Uhuru Kenyatta: Maxaa lagu xusuusan doonaa, madaxweynaha xilka ka sii dagaya?

0
Monday September 12, 2022 - 15:06:49 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta: Maxaa lagu xusuusan doonaa, madaxweynaha xilka ka sii dagaya?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mar uu arday weydiiyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 sida uu u jeclaan lahaa in lagu xasuusto marka uu xafiiska ka tago, waxa uu u muuqday mid su’aashaasi ay ku dhegtay, ka hor inta uusan carrabaabin laba arrimood.

"Midi waa inaan ka tagayo bulsho midaysan, isku duuban, tan labaadna waa inaan ku guulaysanay dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa,” ayuu ku yiri.

Isaga oo isu diyaarinaya in uu xilka baneeyo laba xilli doorasho ka dib, ayaa waxa uu xilka ku wareejinayaa William Ruto, saaxibkiisii hore ee ay markii dambe iska soo horjeesteen. Haddaba miyuu ku guulaystey hadafyadaas uu carrabka ku dhuftay iyo kuwo kale?

Tallaabadii ugu muhiimsaneyd ee loo qaaday dhanka midnimada qaranka waxay ahayd bishii Maarso ee 2018-kii ka dib markii uu gacan qaaday hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo ahaa ra'iisul wasaarihii hore taasoo calaamad u ahayd xabad joojintii khilaafkooda siyaasadeed.

Hadda "gacan-qaadkaas" caanka ah ayaa soo afjarmay ka dib hubanti la'aan iyo qalalaasihii siyaasadeed ee bilihii la soo dhaafay ka socday Kenya taas oo ay sababtay murankii ka dhashay doorashadii dhawaa dhacday ee ay Maxakamaddda ugu sarreysa soo afjrtay.

Laakiin heshiiskii Kenyatta iyo Odinga si fiican uguma uusan qancin madaxweyne ku xigeenkiisii William Ruto, oo ku andacoonayay in uu meesha ka saaray ajandahooda iyo hamigoodii ahaa in sare u kaca raashinka la xakameeyo, daryeelka caafimaadka laga dhigo mid caalami ah, guryaha ay noqdaan kuwa la awoodi karo, iyo kor u qaadida wax soo saarka.

Tani waxay ugu dambeyntii keentay in labada nin ay isku dhacaan, iyadoo Mr Kenyatta uu kala laabtay taageeradii uu u haayay Mr Ruto, taa bedelkeedana uu ku taageeray musharaxii la tartamaya ee Mr Odinga.

Xiisada u dhaxeysa Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa sii socotay xitaa doorashada kadib. Weli si cad uguma uusan hambalyeeyn Mr Ruto guusha uu gaaray, inkastoo uu sheegay in uu fududeyn doono in si habsami leh xilka loogu wareejiyo.

Uhuru iyo Raila

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Midnimada uu raadinayey Mr Kenyatta ayaa laga yaabaa in aysan u muuqan sidii uu rabay, balse dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in ay muhiimad gaar ah u leedahay waddan doonayey in uu ka baxo qalalaasaha baahsan ee qowmiyadaha ku saleysan ee ka dhashay doorashooyinkii lagu murmay ee 2007-dii, kuwaas oo qaarkood ay dad ku dhinteen. 1,200 oo qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena waxa lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan.

Doorashadii dhawaan ku dhamaatay si nabad ah ayaa dadka wax falanqeeya ay rumeysan yihiin in Mr Kenyatta uu ku guuleystay dadaalkiisa ku aaddan in uu midnimo keeno, islamarkaana uu dhiso bulsho wada jir ah, xitaa hadii uu musharixiisii Mr Odinga uu guul dareystay.

"Heshiiskii iyo is gacan qaadkii waxa uu horseeday midnimo, sababtoo ah haddii ay jiraan wax dalkan kala qaybinaya oo eeyaha u tuuraya, waxa ay ahayd fikradda guud ee dadka qaarkii ay dareemeen ee ah in laga saarayo – fikradda ah in dawladdu aysan ka tirsanayn oo qabaa’ilo gaar ah ay maamushaan," ayuu yiri Egare Kabaji, oo ah borofasoor oo wax ka dhiga Jaamacadda Masinde Muliro ee Sayniska iyo Tignoolajiyada (MMUST).

Hase yeeshee heshiiskan ayaa waxa uu horseeday in dowladda aysan yeelan wax mucaarad ah:

"Waxay soo kordhisay jahawareer ku saabsan cidda dawladda ku jirta iyo cidda aan ku jirin," ayay tiri Nerima Wako-Ojiwa, oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo madaxa Siasa Place, oo ka caawisa dhalinyarada inay ku lug yeeshaan siyaasadda.

Maqnaanshaha mucaarad xooggan oo hubinaya xad-gudubka dowladda ayaa laga yaabaa inay door ku lahayd inuu Mr Kenyatta ku guul darreystay inuu joojiyo musuqmaasuqa baahsan iyo lunsiga hantida dadweynaha.

Isagoo u ololeynayay Mr Odinga, waxa uu qirtay in uu aad uga gaabiyay la macaamilka shaqsiyaadka ku lugta leh musuqmaasuqa. Sannadkii 2021-kii, wuxuu sheegay in waddanku uu maalin walba musuqmaasuq ku luminayo lacag dhan 2 bilyan oo shilinka Kenya ah taas oo u dhiganta 17 malayan oo doolar.

"Aniga ahaan, su'aasha iska cad waxay tahay: 'Hagaag, haddii aad taas ogtahay, maxaad wax uga qaban weyday?' Waxaa jira kiisas badan oo maxkamadda la geeyay, laakiin waxaad mooddaa inay ku socdaan waddo qaldan," ayuu yiri Nikhil Hira, oo ah khabiir ku takhasusay canshuuraha ee ka howlgal Kody Africa.

Mashruuca Tareenka Kenya aytaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa tan iyo markii ay Kenya xornimada qaadatay.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Maamulka Mr. Kenyatta ayaa maalgalin ballaaran ku sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka oo dhan iyadoo la fuliyay mashaariic kala duwan oo ka mid yihiin biyo-xireenno waaweyn, garoomada ciyaaraha, korontadda, jidadka tareenada iyo waddooyinka sida waddada Nairobi Express.

Maalgelintan waxaa suurtageliyay deyn aad u badan oo inta badan laga amaahday Shiinaha , laakiin su'aalo ayaa laga keenay qarashka ku baxay, qiimaha lacagta iyo in muwaadiniinta aysan ka faa’iidin maalgashigaas.

Tusaale ahaan, Tareenka Standard Gauge Railway (SGR) ee Shiinaha uu ka dhisay magaalo-xeebeedda Mombasa ilaa Nairobi waxa ku kacay qarash dhan 3.2 bilyan oo dollar taasoo falanqeeyayaasha ay ku doodayaan in laga badbadiyay marka la barbar dhigo mashaariicda la midka ah ee ay fuliyaan dalalka la deriska ah ee Tanzania iyo Itoobiya.

Amaahdaas ayaa daynta guud ee dalka ku riixday heerarkii ugu sarreeyay, taasoo waddanku uu dib u bixin doono sannadaha soo socda.

Dhamaadkii 2021, deynta lagu leeyahay dalka Kenya ayaa gaartay 72.6 bilyan oo doolar taasoo u dhiganta 68% kobaca dhaqaalaha dalkaasi, marka loo eego markii Mr Kenyatta uu noqday madaxweynaha 2013 oo kobaca dhaqaalaha ahaa 38%.

Iyadoo dadka arrimaasi indha indheeya ay isku raacsan yihiin in waddanku u baahanaa kaabayaal cusub si loo dardargeliyo dhaqaalaha ugu weyn ee Bariga Afrika, balse waxay walaac ka muujiyeen sida loo maamulay lacagahaasi.

"In kasta oo aysan wax khalad ah ku jirin in deyn lagu leeyahay, arrintu waa sidee ayaan u isticmaalnaa?" Ayuu yidhi Mr Hira.

Marka laga reebo doodaha siyaasadda, qaar ayaa tebi doona shakhsiyadda dabacsan ee Mr Kenyatta.

Waxa uu caan ku ahaa in mararka qaar uu wareego waddo ku taalla magaalada Nairobi isaga oo ilaaladiisa meel fog ka socdo ama isagoo hilib shiilan kudhex cunayo meel ay dad badan joogaan.

Waxa kale oo uu inta badan marka uu khudbadaha jeedinayo uu dadweynaha u sheegi jiray waxa ka dhacaya daaha gadaashiisa.

Mararka qaar waxa uu madaxtooyada u oggolaan jiray dadka caadiga ah, kuwa caanka ah iyo xitaa caruurta.

Sannadkii 2013-kii, Mr. Kenyatta ayaa ballan qaaday inuu u soo iibin doono laptop-yo iyo tablet-yo si ay u isticmaalaan dhammaan ardayda dugsiyada si ay uga caawiyaan inay helaan xirfado dhijitaal ah.

Laakiin qorshahaasi waligiis ma rumoobin, oo markii la sameeyay tijaabadii ugu horreysay oo agabka la siiyay qaar ka mid ah dugsiyada ayaa waxaa dhacday in qaar badan laga xaday qolalkii ay ku keyd sanaayeen.

Falanqeeyeyaasha waxbarashada ayaa fashilka mashruucan ku tilmaamay tababar la’aan dhanka macalimiinta ah iyo koronto xumo iyo arrimo kale.

Marka laga soo tago arrimaha gudaha, caalamka, meeqaamkii Kenya wuu soo fiicnaaday tobankii sano ee la soo dhaafay.

Waxa ay Kenya la wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxayna bogagga hore ee warbaahinta qabsatay ka dib markii bishii Febraayo 2022 ay Ruushka ku cambaaraysay go'aankii uu ciidamo ugu diray Ukraine.

War qoraal ah oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayuu danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Martin Kimani, wuxuu is barbar dhig ku sameeyay waaya aragnimada Afrika ee gumeysiga iyo xiisadda Ruushka iyo Ukraine.

Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale soo noqday guddoomiyaha ururka bulshada bariga Afrika ee EAC, isagoo ka shaqaynayay sidii loo xalin lahaa colaadaha Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaasoo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha kooxaha.



XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip