WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA MAAJO 2016-KA

0
Tuesday May 24, 2016 - 08:13:18 in Wararka by
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA MAAJO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KENYA U SHEEGAY INAANAN HADDA LA SOO CELIN KARIN QAXOOTIGA Madaxweynaha JS.Md.Xasan Sh.Maxa muud oo ku sugan M/Istanbul, ayaa kula kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Ken ya, William Ruto. 2da masuul, ayaa waxay kulankoodaa di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KENYA U SHEEGAY INAANAN HADDA LA SOO CELIN KARIN QAXOOTIGA Madaxweynaha JS.Md.Xasan Sh.Maxa muud oo ku sugan M/Istanbul, ayaa kula kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Ken ya, William Ruto. 2da masuul, ayaa waxay kulankoodaa diiradda ku saareen qorshaha ay Kenya ku doonayso inay ku xirto xeryaha qaxoo tiga ee Degmada Dhadhaab, xilli ay hoy u u yihiin in ku dhow 4 boqol oo kun oo Soomaali ah

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya, ayaa waxaa uu sheegay qorshaha Xukuumadda Nayrobi in uu yahay bisha November ee sanadkan in alba abada loo laabo xeryaha, inta ka horaysana laga shaqeeyo sidii loo celin lahaa qaxootiga. Madaxweynaha Somaliya, ayaa isna sheegay inaanan hadda la joogin waqtigii la soo celin lahaa qaxootiga Somaliyeed, maad aama uu weli socdo dadaalada xasiloonida looga dhalinaayo dalka, islamarkaana uu socdo gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu qabaa in dib u soo celinta qaxootiga ay keeni karto inuu sii xumaado amniga soo hagaagaya ee ka jira gobolka, waxa ana uu Kenya ugu baaqay in ay arrintaasi dib uga fiirsato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Ururka Al Shabaab uu ka faa’iideysan doo no qaxootiga, haddii xilligan dib loogu soo celiyo dalka.

Wasiir Hadliye, ayaa sheegay in Kenya ay qaadi doonto masuuliyadda dhib kasta oo ka dhasha dib u soo celinta qaxootiga Somaliyeed.

MARWADA MADAXWEYNAHA "HOOYADU WAA INAY HESHAA XARUN LAGU BAXNAANIYO”

Munaasabad lagu xusayey ka hortaga isku furanka Hooyada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb gashay Marwada Madax weynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cu mar Xasan, Wasiir kuxigeenka caafim aadka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, guddoomiyha ururka ha weenka gobolka Banaadir, gudoomiye kuxigeenka Haweenka Qaranka iyo hay’a daha Wasaaradda caafimaadka ka gac an siiya ka hortaga halista isku furanaka hawenka waqtiga dhalamada ku yimada.

Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawahir Baarqab ayaa xustay in isku furanka uu sameeyn xun ku yeeshay haweenka Soomaaliyeed. "waxaan ogna hay in isku furanka sameyn balaaran uu ku yeeshay haweenka, ilaa ay la kulmaan takoor, loo furo dhibkii ka soo gaaray mar kii ay dhalaysay daryeel la’aanta caafima ad ay waysay cid umulisa darteed.”

Canab Xasan guddoomiye kuxigeen ka Ururka Haweenka Qaranka ayaa til shalay hooyada uurka leh ay u baahnata hay xarun caafimaadka ,si looga badbaa do ,halista isku furanka "waxaa loo baah an yahay dadaal dheeraad ah oo haween ka Soomaaiyeed lagu badbaadinayo ma udul qaadan karno in ay geeriyooto Hoo yo Soomaaliyeed ee waysay meel ay ku Umusho ama ay isku furanto.”

Wasiir kuxigeenka caafimaadka Cis maan Maxamed Cabdi ayaa xusay in Wasaaradda ay ka dagaalamayso in Hoo yo Soomaaliyeed oo foolanaysa ay isku furanto, aydoo waysay umuliso xirfadle leh. Marwo Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan ayaa xustay in loo bahanyahay in Hooyada ay dhibkeeda sheegan karto, isla markaana la helo cid ka jawaabta, wa xaana ay intaa ku dartay in Hooyada ay marto marxalado badan marka ay uurka leedahay ilaa iyo inta a ka dhaleyso, ayna xaq u leedahay inay hesho daryeel caaf imaad oo taam ah. Dhowr iyo 20ki sano ee ugu dambeey ay isku furanka waxa loo yaqaan waxa uu saameyn ku yeeshay haween badan, kuw aasi oo aan helin dar yeelkii loo bahnaa xil liga dhalmada.

MADAXWEYNE ERDOGAN OO FURAY SHIRWEYNAHA CAALAMIGA AH EE BANI’AADDANN IMADAL

W/Wararka dalka Turkiga Anaaduul ay aa sheegtay in shirweynaha caalamiga ee looga hadlayo arrimaha wax ka qab ashada xaladda bai’aadanimada ayaa si rasmi ah shalay uga furmay M/Istanbuul. Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay Q/M.muddo 2 maalin ahna socon doono ayaa waxaa Somaaliya uga qeyb galayaa Wafdi sare uu hogaaminayo Madaxweyna ha Somaaliya Md.Xasan Sh. Maxmuud.

Sida Wakaaladu shaacisay howlaha shir kaasi ayaa lagu bilaabay Quraac oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hogamiyeyaa sha Caalamaka shirka isugu yimid, waxa ana khudbad ka jeediyay Madaxweyne Erdogan oo isaga marti loo yahay..

Shirkan ayaa muddada uu socodo waxaa kaloo looga doodayaa nidaamka caalamiga ah ee kaalmada bani’aadann imada, waxaana ka qeyb qaadanayaa ku dhawaad 70 Madaxweyne iyo Raisul was aarayaal isugu jira, iyo sidoo kale hay’ ado Dowli ah siiba kuwa ka howlgala arr imaha masiibooyinka. Madaxweynaha So omaaliya mudane Xasan Sheekh Maxam uud ayaa ka mid ah madaxda lagu casuu may ee ka qeybaleysa shirkaasi.

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYED OO TALIYE CUSUB U MAGACAABAY GALMUDUG

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliy ed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ay aa Maamulka Galmudug u magacaabay Sarrkaal noqon doona Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulkaasi, iyada oo sidoo ka le Madaxweynaha Galmudug uu shalay Booqaday Xarunta Taliska Ciidanak Aslu ubta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Galmudug ayaa kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Taliska oo ay ka mida tahay Xarunta Tob abarada iyo Dhaqan Celinta Maxaabista, Madaxweynaha wuxuu halkaas kusoo ark ay warshadi oo shaqo Balaaran kasocota, iyo maxaabisti oo baraneysa xirfado kala duwan sida harqaanka iyo waxsoo saarka qalabyada xafiisyada,Guryaha iyo Gooba ha waxbarashada loo isticmaalo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa kormeerka ku wehliyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac aya Goobta ha dalo kooban ka jeediyay:

"Taliska Ciidanka Asluubta Soomaal iyed laga bilaabo maanta wuxuu u maga acabay Taliye Cusub Taliska Ciidanka Asl uubta Galmudug Waxan ku wareejinay Sarkaalka Madaxweynaha Galmudug, Ma daxweynaha oo inaga codsaday inan u soo xulno sarkaal waxbadan ka bedeli ka ra Ciidanka Asluubta Galmudug, Madax weynihi ugu horeeyay ee Maamulada dal ka ka jira ee soo booqda Taliska Guud ee Ciidana Asluubta Soomaaliyed ayaa tah ay wadna ku mahadsan tahay, Waxan kaloo u soo jeedineyna Madaxda maamu lada kale ee ka jira inay soo booqdan Tali ska”

Ugu danbeyn waxa hadalo kooban oo mahadnaq iyo bogaadin halkaas ka jeed iyay Madaxweynaha Galmudug:"Wey ku mahadsan yihiin Taliska Ciidanka Asluub ta Soomaaliyed Dadaalada ay ugu jiraan dib udhiska ciidanka, Waxey kalo ku ma hadsan yihiin Sarkaalka ay inoo soo xul een oo aan aaminsan nahay in uu waxba dan ka bedeli doono Taliska Ciidanka Asluubta Galmudug” –DHAMAAD–

AXMED MADOOBE OO TABABAR U SOO XIR EY CIIDAMO CUSUB

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam ayaa shalay wax aa uu tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada Boliiska Jubbaland. Ciidama dan oo mudo lix bilood ah uu tababar uga socday Dugsiga tababarka ciidamada Bol iiska ee duleedka magaalada kisma ayo ayaa si ra smi ah Ma daxweynahutaba ba rkoodi ugu xiray wax aana ay kakoob an yihiin noocyada kala duwan ee ciidam ada Boliiska. Munaasabadan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Boliska Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socotay ciidamada Boliiska AMISOM iyo UNka

Md .Axmed madoobe waxaa uu sheegay in Boliisku ay saldhig u yihiin xiriirka bulshada iyo dowladda isagoo ku amaanay sida ay u qaateen casharadii iyo duruustii askarinimo mudada ay halkan ku xaraysn aayeen

RA’IISUL WASAARE CUMAR OO KU BAAQAY IN GURMAD LOO FIDIYO SHACABKA UU SAA MEEYEY FATAHAADDA WABIGA SHABELLE EE M/BELEDWEYNE.

R/Wasaaraha XFS Md.Cumar Cabdirash iid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinku ay ka soo gaareen fatahaadda ballaaran ee uu ka sameeyey Wabiga Shabelle ee M/ Bel edweyne iyo deegaanada ku dhowdhow.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in XFS ay qa adi doonto tallaabooyin degdeg ah oo gu rmad loogu fidinayo shacabka ay dhibaat adu gaartay. Wuxuna dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo beesha Caalamka in gurmad ay u fidiyaan shacabka tabaaleysan.

"Xukuumadda Soomaaliya waxay u fid in doontaa gargaar shacabkii dhibaatadu gaartay, xaalad adag ayaa laga soo shee gayaa deegaanka dadka qaar kood waxa ay ka carareen guryahooda, iyaga oo aan xitaa sidan wax alaab ah ka dib markii ay Biyuhu u saamixi waayeen in ay qaata an.Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soo maaliyeed iyo Beesha Caalamka in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ku barokacay fatahaad oo hadda aan heys an wax hoy ah.”ayuu yiri R/Wasaare Cu mar. Barakaca ayaa gaaray heerkiisii ugu sareeyay, waxaana jira boqollaal qoysas ah oo wali ku dhax xayiran Fatahaadda Xaddhaafka ah ee wabigu sameeyey .Xaafadaha XaawoTaako iyo Kooshin ay aa ugu sii darran marka loo eego magaal ada inteeda kale halkaas oo bulshadii ku dhaqnayd isaga barakaceen intooda ba

dan. –DHAMMAAD

WADANKA TURKIGA OO YEESHAY RA’IISAL WASAARE CUSUB

Xubnaha Xisbiga AK oo uu ka tirsan ya hay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayy ip Erdogan, ayaa Axadii dorraad doortay Gudoomiyaha Xisbigaasi ahna R/Wasa araha Turkiga, oo ay u doorteen Binali Yildirim. Binali Yildirim oo ahaa Wasiirkii Gaadiidka Turkiga, ayaa noqday ninka kel iya ee xilkaasi isu soo sharaxay, iyadoona ay si buuxdo codka u siiyeen Xubnaha Xisbiga.

Madasha lagu doortay R/Wasaaraha cusub, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa R/Wasaarihii hore, Ahmet Davutoglu, kaa soo hadda ah Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga ka tirsan. Mr. Davutoglu, ayaa 5tii bishan si kedis ahayd ugu dhawaaqay in uu xilka ka degaayo, ka dib markii uu ka horyimid qorshaha Madaxweynaha uu la yimid, ee ah wax ka bedel in lagu sam eeyo Dastuurka, si loo kordhiyo awoodda Madaxtooyada.

R/Wasaaraha cusub oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Erdogan, ayaa wax aa uu helay taageerada Madaxweynaha, iyadoona uu Madaxweynuhu ugu hambal yeeyay in uu noqdo Ra’iisal Wasaarihii Wadanka.Taageerayaasha Erdogan oo is ugu soo baxay M/Ankara, ayaa waxay soo dhaweeyeen Ra’iisal Wasaaraha cus ub, waxayna u muujiyeen inay taageers an yihiin.

OBAMA OO CUNAQABATEYNTA HUBKA KA QAADAY DALKA VIETNAM

Madaxweynaha Mareykanka oo booq asho ku jooga dalka Vietnam ayaa ku dha waaqay inuu ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalkaas oo waqti aha ayeen labo dal oo cadaw isku ah. Booqa shada Obama ayaa loo arkaa mid ka qeyb qaadaneysa xiriirka dhow oo labada dal dhex mara. Vietnam ayaa waxaa saa rnaa cunaqabateyn tobanaankii sano ee la soo dhaafay, inkastoo sanadkii 2014 la ga qaaday qeyb ka mid ah.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay kulanka uu la qaatay hogaamiyaha Vietn am ayaa shegay in tani ay meesha ka sa areyso dagaalkii qaboobaa ee labada dal u dhaxeeyay. Waxaa uu sheegay in 2da dal ay horumarin doonaan xiriirkooda iyo wada shaqeyntooda.

Obama ayaa sidoo kale booqan doona jimcaha soo socda M/Hiroshima ee dalka Jappan, halkaasoo aheyd meeshii uu Ma reykanka ku garaacay bamkii Nuclearka ee ay ku dhinteen 140kun oo ruux. Bar ack Obama ayaa noqonaya Madaxweyn ihii u horeeyay oo booqda Hiroshima, ka dib marka uu ka qeyb galo kulanka Mada xda dalalka G7. Mareykanka ayaa doona ya inuu dhiso xulufo cusub oo ah wadama da kulaala Badda Pacific.

MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KA QAYBG ALAYA SHIR LOOGA HADLAAYO ARIMAHA BINI ’AADINIMADA OO ISTANBUL KA SOCDA

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh.Max amuud, ayaa M/Istanbul ee dalka Turkiga wuxuu kaga qaybgalayaa Shirka looga ha dlaayo arimaha ku aadan Bini’aadinima da. Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan mad ax kala duwan oo dalalka caalamka ka tir san, ayaa Khudbad uu ka jeediyay Mad axweyne Xasan Sh.Maxamuud wuxuu ka ga hadlay Xaalada Bini’aadinimo ee dalka Somaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa warbixin ka siiyay ka qaybgalayaasha Shirkaan caal amiga xaalada Bini’aadinimada dalka So maliya oo uu sheegay Madaxweynaha in ay tahay mid wanaagsan, balse ay jiraan qaar liito. Madaxda Shirkaan ka qaybgal aysa, ayaa sidoo kale jeedin doono Khud bado kala duwan oo ku aaddan Xaalada ha Bini’aadinimada Dalalkooda iyo mida caalamka.Shirkaan wuxuu socon doonaa muddo 2 maalin ah, waxaana la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo. Madaxwey ne Xasan ayaa inta Turkiga uu ku sugan yahay, wuxuu kulamo kala duwan la qaad an doonaa madaxda ka soo qaybgasha Shirkaasi.

IN KA BADAN 800 OO TAHRIIBAYAAL AH OO CIIDAMADA LIBYA AY QABTEEN

Dowladda Libya, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Dad Muhaajiriin ah oo doonaayay inay ka tahriibaan dalkaasi, una gudbaan dalka Talyaaniga. Afhayeen u hadlay Dowladda Libya ayaa sheegay ciidamada ammaanka dalkaasi inay soo qabteen 7 doomood oo ay saaran yihiin in ka badan 850 ruux oo Muhaajiriin Tah riibayaal ah.

79 Haween ah ayaa ku jiray dadka gac anta lagu dhigay oo 11 ka mid ah ay yihiin Haween Uur leh, kuwaasi oo qayb ka ah aa dadka doonaayay inay tahriibaan. Ciid amada ammaanka dalka Libya ayaa Doo mahaan waxa ay ka qabteen Sabratha oo galbeedka ka xigta M/ Tripoli. Arrintanina waxay imaanaysaa iyada magaalada Ista nbul uu ka furmayo shirkii 1aad ee caa lamku uu uga arrinsanayo arrimaha baniiaadminimada ee QM .ay soo qaban qa abisay. Ilaa hadda ma cadda dalalka ay u kala dhasheen Muhaajiriintaan doonayay inay ka gudbaan Badda qatarta Badan ee ay ku nafwaayeen Boqolaal dad ah Dad ka Somalida oo qayb ka ah dadka Tahrii ba ayaanan ku tusaale qaadan dhacdooy inka naxdinta badan ee Badda ka dhaca.

WASAARADA DHALLINYARADA & CIYAARAHA OO KU BAAQDAY IN AMISOM LAGA SAARO STADIUM MUQDISHO

Garoonka K/Cagta ee Muqdisho Stad ium oo muddo Sannado ah Saldhig u ah aa Ciidamada AMISOM ayaan helin wax dayactir ah, iyadoo W/Dhallinyarada iyo Cayaaraha Somaliya ay dalbatay in AMIS OM ay ka baxdo si loo dhiso. W/dhalinya rada iyo Ciyaaraha ee XS xubno ka tirsan ururada Bushadda Rayidka ,iyo masuuliyi in ka socotay Bahda Ciyaaraha dalka ay aa booqday mar sii horeysay Garoonka Muqdisho waxaa halkaasi ku soo dhawe eyay ciidanka Amisom ee degan waxaa lagu soo wareejiyay gudaha garoonka.

W/Dh/ Iyo Ciyaaraha Maxamed C/llaa hi Xasan Nuux ayaa sheegay in garoonka uu u baahan yahay dib u dhis aanan sida asi u weynayn balse xorsha xumada hey sata XS ay sabab u tahay in ciidanka Ami som ay iska Dagnaadaan Stadium Muqdi sho oo ah garoon weyn oo dalka ka soo gali karo dhaqaale fiican haddii uu helo dib u dhis.

Marka laga yimaado hadalkaasi waxa uu sheegay in manta uusan dalku la he yn garoon u dhigma midkan haddii la dhis ana aynu ka maarmeyno garoomadda la gu ciyaaro oo aanan baaxad ahaan ku filneyn xiriiradda ciyaaraha. Ugu danbeyn tii, DS hore ayay u dayactirtay goonka Ga roonka Banaadir oo hadda lagu ciyaaro waa qorshe ka shaqeynayo is dhax galka bulshada haddii la dhiso garoomadda ciy aarah.

ASKAR KA TIRSAN CIIDANKA DOWLADDA OO KU DHAAWACMAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Afar ruux ayaa ku dhaawacmay oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirs an ciidanka dowladda, ka dib qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KPP ee deg mada Hodan. Qaraxan oo ahaa mid laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah M/Muqdisho ayaa ahaa miino lagu aasay goob ay fariistaan Ciidamada ammaanka.

Afhayeenka Maamulka G/Banaadir C/fat aax Xalane ayaa sheegay in qaraxa aanu khasaare sidaa u weyn geysan, balse af ar qof oo labo shacab ah iyo labo ka mid ah ciidamada ammaanka ku dhaawacme en.

AlShabaab ayaa sheegatay mas’uul iyada qaraxa ka dhacay Isgoyska KPP, ayna khasaare ugu geysatay ciidanka am maanka. Ciidamada Ammaanka ayaa b aro koontarool oo laga ilaaliyo ammaanka ku leh Isgoysyada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana goobahaas lagu baa raa gaadiidka kala duwan.

RAG HUBEYSAN OO RUUX SHACAB AH KU DILAY M/MUQDISHO

Dabley hubeysan ayaa lagu soo waram ayaa in xalay Ruux rayid ahaa ay ku Dile en D/Dharkeenleey ee M/ Muqdisho.

Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Shaati ayaa Dabley ku hubeysan bistoolado waxey ku toogteen Xaafada TabakaayoMadoow ee Dharkee nleey. Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa xaqiiji yay Dilka Ruuxaasi rayidka ahaa.

Raga falkaasi Dilka ahaa geystay ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxsa deen goobta.Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Degmada Dharkee nleey ayaa inoo suuro gelin in aan qadka taleefonka ku haleelno si aan wax badan uga weydiino Dilkaasi. Balse, Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la sheegin haddii ay jiraan Dad loo soo qab qabtay Dilkaasi.

Dilkan ayaa qeyb waxaa uu ka noq onayaa Dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan bilihii ugu dambeeyay uga dhacay ay M/ Muqdisho. Sikastaba, amaanka D/Dharkeenleey ayaa u muuqda mid fara ha ka sii baxaya iyadoona xusid mudan in Maamulka Degmadaasi lagu eedeeyo wa xka qabasho la’aanta falalka amaan dari ee ka dhaca qeybo ka mid ah Degmada Dharkeenkeey.

 

MADAXWEYNE XASAN OO MADAXDA MAA MUL GOBOLEEDYADA U DIRAY FARRIINTA HESHIISKA MURANKA DHALIYAY

Waxaa sii kordhaya khilaafka ku saabs an heshiiska ay madaxda dalka ka gaar een doorashooyinka ka dhacaya dabayaa qada sanadkaan, kaasi oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo iyo Baarlamaanka, ka dib markii guddi loo saaray dib u eegis ta heshiis ka asi ay ka sa ar een qodo bo ka mid ah oo ay sheegeen in dastuurka dal ka ay jebinayaan.

Madaxweyne Xasan Sh. maxamuud oo ka hadlayay wareegtada uu Baarlamaan ka uga wareejiyay ansixinta heshiiskaasi ayaa waxa uu farriin u diray madaxda ma amul goboleedyada dalka, isagoona ugu baaqay inay ilaaliyaan wadajirka si looga gudbo marxaladda adag ee kala guurka ah.

"Dalka waxaa ka dhacaya doorashooy in dadban, waxaanna ugu baaqayaa m aamul goboleedyada inay ilaaliyaan mindi mada iyo wadajirka” ayuu yiri Madaxwey naha DFS oo sheegay in la joogo xilligii midnimada la kaalmeysan lahaa. Waxaa kale oo madaxweynuhu sheegay inaysan jirin cid Maanta raalli ka ah in dalka uu ga lo qalalaase iyo fowdo, isla markaana wa xa uu tilmaamay in beesha caalamka ay Maanta eegeyso sida ay Soomaalida uga gudbayaan marxaladaha siyaasadeed iyo hannaanka ay ku gaareyso doorashooyin ka dalka ka dhacaya.

"Ma dooneyno in dalka uu galo qalalaa se sida horay u dhici jirtay xukuumadihii dalka soo maray” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo sheegay in go’aankiisa uu yah ay mid lagu badbaadinayo dalka iyo han naanka doorashooyinka. Dhinaca kale is qabqabsiga Madaxweynaha iyo Baarlama anka ee la xariira ansixinta heshiiska dal ka lagu gaarsiinayo doorashooyinka ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay Go layaasha XF. ee xilligeedu sii dhacayo.

SALAAD CALI JEELLE: "WIXII DASTUURKA BAAL MARSAN DALKAAN KAMA SHAQEYN DOONAAN”

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo hor ay dalka xilal uga soo qabtay ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay xaalad da siyaasadeed ee uu dalka marayo, isag oona sheegay in si dhow uu ula socday si da madaxda Dowladda Federaalka dalka uga gudbineyso marxaladaha doorashooy inka dalka ka dhacaya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay mar uu ka hadlayay khilaafka soo kala dhex galay madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee keenay in Madaxweyne Xasan Sh.ans ixiyo heshiiskii madaxda Dowladda iyo maamul goboleedyada ay ka gaareen ha nnaanka doorashooyinka dalka.

"Baarlamaanka inuu u codeeyo ayaa la diidanaa, guddigii loo saaray shirarkii ay yeelanayeen waa laga hor istaagay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka ku kor xir ay kalfadhiga. Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in Baarlamaanka uu markiisii horeba gabay kaalintiisii oo uu gabay iyo mataaladda shacabka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska uu madaxweyna ha yahay masiibo ka daran midii hore.

"Baarlamaanka mar hore ayow ka ar kay Madaxweynaha, waxayna ka dhigan tahay ishiis laga arke ayaa ushiisa lagu tu maa” ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jee lle oo sheegay in marnaba aysan dhici do onin in la boobo masiirka ummadda So maliyeed. Xigasho: somaliweyn.com

40 RUUX OO LAGU DILAY WEERAR IS QARXIN AH OO KA DHACAY MAGAALADA CADAN

Ugu yaraan 40 ruux ayaa lagu dilay we erar is qarxin ah oo ka dhacay M/Cadan ee dalka Yemen. Dadka la dilay ayaa ah aa dhalinyaro ciidamo loo qorayay, kuwaa soo safaf ugu jiray nawaaxiga guriga Tali ye ka tirsan Ciidamada Yemen oo ku yaa lla degmada Khormakar.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa dhacay qarax kale oo ka dhacay meelo ku dhaco saldhiga ciidamada. Kooxda isku magaca wday dowladda Islaamiga ee IS ayaa she egatay Mas’uuliyada weerarka ka dhacay M/ Cadan.

M/Cadan ayaa si KMG ah waxay xar un ugu aheyd dowladda Yemen, tan iyo markii uu bilowday isku dayga ay Caasi mada Sanca ugala wareegeyso Kooxda Xuutiyiinta. Todobaadkii hore weerar sid an oo kale ah oo ka dhacay magaalada Mukallah ayaa waxaa lagu dilay askar ka badan labaatan, kuwasoo tababar ku jiray

SEDDEX SANO KA DIB WAXBA ISKAMA BADELIN SHAQADIISII LOOMA KORDHIN MUSHAARKIISII MA JIRTO ABAAL MARIN MANA JIRTO DALACSIIN {Sheeko Gaaban Oo Xisaab Iyo Maskax Ku Fadhida}

Seddex sano kadib waxba iskama badelin shaqadiisii looma kordhin mushaarkiisii ma jirto abaal marin mana jirto dalacsiin.

Haddaba wuxuu go,aansaday in uu maamulaha shirkadda uu ka shaqeeyo toos ugu tago albaabka ayuu garaacay ….soo gal ayaa lagu yiri, wuu soo galay maamulaha wejigiisa farxad ayaa ka muuqata wuu ilka caddeeyay waxaana loo sheegay in uu fariisto kadib waxaa la weydiiyay maxaa darnaa oo aad dooneysay ?

Wuxuu u sheegtay in uu cabasho yahay doonayana kordhin mushaar laakiin maamulihii ayaa ku yiri ninyahow ma adigaaba weligaa hal maalin shaqeeyay ? Ninkii naxdin iyo u qaadan waa ayaa ku dhacay.

waxaana isaga iyo maamulhii dhex martay sheekadan:

Maamulihii: Imisa maalmood ayaa sanadka ku jirta ?

Ninkii: Waa 365 maalmood mararka qaarkoodna waa 366

Maamulihii: Imisa saacadood ayey ka kooban tahay habeen iyo maalin ?

Ninkii: Waa 24 saacadood.

Maamulihii: Imisa saacadood ayaa shaqeysaa maalintii ?

Ninkii: Sideed saacadood maalintii.

Maamulihii : Marka jajab ahaan maalintii imisa saacad ayaad shaqeysay ?

Ninkii: 8 loo qeybiyay 24 saac ( Sedex meelood meel )

Maamulihii: Waad fiican tahay marka seddex meelood meel imis ayey ka noqoneysaa sanadkii oo ah 366 maalmood ?Ninkii: waa 122 maalmood (1/3*366=122 maalmood) Maamulihii;Ma timaadaa shaqada maalmaha fasaxa isbuuca ( Khamiis iyo jimce )

Ninkii: maya mudane Maamulihii: Haddaba imisa maalmood oo fasaxa isbuuca ah ayaa ku jirta sanadkii ?Ninkii; 52 Khamiis iyo 52 Jimce isku darkood waa 104 maalmood. Maamulihii: Nin fiican ayaad tahay, haddaba haddii aad ka jarto 104 maalmood 122 maalmood oo aad shaqeysay imisa maalmood ayaa kuu soo haraya ?

Ninkii: 18 maalin

Maamulihii: Sanad kasta waxaan ku siiyaa laba todobaad oo fasax jirro ( xanuun ah ) ka jar 18 maalin ee aad heysatay imisaa kuu soo hartay ?

Ninkii: 4 maalin

maamulihii: Ma shaqeysaa maalinta fasaxa qaranka ?

Ninkii: Maya mudane

Maamulihii: Ma shaqeysaa maalintii xurnimada ?

Ninkii: maya ma shaqeeyo

Maamulihii: Ka jar imisa maalin ayaa kuu soo hartay ?

Ninkii: 2 maalin mudane

Maamulihii: Ma shaqeysaa maalmaha ciidda ?

Ninkii; maya ma shaqeeyo

Maamulihii: Imisa maalin ayaa kuu soo haray haddii labada maalin ee ciida ka jarto ?

Ninkii : Waxba mudane.

Maamuluhii : Haddaba maxey tahay cabashadaada ?

Ninkii: waan fahmay mudane maba ogeyn in aad xadi jiray shirkadda.

Waxaa Tarjumay Siciid Xagaa Afrax.

Sxagaa@hotmail.com

 

HA MOOGAAN FAA’IIDOOYINKA YAABKA LEH EE AAD KA HELI KARTO CUNISTA TIMIRTA

{CAAFIMAADKA, DHALINYARADA}

 

Timir Sidaan wadda ognahayba timirtu waa shay aad loo cuno khaasatan bisha Ramadaan ee aan hadda ku jirno iyo waliba xili yada la soomo, waana wax aad u macaan oo dhadhanka u ro on. Balse timirtu halkay ka timaadaa maxay se tartaa?

Markeeda koobadan timirtu waxay ka baxdaa dhulka saxa ara ha ah ama lama dagaanka ah, khaasatan dhulka waddam ada Carabta. Timirtu waa shay Kitaabi ah oo Quraanka Kariimka ah ku sugan iyo waliba Sunnada Nabiigeena Suuban (SCW). Taa sni waxay kuu cadaynaysaa ado on dhinackalaba eegin wanaa ga ay leedahay in aan la koobi karin maadaama Kitaabka Rabbi (SW T) iyo Sunnada Nabigaba (SCW) lagu xusay.

Waxaa Nabigga (SCW) laga wariyey isagoo tilmaamaya wa naaga ay timirtu leedahay in uu yidhi: "(???”

Oo macneheedu yahay; guri aanan timir oolin waa guri reerkiisu baahanyahay. Xasiiskaa qiimaha badan waxa uu inoo sheega yaa wanaaga ay timirtu leedahay. Waa laga yaaba inataad istidh aahdid timirtu cunto maaha ee wax macaan ee waayo bay guri ga ay timir oolin guri baahan u yahay? Balse waxaad fahmi doo ntaa wanaaga kujira marka aad akhrisatid sida hoos ku dhigan iyo waliba cudurada ay dawayso. Markaad taa fahantid adaa inshaAllah wax walba ku doorsan doona.

Muhiimada Ay timirtu leedahay:

Timirtu waa miro qof uu kunoolaan karo kaligood, ayadoo uu qofku kaheli karo nafaqo dhameystiran hadana isku dheelitiran. Kuwaasoo hadaadan cunin ama helin cunooyinka kale ey ku kaafin karaan.

Faa’iidooyinka lagu sheegay timirta waxaa kamid ah caloo sha oo ey socodsiiso. waxey sidookale ufiicantahay xanuunada kudhaca sida wadnaha, dhiig la’aanta, shubanka, kansarka ku dhaca mandhicirada caloosha, sidoo kale haweenka uurka leh iyo dhibaatooyinka la xariira taranka iyo kuwa kaleba. Timirta wa xaa kujira dhawr walxaad sida fitamiino iyo macdanba (mine rals).

Nafaqooyinka kujira timirta Waa kuwan qaar ka mid ah mac danta (minerals) asaasiga ah sida;

kalshiyamka, birta dhiiga (iron), phosphorus, soodiyam, botaasiyam, magneesiyam iyo zinc oo sidookale kujira.

Dhinaca fitamiinka waxaa ayagana kamid ah waxyaabaha loo yaqaan afka ingiriisiga

thiamin, riboflavin, niacin, folate, vitamin A iyo vitamin K.

Kuwaasoo dhamaanba ahmiyada kala duwan iyo kuwa gaar ahba uleh jidhkeena.

1 Timirtu waxyaabaha kale ee ay hodan ku tahay waxaa ka mid ah:Dhisida Murqaha marka uu qofka jidhkiisa dhaawac soo ga adho ama xanuun

2 Waxa ay timirtu u roontahay arraga indhaha, khaasatan kuwa waxa habeenyada loo yaqaan leh ee la xidhiidha madowga iyo hilyada habeenkii.

3 Waxay ka hortagtaa Cholesterolka dhiiga ee dufanka xun ah iyo in xididda dhiiga qaada ayna qalafin ama dhaawacmin. Taa sna waxaa keenaya maadama maadada Pectin oo bururista Cholesterolka iyo waliba ka ilaalisa xiddada dhiiga inay wasak hdu fadhiisato ama ay dhadhaan.4 Waxay timirtu dawaysaa xanuunada waddnaha ku dhaca iyo awood darida la xidhiidha ironta jidhka, taasna waxaa keenaya maadama Magnanicium iyo Copper ku jiro timirtu. 5 Timirtu waxay dawaysaa anemia a ma dhiigla´aanta maadama ya ku jiraan waxayaabaha kobciya dhiiga oo ay ka midyihiin Iron, copper iyo vitamin B2.

6 – Waxay daawaysaa inay lafuhu burburaan ama ay noqdaan kuwa bilaa awooda iyo waliba cudurada la xidhiidha lafaha, ma adama ay ku jiraan maadooyinka u fiican lafaha oo ay ka midyi hiin Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A.7 Waxa ay timirtu ka hirtagtaa cudurada ku dhaca xiidhmaha khaasan Cancer ka xiid maha iyo waliba waxay baabiisaa unug yada dhintay ee noqda bawaasiirta la xidhiidha ciladaha dhee fshiida maada ay ku jirto timirta Fiber iyo vitamin B1 oo aad u na diifiya dheefshiida iyo burburinta cuntadana sahla. Waxay kale oo ku jira timirta Salinium oo ka hortaga Cancer ka noocuu doonaba ha noqdee.Waxaa kale oo ku jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer ka Maskaxda 8 Waxay u fiican tahay timirto hurmuunada waxayna kobcisa qaadista uu rka iyo dhalmada

9 Waxay timirtu u roontahay saxida appetite ama doonista cunt ada maada ay ku jirto Potassium ii kobciya unugayada kici appe tite ka.

10 Timirtu waxayaabaha kale ee ay daawayso waxaa ka mid ah itaaldarada hamiga (galmada)

11 Timirtu waxa kale oo ay u fiican tahay ilkaha iyo daryeelka af ka maadama uu kujiro Fluoride ka ilaaliya ilkuhu inay dheeh dhacaan ama shuush galo.

12 Waxa ay timirtud qani ku tahay vitamin A kaas oo ka hortaga qalaylka dubka iyo kobcinta idhaha.

13 Waxay ka ilaalisaa Jidhka sunta iyo waxyaabaha loo yaqa ano free redicals oo wasakhda iyo sunta dhiiga dhawareegta ah waayo waxaa ku jira Sodium, Potassium iyo Vitamin G oo ji dhaka sunta iyo wasakhkasta ka saara

14 Waxay daawaysaa inay timuhu daataan ama nabaad guuran , in indhaha hoostooda daalka muuqadato ama midab doorsam aan, in ay dabnuhu qolof dhacaan oo ay waliba qalalaan iyo Tim aha daata iyo infection ka dabnaha waayo waxaa ku jira Vitamin B/2 oo u fiican xaaladahaas.

15 Waxa ku jirta Maado daawaysa Infection ka maqaarka

16 Waxay daawaysaa gaaska caloosha noocoyo badan oo ka mid ah waayo waxa ku jira Chlor, Sodium iyo Potassium oo u roon saxida gaaska caloosha.

17 waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka waayo waxa ku jirta Maadada Vitamin G.

Vitamin G waa kan loo yaqaano Riboflavin oo isaganu daawee ya xanuunadan oo dhan. Wixii intaa dheer hoos waatan ku dhig an iyaduu english ah. Karaali ahadaa qoraalkii baa dheeraday oo english kuu ka kookooban yahay soomaliga.

For normal growth and development

For reproductive system

For vision, eye fatigue, eye lens, and cataract prevention

For migraine headaches

For healthy skin, hair, and nails

For antioxidant properties

For nervous system

For sore mouth, lips, and tongue

For metabolization of carbohydrates, fats, and proteins for ener gy For skin disorders like rosacea

For wound healing, injuries, and aftersurgery recovery

For sicklecell anemia if deficiency in riboflavin

For anxiety, stress, and fatigue

For nerverelated problems: Alzheimers, numbness & tingling, epilepsy, and multiple sclerosis

Timirtu intaa iyo in aan la koobi karin bay qani ku tahay waxaas oo cilad iyo xanuun kor ku dhigana way dawaysaa.

Waa noocee noocyada uugu fiican timirta?

Waxaa Nabigeena Suuban (SCW) laga wariyey in uu yidhi: Timirta Madiina ee Cajwaan loo yaqaabo oo timiraha kale ka du wan in qofkii cunaayi subuxii 7 xabo , inuu maalintaas uu cunay ka badbaadayo sun, sixir iyo waxkasta oo caafimaadkaaga kha lkhalin kara.(??

Haddaba timirtu aad bay u noocyo badan tahay meelo kala duwana way ka timaada. Balse timirta Cajwadda marka laga re ebo kuwa uugu fiicani waa kuwa timirta saafiga ah ee khudradii oo toos ah iyadoon waxba lagu darin sida sonkor miid ah oo jilcinaysa iskuna dhadhajinaysa sida malabka oo kale iyo in wax sida lowska iyo waxyaabo kale aan lagu gurin. Noocyada timirta uugu fiican imika ahaan waxay ka imadaan dhulka Falastiin. Wa

laalheen lagu caawiyo in laga iibsado maadama dad dhinacwal ba laga xidhay ay yihiin. Waxaad marwalba timirta ku dooranay saa qodobadan:

1 Inaysan dhadhin ama qalalin

2 Inay hilib badan leedahay

3 In midabku timirtu mid dhalaalya oo nadiifa yahay

4 Inaysan qarqarxin oo wax dalool ah ayna lahayn Timirta xu maataya ama gabowday waxaa lagu gartaa inay dusha wax son kor ah oo kale ku yeelatay ama qolof hohobaysa. Waxaana fiic an in timirta talaagada lagaliyo si ayna uugu dhalan daaniyahay iyo xasharaadka ku dhasha cuntada.

Digniin

Waxaa aad u muhiim ah inaad iska maydhid timirta inta aa nad cunin ka hor. Ma ogaankarta habkeeda nadaafadeed. Wax aa dhici karta in ay bakteriyo tusha ka saarantahay timirta khaa satan bakteriyada loo yaqaano E.Coli oo runtii halis ah. Sidaas darteed bay muhiim u tahay inaad timirta iyo khudradkasta oo aad cunaysid aad iskaga maydhid inta aanad cunin.

Yaa cuni kara timirta , yaanan cuni karin? Intee in leegbaana la ga cunayaa maalintii?

Timirta cidkastaa cuni karta, balse waxaad ogaatdaa inay tim irta sonkorta dabeeciga ah ku jirto. Adigoon iska badin waxaa fii can inaad u cuntid sidii Nabigu (scw) u cuni jiray. Qofka macaa nka lehna maalintii waxaa kufilan in laba qaado buuxin karta ka ma badsan karo maadama sonkorta ku jirtaa ay sonkorta dhiiga kicinayso.

Siyaabahee baa loo isticmaali karaa timirta?

Timurtu maaha kaliya in lacuno uun, waxaa laga samayn karaa macmacaanyo kale duwan iyo walib cakes. Waxaa lagu darsan karaa fruit salad, waxaa lagu darsanakaraa cashadii ama quru eecdi sida boorashka iwm. Way badan tahay hababka kala duw an ee loo isticmaali karo timirta inshaAllah vedios xagga cunta da laga samayn karana waan soo galin inshaAllah.

Amaase waxaad u ticmaali kartaa timirta nadaafad iyo qur uxba. Waxaan aad uuga soo horjeeda isticmaalka waxyaabaha kiimikada leh ee cosmetics oo lacag badan lagaa siinayo wali bana jidhka khariba. Waxyaabaha aad jidha u iticmaali kartid waxaa ka mid ah: Face and body scrub naasibaya jidhka qala lan: Isku darso 10 midh oo timir ah Dhawrqaado oo naturel yo gurt ( qiyaaso intii jidhkaaga ku filan) 1 xabo oo avocado ah

48 qaado oo olive oil ah ( Qiyaaso intii jidhkaaga ku filan)

Haddan doontid muus, strawberry ama wixi khudrad kale ah baad ku dari kartaa jidhkaad saaran ood ku qoyn ladbna waad ku maydhan. Jidhaakaga nadiif iyo dhalaal bay ka dhigi kadibna way qoynaysaa dubaka, maadama ay timarta horay uugu soo sheeganay inay maqaarka qoyso. Xataa timaha waad marsan kartaa balse ku dar beed/ukunta inta huruuda ah.

Ama waxaad isku dari kartaa

coconut oil , timir iyo sonkorta bunigaga ah ood aad jidhka ku scrub grayansaa , taas oo ku siinaysa inay kaa daadiso dead cells ka iyo walibana bilicda iyo qoyaanka jidhka kuu ilaaliso.

Lama soo koobi karo faa´iidooyinka ku jira iyo sida loo itsicmaali karo timirta. Rasuulkuna (scw ) wuu nagula dardaarmay timirta cunideeda ee ha moognaan Balse waxaan ku leehaya insha Al lah sharax kugu filan waad heshay ee ka faa´iidayso walaalaha muslimiita kalana gaadhsii inshaAllah. Hadaba si xaafadu/gurigu uusan unoqon gaajo soo dhaweyso timir dadkana uga warbixi fayowga/caafimaadka ey leedahay.

Waxaan gabogabadii kuugu dhiira galinayaa inaad baaritaan dheeri ah kusii sameyso si aad wax badan uga ogaato waxtark eeda faraha badan kuna dadaasho maadaama ey tahay sidoo kale sunno aad loo amaaney in la joogteeyo. Ramadaanta kuwo barakadeeda hela Allah naga dhigo. Jazaakumu Allahu khayran wa axsana Allahu ilaykum UmmCafiifah cafiifaa@gmail.com

xiliyada la soomo, waana wax aad u macaan oo dhadhanka u roon. Balse timirtu halkay ka timaadaa maxay se tartaa? Mark eeda koobadan timirtu waxay ka baxdaa dhulka saxaaraha ah ama lama. xigasho Dulqaadka.com

FATAHAADA MAGAALADA BELEDWEYNE & MASHQUULKA SHACABKA KA BARAKACAYA GURYAHOODA

Xaaladda M/Beledweyne ayaa Cakiran, Waxaana Saacadihii ugu dambeeyay si weyn uga barakacay Magaalada inta badan Dadkii ku noolaa, guryo cooshado ka sameysan ka dhistay deeg aanka CeelJaalle ee duleedka bari magaalada Beledweyne.

Biyaha ayaan wali nusqaan laheyn, waxaadna moodaa in saacadba saacada ka dambeysana ay isa soo tarayaan, taa soo quus iyo Rajo beel ku riday dadkii tirada yaraa ee markii hor eba magaalada isku celinayay. Shacabka badan ee ka baxaya magaalada, ayaan heli ilaa iyo hadda gargaar micno leh oo la ta aban karo, Waxaana jira codsiyo isdabajoog ah oo Dowladda Federaalka iyo Hay'adaha samafalka loo jeedinayo, kuwaasoo aan illaa hadda aan wax jawaab ah ka bixin.

JUBBALAND OO SOO DHAWEYSAY GO’AAN KII MADAXWEYNUHU KU MEELMARIYAY HANNAANKA DOORASHADA

Maamulka Jubbaland, ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu ku Me elmariyay dorraad Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh.Hanna anka Doorashooyinka Dalka ee 2016ka, taasoo Baarlamaanka FS uu ku guuldarreystay inuu meelmariyo.

Bayaan ka soo baxay Jubbaland, ayaa lagu Taageeray Tall aabadii uu Madaxweyne Xasan qaatay, taasoo uu ku Dhaq angeliyay Hannaanka Doorashooyinka ee Madaxda Madasha Wa datashiga Qarani isku Afgarteen. Ugu dambeyn, Jubbaland ay aa horay u diiday isbedel lagu sameeyo Qodobbada Heshiiskii Hannaanka Doorashooyinka, waxayna si cad ah kaga soo horje esatay in G/Banaadir matala ad ku yeesho Aqal ka Sare.

HAMBALYO DHALSHO

Khadro C/laahi Cali agar eey,Xamdi Cumar Xas an,, Naa sir Cumar, Najiib Cali Cumar, Nuu radiin Cali Cum ar, Nuu rto Cali Cumar,Nimco Cali Cum ar,Nasro Cali Cumar, Shukri Xaaji Xus een ,Raxmo Maxamed Dheere, Faraxiyo C/casiis C/laahi, C/laahi Cabdulaahiyoow C/ Casiis C/laa hi,Mahad C/Casiis C/l aahi, Sh Nuur C/Casiis C/laahi, Hidd aayo C/Casiis, Hibaaq Jeelloow, MaxamedAmiin Najiib Cali Cumar, Faa dumiin Najiib Cali Cumar, Na sro yareey iyo Dhammaan dhallinyarada xaafadda tabeel aha jaceylka ee M/Muq disho waxaay Habalyo Dhalasho farxad leh u diray aan Maxamed Xasan Xuseen {Anaaleh} iyo Caasho Axmed Maxamuud Karaani oo Gabar Ugu Dhalatay 20ka May 2016ka M/Muqdisho waxaa loo bixiyey FaadumoKiin Maxamed Xasan Xuseen Alle haka dhigo tii soo Barbaar ta oo dadkeeda iyo dalkee daba wax tarta ayey leey ihiin Aamiin Aamiin Aamiin

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip