WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA MAAJO 2016-KA

0
Wednesday May 25, 2016 - 09:02:37 in Wararka by
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA MAAJO 2016-KA

    XAFLAD LAGU DAAHFURAYAY DIB U HOWLGALINTA URURKA NUSOJ OO LAGU QABTAY MAGAALADA MUQDISHO Xaflad si heer sare loo agaasimay oo lagu daahfurayay dib u howlgalinta Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ aya shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAFLAD LAGU DAAHFURAYAY DIB U HOWLGALINTA URURKA NUSOJ OO LAGU QABTAY MAGAALADA MUQDISHO Xaflad si heer sare loo agaasimay oo lagu daahfurayay dib u howlgalinta Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ aya shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlada, baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, hay’ado caalami ah iyo saxafiyiin isugu jiray kuwo ka kala yimid gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si toos ah loogaga daawanayay Taleefishinka Universal ayaan idiin soo nuxurkii qudbadaha halkaa laga jeediyay.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maahir Jaamac Aadan ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay qaabka ay ku timid dib u howlgalida ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed NUSOJ isagoo sheegay in muddo 16 maalmood ah uu u socday shirweyne golaha guud ee NUSOJ kaasoo ugu dambeyntii dib u habeyn ku sameeyay dastuurka ururka uuna ururka sameeyay doorasho ay ka soo baxeen hogaanka ururka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa afhayeenka UNSOM oo sheegay in QM ay taageersan tahay ururka NUSOJ ayna garab istaagi doonto sidii ururku u gaari lahaa hadafkiisa,

"Dib u howlgalinta ururka NUSOJ waxa uu ku soo beegay xilli xasaasi ah oo loo diyaargaroo bayo doorasho,waxaan ugu baaqeyaa dowlada inay tixgeliso saxaafada xorta ah si u soo gudbiyaan qaabka doorashada,”ayuu yiri afhayeenka UNSOM.

Sidoo kale waxaa munaasbadan ka hadlay wakiil ka socday hay’ada viks Mr Beck waxana uu sheegay Mr Beck inuu wakiil ka yahay saxafiyiinta Caalamka oo idil ayna soo dhoweynayaan ururka NUSOJ dib u howlgalintiisa.

Agaasimaha Wakaalada wararka Sonna Md.C/man Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in saxafiyiinta ay yeesheen hoggaan mideysan waxana uu ugu baaqay saxafiyiinta inay howlahooda si hufan u qabtaan.

Xoghaya guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimu oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed uu haatan u furmay Bog cusub,waxana uu u mahad celiy ay guddigii badbaadada saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay inay midoobaan saxafi yiinta.

"Waa wax lagu farxo in saxafiyiin ay ka kala yimaadaan dhammaan gobolada dalka ayna doort aan hogaan waxayna taasi na xusuusineysaa xilliyadii dowladii hore oo dadku is dhex geli jire en,” ayuu yiri Maxamed Ibraahin Nur xoghayaha guud ee NUSOJ,

Xoghayaha ayaa ballanqaaday in ururku uu ku dadaali doono sidii tababaro ku filan ay u heli lahaay een,waxana uu ugu baaqay saxafiyiinta inay midoobaan, Afahyeenkii Gudiga Badbaada Nuso Cab dulqaadir Dulyar ayaa isagan ka war bixiyey howlaha Maanta gababagda ah dadaalkii ay soo mareen,

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Axmed Jookar oo ahaa gudiga doorashada Nusjo ee howl aha kala wareegay gudihii hore ee badbaada suxuufiyiinta nusoj,

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Ciyarjecel oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasab adan ayaa ku ammaanay xoghayaha guud ee NUSOJ inuu yahay geesi wadani ah isagoo xusay in uu diiday in uu dego dalka Ingiriiska balse ka doorbiday inuu dalkiisa ku soo laabto oo shacabkiisa u shaqeeyo.

Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo ku hadlaya Codka Xisbiyada Dalka ka jira ayaa isagana she egay in saxaafaddu tahay doorka aan laga maarmin ay yihiin kuwa buslahada eeganeyso oo laga sugayo in ay dadka wax barto wixii dhibaya bulshada ay yihiin kuwii gaarsiin lahaa dadka wax ka qa ban jkara dhibka jira marka waa in ay la yimaadaan kaalinka bulshada ka sugeyso waana soo dhaweyneynaa dib u howlgelinta ururka suxuufiyyiinta qaranka Nusoj .sidoo kale oo ku hadalyey codka bulshada reydka soomaaliyed Md. Sheegoow isagoo si weyn halkaa ugu hadlay in saxaaf adda dalalka caalamka oo dhan ay ka tahay kaalinta 4aad in ay tan soomaaliya tahay mid galeyso kaalinta 2aad waayoo ayuu yiri waxaay tahay dadaal dheer oo ay saxaafadda soomaaliya gashay awgeed waxaan uu sheegay in loo baahan yahay in laga run sheego wixii dhibaya ummada saxaaf addana waxaa laga doonayaa inya doorka ay leedahay ka qaadato iyadan waajibaadka dalka iyo dadka ka saaran ay ka shaqeyso

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadashay Aamino Lanad oo ah Gabadh Suxuufiyada soomaaliyeed oo ku hadlaysay codka suxuufiyiinta ka timd gobollada dalkadoo ugu mahad celisay guddigii badbaadada saxaafada dalka dadaalka ay u galeen in shalay ururka suxuufiyiinta Nusoj uu shaqo galo , waxaan ay halkaa ka sheegtay in loo baahan yahay saxaafadda inay is garabsadaan oo lala shaqeeyo madaxda la doortay iyadoo la eegayo danta dalka iyo dadka soomaaliyeed ,

dhinaca kale Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaajir Baarqab ayaa ka mid aheyd dadkii halkaa ka hadlay , sidoo kale Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa isagan halkaa ka soo jeediyey hadalo dhiirri gelin u ah saxaafadda isagoo ugu baaqay in ay la yimaadaan carrab bir ah oo ay sheegaan wixii ummada dan u ah oo asyan la gaban,

Guddoomiyihii hore ee maxkamada sare Avv Ceydiid Ilkaxanaf ayaa u hambalyeeyay ururka NUSOJ isagoo ka hadlay dhibaatada uu isqabqabsigu leeyahay waxana uu u rajeeyay ururka guul.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska waxana uu hambalyo u direy guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed oo haatan yeeshay hogaan mid ah waxana uu sheegay in Wasaarada warfaafinta ay marwalba u taagan tahay inay la shaqeyso saxafiyiinta.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu doortay hotel City Plaza ee magaalada Muqdi sho hoggaanka ururka Nusoj ka dib markii uu wadahadal qaatay 17 maalmood ay saxafiyiin ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya ay ku soo doorteen hoggaan cusub oo ururka Nusoj hogaamiya,

xafladaa dib howlgelinta ururka NUSOJ ayaa waxaa ay ka dhacday Hoteel Jazeera ee magaa lada muqdisho waxaayn u qabsoonta si degan iyadoo halkaasina ay koox fannaanin ah ka heesay een xafladaa oo ku soo gabagaboowday jawi degan oo farxd leh

PROF. DUFLE OO LA GUDDOONSIIYAY ABAAL MARINTA SOMALI PEACE AWARD

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa si rasmi ah loo gudoonsiiyey abaalmarin sanadeed ay bixiso heyadda Somali Peace Award, kadib munaas abad balaaran oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee wadanka Norwey taasoo ay ka qeyb galeen xubno fara badan oo ka tirsan jaaliyada Soomaalida Norwey, masuuiyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.

Guddiga Somali Somali Peace Aword oo kooban shan xubnood 19032016 waxay ku dhowaaqeen in sanadkan abaalmarinta Somali Peace Aword ee nabada iyo waxtarka bulshada uu ku guuleystay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah dhaqtar Soomaaliyeed.

ExXildhibaan Ubax Aadan oo ka mid ah gudiga Somali Peace Aword oo ka mid aheyd xubn aha halkaas ka jeediyey khudbadaha ayaa ka hadashay muhiimada uu fikirka abaalmarintani u leeyahay umada iyo faa’iidooyinka laga dhaxli karo, waxayna u mahadnaqday cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan iyo weliba gudoomiyaha Somali Peace Award.

"Markii aan aragnay shuruudaha guddiga ee u yaalla qofka la siinayo abaal marinta oo ay ka mid yihiin, inuu yahay qof wax u huray umada iyo dalka, inuu yahay qof aan ku lug laheyn burburka iyo dhibaatada dalka ka dhacday bulshadana ugu shaqeeya si hagar la’aan ah, inuu yahay qof wax muu qda ku kordhiyay nabada iyo horumarka dalka, inuu yahay qof shaqadiisa saameyn balaaran ku leedahay bulshada ayaa waxaan go’aansanay in abaal marintan uu mudan yahay Dr. Dufle oo ah dhaqtar iyo siyaasi Soomaaliyeed” ayey tiri Ubax Abdullahi Aadan.

Baashe Muuse oo ka mid ah xildhibanada golaha degaanka caasimada Oslo ayaa isna ugu hambalyeeyay dhakhtarka hawsha uu umadiisa u qabtay iyo billada uu ku guulaystayba isagoo kula dardaarmay inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka wadanka Norway ah oo magaciisa la yiraahdo Xildhibaan Abdul lahi Allason ayaa ka hadlay faa’iidada ay bulshada u leedahay iyo fariinta ay wadato Billada Somali Peace ward wuxuuna u hambalyeeyey Prof. Dufle.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadan khudbad ka jeediyey Prof. Cismaan Maxamud Dufle oo ah shaqsiga ku guuleysatay billada Somali Peace Award isagoo mahadnaq balaaran u jeediyay mar ti sharaftii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku soo dhoweysay Oslo.

"Waxaa salaan & Mahadnaq u soo gudbinayaa guud ahaan Jaaliyadda reer Norwey Guddiga Somali Peace Award & gaar ahaan Guddoomiyaha SPA Maxamed Saadaq, sida diiran ee aad iigu soo dhowayseen Oslo Waxaa kale oo sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladda gudo onsiinta Abaal marinta Shaqsiga sanadka 2016 ee nabadda iyo Waxtarka Bulshada waxaan kale oo aan ku faraxsanahay in aan noqdo Shaqsiga ku soo baxay, dabcan waxaa jiri kara dad iga wanaags anaa ama iga dadaal badnaa, haddana Ilaahay baa nasiibkayka ka dhigay inaan ku guulaysto” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo ah gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Waxaa uu ugu dambeyn mahad celin gaar ah u jeediyey Guddiga Somali Peace Award iyo Guddoomiyahooda oo markii ugu horaysay curiyay fikirka Abaal marinta shaqsiga waxtarka u yee sha bulshada, Jaaliyadda reer Norwey iyo Wafdi ka yimid Jaaliyadda Sweden.

Xubin ku hadlay magaca qabanqaabiyeyaasha ayaa xusay inaan la soo koobi karin Prof. Dufle waxyaabihii uu qabtaybalse ay ugu muhiimsan yihiin abaabulkii uu ka gaystay isaga iyo Gudd igii Isku Dhafka Caafimaadka Muqdisho kaasoo waxweyn ka taray u gargaaridda dhaawacii uu saba baydagaaladii sokeeya ee ka qarxay caasimada sanadkii 1992, ayna ka talaabeen wixii la dhihi jir ay khadkii cagaarnaa ee Muqdisho kala qaybin jiray, wuxuuna xusay iney dib u hawlgeliyeen Isbit aaladdii ayna ku dhax shaqaynayeendagaaladii oo socda.

"Waxaa xusid mudan in Prof. Dufle uu u ka dhigay xabsigii hore ee Kaysanay in loo bedelo Cusbitaal Kaysanay oo ilaa iyo shalay bulshada u adeega. Toban sano ka dib 2002dii dhaqaatiir koo ban oo uu ka mid yahay Prof. Dufle waxay aasaaseen Jaamacadda Banaadir kuliyadda Caafimaad ka si loo helo dhaqaatiir cusub oo dhalinyaro ah si ay u buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen dhaqaatiir tii dalka ka baxday iyo kuwii geeriyooday. Musiibadii Hotel Shaamow ee qabsatay ardaydii qalin jeb inaysay ee Jaamacadda Banaadir, waxaa ku dhintaydad badan oo mas’uuliyiin muhiim u ahaa bul shada qaar kalena wey ku dhawacmeen, Prof. Dufle wuxuu ahaa waqtigaas qofkii qudbada aqrina yay. Dhacdadaas ma noqon mid hakisa hadafkii asaasayaasha Jaamacadda Banadir eeahaa in la soo saaro jiil cusub oo dhaqaatiir ah riyadaasina waa rumowday, maxaayeelay waxaa ka qalinjibi say 470 dhaqtar oo waddan oo dhan ka shaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta kulanka laga akhriyey.

Xafladan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa intii ay socotay hadalo isugu jiray mahadcelin iyo dardaaran ka jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Abdirashid May gaag, Eng. Mahad Abib Mahamud, Al Fanaan Cali Isaaq oo heeso guubaabo ah ka qaaday goobta, Ahmed Oriye oo ka socday ururka Xanaano, Abdiqadir Khaliif Abdulle oo ka tirsan guddiga Guddiga Somali Peace Award iyo shaqsiyaad kale.

Abaalmarintan ayaan aheyn tii ugu horeysay Prof. Dr. Dufle la gudoonsiiyo, waxaana sanadkii sanadkii 2015 bilad iyo abaal marin gudoonsiiyey machadka caalamiga ah ee Giussepe Pitre oo ku yaala dalka Talyaaniga kaasoo sidoo kale Profka u sharaxay abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace isagoo noqday dhaqtarkii ugu horeeyey qaarada afrika ee abaal marintan loo sharaxo.

KOLONYO GAADIID AY WATEEN CIIDAMADA KENYA OO LAGU WEERARAY JUBBADA HOOSE

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ay wat een ciidamada Kenya lagu weeraray deegaan u dhexeeya magaalooyinka Dhoobley iyo Taabto oo lagu magacaabo Hawina.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay in uu ku dhex maray ciidamada Kenya oo ay la socdaan ciidamo Soomaali ah iyo maleeshiyaad ururka Alshabaab ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana jiro illaa iyo hadda wax war ahoo ka soo baxay labada dhinac ee iskahorimaadka u dhexeeyo.

Ciidamada dalka Kenya ee ka howlgala gobolada Jubbooyinka ayaa kala kulma weeraro isu gu jira gaadmo iyo mid toos ah ururka Alshabaab oo maleeshiyaad badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka mid ah gobolada Jubbooyinka.

TALIYIHII QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA BANAADIR OO IS CASILAY

Taliyihii ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka haayay Booliska Gobolka Banaadir.

Cali Gaab oo shalay la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shee gay inuu ka tagay Shaqada ciidamada Booliska oo intii uu haayay shaqo wanaagsan uu ka soo qabt ay.

Wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab gaar ah oo uu kaga tagay Shaqada, islamarkaana ay san jirin cid uu hada dacwo ka yahay oo uu qabsanaayo.

Taliye Cali Gaab ayaanan cadeynin sababta uu shaqada uga tagay, hayeeshe waxaa muuq ata inay jirto Sabab rasmi ah oo uu shaqada uga tagay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliyed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa horay ugu magicaabay Cali Gaab Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Intii uu Cali Gaab haayay xilka Booliska Gobolka Banaadir ayaa wuxuu qabtay shaqooyin ka la duwan oo dhanka ammaanka ku saabsan, isaga oo ku dadaali jiray suggida ammaanka.

GOLAHA AMMAANKA OO SOO DHOWEEYAY GO’AANKA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH EE HANAANKA DOORASHADA 2016

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay go’aanki madaxweynaha ee ku saabsanaa hannaanka doorashada madaxtinimada dalka ee 2016ka.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha ammaanka ee Q. M. shalay oo talaado ah ayaa lgu tageeray xeerki madaxweynuhu ku ansixiyay in doorashooyinka dalka ay ku qabsoomaan waqtihii loo qorsheeyay.

Golaha ammaanka ayaa si weyn u ammaanay dadaalka madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay ku dammaanad qaadeen howlaha doorashada madaxtinimada dalka.

Sidoo kale goluhu waxeey sheegeen in caqabadda ugu adag ee xilligan hortaalla Soomaaliya ay tahay sidii dorrashada ay ugu qabsoomi leheyd waqtigii loo asteeyay, iyagoo ku boorriyay dhinac yada Soomaalida iney ka wada shaqeeyaan sidii looga baaqsan lahaa dib u dhac ku yimaadda door ashada.

22 bishan ayeey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne ku meel mariyay hannaanka doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa go’aanka hore u soo dhoweeyay waki ilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ururada EU,IGAD,AU iyo weliba dalal kale.

GANACSIGII MAGAALADA BALEDWEYNE OO QIL QIIL KU JIRA..

Fatahaadaha Webiga Shabelle ee halakeeyay Magaalada Baledweyne, ayaa halis geliyay ganacsigii guud ee ka jiray Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ganacsatada, ayaa waxay qaarkood ku ganacsanayaan bakhaaradooda, waxayna indhahaa gu qabanayaan mehradaha ganacsi oo agabyada lagu gaynaayo gaari dameerada.

Ganacsatada qaar oo ganacsigooda kala baxay bakhaarada ku yaala Bartamaha Baledwey ne, ayaa u guuray duleedyada Magaalada, islamarkaana aanay saamayn fatahaadaha.

Dadka ku harsan Magaalada Baledweyne oo biyaha dhex jeexaaya, ayaa ka faa’iideysanaya bakhaarada furan, iyagoo ka iibsanaaya waxyaabaha muhiimka ah, ee ay uga baahan yihiin.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa sheegay in dhibaato wayn ay ka taagan tahay Magaalada Baledweyne, sababo ku aadan fatahaada ha baahsan ee ka jira Magaalada.

"Bulshadu dhibaato wayn ayay ku jiraan, runtii xoolaha, dadka iyo ganacsiga way adag tahay, sababtoo ah fatahaado badan ayaa jira, dhaq dhaqaaq badan ma jiro.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gob olka Hiiraan.

"Waxaan codsanaynaa dowladda iyo caalamkaba in ay wax nala qabtaan oo gurmad ay inoo sameeyaan. Aniga weli ma arkin madaxda dowladda oo ka hadlaya dhibaatada Beladweyne.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlay

CARRUUR WADA DHASHAY OO GAARI KU JIIRAY MAGAALADA MUQDISHO ..

Wararka inaga soo gaaraya xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkiinley, ayaa sheegaya in Afar caru ur ah oo wada dhashay uu gaari ku jiiray Degmadaasi.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay midka raaxada, ayaa bareegi laga waayay, xilli uu ku socday xawaare dheereeya, waxaana taasi ay keentay inuu galo baabuurka goob dugsi ah.

Dugsiga oo carruurta ay wax ku baranayeen ayaa waxaa halkaasi uu baabuurka ku jiiray Afar caruur ah oo wada dhashay oo halkaasi Khasaare kala duwan uu ka soo gaaray.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo crauur ah halkaasi ay ku geeriyoodeen sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen, halka ay dhaawacmeen labo kale.

Labada caruurta ee dhaawacantay, ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka halkaasi oo lagu dabiibayo.

Wadihii gaariga, ayaa gacanta lagu soo dhigay, waxaana ka xeeyay ciidamada ammaanka Degma da Dharkiinley oo baaritaan ku haayo.

Gaadiidka oo waayahan dambe Magaalada Muqdisho dhexdeeda marka ay marayaan, ayaa waxa ay sababaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

2,500 OO MUHAAJIRIIN AH OO LAGA BADBAADIYAY BADDA MEDITERRANEANKA

Ku dhawaad 2,500 oo Muhaajiriin ah ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay Badda Medit erraneanka, sidaasina waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Talyaaniga.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa la tilmaamay inay soo badbaadiyeen dadkaan Muhaajiriinta ah oo doonaayay inay dalka Talyaaniga ku galaan sifo aanan sharci aheyn.

Talyaaniga waxa ay sheegeen dadkaan la soo badbaadiyay inay saarnaayeen 14 doomood oo noocooda uu yahay kuwa ka sameysan Cinjirka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maraakiiib Malta iyo Irish ay leeyihiin ay dadkan soo badbaadiyeen. Sidoo kale markab xamuul ayaa ka qeybqaatay badbaadda dadkan.

Ciidamada dalka Libya ayaa sheegay daraad inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 800 oo ruux oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo doonaayay inay ka tahriibaan dalka Libya.

Waxaa sii kordhaaya tirada dadka Muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan dalalka Yurub, kuwaasi oo ka cararaya dalalkooda Hooyo.

DUQA MAGAALADA MUQDISHO OO LA KULMAY DHIGIISA ISTANBUL..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kul may Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Kadir Topbaş, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba da magaalo iyo dib u dhiska.

Labada Duq magaalo ayaa si gaar ah uga hadlay dib u dhiska Wadada Sodonka oo lagu wa do in dhowaan xariga laga jaro mashruuca lagu dhisayo wadadaas oo ka mid ah wadooyinka halbo wlaha u ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimaha Tahriibka ee dhibaatada ku haayo dhaliny arada Soomaaliyeed iyo arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha Qaxootiga Kenya, kuwaasoo dhowaan dalka dib loogu soo celinayo sidii loo maareyn lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa ammaanay doorka dowladda Turkiga ee horumarinta Caasimadda Muq disho, isagoo sheegay in Turkiga uu mashaariic kala duwan oo horumarineed ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Kadir Topbaş oo ah Duqa magaalada Istanbul ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan dhismaha Wadada Sodonka, waxaana uu balan qaaday in dowladda Hoose ee Istanbul ay xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya dowladda Hoose ee Muqdisho

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magaalada Istanbul uga qeyb galaya shirka arrimaha bani’aadanimada Caalamiga,

AXMED MADOOBE "WAA IN ARRINTA HIIRAAN SI DEG DEG WAX LOOGA QABTAA, DAGAALKA SOCDANA LA JOOJIYAA”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed. Axmed Madoobe oo ka hadlayay Kismaayo ayaa sheegay in aanu garaneyn macnaha uu leeyahay dagaalka Beledweyn, isla marka ana loo istaago sidii loo joojin lahaa.

"Dagaalka ka socda Beledweyn macnaha uu leeyahay ma garan karo, laakiin waxaa oran la haa in loo istaago in la joojiyo colaada oo dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada la isugu tago sidii loo joojin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in iyadoo laga sugayo in Maamul goboleed loo dhiso Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in dagaal qabiil uu bilowdo.

"Anaga Soomaali ah, aan isu gurmano, aan xalisano cida is heysata iyo cida wax kala taban eysa, arrinta Hiiraan waa in si deg deg ah wax looga qabto”ayuu yiri Axmed Madoobe.Sidoo kale wa xaa uu sheegay in juhdi badan la geliyo sidii maamulka labada gobol u dhismi lahaa.

Dadka reer Beledweyn ayaa isugu darsamay colaad iyo fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle, iyadoo kumanaan qoysas ay ka barakaceen dagaalada iyo fathaada ka jira magaalada.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shalay uu wada hadal lagu xalinayo dagaalka uu ka bilaaban doono galbeedka M/Beledweyn.

LAAMAHA AMMAANKA OO SOO GABA GABEEYAY KULAN LOOGA HADLAAYAY AMNIGA DOORASHOOYINKA IYO BISHA RAMADAAN

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlaayay ammaanka caasimada Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Somaliya.

Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Hay’adaha Amniga Dowladda, Amisom iyo Hay’adaha kale ee taageera ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay wuxuu ka socday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Somaliyed.

Gaba gabadii Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray qorshooyin ku aadan sida loo sugi karo ammaanka caasimada, xilliga Doorashooyinka iyo Bisha Ramadaan oo fooda ay inagu soo hayso.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in la isku afgartay sidii Hay’adaha kala duwan ee dhanka amniga Dowladda ay uga shaqeyn lahaayeen xaqii jinta ammaanka caasimada iyo ka hortagga falalka Shabaabka ay qorsheynayaan.

"Kulanka waxaa soo agaasintay Wasaaradda Amniga Gudaha, sida aad la socotaan waxaa la qorsheynayaa in doorasho ka dhacdo dalka, sidoo kale Ramadaankii ayaa nagu soo wajahan, waxaa muhiim noqotay in la dajiyo qorshe mideysan oo laamaha Ammaanku ugu diyaargarooba yaan sidii iyagoo mideysan ay u sugi lahaayeen amniga guud.”Ayuu yiri Mudane Cabdi kaamil

Bisha Ramadaan inta badan Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay falal lidi ku ah dhanka amm aanka caasimada Muqdisho ka geystaan, waxaana ay beegsadaan Shaqaalaha Dowladda iyo xubnaha kale ee xiriirka la leh Dowladda.

DHAGAYSIGA DACWAD LOO HAYSTO DAD LA XIRIIRINAYAY QARAXII KADHACAY DIYAARADA DAALLO OO LA SOO GABAGABEEYAY

Maxkamadda Ciidamada ayaa shalay soo gabagabeysay dacwada loo heysto dad lala xirii rinayay qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo Airline.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa shalay soo gabagabaysay dhagaysiga dacwadan iyadoo dhagaysiga dacwada ay socotay muddo toddobaadyo ah balse dhagaysigii ugu dambeeyay uu ahaa shalay.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in dib laga soo sheegi doono go’aanka laga gaaray dadka loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo dusheeda 2dii bishii April ee sanadkan.

2dii Bisha April ee sanadkan ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday Laptop lagu dhex qarx iyay gudaha diyaaradda Daallo, waxaana ku dhintey ninkii watay laptopka qaraxa uu ka dhashay iyadoo meydkiisa laga helay meel ku dhow degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Qaraxa ka dhacay diyaarada Daallo Airline ayaa waxaa mas’uuliyadeeda sheegatay ururka AlShabaab. Dowlada Soomaaliya ayaa bilowday tan iyo markaas in ay adkeyso ammaanka garo onka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

DHALINYARO SOOMAALI AH OO LAGU MAXKAMADEYNAYO DALKA MAREYKANKA

Maxkamadeynta dhalinyaro Soomaali ah ayaa weli ka socota magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka,kuwaas oo loo heysto iney taagerayen kooxda Daacish islamarkaana ay isku dayen iney dilal ka geystan meelo ka baxsan wadankasi sida aan ka soo xiganay VOA.

Cabdiraxmaan Bashiir oo ah wiil Soomaali ah oo heysta Mareykanka ayaa maxkamada shalay ka cadeeyay in markii hore uu damacsanaa inuu ku biiro kooxda Daacish ee Siiriya balse uu markii dambe go’aansaday inuu la shaqeeyo hey’adad dambi baarista ee FBI.

Guuled Cali Cumar ayaa kamid ah dhalinyarada loo heysto iney doonayen iney ku biiran kooxda Daacish,waxaana arintasi beenisay hooyada wiilkasi oo goob joog ka ahayd dhageysiga dacwada maalintii Isniinta.

BOGGA CAYAARAHA

MANCHESTER UNITED IYO JOSE MOURINHO OO HESHIIS WADA GAARAY, GOORMAASE LAGU DHAWAAQI DOONAA HESHIISKIISA ?

Manchester United iyo Jose Mourinho ayaa gaaray heshiis £30 milyan oo pound ah uu maca linka ree Portugal ku badalayo ninkii la ceyriyay ee Louis Van Gaal, sida ay ogaatay jariirada the Daily Mirror.

Labada dhinac ayaana heshiiska ku dhawaaqi Karin manta oo arbaco ah maadaama aan wali heshiis laga gaarin xuquuqda sawirada ninkaan laakin wuxuu si aan caadi aheyn ula dhacsan una doonayaa inu qabto shaqada United taasoo sabab ka dhigeysa in wax waliba ay sahal ay noqdaan.

Mourinho ayaa u sheegay Ed Woodward inuu la soo saxiixdo daafac dhexe oo cusub, garab midig, khad dhexe iyo weeraryahan cusub iyadoo Zlatan Ibrahimovic loo maleynayo inuu noqonayo weeraryahanka imaanaya kooxda.

Dhanka kale macalinkaan ayaa wada hadalo la yeelan doona ciyaartooyda Man United uu ugu horeeyo Juan Mata kaasoo uu hore ugu soo ceyriyay kooxda Chelsea.

RONALDO: ” BOQOLKIBA BOQOL DIYAAR BAAN U AHAAN DOONAA KULANKA FINALKA CHAMPIONS LEAGUEGA” KADIB DHAAWICIISA:

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u ahaan doono kulanka finalka ee kooxdisa Real Madrid la cayaari doono kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid finalka Champions Leaguega.

Ronaldo ayaa isaga baxay tababarka kooxda Real ay ugu diyaar garoobeysay Finalka Championska, kadi marki uu soo gaaray Dhaacwa, waxaan ay isku dhaceen goolhaye Kiko Casilla.

” Waxaan ahaan doonaa mid tago xaga, diyaar ayaana u ahay boqolkiba %, waan jeclahay in aan cayaaro kulan adag” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay warbaahinta dhaaciisa kadib.

Balse Ronaldo ayaa haatan sheegay inuu badqabo boqolkiiba Boqol, wuxuuna tilmaamay in uu diyaar u yahay kulanka finalka ee Champions Leaguega ee ay la cayaarayaan Atletico Madrid.

Finalka koobka Champions Leaguega ayaa la cayaari doonaa 28ka may ee bishaan oo ku be egan todobaadka soo socda, iyadoona kooxaha kasoo wada jeeda caasimadda Spain ee Madrid ay tu walba dooneyso inay u dagaalanto koobka.

Isku aadka EURO 2016

A

June

10

22:00

France vs Romania

A

June

11

16:00

Albania vsSwitzerland

A

June

15

22:00

Romania vs Switzerland

A

June

15

22:00

France vs Albania

A

June

19

22:00

Romania vs Albania

A

June

19

22:00

Switzerland vs France ?

 

B

June

11

19:00

Wales vs Slovakia

B

June

11

22:00

England vs Russia

B

June

15

16:00

Russia vs Slovakia

B

June

16

16:00

England vs Wales

B

June

20

22:00

Russia vs Wales

B

June

20

22:00

Slovakia vs England

 

C

June

12

19:00

Poland vs N.Ireland

C

June

12

22:00

Germany vs Ukraine

C

June

16

19:00

Ukraine vs N.Ireland

C

June

16

22:00

Germany vs Poland

C

June

21

19:00

N.Ireland vs Germany

C

June

21

19:00

Ukraine vs Poland

 

D

June

12

16:00

Turkey vs Croatia

D

June

13

16:00

Spain vs Czech

D

June

17

19:00

Czech vs Croatia

D

June

17

22:00

Spain vs Turkey ?

D

June

21

22:00

 

Croatia vs Spain

D

June

21

22:00

Czech vs Turkey

 

E

June

13

19:00

Ireland vs Sweden

E

June

13

22:00

Belgium vs Italy

E

June

17

16:00

Italy vs Sweden

E

June

18

16:00

Belgium vs Ireland

E

June

22

22:00

Italy vs Ireland

E

June

22

22:00

Sweden vs Belgium

 

F

June

14

19:00

Austria vs Hungary

F

June

14

22:00

Portugal vs Iceland

F

June

18

19:00

Iceland vs Hungary

F

June

18

22:00

Portugal vs Austria

F

June

22

19:00

Hungary vs Portugal

F

June

22

19:00

Iceland vs Austria

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip