Maxay tahay sababta ay gabdhaha Afqaanistaan uga quusteen mustaqbalkooda?

0
Wednesday September 21, 2022 - 22:09:23 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta ay gabdhaha Afqaanistaan uga quusteen mustaqbalkooda?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xilli uu billaabanayo sanad dugsiyeedka cusub ee dalka Afqaanistaan ayaa gabdhaha dalkaasi waxa ay ku qasbanaadeen inay guriyaha iska joogaan, iyaga oo indhaha uun ka daawanaya wiilasha la dhashay oo iskuulada aadaya.Gabdhaha ayaa u baqaya mustaqbalkooda ka dib markii ay seegeen sanad dugsiyeed dhan tan iyo intii ay Taliban qabsadeen xukunka dalka Afqaanistaan.

Kooxda xagjirka ah ayaa diiday in gabdhaha da'doodu ay u dhaxayso 12 ilaa 18 inay dib ugu noqdaan dugsiyada ka dib markii ay soo rogeen mamnuucid markii ay xukunka qabsadeen sanad ka hor.

"Kama fikiri karo mustaqbalkayga. Waxa kaliya ee aan ka fekero waa shaqada guriga, ma jirto rajo, kaliya waxaa na hor-taala diidmo," ayay tiri Maryam. Qaar badan oo ka mid ah gabdhaha da'da yar ee BBC-da la hadlay sanad kadib markii loo diiday inay wax bartaan ayaa rajo beel muujiyay. Maryam, oo ku hammiyi jirtay inay noqoto dhakhtarad, ayaa hadda ahaan lahayd fasalka 10aad. Waxay si aad ah u xasuusataa maalintii u dambaysay ee ay dugsiga ku qaadatay, sannad ka hor.

Gabdho Afqaanistaan oo sita boorsadaha iskuulka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xusuus xun

"Maalinkii ay Taliban la wareegeen Kabul , waxaan ku jirnay imtaxaanka xilliga dhexe islamarkana waxaa uu maamulihii iskuulka inoo sheegay in aan cararno oo aan guriyaha aadno.

Waxaan xusuustaa wakhtiga uu maamuluhu yiri tani waxay noqon kartaa maalintii ugu dambaysay ee aanu dugsiga ku qaadan doono. 12-kii bilood ee la soo dhaafay, haweenka ayaa dibadbaxyo ka dhigayay qeybo badan oo ka mid ah dalka Afgaanistaan, oo ay ku jirto caasimadda Kabul. Waxay dalbanayeen in dib loo furo dugsiyada.

Maryam kama aysan qeyb qaadan dibadbaxyadaasi, balse waxa ay wali ka xun tahay natiijadii ka soo baxday. "Dugsiga waxaan ku baran jirnay taariikhda - waxyaabo ku saabsan taliyayaashii hore. Laakin hadda xaaladdaydu waxay noqon doontaa buugaagta taariikhda jiilka soo socda - waa wax aan la rumaysan karin." Toddobaadyo ka dib markii Taliban ay la wareegeen awoodda bishii August ee sannadkii hore, waxay dib u fureen dugsiyada sare ee wiilasha 18 Sebtembar 2021, laakiin waxay mamnuuceen gabdhaha dugsiga sare inay aadaan fasallada. Qaar ka mid ah gabdhaha Afgaanistaan ​​ayaa aada iskuulo qarsoodi ah oo ka jira magaalooyin qaar, laakiin ma heli doonaan wax shahaado rasmi ah si ay ugu suurtagasho inay aadaan jaamacad.Waxbarshada qaaba online-ka

Qaar ka mid ah gabdhaha ayaa isku dayaya in iyaga oo guriga jooga ay internet-ka ka bartaan casharada iskuulada.

Balse macallimiinta ayaa sheegaya in waxbarshada online-ka aysan baddal u noqon karin waxbarashada fasalada lagu bixiyo.

iskuul ay si qarsoodi ah u dhigtaan gabdhaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Pashtana Durrani oo ah macallin Afqaanistan u dhalatay islamarkaana u ololeeysa arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in iskuulada ay gacan ka geysanayaan is-dhexgalka bulshada. "Waxay qaadataa wakhti dheer in la wada xiriiro, gaar ahaan maadaama aan kala waqti nahay, xitaa in la isugu yimaado meel aan wax ku baranno waa hawl adag." Waxay sheegtay inay dareemayso inay khasaartay islamarkaana aysan ogeyn waxa ay ku qaadanayso Taliban inay iskuullo u furto gabdhaha da'yarta ah. Bishii March ee sanadkan, Taliban waxay ku dhawaaqday dib u furista iskuulada, laakiin waxay go'aankaas ka laabteen daqiiqadii ugu dambeysay. Qaar ka mid ah iskuulada ku yaalla koonfurta gobolka Paktika ayaa albaabada u furay gabdhaha bishii Sebtember sababo la xiriira cadaadis maxalli ah, laakiin waa la xiray markii uu warku ku baahiy warbaahinta qaranka.Mamnuucid guudQaar ka mid ah dalalka Islaamka waxaa ka jira xannibaadyo ah in hal fasal ay wada fariistaan wiilasha iyo gabdhaha, laakiin Taliban ayaa gebi ahaanba mamnuucday waxbarashada gabdhaha. Iyadoo laga jawaabayo baaqyada caalamiga ah ee dib u bilaabaya xiisadaha, Taliban waxay tiri: "Dugsiyada dib waa loo furi doonaa ka dib go'aanka ku saabsan lebiska ardayda dumarka ah in uu noqdo mid waafaqsan ' shareecada iyo dhaqanka Afgaanistaan.'"

 

Xijaabku sidoo kale maaha wax ku cusub haweenka Afgaanistaan.

Sheikba iyo Shadi - oo ah labo gabdhood oo walaalo ah oo ka soo jeeda Kabul islamarkana ay da'doodu tahay 15 iyo 16 - ayay u suuragali wayday in ay iskuulka dib ugu laabtaan muddo sanad ah. "Waagii hore, waxaan had iyo jeer ilaalin jirnay nidaamka lebbiska Islaamka - laakiin hadda Taalibaan xitaa ma oggola inaan aadno iskuulka annaga oo xijaaban," ayay tiri Shadi, oo la hadlashay BBC Dari.

"Taliban waxay qaadeen ballamo, laakiin ma fuliyaan." Fariinta Sheikba ay dirayso waa caddahay: " ha siku qasina siyaasadda iyo waxbarshada."

Laakiin ma maqli doonaan? Qaramada Midoobay waxay mar kale ku boorinaysaa Taliban inay dib u furaan dugsiyada.

Wiilal ku labisan dharka dhaqanka Afqaanistaan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markus Potzel, oo ah ku-simaha madaxa howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan ​​(UNAMA), ayaa ku tilmaamay xaaladda "mid naxdin leh, islamarkaana gebi ahaanba laga fogaan karay.” Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Axaddii bartiisa Twitter-ka soo dhigay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay ka dhigan yihiin "sanad aqoon iyo fursad luntay oo aysan dib u heli doonin." Xitaa ka hor intaysan Talibanka qabsan awoodda, Unicef ​​waxay sheegtay in in ka badan 4.2 milyan oo carruur ah ay ka maqnaayeen dugsiyada, ku dhawaad ​​60% ay tiradaasi ahaayeen gabdho.

Culimada diintaIyagoo ka carooday mamnuucista Taliban, hay'ado badan oo gargaar ayaa joojiyay dhaqaalihii waxbarashada.

Iyaga oo awoodi waayey in ay bixiyaan macallimiinta caadiga ah, Taalibaan ayaa hadda shaqaaleysiiya culimo diineed ka socda machadyo si ay wiilasha wax u baraan. Dhaqaalaha Afgaanistaan ​​ayaa ah mid si weyn ugu tiirsan gargaarka, Talibanka ayaa aad u doonaya inay helaan gargaarka iyo sidoo kale aqoonsi diblomaasiyadeed. "Beesha caalamku waa inay ka dhigtaa xaqa waxbarashada haweenka iyo habluhu khad cas inta lagu jiro wadahadalka lala galayo Taliban," ayay tiri Samira Xamidi, oo ah u qaabilsanaha Amnesty International ee koonfurta Aasiya. "Xuquuqda waxbarashadu waa xuquuq bini'aadannimo oo aasaasi ah, taas oo ay tahay in Taliban - oo ah mas'uuliyiinta dhabta ah ee Afgaanistaan ​​in ay dhaqan-geliyaan. Siyaasadaha hadda ay wadaan Taliban waa midab-takoor, caddaalad-darro iyo kuwa xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah," ayay raacisay.

Qaar ka mid ah gabdhaha ayaa si qarsoodi ah wax loo baraa

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

'Waxaan u baahanahay mucjiso'

Ma jiro hal waddan oo xukuumadda Taalibaan u aqoonsaday inay yihiin dawlad, laakiin dalalka qaarkood - oo ay ku jiraan Pakistan iyo Shiinaha - ayaa si joogto ah ula macaamila.

Gabdhaha Afgaanistaan ​​​​waxay luminayaan rajadii ay ka qabeen awoodda beesha caalamka iyo kaalmadii ay ka sugayeen.

"Waxaan u baahannahay mucjiso xagga raabaani ah", ayay tiri Maryam. "Waxaan rabnaa in mustaqbalkayagu soo noqdo."

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip