Boqortooyada Britain: Goormay Elizabeth ogaatay inay boqorad noqoneyso?

0
Saturday September 10, 2022 - 19:37:25 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqortooyada Britain: Goormay Elizabeth ogaatay inay boqorad noqoneyso?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waa la cusbooneysiiyay 10 Sebtembar 2022

XIGASHADA SAWIRKA,UNIVERSAL HISTORY ARCHIVE/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo yar, dhanka midigta fog, walaasheed ka yar, Margaret, iyo waalidiinteeda markii ay ahaayeen amiirka iyo amiiradda York

Waxaa badanaa la sheegaa in Boqorad Elizabeth II ay nolosheeda tobankii sano ee ugu horreeyay kusoo qaadatay iyadoo aan filasho badan ka qabin inay noqon doonto boqorad. Waxay ahayd cunug si xor ah loo xannaaneeyo, sida muuqata, waqtigeedana waxay ku qaadan jirtay inay la ciyaarto fardaheeda iyo eeyaheeda, iyadoo xor ka ahayd saameynta mustaqbalka sugayay.

Markii ay yareyd Amiirad Elizabeth waxaa lala barbar dhigayay Amiirad Beatrice oo maanta jirta - oo ah gabadha amiirka heerka labaad ee York (Oo ahaa 'Bertie' sanadkii 1926-kii, balse maanta ah Amiir Andrew).

Ma muuqanin inay heli karto taajka boqortooyada Britain, iskaba dhaaf inay Boqorad u noqoto dad kor u dhaafaya 500 oo milyan ama dadka hoos imaanayay boqortooyada xilligaas la oran jiray Boqortooyada Barwaaqo sooranka Britain.

Bishii December ee sanadkii 1936-kii ayuuse dhacay isbaddalka cajiibka ahaa ee horseeday waxa maanta jira, markaasoo adeerkeed David, Boqor Edward VIII, uu mar qura dunida iyo qoyskiisaba uga yaabsaday go'aankiisii lama filaanka ahaa ee uu boqortooyada uga tanaasulay, si uu u guursado Wallis Simpson, oo ahayd gabadhii Mareykanka u dhalatay ee iyadoo lasoo furay gogosha la wadaatay.

Tallaabadaas waxay sababtay in Elizabeth oo markaas 10 sano jirtay ay mar qura noqotay qofka ugu horreeya ee leh dhaxalka taajka boqortooyada.

Aabeheed, Amiir Albert, ayaa la wareegay xilka boqor George VI, gabadhiisa weynna waxay noqotay qofka dhaxal sugaha u ah.

Queen Mary with Princess Elizabeth, 1926

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo iyadoo yar ay heyso ayeeyadeed Boqorad Mary, 1926-kii

1px transparent line

Balse amiiradda da'da yar ma waxay ahayd qof aan diyaarsaneyn?

"Aabbe wuxuu noqonayaa boqor," ayay Elizabeth maalintaas bisha December ku tidhi walaasheeda lix jirka ahayd ee Margaret Rose, iyadoo u sharraxday inay arrinta ku fahantay buuqa farxadeed ee ay sameynayeen dadkii isugu yimid afaafka hore ee gurigooda ku yaallay magaalada Piccadilly.

"Taas micnaheedu ma wuxuu yahay inaad adiga noqon doonto boqorad?" ayay waydiisay Margaret.

"Haa," ayay ku jawaabtay Elizabeth oo si farxad leh u hadleysa, "Waxay ila tahay inay sidaas tahay."

Haddaba maxay ogeyd Amiirad Elizabeth oo 10 sano jirtay? Goormayse ogaatay?

Short presentational grey line

Meesha ay ka billaabatay saansaanta mustaqbalka boqortooyada Boqorad Elizabeth II waxay ka billaabatay awowgeedii ay jecleyd, oo ahaa Boqor George V (oo xilka hayay 1865-1936). Waxay ku magacaabi jirtay "Awoowaha England", taasoo muujineysa sida ay gabadha yar mar hore wax badan uga fahansaneyd arrimaha boqortooyada.

George V waxaa lagu yaqaanay inuusan "qaadanin hadiyadaha bulshada", si shakhsi ahaaneed, sida uu qirtay John Gore oo ah ninka taariikhdiisa nololeed qoray. Waxa uu sheegay inuu ahaa qof la mid ah inta badan dadka uu boqorka u yahay.

Magaca qoyska boqortooyada ee Saxe-Coburg-Gotha George V ayaa billaabay sanadkii 1917-kii. Marka layaab malaha in wax ka badan hal qarni kaddib uu adduunka jeclaado xirfadaha boqoradda ay kusoo bandhigtay xukunkeeda ugu dheeraa ee boqortooyada. Xirfadahaas waxay si toos ah uga baratay ninkii ugu horreeyay ee aasaasay guriga Windsor.

George V oo jeclaa badda waxa uu ahaa ninka laga soo gaaray naaneysta caanka ah ee qoyska gabadha uu awowga u yahay ee 'Lilibet'.

Bishii April ee sanadkii 1929-kii, oo ku beegneyd sanad guuradii dhalashadeeda ee saddexaad, ayay naaneystaas ugasoo muuqatay jaldiga kore ee Majalladda TIME, iyadoo ah 'P'incess Lilybet'.

Hase yeeshee qaabka uu awowgeed rabay in loo qoro waxa uu ahaa 'Lilibet' oo laga reebo xarafka 'y'.

Princess Elizabeth on cover of Time Magazine in 1929

XIGASHADA SAWIRKA,TIME MAGAZINE

1px transparent line

Gugaas ka midka ahaa sanadkii 1929-kii boqorka waayeelka ahaa waxa uu ku adkeystay in gabadha uu awowga u yahay, oo saddex sano kaliya jirta, in loo soo dajiyo si ay u aragto isagoo jooga Bognor Regis oo ah xeebta Sussex. Waxa uu u dabaaldagayay kasoo kabashada qalliin uu dhimashada ugu dhawaaday oo looga sameeyay sambabbada. (Waxa labaad ee uu ku farxay waa in loo fasaxay inuu sigaarka cabi karo").

Bilahaas ugu horreeyay ee 1029-kii ayuu George V markii ugu horreysay kusoo bandhigay rajada uu ka qabo in gabadha uu awowga u yahay ay maalin maalmaha ka mid ah dhaxli doonto taajka boqortooyada Britain.

'Waad arki doontaa,' ayuu ku yidhi Lilibet aabeheed, xilli uu booqasho ugu yimid. "Walaalkaa waligiis ma noqon doono Boqor."

"Waxaan xasuustaa sida ay 'wax aan ciyaar ciyaar ah' noola ahayd. . . " ayay tidhi Boqoradda hooyadeed oo wareysi bixisay sannado dambe. "Labadeennaba waa is eegnay waxaana ku fikirnay in hadalkaas uu yahay 'micno darro'."

Short presentational grey line

George V kama uusan walwalsaneyn oo keliya in wiilkiisa curadka ah ee David uu iska khasaarin doono taajka boqortooyada marka uu dhaxlo kaddib, balse waxa uu sidoo kale ka walwalsanaa in qofka ku xiga oo ah Bertie, uu isaga qudhiisa oo qabay xanuunka sambabbada, uusan muddo dheer boqor ahaan doonin.

Boqorka waayeelka ah waxa uu sida muuqata ka walaacsanaa in amiirka York ee xanuunsan uu ka dhiman doono boqortooyada markaasna uu xilka kusoo bannaanaan doono gabadha yar ee Lilibet ah iyadoo wali carruur ah oo aan boqorad noqon karin. Haddii ay sidaas dhici lahayd waxaa taajka la wareegi lahaa wiilkiisa saddexaad ee la odhan jiray Henry, oo ahaa amiirkii Gloucester (1900-1974).

Suurtagalnimada in Elizabeth ay taajka ku qaadan weyso adeerkeed Henry hortiis waxay si fudud u dhici kartay maadaama uu boqorka xanuunsanaa. Balse Winston Churchill, oo deyrtii hore ku sugnaa Balmoral, markaasna ahaa Chancellor-ka Exchequer (markii dambena noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Boqoradda) ayaa u muuqday inuu la dhacsanaa fikradda ku saabsan in cunugta yar ay noqon doonto boqoradda mustaqbalka.

Xaaskiisa Clementine ayuu u qoray amiiradda da'da yar waa "astaan. Waxay dhaxal u leedahay mas'uuliyad waxaana laga arkaa iyadoo carruur ah".

Lilibet builds a sandcastle, watched over her grandfather, sat on a bench in Bognor in 1929

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Farshaxamiiste CE Turner ayaa sawirkan ka qaaday amiiradda yar oo la joogta awowgeed Boqor George xilli ay ku sugnaayeen Bognor Regis sanadkii 1929

1px transparent line

Iyadoo qasriyo ciid ka sameysan lana joogta awowgeed, ayay cunugta yar xigmado boqortooyo ka qaadatay Boqorka. Ka hor inta aysan boqoqrnimada George V soo afjarmin sanadkii1936-kii, hadiyadaha khaaska ah ee loo waday gabadha uu awowga u yahay - iyo xitaa sida ay u dalbanayaan dadweynuhu inay ku arkaan fagaareyaasha - ayaa gaartay heer aad u sarreeya, waxaana haweeney loo xil saaray inay si gaar ah uga war heyso arrimaha abadha yar ee Elizabeth oo ah amiiradda York.

Short presentational grey line

Dabayaaqadii 1920-meeyadii, xilli la joogay qasriga Windsor, Amiiradda da'da yar ee Elizabeth (oo dhalatay 21 April 1926) waxaa kormeer ku sameynayay Owen Morshead oo ka shaqeynayay maktabadda Boqortooyada, iyadoo la wado oo daawaneysa askarta o xaggeeda usoo gaardinaya, markaasna uu sarkaalkii mas'uulka ka ahaa ciidanka salaan u taagayay.

"Fasax noo sii inaan sii dhaqaaqno, fadlan marwo?"

Iyado ku fadhisa kursigeeda ayay gacanta u taagtay si ay fasax ugu siiso askarta inay gaardinta ku baxaan.

Princes Elizabeth featured on featured on a six cent stamp in Newfoundland in 1932
Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo sawirkeeda ka muuqdo lixda senti ee Newfoundland, sanadkii 1932

1px transparent line

Wax yar ka dib sanad guuradii afaraad ee dhalashadeeda, xagaagii 1930-kii, muuqaal ku saabsan Amiirad Elizabeth ayaa ka soo muuqday Madame Tussauds, iyada oo ku fadhida faras. Labo sano ka dib, amiiradda waxaa lagu soo bandhigay shaabad lix senti ah oo ku taalla Newfoundland.

"Mar walba oo ay faraskeeda ku kaxeyso beerta nasashada,' sida uu soo tebiyay wargeyska Belfast News Letter xagaagii 1932-kii, dadku way aqoonsan jireen gabadha lix jirka ah. "Koofiyadaha ayaa loo bixin jiray, safaleetigana waa looga luli jiray gees walba."

Markii ay gaartay dhalashadeeda toddobaad ee la xusay bishii April ee sanadkii 1933-kii, amiiraddu waxay dirtay casuumaad ay shaah ugu marti qaadeyso taageerayaasheeda.

A portrait of Prince Elizabeth, aged 7, holding a basket of flowers, painted by Philip de László in 1933

XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY

Qoraalka sawirka,

Sawir gacmeed laga sameeyay Amiiradda oo da' yar sanadkii 1933-kii, oo uu xardhay farshaxamiiste Philip de László

1px transparent line

Waalidiinteeda ayaa u diray Farshaxamiistaha arrimaha bulshada ee lagu magacaabi jiray Philip de László inuu sameeyo sawir muujinaya gabadhooda.

Farshaxamiistaha ayaa ku qeexay inay tahay "gabadha ugu caqliga badan uguna quruxda badan... waxay u caan baxday si aad u sarreysa... xilligaas waxay u muuqatay inay tahay boqoradda mustaqbalka ee Great Britain."

1934-kii warbixin kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in Boqorka mustaqbalka ee Edward VIII uusan dooneynin shaqada uu ku helay dhalashadiisa. Dad ku dhawaa amiirka ayaa si hoose u sheegay inuusan damacsaneyn inuu noqdo boqor, oo uusan raaxo u arkin".

Taas waxaa ka dhashay in gabadha yar ee amiiradda ah "si adag wax loo baray, maadaama loo arkayay inay tahay qofka leh taajka boqortooyada England".

Sheekada xogaha lagu fashilay ee kasoo baxday Waqooyiga Ameerika waxaa daabacay wargeyska Marysville Journal-Tribune.

Images from a newspaper story printed in the the Marysville Journal-Tribune in 1934, with the headline

XIGASHADA SAWIRKA,MARYSVILLLE JOURNAL-TRIBUNE

Qoraalka sawirka,

Wargeyska Marysville Journal-Tribune ayaa 1934-kii daabacay xogta ku saabsan wax baridda amiiradda loo diyaarinayo boqortooyada

Jaraa'idyada dibadda ayaa ka warramayay sida ay fursadda ay boqorad ku noqon karto amiiradda yar uga sii dhow yihiin markii ay 8 jir ahayd Boqorad Victoria, hal qarni ka hor xilligaas. Waxay ahayd gabadha uu dhalay wiilka afaraad ee boqorka, waxaana safka dhaxalka uga horreeyay labo adeerradeed ah.

Layaab ma lahayn in Elizabeth ay la socotay xaaladda iyo sida ay filashadu noqon karto.

"Haddii aan mar uun noqdo Boqorad, waxaan sameyn doonaa sharci dhigaya in fardaa aan la fuulin maalmaha Aaxadda. Farduhu waa inay nasasho helaan iyaguba," ayay ku tidhi Crawfie.

Prince George with Prince William and the Queen at the Trooping of the Colour in 2015

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiir William ayaa la sheegay inuu doonayay in wiilkiisa George uu nolol caadi ah dareemo ka hor inta aan loo sheegin mustaqbalkiisa

Marka la eego dhammaan calaamadaha kor ku xusan, waxay arrintu u muuqataa in Boqorad Elizabeth II ay garawsaneyd fikradna ka heysatay waxa sugayay iyo inay mustaqbalka noqon karto Boqoradda, iyadoo xitaa toddobo jir ah - oo ah ugu yaraan saddex sano ka hor inta aysan soo shaac bixin.

Arrin kale oo xiiso leh ayaa ah in markii uu Amiir William jiray toddobo sano uu ogaaday mustaqbalka mas'uuliyadda leh ee sugayay.

Elizabeth and Margaret with their parents and dogs at Windsor in 1936

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth oo yar iyo Margaret oo la jooga waalidiintooda iyo eeyo xilli ay ku sugnaayeen Windsor sanadkii 1936

1px transparent line

Sanadkii 1933-kii, sida laga soo xigtay rug caddaa ka tirsan boqortooyada, Lilibet waxay si kalsooni leh ugu wargelisay walaasheed, oo dhalatay 1930-kii, kuna tidhi "Aniga waxaan ahay saddex adigana waxaad tahay Afar."

Maadaama ay yareyd way jah wareertay, balse way awoodday inay xisaabta isku darto, waxayna Margaret ku jawaabtay: "Maya, ma tihid. Aniga ayaa saddex jira, adigana waxaad jirtaa toddobo!"

Waqti ayay qaadatay inay Margaret fahanto in waxa ay walaasheed ka hadleysay aysan ahayd da'da balse ay ahayd booska ay labada gadhood ee walaalaha ah uga jiraan dhaxal sugidda boqortooyada kaddib awowgood - Adeer David, waa koow; Aabe, waa labo; Lalibet waa saddex.

Gabadha toddobo jirka ah si toos ah ayay u ogeyd waxa ay markaas uun fikirk ka billaabayeen dadka kale ee caalamka.



XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip