Xiriirka , Raganimada iyo Qurbaha.

0
Saturday September 10, 2022 - 14:30:55 in Wararka by
  • Visits: 2525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka , Raganimada iyo Qurbaha.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Waqooyoga Afrika: Bidaarta waxaa looga yaqaan Koofiga Boqortooyada Raganimada.

2.

 

Dalka Turkumanistan: Nin aan Bidaar leheyn Hal Xaas ka badan ma guursan karo.

3.

 

Dalka Barazil: Gabadha qurxoon,waxa ey xaq u leedahay in Ninka ey guursanee Timahiisa ey fiiriyaan.Haddii ey Salka ey ka soo dhalanayaan Timuhu isku dhaw dhaw yahay oo shiil badan ey yihiin. waxa ey leedahay waa astaan Dumar, waxaana Ninkaan ku yar Raganimada Hadduuna lehyen Timo Bisbis ah.

4.

 

Dalka Uzbekistan: Ninka Bidaarta leh, Meher lagama rabo haddii uu guursanayo.

5.

 

Dalka Argentin: Naagtii Ninkeedu Bidaar leeyahay waxaa loo aqoonsadaa Hogaanka/ Sayidada Haweenka Magaalada ey degan tahay waana in la ixtiraamo.

6.

 

Dalka Indonesia: Haddii Laba Qof ey isguursanayaan, Qaaligu waa in uu arko labada Qof Sawiradooda si uu u hubiyo Muuqaalka in uu Bidaar leeyahay.

7.

 

Dalka Australia: Naagta, Haddii uunan Ninkeedu Bidaar leheyn, waxa ey Xaq u leedahay in ey ka raaci karto Nin kale, haddii ey hesho Nin Bidaar leh.

8.Dalka Finland: Marka Gabdhaha qaar ey dalbanayaan Jaamacadda Helsinki University.

 

Gabadha danteedu ma ahan Jaamacadda oo kaliya ee waa in ey ka hesho Wiil Bidaar leh kadibna ey la saaxiibto.

9.

 

Dalka Holland: Maalmahaan waxaan arkayay Qoraalo sheegayo in Gabdhaha Reer Holland ey "Night Club-yada” ka raaadsadaan Wiilalal Bidaar leh.

10. in kasta oo Dadku marka ey Gaboobaan, Rag iyo Dumarba Tintu ka bido, Jinsiguna ku yaraado.

 

Haddana Wadamada qaar sida Shinaha, waxaa jiro Haween Badan Qabiilada qaar, Haweenkuna ey Bidaar yeeshaan iyaga oo yar yar taa oo lagu sheego Dhaxal ahaan ka yimid Hidda sidaha waalidiintood.

11.

 

Somaliya: Ragga Bidaarta leh, waxa ey Suuq u yihiin oo wax ka iibsado Dadka Koofiyadaha Sameeyo.

Sirta Bidaarta loo rabo ayaa ah in la aaminsanyahay in Ragga Bidaarta leh ey ku Badanyihiin "Hormones-ka” unugyada Raganimadu. waxa ey leeyihiin mid ka mid ah Cilmi baaris la sameeyay ayaa leh: Ragga Bidaarta leh waa ka bisilyihiin Ragga aan Bidaarta leheeyn.

ileyn, Qurba joogta Somalidu waxa ey Bidaarta u wada leeyhiin ma ahan mid caadi ah, Ameey tahay mid si ula kac ah loo sameeystay, mise Qaboowgey Biyo kulul ku qubeeysteen.

Somaliya dhaqan ahaan lama jeclo Ninka Bidaarta leh, weliba Miyiga.

 

Xataa Bidaarta iska daaye, Gabdhahu Marka ey soo Qaan garto, waxa ey fiiriyaan Haddduu leeyahay Gar Hareed ah, Haddii ey ku arkaana waa ka cararaan.

 

Gabdhaha yar yar ee Ari jirka ihi, Marka ee Xoolaha ilaalinayaan waxaa jirta Suugaan ah Maanso Gabdheed oo leh:

(( Nin hagooganu hadoow kuu yimaad, hagoogtaa laga ridaa, Hareedaa laga dayaa hareerdku hadoow ku yaal, Hiraa hadal laga yiraa)).

Hadda Dhalinyaradii iyaga oo aan gaarin Da’dii Garka ayeey Garka xiirayaan, in uu si Rifrif ah ugu soo baxo.

 

Waxa ey ku daysanayaan Fanaan hebel ama laa Laacib hebel Ajnabi ah, ee walba ku daysan maayaan Abkoowgood iyo Saxaabi hebel Garkiisii.

Dadku waa kala maane, Qaarna Bidaar in lagu talaalo ayey Lacag ku bixinayaan Qaarna in Bidaar loo Sameeyo ayeey Lacag ku bixinayaan.

Sida Dollarka Ninka Bidaarta leh ku sawiran yahay loo jecelyahay miyaa Ninka Bidaarta lehna loo jecalyahay?.

Aaw Bidaaroow, Barakadaa.



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip