HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPAER MAANTA OO AH AXAD 18-KA SEPTEMBAR 2022-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo War bixin Siiyay Jaaliyadda Somaliyeed Ee Dalka Mareykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaa gay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qor shaha dowlad dhiska, la dagaallanka waxa lo ogu yeero argagixisada iyo horu
marinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo gan acsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dad ka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajo ogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeey ey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo mid nimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilm aamay tilmaamay in diblumaasiyadda Sooma aliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.
Dhankaooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen ma suuliyiin dalka xilal ka soo qabtay, ayaa Madax weynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhaqaalahooda iyo cilmigoodaba ku soo cel iyaan dalka, doorna uga qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo gurmadka dadka ku dhibaateysan abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobol lada dalka.
Muxuu Ahaa Ujeedka Wafdi Ka Socday Dalka Qatar Oo Dhawaan Muqdisho Yimid?
-Wafdi ka socday Hay”dda Qatar Charity ee laga leeyahay dalka Qatar kana shaqeysa arrimaha samafalka dalalka caalamka ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ujeedkoodi isugu jiray la kulanka madaxda DFS iyo hirgelinta mashaariic horum arineed oo heer Federaal iyo heer dowlad gob oleedba isugu jirtay.
Ugu horeyn wafdigaasi oo uu hoggaamina yay safiirka Qatar ee Somalia Xasan Bin Xam sa qeybna ka ahaa Nawaf Alhamadi ayaa xafiis kiisa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, iyagoo ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay. Ra’iisul Wasaaraha ay aa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaar iicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka,isagoo xusay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yee shay noloshada dadka iyo duunyada, loona ba ahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.
Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doo rkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafim aadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka Dowladda ayaa si wadajir ah u dhagax dhigey dhismaha qeybta Emergency-ga ee Isbit aalka Martiini.
Hey’adda Qatar Charity ayaa fulin doonta Mashruuca dhismaha qeybta gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Martiini xilli Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho dhanka adeegyada Ca afimaadka iyo Daryeelka Bulshad oo ay Wasa aradda Caafimaadka u dhaba xaareysa dha me ystirka Barnaamijka adeegga Caafimaadka oo gaarka goob kasta.
Intaasi kadib wafddigaasi oo uu hogaam inayay safiirka Qatar Xasan Bin Xamsa ayaa gaaray magaalada baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha KG C/casiis Xa san Maxamed Lafta Gareen,iyagoo si wada jir ah u soo dhagaxy dhigay mashaariic horumari need oo isugu jirka, guryo laga dhismayo Ba ydhabo, xarumo caafimaad iyo goobo waxbara sho, mashruucaasi oo ay hirgelin doonto Hayá dda Qatar Charity.
Ugu dambeyntii waxay magaalada Muqdi sho kaga qeybgaleen wafdigaasi munaasabada lagu dhiirogeliyay ilaa 100 arday oo dhameysa tay waxbarashada heerka Jaamacadeed, kuwa asi oo ay gacan siinayso hay’’adda Qatar Char ity xafiiskeeda Soomaaliya, iyagoona dib ugu la abtay Dalkooda.
Dowladda Qatar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, dhinacyada mashaariic da horumarineed, dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowladnimo.
DF oo garoonka Aadan Cadde Shalay ka dhoofisay ciidan ku wajahan…
Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay cii damo ka tirsan kuwa Militariga ka dhoofisay gar oonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ku wajahan caasimadda Galmudug eeDhuusamareeeb.
Ciidamadaan oo ku hubeysnaa hubka noocy adiisa kala duwan, oo aan si rasmi ah loo og eyn tiradooda, ayaa marka ay tagaan magaal ada Dhuusamareeb waxay kaga sii gudbi do onaan degaano iyo degmooyin ay qeyb ka yih iin Ceelbuur iyo Ceelgaras.
Deegaanada la rabo inay ciidamadaan xoreeyaan ayaa muddo badan waxay ku jiraan gacanta kooxda Al-Shabaab, waxaana maagaa lada Ceelbuur lagu tiriyaa inay kamid tahay ma gaalooyinka saldhigga u ah kooxdaan dagaalka kula jirto ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika iyo shacabka.
Ciidanka Shalay ka baxay Muqdisho iyo howlgalka xoreynta Ceelgaras iyo degaano ho os-yimaada Ceelbuur waxaa hogaaminaya Ma xamed Xaashi Canshuur oo ah taliyaha dega anka Daarusalaam iyo taliye ku xigeenka Sal dhigha Booliska ee degmada Yaaqshiid.
Qorshahaan ciidamada looga qaaday magaal ada Muqdisho ayaa wuxuu qeyb ka yahay how lgal la doonayo in guud ahaan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.
Gobolada Hiiraan iyo Mudug ayaa waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda AL-Shab aab kadib markii ay isku dhaceen qabiilada hal kaas dago iyo kooxdaan taasoo bilaabatay mar kii ay Al-Shabaab dhac u geysatay xoolo dhaq ato, islamarkaana ay lacago badan kusoo rogt ay dadka deegaanadaas dagan.
Tan iyo markii uu kacdoonkaan bilowday waxaa kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaa no badan oo ka tirsan Hiiraan, waxayna dowlad da Soomaaliya ay qorsheeneysaa inay howlg alkaan ka dhigto mid saf mareen ah oo si isku mid ah uga bilowdo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ball am qaaday inay qaadayaan guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana yaqaano sida ay uga dhabeyn karaan ballanqaadooda.
Faah faahin laga bixiyay Qarax lagu dilay Na badoono oo ka dhacay G/Hiiraan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ka hadashay dad rayid ah oo ay ku jireen Nabadoono oo Habeen hore lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee Gobolka Hiiraan.
Wasaaradda oo faah faahin ka bixisay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Nabadoonada kala ah, Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, Mukhtaar Xaaji, Xasan Xuseen Lugayare, iyada oo lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan."Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda ka soo baxay.Warsaxafadeed Hoos ka akhriso:
Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In La Shirqoolay Nabaddoono Lagu Dilay Hiiraan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii lagu dilay nabadoono caan ka ahaa Gobolka Hiira an, kuwaasi oo lagu qarxiyey deeegaanka Aa qobeey ee Gobolkaas.
Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaan lagu qarxiyey nabaddoonada uu ahaa shirqool iyo dhagar ay sheegeen inay Al-shabaab u dhig een odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab oo u afduubna, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wadada miino u geliyeen gaari ay ku safrayeen naba doonada, xilli ay marayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhax eysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan.
Dowladda ayaa tacsi dirtay shacabka Soo maaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoo nnadu ka baxeen, waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto Shabaabka, waa sida hadalka u dhigtay Wasaaradda Arrimaha Gu daha.
Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay sa arnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen naba doon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yu usuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nab adoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay nabaddoon Axmed Xasan.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga ay saarnaayeen nabaddoonada lala be egsaday duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diy aarad ay leeyihiin Mareykanka, sidoo kalena duqeynta lagu dhaawacay nabaddoono kale.
Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Amarro Culus Soo Saaray.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobol ka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xus een Jimcaale (Madaale), ayaa amaro ka soo saaray Dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa Danta Guud.
Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhamm aan arrimaha la xariira Dhul alka, isagoona far ay Aga asimeyaasha shaqada ku leh Waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan ho wllo la xariira dhul la qaban karin. Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha.
Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale ku am ray milkiilayaasha guryaha iney iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan, si aysan ugu soo dhex dhuuman kooxaha falalka amni daro ka geysta caasimadda.
Waxa uu ugu danbeyntii sheegay in cidii gu rigeeda hub ama falal amaanka lidi ku ah lagu arko ay qaadeyso mas’uuliyada
Guudlaawe Iyo Ku-Xigeenkiisa Oo War Ka soo Saaray Nabaddoonadii Lagu Dilay Hiiraan
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudla awe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuu suf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa ka tacsiye eyay geerida Marxuumiinta kala nabadoon Yu usuf Fiidoow Faarax, Wiil uu dhalay oo lagu Ma gacaabi jiray Ibraahin Yuusuf Fiidow iyo Nab adoon Muqtaar Xaaji oo ku geeriyooday qarax meel ku dhow Buq aqable oo ay ku safrayeen.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumi inta geeriyooday ay ahaayeen Nabadoono In dheergarad ah oo ka shaqeeynayay nabada iyo horumarka Gobolka Hiiraaan ,waxa uuna Alle uga baryay inuu qabriga u waaciyo naxariistiisa janno uu ka waraabiyo, qoyska iyo Ehelka ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Madaxweynaha sidoo kale caafimaad deg deg ah alle uga rajeeyay Nabadoon Xuseen Xa san Lugyare oo ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay meel ku dhow Buq aqable ee Gobolka Hiiraan
Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ay aa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab.
Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen na badoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yu usuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nab adoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay nabaddoon Axmed Xasan.
Madaxweyne Xasan oo go’aan adag ka qaadatay qadiyadda Somaliland
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayey magaalada Washington ee dalka Ma reykanka ayaa ka hadlay waxa la ga yeelayo gooni isku taagga ma amulka Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka go’an tahay inaysan marnaba aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soo maaliya.
"Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yi maado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogol aan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sh..
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey "Anaga ma qarineyno, walaalaheen ma ogolin gooni isku ta ag, midnimo ayaa na deeqda, waxaan diyaar u nahay wada-xaajood iyo in wax walba lagu dha mmeeyo isfaham.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somailand ay u ogol yihiin inay ayaga xataa soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qod obada heshiiska, balse wuxuu ugu baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada So omaaliya.
"Qaab loo midoobayo iyo qodobada heshiis ka dhankooda haka yimaado, xujo ugama dhig eyno inaan anaga qaabka loo midoobayo soo diyaarinayo, kaliya qaabka ay rabaan ayaan la fiirineynaa oo wax yar ka saxeynaa,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in marka hore ay muhi im tahay in la isku afgarto in dib loo midoobo kadib oo gudbo wixii farsamo ah.
"Marka ugu horeyso waa inaan isku afgara no waa midoobeynaa, kadib waxaa imaaneyso sidee u midoobeynaa, taasna waan ka heshii neynaa intey rabto ha qaadato xataa 10 san, in ta laga gaarayana waxaan sameysaneynaa qa ab aan kusii wada-shaqeyno,” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan qaaday inuu ka miro dhallin doono wada-hadallada lag ula jiro Somaliland.
Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.
Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boo rama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobol lada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, cu limada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka goo ni isu taagga ah.
Gadiidka dadweynaha Somaliland oo amarro cusub lagu soo rogay
Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland, ayaa mamnuucay bacda madow ee lagu qariyo muraayadaha baabuurta, laydh ka awooda badan ee baabuurta iyo hoonka dha waqa dheer.
Sarkaal u hadlay ciidamada nabadgalyada wadooyinka, ayaa sheegay in bacda ma dow ee lagu xidho mu raayadaha baabuu rtu ay sharci ahaan mamnuuctahay, isa ga oo amray in baa buurta laga daayo.
"Sida uu qabo qod obka 39 ee nabadgalyada wadooyinku wuu mamnuucayaa, xadhig ayuu lee yahay, ganaax ayuu leeyahay, muraayadaha waxaanu leenah ay ha laga da ayo, oo sida nabadgalyada ah hala ilaaliyo".
Sidookale, waxa uu sheegay in laga bilaabo todobaadka danbe ay bilaabi doonaan in ay hu biyaan sharciyda baabuurta iyo wadayaasha, isla markaana wadaha ama baabuurka anay waraaqaha sharciga wado maristu u dhamayst irnayn ay talaabo ka qaadi doonaan.
Ciidamada nabadgalyada wadooyinku sid ookale waxay ka digeen, isticmaalka indhaha baabuurta ee nuurka badan, oo ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan gaadiidlayda, isla mar kaana ay keenaan shilal.
Waxa kale oo ay ka digeen garaacista hoon ka dhawaqa dheer xiliyada ay baabuurto dhex socoto magaalooyinka, iyo goobaha ku dhaw isbitaalada.
Amaradan ayaa fuli doona wixii ka danbee ya Sabtida inagu soo foodleh, dhanka kale, boo liisku ma sheegin wax shaki cusub ah oo nab adgalyada laga qabo.
Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Antony Blinken Oo Ka Wada Hadlay Qorsheyaal Dhowr Ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Ari maha Dibadda Maraykanka ee magaalada Wa shington, Xoghayaha Arima ha Dibadda dalkaas Antony Blinken.
Madaxweynaha iyo Xogha yaha Arrimaha dibadda Mar aykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasi yadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mar eykanka ay siiso Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibad da Dowladda Maraykanka Antony Blinken in la gu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qor sheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku du ubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka dee gaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ci idaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan waxa loogu yeero argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.
Dhankiisa Antony Blinken ayaa adkeeyay sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maray kanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmad ka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta ade egyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha la dagaallanka waxa loogu yero argagixisa da .
Dowladda Oo War Kasoo Saartay Xubno Lagu Qabtay Howlgal Laga Fuliyey Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fa ah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Nabadsu gida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka ful iyeen qeybo kamid ah Mag aalada caasimadda ah ee Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaa finta Xukuumadda ayaa wax aa lagu sheegay in howlgal habeen hore Ciidan ka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qab tay 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsana ayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasa as oo ay wateen xubnaha la qabtay, iyagoona intaas kusii daray inay la wareegeen saddex guri oo ay daganaayeen, isla markaana la fashi lilyay howlgal ay damacsanaayeen inay fuli yaan.
"Ciidamada ayaa burburiyay shabakadan Al-shabaab oo qorsheynayay falal amni darro oo ay ku doonayaan inay ku qalqal galiyaan caas imadda, isla markaana ay shacabka ku dhibaat eeyaan” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soo maaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ‘ka go’an tahay la-dagaalanka Al-shabaab,iyada oo uga mahadcelineysay shacabka Soomaaliyeed xogta ay la wadaageen, wax ayna ugu baaqday dhalinyarada ka tirsan Shab aabka inay isku soo dhiibaan dowladda, waa sida la yiri.
Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku heshiiy ay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku he shiiyey in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Geeska Afrika.
War saxaafadeed ka soo baxay Villa Soo maaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay la-taliyaha dhanka amniga qaranka Mar eykanka ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Aqalka Cad kula kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan46 iyo La-taliyaha Amniga gudaha Liz Sherwood-Randall, si uu ugala hadlo dagaalka socda ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, Mareykanka ayaa weli ah saaxiibka muhi imka ah ee dadaallada amniga iyo xasilinta Soo maaliya," ayay tiri Villa Somalia.
Arrintan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda bartamaha iyo koo nfurta Soomaaliya.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqada ee Jaamacadda Carabta
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafti u hoggaaminayo ayaa gel inkii hore ee Shalay gaaray magaalada Qaah ira ee xarunta Dalka Masar , halkaa wuxuu uga qeybgali doonaa shirka 48aad ee Shaqada wad damada Jaamacadda Carabta.
Wasiirka ayaa markii uu gaaray Qaahira , wuxuu la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta , Mudane Fa yez Almutairi, oo ku soo dhaweeyay ka qey bgalka shirka.
Shir-weynaha 48aad ee Shaqada oo ay mar tigelinayso Dawladda Masar oo lagu wado inuu berri furmo ayaa sannad kan diiradda saari doona arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulashada, ha babka cusub ee shaqada iyo Ilaalinta bulshada, iy adoo ay ka qeybgali doonaan wasiirrada Sha qada , ururrada Shaqada iyo marti kale oo ka socota 21 waddan ee Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciy aaraha Soomaaliya e Maxamed Barre ookulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciy aaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan si ay uga tashadaan dib u hawl-gelinta kooxdan oo hoos imaan jirtay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Kooxdan dhallinyarada fannaaniinta ah iyo abwaankooda Xirsi Dhuux oo haddaba qayb ka ah wacyigelinta bulshada ayaa ku hawlgalayay magaca Hiddo waxaana hadda qorshuhu yahay in ay qaataan magacii rasmiga ahaa ee Danan.
Wasiirka, ayaa kooxda uga waramay qorsh aha Wasaaradda ee jiheynta dhallinyarada Soo maaliyeed oo wacyigelintu qeybta ugu muh iimsan tahay, wuxuuna kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan dadaalka ay Wasaaraddu wado.
Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa wada qorshe la doonayo in lagu kobciyo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed si looga wacyi-geliyo argagixisnimada, danbiyada abaa bulan ee ciyaalka xaafaduhu ku kacaan, tahriibka iyo wixii la halmaala.
Ilhaan Cumar oo soo saartay bayaan kusaabsan qaabilista qaxootiga Mareykanka
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa ku aShalayy maamulka Biden, kor u qaadista tirada qaxo otiga ee sanadlaha ah, taasoo la gaarsiiyey 125,000 oo qof.
Sannadkii hore, Joe Biden, ayaa waxa uu qaxootiga la keenayo Mareykanka gaarsiiyey 62,500, taasoo aad uga tiro badan qaxootigii la keeni jiray xiligii maamulkii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, oo aheyd 15,000.
Cumar, oo u soo haajirtay dalka Mareykanka, iyadoo qaxooti ah oo ka timid Soomaaliya, ayaa sheegtay in "qarniyaal, ay Ameerika iftiin iyo rajo u ahayd malaayiin kasoo qaxay dulmiga adduunka oo dhan ka dhaca yay”.
"Xilligan oo ay dadku aad uga badan yihiin xiliyadii hore ee taariikhda bani’aadamka ee la soo maray, colaadahana ay ka jiraan dalalka Ukraine, Yemen, Itoobiya iyo Afgaanistaan, waa inaan albaabada u furnaa kuwa ka carar aya cadaadiska iyo dhibaatooyinka kale, ” ayey hadalkeeda sii raacisay Ilhaan Cumar.
Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Dimuqraadi ga ee gobolka Minnesota ku cod badan, ayaa xusay in sanadkii 2021-kii, "Mareykanku wuxuu ku guuldareystay inuu oofiyo balan qaad kiisii ahaa qaabilaadda qaxootiga qayb ahaan, sab abtoo ah hoos u dhac ayaa ku yimid bar naamijkii dib u dejinta qaxootiga, ee markaa hoos imanayay maamulkii Donald Trump.
Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay inay rajeyna yso inay sameynayaan iyada iyo xisbigeeda wax kasta oo awooddooda ah, si ay dib u dejin u gu sameeyaan muhaajiriin badan. sida ugu macquulsan sanadka soo socda, waxaana rajeyneynaa inaan la shaqeyno Maamulka haa tan ka arrimiya Mareykanka, si taasi u dhacdo.” ayey mar kale sheegtay xildhibaan Ilhaan Cumar.
Nin isku deyay inuu u dhowaado naxa shka Boqorad Elizabeth oo la xiray.
Waxaa la xiray nin isku deyay inuu u dhow aado naxashka meydka Boqorad Elizabeth II, ka as oo yaalla hoolka Westminster.
Ninka la xiray ayaa kamid ahaa dadweynaha safka ugu jiray inay arkaan nax ashka Boqoradda iyagoo sagootinayay Boqoradda.
Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in xariga nin kan ay ku timid sharciga nidaamka dawliga ah, iyagoo xusay in xabsiga la dhigay ninkaasi.
Waxaa si kedia ah loo jaray tebinta tooska ee sagootinta Boqoradda dhacdadan awgeed.
Boqoradda ayaa waxaa la aasi doonaa Isniinta soo socota.
Howlaha aaskeeda ayaa ka dhici doona hoolka Westminster Abbey, ooo xajmigiisu yahay 2,200 oo qof.
Dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan oo uu ka dhex socdo dagaal qaraar
Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xadka Kyrgyzstan iyo Tajikistan.
Dagaalada ayaa si joogta ah u dhex mara labada dal ee ka mid ahaan jiray Midowgii Soo fiyeedka ee burburay, kuwaa soo xudduuddooda uu muran ka taagnaa tan iyo burburkii Midoowgii Soofiyeeti.
Iska horimaad cusub oo billowday horraantii to ddobaadkan, ayaa sii socday Jimcihii, inkastoo la bada waddan ay ku heshiiyeen xabbad-joojin. Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu bilaabay rabshadaha, iyo jebinta heshiiska xabad joojinta.
Ilaa labaatan iyo afar qof, ayaa laga dilay Kyr gyzstan, sida ay sheegtay wasaaradda caa fimaadka ee dalkaasi Jimcihii. Warar hore oo ka soo baxay dowladda Tajikistan, ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof iyana dhankooda laga dilay.
Ku dhawaad 20,000 oo qof, ayaa ka qaxay guryahoodii, si ay uga fogaadaan rabshadaha, sida ay sheegtay Hey’adda Laanqayrta Cas. Co laadda ayaa dib u soo cusboonaatay, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal kale oo ba’an uu dhe xmaro labada dal.
Sanadkii 2021-kii, dagaal aan hore loo arag oo labadan dal dhexmarayayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof. Khilaafkan cusub ayaa soo shaac baxay Arbacadii, iyadoo ugu yaraan labo qof lagu dilay saddex dhacdo oo kala duwan.
Ciidamada Ilaalada xudduudaha Kyrgyzstan, ay aa ku eedeeyay Tajikistan inay fariisimo ka sam aysatay qeyb kamid ah dhulka lagu mursanayhay.
Si kastaba ha ahaatee, dowladaTajikistan ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in ilaalada dalka Kyrgyzstan ay rasaas ku fureen ciidamadooda, iyaga oo aan kolkii xabad ku ridin, ama dagaal ku qaadin. Labadan dal ayaa wadaaga xuduud gaar aysa illaa 1,000-km, oo u dhiganta(600-mile), ha se aha atee dhulkan, ayaa in ka badan saddex meelood meel lagu muransan yahay lahaanshihiisa.
Ruushka oo xiriir dhow la leh labadan dal, ayaa soo soo jeediyey fikrad uu ku dhexdhe xaadinayo, wuxuuna Ruushkadalbadey in si deg deg ah lagu joojiyo rabshadaha.
Xabbad joojintu ayaa waxay dhaqangashay 04:00 Shalaynimo wakhtiga maxalliga ah, laakiin Kyrgyzstan ayaa waxay sheegtay in laba kamid ah tuulooyinka ku yaalla dalkeeda la duqeeyay.
Dhanka kale, dowladda Tajikistan, ayaa ku eeda ysay ciidamada Kyrgyz-ka inay duqeeyeen fari isimo ciidamadooddu leeyihiin, iyo toddobo tuulo.
ITOOBIYA oo laga dalbaday inay soo gacan geliso Boqor Buurmadow
Ugaas Cabdirisaaq Goosaar Cali oo ka mid ah dhaqanka degaanada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay eedeymihii cuslaa ee Boqor Cus maan Buurmadow uu
u jeediyey madaxweynaha Somaliland Musse Biixi Cabdi.
Ugaaska ayaa dowladda Itoobiya ka dalba day inay Somaliland u soo gacan geliso Boqor Buurmadow, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Boqorka.
” Ninkaas qaranka Somaliland dembi weyn ay uu ka galay, xitaa ciidanka ayuu u balan qaaday in 500 oo dollar uu mushaarka uga dhigi doono, wax walba inta soo dhaafay ayuu amnigii iyo difa acii qaranka soo fara geliyey,” ayuu yiri Ugaas Goosaar.
Ugaaska ayaa ku taliyey in Boqor Buurmadow talaabo adag laga qaado, iyadoo loo marayo in Itoobiya ay u soo gacan geliso Somaliland.
"Si xun oo sharaf iyo karaamo aysan ku harin ayuu u hadlay Buurmadow, cimaamada iyo koofida uu wato ayaan raali gelin ka bixinayaa, safaaradda Itoobiya codsi ha u qorto do wladda Somaliland, si ninkaas loogu soo gacan geliyo Somaliland,” ayuu hada lkiisa ku sii daray.
Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u weeraray madaxweynaha Somaliland Muuse Bi ixi Cabdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaa rsiiyay meel aad u xun.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Bi ixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isa ga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeel asha ku guro.
"Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Soma liland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri Buurmadow.
Wuxuu intaas ku sii daray, "Muuse waxaan is ku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari wa ayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay mar ka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”
Soomaali kamid ah shiicada u lugeyney sa siyaarada Karbala
Malaayiin ruux oo ka tirsan Muslimiinta Shiica da ayaa billaabay siyaarada sannadlaha ah ee ay ku tagaan magaalada Karbala ee dalka Ciraaq. Shalay oo Sabti ah ayaa maalayaiin qof ay siyaar anayaan magaaldaasi. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa warbixin aan 2020-kii ka qornay koox Soomaali ah oo haysta fikirka Shiicada oo xuskaasi ka qeybgalay.Maxamed Cali Jibirte ayaa sheegay in isaga iyo Shiicada kaleba ay lug ka billaabeen magaalada Najaf, ayna damacsan yih iin inay masaafe dhan 80km u lugeeyaan mag aalada Karba.
"Hadda waxaan joogaa afaafka hore ee ma gaalada sharafta leh ee Najaf, oo ah magaalada uu ku aasanyahay Imaam Cali Ib nu Abii Dhaalib (R.C), halkan waxaa ka socda wax loo yaqaanno 40-kii maalmood ee kasoo wareegtay markii dil qoor gooyo ah Karbala loogu geystay Imaam Xu seyn Ibnu Cali Ibnu Abii Daalib. Markii 40 maa lmood laga joogay xilligii uu dilka dhacay ayaa madixii la gooyay ee Imaam Xuseyn laga soo ce liyay dhinaca Suuriya, waxaana la geeyay Ciraaq, ka dib markii loo geeyay xaakimkii dilkiisa ka dam beeyay ee ahaa Yaziid Ibnu Mucaawiya. Sidoo kale Carruurtii iyo walaalihii Imaam Xuseyn oo iy agana la qafaashay ayaa maalinkaas kasoo laa btay Suuriya iyagoo usoo hayaamay meeshii lagu dilay aabahood iyo walaalkood, sidaas darteed dadka Ahlul beytka ah waxay caadeysteen inay weyneeyaan maalintii ay haraadigii qoyskii rasuu lka kasoo hayaameen Suuriya ee ay usoo hayaameen Ciraaq”, ayuu yiri.
Maxamed oo oo hadalkiisa sii wata ayaa shee gay in isagu uu ka mid yahay Shiicada, kaligiisna uusan ku ahayn siyaaradan.
"Dad ka badan 15 milyan oo shiico ah ayaa sa nad walba halkan isugu yimaada, waana markii ugu horreysay ee aan kaga qeyb galno koox Soo maali ah, waxaana ila socda dad badan oo Soo maali ah oo ka kala yimid qurbaha, geeska Afrika iyo qeybo kale oo ka mid ah caalamka”, ayuu yiri.
Siyaarada Arbaciin-ka ama 40-aadka ayaa lagu tilmaamaa inay tahay kulanka ugu weyn addu unka ee ay dadweyne isugu imaadaan sanadkiiba hal mar.
Dadka munaasabaddan ku kulma waxay aad uga badan yihiin muslimiinta sanad walba u xajiya Kacbada barakeysan ee magaalada Maka.
Waxay qeyb ka tahay baroordiiqda loo sameeyo dilkii loo geystay Xuseyn Bin Cali, oo ah wiilkii uu awowga u ahaa Nabi Muxammad (CSW), kaasoo ay dhahsay gabadhii Rasuulka, Fatuma.
Tirada dadka munaasabaddan ka qeyb gala ayaa sanadkii 2016-kii gaartay 20 malyan oo ruux ama ka badan.
Raashinka, biyaha iyo adeegyada kale ee ay isticmaalaan dadka siyaaradan ka qeyb galaya ay aa lagu siiyaa si bilaash ah waxaana isku xilq aamay dad iskood kharashkaas u bixiya.
Qaar ka mid ah Shiicada Ciraaq ayaasocodka lu gta ah ee lagu aadayo Karbala ka billaaba maga alooyin aad u fog fog, sida Basra, oo Karbala u jirta masaafe dhan 500km.
Isu soo baxan ayaa lagu qeexaa mid si weyn u muujinaya fikirka ay aaminsanyihiin Shiicada adduunka.
Hase ahaatee, Iiraan iyo hoggaa miyeyaasha kale ee Shiicada ayaa warba ahinta ugu waaw eyn caalamka ku dhaleec eeya inaysan tabinin munaasab ddan balla aran.
Xigasho: BBC
Midowga Yurub oo wax laga Argagaxo ku tilmaamay xabaalo wadareedo laga helay magaalada Izyum
Madaxa Siyaasadda Dibedda Josep Borrell ayaa wax aad looga murugoodo ku tilmaamay xabaalo wadareedo laga helay magaalada Izyum oo dhowaan Ciidanka Ukraine ka qabsadeen kuwa Ruushka.
Josep Borrell ayaa ugu baaqay Dowladda Ruushka in ay joojiso falalka ka baxsan Bini’aadanimada ee ay geysanayso.
Magaaladdan ayey Masuuliyiinta Ukraine ka heleen xabaal wadareedo tirada meydadka laga helay lagu sheegay 440 mayd.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Jimcihii sheegay in meydadka laga helay xabaalo wadareedyo ku yaal magaalada Izyum ay wataan calaamado jirdil ah
Madaxweyne Putin Oo Ka Hadlay Jab Xoog an Oo Ciidankiisa Kasoo Gaaray Ukraine
Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka. Wacdaro cajiib ah, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv.
Dib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran. Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin.
"Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir madaxeed ka dhacay Uzbekistan.
Gobolka Donbas ee wershadaha ee bariga Ukraine ayaa ah halka Ruushka diiradda u saaran ka dib duulaanka Ukraine, kaasoo Mr Putin uu si been abuur ah u sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka ku hadla afka Ruushka laga badbaadiyo xasuuqa.
Khudbaddii Jimcaha, Mr Putin wuxuu sidoo kale tilmaamay in keliya qayb ka mid ah ciidamada Ruushka ay ka dagaalamayaan Ukraine, isagoo ku hanjabay inay "jawaab ka sii daran” ka bixin doonaan haddii weerarrada Ukraine ay sii socdaan.
Tan iyo duulaankii Ruushka ee bishii February waxaa dhif ahayd in Mr Putin uu ka baxo Ruushka.
Madaxweyne Ku-Xigeen Dal Oo Ka Had ashay Isku Day Dil Lagu Khaarijin
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Arjantiin, Cristina Fernández de Kirchner, oo ka badbaaday isku day dil, ka dib markii nin hubeysani uu isku dayey inuu qaarajiyo, ayaa sheegtay inay xag Ilaahay ka nooshahay.
Hadalkan ugu horreeyay ee dadwaynaha loo soo gudbiyey tan iyo weerarkii 1-dii bishan Sebtembar ee ka dhacay magaalada Buenos Aires, ayaa waxay sidoo kale daaha laga qaaday in baa dariga, Pope Francis, uu u yeeray maalintii xigtay, si uu ugu qalbi qaboojiyo.
Fernando Sabag Montiel, 35 jir ah, iyo saaxii btiis Brenda Uliarte, 23 jir ah, ayaa lagu eedeeyay isku day dil. Labaduba way dafireen inay wax lug ah ku leeyihiin isku dayga dil.
Fernández de Kirchner, oo 69 jir ah, oo ka ha dlaysa kulan ay la yeelatay wadaaddo iyo sooro maalintii Khamiistii, ayaa tiri: "Waxaan dareema yaa inaan Ilaah xagiis ka noolahay, dhabtii.
Waxay sidoo kale u mahadcelisay Baadari Francis, oo soo wacay saacado yar kadib weerar kii fashilmay. Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo Fernández de Kirchner ay taageerayaasheeda ku gacan qaadeysay bannaanka gurigeeda.
Madaxweyne Biden Oo Ruushka U Diray Digniin La Xiriirta Dagaalka Ka Socda Ukraine
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa uga digay Ruushka in dagaalka Ukra ine uusan u isticmaalin hubka kiimikada ah ee wax gumaada ee Niyukliyeerka.
Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay shabakadda wararja ee CBS News, Biden, ay aa wuxuu shee gay in tallaaba dan oo kale "ay be deli doonto wejiga dagaalka, si ka duwan sidii hore, tan iyo da gaalkii labaad ee aduun ka”.
Ma uusan sheegin jawaabta uu Mareykanku ka bixin doono adeegsiga hubkan.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa heegan galiyay ciidamada Nukliyeerka ee dalkaasi, kadib duulaankii ay ku qaadeen dalka Ukraine bishii February ee ina dhaaftay.
Wuxuu u sheegay madaxda difaaca inay sababtu tahay "hadallada gardarada ah” ee ka imanaya dhanka iyo dalalka Reer Galbeedka.
Hubka Nukliyeerka, ayaa waxa haystaan dalalka ku yaalla dunida ku dhawaad sideetan sano, iyadoo wadamo badan ay u arkaan mid gaashaan u ahdammaanad qaadka amnigooda qaranka.
Ruushka ayaa waxa lagu qiyaasaa inuu haysto ilaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah, sida ay qabaan ururka saynisyahanada Mareykanka.
Eritriya oo Ciidamadeeda keydka ah howlga linaysa, si ay uga qeybqaataan daga alka ka dhanka ah TPLF
Wararka ka imaanaya dalka Eritariya ayaa sheegaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.Sidoo kale wararka aan helayno ayaa waxay sheegaya an in Khamiistii aynu soo dhaafnay ciiddan badan ay caasimada dalkaas ee Asmara iskugu yimaad een, si loogu qaado dhanka gobalada xuduuda ay Eritariya la wadaagto dalka Itoobiya ee ay dagaalladu ka socdaan.
Geesta kale ciidamada amniga ee Eritariya ayaa raaf ka wada magaalooyinka waawayn ee dalkaasi, iyagoo dadka ku joojinaya waddooyinka, si ay u hubiyaan cidda dagaalka gali karta iyo cidda aan gali karin.
Caasimadda dalka Eritariya ee Asmara ayaa lagu arkayay Hooyooyin iyo caruur yaryar oo la ilmaynaya dadkooda sida qasabka ah loogu daray ciidamada ee loo qaadayo goobaha uu ka socdo dagaalka aan dhammaadka lahayn ee Eritariya kula jirto kooxda TPLF.
Dowladda Eritariya ayaa lagu eedeeyaa inay dadka qasab ciidan kaga dhigto, iyadoo ardaygu markuu waxbarashada dhammaysto ama heer ka gaadho dib loogu celiyo xeryaha ciidanka, sidaana uu ciidamada kaga mid noqdo, iyadoo howlgalladan cusub ee ay billowday dowladda Eritariya laga cabsi qabo inay sii dheereeyaan colaadda ka aloosan waqooyiga dalka Itoobiya ee dagaalka lagula jiro TPLF.
Eritariya ayaa kusoo biirtay dagaalka ay Itoobiya kula jirto kooxda TPLF billowgii dagaalka, iyadoo la sheegay in ciidamada Militariga Eritariya ay dagaalka dhankooda kasoo galeen si ay u wiiqaan awoodda kooxda TPLF, iyadoo Ciidamada Eritariya lagu eedeeyo inay xasuuqyo ba'an ka gaysatay gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan.
TPLF ayaa Eritariya ku eedeysay inay qeyb ka yihiin dagaalka ka soconaya xadka gobolka Tigray uula wadaago dalka Eritariya, halka Mas'uuliyiinta dalka Eritariyana ay kooxda TPLF ku eedeeyeen in TPLF ay rabto inay weerar kusoo qaado dalka Eritariya.
Eritariya ayaa dagaal la gashay dalka Itoobiya oo ay maamulayeen kooxda TPLF sannadkii 1993dii, xilligaas oo ahayd markii ay Eritariya madax banaanideeda ka qaadanaysay Itoobiya.
Mar kale sannadkii 1998dii ilaa 2000 waxaa dagaal kale uu ka dhex qarxay Eritariya iyo Itoobiya, dagaalkaas oo ahaa mid dhiig badan ku daateen waxay labada dal isku hayeen dhulka xuduudda ah ee labada dal u dhaxeeya.
Colaaddi labada dal u dhaxeysay oo gaaraysay ilaa 20 sano waxay soo afjarantay sannadkii 2018 oo ahayd markii Abiyi Axmed la wareegay talada dalka Itoobiya, xilligaa oo Abiyi Axmed heshiis la saxiixday dalka Eritariya.
Itoobiya oo gacan ka helaysa dalka Eritariya ayaa wixii intaa ka dambeeyay dagaal adag la gashay kooxda TPLF oo ay u cuntami wayday siday wax u socdaan, dagaalkaas oo yarehe istaagay muddo 5 bilood ah ayaa mar kale dib u qarxay bishii aynu soo dhaafnay ee Agoosto, iyadoo wali ay Eritariya gacanta kula jirto dagaalka, lamana oga waxa uu ku dambayn doono dagaalkan oo hadda si hor leh ay ugu xamaan urursanayso
Eritariya.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPAER MAANTA OO AH AXAD 18-KA SEPTEMBAR 2022-KA
...