Tacsida Mohamed Salah ee Boqoraddii Ingiriiska oo dhalisay dood adag

0
Wednesday September 21, 2022 - 22:27:15 in Wararka by
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsida Mohamed Salah ee Boqoraddii Ingiriiska oo dhalisay dood adag

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xiddigga reer Masar, Mohamed Salah, ayaa dood ballaaran ka dhaliyay baraha bulshada kaddib markii uu Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ugu baroor-diiqayay Boqorad Elizabeth II, arrintaas oo keentay inweeraryahanka kooxda Liverpool uu noqdo qof ay dadka qaar dhaliilaan qaar kalena ay difaacaan.

Xiddigga ayaa qoraalka uu Twitter-ka ku baahiyay waxa uu u dhignaa "Maanta, dadka Ingiriiska iyo dunida oo dhan waxay u baroor-diiqayaan oo ay sagootiyeen Haybadley Boqorad Elizabeth II, waxaana la xusay sooyaalkeedii iyo adeeggeedii aan hagrashada lahayn. Waan la damqanayaa qoyska boqortooyada maalintan taariikhiga ah ee ay murugadu ku laran tahay”.

Mohamed Salah Tweet

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER

Dadka dhaliilay Mohamed Salah

Hase yeeshee qoraalkaa Salah sahal looma qaadan, waxaana ka dhashay falcelin ballaaran oo kumaannaan qof ay aragtiyo ka dhiibteen, kuwaas oo u kala qaybsamay qaar isaga dhaliilaya iyo kuwo difaacaya.

Dadkaas qayb badan oo ka mid ah waxay muujiyeen sida ay uga caraysan yihiin qoraalka Salah ee Twitter-ka, waxayna ku eedeeyeen xiddigga reer Masar inuu "iska indho-tiray xaqiiqooyinka taariikheed ee soo maray xiriirka Masar iyo Ingiriiska”.

Halka kuwo kalena ay qabeen in ay habboonayn in xiddigga "aanu ka hadal arrin ay dad badan oo Masaari ah u arkaan inuu yahay mid ay doodi ka taagan tahay oo uu iska dhaafo inuu tacsi ka diro geerida Boqorad Elizabeth sidii uu dhacdooyin horeba uga aamusay oo kale”.

Waxa ay dadka qaar isweydiiyeen "dadka uu doonayay inuu la hadlo Salah ee uu isku oggolaysiinayo qoraalkaas uu Twitter-ka ku qoray kuwa ay yihiin” maaddaama "qayb weyn oo ka mid ah taageereyaasha Liverpool ay ka soo horjeedaan boqortooyada Ingiriiska” waa sida ay yiraahdeene.

Qof kale oo Twitter-ka qoraal ku faafiyay ayaa isaguna Salah ku canaantay inuu yahay qof matala Carabta saamayntiisuna ay tahay mid weyn, sidaas awgeedna ay isaga la tahay in "aan wax cudurdaar ah loo helayn xiddigga reer Masar maaddaama uu isagu faraha la galay arrin aan lagu dirqin”.

Dadka difaacay Mohamed Salah

Dhanka kale, waxaa jiray dad badan oo difaacay ciyaartoyga reer Masar, kuwaas oo dhaleeceeyay "ololaha abaabulan” ee waa sida ay u dhigeene lagu qaaday.

Aragtiyada dadka qaar waxay ka mideysneyd in waxa "uu sameeyay Salah uu yahay wax ka dhashay bani’aadannimadiisa iyo meeqaamka uu ku leeyahay shacabka Ingiriiska dhexdiisa”.

Qaar kalena waxay Salah ku tilmaameen inuu yahay "shakhsiyad magac ku leh bulshada Ingiriiska”, waxayna qabeen in "tacsida uu diray markii ay Boqoraddu geeriyootay ay tahay arrin dabiici ah”.

Qof kale ayaa isna sheegay in aanu arkin sabab "ay dadku uga caroodaan tacsida Salah ee geerida Boqoradda dalka isaga iyo qoyskiisaba u suurtageliyay shaqada, guusha iyo ixtiraamka”.

Weriye Cumar Al-Banuubi ayaa ka dalbaday dadka dhaliilaya Salah in ay faraha ka qaadaan maaddaama uu yahay "xirfadle ciyaarta kubbadda cagta ah oo aanu ahayn halgamaa siyaasadeed, sidoo kalena aanu ahayd wadaad diimeed”, wuxuuna intaas ku daray "Mohamed Salah ha saarina wax aanu u xil saarnayn”.

Halka dadka qaar kalena ay ku jeesjeeseen dadka dhaliilay isaga in ay "taageeraan kooxda Liverpool oo ay jecel yihiin Horyaalka Ingiriiska, haddana ay ku dhaliilayaan Salah inuu tacsi ka diray geeridii Boqoradda Ingiriiska oo ay ku eedeeyaan inuu taageerayo gumaysigii [Ingiriiska ee dalkooda]”.

Dadka qaar ayaa iyaguna la yaabay murankan ka dhashay qoraalka Salah ee Twitter-ka, halka "muran kan oo kale ah aan laga keenin tacsi qoraal ah oo Sheekha Al-Azhar, Axmed Al-Dayib, uu diray maalintii ay geeriyootay Boqoraddu”.

Dhaliilo hore oo loo jeediyey xiddigga reer Masar

Dhaliilaha hadda loo soo jeediyay ciyaaryahanka Liverpool ma aha kuwii ugu horreeyay, waxaase hore u dhacday in hore loogu dhaleeceeyay in uu "la daahay dhaleeceynta duqayntii ay Israel ku qaadday Gaza bishii May ee hore” iyo sidoo kale qoraal "uu markaas kaddib Twitter-ka ku baahiyay - oo lagu tilmaamay mid aan cidna toos u sheegayn- kaas oo uu ku dalbaday in dhibaatada dadka aan waxba galabsan lagu hayo la joojiyo, isaga oo aan sheegin dhibaatadu waxay tahay iyo cidda aan waxba galabsan ee uu sheegayaa kuwa ay yihiin”.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip