Daawo: Yuusuf Madaale oo tallaabadii ugu horreysay maanta qaaday, kadibna…

0
Thursday September 22, 2022 - 13:57:06 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Yuusuf Madaale oo tallaabadii ugu horreysay maanta qaaday, kadibna…

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

 Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya

Madaale ayaa hoggaamiyey howlgal xalay ka dhacay isgoyska Fagax, kaas oo lagu burburiyey goobo lagu iibinayey Calaq iyo Xashiish, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Duqa Muqdisho oo Wariyeyaasha kula hadlay Fagax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu la dagaalami doono dadka iibiya maan dooriyaha iyo kooxaha ciyaal weerada.

"Ma aqbaleyno magaaladaan in ay noqoto magaalo fasahaad ciyaal weero iyo maan dooriye go’aan adag baa inooga yaalla, caawana waxaa nasiib ah inaan burburinay goobihii Calaqa iyo Xashiishka lagu iibinaayey” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ay wadaan ciidamada Booliska ee lagu sugayo amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip