Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gargaarka oo deeq-bixiyeyaasha Caalamka ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan dalabkooda+Sawirro

0
Thursday September 22, 2022 - 10:07:11 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gargaarka oo deeq-bixiyeyaasha Caalamka ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan dalabkooda+Sawirro

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee Arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-bixiyeyaasha Caalamka ayaa ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku beddalaan macluul.

Ergeyga ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diiradda lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Midoobay,waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamcada Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha gargaarka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska,Talyaaniga,Qatar iyo Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadamnimada iyo gurmadka deg-degga ah,iyo sidoo kale madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip