Trump iyo carruurtiisa oo dacwad lagu soo oogay

0
Thursday September 22, 2022 - 15:47:40 in Wararka by
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump iyo carruurtiisa oo dacwad lagu soo oogay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGE

Donald Trump iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay shirkadda qoyskooda - Ururka Trump.

Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021.

Mr Trump ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay "arrin kale oo loo soo maleegay".

Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

Xafiiskeeda awood uma laha inuu soo gudbiyo eedeymo dembi, balse waxay u sii gudbisay dacwad-oogayaasha federaalka iyo Waaxda Maaliyadda Gudaha.

"Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray balaayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo hannaanka," ayey tiri Ms James.

Carruurta Trump

XIGASHADA SAWIRKA,AFP VIA GETTY IMAGES

Waxay sheegtay in aqalka gaarka ah ee Mr Trump ee ku yaalla daarta Trump Tower, oo lagu qiimeeyay $327m (£288m), uu ka mid yahay kuwa sida khaldan loo qiimeeyay.

"Guri ku yaalla magaalada New York weligii laguma iibin qiime kaas u dhow," ayey intaas raacisay Ms James.

Ms James, oo dooneysa in dib loo soo celiyo lacag dhan $250m (£220m) oo ay sheegtay in la is daba mariyay, ayaa arrintan ku tilmaantay "farshaxanka xatooyada".

Waxay ka codsaneysaa maxkamadda inay ka mamnuucdo madaxweynaha hore iyo carruurtiisa inay qeyb ka noqdaan ganacsi walba oo ka dhisan New York.

Waxay sidoo kale dooneysaa in Ururka Trump laga mamnuuco in muddo shan sano ah ay ku lug yeeshaan ganacsiga guryaha.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Ms James - oo Dimuqraaddiga ka tirsan oo u taagan in dib loo doorto November - ay diidday ugu yaraan hal dalab oo looga codsanayay inay meesha ka saarto baaritaanka muddada dheer qaatay ee ay ku heysay dhaqamada ganacsi ee shirkadda Trump.

Isagoo dacwaddaas ku shaaciyay bartiisaTruth Social, ayuu Mr Trump wuxuu Ms James, oo qof madow ah, ku tilmaamay inay tahay cunsuriyad.

"Shirqool kale oo ay waddo Xeer Ilaaliye kale oo cunsuri ah, Letitia James, oo ku guul darreysatay inay Barasaab noqoto, oo aan wax caawinaad ah ka heleyn shacabka," ayuu bartiisa ku qoray.

Bartiisa Twitter, ayuu Donald Trump Jr wuxuu isaguna Ms James ugu eedeeyay "inay xafiiskeeda u adeegsaneyso inay ku beegsato dadka ay siyaasadda isku hayaan".

Dhismaha Trump

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Bishii August ayuu Trump diiday inuu ka jawaabo su'aalo baaritaanka la xiriira oo la weydiiyay xilli wareysi looga qaadayay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Ms James ayaa sheegtay inuu dhowr jeer wax ka beddelka shanaad ee dastuurka u adeegsaday inuusan dembi isa saarin.

Waxay intaa raacisay in Eric Trump uu sidaa si la mid ah sameeyay 500 oo jeer.

Tristan Snell, oo ah qareen horena dacwad-ooge u ahaa haatanna ka shaqeynayay kiis kale oo ka dhan ah Jaamacadda Trump, ayaa BBC-da u sheegay in dacwaddan ay qaadan karto muddo sanad ah in maxkamad la geeyo.

Balse waxay dacwaddan si xun u saameyn kartaa awoodda Trump ee ah inuu ganacsi ka sameysto New York, uuna ka faa'iido ganacsiyadiisa guryaha ee Magaalada New York. Waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo ba'an oo dhaqaale sida uu sheegay Snell.

Dacwaddan waxay ka mid tahay dhowr arrimo sharciga ah oo uu wajahayo madaxweynaha hore.

Taariikhdu markay ahayd 8-ddii August, waaxda FBI ayaa baaritaan ka sameysay gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago.

Wuxuu sidoo kale baaritaan uga socdaa gobolka Georgia isagoo loo heysto laalidda doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2020.

Sidoo kale wuxuu beeniyay inuu wax dembi ah ku leeyahay baaritaannadaas.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip