah oo taageer san Moscow iyo Viktor Medvedchuk, oo ah hog gaamiyaha xisbiga la mamnuucay ee Ruushka taag eersan, kaas oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.dhaafsiga maxaabiistaan waxaa heshiiska laga gaaray gacan ka geystay madaxda Sucuudiga iyo Turkiga,

FANNAANKA ISMAACIIL AARKA OO SI XIISO LEH UGA HADLAY FARQIGA U DHAXEEYA MAGACIISA IYO MUUQIISA

Ismaaciil Aarka

XIGASHADA SAWIRKA,ISMAACIIL AARKA

Ismaaciil Aarka, oo ka mid ah fannaaniinta da’da yar ee Soomaalida, ayaa wareysi ay BBC-da la yeelatay ku sharraxay taariikhda fankiisa iyo sida uu ku baxay magaca naaneysta u ah.

Qiyaastii afar sano ayuu Aarka ku jiraa fanka, waxa uuna ka mid yahay fannaaniinta sida weyn loo xiiseeyo heesahooda iyo qoob ka ciyaarkooda.

Isagoo ka hadlayay sida uu xirfaddan kusoo galay ayuu yiri: "Anigu markii ugu horreysay fanka waxaan billaabay 2018-kii. Waxaan ka billaabay Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, oo aan waqtigaas ku noolaa.

"Dhowr bilood kaddib, waxaan ku biiray koox la yiraahdo "Deegaan” oo ka tir saneyd kooxaha qaranka, gaar ahaan Wasaaradda Kalluumeysiga,” ayuu yiri.

Heestii ugu horreysay ee uu Ismaaciil Aarka ku soo shaac baxay, magaciisuna caan uga dhex noqday Soomaalida waxa ay ahayd mid waddani ah oo ay koox diisa si wadajir ah u qaadeysay balse uu isagu ku lahaa qeyb yar.

Erayadiisa waxaa ka mid ahaa: "Anoo weli gaban yaroo, gugeygu cantoobo joo go, garkeyguna xaad laheyn, anoon gunti yeelan weli iyo haddoo guudku i cadd aaday, dhac iyo guluf aan dameyn, galaal-yuus baan ku koray.”

‘VAR-keyga anigaa wata’

Ismaaciil Aarka

XIGASHADA SAWIRKA,ISMAACIIL AARKA

Ismaaciil ayaa dhanka kale ka hadlay arrin kaftan ah oo ku saabsan magaci isa iyo muuqiisa, isagoo sidoo kalena sharraxay sida ay ugu baxday naaneysta "Aarka”.

"Soomaalidu inta badan marka ay maqlaan Aarka, qofka i maqla iyo qofka to oska ii arka waxaan u maleynayaa in aragtida iyo maqalka uu farqi u dhaxeeyo. Dadku markii ay i arkeen waxaa meesha taagan nin jab yar oo niic ah, markii la maqlayayna Aarka waxaa la sugayay in uu noqdo nin weyn iyo libaax,” ayuu yiri.

Isagoo qosol sii raacinaya ayuu yiri: "VAR-keyga aniga ayaa horay u wata.”

VAR waa eray baraha bulshada caan ka ah oo loo adeegsado waxyaabaha xanta farta lagu fiiqo iyo kaftanka ku saabsan.

Ismaaciil Aarka

XIGASHADA SAWIRKA,ISMAACIIL AARKA

Ismaaciil ayaa sharraxaya sida ay ugu baxday naaneysta Aarka.

"Magaca Aarka waxaa ii bixiyay Abwaan Baashi Maxamuud Maca llin, Alle ha u naxariisto, waa abwaankii markii ugu horreysay he es ii dhiibay. Habeenkii ugu horreeyay ee hees aan qaado ninkii mak arafoon ii dhiibay ayuu ahaa.

"Isaga qudhiisu wuu arkayay inaan ahay nin jab yar oo niic ah, Aarkuna ma gac aad u culus yahay, laakiin heesta uu ii dhiibay anigoo markaas iigu horreys ay iyo malaha sida aan uga soo baxay awgeed ayuu yiri, ‘war ninku waaba Aar, sidaas ayeyna iigu baxday naaneystaas.”

XIGASHO:BBC

TRUMP IYO CARRUURTIISA OO DACWAD LAGU SOO OOGAY

Donald Trump iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay shirkadda qoyskooda - Ururka Trump.

Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qii maha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixi yaan canshuur yar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021.

Mr Trump ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay "arrin kale oo loo soo maleegay".

Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Le titia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

Xafiiskeeda awood uma laha inuu soo gudbiyo eedeymo dembi, balse waxay u sii gudbisay dacwad-oogayaasha federaalka iyo Waaxda Maaliyadda Gudaha.

"Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray ba laayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo han naanka," ayey tiri Ms James.

Carruurta Trump

XIGASHADA SAWIRKA,AFP VIA GETTY IMAGES

Waxay sheegtay in aqalka gaarka ah ee Mr Trump ee ku yaalla daarta Trump Tower, oo lagu qiimeeyay $327m (£288m), uu ka mid yahay kuwa sida khaldan loo qiimeeyay."Guri ku yaalla magaalada New York weligii laguma iibin qiime ka as u dhow," ayey intaas raacisay Ms James. Ms James, oo dooneysa in dib loo soo celiyo lacag dhan $250m (£220m) oo ay sheegtay in la is daba mariyay, ay aa arrintan ku tilDorraady "farshaxanka xatooyada".Waxay ka codsaneysaa maxk amadda inay ka mamnuucdo madaxweynaha hore iyo carruurtiisa inay qeyb ka noqdaan ganacsi walba oo ka dhisan New York.

Waxay sidoo kale dooneysaa in Ururka Trump laga mamnuuco in muddo shan sano ah ay ku lug yeeshaan ganacsiga guryaha.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Ms James - oo Dimu qraaddiga ka tirsan oo u taagan in dib loo doorto November - ay diidday ugu yar aan hal dalab oo looga codsanayay inay meesha ka saarto baaritaanka mudd ada dheer qaatay ee ay ku heysay dhaqamada ganacsi ee shirkadda Trump.

Isagoo dacwaddaas ku shaaciyay bartiisaTruth Social, ayuu Mr Trump wuxuu Ms James, oo qof madow ah, ku tilmaamay inay tahay cunsuriyad.

"Shirqool kale oo ay waddo Xeer Ilaaliye kale oo cunsuri ah, Letitia James, oo ku guul darreysatay inay Barasaab noqoto, oo aan wax caawinaad ah ka heleyn shacabka," ayuu bartiisa ku qoray.

Bartiisa Twitter, ayuu Donald Trump Jr wuxuu isaguna Ms James ugu eedeeyay "inay xafiiskeeda u adeegsaneyso inay ku beegsato dadka ay siyaasadda isku hayaan".

Dhismaha Trump

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Bishii August ayuu Trump diiday inuu ka jawaabo su'aalo baaritaanka la xiriir a oo la weydiiyay xilli wareysi looga qaadayay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Ms James ayaa sheegtay inuu dhowr jeer wax ka beddelka shanaad ee dastuur ka u adeegsaday inuusan dembi isa saarin.

Waxay intaa raacisay in Eric Trump uu sidaa si la mid ah sameeyay 500 oo jeer.

Tristan Snell, oo ah qareen horena dacwad-ooge u ahaa haatanna ka shaqeynayay kiis kale oo ka dhan ah Jaamac adda Trump, ayaa BBC-da u sheegay in dacwaddan ay qaadan karto muddo sanad ah in maxkamad la geeyo.

Balse waxay dacwaddan si xun u saameyn kartaa awoodda Trump ee ah inuu ga nacsi ka sameysto New York, uuna ka faa'iido ganacsiyadiisa guryaha ee Ma gaalada New York. Waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo ba'an oo dhaqaale si da uu sheegay Snell.

Dacwaddan waxay ka mid tahay dhowr arrimo sharciga ah oo uu wajahayo madaxweynaha hore.

Taariikhdu markay ahayd 8-ddii August, waaxda FBI ayaa baaritaan ka sameys ay gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago.

Wuxuu sidoo kale baaritaan uga socdaa gobolka Georgia isagoo loo heysto laalidda doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2020.

Sidoo kale wuxuu beeniyay inuu wax dembi ah ku leeyahay baaritaannadaas.

XIGASHO:BBC

AFROATLAS IYO ETHIOPIAN AIRLINES OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS TAARIIKHI AH

Shirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airlines iyo Shirkadda Afro Atlas ayaa su rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ay labada shirkadood kaga wa da shaqeynayaan arrimaha teknolojiyada iyo suuq-geynta adeegyada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shirkadaha tikidhada jara (travel agents) ee Afrika iyo adduunka intiisa kaleba loo gu soo xiri lahaa barnaamijka cusub ee lagu magacaabo NDC (New Distribution Capability), kaas oo ay dhowaan hirgelisay shirkadda diyaaraddaha ee Ethopian Airlines. Barnaamijka NDC ayaa beddelaya barnaamijyadii ay diyaaradaha caalamiga ku iibin jireen tikidhada in ka badan muddo nus qarni ah.

Maamulaha Xafiiska Nayroobi ee Shirkadda Ethiopian, Marwo Seble Won gel, oo heshiiska u saxiixday Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta shirkadda AfroAtlas oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay qaaradda Afrika ee si toos ah ugu xiranta nid aamka cusub ee NDC (New Distribution Capability), kaas oo ka casrisan barna amijkii ay shirkaddu hore ugu shaqeyn jirtay.

Maamulaha Guud ee AfroAtlas, Axmed Ugaas, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Dorraad ay tahay maalin xusuus u leh guud ahaan adeegyada teknolojiyada ee gaadiidka cirka ee qaaradda Afrika iyo gaar ahaan shirkadda AfroAtlas -ba. "Waxaa sharaf iyo taariikh ba noo ah inaan noqonno shirkaddii u gu horreys ay ee Afrikaan ah ee si toos ugu xiranta barnaamijka cusub ee NDC ee Ethiopian Airlines, kaas oo hawada soo galay dhowr bilood ka hor,” ayuu yiri maamulaha AfroAtlas oo intaas ku daray "In aan noqonno shirkaddii ugu horreys ay ee Afrikan ah ee wada-shaqeyn noocan ah la yeelata Ethiopian Airlines wax ay muujineysaa sida diyaaradaha caalamiga ah ay ugu kalsoon yihiin farsamada iyo qorshay aasha shirkadda AfroAtlas.”

Shirkadda AfroAtlas, waa shirkaddii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee meel qura isugu keentay adeegyada kala duwan ee safarka iyo dalxiis ka. Waxey sahashay in hal meel laga wada heli karo adeegyada tikidhada diya aradaha, hoteellada, caymiska safarka, gaadiidka la kireysto, dalxiiska, iwm.

Shirkadda Ethiopian Airlines waa shirkadda ugu ballaaran qaaradda Afrika dhina ca rakaabka ay qaaddo, tirada diyaaradaha iyo magaalooyinka ay u duusho. Hor raantii sanadkan 2022 ayay hirgelisay barnaamijka NDC, waxaana hore ugu xirnaa shirkado ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Ameerika, iyo Aasiya. Hase yee shee AfroAtlas ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee toos ugu

xiranta Ethiopian Airlines NDC.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip