Taliyaha ayaa sheegay in tuulooyinka ay dib ula wareegeen ay ku jiraan, dhawr goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, sida magaalada Fido woo u dhow xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia.
Taliye Maxamed ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 20 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab.
Wuxuu qiray in ciidamadu ay heleen taageero dhinaca cirka ah, xilliyadii ay socdeen hawlgallada, hase ahaatee ma magcaabin dalka taageerada cirka ah u fidiyey.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladani ay hordhac u yihiin tallaabooyin lagu hirgelinayo aragtida dawladda eek u aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sidii al-Shabaab looga sifayn lahaa guud ahaan dalka
Milateriga Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabab laga xoreeyey 20 tuulo.
...