HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Saturday September 17, 2022 - 08:30:29 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

MadaxweynahaSomaliya oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Max amuud ayaa Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin kulan miro-dhal ah kula qaatay Xarunta Wa saaradda Difaaca Mareykanka ee M/Washington. Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada iyo wada-xaajoodyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida So maliya ay aasaas u tahay nabadda gobolka iyo addu unka, sidaas daraadeedna ay ka go’antahay dalkiisa inay ka gacan siiyaan Dowladda Federaalka xaqiijin ta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Mareykanka xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taagee rada Mareykanka ee Somaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaalada naf-hurnimada leh ee shacabka Soomaa liyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreyn ayaan argagixisada deegaanada ay kaga sugan yih iin dalka, caqabadaha amnina ay u baahan yihiin isk aashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada curyaamisay horumarka gobolka iyo guud ahaanba Somaliya.

Lloyd Austin ayaa dhankiisa tilmaamay, sida Dow ladda Mareykanka ay uga go’antahay adkeynta xiriir ka iskaashiga ee labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee arr imaha bini’aadannimada, tababarada ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulm ay Mad axa Hay’adda Lacagta Adduun ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kri stalina Georgieva ayaa la wa daagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiij inta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Ha y’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Wa shington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku add an dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ila ha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ma daxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirge liyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafi nta ee dalkeenna.

Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Krista lina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an ta hay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qo rsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey hay’adda IMF taa geerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaali ya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab ist aagooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caa simada oo kula la qaatay Aga asimeyaasha guud ee Dowladda Hoose

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mad aale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimayaasha guud ee Dowlada hoose Xamar isagoo ka dhage estay warbixin ku aadan howlaha ay masuulka ka yihiin iyo caqabadaha jira. Gud doomiye Madaale ayaa Agaasi mayaasha uu kulan ka la qaatay kula dardaarmay in ay si hufan u gu qid meeyaan bul shada Caasi madda islamar ka ana laga fogaado wax kasta oo la xariira musuq maasuq.

Golaha wasiirada oo meel-mariyey he shiis u dhexeeyo Soomaaliya iyo Tur kiga

Xubnaha golaha wasiirada xukuumada federaal ka ah ee Soomaaliya ayaa Shalay kulankooda ca adiga ah ee todobaadlaha ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Kulanka oo ay soo xaadireen inta badan golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.

Golaha ayaa meel-mariyey heshii ska habm aamu uska ee u dhexeey a Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu golaha wa siirada horgeeyey wa siirka was aaradda gaashaan dhiga XFS, Md. Cabduqaadir Max amed Nuur (Jaamac).

Heshiiskan ayaa ku saabsan qaab dhismeedka tababarka iyo iskaashiga caafimaadka ee ciidamada, waxaana ujeedada ay tahay dajinta hanaan iskaashi oo diiradda lagu saarayo dhinacyada caafimaadka ee ciidamada, kaas oo u dhexeeyo dalalka Sooma aliya iyo Turkiga.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada warbi xin looga dhageystay wasiirka amniga gudaha oo ka warbixiyey ammaanka dalka iyo howlgallada ka soc do qaar ka mid ah gobollada dalka, isaga oo shaaca ka qaaday in jab xoogan lagu gaarsiiyey Al-Shab aab. Golaha wasiirada ayaa dhankooda boggaadi yey howlgallada wadajirkaa ah ee ka socda gobolla da Hiiraan iyo Galgaduud ee ay iska kaashanayaan ciidamada iyo Macawiisleyda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka aba araha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celi say baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray kulanka ayaa golaha la wadaagay warb ixin ku saaban shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey Muqdisho, ka as oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Muuse Suudi: Tallaabadii uu qaaday Saadaq waxay aheyd mid uu Alle waafajiyey

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqal ka Sare ee Soomaaliya ay aa xildhibaan Saadaq Cu mar Maxamed ku am maanay tallaabadii uu kaga horyimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweyni hii hore ee Soomaaliya Max amed Cabdullaahi Far maajo.

SentorMuuse Suudi ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ay beesha Muduleed u qabatay beesha Hab argidir si looga raali geliyo hadal gaf ahaa oo kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Cali Maxamed Geedi ayaa mar uu ka qeyb-galay doodda BBC xilligii dowladda Farmaajo ee sii dha mmaaneysay, wuxuu ku yiri "Afar nin oo Dhuus omareeb ka yimid xoog kuma haysan karaan dow ladda,” taasi loo arkay inuu ku weeraray beesha Hab argidir.

"Saadaq Joon wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, isagoo ka tirsanaa dowladdii Farmaajo oo weliba garaado ku tixan yihiin ayuu maalin cad ka hor yimid muddo kororsiga, waxay aheyd wax uu Allah waafaji yey iyo sharaf usoo hoyatay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa sheegay in aysan hadda jirin wax ka maqan Saadaq Joon, taas badalkeedana uu hadda yahay xildhibaan sidoo kalana uu dib u helay garaadihiisa taasna ay tahay in looga mahadceliyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Saadaq waan is aragnay, wuxuu i waydiiyey ma iga filaneysay inaan go’aankaas qaadan doono, waxaan ugu jawaabay nin rag ah shar iyo kheyr waa laga fishaa, waxaa qaadatay go’aan saxan oo sharaf ku jirto,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa xusay inuu Saadaq ahaa furihii kacdoonkii Badbaado Qaran, taasina ay tahay mid mudan in looga mahad-celiyo.

Jeneraal Saadaq ayaa noqday sarkaalka kaliya ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka hor yimid go’aankii uu baarlamaankii hore ee Soomaaliya ugu ogolaaday muddo kororsi 2 sano ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi.

Kacdoonkii uu bilaabay Saadaq Joon oo ay sidoo kalana qeyb ka ahaayeen midowgii musharixiinta mucaaradka ayaa keenay inuu fashilmo isku daygii Farmaajo, waxaana markii dambe Saadaq u suurtagashay inuu kamid noqdo baarlamaanka Soomaaliya halka Farmaajo looga adkaaday doorashada.

Akhriso: Puntland Oo Ka Hortimid Tallaabo Ay Qaaday Dowladda Federaalka Farriina Dirtay

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaami yo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay inay ka soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Shidaalka dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa wa xaa marka hore lagu sheegay in soo dhaweynayaan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo dastuurka KMG ah ee dowladda.

Puntland ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah uu noqdo mid dhisan wada xaajood iyo is afgarad dhexmara DFS iyo dowlad Goboleedyada dalka Sidoo kale Maamul ka Puntland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in DFS ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgelinta hindise sharciyeedka Batroolka ee khilaafksan dast uurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

Puntland ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan ku dhaqanka dastu urka Federaalka, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo ay door muhiim ah ku laheyd aas-aaskooda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland

 


Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu AFW ERKI usoo celin waayey ciidamada uu Soomaaliya u tababaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh M a xamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sab abta uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki usoo celin waayey ciidamada Soomaaliyeed ee dalkiisa uu tababaray.

"Sababta ciidamada Soom aaliya aan looga soo celin Erit rea waxa ay tahay in madaxw eyne Isaias Afwerki uu diiday in dib loo celiyo saba bo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jiray,” ayuu yiri madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka had lay kulan ay su’aalo ku weydiisay Xarunta Istaraatiiji yadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee (CSIS) ee Washington.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Eritrea ay ujeedooyin wanaagsan ka laheyd tababarka ciida mada Soomaaliya. Madaxweynaha Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dowladda Eritrea aysan tababar in oo kaliya 5,000 oo askari oo Soomaali ah, balse ay sidoo kale qalabeysay, sida uu hadalka u dhigay.

Sanadihii ugu dambeeyey dowladda Farmaajo ayaa waxaa khilaaf iyo xiisad siyaasadeed ay u dhaxey say madaxweynihii hore iyo siyaasiyiinta mucaarad ka, kuwaas oo marar badan ka digay in ciidanka Eri trea joogay loo adeegsan karay in dalka lagu qabs ado.

Haddii uu sax yahay hadalka Xasan Sheekh wax ay u egtahay in Afwerki uu dhageystay qeylo dhaan ta mucaaradkii dowladda Farmaajo.

federaalka Soomaaliya ay hadda ka shaqeyneyso hab ay ciidamadaas lagu tababaray Eritrea dib ugu soo celineyso dalkooda.

"Waxaan ka codsaday dowladda Mareykanka inay Soomaaliya ka caawiso sidii ciidamadaas loo soo celin lahaa, wayna soo laaban doonaan dhowaan, waxaana hubaa inay gacan ka gaysan doonaan dag aalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxwe yne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay wuxuu 9-kuu Jul socdaal ku tegay dalka Eri trea, isaga oo soo arkay xaaladda ciidamadaas, lana soo kulmay madaxweyne Afwerki oo uu kala hadlay sidii loo soo celin lahaa.

DENI oo maamul cusub u magacaabay Garoo we, Gaalkacyo iyo Boosaaso

Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha Punt land Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala direy go lihii deegaanka ee magaalada Garoowe, ee shaq ey naayey afartii sano ee u danbeysey.

Kadib wareegto labaad oo Madaxweynaha Puntl and ka soo baxdey isla saacad gudaheed ayaa lagu magacaabey maamulo kumeel gaar ah degmooyin ka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Waxaa xusid mudan in goloyaashii deegaanada ee degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo horey loo kala direy , isla markaana ay xilka hayeen maamul ku meelgaar ah.

Ninka loo magacaabey degmada Garoowe ayaa ah aa shaqaalaha madaxtooyada, waxaana uu joogey qaybta maamulka iyo lacagta, waxaana lagu mag acaabaa Cabdulqaadir Maxamed oo loo yaqaan Geedi.

Magaalada Bosaso ayaa iyadu markasta nasiib u hesha qof xukuumadda kamid ah in si ku meel gaar ah loo soo magacaabo, marka la eego saddexdii gud doomiye ku meel gaar ee loo soo magacaabey, wax aana hadda la soo magacaabey wasiir ku-xigeenkii qorsheynta Xasan Cabdalla, oo horey u ahaan jirey duqa magaalada Bosaso xiligii Cabdiweli Cali Gaas.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yiri:

Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xiga anka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degma dda Boosaaso T.Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Gu ddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xig aanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya; B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamu ud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomi ye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Mad axweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DF oo shaacisay xogta howl-gal culus oo Muqdisho ka dhacay iyo shabakad la qabtay

Ciidamadda amniga dowladda Soomaaliya ayaa xiray 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soo maaliya.

"Ciidanka gaarka ah ee Hay’ad da Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qa aday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, gaadiid iyo hub gudaha magaalada Muqdisho,” ayaa lagu qoraalka.

Ciidamada ayaa hawlgalkaan ku burburiyay shab akad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo abaabuli jirtay di lal iyo falal amniga lid ku ah, sida lagu cadeeyey bay aankaan.

Sidoo kale warka dowladda waxaa lagu sheeg ay in xubnaha lagu qabtay howlgalka ay isugu jiraan maleeshiyaad loo diyaariyay dilalka qorsheysan, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo nin qaabilsanaa deegamaynta iyo u adeegidda kooxdaan.

"Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay cir ibtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin habaabiyeen aragagixisadu inay ku soo laabtaan dadkooda, isk una soo dhiibaan dowladda,” ayaa lagu soo gabaga beeyey bayaankaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Magacaab ay Wasiiro Cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Gal beed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laf ta-gareen ayaa Habeen hore magacaabay Wasiiro iyo Wa siir ku-xigeeno cusub oo kamid noqonaya Maamulki isa, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa Wasii rka Ganacsiga iyo Warshadaha u magacaabay Cab dullaahi Cabdi Maxamed, Wasiirka Awqaafta iyo arri maha diinta Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay Cabdullaahi C/raxmaan Ibraahim Baardheere.

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha Maamulka ayaa waxaa laga dhigay Mukhtaar Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud ee Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay Maxamed Carmo Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Ax med Maxamed Aadan u magacaabay Wasiir ku-xi geenka Bay’ada iyo Duur-joogta iyo Muxyadiin Xaaji Caddow oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Ga lbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laf ta-gareen ayaa faray Wasiirada cusub ee uu mag acaabay inay si dhaqsi ah xilka ugala wareegaan Wasiiradii xilalka laga qaaday.

 

Hooyo & Carruurteeda oo dhimasho & dhaawac ku noqday biriq ku dhacay gurigooda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Oodwe yne ee gobolka Somaliland u taqaano Daad-Madhe edh ayaa sheegaya in roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi uu sababay inay Biriq ku dhacdo mid ka mid ah Guryaha kuy 00 aalla halkaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhim asho iyo dhaawac ah.

Biriqda ayaa ku dhacday guri ay ku noolaayeen Qoys ka koobaan 7 ruux, kaas oo kuyaalla inta u dhaxeeysa ma gaalooyinka Oodwayne Iyo Xaaxi ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Ood weyne Dr. Mustafe Maxamed Biixi ayaa sheegay in Biriqda ay ku geeriyootay Hooyo halka ay ku dhaaw acmeen laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo mid kamid ah uu dhaawiciisa culus yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada carruur ta ah ay haatan la tacaalayaan xaaladooda Caafim aad, isla markaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka &kan Magaalada Oodweyne ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi u heli lahaayeen daryeel caafimaad.

Saacadaha soo socda ee Shalay ah ayaa wa xaa ka filayaa in Magaalada Oodweyne lagu Aaso hooyada dhashay labada carruurta ah ee biriqda ku geeriyootay, waxana ehellada hooyada & carruurt eeda booqan doona mas’uuliyiin katirsan Somal iland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caalam ka u diray qeyla-dhaantii ugu dambey say

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannim ada & wax ka qabasahada abaaraha oo ku sugan xa runta Qaramada Midoobay ee New York ayaa isku dayaya inuu indha ha caalamka kusoo jeediyo dhib aatada ka jirta Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo wax ka qabashada abaaraha.

"Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jee dineyno dareenkeenna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wa rsame u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Malaayiin qof ayaa halis ugu jira inay macaluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaar tii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.

Intii lagu guda jiray kulamo uu la yeeshay hay’a daha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo bilowgii toddobaadka, Cabdiraxmaan Cab dishakuur wuxuu ku celceliyay in weli farqi weyn uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya ee hadda.

"Haddii aan la helin jawaab bini’aadannimo oo ku filan macluusha ayaa dhici doonta,” ayuu ka dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay he shay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo do olar oo ah gargaarkii loogu talagalay Soomaa liya.Madaxa gargaarka bini’aadannimada ee Qar amada Midoobay Martin Griffiths ayaa toddobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay ma caluul markii labaad muddo toban sano gudahood ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay kulan la qa atay Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xogha yaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, ahna u qaybsan aha Gargaarka Bani’Aadannimada Adam Abdelmo ula iyo Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNSOM, FAO,WFP,UNDP,IOM,UN,JPLG,WHO, ILO,UNICEF,UN- Habitat, UNI DO, UNDSS iyo UN Women

Madaxweynaha ayaa Hay’ada ha Qaramada Midoobay ka dalbad ay in ay dardargeliyaan arrimaha safamalka, Gurmadka abaaraha, xasilinta, iyo ho rumarinta barnaamijyada arrimaha bulshada.

Agaasimaha guud ee warfaafinta XFS oo qalab warbaahin kala wareegay ciidanka Talyaaniga ee ku sugan

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska MD. Cabdullahi Xayir Duca ale iyo Agaasimaha Radio Mu qdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Maxamed-Kaafi Sheekh Abuu kar ayaa qalab kala duwan oo loogu talagalay horumarinta Idaacadda Qaranka kala wareegay Cutubka ciidamada Talyaaniga ee wadashaqeynta Shacabka (CIMIC).

Cabdullahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa sheegay in deeqdaan qalab ee ka soo gaartay dowladda Talyaaniga inay tahay mid ma cno wayn u leh Warbaahinta Qaranka.

Taliyaha Cutubka ciidamada Talyaaniga ee Taak uleynta (ITNCC) Lt.Col. Michele Giacalone ayaa asa na sheegay qalabkaan ay ugu talageen horumarinta Radio Muqdisho, isla markaana la sii xoojin doono wada shaqaynta Warbaahinta Qaranka, Safaaradda iyo hay’adaha kale ee Talyaaniga ee ka shaqeeya wadanka

sida kuwa Koonfurta ee dhaqaalaha badan ka sameeya, waxaana ay saddexda diyaaradood ee Qaadka keena ku soo rogeen in halkii Kiilogaraam ay bixiyaan $2.5 dollar, waxaana lacagtan baada ah ee cusub ay saameyneysaa dhamaan diyaaradaha keena Qaadka.

Qiyaastii 30 ton oo Qaad ah ayaa maalinkasta soo gala Puntland, horey waxay u bixin jireen sidaan sheegnay, lacag ay siiyaan qaar kamid ah dullaaliin ta oo ay ku jiraan Xildhibaano Puntland ah maa linkasta lacag dhan qiyaastii $6000, laakiin kooxdan cusub ee ku xiran Madaxtooyada isla markaana fa dhigoodu yahay Boosaaso ayaa dhankooda doona ya in ay iyaguna dhaqaale ka sameeyaan.

Kala noqonshada shatiga RedSTAR

Shirkadda RedStar waxay heshiis kula jirtaa Punt land, sidoo kale waxay dayactirtey garoonka diyaara daha ee gaalkacyo iyo weliba kan Qardho.

Shirkadda RedStar International ayaa diidey laca gta cusub ee baadda ah ee dulaaleyda awooda bad an ee Bosaso joogtaa ay saareen taas oo gaareysa maalintasta ilaa $70 000 oo dollar, isku dar sadde xda diyaaradood, halka ay bishii ka noqoneyso lacag ka badan laba milyan oo dollar.

Shirkadda Redstar ayaa loo isticmaaley awoo dda wasaaradda duulimaadka iyo garoomada Pun tland oo ka soo saartey in laga joojiyey shirkadaasi ti maado garoomada Puntland.

Maalintii Dorraad ee Talaadada ayaa diyaaradda RedStar ka soo duushey Itoobiya iyada oo sida qaad gaaraya 7ton, waxaana duulimaadkeedu ku waja hnaa garoonka Bosaso, laakiin iyada oo hawada ku jirta ayaa loo sheegay in aysan ku soo degi karin, ka dib waxay ku degtey garoonka diyaaradaha ee Ga roowe, buuq badan ayaa halkaas ka dhacay, waana laga dejiyey Qaadkii, iyada oo dasaaradda duulista hawadu sheegtey in ay shirkadda ganaaxeyso oo aysan diyaaraddu duuli karin.Dacwad laga gudbiyey Puntland Mulkiilaha Redtsar oo ah ganacsade Itoobiyaan ah ayaa hadda dacwad ka gudbiyey wasaaradda duulista hawada ee Pun tland, waxaana dacwadiisa u gudbiyey DDFS ah ee masuulka ka ah duulimaadyada hawada iyo hagidda diyaaradaha.

Marka laga yimaado maandooriyaha Qaadka iyo dhibaatooyinka uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda waxa ugu darsamey dullaaley awoodda Puntland isticmaalaya oo doonaya in ay dhaqaale xooggan ka sameeyaan, maadaama xiligii maamu lka hadda ee Puntland uu gabaabsi yahay.

Boqor Buurmadow oo weerar culus ku qaaday MUUSE BIIXI, iclaamiyayna dagaal

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u we eraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bid ayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talin ayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro."Muuse waqtigii wuu ka dhama aday oo Somaliland wey burburaysa, cid qaban kar eysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Muuse waxaan is ku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waay ay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay in Muuse Biixi marnaba uusan xoog ku fadhin doonin kursiga ugu sareeya Somaliland , islamarkaana uu diyaar u yahay in awood ciidan loo adeegsado.

"Maalintii u horeysay waa la taliyay oo cadaalad samee ayaa ku idhi, cid walba Muuse wuu diiday. Salaadiinta kuwii cid ugu xigay kama uusan xishoon. Shalayna Suldaankii guud ayuu doonaya in uu too gto ama xidho.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu dhisayo xisbiyada mucaaridka, ayna dagaal u galaya an sidii xilka looga qaadi lahaa Muuse Biixi, haddii uusan dib ugu soo laaban nidaamka qori isku dhiib ka ah ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arri maha Diinta XFS oo kulan la qaatay Sha qaalaha Wasaaradda

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Md. Sh. Mukhtar Roobow Cali oo uu wehl iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Sa alax Shariif Sayid Cali ayaa Shalay kulan ku saabs an dardargelin shaqada la qaatay Shaqaalaha Was aaradda.

Kulanka oo ahaa mid ay soo aga asintay Waaxda Shaqaalaha ee Wasa aradda ayaa uje edkiisu ahaa isbar asho iyo dardarge lin ta howlguda shada Shaqaalaha.

Wasiirada ayaa la wadaagay shaqaal aha aragtid ooda hogaamineed iyo sida ay udoona yaan in looga faa’iideysto cududa iyo khibrada shaqa alaha Wasaar adda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa yiri: ” Wax aan ka shaqeynaynaa kobcinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradda, waxaan idin sameyn doo naa tababaro sare uqaadid aqooneed, xirfadeed iyo mid khibrad isdhaafsiba leh, si loo gaaro cudud shaq aale carbisan oo ka jawaabi kara dhankasta oo baa hida shaqada la xiriirta”.Wasiir Sh. Mukhtaar ayaa yiri: ” Dhamaanteen waxaan nahay mas’uuliyiin Qa ran oo shaqo loo igmaday, waxaan rabnaa in aan Qaranka uga faa’iideyno Cududiina iyo khibradiina, waxaan idinka codsanaynaa in aad garab iyo gaa shaan noogu noqotaan xilgudashadeena”.

"Waxaad tihiin cududa shaqaale ee aan ku faan eyno, waxaa lagama maarmaan ah in aan istaage erno oo wadajir ujiheysano, si loo gaaro yoolalka ay bulshada naga filayaan”.

ITOOBIYA oo laga dalbaday inay soo gacan geliso Boqor Buurmadow Ugaas Cabdirisaaq Goosaar Cali oo ka mid ah dhaqanka degaanada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay eedeymihii cuslaa ee Boqor Cusmaan Buu rmadow uu u jeediyey madaxweynaha Somali land Musse Biixi Cabdi. Ugaaska ayaa dowladda Ito obiya ka dalbaday inay Somaliland u soo gacan gel iso Boqor Buurmadow, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Boq orka.

” Ninkaas qaranka Somaliland dembi weyn ayuu ka galay, xitaa ciidanka ay uu u balan qaaday in 500 oo dollar uu mushaarka uga dhigi doono, wax walba inta soo dh aafay ayuu amnigii iyo difaacii qaranka soo fara gel iyey,” ayuu yiri Ugaas Goosaar.

Ugaaska ayaa ku taliyey in Boqor Buurmadow talaabo adag laga qaado, iyadoo loo marayo in Itoob iya ay u soo gacan geliso Somaliland.

"Si xun oo sharaf iyo karaamo ay san ku harin ay uu u hadlay Buurmadow, cimaam ada iyo koofida uu wato ayaan raali gelin ka bixin ayaa, safaaradda Ito obiya codsi ha u qorto dowla dda Somaliland, si nink aas loogu soo gacan geliyo Somaliland,” ayuu hada lkiisa ku sii daray.

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey telefishanka Horyaal ayaa si xun u we eraray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi, oo uu sheegay in Somaliland uu gaarsiiyay meel aad u xun.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Muuse Biixi uu isku awood bidayo ciidamadii qaranka, isaga oo ku eedeeyay in shacabkii u talinayay uu ka dhigay kuwa uu dhul ka boobo iyo kuwa uu jeelasha ku guro."Muuse waqtigii wuu ka dhamaaday oo Som aliland wey burburaysa, cid qaban kareysa ma jirto. Nin ay ka amaan heleen ganacsatadii, saxaafadii iyo salaadiintii, oo cid ka amaan helaysa aysan jirin bal ka waran,” ayuu yiri Buurmadow.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Muuse waxaan isku hayna shacabkii ayaa ka shaqeysan kari waayay, ninka u dhow ee la fadhiista ayaa ahay marka aad u tagto reer ayuu kula xamanaya.”

Ciidanka Danab oo gudaha u galay Buq Aqable, kuna dilay 18 ka tirsan Shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warr amayaa inay Habeen hore howlgal culus ku qaadeen deeg aanka Buq Aqable oo ay in muddo ah gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay beegsade en saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankan oo qiyaastii 90 KM koofur ka xiga M/Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

"Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa Habeen hore degaan ka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaamee dsaday saldhigii ugu weynaa ee argagixisada Al-Sha baab ay ku lahaayeen degaankaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay Shalay daabacday Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan la gu burburiyey saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deega anka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

"Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qarax yada ay ku dhibaatey jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagarqabayaasha Al-Shabaab,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aa dan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay DFS.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisley da ayaa howlgallo iyo guluf dagaal ka waday G Hiiraan ee HirShabelle.

Ciidanka Puntland Oo Gacanta Kusoo Dhigtay Nin Fal Isugu Jiray Kufsi Iyo Dil Geystay

Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysan inuu dhawaan fal isugu jiray kufsi iyo dil Gobolka Sool u gu geystay gabar lagu magacaabi jiray Aamina Faarax Colaad, taasi oo Meydke eda laga helay miyiga Berda-da wanle.

Ciidanka ammaanka ayaa howl galo maalmo qaatay kadib gacanta kusoo dhigay Ni nka falkaas kufsiga iyo dilka ku eedeysan, sida uu wabaahinta u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Gu ddiga KMG doorashooyinka Puntland Cali Jaamac Faarax. Guddoomiye Cali Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu xaqiij iyey in Ninka dilay marxuumad Aamina Faarax Cola ad ee Meydkeeda laga helay miyiga Berda-dawanle oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool lasoo qabtay.

Dhacdadan ayaa waxa sidoo kale horay uga hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Maamulka Puntland Siciid Cabdi Muumin, isagoo ku baaqay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo cid kasta lala xiriiriyo falkaas.

Deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Punt land ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay falal isugu jiray kufsi iyo dil loo geysteen rag oo intooda badan gacanta lagu soo dhigay, kadibna la horgeey ay Ma xkamad oo xukumo dil iyo xarig ku riday.

Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaa wac loo gu geystay KOONFUR AFRIKA

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya ga nacsato Soomaali ah oo Habeen hore dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad oo lagu dilay ganacsade la gu magacaabi jiray Salmaan Cabdull ahi Cismaan oo ku sugnaa M/ Queen stown ee gobolka Eastern Ca pe.

Marxuumka ayaa waxaa weerar ku qaaday koo xo burcad Afrikaan ah oo markii hore la sheegay in ay gacmaha ka xireen, kadibna ay dileen, iyaga oo u adeegsaday toorey.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika oo ka warbixiyey dhacdadaasi ayaa sheegay in marxuunka uu kaligiis ahaa marka la soo weerarayey, isla-markaana ragga dilka geysatay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen duk aanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Booliska uu arrintan soo fara-geliyey, isla-markaana ay wadaan baaitaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi arga gaxa leh. "Marxuumka, kaligiis ayaa dukaanka joog ay, sida ay Boliiska South Africa baaritaankooda ku sheegeen Dukaanka saqafka kore ayaa looga soo galay xilli uu Korontada ka maqneyd xaafadda, mar kii hore dadka waxay sheegeen in Marxuumka uu u dhintay koronto gubtay, balse saraakiisha dambi-baa rista ayaa markii dambe xaqiijiyey in toorey dhab arka uga tiilay Salmaan, gacmaha xarig looga sirq iyey,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Sidoo kale weerarka labaad oo isna ka dhacay degmada Cosmo City ee hoostaga magalada Joha nnesburg ayaa waxaa lagu dhaawacay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cismaan Cabdullaahi Maxamed, kaas oo isna ay weerareen burcad kale. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kooxdaasi ay dhac baahsan u geysteen dukaanka ganacsadah aasi, kadibna ay goobta isaga baxs adeem. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta bad an ka dhaca dhibaatooyin xoogleh oo loo geysto Soo maali da ku dhaqan gudaha waddankaasi, kuwaas oo u tegay inay ka ganacsadaan.

Armenia oo khasaare culus lagu gaarsi iyey DAG AAL KA Azerbaijan + Tirada dhimasho Armenia ayaa Shalay sheegtay in ugu yaraan 136 ka mid ah askarteed lagu dilay dagaal ay xuduudda kula gal een ciidamada Azerbaijan toddobaadkan, taasi oo tirada khasaaraha dhimashada ka dhigeysa in ka badan 200 oo askari. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedee yey inuu billaabay iska hor-imaadka oo dhacay Talaadadii, islamarkaana dhammaaday habeenkii Khamiista kadib dhexdhexaadin caalami ah.

"Illaa hadda tirada dhimashada waa 135,” ra’iisul wasa araha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sidaas Shalay u she egay golaha wasiirada. "Nasiib darro, ma ahan tirada kama dambeysta ah. Waxaa sidoo kale jiro dhaawac badan.”

Azerbaijan ayaa dhankeedana ku warantay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaadka.

Waxa uu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee labada dal dhe xmara tan iyo markii ay muddo lix toddobaad ah ku dag aalameen xuduudda sanadii 2020.

Dhinaca kale, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykan ka Nancyo Pelosi ayaa lagu wadaa inay dhammaadkan 7aadkan booqato caasimadda Armenia ee Yerevan, sida uu ku warramay wargeyska Politico, oo soo xiganaya ilo-wareedyo xog-ogaal u ah booqashada.

Wafdi ka socda Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah ee (CSTO), oo ah urur Moscow ay hoggaamiso oo ay ku mide ysan yihiin Jamhuuriyadihii horey uga tirsanaa Soviet ka, ayaa Khamiistii gaaray Yerevan.

Armenia ayaa xubin ka ah CSTO, balse Azerbaijan kama tirsana. Talaadadii, golaha ammaanka Armenia ayaa kaa lmo militari weydiistay Moscow, oo ay waajib ku tahay inay difaacdo Armenia haddii duulaan shisheeye lagu soo qaa do, sida uu dhigay xeerka ururka.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sagaashamaadkii iyo 20 20 waxaa dhex maray laba dagaal ayaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020 ayaa waxaa ku dhi ntay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dham maaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiy een. Heshiiskaas ayey Armenia uga tanaasushay dhul baa xad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.

AFP + VOA

Gabadh dhallinyaro ah oo sabab yaab leh isugu dishay magaalada Hargeysa

Gabadh ardayad ah ayaa isku daldashay xaafada Max amed Mooge ee magaalada Hargaysa kadib markii ay ka gudbi weyday imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo Dorraad lagu dhawaaqay.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Layla Cabdi Maxamed ayaa aheyd ardayad dadaal badan, sidaa darteedna markii ay imtixaankii dhacday iyada oo dadaal bixisay ay u dul qa adan wayday sidaana ay isku dishay. "Aniga dhalay Leyla waxay aheyd inan yar oo waxbarashada aad ugu wan aagsan, laakiinse Shalay (Dorraad) 11-kii ayaa la ila soo hadlay oo waxa la i yidhi inantii wey is daldashay oo wey dhimatay, geeridii ayaa jooga,” ayuu yiri Aabaha dhalay Layla.

Sidoo kale qaar kamid ah Jaarka Layla Cabdi Maxam ed oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri "Layla dhowr sano ayaa jaar aheyn, gabadh yar oo akhlaaq leh ayey aheyd oo waxay aheyd gabadh buugeeda, qalinkeeda iyo iskuulke eda saaxiib la ah, wey u qaadan weyday imtixaanka ay ku dhacday, waa masiibo.”

Ardeyda ay wax lasoo baratay Layla ayaa dhankooda af kala qaad ku tilmaamay natiijada imtixaankeeda oo ay dartii Isku dishay, ayaga oo ka codsaday wasaaradda waxbar ashada inay wax ka qabtaan tayada waxbarashada.

Si kastaba, Waxaa la sheegay in gabadha is-dishay ay kasoo jeeday qoys danyar ah, islamarkaana ay soo korisay oo soo gacan qabatay hooyadeed oo u shaqayn jirtay qoyskooda.

Al-Shabaab Oo Dalka Mozambique Ka Joojisay Shirkado Shidaal Baaris Ka Waday.

Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyusi ayaa ugu baaqay shirkadaha shidaalka ee dalalka reer Galb eedka, inay dib u bilaabaan shaqadii ay ka hayeen gobolka Cabo Delg ado, isaga oo sheegay in xaaladaha ammaanka ee agagaarka magaal ada Palma inay soo hagaagayaan. Balse waxaa weli sii socda iska-hor imaadyo u dhexeeya ci idamada ammaanka ee dalkaas iyo kooxaha Islaamiyiinta ee gobolkaas ka dagaalama.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shir madaxeed ka Gaasta iyo Tamarta ee ka dhacaya caasimadda Moza mbique ee Maputo ayaa u xaqiijiyey maalgashadayaasha ajnebiga ah in xaaladda amni ee gobolka Cabo Delgado ee ay colaaduhu ka jireen inay haatan soo hagaaga yaan. Wuxuu sheegay in dadka deegaanku, inay dib ugu laa banayaan magaalada Palma iyo deegaanada kale oo ay hore uga carareen ka dib markii ay halkaas ka dhaceen we eraro argagixiso. Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo be egmaya iyada oo ay weli gobolkaas ka jiraan weeraro ay qaadayaan koo xaha Islaamiyiinta ah, kuwaas oo weerar koodii ugu damb eeyey ka geystay dhawr tuulo, halkaas oo ay qoorta ka jareen illaa lix qof oo u dhashay dalkaas, sidoo kalena waxay dileen qof u dhashay dalka Talyaaniga, halka ay saddex qof oo kalena ay af duubeen.

Xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaal ama dalkaas ayaa xi dhiidh la leh ko oxda dawladda islaamiga ah, iyaga oo isku magcaaba ‘al-Shabaab’, inkasta oo aanay xidhiidh too sa la lahayn ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Sooma aliya, balse waxay qaateen magacooda oo kale.

Bishii March ee 2021 shirkadda Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa hakisay shaqadii ay ka wadday goblkan iyo weliba wershed qiimaheedu ku kacayey $20 bilyn oo dollar oo ay gobolkan ka wadday ka dib markii ay weeraradu bilaabmeen.

Wafdi Ka Socda Shiinaha Oo Loo Diiday Inay Galaan Baarlamaanka UK & Sababta Keentay

Afhayeenka Aqalka baarlamaanka Britain, Sir Lindsay Hoyle, ayaa diiday codsi loo soo gudbiyey, oo ah in la galo Westminster Hall, sababo la xiriira cunaqabateynta Shii nuhu kusoo rogeen shan xildhibaan iyo labo saaxiibo la ah, Politico ayaa markii ugu horreysay sidaasi qortay.

Boqorada Elizabeth-da Labaad, ayaa lagu wadaa in halkaasi la dhigo, illaa iyo aaskeeda, oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Maamulka aqalka baarlamaan ka, ayaa BBC-da u sheegay inaysan ka hadlin arrimaha ammaanka. Sannadkii hore, Shiinaha ayaa xayiraad dhanka socda alka ah, iyo xannibaad dhanka hantida ah kusoo rogay sag aal qof oo Ingiriis ah, oo ay ku jiraan toddobo xildhibaan, ka dib markii ay Beijing ku eedeeyeen inay si xun ula dhaq anto Muslimiinta Uighur.

Taasi ayaa waxay keentay in safiirka Shiinaha ee UK la ga mamnuuco baarlamaanka, iyadoo tallaabadaas haatan lagu kordhiyay horjoogsiga wafdi doonayay inay ka qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth-da Labaad.

Xiriirka UK iyo Shiinaha, ayaa kal hore u xumaaday mam nuucis ay isu isticmaaleen labada dhinac, iyadoo aaney u badneyn in dhawaan laga heshiiyo.

Muwaadin Soomaali ah oo 20 dollar darteed loogu dilay dalka Mareykanka

Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa la gu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dal ka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD.

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xiray nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabar 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka.

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isa ga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur mu ddo badan albaabadiisa furan yihiin.

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen me ydka Cabdulaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ay ada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kaamiro ku dhegne yd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaariga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bas toolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.Booliska ayaa sheegay in muuqaalka laga maqlayo Ri ley oo Cabdulqaadir weydiinaya halka ay ku dhegan tahay kaamirada gaariga, kadibna ku eedeynaya inuusan maqleyn amaradiisa.

Riley ayaa kadib la maqlayaa isaga oo leh "ma waxay kula tahay inaan cayaarayo? Ma waxaad dooneysaa inaad dhimato? Ma waxaad dooneydaa inaad dhimato?”

Sidoo kale, inta gaariga uu socday waxay u muuqatay inuu jiray muran ku saabsan $20 oo Cabdulqaadir Filanwaa uu weydiistay Riley inuu bixiyo, balse Riley uu diiday inuu siiyo.Markii gaariga uu istaagay, Riley ayaa weydiistay Cabdulqaadir inuu layrka gaariga damiyo, kadibna wuu toogtay. Wuxu kadib kusii dhufat laba xabad oo kale.

Ka dib markii ay xireen booliska, Riley iyo Martin ayaa ha dalladooda ay isburiyeen waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen toogashada.Si kastaba, Riley ayaa markii dambe qirtay inuu toogtay Cabdulqaadir Filanwaa, balse waxa uu yiri "ma dooneyn inaan sidaas sameeyo, waxaa

dhacay isfaham waa.”



Qiimaha shidaalka ee Kenya oo cirka isku shareerey kadib khudbaddii Ruto

Qiimaha shidaalka ee dalka Kenya, ayaa sare ugu ka cay heerkii ugu sareeyay, kadib markii ay dowlada qeyb kamid ah kabkii ay bixin jirtgay meesha ka saartay, taasi oo dadka iibsada ee macaamiisha ah ku keen tay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Hey’adda maareynta tam arta, ayaa sheegtay goor dambe oo habeenkii Arbacada aheyd, inay meesha ka saartey kabistii shidaalka, iyadoo ay sii wadi doonaan kabitaanka yar ee ay ku bixiyaan Na aftada iyo Gaaska.

Qiimaha cusub, ee shidaalka – oo u badan kuwa ay isti cmaalaan gaadiidleyda gaarka ah – ayaa waxa uu hadda qiimihiisu noqonayaa 179 shilin ($1.5; £1.3) liitirkii, halka naaftada, oo gaadiidleyda dadweynaha iyo warshadaha ay isticmaalaan ay magaalada caasimadda ka noqonayaan 165 shilin.

Gaaska oo inta badan ay qoysaska danyarta ah u istic maalaan cunto karinta iyo nalalka, ayaa waxa uu noqo nayaa 148 shilin liitirkii.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne, William Ruto, uu khudbadiisii ​​u horeysay markii uu xilka la ware egay ku sheegay in maamulkiisu uu meesha ka saari do ono kabka shidaalka iyo cunnada, isagoo xusay in tall aabadaasi ay dowladda galiso kharashaad badan, ayna tahay tallaabo aan aad looggu fiirsan.

Laakin waxaa jira walaac laga qabo in gabi ahaanba me esha laga saaro waxyaabaha la kabo, oo ay dhaqaalaha ku keeni doonto culeys adag, maadaama qiimaha shidaalku uu si toos ah u saameyn doono qeybaha kala duwan ee nolosha

Madaxweyne Erdogan oo hanjaad u diray dalka Armenia

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbac adii sheegay in hab-dhaqanka Armenia ee ku aaddan Azer baijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo weyn, kadib maalmo ay dagaal iskaga horyimaadeen labada dal ee deriska ah.

"Waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii – la gaaray kadib dagaalkii (2020) ee Azerbaijan ku guuleysatay –,” ay uu Erdogan ka sheegay isu soo bax ka dha cay caasimadda Turkiga ee Ankara.Armenia iyo Azerb aijan, oo tobannaan sano isku khilaafsanaa deegaanka Na gorno-Karabakh, ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay isku dhacyo xuduudeed oo dhacay gelinkii dambe ee Isniintii.

"Waxaan rajeyneynaa in Armenia ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo laabato wadadan qaldan, ayna waqtigeeda iyo xooggeeda u isticmaasho xoojinta nabadda” ayuu sii raaciyay Erdogan.

"Waxay dabeecadani, dabcan, u horseedi doontaa ca waaqib xumo dhinaca Armenia, taas oo aan kaliya buuxin shuruudaha heshiiska la saxiixay, laakiin sidoo kale muu jinaysaa dabeecad dagaal oo joogta ah.” ayuu yiri Erd ogan.Isku dhacyada ka socda isgoysyada la iskaga kala gudbo Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, ayaa soo jiidan kara quwado waaweyn sida Ruushka iyo Turkiga iyada oo khatar gelinaysa dhuumaha keena gal beedka saliidda iyo gaaska.

Erdogan iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka wadahadli doona dagaaladii ugu dambeeyay mar ka ay ku kulmaan magaalada Samark and ee Uzbekistan dabayaaqada 7ba adkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Turki ah Arbacadii.

Tirada dhimashada Caabuqa Covid-19 oo si weyn hoos ugu dhacday

Madaxa Heya’adda Caafimaadka aduunka WHO ayaa sheegay in masiibada COVID-19 laga yaabo inay dhamma ato mustaqbalka dhow

Tedros ayaa warbixin uu ka jeediyey Geneva Arbacdii ku xusay in Tirada dhimashada ee uu sababay COVID-19 adduunka oo dhan ay aa hoos u dhacday usbuucii la soo dhaafay ilaa heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii Maarso 2020.

Madax WHO ayaa ku booriyay dhammaan waddamada inay si buuxda u tallaalaan "kooxaha ugu khatarta badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah.” Sida laga soo xigtay sarkaalku, tani waa hawl mu dnaan leh oo ku saabsan habka loo gaaro yoolka ay dej isay WHO – in la tallaalo wax aan ka yarayn 70% dadka deggan waddan kasta.

Tirada caabuqa Covid-19 ayaa hoos u dhacday 28% marka loo eego todobadii maalmood ee la soo dha afay halka tirada dhimashada ay hoos u dhacday 22%.

Booliiska dalka Talyaaniga oo sheegay in shan qof loo qabtay tahriibinta muha ajiriin isaga kala gooshayey galbeedka Yurub

Booliiska dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in shan qof loo qabtay tahriibinta muhaajiriin isaga kala gooshayey galbeedka Yurub, iyagoo raacay diyaarado gaar ah.

Dadka la tuhunsan yahay, ayaa waxay siiyeen muhaajiriin ta waraaqo diblomaasiyadeed oo been abuur ah, oo looggu tala galay wadanka ku yaalla Kariibiyaanka, ee St Kitts iyo Nevis.

Diyaaradda sida gaar ah loo leeyahay, ayaa si rasmi ah ugu sii jeeday Caribbean-ka, waxayna kasoo qaadey dalka Turkiga, iyagoo ku hakaday garoon diyaaradeed oo Yurub ah, halkaas oo ay muhaajiriintu ay ku dhawaaqeen si dhab ah inay magangelyo doon yihiin.

Booliiska ayaa waxay rumeysan yihiin in burcadda ay ka qaadeen dadka muhaajiriinta ah, illaa iyo €10,000 (£8,650) qofkiiba. Shanta eedeysane ayaa lagu xiray ma gaalooyinka Rome iyo Brussels. Laba qof oo kale la tuhunsan yahay, ayaa wali ku dhex dhuumaaleysnaya Yurub.Nin Talyaaniya, saddex nin oo Masaari ah iyo hal qof oo dumar ah oo u dhalatay Tunisiya, ayaa la xiray, sida uu sheegay taliyaha booliiska Costantino Scudieri, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Eedeysanayaasha ayaa lagu ashkateeyey inay ka tir san yihiin hay’ad Dembiilayaal ah oo ku lug leh soo-gal ootiga sharci-darrada ah.

Hawlgalkan caalamiga ah, ayay saraakiisha Talyaa nigu kaashanayeen saraakiil kale oo ka socota dalalka Bel gium, Germany, Austria iyo France, iyo sidoo kale hey’a daha Midowga Yurub iyo Mareykanka ee baaritaanka.

Baarayaashu ayaa waxay diiwaan geliyeen shan duulima ad oo oo kala duwan oo ka kala dagay dalalka Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Austria iyo Belgium intii u dhaxay say bilihii Oktoobar iyo Disembar ee sanadkii 2020-ka.

Booliiska dalka Belgium, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo diyaaradood oo kuwa gaarka loo leeyahay ah, kuwaasoo qiimahoodu yahay 426,000 Yuuro, oo iyana la baari doono.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo tirtiray qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo ay Kenya kagala noqotay

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa tirtiray qor aal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo ay Kenya kagala noqotay aqoonsigii muddada dheer ay u haysay Jamhu uriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi (SADR).

Tani ayaa ka danbeysay, ka dib markii uu kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda dalka Morocco, Nasser Bourita.

"Kenya waxay kala laab atay aqoonsiga SADR, waxeyna billowday tillaabo oyin lagu burburinayo joogitaanka wakiiladooda dalka Kenya,” Mr Ruto ayaa ku yiri Twitter-kiisa, maalin kadib markii loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya.

Waxa uu sidoo kale taageero u muujiyay qaab-dhismee dka Qaramada Midoobay, ee kormeeraya khilaafka Saxara ha Galbeed, kaasoo ay taariikh ahaan sheegato dowladda Morocco.

Dhanka kale goobahani, ayaa waxaa ka socda dha qdhaqaaq madax bannaani doon ah, oo ay wado Polisario Front.

Madaxa SADR, Brahim Ghali, ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay xaflada caleema saarka Mada weyne Ruto, 13-kii bishan Sebtembar.

Saxaraha Galbeed, ayaa waxaa aqoonsaday ururka ay ku mideysan dalalka Afrika, ee la yiraahdo Midowga Afrika

 


SOOMAALIYA


OGAYSIISKA - CALAAMADA GANACSIGA


TOBLERONE

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

 

Kraft Foods Schweiz Holding GmbH,a Swiss company of Chollerstrasse 4, Zug, 6300, Switzerland

 

waxaana loo adeegsaday:

 

Kafee;kafeega kafeega; kafeega beddelka; kookaha; shukulaatada;cabitaanka kookaha; cabbitaannada shukulaatada, cabbitaannada qaxwada iyo u diyaargarowga cabitaannadaas; shaaha;rooti dubista; sonkorta iyo macaaneeyaha; macmacaan; buskudka;buskudka; brownies; cheesecakes;keega; waffles; canjeero;macmacaanka gaar ahaan macmacaanka sonkorta iyo macmacaanka shukulaatada; faafidda shukulaat ada; macmacaanka la qaboojiyey oo la qaboojiyey; Jalaato; macmacaan;macmacaan la qaboojiyey; keega barafaysan; yogurt barafaysan; macmacaan la qaboojiyey; alaabta cajiinka; diyaarinta laga sameeyay badarka; quraacda quraacda; salool;jalaatada; sherbets; malab;puddings; cuntooyinka fudud ee qaabka salool iyo galleyda; cunto fudud oo ku salaysan galley, bariis, shaciir, galley ama macmacaan.

 

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip