HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Sunday September 11, 2022 - 08:54:22 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxay tahay warbixinta Xasan Sheekh iyo Xamsa Barre uga timid Hantidhowrka?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay loo soo gudbiyey warbxin ku aadan howlaha la xiriira dhismaha hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaa liyeed ee (SICPA) iyo doorkeeda shaqo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul was aaraha ayaa warbixintaas ka dha gaystay Hantidhawraha Guud ee Qa ranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo xubno ka tirsan hey’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ee (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addaas oo door muhiim ah ka qaada karta soo saaridda xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh.

Xisaabiyeyaashaan ayaa qayb ka noqa doona dadaa llada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maali yadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilma amay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’ad da, isagoo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh, maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Had lay Safarkii Uu Ku Yimid M/Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Shalay soo gaaray Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay ujeedka safarkiisa uu ku yimid Magaa lada. Madaxweyne Axmed Madoobe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawe ynta ballaaran ee Garoonka Aadan Cad de ugu sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Fed eraalka oo isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in uu Muqd isho u yimid ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qa ran oo diirada lagu saarayo arimaha amniga dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi lahayeen isku tashi amni si xal looga gaaro dhibaatada amniga Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha kale ee maamulada Koonfur Gal beed, Hirshabeelle, aya soo sogaaray muqdisho waxaana la filayaa in ay Puntland iyo Galmudug saacadaha soo socda inay soo gaaaran Muq disho, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka qabsoomaya caasimadda.

Shirka u dhaxeeya DFS iyo dowlad Goboleedyada ay aa ku soo aaday, iyadoo mad madow uu ka dhex jiro qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada iyo dowladda, waxaana qaar kamid ah madaxda maamulada ay dhaliilsan yihiin hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kadib salaaddii Jimcaha si wadajir ah ugu…

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wehlinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa Shalay salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale waxa ku wehlinayay Gu ddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxayna madaxda Alle ka baryeen in uu ka dulqaado dalkeen abaarta iyo dhi baatooyinka kale ee la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Alle ka baryey inuu mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto nax ariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ay aa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah la soo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalkeena.

Ergeyga ayaa dhowr jeer ugu baaqay hay’addaha Qar amada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aa danimo ka shaqeeya in ay gurmad deg-deg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda kal hore soo jee disay in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay gashay xaalad macluul ah, sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka, hase yeeshe waxaa arrintaas diiday dowlada Xasan Sheekh, sida aysheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Onl ine u sheegay in QM ay ku cadaadineyso dowladda inay ogolaato in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay ka jirto ma cluul, balse taasi waxaa diidan madaxda dowladda fede raalka oo sheegaya in xaaladda abaarta aysan gaarin heer macluul.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameys ay dadka iyo duunyada, deegaa nnada qaar ayaa laga soo warinayaa in dadka ku sugan ay la’yihiin waxa ay cabaan halka ku wa kale ay ka baro kaceen deegannadii ay degnaayeen.

Xigasho:-Caasimad da.Net

Xildhibaan Xusul oo war cusub ka soo saaray hadalkiisii carada iyo hanja baadu ka dhalatay

Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka mid ah xildh ibaanada golaha shacabka ayaa jawaab ka bixiyey hadalkiisii xiisadda abuuray ee ciidanka Macawiisley uu ku weeraray.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu sheegay in hadalkaas uu ka sheegay dood cilmiyeed lagu falanqeynayey amniga Qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

"Aragtidii aan ka dhiibtay oo in yar laga soo jaray oo (Geel Zako maleh) lagu ek eeyay u jeedkana aan koobeynin, si xunna loo turjumay ayay bulsha weynta Soomaaliyeed siyaabo kala duwan uga fal celiyeen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xildhibaan Xusul ayaa intaas ku sii daray in dadka qaar ay taageero u muujiyeen hadalkiisa iyo halka qaarna ay kasoo hor jeesteen, isagoo sheegay in kala ra’yi duwanaantu ays an wax weyn aheyn.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in Dastuurka dalka uu ogo laanayo Xaqqa hadalka iyo ra’yiga, "Marka walaalayaal si mug iyo miisaan leh u daawada oo u dhuuxa ujeedada, si weliba ka maran caadifad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xusul.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa qoraalkiisaan ku she egay inuu bogaadinayo kacdoonka bulshada ee ku aadan la dagaalanka Argagixisada ee ka curtay deegaanno badan oo dalka ka mid ah.

"Sidoo kale dowladdu ha garab istaagto kacdoonka bu lsho, iyadoo qaadaneysa doorka hogaaminta xoreynta dal ka, si dhibaato kale aysan uga dhalan kacdoonadaas, an ago maanka ku heyna kuwa badan oo nasoo maray oo aan taariikhda ka faa’iideysano iyo tijaabooyinkii hore,” ayuu qoraalkaan uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Xildhibaankaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad lo ogu dhaleeceynayey baraha bulshada, kadib markii ciid amada iska abaabulay deegaanada ay Al-Shabaab heysta an ee gobollada dalka oo Macawiisley loo yaqaano uu ku sifeeyey kuwo Al-Shabaab ka daran oo khatar ku ah must aqbalka dalka.

Siyaasiyiin uu ugu hadal adkaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa ka jawaabay hadalka xildhibaan Xusul, iyagoo sheegay inay aad ula yaabeen, sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu faafiyey maleeshiyaad Macawiisley ah oo Xildhibaanka dil ugu hanjabaya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa ka mid ahaa saaxii badii Fahad Yaasiin ee kuraasta ka soo qaatay Dhuusama reeb, wuxuuna baarlamaanka ku metalaa degmada Cee ldheer, halkaas oo intii ay jireen ay Al-Shabaab heysteen, balse wuxuu muuqaal la baahiyey ku muujiyey inuu ka soo hor jeedo hanaanka uu ku socdo kacdoonka shacabka ee Shabaab lagu wajahayo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee BFS oo u hambalye ysay dhigeedka Baarlamaanka Kenya

Waxaan Hambalyo u dirayaa dhigayga gu ddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya, Marwo Gladys Boss Shollei oo ku guulays atay Xilkaasi Maalintii Dorraad ah ayd.

Ms Gladys Boss Shollei waxaa urajaynayaa guul Madaama ay noqotay guddoomiye ku-xigeenka Baarla maanka dalka Aan dariska nahay ee Kenya.

Madaxweynaha Masar oo sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaan wax ka qabashada xagjirnimada

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa xaqiijiyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso caqaba daha hortaagan, gaar ahaan argagixisada iyo xagjirnimada, isagoo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Intii uu socday kulanka khadka taleefoonka, Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya si loo dhiso loona mideeyo hay’adaha dawliga ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar.

Sisi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay diyaar u tahay in ay dhaqaa jiso dhammaan noocyada iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga iyo sidii loo tababari lahaa kaadiriinta farsamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay in la wanaajiyo isku xidhka iyo la tashiga Masar ee arrimaha kala duwan ee gobolka ee khuseeya labada dal iyo horumarinta xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya oo heer kasta ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka taariikhiga ah ee Masar ay ku leedahay taageerada Sooma aliya iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee Masar ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiika Arrimaha Gudaha dowladda Galmudug, ayaa Aqalka Madaxtoo yada ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga ka socda Qara mada Midoobay ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga iyo abaaraha.

Haweenka ku nool Baladweyne oo gar ab istaag u muujiyay Ciidanka Xoogga Dalka

Haweenka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa garab istaag u muujiyay ciidanka Xoo gga iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.

Haweenka magaalada Baledweyne ayaa iska aruuriyay deeq raashin ah oo a kooban, Sonkor ,Saliid ,Bari is,Timir, Buskut iyo Caano, waxaana ay ugu talageen in ay ku dhiirigali yaan ciidanka Dib u xoreynta gobolka Hiiraan oo ka ashanaya kuwa Xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ka xoreeyay deeg aano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in xisbiyada hadda joogaa ay ku meel gaadh yihiin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, uu wakhtigoodi dhamaaday oo ay yihiin xisbiyo kumeel ga adh ah, isla markaana ay tartanka ka hadhayaan hadii anay sharciyadooda keenin 28 bishan.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay arday ka baxday Jaamacada Timacadde ee ma gaalada Gabilay, ayaa sheegay in xisbigii aan sharciyadii soo xerayn 28 bishan, uu ka hadhayo tartanka oo saaxada ka baxayo sidii ku dhacday xisbigii mudada dheer talada Somaliland hayay ee UDUB.

"Saacadaa aanu joogno waxaanu nahay xisbiyo kumeel gaadh ah, sa ddexda xisbi waxa laga rabaa bishan aynu ku jirno 28 keeda in ay keenaan sharciyadoodii oo dhan, dhismahoodii, guddidii fulinta, golihii dhexe, xeerka ay ku kala baxaan ... xisbigii keeni waayaa halkaasuu ku hadhayaa, sidii xisbigii udub waana sharci" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu kasoo horjeestay soojeedintii gu ddida ganacsatada, isaga oo sheegay in anay suuragal ah ayn in laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urr urada, waxa uu sheegay in marka hore la dooranayo sadd ex xisbi kadibna ay madaxweyne u tartami doonaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xisbiyada muuca aradka ay isku hayaan urrurada hala furo iyo yaan la furin, iyo hadii la furo yaanay galin doorashada madaxweynaha iyo ha galaan, isaga oo sheegay in aanu ka baqanayn in uu tartan la galo Waddani iyo UCID.

"Qodobka ay Shalay aad uga damqanayaan waxa wee yaan urrurada yaan la furin, hadii la furana tartanka mada xweynaha yaanay ka qay bgalin, hadaanu cid siyaasad isku hayno, hadii aan cid ka baqanayo oo aan leeyahay yayna kula tartamin Gaboose iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayuunban iska fogayn lahaa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn,

hadii aan xisbiyo fiican la helin, sidaa daraadeedna wa xa uu sheegay in loo baahanyahay in xisbiyo lasoo saaro, oo sidaa taladii kusoo urrurtay.


Wasiirka Kaluumaysiga oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa Kaluunka.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xuk uumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada Soomaal iyeed ee dhoofisa

kalluunka waxaana ay ka wadahadl een horumarrada ay sameeyeen ga nacsatadu, caqabdaha jira gaar ahaan canshuuraha, iyo fursadaha taagan ee u baahan in looga faa’iideeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u ballan qaaday ganacsatada in wasaara ddu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto horumarinta shaqada ay u hayaan ganacsatada Soom aaliyeed ee dho ofisa kalluunka, sidoo kale ay dadaal xoogan ku bixineyso sidii loo xalin lahaa caqbaha jira gaar ahaan canshuuraha iyo lacagaha lagu kordhiyey shatiyada shirkadaha kall uumeysi ee maxaliga ah.

Dowladda Oo Sheegtay In Saraakiil Al-Shabaab Ah Ay Dil Iyo Dhaawac Ugu Geysatay Sh.Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay ho wlgal ay ciidamadda amaanka ku galeen deegaanka Muba arak ee gobolka Sh.Hoose, halkaasoo xarun u eheyd dagaal yahanada Shabaab.

Sida lagu cadeeyay warsaxaafadeed ay dowladda Soo saartay, weerarka asi waxaa lagu dilay kuxigeenkii Sha baab ee deegaanka oo magaciisa Carab lagu sheegay, halka lagu dhaawacay 10 ruux oo ka le oo ay ku jiraan mas’uulkii ugu ssreeyay deegaanka, madi xii maaliyada iyo dagaal yahano kale.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay sidoo kale khasaare ka soo gaartay dad shacab ah oo xil iga weerarka ay heysteen kooxda Shabaab, walow aysan sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin.

Ujeedka ugu weyn ee howlgalkan ayey dowladda ku sheegtay sidii loo soo burburin lahaa maxkanmad ay lac ago baad ah dadka shacabka ah uga qaadaan kooxda oo ku taalay deegaanka weerarkan lagu qaaday.Si kastaba, majiro wali wax war ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo saartay weerarkan dowladda ay sheegtay in horjoogayaal ay dil iyo dhaawac ugu geysatay, iyadoo ciidamadda amn iga la sheegay iney goobta markii danbe dib uga soo laabt een oo ay Shabaabkii haatan ku sugan yihiin.

Taliska Booliiska oo baaraya dad rayid ah oo khasaare ka soo gaaray howgal ay ka fuliyeen Sh/hoose.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaa hin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabe ellada Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soo maaliya, Sadiiq Aadan Cali Doodisho oo la ha dlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Mu baarak iyo xubno kale.Mr Sadiiq ayaa sheegay in goobta ay beegsadeen ku sugnaayeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo isugu jiray Saraakiil iyo Xubno kale, isla markaasna dadka shacabka ah looga qaadi jiray lacag aha.Afhayeenka ayaa qiray dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray weerarka ay qaadeen Ciidanka, isla markaasna ay hadda wadaan Baaritaano ku aadan sidii loo oggaan lah aa khasaaraha rasmiga ee gaaray dadka rayidka ah.Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay Afhayeenka in dad kale oo rayid ah ka badbaadiyeen goobta uu howlgalka ka dhacay, kuw aasi oo ay lacaga ka aruurinyeen Al-shabaab.Warar ay he shay KNN ayaa sheegayay in ilaa saddex ruux oo shacab ah ay ku dhinteen howgalka, halka 10 kalena ay ku dhaawa cmeen, kuwaasi oo qaar kamid ah loo soo qaaday Mag aalada Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka Cadaado iyo Sara akiisha Ciidan ka Xoogga oo ka wada ha dlay sidii Argagixisada loo soo afjari lahaa

Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo sarakiisha deg aanka kasoo jeeda oo ku heshiiyay in la iska dulqaado dha garta kooxda argagixisada Al-Shabaab. Kulan ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo Saraakiisha kasoo jeeda Cadaado qeybna ay ka ahayeen Suldaanka iyo Ugaaska ayaa la isku afgartay in degaanada ey kaga suganyihiin argagixisada Al shabaab laga saaro.

Hishiiskaan ayaa yimid kadib markii Argagixisada Arxanka daran ay qarxiyeen ceel-biyoodyadii dhowr degaan iyo qeyb ka mid ah isgaarsiinta eyna gubeen degaano kale dad shacab ahna afduubteen.

Daahir Jeesow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Xusul

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray xul dhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay ka daran yi hiin Al-Shabaab ayna halis ku yihiin Soomaaliya.

Jeesow oo hadalkaasi ka jawaabay ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay u dagaalam ayaan xoreynta deegaanka, ayna ay leeyihiin hoggaan & kala dambeyn.

"Ciidanka Macaawisleyda ee ka dag aalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh gudoomiye Cali Jeyte ayaa hoga amiye u ah” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyey kooxda Macaw iisleyda ee haatan dagaalka ka wada gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in abaabulkooda uu yahay mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu tegi doono Hiiraan, isla-markaana uu ku biiri doono dagaalka, si uu dhiirageliyo shacabka u istaagay inay iska difaacaan Shabaab.

"Waxaan aad u tageersanahay abaabulka ay wadaan shacabka reer Hiiraan ee Al Shabaab looga xoreynayo Gob olka iyo guud ahaan Dalka oo dhan waana tagi doona si aan ugu biiro dagaalkaas” ayuu markale hadalkiisa sii raa ciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Horey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte ayaa ugu jawaabay xildhibaan C/risaaq Xusul, isaga oo ku sifeeyey argagixiso khatar ah, sidoo kale wuxuu she egay in ku dhowaad 20 sano ay deegaankiisii Al-shabaab heystaan, isla markaana uu raali uga yahay.

"Ninka la leeyahay Xusul waa argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waan dhageystay hadalkiisa wuxuu aflagaadeeyey ciidanka Macawiisley, isgoo u hiilinayay Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Sooma aliyeed oo iska celinaayo Al-shabaab, halkuu taageero uga muujin lahaa,” ayuu yiri Jeyte.

Hadalkaan ayaa ka soo aadayo, iyada oo haatan Hiiraan ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo Macawiisley oo garab ka helayo ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya Oo UNICEF Kala Hadashay Sii Wadista Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gur madka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cab diraxmaan Cabdishakuur Warsame ay aa Shalay kulan la qaatay Agaasimaha UNICEF ee Barnaamijyada Degdegga ah mudane Manuel Fontaine.U jeedka kulanka ayaa ahaa is xog wareysi ku aaddan xogta abaaraha baahsan ee jira dalka, sida dhinac yadu isaga kaashan karaan dardargelinta iyo xoojinta ho wlaha gurmadka abaaraha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga iyo u qareemidda dadka ay abaartu saameysay.

Manuel Fontaine wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay UNICEF iyo hay’adaha kale ee la howlgala sii wadi sta taageerada dadka abaaruhu saameeyeen ee nafaqa-darrida la daalaa-dhacaya ee carruurta haweenka iyo dad ka da’da ah ugu horreeyaan.

Ergeyga ayaa ka mahad-celiya howlaha garkaarka ee UNICEF, isagoo Mr. Fontaine ku booriyay booqashadiisa Soomaaliya kana codsaday in la xoojiyo howlaha gargaar ka bani’aadannimo ee sida degdegga ah loogu baahan yahay. dowladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gurmadka abaaraha.dowladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gurmadka abaara ha.dow ladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gur madka abaaraha.

Golaha deegaanka degmada Xuddur oo Gudoomiye doortay

Golaha deegaanka cusub ee magaalada Xudur ayaa Shalay doortay guddoon cusub ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Xudur.Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ayaa loo doortay Cumar Abdullahi Mohamud. Golaha Dee ganka ee Degmada Xudur oo ka kooban 27 ayaa 17 xubn ood waxay u codeeyeen Gudoomiye Cumar halka Gudo omiyihii hore Mohamed Macalin uu helay 10 cod.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Magacaabay Laba Wasiir (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan mag acaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xuk uumadda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-ara gnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dha maystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxa dda weyn ee shacabka Puntland ka sug ayo xukuumadda. Marku la tashaday:Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

1- Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdin uur loo magacaa bay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Puntland.2- Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

3- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynu hu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Shirkad Soomaali ah oo sheegatay mar kabkii uu ku faanay madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa 7baadkaan sheegay in Qamadi gargaar ah oo ka soc da dalkiisa uu ku sii jeedo Soomaaliya, oo macluul qarka u saaran, nolosha malaayiin qofna ay halis ugu jirto geeri.

Hase yeeshee shirkad la yiraahdo Al-Wadaniya oo ka shaqeysa soo dhoofinta Qamadiga oo Somaliland laga leeyahay, ayaa beenisay warka madaxwe ynaha Ukraine, waxayna sheegtay in markabka uu ayada u kireysan yahay, islamarkaana aanu sidin gargaar.

Cumar Muuse Cartan oo ah masuul ka tirsan Shirka daas oo Idaacadda VOA la hadlay ayaa sheegay in qam adiga uu sido markabkaas ay shirkadu leedahay oo aanu aheyn gargaar uga yimid Ukraine, wuxuuna intaas ku daray inuu bart amaha bishan kusoo wajahan yahay dekedda Berbera.

Sidoo kale afhayeenkaan u hadlay shirkadda Al-Wada niya ayaa sheegay in mudo shan bilood ay ku wareersa naayeen sidey qamadiga uga soo dhoofsa lahaayeen dalka Ukraine oo dagaallo qaraar ay ka socdaan tan iyo bishii February ee sanadkaan.

"Bartamihii bishii hore ee Agoosto ayey noo suurta ga shay in markabkii ugu horeeyey aan soo rarano, markaas oo Ruushka iyo Turkiga ay meel mariyeen heshiis lagu dhoofinayo qamadiga Ukraine, markabkaas wuxuu soo mar ayaa Jabuuti, isla bishaana wuxuu soo gaarayaa dekedda Berbera,” Cumar Muuse Cartan oo shirkadda Al-Wadaniya ka tirsan. Cartan oo sii hadlayey wuxuu yiri, "Waanu maqalnay wa rka ah in qamadigaas uu macaawino yahay, waxaba kama jiraan warkaas ay warbaahintu baahisay, qamadigaan shirk adaa soo iibsatay.”

Hadalka masuulkaan ka tirsan shirkadda Alwadaniya oo Somaliland ka howlgasha ayaa imaanaya iyadoo Mad axweynaha Ukraine uu horay u sheegay in wadamo sabool ah oo Soomaaliya ay ku jirto ay qamadi u direen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horay ugu eedeeyay reer galbeedka in qamadiga dekedaha la furay ee Ukraine badankiisa ay u direen dalal ka Europe, oo aan loo dirin wada mada gaajadu ka jirto ee saboolka ah. Sarkiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha Hiiraan oo booqday Deegaano laga xoreeyay Alshabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Xildhibaa no ayaa Shalay Booqday Degaanka Xasan Raqay oo ka Mid ahaa Dega anada Laga Xureeyey Al-shabaab.

Shacabka ku dhaqan degaanka Xasan Raqau ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta iyo saraakiisha Ciidan ka.Dadka kudhaqan deegaanka xasan raqay ayaa soo dha weeyay masuuliyiinta iyo saraakiisha waxana ay sheegeen inay kuafarax sanaayeen imaatinkoo da ayna garab ta agannyihiin ciidmada qalabka side ee somaliya iyi kuwa deegaan ee argagexesada alshabaab dagaalka kulajira

Xukuumadda dowlad degaanka Sooma alida oo deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa deeq kala duwan oo isugu jira Raashin, Shidaal iyo gaadiidka gurmadka degdega ah (Ambalaas) ku wareejiyay maam ulka gobolka Hiiraan, ee Soomaaliya.

Deeqdan ayay xukuumadda deg aanka Soomaalidu ugu talo gashay Maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabkooda oo dagaal adag kula jira kooxda Al Shabaab, si ay uga caawiso howlgallada ay ku sugayaan amniga gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo gaarey magaalada Feerfeer ee gobolka Shabeelle ee dega anka Soomaalida, ayaa maamulka gobalka Shabelle ee dowlad degaanka Soomaalida kala wareegay gargaarkan, isagoo geesta kale uga mahad celiyay madaxda sare ee dowlad degaanka Soomaalida sida ay u garab istaageen maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabkooda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Waa markii u horreysay ee deeq noocan oo kale ah Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida uu ugu deeqo gobolka Hiiraan oo maamulka gobolkaasi uu dagaal kula jiro kooxda Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, oo ay si wada jir ah u wadeen maamulka gob olkaas iyo shacabkooda, oo isu xil qaamay sugidda amniga gobolka Hiiraan.

Soomaaliya oo bil kadib yeelanaysa dekedii shanaad oo rasmi ah

Dekada Garacad ayaa bisha soo socota la furi doonaa iyadoo noqon doonta waddo ganacsi oo cusub oo isku xiri doonta gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Horumarintan ayaa qayb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo doo lar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha, sida uu sheegay Siciid Faadhi, madaxa shirkadda dhisaysa dekeda.

Dekaddaan ayaa awood u yeelan doonta inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya oo hadda si buuxda loo dha meystiray iyadoo 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku soc oto kana dhigi doona Dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan tan 2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Dekadda Garacad ayaa noqonaysa meeshii shanaad ee geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Ito obiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ah aan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.

Dadka iska dhiiba Denmark oo hadda ka dib loo wareejinayo dal ku yaalla Bariga Afrika

Denmark ayaa kula heshiisay Rwanda in horey loo dhaqaajiyo hanaan muran badan dhaliyey, oo dadka mag an-galyo doonka ah ee iska dhiiba Denmark loogu soo wareejinayo dalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dib edda.

Labada dal ayaa wada saxiixay ba yaan wadajir ah oo iskaashi oo ay ku shaaciyeen "inay darsayaan barna amij dadka magan-galyo doonka ah ee imanaya Denmark loogu soo dhoofinayo Rwanda, si ayaga oo halkaas jooga loo eego codsigooda magan-galyo.”

Waxaa barnaamijka qeyb ka ah "ikhtiyaar dadkan si ra smi ah dib u dejin loogu sameynayo Rwanda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

"Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan heshiis gaa rnay… waa hamigeena inaan aas-aasno nidaam dadka ma gan-galyo doonka ah looga soo wareejinayo Denmark oo lagu keenayo Rwanda,” waxaa sidaas tiri wasiirka socdaal ka iyo is-dhexgalka Denmark, Kaare Dybvad Bek oo baya an ay soo saartay ay baahisay wasaaradda arrimaha dibe dda. Bishii June 2021, Denmark oo leh mid ka mid shar ciyada ugu adag ee soo-galootiga, ayaa ansixisay sharci ay xarumo lagu soo dhoweeyo magan-galyo doonka uga fureyso meelo ka baxsan Yurub, halkaasi oo ay ku noolaan doonaan illaa codsiyadooda laga eegayo.

Dadka magan-galyo doonka ah ayaa weli ku qasbanaan doona inay codsiyadooda si shakhsi ah uga gudbiyaan xu duudaha Denmark kadibna waxaa loo soo dhoofin doonaa xarumaha soo dhoweynta ee dalal kale. Dowladda Denm ark ayaa sheegtay inay wadahadallo kula jirtay dalal dhowr ah, hase yeeshee Rwanda ayaa illaa hadda ah dalka kaliya ee qorshahan fulintiisa lagula heshiiyey.

Markii la ansixiyey sharciga Denmark, Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshaha Denmark uu xadgudub ku yahay xeerarka magan-galyo doonka ee u degsan Midow ga Yurub. Denmark iyo Rwanda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay "in nidaamka soo-galootiga ee hadda ka jira caalamka uu yahay mid isku dhex yaacsan lo ona baahan yahay mid cusub.”

Denmark ayaa caasimadda Rwanda ee Kigali ka furi doonta xafiis fuliya mashruucan oo ay maamulaan laba diblomaasi.

Dowladda UK ayaa sidoo kale horey ugu dhowaaqday siy aasad muran dhalisay oo dadka magan-galyo doonka ah lo ogu dhoofinayo Rwanda, hase yeeshee dib ay ka hakisay xilli lagala horyimid loolan sharci.

Xoghayaha Guud ee QM oo gaaray Paki stan xilli ay ka jirto xaalad adag

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gut erres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dalka Pakistan ee la baaxaa degaya, dhibaatada ka soo gaadhay daadad ku fatahay dalkaas, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa sheegay ‘in ka dib markii ay aad anuhu u nixi waayeen deegaanka, inay taasi keentay masii booyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku’.

Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku su gnaan doona dalka Pakistan si uu u in dha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta. Xoghayaha ayaa sheegay in deegaanka ama daceebad du ay tahay wax indho la’ oo mararka qaar aan bartilmaam eedsan kuwa sida xun ula dagaalama ee ku xadgudba.

"Waxay la mid tahay in deegaankii [la dhibaateeyey] in uu bartilmaameedsaday cid khaldan. Waxay ahayd inuu bartilmaameedsado kuwa sida xun uga faa’iidaysta deega anka, ee ka masuulka ah isbedelka cimilada, si ay ula kulm aan duruufahan oo kale” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa haddana qiiqa uu hawada ku sii daayaa ay tahay 1% marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caal amku hawada ku sii daayaan.

Ciidamada Ruushka Oo Weerar Dad Ku Dhinteen Ka Geystay Bariga Ukraine

Ruushka ayaa Weerarro ka geystay bariga Ukraine

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhinteen shan qof oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur.

Weeraradan ayaa waxa ku dhaawacmay 10 qof oo kale, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah, Oleh Syniehubov, oo ah madaxa maamulka militariga ee gobolka Kharkiv, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay weeraro gantaallo ah ku qaadeen bartamaha magaalada Kharkiv xilli habeen ah.

Dhanka kale, maamul goboleedka Donetsk ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarro isla Ruushku geystay ee gobolka ay ku dhinteen sagaal qof iyo 23 dhaawac ah.

Dhanka Ukraine War qoraal ah oo uu soo saaray tal iska guud ee Ukraine ayaa lagu sheegay in 51,900 oo as kari oo Ruush ah ay naftooda ku waayeen tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Mareykanka oo sheegay in dagaalka Ukraine uu galay marxalad xasaasi ah

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Bli nken ayaa Jimcihii Magaalada Brussels kula kulmay Xogha yaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, kaas oo ay ka wada hadleen colaadda dalka Ukraine iyo gu ulihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Ukraine ka gaareen da gaalka.

Geba-gabadii kulankooda shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ka sheegay in colaadda Ukraine ay gelayso marxalad xasaasi ah.

"Dagaalka Ukraine waxa uu gela yaa marxalad xasaasi ah. Ciidamada Ukraine ayaa awooday in ay hakiy aan duulaanka Moscow ee Donbas, oo ay dib uga dhuftaan khadadka Ruushka, ayna dib ula wareegaan dhul. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaan aragnay horumar dheeraad ah, labadaba koonfurta Kherson iyo bariga Gobolka Kharkiv. Tani waxay muujin eysaa geesinimada, xirfadaha iyo go’aaminta dagaalka ee Ciidamada Ukraine, waxayna muujineysaa in taageeraday adu ay is bedel ku samaynayso maalin kasta, goobta daga alka.” Ayuu yiri Blinken. Waxa kaloo uu sheegay in Ruu shku aanu awoodin inuu saanad ku filan u helo ciidamad iisa ka dagaalama koonfurta iyo bariga dalkaasi, ayna ku khasbanaadeen inay wax ka dayaan hubka Iran iyo Kuu riyada Waqooyi, sida uu yiri.

Jens Stoltenberg ayaa dhankiisa waxa uu Gaashaa nbuurta NATO ugu baaqay in ay kaynaan dareys gaar ah, mashiinada dab dhaliyaha, teendhooyin iyo agab kale, si ay Ciidamada Ukraine u adeegsadaan xilliga qaboobaha ee ina soo aaddan.

Ruushka ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey isugu yimaadaan, si lo ogu dhalleeceeyo taageerada militari, ee ay Reer Galbeed ka siinayaan Ukraine. Ergeyga Ruushka, Vasily Nebenzya ayaa sheegay inay tani ka dhigan tahay dagaal ay wakiil ka tahay xulafada NATO.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine oo galay bishiisii 7aad ayaa xurguf adag ka dhex dhaliyay Moscow iyo Reer Galb eedka.

XIRIIRKA BIDAARTA, RAGANIMADA IYO QUR BAHA.

Qeybo ka mid ah Wadamadaan waxaa ka jiro Dhaqamo ku saabsan Bidaarta oo Bulshada hakaa ku nool Qeybo ka mid ah Caado u ah.

1. Waqooyoga Afrika: Bidaarta waxaa loo ga yaqaan Koofiga Boqortooyada Raga nimada.2.Dalka Turkumanistan: Nin aan Bidaar leheyn Hal Xaas ka badan ma guu rsan karo.

3.Dalka Barazil: Gabadha qurx oon,waxa ey xaq u leedahay in Ninka ey guursanee Timahiisa ey fiiriyaan.Haddii ey Salka ey ka soo dhalanayaan Timuhu is ku dhaw dhaw yahay oo shiil badan ey yihiin. waxa ey leed ahay waa astaan Dumar, waxaana Ninkaan ku yar Rag animada Hadduuna lehyen Timo Bisbisah

.4.Dalka Uzbekistan: Ninka Bidaarta leh, Meher lagama ra bo haddii uu guursanayo

.5.Dalka Argentin: Naagtii Nin kee du Bidaar leeyahay waxaa loo aqoonsadaa Hogaanka/ Say idada Haweenka Magaalada ey degan tahay waana in la ixtiraamo.

6.Dalka Indonesia: Haddii Laba Qof ey isguur sanayaan,

Qaaligu waa in uu arko labada Qof Sawiradooda si uu u hubiyo Muuqaalka in uu Bidaar leeyahay.7.Dalka Au stralia: Naagta, Haddii uunan Ninkeedu Bidaar leheyn, wa xa ey Xaq u leedahay in ey ka raaci karto Nin kale, haddii ey hesho Nin Bidaar leh

.8.Dalka Finland: Marka Gabdhaha qaar ey dalbana yaan Jaamacadda Helsinki Univer sity .Gabadha danteedu ma ahan Jaamacadda oo kaliya ee waa in ey ka hesho Wiil Bidaar leh kadibna ey la saaxiibto

9.Dalka Holland: Maalmahaan waxaan arkayay Qoraalo sheegayo in Gabdhaha Reer Holland ey "Night Club-yada” ka raaadsadaan Wiilalal Bidaar leh.

10. in kasta oo Dadku marka ey Gaboobaan, Rag iyo Dumarba Tintu ka bido, Jins iguna ku yaraado.Haddana Wadamada qaar sida Shinaha, waxaa jiro Haween Badan Qabiilada qaar, Haweenkuna ey Bidaar yeeshaan iyaga oo yar yar taa oo lagu sheego Dhaxal ahaan ka yimid Hidda si daha waalidiinto od.

11.Somaliya: Ragga Bidaarta leh, waxa ey Suuq u yihiin oo wax ka iibsado Dadka Koofiyadaha Sa meeyo.Sirta Bid aarta loo rabo ayaa ah in la aaminsan yah ay in Ragga Bid aarta leh ey ku Badanyihiin "Hormones-ka” unugyada Raga nimadu. waxa ey leeyihiin mid ka mid ah Cilmi baaris la sameeyay ayaa leh: Ragga Bidaarta leh waa ka bisilyihiin Ragga aan Bidaarta

Leheeyn.

ileyn, Qurba joogta Somalidu waxa ey Bidaarta u wada leeyhiin ma ahan mid caadi ah,

A meey tahay mid si ula kac ah loo sameeystay, mise Qaboowgey Biyo kulul ku qubeeysteen.Somaliya dhaqan ahaan lama jeclo Ninka Bidaarta leh, weliba Miyiga.Xataa Bidaarta iska daaye, Gabdhahu Marka ey soo Qaan garto, waxa ey fiiriyaan Haddduu leeyahay Gar Har eed ah, Haddii ey ku arkaana waa ka cararaan.Gabdhaha yar yar ee Ari jirka ihi, Marka ee Xoolaha ilaalinayaan wax aa jirta Suugaan ah Maanso Gabdheed oo leh:

(( Nin hagooganu hadoow kuu yimaad, hagoogtaa laga ridaa, Hareedaa laga dayaahareerdku hadoow ku yaal, Hiraa hadal laga yiraa))

.Hadda Dhalinyaradii iyaga oo aan gaarin Da’dii Garkaayeey Garka xiirayaan, in uu si Rifrif ah ugu soo ba xo.Waxa ey ku daysanayaan Fanaan hebel ama laa Laacib hebel Ajnabi ah, ee walba ku daysan maayaan Abkoowgo od iyo Saxaabi hebel Garkiisii.Dadku waa kala maane, Qa arna Bidaar in lagu talaalo ayey Lacag ku bixinayaan Qa arna in Bidaar loo Sameeyo ayeey Lacag ku bixinayaan. Sida Dollarka Ninka Bidaarta leh ku sawiran yahay loo jecel yahay miyaa Ninka Bidaarta lehna loo jecalya hay?. Aaw Bidaaroow, Barakadaa.

Qore: Yahya Amir

 

 


 


BOQORTOOYADA BRITAIN: GOORMAY ELIZABETH OGAATAY INAY

 BOQORAD NOQONEYSO?

Waa la cusbooneysiiyay 10 Sebtembar 2022

A formal portrait of the-then Duchess of York, Princess Margaret, the Duke of York - later King George VI - and Princess Elizabeth

XIGASHADA SAWIRKA,UNIVERSAL HISTORY ARCHIVE/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo yar, dhanka midigta fog, walaasheed ka yar, Ma rgaret, iyo waalidiinteeda markii ay ahaayeen amiirka iyo amiiradda YorkWaxaa badanaa la sheegaa in Boqorad Elizabeth II ay nolo sheeda tobankii sano ee ugu horreeyay kusoo qaadatay iyadoo aan fil asho badan ka qabin inay noqon doonto boqorad. Waxay ahayd cunug si xor ah loo xan naaneeyo, sida muuqata, waqtigeedana waxay ku qaadan jirtay inay la ciyaarto fardaheeda iyo eeyaheeda, iyadoo xor ka ahayd saameynta mustaqbalka sugayay.

Markii ay yareyd Amiirad Elizabeth waxaa lala barbar dhigayay Amiirad Beatrice oo Shalay jirta - oo ah gabadha amiirka heerka labaad ee York (Oo ahaa 'Bertie' sanadkii 1926-kii, balse Shalay ah Amiir Andrew).

Ma muuqanin inay heli karto taajka boqortooyada Britain, iskaba dhaaf inay Boqorad u noqoto dad kor u dhaafaya 500 oo milyan ama dadka hoos imaanayay boqortooyada xill igaas la oran jiray Boqortooyada Barwaaqo sooranka Britain.

Bishii December ee sanadkii 1936-kii ayuuse dhacay isbaddalka cajiibka ahaa ee horseed ay waxa Shalay jira, markaasoo adeerkeed David, Boqor Edward VIII, uu mar qura dunida iyo qoyskiisaba uga yaabsaday go'aankiisii lama filaanka ahaa ee uu boqortooyada uga tanaasulay, si uu u guursado Wallis Simpson, oo ahayd gabadhii Mareykanka u dhalatay ee iyadoo lasoo furay gogosha la wadaatay.

Tallaabadaas waxay sababtay in Elizabeth oo markaas 10 sano jirtay ay mar qura noqo tay qofka ugu horreeya ee leh dhaxalka taajka boqortooyada.

Aabeheed, Amiir Albert, ayaa la wareegay xilka boqor George VI, gabadhiisa weynna waxay noqotay qofka dhaxal sugaha u ah.

Queen Mary with Princess Elizabeth, 1926

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo iyadoo yar ay heyso ayeeyadeed Boqorad Mary, 1926-kii

1px transparent line

Balse amiiradda da'da yar ma waxay ahayd qof aan diyaarsaneyn?

"Aabbe wuxuu noqonayaa boqor," ayay Elizabeth maalintaas bisha December ku tidhi walaasheeda lix jirka ahayd ee Margaret Rose, iyadoo u sharraxday in ay arrinta ku fahantay buuqa farxadeed ee ay sameynayeen dadkii isugu yimid afaafka ho re ee gurigooda ku yaallay magaalada Piccadilly.

"Taas micnaheedu ma wuxuu yahay inaad adiga noqon doonto boqorad?" ayay waydiisay Margaret.

"Haa," ayay ku jawaabtay Elizabeth oo si farxad leh u hadleysa, "Waxay ila tahay inay sidaas tahay."

Haddaba maxay ogeyd Amiirad Elizabeth oo 10 sano jirtay? Goormayse ogaatay?

Short presentational grey line

Meesha ay ka billaabatay saansaanta mustaqbalka boqortooyada Boq orad Elizabeth II waxay ka billaabatay awowgeedii ay jecleyd, oo ahaa Boqor George V (oo xilka hayay 1865-1936). Waxay ku magacaabi jirtay "Awoowaha England", taasoo muujineysa sida ay gabadha yar mar hore wax badan uga fahansaneyd arrimaha boqortooyada.

George V waxaa lagu yaqaanay inuusan "qaadanin hadiyadaha bul shada", si shakhsi ahaaneed, sida uu qirtay John Gore oo ah ninka taariikhdiisa nololeed qoray. Waxa uu sheegay inuu ahaa qof la mid ah inta badan dadka uu boqorka u yahay.

Magaca qoyska boqortooyada ee Saxe-Coburg-Gotha George V ayaa billaabay sanadkii 1917-kii. Marka layaab malaha in wax ka badan hal qarni kaddib uu adduunka jeclaado xirfadaha boqoradda ay kusoo bandhigtay xukunkeeda ugu dheeraa ee boqortooyada. Xirfadahaas waxay si toos ah uga baratay ninkii ugu horreeyay ee aasaasay guriga Windsor.

George V oo jeclaa badda waxa uu ahaa ninka laga soo gaaray naaneysta caanka ah ee qoyska gabadha uu awowga u yahay ee 'Lilibet'.

Bishii April ee sanadkii 1929-kii, oo ku beegneyd sanad guuradii dhalashadeeda ee sad dexaad, ayay naaneystaas ugasoo muuqatay jaldiga kore ee Majalladda TIME, iyadoo ah 'P'incess Lilybet'.

Hase yeeshee qaabka uu awowgeed rabay in loo qoro waxa uu ahaa 'Lilibet' oo laga re ebo xarafka 'y'.Geerida Amiir Philip oo la filayo inay shaafiso xiisaddii ka dhex taagnayd xu bnaha boqortooyada

Boqortooyada UK oo "ka xumaatay" lamaanahan oo "nolol cusub billaabaya"

Amiir William oo markii ugu horreysay ka hadlay eedeyntii ay jeediyeen Harry iyo Meghan

Princess Elizabeth on cover of Time Magazine in 1929

XIGASHADA SAWIRKA,TIME MAGAZINE

1px transparent line

Gugaas ka midka ahaa sanadkii 1929-kii boqorka waayeelka ahaa waxa uu ku adkeystay in gabadha uu awowga u yahay, oo saddex sano kaliya jirta, in loo soo dajiyo si ay u aragto isagoo jooga Bognor Regis oo ah xeebta Sussex. Waxa uu u dabaaldagayay kasoo kabashada qalliin uu dhimashada ugu dhawaaday oo looga sameeyay sambabbada. (Waxa labaad ee uu ku farxay waa in loo fasaxay inuu sigaarka cabi karo").

Bilahaas ugu horreeyay ee 1029-kii ayuu George V markii ugu horreysay kusoo bandhigay rajada uu ka qabo in gabadha uu awowga u yahay ay maalin maalmaha ka mid ah dhaxli doonto taajka boqortooyada Britain.

'Waad arki doontaa,' ayuu ku yidhi Lilibet aabeheed, xilli uu booqasho ugu yimid. "Wa laalkaa waligiis ma noqon doono Boqor."

"Waxaan xasuustaa sida ay 'wax aan ciyaar ciyaar ah' noola ahayd. . . " ayay tidhi Boq oradda hooyadeed oo wareysi bixisay sannado dambe. "Labadeennaba waa is eegnay wax aana ku fikirnay in hadalkaas uu yahay 'micno darro'."

Short presentational grey line

George V kama uusan walwalsaneyn oo keliya in wiilkiisa curadka ah ee David uu iska khasaarin doono taajka boqortooyada marka uu dhaxlo kaddib, balse waxa uu sidoo kale ka walwalsanaa in qofka ku xiga oo ah Bertie, uu isaga qudhiisa oo qabay xa nuunka sambabbada, uusan muddo dheer boqor ahaan doonin.

Boqorka waayeelka ah waxa uu sida muuqata ka walaacsanaa in amiirka York ee xanuunsan uu ka dhiman doono boqortooyada markaasna uu xilka kusoo bannaanaan doono gabadha yar ee Lilibet ah iyadoo wali carruur ah oo aan boqorad noqon karin. Haddii ay sidaas dhici lahayd waxaa taajka la wareegi lahaa wiilkiisa saddexaad ee la odhan jiray Henry, oo ahaa amiirkii Gloucester (1900-1974). Suurtagalnimada in Elizabeth ay taajka ku qaadan weyso adeerkeed Henry hortiis waxay si fudud u dhici kartay maadaama uu boqorka xanuunsanaa. Balse Winston Churchill, oo deyrtii hore ku sugnaa Balmoral, markaasna ahaa Chancellor-ka Exchequer (markii dambena noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Boqoradda) ayaa u muu qday inuu la dhacsanaa fikradda ku saabsan in cunugta yar ay noqon doonto boqoradda mustaqbalka. Xaaskiisa Clementine ayuu u qoray amiiradda da'da yar waa "astaan. Waxay dhaxal u leedahay mas'uuliyad waxaana laga arkaa iyadoo carruur ah". Lilibet builds a sandcastle, watched over her grandfather, sat on a bench in Bognor in 1929

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Farshaxamiiste CE Turner ayaa sawirkan ka qaaday amiiradda yar oo la joogta awo wgeed Boqor George xilli ay ku sugnaayeen Bognor Regis sanadkii 1929

1px transparent line

Iyadoo qasriyo ciid ka sameysan lana joogta awowgeed, ayay cunug ta yar xigmado boqortooyo ka qaadatay Boqorka. Ka hor inta aysan boq oqrnimada George V soo afjarmin sanadkii1936-kii, hadiyadaha kha aska ah ee loo waday gabadha uu awowga u yahay - iyo xitaa sida ay u dalbanayaan dadweynuhu inay ku arkaan fagaareyaasha - ayaa gaartay heer aad u sarreeya, waxaana haweeney loo xil saaray inay si gaar ah uga war heyso ar rimaha abadha yar ee Elizabeth oo ah amiiradda York.

Short presentational grey line

Dabayaaqadii 1920-meeyadii, xilli la joogay qasriga Windsor, Amiiradda da'da yar ee Elizabeth (oo dhalatay 21 April 1926) waxaa kormeer ku sameynayay Owen Morshead oo ka shaqeynayay maktabadda Boqortooyada, iyadoo la wado oo daawaneysa askarta o xaggeeda usoo gaardinaya, markaasna uu sarkaalkii mas'uulka ka ahaa ciidanka salaan u taagayay.

"Fasax noo sii inaan sii dhaqaaqno, fadlan marwo?"

Iyado ku fadhisa kursigeeda ayay gacanta u taagtay si ay fasax ugu siiso askarta inay gaardinta ku baxaan.

Princes Elizabeth featured on featured on a six cent stamp in Newfoundland in 1932

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo sawirkeeda ka muuqdo lixda senti ee Newfoundland, sanadkii 1932

1px transparent line

Wax yar ka dib sanad guuradii afaraad ee dhalashadeeda, xagaagii 1930-kii, muuqaal ku saabsan Amiirad Elizabeth ayaa ka soo muuqday Ma dame Tussauds, iyada oo ku fadhida faras. Labo sano ka dib, amiiradda wax aa lagu soo bandhigay shaabad lix senti ah oo ku taalla Newfoundland.

"Mar walba oo ay faraskeeda ku kaxeyso beerta nasashada,' sida uu soo tebiyay wargeyska Belfast News Letter xagaagii 1932-kii, dadku way aqo onsan jireen gabadha lix jirka ah. "Koofiyadaha ayaa loo bixin jiray, safaleetigana waa loo ga luli jiray gees walba."

Markii ay gaartay dhalashadeeda toddobaad ee la xusay bishii April ee sanadkii 1933-kii, amiiraddu waxay dirtay casuumaad ay shaah ugu marti qaadeyso taageerayaasheeda.

A portrait of Prince Elizabeth, aged 7, holding a basket of flowers, painted by Philip de László in 1933

XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY

Qoraalka sawirka,

Sawir gacmeed laga sameeyay Amiiradda oo da' yar sanadkii 1933-kii, oo uu xardhay farshaxamiiste Philip de László

1px transparent line

Waalidiinteeda ayaa u diray Farshaxamiistaha arrimaha bulshada ee lagu magacaabi jiray Philip de László inuu sameeyo sawir muujinaya gabadhooda.

Farshaxamiistaha ayaa ku qeexay inay tahay "gabadha ugu caqliga badan uguna quru xda badan... waxay u caan baxday si aad u sarreysa... xilligaas waxay u muuqatay inay tahay boqoradda mustaqbalka ee Great Britain."

1934-kii warbixin kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in Boqorka mustaqba lka ee Edward VIII uusan dooneynin shaqada uu ku helay dhalashadiisa. Dad ku dhawaa amiirka ayaa si hoose u sheegay inuusan damacsaneyn inuu noqdo boqor, oo uusan raaxo u arkin". Taas waxaa ka dhashay in gabadha yar ee amiiradda ah "si adag wax loo baray, maadaama loo arkayay inay tahay qofka leh taajka boqortooyada England".

Sheekada xogaha lagu fashilay ee kasoo baxday Waqooyiga Ameerika waxaa daabacay wargeyska Marysville Journal-Tribune.

I mages from a newspaper story printed in the the Marysville Journal-Tribune in 1934, with the headline "Child Princess Trained to Rule England"

XIGASHADA SAWIRKA,MARYSVILLLE JOURNAL-TRIBUNE

Qoraalka sawirka,

Wargeyska Marysville Journal-Tribune ayaa 1934-kii daabacay xogta ku saabsan wax baridda amiiradda loo diyaarinayo boqortooyada

Jaraa'idyada dibadda ayaa ka warramayay sida ay fursadda ay boqorad ku noqon karto amiiradda yar uga sii dhow yihiin markii ay 8 jir ahayd Boqorad Victoria, hal qarni ka hor xilligaas. Waxay ahayd gabadha uu dhalay wiilka afaraad ee boqorka, waxaana safka dhaxalka uga horreeyay labo adeerra deed ah.

Layaab ma lahayn in Elizabeth ay la socotay xaaladda iyo sida ay filashadu noqon karto."Haddii aan mar uun noqdo Boqorad, waxaan sameyn doonaa sharci dhigaya in fardaa aan la fuulin maalmaha Aaxadda. Farduhu waa inay nasasho helaan iyaguba," ayay ku tidhi Crawfie. Prince George with Prince William and the Queen at the Trooping of the Colour in 2015

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiir William ayaa la sheegay inuu doonayay in wiilkiisa George uu nolol caadi ah dar eemo ka hor inta aan loo sheegin mustaqbalkiisa

Marka la eego dhammaan calaamadaha kor ku xusan, waxay arrintu u muuqataa in Boqorad Elizabeth II ay garawsaneyd fikradna ka heysatay waxa sugayay iyo inay mustaqbalka noqon karto Boqoradda, iyadoo xitaa toddobo jir ah - oo ah ugu yaraan saddex sano ka hor inta aysan soo shaac bixin.

Arrin kale oo xiiso leh ayaa ah in markii uu Amiir William jiray toddobo sano uu ogaaday mustaqbalka mas'uuliyadda leh ee sugayay.

Elizabeth and Margaret with their parents and dogs at Windsor in 1936

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo yar iyo Margaret oo la jooga waalidiintooda iyo eeyo xilli ay ku sug naayeen Windsor sanadkii 1936

1px transparent lineSanadkii 1933-kii, sida laga soo xigtay rug caddaa ka tirsan boqo rtooyada, Lilibet waxay si kalsooni leh ugu wargelisay walaasheed, oo dhalatay 1930-kii, kuna tidhi "Aniga waxaan ahay saddex adigana waxaad tahay Afar."

Maadaama ay yareyd way jah wareertay, balse way awoodday inay xisaabta isku darto, waxayna Margaret ku jawaabtay: "Maya, ma tihid. Aniga ayaa saddex jira, adigana waxaad jirtaa toddobo!" Waqti ayay qaadatay inay Margaret fahanto in waxa ay walaasheed ka hadleysay aysan ahayd da'da balse ay ahayd booska ay labada gadhood ee walaalaha ah uga jiraan dhaxal sugidda boqortooyada kaddib awowgood - Adeer David, waa koow; Aabe, waa labo; Lalibet waa saddex.

Gabadha toddobo jirka ah si toos ah ayay u ogeyd waxa ay markaas uun fikirk ka

billaabayeen dadka kale ee caalamka

.. XIGASHO:BBC


 


YAA KU JIRA QOYSKA BOQORTOOYADA UK, BOQORKASE MAXAY TAHAY

 SHAQADIISA?


King Charles at the Platinum Jubilee National Service of Thanksgiving at St Paul's Cathedral on 3 June, 2022

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Boqor Charles III ayaa xilka kala wareegay hooyadii, boqorod Eli zabeth II, ka dib markii ay geeriyootay iyadoo 96 sano jir ah Khamiistii.

Mar sii horreysay sannadkan boqoradda ayaa u dabbaaldegtay 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii ay xilka la wareegtay, markaas oo ay noqotay boqoraddii ugu muddada dheereyd.

Maxaa dhacaya hadda?

Markii ay boqoradda dhimatay waxaa markiiba xilka la wareegay dhaxal sugaha, Charles oo ah curadkeeda.

Waxaa la rajeynayaa in Charles si rasmi ah loo caleema saari doono Sabtida. Xafladda waxa ay ka dhici doontaa Qasriga St James's ee magaalada London.

Boqorka sidiisaba muxuu qabtaa?

Boqorku waa madaxa dowladda UK. Awoodihiisu waa kuwa sharafeed ah, siyaasad ahaanna waa dhexdhexaad.

Warbixinno ayuu ka heli doonaa dowladda maalin kasta. Waxaa xog laga siinayaa shirarka muhiimka ah iyo waraaqaha u baahan inuu isaga saxiixo.

Sida caadiga ah raysal wasaaraha ayaa la kulmi doono boqorka maalin kasta oo Arbaco ah. Kulanka waxaa lagu qabtaa qasriga boqortooyada si boqorka loola socodsiiyo howlaha dowladda.

Shirarkaasi waa kuwa gaar ah mana jiraan tix raac rasmi ah oo ku saabsan shirarkaasi.

Shaqooyinka boqorka waxaa ka mid ah:

Magacaabista dowladda - Hoggaamiyaha xisbiga ku guulesyta doorashada guud ayaa Inta badan looga yeeraa qasriga boqortooyada waxaana laga dalbadaa inuu soo dhiso do wlad. Boqorka ayaa sidoo kale si rasmi ah u kala dira dowladda ka hor doorashada guud.

·Khudbadda boqorka - Boqorka ayaa xariga ka jara sanadka baarlamaanka uu billaa baya howlihiisa isagoo soo bandhiga qorshaha dowadiisa, jeediyana khudbad.

·Ansixin boqortooyo - Marka uu baaralamaanka meel mariya sharci waxaa Khasab ah in bo qorka uu saxiixaa si uu dhaqan gal u noqdo. Markii ugu dambeysay ee uu boqor diido inuu ansixyo sharci waxay ahayd 1708.

The Queen and Prince Charles attend the State Opening of Parliament on 14 October 2019

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Intaa waxaa dheer boqorka wuxuu qaabilaa madaxda dalka soo boo qaneysa, wuuxna la kulmaa safiirada fadhiigodu yahay UK.

Chales waxa uu noqday madaxa Ururka dalalka Barwaaqo-sooranka, oo ah urur ay ku midaysan yihiin 56 waddan oo madaxbannaan iyo 2.4 bily an oo qof. Boqorku waa madaxa dowladda ee 14 ka tirsan dalalkaas iyo sidoo kale UK.

Waddamadan, oo loo yaqaan 'Commonwealth realms', waa: Australia, Antigua iyo Bar bu da, Bahamas, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, Papua New Guinea, St Christopher iyo Nevis, St Lucia, St Vincent iyo Grenadines, New Zealand, Jasiiradaha Solomon iyo Tuvalu.

Siduu u shaqeeya dhaxalka boqortooyada

Qaabka kala horreynta dhaxal sugayaasha ayaa lagu qeexay qofka ay tahay inuu boqortooyada la wareega marka qofka xilka haya uu geeeriyooda ama xilka isaga daga iskiis. Dhaxal sugaha ugu horreeya ee la wareegaya waa curadka boqorka ama boqoradda markaa xilka hayay.

Maadama Charles uu yahay curadka boqorad Elizebeth, wuxuu sdiaa ku noqday boqor.

Xeerarka dhaxal sugidda ee boqortooyada UK ayaa isbeddel lagu sameeyay sanaddii 2013-kii si loo hubiyo in wiilasha hadda ka dib aysan dhaxal sugidda uga xaq badnaan gab dhaha la dhashay ee ka weyn.

Halkey ku nool yihiin qoyska boqortooyada?

Boqor Charles iyo xaaskiisa ayaa la filayaa in ay u wareegaan qasriga Buckingham Palace. Markii hore waxaa ay ku noolaayeen guriga Clarence iyo Highgrove ee Gloucestershire.

Dhaxal suge William iyo marwadiisa Catherine ayaa dhawaan kasoo wareegay qasriga Kensington ee galbeedka London si ay ugu noolaadaan qasriga weyn ee Adelaide.

Prince George, the Duchess of Cambridge, Prince Louis, the Duke of Cambridge and Princess Charlotte walking hand-in-hand on the children's first day at Lambrook School

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Amiir George, Amiir Charlotte and Amiir Louis ayaa ayaguna wax ka baran doonaa iskoolka Lambrook ee aan ka fogeyn Ascot ee Berkshire.

Amiir William iyo xaaskiisa Meghan Markle ayaguna waxay ku nool yihiin California ee dalka Mareykanka.

Intey dhan tahay taageerada boqortooyada?

Daraasad lagu sameeyay bogga YouGOV xilligii loo dabaaldegayay 70 sano guuradii ka soo wareegtay markii la boqray boqoradda ayaa muujineysa in 62% dadku ay doonayaan in Boqortooyada ay sii jirto halka 22% ay sheegeen in Boqortooyada ay noqoto mid leh madax la doorto.

Laba daraasad oo kale oo ay sameysay Ipsos Mori sanadkii 2021 ayaa natiijo isku mid ah soo bandhigay taas oo muujineysa in qof kamid ah shanti qofba uu aaminsan yahay in Boqortooyada oo la baaba'yo ay u wanaagsan tah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip