Boqoradda iyo 'Weji-furfurnaanteedii aadka u wanaagsaneyd'

0
Monday September 12, 2022 - 22:35:55 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqoradda iyo 'Weji-furfurnaanteedii aadka u wanaagsaneyd'

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Weji-furfurnaantii Boqoradda waxay qeyb muhiim ah ka ahayd dabeecaddeeda

Boqorad Elizabeth II, oo ahayd boqoradda UK 70-kii sano ee la soo dhaafay, waxa ay boqortooyada majaraha u heysay xilliyo ay soo mareen xaalado adag. Doorkeeda dhinaca nolosha bulshada waxa uu ahaa mid si adag u xakameysan, waxaana khasab ahayd in ay la soo baxdo weji aan gabbasho lahayn, laakiin, gaar ahaan sanadaheedii dambe, waxay na tustay weji furfuran.

Wareysi uu horraantii sanadan BBC-da siiyay Amiirka Sussex ayuu hoosta uga xarriiqay in "weji-furfurnaantii" ayeeyadiis ay ahayd tayadeedii ugu wanaagsaneyd.

Taariikhyahanka, ahna qoraaga, Sir Anthony Seldon, ayaa sheegay in maaddaama aysan si qallafsan u dhaqmin darteed: "ay taasi si weyn uga qeyb qaadatay guulaha boqortooyadeeda."

"In qosol lagu dhaafo waxyaabaha ayaa u ahayd xeelad muhiim ah oo lagu badbaado," ayuu yiri taariikhyahanka boqortooyada, Robert Lacey, oo sidoo kale hadlay ka hor geerida Boqorad Elizabeth II oo ku dhimatay 96 sano.

Kuwan waa keliya qaar ka tirsan marxaladihii iyo dhacdooyinkii na tusay waji furfurnaanteedii.

Shaah ay munaasabaddii Jubilee kula wadaagtay jilaaga loo male'awaalay carruurta ee Paddington Bear

Xilli ay qeyb ka ahayd damaashaadka munaasabadda 70-guuradii boqortooyadeeda oo dhacday bishii Juun, waxaa muuqaallo laga duubay Boqoradda oo shaah la cabeysa jilaaga loo male'awaalay carruurta ee loo yaqaanno Paddington Bear, taas oo qeyb ka ahayd riwaayad ay BBC-da xafladda ku furtay markii Qasriga lagu xusayay 70-kii sano ee ay boqoradda ahayd.

Iyadoo la sugayo in ay fantasyaha billowdaan, Paddington ayaa ka codsaday inay la wadaagto cunto uu heystay - oo ahayd rootiga loo yaqaanno marmalade sandwich. "Mar kasta mid ayaan u keydiyaa arrimaha degdegga ah," ayuu ku yiri, isagoo hal rooti ka soo bixiyay koofiyaddiisa cas ee caanka ah hoosteeda.

"Aniga xitaa sidoo kale," ayay ku jawaabtay Boqoradda, iyadoo furtay boorsadeeda madow ee astaanta u ahayd, oo ay hal mid kala soo baxday.

Paddington Bear amongst flower tributes

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Dhambaalka tacsida ee Paddington Bear wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha lagu so dhex riday fiyooreyaasha

Ciyaaraha Invictus 'dagaal-hadal'

Prince Harry and the Queen

XIGASHADA SAWIRKA,KENSINGTON PALACE

Qoraalka sawirka,

Prince Harry iyo Boqoradda oo ka muuqda muuqaal shactiro ah oo ay kula jiraan reer Obama

Sanadkii 2016, Boqoraddu waxa ay kasoo muuqatay muuqaal kale oo aad u faafay - iyadoo uu la jiray wiilka ay ayeeyada u ahayd ee Amiir Harry, si ay u xayeysiiyaan ciyaaraha Invictus Games (oo loogu talagalay ragga iyo dumarka ciidanka ka tirsanaa ee dhaawacmay ama xanuunsan, kuwooda weli shaqeeya iyo kuwa rug-caddaayada ah labadaba).

Labadooduba waxay daawadeen farriin muuqaal ah oo ay u soo direen madaxweynihii hore ee Mareykanka iyo marwada koowaad, Barack iyo Michelle Obama, kuwaasoo xujo-ciyaareed ku xirtay Amiir Harry.

Boqoradda ayaa ku jahwareertay. "Oh Runtii, fadlan," ayay tiri.

Prince Harry and the Queen

XIGASHADA SAWIRKA,KENSINGTON PALACE

Qoraalka sawirka,

Amiir Harry oo sameystay 'calaamad u gaar ah oo u eg sida marka ay fannaaniintu makarafoonka u dhigayaan si cajiib ah'

Matalaad fiican

Queen laughing

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Marka ay kaligeed tahay, Boqoradda waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd qof ku fiican matalaadda, iyadoo iska raadin jirtay lahjado iyo qaabab hadal, sida uu sheegay Lacey, oo ah taariikhyahan la shaqeeya musalsalka Netflix ee The Crown.

Waxaa kale oo lagu yaqaannay inay si gaar ah si fiican ugu matali jirtay hoggaamiyihii hore ee Ruushka, Boris Yeltsin, sida ay sheegtay Karen Dolby, oo ah qoraaga buugga taariikh-nololeedka Boqoradda ee "the Wicked Wit of Queen Elizabeth II."

Waxa ay sidoo kale matashay siyaasiyiin kale iyo jileyaal TV.

Lacey waxa uu ku tilmaamay kaftanka iyo furfurnaanta Boqoradda mid inta badan ahaa "mid iyada ku saabsanaa oo ay si fudud shactiro isaga sameyn jirtay".

Waxa uu xusay in ay jirtay mar uu siyaasi ceeb dareemay kaddib markii uu telefoonkiisa ka damay isagoo la jooga Boqoradda.

Markii telefoonka uu damay kaddib, Boqoradda ayaa tiri: "Waxaan rajeynayaa in uusan ahayn qof muhiim ah."

Doolsho ay ku jartay seefta astaanta ah

The Queen trying to cut a cake with a ceremonial sword
Qoraalka sawirka,

Boqoraddu waxa ay ku adkeysatay in ay doolsho ku jarto seefta astaanta ah ee boqortooyada mar ay joogtay munaasabadda mashruuca Eden ee ka dhacday Cornwall

Boqoraddu waxa ay jartay doolshooyin badan intii ay nooleyd, marna waxay u adeegsatay seefta astaanta ah. Waxa ay isku dayday qaabka lama-filaanka ah mar ay ku sugneyd munaasabad samafal ah oo ka dhacday Cornwall.

Markii uu qof isxilqaamay xusuusiyay in ay jirto mindi caadi ah, Boqoraddu dheg jalaq uma aysan siin.

"Waan ogahay in ay jirto," ayay ku diidday, iyadoo galka kasii bixisay seefta. "Tan baa qeyrul-caadi sii ah."

Shactiro qayaxan

Dolby waxa ay si gaar ah u jeceshahay sheekada ku saabsan Boqoradda oo si lama-filaan ah ula kulantay dalxiiseyaal Mareykan ah xilli ay roob ku dhex lugeyneysay, meel u dhow gurigeeda ku yaalla Balmoral, iyadoo uu la socday askari waardiye u ah.

Iyagoo aan aqoonsan labiskeeda, ayay dalxiiseyaashu weydiiyeen in ay waligeed la kulantay Boqoradda iyo in kale.

"Maya, balse kan ayaa la kulmay," ayay ku jawaabtay, iyadoo farta ku taageysa askarigii waardiyaha u ahaa oo dhinaceeda jooga.

Queen laughing

XIGASHADA SAWIRKA,MAX MUMBY/INDIGO

Qoraalka sawirka,

Boqoradda waxaa lagu tilmaamay in ay ahayd qof aad ugu fiican sida wax loo canjilo

Mar kale oo ay ku jirtay safar khaas ah, xilli ay ka dukaameysaneysay Norfolk, ayuu qof dukaanka ka shaqeynayay ku yiri: "Waxaad u egtahay Boqoradda."

Hadalkaas ayaa la sheegay in ay Boqoraddu ugu jawaabtay: "Shaki kuma jiro."

Waxaa jira dhowr qaab oo loo soo tebiyay sheekooyinkan - balse dhammaantood waxay wadaagaan kaftan qayaxan.

Yaa ku dhaca, Windsor

Weji-furfurnaanta iyo kaftanku waxa ay sidoo kale ka caawin jireen in ay ku dejiso xiisadda marka ay dadka la jooga dareemaan welwel.

Sir Anthony waxa uu sheegay inay lahayd "awood lagu maaweeliyo oo ay ku aragto dhinaca qosolka leh ee nolosha".

Boqoraddu waxa ay la kulantay majaajiliisteyaal badan, oo uu ku jiro Tommy Cooper, oo, Dolby ay ka sheekeysay mar inuu weydiiyay Boqoradda in ay jeceshahay kubbadda cagta. Markii ay qiratay in aysan si gaar ah u xiisayn, waxa uu ku yiri: "Hadday sidaas tahay, ma heli karaa tigidhadaada ciyaarta kama dambeysta ah ee FA Cup?"

Queen and Prince Charles laughing together

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Qosolku waxa uu nafis muhiim ah u yahay xaaladaha welwelka leh

Majaajilada British TV, ee lagu magacaabo the Kumars at No. 42, ayaa la sheegaa in uu yahay kan loogu jecel yahay boqortooyada.

Nafis la wadaagay

Boqoraddu waxa ay inta badan ahayd mid la kormeero, taas oo ah diiradda saaran dadka mas'uuliyiinta sare ah.

Qosolka ayaa jawaab muhiimad weyn leh u ahaa xaaladaha welwelka leh ee noocaas ah, sida ay sheegtay Audrey Tang, oo ka tirsan waaxda caafimaadka dhimirka ee boqortooyada.

"Waa calaamaddaas nafiska la wadaagay ah," ayay tiri.

Queen joking

XIGASHADA SAWIRKA,PHIL NOBLE

Qoraalka sawirka,

"Yeynaan aad ugu adkaanin nafteenna," ayay tiri Boqoradda oo direysay farriinta ciidda Christmas-ka

Qosolka iyo in xiisadda la dejiyo waxay dadka ku dareemaan fiicnaan jir ahaaneed.

Sidoo kale waa "khibrad isku xirnaan ah", Boqorada iyo Amiir Philip ayaa la sheegay inay wadaageen awood weyn oo ay wadajir ugu qosli jireen.

Laakiin way adkaan kartaa.

In si gaar ah loo qoslo arrin dhacday kaddib wey fiican tahay - balse qof kasta wey ku dhacday inuu qoslay mar khaldan.

"Dareenka aan la isku raacsanayn" ee noocan oo kale ah wuxuu noqon karaa jawaab dabiici ah oo aan ikhtiyaar ahayn oo lagu dareemo culeys ama rabitaanka in la yareeyo walbahaarka daqiiqad," ayuu yiri Dr Tang. Dolby waxay sharraxday markii Boqoraddu ay u muuqatay inay la dagaallameyso qosolka xafladda saxiixa rasmiga ah, kaddib markii raysul wasaaraha Canada Jean Chretien uu ka gudbay qalinkiisa kaddibna si maqal ah uu u dhaartay.

The Queen and the Duke

XIGASHADA SAWIRKA,CHRIS YOUNG / PA MEDIA

Qoraalka sawirka,

Sawir-qaade ayaa sawiray Boqoradda oo qosleysay xilli ay shinni qalalaase sameyneysay

"Waxay jeceshahay wax aan macquul ahayn - marka ay arrimuhu qaldamaanna, waxay u badan tahay inay ku shactireysato intii ay xanaaqi lahayd," ayuu yiri Sir Anthony. Sawir-qaade Chris Young ayaa qabtay Boqoradda oo aad u qosleysa markii shinni badan ay carqaladaysay dib u eegista milatari ee Windsor Castle, 2003.

"Waxaan gartay inay ahayd xaalad bani'aadannimo," ayuu yiri Young. "Waxay u qoslaysay sidii gabar yar." Dhambaalkeedii Christmas-ka ee 1991, Boqoraddu waxay ku sheegtay sida ay u aragto inay yeelato dareen kaftan ah. "Yaynaan nafteenna si dhab ah u qaadan," ayay tiri. "Ma jiro qof naga mid ah oo keli ku ah xikmadda."

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip