HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Thursday September 15, 2022 - 08:39:16 in Wararka by
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo u safray Mareykanka Muxuu yahay qorshaha socdaalkan?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta sab oolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xu quuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Mid oobey waxay hordhigayaan aragtida iyo qorsha ha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xirii ra la dagallanka saboolnimada & argagixisada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato bad an kala kulmaya argagixisada iyo saboolnima da, waxaana la joogaa xilligii laga gacan siin la haa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatada as ka samata bixiso dadkeeda.

"Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la ye elan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qarama da Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeen nu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadi hii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nair obi, halkaas oo Dorraad uu uga qeyb galay calee mo saarka madaxweynaha 5-aad ee dowladda Kenya, sidoo kale Berri ayuu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa cusub William Ruto.

Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS oo xafiisk iisa ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xogha yaha

 Guud ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi ay aa Berri xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xoghaya ha Guud ee Qaramada Midoob ay Marwo Kiki Gbehu.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Mido obay ayaa ka wada hadleen adkaynta taageera da QM ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo sidii Aqalka Sare gacan looga siin lahaa howl aha shaqo ee hortabinta u leh.

MADAALE oo ballan-qaad culus u samee yey shacabka MUQDISHO

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobol ka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Habeen hore si rasmi ah xilka ugala war eegay gudddoomiyihii hore Cumar Filish ayaa ballan-qaad culus u sameeyey shacabka Muq disho.

Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qa ban doono arrimaha amma anka iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerada ee dhibaat ada ku haya reer Muqdisho, isaga oo shaaca ka qaaday inuu kaashan doono hay’adaha am maanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka hortegi doonaan weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso caasimada, kuwaas oo aad u kordhay ma almihii la soo dhaafay.Waxa aan ka shaqeyna yaa gacansiinta hay’adaa amniga, waxaa laga ma-maarmaan ah in la is garabsado oo waxa uu amniga ka dambeeyaa ummad wada hayl an, waxaana ka shaqeyn doonnaa sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka naga haysta am niga si looga guuleysto Argagixisada & ku wa kale ee magacyada kale la baxay ee Ciyaal weerarada” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muq disho.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mas’ uuliyadda loo igmaday uu ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

"Mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu xarakoo do, mas’uuliyaddu ma ahan mid lagu boola-xuf teeyo, mas’uuliyaddu waa mid maalinta qiyaa mo lagu waydiinayo cirkana diiday dhulkana dii day, qof weliba oo la saaray waa qaadum (Ad eege) la rabo in uu shaqeeyo balse aan ka sha qeysan” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Madaale.

Waa markii labaad oo uu xilkan qabanayo Yu usuf Xuseen Jimcaale, waxaana todobadii bish aan September u magacaabay madaxweyna ha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Ke nya ayaa Berri wada-hadallo la yeeshay ma daxweynaha cusub ee waddankaasi, William Ruto.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabad da caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowlad da Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tah ay inay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dham maan dalalka Gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Xasan Sheekh iyo guud ah aan wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda calee mo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo do wladeed ee dariska ah.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale kulan kooda diiradda ku saaray arrimo dhowr ah, ga ar ahaan iskaashiga labada dal iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa sidoo ka le lagu xaqiijiyey in hoggaamiyeyaasha labada dal ay kulankooda ku soo qaadeen hirgelinta heshiiska is-dhaafsiga qaadka iyo kaluunka, kaas oo ay horey u wada saxiixeen labada dal.

Sidoo kale waxaa waxa ay ka wada-hadleen labada dhinac fududeynta isku socodka iyo ammaanka Soomaaliya, maadaama ay Kenya qayb ka tahay howlgalka Midowga Afrika.

Arrimaha kale ee kulanka Xasan Sheekh iyo William Ruto looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladda gobolka Geeska Afrika oo ay iska xog wareysteen labada madaxweyne oo ku guuleystay doorashadooyinkii iyo isbeddaladii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo Nairobi.

Kulankaan wuxuu ku soo aadaya, ayada oo uu horey madaxweynaha cusub ee dalka Kenya u ballan-qaadan inuu wada shaqeyn wanaasan la yeelan doono dowladda federaalka ah , si sare loogu qaado iskaashiga labada waddan oo daris ah, isla-markaana wadaaga xad dheer.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ahaa hoggaamiyaashii ka qayb-galay caleema saarka Ruto oo Dorraad lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

Xaadoole oo si kulul ula hadlay odayaasha Abgaal ka dib dagaal ka qarxay…

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xil dhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag u cambaareeyay dagaal beelo ka tirsan Abgaal ku dhex-maray gobolka Shabeellaha Dhexe. Xildhibaan Xaadoole ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dad walaalo ah ay isku hub qaataan, xili loo midoobayo la-dagaa lanka Al-Shabaab oo gumaad ku haysa shacab ka Soomaaliyeed.

"Odayaasha dhaqanka waa inay baxaan oo tagaan dhulka, soo fiiriyaan waxa la isku hay sto. Waxa lagu dagaalamaya waa in la ogaada oo si cadaalad ahna loo kala saara, waa in do wladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ay ka qabtaan dadka cidii qaldan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay heshiiyaan beelaha walaala ha ah ee dagaalamaya, islamark aana dhinac uga soo wada-jees taan dagaalka ka dhanka ah ko oxda Al-Shabaab, oo xoogooda halkaasi u jeediyaan.

"Kama aamusnaan karno intaas ka badan, waa in fadhiga laga kaco oo dadka laga qabto dadka calool u shaqeystayaasha ah ee ku gab anaya qabiil, waa in loo isticmaalo kuwaas ga canta dowladda. Ninka aad dhaawiciisa qaadi laheyd ayaa dhaawac tireysa oo jidka iska xira neysaan.”

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku cel-celiyay in maamulka HirShabelle iyo Odayaasha dhaqan ka ay si dhab ah uga howl-galaan sidii loo dam in lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa dad ka walaalaha ah, taasi oo uu ka dhashay khasa are nafeed.

"Ha badalaan Odayaasha dhaqanka nidaa mka ay ku jiraan, ha ka kacaan fadhiga 10 iyo 20 wiil in la duugay ayaa la ii sheegay, maxay ku dhinteen? Ciil ma laheyn haddii uu dhinto isaga oo cadowga la dirirayo.”

Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeys ay kooxda Al-Shabaab dagaalada ka dhex qar xay beelaha walaalada, ayada oo sheegtay in ay jiraan dad ay kooxda lacag ku siisay isku dir ka beelaha, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay ku raadjoogaan dadkaasi, si looga hortego qor shaha kooxda Al-Shabaab, ayna ka qaadi doo naan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday hey’adda WFP

Xog-hayaha joogtada Xafiiska Ra’isul Was aaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka so cday WFP oo uu hogaaminayay qeybsanaha hey’adda ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daloum iyo ku xigeenkiisa Laura Turner.

Waxaa kulanka looga wad a hadlay sidii lagu xoojin la haa wadashaqeynta xafiis ka iyo hey’adda loona dar dargelin lahaa dadaallada horumarineed ee adeega bulshada iyo xal-u-he lidda khataraha soo noqnoqda oo ay ka mid ta hay abaaraha iyo cunta yarida.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay xoojin ta tayada hay’adaha dowladda iyo ka qeyb qa adashada wacyiga bulshada ee ku aadan ab aaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo.

Kulanka waxaa Xoghayaha ku wehliyay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dib-u-habeynta iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo Agaasi maha Warbaahinta iyo xiriirka Dadweynaha ah na afhayeenka xukuumada oo isna ka hadlay muhimada ay leedahay warbaahinta ka qeyb qaadashada dadaallada loogu gurmanayo dad ka ay abaaruhu saameeyeen.


Qandaraas bixinta shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey

Guddiga isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee u gudbiyay Wa siirka Wasaarada Batroolka Soomaaliya, Cabdi risaaq Cumar Maxamed.

Guddiga oo tixgelinaya cods iga Wasiirka ayaa waxay 12-kii bishaan ansixiyeen qan daraas bixinta Shidaalka Soomaaliya, kadib markii la is waafajiyey sharciyada iyo xeerarka u yaalla.

Sidoo kale waxa uu guddiga ansixiyay is-waafajinta qoddobada sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka oo muddo hortaagna arrintan.

Wasiirka Batroolka ayaa sidoo kale dhanki isa ka mahad-celiyay tallaabada uu guddiga is ku-dhafka heer wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ay ku ansixiyeen qandaraas bixinta Shid aalka Soomaaliya.

"Guddiga Wasiirada Berri waxay ansixiy een habka Qandaraas bixinta, kaasi oo muhiim u ah dejinta habraaca tartamada. Waxaa rabaa in u mahad-celiyo asxaabtayd sida ay uga ta shadeen oo ay si taxadar leh u fiiriyeen labada dukumeenti iyo ansixintooda,” ayuu yiri Was iirka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Wasiirka Bat roolka hadda kadib loo gacan baneeyay in was aaradiisa ay geli karto heshiisyo qandaraas oo ku saabsan faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, maadama la dhameystiray dha maan habraacyada lagu maraynayo hanaanka bixinta qandaraasyada shidaalka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Guddiga isku-dhafka heer wasaFaradeed ee Qandaraas bixinta ay shirarka uga qeyb-galeen wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyada oo dhamaantood ah xubno ka tirsanaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh

Maamul goboleedyada dalka oo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay fasaxdo lacaga ha loogu

 talo galay abaaraha

Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta Masi ibooyinka ee maamul goboleedyada dalka oo Berri shir ugu soo gabagaboobay M/Baydha bo ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si deg deg ah u fasaxdo lacagaha loogu talo ga lay abaaraha.

Wasiiradda oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaaf ay ku shiraayay magaalada Baydhabo waxay hay’ada ha gargaarka ka dalbadeen inay si dhow ula shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka, wax ayna ku ku heshiiyeen wasiiradda in bishiiba ay mar isu yimaadaan kulan noocaan oo kale ah, iyagoo kulankooda xiga ku balamay in lagu qabto magaalada Garowe ee xarinta maamulka Puntland 16-ka bishaan Oktoober.

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saa reen wasiiradaha Gargaarka iyo Maareynta Ma siibooyinka ee Maamul goboleedyada ayaa wa xay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya ays an weli bixin lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo loogu talagalay gargaarka bini’aadantinimo ta asi oo ay hore u bixisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka Wasiir adaha baaq loogu diray hay'addaha gargaarka ee Caalamiga ah iney si gaar ah u eegaan me elaha ay adag tahay in la gaarsiiyo caawinaada oo ay ku dhibaateysan yihiin dadka Soom aaliyeed.

Nin dil geysanayey oo lagu dhex toogtay suuq ku yaalla M/ Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Dorraad koonfurta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa degaanka Weydow waxay ku dhex toogteen nin dil iyo dhaawac u geystay qof shacab ah iyo askarti ka tirsanaa ciidamada ammaanka. Ciidanka ayaa toogtay ninkii geys tay dilka iyo dhaawaca labadaas qof ee mid askariga ahaa, waxaana la soo bandhigay meydkiisa oo la kor saaray bistooladii uu dilka ku geystay.

Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhe xe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey) oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu toogtay ninkaas ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey dhacdadaas.

"Ciidanku waxay ku guuleysteen in ninkii di lka geysanayey ay isla goobta ku toogtaan, wa xaan gacanta ku heynaa hubkii uu dilka ku gey stay,” ayuu yiri Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka oo roondo ku jira ay la kulmeen falka uu geysanay ey ninkaas, iyagoo ku guuleystay inay isagiina goobta ku toogtaan.

"Wuxuu rabay inuu shacabka ku dhex dhu unto, laakiin mudnaantiisa ayaa la marsiiyey, di low dilbaa kuu dambey doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Yaas iin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey).

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey mudooyinkaan dambe, waxaana yaraaday dilkii iyo qaraxyadii ay ka geysa jireen kooxaha argagixisada ah, iyadoo taas loo sab abeynayo kacdoonka shacabka ee gobollada ka heysta kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala oo shaaciyey arrin ay billowday Al-Shabaab, kadib kacdoonka shacabka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka shacab ee ka billowday gobollada Hiiraan iyo Galgad uud.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in haat an kooxdu wajaheyso cadaadis xoogan oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo shac abka uga imaanaya, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay billowday xeelad cusub oo isaga jeedineyso dagaallada ku socdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay billowday isku dirka beelaha, isla-markaana ay jiraan dad ay lacag ku siisay arrintaas, si ay isaga horkeena an beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ku raadjoogaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waa faqsan.

Waxa kale oo uu xusay in hay’adaha am maanka ay la socdaan arrintaan, islamarkaana ay wadaan dabagal iyo baaris, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab.

"Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & am maanka daba socdaan Dad Al-Shabaab ay la cag ku siiyeen in ay qabaa’il isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta ba dan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goo baha culeyska ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan ciid amada Xoogga oo kaashanaya Macawiisleyda ee ku sugan HirShabelle & Galmudug.

Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleed ka socda Galgaduud

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u he shiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay laba Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya deegaanka Laanq aylo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degm ada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaq ay Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka deeg aanka Laanqaylo iney u istaagaan sidii ay u joo jin lahayeen colaada u dhax eysa la bada beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaankaasi.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalkaayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday waxay si ga ar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dagaalkii ku dhexmaray labadaan Malee shiyo beeleed deegaanka Laanqaylo oo 8 KM u jira degmada Xeraale ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, wa xaana dagaalkoodu uu salka ku haya lahaansh aha dhul ku yaala deegaankaasi.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa inta badan wa xay isku dagaalaan khilaafaad ka dhasha laha anshaha dhulka iyo daaqsinka Xoolaha, taasoo sababta in khilaafaadkaas uu isku badalo gac an ka hadal dagaal oo sababa in beelaha dag aalama ay soo kala gaarto dhibaatooyin la xa riira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya:-

Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo QM Warbixin ka siisay

 Abaaraha kajira dalka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Ca bdishakur Warsame, oo uu wehliyo Ku xigeenka Xogha ya guud ee Qaramada midoo bay Martin Grifiths, ayaa si wadajir ah warbixin u siiyay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga oo Isniintii gaaray waddanka Mareyk anka ayaamagaalada Ney York ka wada ku lamo iyo shirar is dabajoog ah oo loogu qareem ayo dad Soomaaliyeed ee Abaaraha samey een.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ergeyga ga arka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xil dhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, uu la kulmo madax kala duwan, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii Soomaal iya looga caawin lahaa waxka qabashada dhib aatada ay sababtay Abaarta.

Soomaaliya ayaa xilligaan meelo badan oo

ka mid ah waxaa kajirta abaaro daran oo saa

meyay dad iyo Duunyo.


Madaxweyne Puntland Siciid Deni oo Tali ye Ciidan u magacaabay Jeneraal Maxa med Siciid Xirsi

 Moorgan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulla ahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabs an magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca & Dhismaha Ciidanka.

Madaxweyne Deni ayaa Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweyna ha Puntland.

S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

S/gaas. Yasiin Cumar Dheere

S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen

S/guuto. Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)

S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi

Ugu dambeyn wareegtada waxaa lagu soo gabagabeeyey "Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay”

Nabadoon Xuseen Xaayow oo lagu dilay de gmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa gabal dhacii Berri ku toogtay degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir Allah u naxariiste Nabad oon Xuseen Xaayow Xalane oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqiinay magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste dilka Nabado on Xuseen Xaayoow Xalane ay aa la sheegay iney fuliyeen rag dhalinyaro ahaa, kuwaas oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana si deg deg ah uga baxsa day goobta ay ku dileen Marxuumka.

Lama oga cida ka dambeysa dilka Nabado onka, hayeeshee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dilka Nabadoon Xuseen Xa ayoow lala xariirinaayo dagaalamayaasha Al-shabaab oo beegsi ku haayo Nabadoonada iyo waxgaradka beelaha dagaalada kula jira, si ga ar ah beelaha Xawaadle iyo Habargidir oo go bolada Hiiraan iyo Galgaduud ka wada dagaalo ka dhan Al-shabaab.

Waxaa horay magaalada Muqdisho loogu dil ay Nabadoono kasoo kala jeeda Beelaha Haba rgidir iyo Xawaadle, kuwaas oo masuuliyada dil alkooda ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday Hay’adda IOM

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane. Biixi Iimaan Cige, ayaa Berri xafiiska ku qaa bbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaal ka Adduunka ee (IOM), Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yee sheen, waxaa diirrada la gu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soo maaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka ji ra, horumarinta mashaariicda taageeraya qoy saska nugul , dadka ku barakacay gudaha dal ka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

"Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada , ka jawaabida xaalada ha deg degga, taageerraya Dadka ka soo laa banaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . "ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM , Md. Maxamed Abdikheer oo bo ggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaall ad a wa saaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbi xin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Sooma aliya.

" Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay ina an xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacy ada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” Ay uu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka ayaa waxaa goob -joog u ahaa Wasii ru Dawlaha Wasaaradda , Md.Yuusuf Maxam ed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cisma an Libaax Ibraahim,Agaas imaha Guud, Md. Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tir san Wasaaradda iyo IOM.

Faahfaahin Qarax lagu dilay Askar katirsan Ciidamada dowladda oo ka dhacay Shabe ellaha Hoose

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Berri Barqadii waxaa uu ka dha cay degaanka lambar Konton oo hoostaga deg mada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhim asho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari ay saarnaye en Ciidamo katirsan kuwa Gorgor ee Millater iga Soomaaliya oo ka baxay magalada Muqdi sho kuna wajahnaa degaanka janaale ee Gobol ka Shabeellaha Hoose,waxaana Ciidamada ay ahaayeen kuwo dhawaan tababar ku qaatay magaalada muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kha saaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka aan goobjoogayaal ka helnay ay sheegayaan in askar katirsan ciidamada dowladda ay qar axaasi ku dhinteen.

Sidoo kale qaraxa ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in dha awac culus uu kasoo ga aray Sarkaal katirsan Ciidamada Millateriga oo lagu magacaabo Laba Xidigle Cabdi Gacal, hal ka wararka qaar ay sheegayaan in dhaawicii uu u geeriyooday.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee go bolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana jirtay in dhowr jeer wadada uu qaraxa ka dhacay qaraxyo lagula beegsad ay ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Qaar ka mid ah ceelashii Biyaha ee dhow aan Burburisay kooxda Argagixisadda Al-shabaab oo dib

 loo dhisayo

Xildhibaan kamid ah Dowlad goboleedka Hirshabeelle,Odoyaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah bulshada reer miyiga ah ayaa deegaan ka Bukure ku soo dhaweeyay shaqaalihii ka shaqeeyn lahaa ceelashii dhawaan ay burbur iyeen Argagaxisa Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabduqadir Dhagaweyne naba doon Cilmi iyo gudoomiye degaanka Bukure ay aa deegaanka kusoo dhaweeyay Injineer ada. Xildhibaanada iyo odoyaa sha ayaa ku sugan jiida ho re ee dagaalka ka socda ba riga iyo koon furta gobolka Hiiraan.

Xildhibaaanka iyo odoyaasha ayaa bogaadiyay dib u dhiska Ceelasha, waxaana ay sheegeen in dagaalka argagixisada iyo soo celinta ade egyada muhiimka ah ee bulshada ay is garab socon doonaan.

Gobolka Hiiraan wali waxaa ka socda baacs iga haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab, Iya doo Ciidamada dowlada iyo dadka degaanka ay wacad ku mareeyn in ay iska saaraan mal eeshiyada argagixisada Al-Shaab oo muda dhibaato ku heeysay dadka degaanadaasi.

400 arday oo u fariistay imtixaanka deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation

400 oo arday oo dhameysatay Dugsiyada Sare ee dalka ayaa Berri u fariistay deeqda waxbarasho sanadlaha ah ee Hay’adda Hor muud Salaam Foundation. Ardayda ku guule ysata imtixaankan ayay hay’adda ka caa win do ontaa waxbarashada heerka 1aad ee jaamacad da, oo si lacag la’aan ah ay ku dhigan

 Doonaan. Ardayda ayaa imtixaanka ku gashay Xarunta Hormuud Salaam Foundation ee M/Muqdisho,iyadoona laga qaad an doono 45-ka ugu dhibcaha sarre ya.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo go obta ka hadlay ayaa sheegay in deeqda waxba rasho ee HSF ay tahay mid hay’addu ay sanad kasta waxbarasho bilaash ahi ku siiso 45 ard ay, isagoo intaasi ku daray in imtixaanka loo ga lo si daahfuran, isla-markaana ay saxaan aq oonyahano ka madaxbannaan Hormuud Sala am Foundation, loona saxo si waafaqsan nidaa mka imtixaanaadka ee caalamiga ah.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ardayda Berri imtixaanta u fariisatay ay horey isugu di iwaangeliyeen habka Online-ka, ka dib ogeysiis socday muddo toddobaad ah. Waxa uu intaasi ku daray in barnaamijka deeqda waxbarashada ee HSF uu yahay mid loogu talagalay in lagu daydo, si loo garab qabto bahda waxbarash ada. Prof. Cabdi Axmed Baafo, Agaasimaha Hay’adda Dhaxalreeb oo isna goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay hannaaka ay HSF u soo aga asintay imtixaanka deeqda waxbarasho ee san adlaha ah, tani oo uu ku macneeyay mid si da ahfuran loogu tartamo, waxaana uu ugu baaq ay kuwa deeqaha waxbarasho bixiya inay ku daydaan HSF, oo si siman fursadaha waxbara sho u siisa dhallinta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Ho rmuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf oo furay imtixaanta ayaa sheegay inay farxad weyn tahay in Berri loo fariisto sanadkii afa raad oo xiriir ah deeqda waxbarasho, ee ay bi xiso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, ayna maalgeliyaan Hormuud Telecom iyo Sala am Somali Bank. Waxa uu xusay in sababta ay deeqdan waxbarasho u maalgeliyaan ay tahay in la dhiso hoggaanka mustaqbalka ee dalka, fu rsadna la siiyo ardayda Soomaaliyeed ee ay san waalidiintoodu awoodin inay ka bixiyaan kharashka jaamacadda.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambayn u mahad celiyay Maamulka & Howlwadeenada Hormuud Salaam Foudantion, juhdiga badan ee ay ku bix iyaan maarayntooda deeqda waxbarasho, ee sanadkiiba mar ay hay’addu bixiso.

Tirada dhimashada daadadkii dalka Pakistan oo korortay

Tirada dhimashada ee ka dhalatay daadad kii ku dhuftay Pakistan ayaa dhaafay 1400, iy adoo la saadaaliyay in roobab badan ay saac adaha soo socda ka di’ karaan koonfurta gob olka Sindh.

Dowladda Pakistaan ayaa ku baaqday inay dadka laga daad gureeyo goobaha daadadku ku badan yihiin sida gobolka Sindh.

Waaxda cimilada Pakistan ay sheegtay in roob ab culus la filayo in ay ka da’aan deegaano ba dan oo ka tirsan gobolka Sindh saacadaha soo socda. Ugu yaraan 638 qof ay aa ku dhintay go bolka oo ay ku jiraan 274 caruur ah.

Saamileyda Twitter-ka oo oggolaaday in shir kada laga iibiyo Elon Musk

Saamileyda shirkadda Twitter-ka, ayaa u co deeyay in la ansixiyo heshiis lala galay, Elon Musksi uu shirkadda ugu iibsado $44bn(£ 38bn

Go’aanka ayaa lagu gaar ay shir gaaban oo lala yeesh ay maalgashadayaasha, kaa soo ka dhacay xarunta shirkad da ee magaalada San Franci sco. Waxay la macno tahay in shirkadda Twi tter wixii haatan ka dannbeysa iney isku dayi doo naan iney ku qasbaan, Elon Musk, inuu shir ka dda uu iibsado, iyadoo la marayo maxk am adaha.

Kulanka ayaa daba socday marag fur yimid madaxii hore ee dhanka amniga ee Twitter-ka, Peiter Zatko, oo kahor marag kacay aqalka sen ate-ka ee dowladda Mareykanka.

Bishii Abriil, Twitter-ka, ayaa aqbashay in shirkadda laga iibiyo qofka ugu qanisan adduun ka, Elon Musk.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa hor ey u dhaqaaqin, kadib markii Musk uu ku eed eeyay inay marin habaabisay shirkadda Twitt er-ka waxyaabaha ku saabsan tirada dadka ka qeyb qaata dhinacyada kala duwan ee shirkada

Waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu iib sado shirkadda bisha May, balse shirkadda Twi tter-ka, ayaa ku doodaya in Musk aanu ka bixi karin heshiiska.

Gabar afduub ku qabsatay Banki ku yaalla Lubnaan oo hadal-heyn dhalisay

Haweeney ayaa afduub ku qabsatay shaqa alaha banki ku yaalla magaalada Beirut ee dal ka Lubnaan iyadoo dalbaneysa in ay u oggol aadaan in ay la baxdo lacag laga xayiray oo keyd u ahayd si ay walaasheed uga bixiso qa rash ay ku iibsato dawooyin.

Gabadhan ayaa lagu war ramay in ay bankiga ka tagt ay markii la siiyey lacag dhan 13 kun oo Doollar. Ma cadda in la xiray gaba dhaas iyo in kale.

Arrintan ay gabadhu ku qabsatay Bankiga ayaa sooctay muddo saacad ah.

Mudadii xaaladdu sooctay ayey gabadhu si to os ah muuqaalka ay usii deyneysay iyadoo dal baneysa in la siiyo lacagta .

Waxaa la arkayey haweeneyda oo leh ”an igu halkan uma imaan in aan qof waxyeelleeyo laakiin waxaan u imid In aan lacag qaato.”

Si la mid ah arrintan ayaa nin waxaa uu qa bsaday banki ku yaalla Aley isagoo dalbanayay in la siiyo lacag keyd u ahayd oo bankiga u taa llay.

Labadii dhacdo ee ugu dambeysay ayaa dha cay muddo toddobaadyo ah gudahood, xilli dad ka Lubnaan ay aad uga careysan yihiin xan nib aadda la saaray, taas oo loo sababeeyey dhiba atooyinka dhaqaale ee jira.

La bixidda lacagaha adag ayaa aad u adag iya doo la xadiday lagana xadiday dadka intiisa ba dan sanadkii 2019kii , markaas oo qiimaha lac agta Lubnaan ee Pound-ka uu sabbeynayey.

Dalka Lubnaan ayaa hataan ku jira niyad jab kii ugu dheeraa uguna xanuunka badnaa duni da, iyadoo in ka badan 80% dadka ay ku nool yihiin saboolnimo, ayna la daalaa-dhacayaan si dii ay cunto iyo daawo ku heli lahaayeen.

100 askari oo ku dhimatay ka dhacay xadka Azerbaijan iyo Armenia

Ku dhawaad 100 askari ayaa ku dhimatay da gaal Talaadadii ka dhacay xuduudda Azerbai jan ay la wadaagto dalka Armenia.

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in da gaalka ay ku weyday 50 askari, halka Xukuuma dda Yerevan ay dhankeedu sheegtay in dagaal ka looga dilay 49 askari. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka masuul yahay dagaalka, tani oo sare u qaaday baqdin ta laga qabo in dagaal ballaaran uu dib uga dhex qarxo labadaasi dal. Ruushka oo ciidamo nabad ilaalin ah ay ka jooggaan xuduudda lab adan dal ayaa ku baaq ay inay xiisadda qaboo jiyaan, isla-markaana ay ka waantoobaan da gaal dambe.

Wasaaradda Arrim aha Dibadda Ruushka ayaa sheegtay in Moscow ay ku hawlan tahay dhabo isku dheelitiran oo xasaasi ah, oo ay ku sii wadeyso xiriirka ay leedahay labadaasi dal, ee horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet.

Moscow ayaa hadda xiriir dhaqaale iyo mid am ni la leh Armenia, oo martigelinaysa saldhig mil itari oo Ruushku leeyahay, iyadoo sidoo kalena wada shaqayn dhow la samayneysay Xukuuma dda Baku.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasa araha badnaa, tan iyo markii ay bilaabatay col aadda labadaasi dal, bishii September ee san adkii 2020.

Caro ka dhalatey wariye ammaaney gumey sigii Ingiriiska ee Hindiya

Tucker Carlson, oo ka tirsan kanaalka Mar eykanka ee Fox News, ayaa sheegay in Hind iya aysan soo saarin wax cajiib ah oo qaab dhis meedka ka dib markii uu dhammaaday xukunkii Ingiriiska.

Barroosinka ayaa hadalkan jeediyay xilli la gu guda jiray bandhiga boqoradda Elizabeth II oo dhimatay usbuucii hore, iyadoo jirta 96.

Hadaladiisa ayaa lagu dhaleecee yay inay ku til maameen cunsurini mo, isla mark aana aysan xog-og aal u aha yn si yaasiyiinta, faallooy inka iyo dadka isticmaala baraha bulshada.

Waxa ay ku soo beegmayaan xilli geerida boq orada ay soo nooley say dood xasaasi ah oo ku saabsan gumey stihii boqortooyada.

Maalmihii la soo dhaafay, tiro badan oo qor aayaal iyo aqoonyahanno caan ah, oo ku kala nool daafaha dunida, oo ay ku jirto dalka Hind iya, ayaa dhaleeceeyay Boqortooyada Ingiriis ka oo, sida ay sheegeen, aan weli la xisaabinin sharaf-darrada iyo naxariis-darradii ay ka gey satay Boqortooyada.

Carlson ayaa waxa uu damcay in uu dood dan ku beeniyo bandhigiisa toddobaadkii ho re, isagoo ku andacoonayay in boqortooyadii Ingr iiska ay "ay ka badan wax qabashadeedu xas uuq”."Wadamada xoogga badan ayaa ka taliya wadamada daciifka ah, qaabkani isma bedelin wali,” ayuu ku yiri muuqaal ka soo muuqday Twitter-ka.

Wariyaha ayaa wuxuu intaa ku daray in si ka duwan Maraykanka, Ingiriisku "ay si dhab ah u qaateen mas’uuliyadooda gumeysiga” oo ay ku maamuleen adduunka "akhlaaq aan la barbar dhigi karin boqortooyo taariikhda aadanaha soo marta”.

"Markii Ingiriisku ka baxay Hindiya, waxay ka tageen ilbaxnimo dhan, sida af, nidaam sharci, xarumo iskuul, kaniisado iyo dhismayaal dad weyne, kuwaasoo dhammaantood ilaa Berri la isticmaalo,” ayuu yiri.

Weerar ka dhacay Daanta Galbed oo lagu di lay laba Falastiiniyiin iyo sarkaal

 Israa’iili ah

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay la ba nin oo hubeysan oo Falastiini ah Arbaca dii, kadib iska horimaad ka dhacay meel u dhow xud uudka la haysto ee Daan ta Galbeed, kaas oo sidoo kale lagu dilay sarkaal ciid an, si da uu sheegay afhayeen u had lay milater iga Isreal. Da anta Galbeed oo ka mid ah dhulka ay Falastiiniyiintu dawladnimada u ra adinay aan, ay aa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhac ayay ra bshado isa soo taraya, iyadoo Israa’iil ay xooj isay duullaanka kadib markii ay bateen weerar ro halis ah oo Falastiiniyiintu ay ka gey steen magaalooyinkeeda.

Ka hor waaberigii Arbacadii, ayuu yiri afhay eenka milatariga, waxa uu shee gay inay bart ilmaameedsa deen laba nin oo lagu arkay iya ga oo kusoo wa jahan xayndaabka Israa’iil ee ku taal soohdinta Daanta Galbeed ee u dhow Jenin, magaalada Falastiiniyiinta oo ay ku dho wdahay habeenni madii isku dhac dhinacyada.

Waxa uu sheegay in ragga la toogtay la sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan ciidanka Isreal. Guutada Jenin oo ay ku mideysan yihiin koxo hubeysan oo falastiiniyiin ah ayaa sheeg tay in labada nin ee hubeysan ee la dilay ay ka tirsan yihiin, waxayna xaqiijiyeen inay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada Israel. Reuters.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hawe enka Gobolka kala qeybgalay Bandhig Dha qameed lagu qabtay Aqalka Dowlada Hoose

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xu seen Jimcaale (Madaale) ayaa Haweenka Go bolka Banaadir kala qeybgalay Bandhig Dhaqa meed kooban oo ay ku qabteen xarunta Aqalka Dowla da Hoose ee Xamar, kaasi oo ay kusoo Bandhigeen cuntooy inka kala duwan ee dalkeena ka baxa iyo Agabyo ka turjumaya Astaamaha Hidaha iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinayeen Kuxi geenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghay aha Guud, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Haweenka kula dar-daarmay xoojinta dhaqan ka iyo ka qeyb-qaadashada, Xasiloonida, Bilic da iyo Horumarka Caasimada.

Wararkii ugu dambeeyey ee duqeymaha TIGRAY

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ay aa lagu garaacay duqeymo cirka ah Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maa mulka TPLF ee halkaas ku sug an ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay inay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa wax aa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hos pital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

"Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaar ay Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jir ta ciidamada Itoobiya iyo xulafadeeda muddo ku dhow 2 sano ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay "duqeysay” jaamacadda Me kele subaxnimadii Talaadada, halkaas oo ay ka geysatay khasaare naf iyo maalba leh.

"Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuu madda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadaha dal nabadeed,” ayuu afhayeenka TPLF Kinde ya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Dimtsi Wayane, oo ah Shabaka TV oo ku xir an TPLF, isla markaana baahisa wararka Tigra yga, ayaa sheegay in sidoo kale la duqeeyay xarunteedii, taas oo qasabtay in hawada ay ka baxdo”ayna geysatay khasarenaf& maalbaleh”.

AFP ma aysan awoodin in ay si madax bana an u xaqiijiso sheegashooyinka. Gelitaanka wa qooyiga Itoobiya ayaa si aad ah loo xaddiday, gobolka Tigraygana waxa ay ku jirtay xanniba ad isgaarsiinta ah muddo sannad ka badan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay aan ka hadlin duqeymaha la sheegay in lagu sa meeyay, iyada oo af hayeenka dawladduna aanu ka jawaabin codsiyo la xiriira inay dhinaco

od ka hadlaan arrintan. VOA + AFP.



LABA QODOB OO LA QARIYEY OO LOOGA HADLAY SHIRKII XASAN IYO MADAX GOBOLEEDYADA


Shirkii u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa Isniintii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Marka la eego war murtiyeedka ay soo saareen madaxda macno la’aan ayuu noqon karaa, balse waxaa jira waxyaabo aan warqadda lagu qorin, balse ahmiyad weyn u lahaa shirka oo ay madaxda isku soo hadal qaadeen.

Dadweynaha waxay sugayeen inuu shirka golaha wada-tashiga qaran jihe eyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, laakiin sida loo dhigay qoraalka ay madaxda soo saartay ma muuqan macno weyn fartana kuma ay san fiiqin madaxdu dariiq fudud oo lagu garab siin karo beelaha hubka qaatay ama lagu soo afjari karo Al-Shabaab.

Waxaa jirtay laba qodob oo si weyn isha loogu wada-hadayey inuu shirku taabto, waana muranka lacag boqol Milyan ah oo uu bixiyey Ban kiga adduunka iyo muddo kororsiga ay madaxda maamullada qaar sam eysteen.

Inkastoo aan arrimahaas war-murtiyeedka looga hadlin, haddana xogta gaarka ah ee aan helnay waxay sheegeysaa in laga hadlay qodob ada kala ah:

Arrinta lacagta

Madaxda ayaa isku soo hadal qaaday cadadka maamul goboleed walba laga siinayo lacag boqol Milyan ah oo dollar ah, taas oo Bankiga Adduunka uu bixiyey. Maamul walba waxaa markii hore loo qorsheey ey Afar Milyan oo Dollar, laakiin Puntland ayaa dhinac isaga riixday xisa abtaas.

Shirku wuxuu is afgaarad hordhac ah ka gaaray in Puntland loogu daro 2 Malyan oo Dollar oo la gaarsiiyo lix Malyan, waxaa kaloo isku soo dhawaansho laga sheegay in maamul walba laga jaro 500 Kun oo Dollar oo Puntland la siiyo Lix Malyan, maamullada kalena la siiyo min 3.5 Mal yan oo Dollar.

Heshiiska arrintaan lama dhameystirin wada-hadal ayaana ka dhim an, laakiin ma jiro maamul diidan in Puntland la siiyo 6 Malyan oo Dollar, dabacsanaan in wax laga jaro ayey muujiyeen maamulada sida uu xaqiij iyey mid kamid ah madaxda maamulada oo aan la hadalnay.

Puntland waxay ku doodeysaa in marka la eego howlaha ay gacanta ku heyso iyo da’da ay jirto inay mar walba xaq u leedahay inay wax dhee raato maamulada kale.

Warar dheeraad ah oo isla qodobkaan ku saabsan ayaa sheegaya in maamulada qaar qabaan in 1 Malyan oo Dollar iyaga laga jaro Hal Malyan ay ku darto dowladda federaalka ah oo sidaas labada Malyan ee dheeriga ah lagu siiyo Puntland.

Arrinta muddo kororsiga

Qodobkaan oo aad isha loogu wada-hayey ayaa la xaqiijiyey inuu halmar si dulmar ah uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud intii uu socday shirka.

Madaxweynaha wuxuu ku yiri maamulada arrimaha muddo xileedka si guud ayaan go’aan uga gaareynaa ee waxaan gaar gaarka ah iska dh aafa , iyadoo Galmudug si gaar ah loo yiri idinkuna waxaan aad hadda wadaan joojiya

Qoo Qoor oo isla qodobkaas goobta uga jawaabay waxaa la sheeg ay inuu yiri ma jiraan wax gooni ah oo aan wadno .

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ee ah in si guud go’aan looga ga aro muddo xileedka wuxuu daba socdaa arrin lagu gorfeeyey shirkaan midkii ka horreeyey ee Xasan Shiikh iyo maamulada markaas oo miiska la soo saaray in la hagaajiyo muddo xileedka oo ugu yaraan laga fakaro inuu dalku galo laba doorasho.Doodaas hore ee uu daba socdo hadalka madaxweynuhu waxay sheegeysay in hal waqti laga dhigo doorasho oy inka maamul goboleedyada midda federaalkana halmar si aan ummadda looga lumin waqtiga.

Inta sano oo ay kala dambeyn karaan labada doorasho ee labada he er iyo sida loo maareyn karo in dhammaan doorashooyinka maamul go boleedyada hal waqti laga dhigo weli lagama doodin, laakiin sida iska cad haddii lagu heshiiyo mideynta doorashooyinka heer maamul gobole ed waxaa ka dhalanaya muddo kororsi ka badan midka hadda muuqda

Xigasho:-caasimadda.net


.

FAALLO:-MUDDO KORORSIGA IYO DAG AALADA MUSTAQBALKA!!!.

Haa, (Madaxda Maamul Gobaleedyada).Maya, (Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada).

      M M G.Ayaa Bilaabay in ey ku dhaqaaqaan wax ka mid ah wixii uu diiday Mid ka mid ahaa Faraacinadii Masar oo Boqor

ahaa illaahnimana sheegatay.Muddo kororsigu dha maantiisba waa ballan ka bax Xaaran ah oo Dadka Cumrigooda laga xadayo iyo in aan la dhowrin wixii lagu heshiiyay, taa oo ah kali talisnimo heer Gobal ah.

    Muddo kororsiga waxaa saacido Baarlamaanda oo aan Awood u leheyn in dhowraan wixii lagu heshi iyay, Shakhsiyaad aan dhowrin amaanadda Shacab ku u dhiibtay iyo kuwo Dadka aan ku matali karin rabitaankooda

Muddo kororsiga, Waxaa ka dhalanayo in Dadka qaar isla Maamulkooda ah oo awood Qabiil leh ey iyaguna xilka ka qaadi waayaan, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Gudoomiye degmo.

     Madaxda Maamul Gobaleedyadu badanaa ma jeclo in dee gaanadoodu ey Gacantooda soo wada galaan, sababta oo ah waxaa ku ballaaranayo dhulka ey deganyihiin Qabiilada kale oo eynan awood ku maamuli karin.

     Kacaanada ayaa dhihi jiray, Dalka ayaan u xasilineynaa, kadib ayaana qabaneynaa Doorasho, taa oo ku dhamaato in uu geeriyoodo ama Dagaal lagu eryo.

2020, Somalia Barlamaankii iyo Madaxweynihii ayaa qorsheeystay muddo kororsi, iyaga oo taageero ka helayo Maamul gobaleedyo ey sameeysteen iyo Wadamada deriskaa oo u ballan qaaday in arrintaa ey xoog ku fulin doonaan.

     Laakin waxaa ka hor yimid Shacabkii iyo Goballada qaar.

     Africa waxaa jiro Tusaalayaal badan oo muddo kororsi ku saabsan Kuwii ugu dambeeyay ee is ku dayay Muddo kororsi waxaa ka mid ah: -

Zambia 2001, Malawi 2007, Nigeria 2006, Niger 2009 iyo Burkina Faso 2014, intaba laguma guuleysan waxaa diiday Dadkii waxaana dhacay Dagaalo sokeeye.

        Madaxweynihii Burundi Mr.Pierre Nkurunziza ayaa isku dayay Muddo kororsi 2015.

      Dad badan ayaa ku dhintay, Nus Million Muwaadin ayaana ka qaxay Dalkii.

                    Waxaa Dastuurkooda ku qorneyd in Madaxweynaha 2 mar la doorto, lakain markii Saddaxad si loo doorto ayuu Dastuurkii bedelay, waxa uuna yiri:- Dastuurkii hore waxaa ku qornaa in Madaxweynaha in 2 mar Barlamaaku doorto, Laakin, waxaa kan cusub ku qoran in 2 mar Shacab ku doorto, Aniga Hadda Shaciga cusub ee aan sameystay ayey iila bilaabanee Markii hore Baarlamaan, Hadda shacabka koow ka bilaaba.

       Waxa uuna khasbay Maxkamad Dastuuriga ee Dalka

     .Hadda Madaxweynayaasha Ivory Coast iyo Guinea ayaa ku daysaday.

     Kadib markii qodobo Sharci ahaa si khaldan loo tarjumay.

     Madaxweynaha Ruwanda Paul Ka game ayaa 2017 sameeyay farsame uu xilka ku sii hey karo illa 2034.

     Ururka Midawga Africa oo shaqdiisa ey ka mid tahay inaan la aqoonsan Afgambiyada Ciidamada iyo Doorashada sharci darrada ah ayaa iska indha tiray waxa dhacayo.

      Somaliya, Adan Cadde oo kaliya ayaa muddo xileedkiisii soo gaabiyay wakhtigiisii oo dhiman, inta kale Mudadii ka dheerayeey joogeen ama Duruufo ayaa khasbay in ey kursiga baneeyaan mudadii oo aan la gaarin.

       Taa oo ku dhamaatay "in aan joogo jeclaay”

     .Somaliya jawigaan cusub ee Muddo kororsiga Maamul Gobaleedyadu, wax uu mustaqbalka keeni doonaa, in sharcigii lagu heshiiyay aan la dhowrin iyo Dagaalo Qabiil iyo isbaheysi Qabiil oo isla Gobalada dhaxdooda Xoog la isku sheegto in uu dhaco.

       Ka aamusnaanta Dowlada iyo Golayaasha  Qaranka ayaa muujinee in iyaga laftooda uu damac ku jiro.

      Ogoow, Muddo kororsi kasta, waa la sii kordhiyaa. 

     Ogoow, Talaabada Berri qaloocato ee shacabku ka aamuso, Berri ayuu ku bixi doonaa dhiig badan.

Gunaanad.

Hala badbaadiyo Dalka ( F.S: 1 & 2aad)

Hala badbaadiyo Mustaqbalka jiilka dambe. ( F.S: 3aad)

Haddii taa la waayo waa ( F.S: 4aad)

Xagee naloo wadaa.

Maxaase xal ah ( F.S: 5 & 6aad)

FG: Aragtidaada xur ayaad u tahay wixii ka khaldan ka sax wixii dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip