HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KAMIIS 8-DA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Thursday September 08, 2022 - 08:04:18 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KAMIIS 8-DA SEPTEMBAR 2022-KA

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magac aabay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ay aa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gu ddoomiyaha Gobolka Banaa dir iyo Duqa Caasimadda Mu qdisho.

Madaxweynaha ayaa ku sale eyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragn imada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadasha qeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeey ay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dha mmaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wad aagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maam ulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magaca abay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, Shalay oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.

Ra’iisul wasaare Xamse oo boggaadiyay wada shaqaynta Wasaaradda Cafimaad ka XFS iyo Wasaaraddaha caafimaadka dowlad gobolleed yada

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Md. Xamse Cabdi Barre , oo warbix in ka dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Caaf imaadka ayaa ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka Feder aalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad goboll eedyada kuwaas oo saldhig u ah in si wadar og gol ah looga wadashaqeyo howlaha horumarinta caafimaadka.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wa xa uu shir la xiriira qaa bkii loo wada shaqayn lahaa u dhaxeeyay Wasaaradda Caafima adka Federaalkaiyo Wasaaraddaha Dowlad Gob olledyada ee caafimaadka kaas oo ahaa mid diiradda lagu saaray qaabka shaqo wadaag iyohowlaha shaqo ee hortabinta u leh.

Guddoomiye Yuusuf Madaale Oo War Ka soo Saaray Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ah na Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka had lay xilka uu Shalay u magacaa bay Madaxweynaha Jamhuuri yadda Federaalka Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiye Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaa dir mar kale u magacaabay, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamse Bar re.Sidoo kale Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u ma hadnaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka ee soo dhaweeyay magacaabist iisa, wuxuuna tilmaamay inuu dib u soo celin do ono hindisihii weynaa ee "Hal doolar dalkaada ku dhis”.

"Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib u soo celino hindisihii weynaa ee "Hal doolar dalka ada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhis nay iyo midkii ahaa "Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caa simada muqdisho” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Mad aale.

Qoraalkiisa wuxuu intaas kusii daray "waxaa in taas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd in aan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doortaan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir”

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale u magacaabay inuu noqdo Guddoomiya ha Gobolka Banaadir ahna Duqa M/ Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxaa ka soo baxay kulankii Madax weyne Xasan Sheikh iyo Beelaha Hawiye

Sida ay xaqiijinayaan xildhibaano katirsan baarlamaanka Faderaalka, Madaxweynaha Soo maaliya ayaa Habeen hore kulan ugu yeeray xubno gaa raya 12-15 xubnood oo kasoo jeeda Beesha Haw iye, waxaana uu usoo qadimay dalab ay qeybo kamid ah dood kasoo celiyeen.

Madaxweyne Xasan ayaa u sheegay xubnah an uu la kulmay in uu doonayo in la abaabulo shir weyne beeleed (Hawiye) oo ay yeelanayso beesha uu kasoo jeeda Mada xweyn uhu, kaas oo lagu qabanayo dawlad gobale edya da Galmudug ama Hirshabeelle, ujeedadiisu na ay tahay in dagaalka ay dawladdu kula jirto kooxaha Argagixiso laga be delo in lagu howlgalo magaca dawladda balse la ga dhigo mid beeleed oo ay Jifooyinku dagaalkan qaadan, dhaqaalaha iyo hubkana ay bixiso dawla dda Faderaalka.

Xubnahan ayuu Madaxweynuhu Habeen hore ka co dsaday in ay iskugu yeeraan marka koowaad, xil dhibaanada labada aqal iyo wasiiradda kasoo je eda beesha, ka dibna ay diyaariyeen Shirweyne guud oo beeshaas yeelato.

Lama yaqaano sababta kaliftay in Madaxwe yne Xasan, uu abaabulo in beeluhu ay noqdaan ci da la dagaalamaysa Al Shabaab, xili uu dhawaan sheegay in ciidamada dawladdu ay qaadi doona an guluf colaadeed oo ka dhan ah kooxdan Arga gixiso.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee BJFS oo kulan la qaatay La-taliyaha Madaxweynaha JFS dhanka Arrimaha Bulshada

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS wuxuu kulan kula yee shay Xarrunta Guddiyada ee Villa Hargeysa La-taliyaha Madaxwey naha JFS dhanka Arrima ha Bulshada Marwo Xaliima Cali Culusow

Kulanka waxaa Shir-guddo omina ayey Guddoomi yaha Guddiga Horumarinta Adee ga Bulshada Xil dhib aan Nadra Saleh Abdi, wax aana goob-joog ahaa Xoghayaha Guddiga Xildh. Mukhtaar Saajid iyo Xil dhibaan Faaduma Faarax Aadan (Nine), iyada oo Ajendaha kulanka uu ah aa Isbarasho, Is xo gwareysi iyo sida loo yeelan la haa wada-shaqeyn joogto ah si wax looga qabto Baahiyaha Bulsha da.

Xasan Sheekh 'oo ballanta uga baxay' Beeshii uu ka ballan-qaaday xilka guddoomiyaha gobolka

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, nabadoo nada, siyaasiyiinta, saraakiil ciidan, haween iyo dhallinyarada beesha Galmaax Yoonis ee dagta gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka HirShab elle oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud.

Beesha Galmaax

ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeys ay inuu kaga baxay ballaan uu ka qaaday oo ah eyd inuu siin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasoo Shalay loo magacaabay Yuusuf Madaale oo kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Beelaha Galmaax iyo Daa’u ud ayaa laba duba ka wada tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal.

Odayaasha beeshaan ayaa she egay inay dhaw aan kulan la qaateen madaxwey naha Soomaal iya, islamarkaana uu ka ballan qaa day inuu xil kan siin doono, waxayna wax laga xu maado ku til maameyn ballan ka baxa uu ku same eyey.

Beesha Galmaax ayaa sidoo kale sheegtay in ay madaxweyne Xasan Sheekh garab soo siiyeen xilligii uu musharaxa ahaa, sidoo kalana ay garab istaageen waqtigii Badbaado Qaran, xilligaas oo ciidankii naftiisa badbaadiyey ay kasoo jeedaan beeshan, uuna hoggaaminayey Cusmaan Xaado ole oo ka tirsan beesha Mataan Cabdulle ee Gal maax. "Beesha Galmaax Yoonis waxay Shalay is ugu timid inay ka arrinsato masiirka gobolka Bana adir, Mudulood waa gogosha Soomaaliya, haddii hoos loo dhaadhacana Galmaax Yoonis nimanka la yiraahdo waa salka ay Soomaalida wada dhig aneysay, madaxweyne Xasan Sheekh xilligiisii hore beeshaan afar jago oo muhiim ah ayuu ka qaaday halmar, waa nin walaalkeen ah dagaalki isa kuma deg degi karno balse waxaan leenahay Allaha booska kaa qaado,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha kulanka ka hadlay.

Nabadoon kale oo shirka ka hadlay ayaa yiri "Madaxweyne Xasanow Ilaahey wuxuu jecel ya hay kuwa ballanta oofiya, dadkaan ballan ayaad ka qaatay, waad isku duceyseyn, waxaana kaa ra bnaa ballantii aad ka qaaday Galmaax Yoonis.”

Odayaasha ayaa sidoo kale xusay in Beesha Gal maax Yoonis ay xisaab ahaan u leedahay gudd oomiyaha gobolka Banaadir, waxayna si cad u sheegeen inaysan aqbaleyn in xuquuqdooda cid kale la siiyo.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, hase yeeshee waxaa la rumey san yahay inuu cadaadis kaga yimid dhanka bee sha Daa’uud oo ah seediyaashiis, maadama xaas kiisa Sahra ay kasoo jeedo beeshan.

Beesha Daa’uud ayaa horey u haysatay xildhi baan iyo Senator, wuxuuna Xasan Sheekh ugu da ray xilka guddoomiyaha gobolka, halka beesha Galmaax oo ka kooban afar jufo aadna uga badan Daa’uud ay ka haysato kaliya hal xildhib aan.Caddaalad darrada Xasan Sheekh uu ku sam eeyey beelo ka wada tirsan beesha uu ka dha shay ee Abgaal ayaa meesha ka saaraysa rajo kasta oo laga qabay inuu u caddaalad falo Sooma

alida kale.

Fiqi oo soo saaray warbixin dhameys tiran oo ku saabsan dadaallada ay waddo DF

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaa llada ay waddo Dowladda iyo goob aha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Wasiirka ayaa sheegay in abaar tani ay tahay tii ugu darnayd mud do 40 sanno ah,taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof oo u dhiganta 42% guud ahaan dadka dalka ku dhaqan, isla markaana ay ka bara kicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u he laan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an. "In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay abaartu haddana xogta ay Dawladda Federaalka Soomaal iya (DFS) hayso waxaa ka mid ah dhulka ay ku dhaqan yihiin xoolo-dhaqatada iyo beerale yda go bollada Bay iyo Bakool, reer miyiga gobolka Ge do, deegaannada Cadduunka iyo Hawdka ku yaal gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Sool iyo Togdheer,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin wax lagaga qaba nayo xaaladda abaaraha, sida in Disembar 2021, Golaha XFS ay ku yabooheen in bil walba 20% la ga jari doono mushaharaadkooda, taasoo lasii joogteeyey, hadana maraysay $750,000 , ku lamo kaalmo loogu raadinayo dadka ay saame ysay abaarta oo lala yeeshay beesha caalamka iyo tallaabooyin kale oo lagu dardargelinayo.

"Janaayo-Abriil 2022, DFS waxay qabatay shi rar lala yeelanayo Deeqbixiyaasha, Ururrada Bul shada Rayidka, Ganacsatada iyo Culimada Soom aaliyeed si loo dardargelinayo gurmadka Abaar aha inta aysan xaaladdu sii xumaan. Waxaana la bilaabay in raashin loo qaado magaalooyinka qaar.Maajo-Luulyo 2022 Madaxweynaha DFS wa xa uu u magacaabay Ergayga Gaarka ee gurmad ka Abaaraha, halka ay DFS ka heshay dawladda UAE $9.6 milyan oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha, iyadoo tan iyo bilowgii gurmadka Aba araha 3,200 tan oo raashin ah la gaarsiiyay dad ku dhow nus malyuun qof,” ayuu intaas ku daray wasiiirku.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ax med Macalin Fiqi, ayaa xusay in Agoosto-Sibtem ber 2022 ay DFS dib u hawlgelisay Hay’adda Maa reynta Masiibooyinka, iyadoo la asaasaasay Gu ddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka koob an 16 xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Culimo, Ga nacsato iyo Bulshada rayidka, xoghayna u tahay Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdeg ga ah (NEOC).

"Isbuucan waxay DFS udirtay raashin 50 tan ah oo loogu talo galay 2,100 qoys oo ku sugan go obaha looga baqayo in nafaqo darro ka dilaacdo, iyadoo degmooyinka qaar la siiyay dhaqaale ay dib ugu hagaajistaan ceelasha biyaha ay ka cabi jireen.

DFS waxaa ka go’an hawlaha xoojinta iyo dard argelinta dadaallada gurmadka abaaraha si loo sa mata bixiyo Bulshada Soomaaliyeed ee la ildaran masiibada abaarta.”

Ugu danbeyn, Dowladda Federaalka Soomaa liya ayaa ugu baaqday dhammaan Bulshada Soo maaliyeed, Saaxiibada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashaba in loo kaco sidii lo ogu gurman lahaa bulshada u tabaalaysan saame ynta abaaraha

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Somaliya Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Soomaaliya ayaa Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee So omaaliya Fei Shengchao iyaga oo ka wada had lay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka laba da dal, howlaha safaaradda Shiinaha iyo sida ay uga qeybqaataan guud ahaan dowlad dhiska Soo maaliya. Safiirka Shiinaha Fei ayaa ugu horreyn muujiyay in Jamhuuriyadda Shacbiga Shi inaha ay muddo dheer saxiib la aheyd Soomaaliya isaga oo intaa ku daray sida ay Beijing uga go’an tahay inay dhisto iskaashi iyo wadashaqeyn xooggan oo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afiirka ayaa ballanqaaday inuu ku dadaalayo adkeynta xiriirka labada dal, la shaqeynta wasaa radda arrimaha gudaha iyo xukuumadda, sare u qaadista taageerada la xiriirta abaaraha, la dag aalanka argigixisada iyo inuu ku shaqeeyo how laha hortabinta leh dowladda cusub ee Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha Guddaha, Feder aalka iyo dib u heshiinta Soomaaliya ayaa ku dhe eraaday xiriiirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sida ay Shiinuhu uga qeyb qaat een dhismaha Soomaaliya burburkii kahor isaga oo safiir Fei Shengchao ku ammaanay shaqada uu ka qabtay in ay Shiinaha ay Soomaaliya ka taa geeraan arrimaha abaaraha iyo guud ahaan dow lad dhiska.

Wasii Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri "Waxaan u adeegsan doonnaa dib-u-heshiisiin, nabad-dhisidda iyo ka-qaybgalka bulshada si aan uga adkaano argagixisada oo aan si joogto ah u cirib-tirno fikradaha xagjirnimada ah”.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS oo daah furay Kulan wadatshi ah oo la xiriira xeer ka

 Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guda ha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane ilya as Ali Hassan ayaa Shalay daah furay Kulan wa datshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose.

kulanka waxaa goob jo og ahaa Wasaa radaha Arrimaha Gudaha ee Do wlad Gobo leedyada, Gobolka Banaadir Wasaara daha Heer Federaal oo ay shaqadeedu la xiriirto machadka dowladaha Hoose iyo Hay’ adaha Qar amada Midoobe ee taageera Ma shruuca ( JPLG)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha guda ha Mud.Saciid Abdullahi Calasow oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa raaciyey in wadatshiyada ay sii socon doonaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gud aha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta ilyaas Ali Ha ssan ayaa sheegay sheegay sida ay muhiim u tah ay in si dadka la maamulaya ay u gaaraan adeeg yo kala duwan, loona hanto kalsoonidooda ay lag ama maarmaan u tahay in la helo dad leh tayada iyo aqoonta ay ku fulin lahayeeen howlaha loo ig maday iyo in sidoo kale la helo meel lagu diyaar iyo dadkaas oo ah machadka dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha gudaha oo ah machad waxtar u leh dowlad dhiska, awoodsiinta dadka iyo baahinta maamulka. "Waxaana naga go’an in la dardar galiyo sidii lagu dhamaystir lahaa machadka dowladaha ho ose iyo aqoonta dadka uu kuso kordhinaya” ayuu intaas ku daray wasiir Ilyaas. Dhankiisa, Agaasim aha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Cumar Guure oo goobta ka hadlay ayaa xusay in xeerkii lagu maamuli lahaa machadka qaranka uu muhiim u yahay dhammaan dowlad goboleedya da dalka iyo gobolka Banaadir.

Gudoomiye Madaale Oo Durba Ka Had lay Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Shalay loo magacaabay xilka fudoomiyaha cusub ee go bolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa ka had lay shaqada ugu horeyso ee uu diirada saarayo inta uu xafiiska fadhiyo.

Madaale oo qoraal Mahad naq ah soo dhigay bartiisa Facebook ay aa uga mahad celiyay madaxweyna ha xilka uu u dhiibay, isagoo balan qaaday inuu xil iska saari doono u adeegida bul shada caasimada

Arrimaha uu xoogg saari doono ayuu ku she egay iney qeyb ka tahay sidii maqaamka magaal ada muqdisho meel loo saari lahaa, Bilicda caasi madda iyo dhismaha wadooyinka burbursan.

"Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib u soo celino hindisihii weynaa ee "Hal doolar dalka ada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhis nay iyo midkii ahaa "Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caas imada muqdisho, waxaa intaas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doort aan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobal ka Banaadir” ayuu yiri gudoomiyaha.

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Xubna ha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ca bdi, ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee komi shanka doorashooyinka ee dhawaan kasoo gud bay ansixinta Golaha Wakiillada oo Shalay horti isa lagu dhaariyey.

Xubnaha komishanka doorashooyinka ee Shalay Madaxweynaha hortiisa yimi, saddex ka mid ahna uu halkaas ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay hawshooda u gutaan si xilkasnimo iyo dedaal ku jiro, dhexdana u xirtaan inay hawl aha ballaadhan ee doorashooyin ka ee ka sugayo ay hore ka bilaa baan.

Madaxweynaha Somaliland, Muu se Biixi Cabdi, waxa uu ugu horrayn xubnaha la ansixiyey ee Komishanka doora shooyinka ku adkeeyey inay Gudahahooda muujiyaan midnimo iyo masuuliyad-wadareed, gudahoodana samays taan xeer-hoosaadyo ay ku kala socdaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu caddeeyey in xubnaha komisanka looga fa dhiyo hirgelinta labada doorasho ee ururrada iyo madaxweynaha oo uu xusay inay midda ururradu soo horayso, waxana uu yiri,"Laba doorasho ayaa ina dul yaalla oo aad qaadaysaan, midi waa tii xis biyada, marka aad saddexda xisbi soo saartaan baa madaxweynahana la dooranayaa, ururradaa cararayaana madaxweynay doonayaan, mana dhici karto in la yidhaahdo ururradow, ururna sam eeya, madaxweynena u gudbi maysaane dib u suga, sharcigana ma waafaqsana.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xubnaha kom ishanka u sheegay inuu madaxwene ahaan si bu uxda u garab taagan taagan yahay, gacan buxda na kasiinayo wax kasta oo dhinaciisa kaga xiran.

Dowladda oo dersi ka kororsatay dagaal ka shacabka kala horjeedaan Shabaab

Boqolkii maalmood ee uu xafiiska joogay Ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa muuqata in Villa Somalia ay dersi ka baratay dag aalka ay dadka rayidka ahi kala horjeedaan mintid iinta Al Shabaab.

Xoogaga deegaanka Gobolka Hiiraan ee loo ya qaano Macawiisleyda ayaa door weyn oo muuqdo ka ciyaaray guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ka gaareen hawlgala da ay ka wadaan go bolkaasi, tan iyo bi shii June. Ciidanka ayaa hawlgaladan ku la wareegay deegaa no badan oo Shabaabku kaga sugnaayeen deeg aano hoostagga Degmooyinka Matabaan, Maxa as iyo Beledweyne.

Guulahaasi waxa ay dowladdu is tustay in ha wlgalada ceynkani oo kale ah uu ka khasaaro yar yahay hawlgaladii hore, ee ay ciidanku ka wadeen gobolada dalka. Casharka ay dowladdu kororsat ay ayaana ah in dadka deegaanku kala garanaya an dhulka lagu dagaalamayo iyo inay kooxaha na badiidka ku adkaan doonto goobo ay iska soo abaabulaan.

Dowladda Federaalka ayaa haatan Gobolka Galgaduud ka waddo abaabul ay ku hubeysaney so dadka deegaanka, si ay ciidanka uga gacan sii yaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab amaba in ay iyagu si iskood ah ula dagaalamaan, si ay u soo afjaraan jooggitaanka Shabaab ee deegaana dooda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa she egaya in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talis ka Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaarinayaan saan ad hor leh, oo ay tahay in la gaarsiiyo shacabka goboladaasi ka wada kacdoonka ku wajahan Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay "Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxandarada argagixisada banneysat ay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeyna yaa in ay adkeystaan oo aanay is dhiibin maalma haan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baa qaya inay taageero buuxda la garab istaagaan cii damadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadeyaasha ah, dhabaha keliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo do wladda oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartil maameedsanayo maleeshiyada Shabaab, si loogula xisaabtamo shacabkii ay ku laayeen waddada Beledweyne & Maxaas iyo guud ahaan dalkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaaggaan la dagaalanka Shabaab, si lamid ah shacabka ku dhaqan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shaba ab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa wareysi uu si iyay Idaacadda Andalus waxa uu ku sheegay inay ka warqabaan qorshaha ay dowladda ku hubey saneyso beelaha, isagoona qabaa’ilada uga digay inay dagaal kala horyimaadaan maleeshiyadooda.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaal ka iyo jooggitaanka Ciidanka Nabad Ilaalinta Mid owga Afrika ee dalka, sidoo kalena waxa ay dag aal kula jiraan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Khilaaf Culus Oo Hareeyay Shirka Wasii rada Maaliyada Ee Ka Socda Muqdisho Iyo Qodobka La Isku Hayo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqd ishoayaa sheegaya iney jirto wal wal laga qabo inuu fashil kusoo dhamaado shirkii u dhexeeyay wasiirada Maaliyada dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo galay marxalad adag.

Sida wararku sheegayaan, shirka oo soo bilo wday Shantii bishan oo ku beegneyd maalinimadii Isniintii ayaa lagu waday in Shalay la soo gaba-gabeeyo, iyadoo mudadii uu socday warbaahinta loo diiday iney tabiso ama dhinacyada shirsan ay xog ka siiyaan halka la isla mar ayo.

Dooda ugu badan ee shirka hareysay, lag ana cabsanayo iney natiija la’aanta sabab u noq oto ayaa ah sida loo qeybsanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, iyadoo dhanka dowl adda lagu eedeenayo iney damacsan tahay sad bursi. Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dowla dda Dhexe ay ku doodayso in lacagaha deeqaga ah loo qaybsado si siman, halka dowlad goboleed yada ay ku taaganyihiin qoondadii Hore ee 60/40 , iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%.

Si kastaba, Shirkan looga hadlayo nidaamka maaliyadda dalka iyo gadoodkii Wasiirada Ma aliyadda DG ee sababay inay wadajir ugu dhawa aqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaan laga ogeyn waxa ka soo bixi kara.

Xisbiga Waddani oo ka hadlay mawqif kooda ku aadan mudo kordhin loo sameeyo madax weyne Biixi

Xisbiga mucaaaradka Somaliland ee Wadd ani, ayaa sheegay in anay aqbalayn in madaxw eyne Biixi loo sameeyo muddo kordhin aan lagala tashan. Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xa san, oo warbaabinta kalu hadlay barxada jaamac ada Gollis oo uu kaga qaybgalay xaflada qalinjab inta dufcadii 33aad ee ka baxda, ayaa sheegay in anay aqbalayn muddo kordhin aan iyaga lagala heshiin.

"Maya mawqifka yagana waanu sheegnay, waxa nooga meel ya ala 13 November wixii ka danbe eya hadaan laga wada hadal, had daan wax layskaga ogayn, ma jirto dariiqo sharci ah oo lagu kordhiyaa, waxna lagama heshiin lab ada shay ayaa wax lagu kordhin jiray" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in anay aqbali doonin ma daxnimada madaxweyne Biixi wixii ka danbeeya 13 November, oo uu ku egyahay maddo xileedkii loo doortay madaxweynaha "Markaa anagu ma aqoonsanayno dowlada xiligaa wixii ka danbeeya ma aqbali doono".

Madaxweynaha Somaliland ayaa la rajayna yaa in loo kordhiyo muddo xileedka, iyada howlihii doorashada lagu gali lahaa anay diyaar ahayn khilaafka siyaasadeed awgeed, isla markaana mudadu ay gaabantahay.

Faysal Cali Waraabe: Berri ayaanu shee gayna barnaamijkii aanu Muuse kaga hor tagi lahayn

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somali land ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheeg ay in xisbiyada mucaaradku ay berri ku dhawaaqi doonaan barna amij ay kaga hortagayaa madaxw eyne Muuse Biixi Cabdi.

Faysal ayaa sheegay in mada xweyne Muuse Biixi uu qorshays tay in uu isaga meesha ka saaro, isaguna uu joogo, isaga oo she egay in aanu marnaba ogolaan doonin sharci isa ga meesha ka saaraya. "Hadii barnaamijka uu wado ee uu leeyahay intaan ku dilo Faysalow ay aan sharci samaysanayaa, dee ka ogolaan, maa yo, miyaan ka ogolaanayaa sharci uu aniga igu baabiinayo oo uu isna ku jirayo" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in isbahaysiga mucaarad ka Somaliland, ay berri ku dhawaaqi doonaan bar naamij ay kaga hortagayaan howla urrurada, qab yaalad uu sheegay in uu madaxweynuhu umada galiyay iyo maciishada qaaliyowday.

"Berrito ayaanu aniga iyo xisbigii kale sheegay naa barnaamijka aanu kaga hortagayno Muuse wuxuu wado, ee halkuu dalka marinayo kaga hor tagaynay, ee qabyaalada uu wad kaga hortagay nay, ee maciishada qaaliyowday kaga hortagayn ay" ayuu yidhi Faysal "Berri ayaanu sheegayna cir ka hasoo dumiyo.

Guddoomiye Faysal ayaad aad uga cadhays an furista urrurada siyaasada, isaga oo marar ka la duwan sheegay in urruradu ay yihiin dabin la do onayo in isaga iyo xisbigiisa uu 20-ka sanno hog aaminayay meesha lagaga saaro.

Maxay tahay farriinta culus ee dowladda Itoob iya usoo dirtay madaxweyne Xasan

Dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo markii lab aad xilka loo doortay, iyadoo la marsiiyey Tel efishanka dowladda Itoobiya ee ETV.

Warbixin naadir ah oo looga hadlay xaaladda So omaaliya iyo hoggaanka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Telefishanka dowladda Ito obiya uga hadlay xaaladda Soomaaliya, waxaana warbixinta ka muuqatay dareenka ay Itoobiya ka qabto Xasan Sheekh iyo xiriirka uu hore ula lahaa Tigreega hadda dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayey Telefishinka do wladda Ethiopia ETV oo lagu diyaariyey luqada Ingiriiska ayaa diiradda lagu saaray Xaalaada So omaaliya, waxaana cinwaan u ahaa "Soomaaliya waxay soo martay dagaalka sokeeye ee ugu weyn Afrika”.

Waxaa si gaara looga hadlay taariikhda Mad axweyne Xasan Sheekh, markii ilaa markii uu tala da yimid sanadkii 2012 iyo llaa dib u doorasha diisii15 May 2022. Waxay warbixinta dib u goca tay xiririkii TPLF oo markaas ka talineysay Itoo biya iyo Xasan Sheekh.

Warbixinta waxay u muuqatay inay Xasan She ekh u sheegeyso rabitaanka dowladda Abiy Ahm ed ee ah inuu Itoobiya u muujiyo garab istaag si loo hagaajiyo xiirirka labada dal. Waxay sidoo ka le ka warrantay in TPLF dooneyso inuu Xasan Sheekh qaado tallaabooyin lagu wiiqi karo Qar animada Itoobiya.

Waxay bixisay digniin ah haddii Xasan She ekh taageero TPLF inay ka dhalan karto argixixso ka halisbadan Al-Shabaab, Soomaaliyana ay ku weyn doonto Dal weyn oo xulufo la ahaa.

Arrintan ayaa loo arkaa caddeyn kale oo muujine ysa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu shaki weyn ka qabo madaxweynaha cusub ee So omaaliya, isagoo aan ka jawaabin safar uu Madax weynaha Soomaaliya doonayey inuu ku tago dalkaasi, markii xilka loo doortay. Hoos ka daawo warbixintan

Xigasho: Goobjooge.net

Kacdoonka shacabku waa ciribtirka Al-Shab aab

Waxaa gudaha dalka ka Soomaaliya,gar ahaan gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ka socda howlgallo ciidan oo la doonayo in kooxaha nana-diidka ah looga sifeeyo deegaanada fara ku tiriska ah ee ko oxdaasi ay ku dhibaaateeyaan dadka shacabka Howlgaladaan oo bilowday todobaadya dii la soo dhaafay ayaa daba socda qorsho howleed ka yim id Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doon ayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan la cagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka sha cabka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqat ada.

Howlgaladaan oo lagu saleeyay qorshaha dha maadka Al-Shabaab ayaa xilligaan horseeday in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo Xagjirka arxanlaawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,howlgaladaan ayaa haatan u jiheyst ay Kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxaha nab ad-diidka, waxayna dhaliyeen in dhul ballaaran laga ceyriyo Alshabaab, isla markaana laga nab ad-galo cagajugleyntii iyo lacagihii baadda ahaa ee ay qaadan jireen kooxahaasi.

Inta badan kacdoonada shacabka ee ka dhan ka ah Al-Shabaab, ayaa yimid ama daba soc da,kadib markii dad aad u fara badan oo dhibaat ooyin kala kulmay ficilada xun ee kooxaha argagi xisada ay ku biireen howlgalladaan ciidan ee ka socda Gaalgaduud,Hiiraan iyo iyo deegaanno ka tirsan K/Galbeed.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan iyo Gaalgaduud ayaa sheegay in ay ka g’an yahay sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaanaloo badbaadin lahaa dadka shacabka ah .

Maalmihii u dameeyay ,waxaa degmooyin ka mid ah Gaalgaduud iyo Hiiraan lagu gubay dad ra yid ah oo socoto ah,gawaari ay saarnaayeen nu ucyada raashinka ,ceel biyoodyo ,baraago iyo shirkado isgaarsiineed,kadib kolkii kooxda Al-Sha baab looga adkaaday dagaallo badan oo ay hor seed ka ahaayeen dad shacab ah oo diidan lac agaha baadda ah.

Si loo gaaro guulo ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dow ladda Soomaaliya ay gacan ka geysato fududeyn ta adeegyada aasaasiga ah iyo dhismaha maam ulka deegaanada laga xoreeyay aragixisada Al-Shabaab,taasoo haddi aan la helin sababi karta in ay dib isu isu soo abaabulaan kooxahaasi,isla ma rkaana ay geystaan falal xasuuq ah oo lagula kac ayo dadka.

Waxaa hubaal ah in haddii ay sii socdaan kac doonada shacabka ee looga horjeedo Al-shabaab ay suurtaagala noqon karaan in gabi ahaan la soo afjaro dhaqdhaqaaq yada hubeysan ee malee shiyaadka nabad diidka ah.

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Soom aaliya ku badbaadinayaan Qamadigooda

Xilli meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Ba rtamaha dalka Soomaaliya ay kajirto abaar baahs an oo saameysay dad iyo Duunyo ayaa waxaa ji ra dalal dhowr ah oo sheegaya inay ka qeyb qaa dan doonaan gurmadka loo sameeynao dadka So omaaliyeed. adaxweynaha dalka ay dagaalada ka socdaan ee Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in 28,600 oo tan oo Qam adi ah uu dal kiisa todobaadyada soo socda gayn doono Soomaaliya oo halis ugu jirta in macluul darran ka dhalato abaarta kajirta.Dowladda Ukraine ayaa dhawaan billowday in qamadiga dalkeeda kasoo go’a loo daabulo dunida si wax lo oga qabto gaajada ku habsatay dalalka Afrika kuyaalla iyo qeybo kamid ah Aasiya oo ku tiirsan qa madiga dibadda.

Dhawaan sidoo kale shixnadii ugu horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa waxaa la keenay dalka Jabuuti, iyadoo loogu talo galay Jabuuti iyo Eth iopia in loo qeybiyo gargaarkaas, iyadoo lagu soo daabulay maraakiib toos uga yimid dekedaha dalka Ukraine.

Q/Midoobay ayaa sheegtay inay saadaalisay macluul inay Soomaaliya ku dhufan karto dham aadka sanadkan 2022, halka dowladda Mareykan ka dhankeeda ay sheegtay ina ka walaacsan tah ay macluusha loo saadaaliyay Soomaaliya.

Uhuru oo sheegay inuu ku farxi lahaa haddii Raila Odiinga madaxweyne loo dooran lahaa

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Kenya Uhuru Kenayatta ayaa sheegay in uu doorbidayay in madaxweyne loo doorto Raila Odinga isagoo sheegay in weli shaqsiga uu taagersanyahay uu yahay baba Raila.

Hadalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xilli maxkamadda saree e Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in William Ruto uu yahay madax weynaha sida rasmiga loogu do ortay Kenya.

Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlayay muna asibad ka dhacday ismaamulka Kajido oo ay ku kulmeen madaxda la doortay ee kusoo baxay isb ahaysiga Azimio ayaa sheegay in haddii Raila la dooran lahaa Kenya ay cagta saari lahayd wado toosan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 13-ka September uu xilka ku wareejin doono Ma daxweynaha la doortay ee William Ruto si wa afaqsan dastuurka dalka.

Hadalka Kenyatta ayaa kuso beegmaya xilli Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya, William Ruto, uu sheegay inuu wada hadal dhan ka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaha xilka kasii degaya ayna ka wada hadleen sidii uu xilka ula wareegi lahaa.

Sidoo kale William Ruto,ayaa sheegay inay ka wa da hadleen doorashadii dhawaan lasoo gaba gab eeyay, iyo isbadalkii dimuqraadiyada ee ka dha cay Kenya.

Nabadgelinta Soomaaliya: Hiigsasho Cadaalad Iyo Amni U Ah Dhamaan Somalida

Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, hadana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna, muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo siman yahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsan ya hay in amniga oo kor loo qaa do, iyo arrima ha gar soorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha. Daahfurka mashruuca Nabadgelinta So omaaliya ee Shalay wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soo maaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’a amada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga si loo helo hanaan iyo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan. 7ada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Na badgelinta Soo maaliya wuxuu taageero u fidin do onaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl gelayo si ay u tilmaamaan una qodobee yaan caqabadaha hortaagan in la he lo amni iyo garsoor laysku hallayn karo, isla mar kaanaa ay si wadajir ah usoo jeediyaan xuluusha ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan ade eg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaam ka amniga iyo garsoorka baahsan.

Mashruuca Nabadgelita Soomaaliya wuxuu bilo wgaba ka hawl geli doonaa degmooyin dhowr ah (laba degmo Dawlad Goboleedkiiba) oo ka mid ah degmooyinka labada Dawlad Goboleed ee Ko onfur Galbeed iyo Jubaland. Sida loo dooran ayo degmooyinka hawlgalka mashruuca Nabad gelin ta Soomaaliya lagu bilaabayo waxay ku ima anay saa ka baraandegid, qiimeyn, iyo wada-tashi lala yeeshoo hogaanka siyaased ee Dawladaha Fede ralka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Ha wlgal ka mashruucu wuxuu gaari doona degmo oy in kale oo ka tirsan isla labadaa Dawlad Gobol eed.

Xulushada degmooyinka mar walba waxaa la gu salayn doonaa wax ka barashada iyo khibrada ha laga kororsaday shaqooyinka bilowga ah ee la ba, labada degmo laga qabtay, iyadoo isla mar ka ana la eegayo in loo heli karo miisaaniyad sha qa da lagu fuliyo.

Mashruuca waxaa fulin doona tiro hay’ado So omaaliyeed iyo kuwa caalami ah oo iskaashan do ona, ayna ka mid yihiin: Asal iyo Saferworld, Equ al Access International, Perspective Media, BBC Media Action, Somali Women’s Study Centre, It ad, Altai. Hey’ada UNOPS ayaa ah agaasinka maaliyada mashruuca.

Si mashruucu u taageero fududeynta adeega garsoorka iyo amniga, dadweynahana ugu sahlo inay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta iyo hawl-wa deenada bixiya adeega amniga iyo garsoorka, wa xaa mashruuca hagi doonaa todobadan (7) tiir: 1) inuu deegaan gaar ah dhibka ka jira xal u raadiyo, 2) inuu xaaladaha jira la qabsan karo, kartina u ye elan karo inuu la jaanqaado, 3) inuu wada-sha qa yn dhab ah kasban karo, 4) inuu dadka saam ay nta leh (heer dawladeed iyo heer bulshaba) la fal geli karo, 5) inuu dersi karo, fahmi karana caad oo yinka iyo dhaqamada degaanka iyo is-bedelko odaba, 6) inuu si loo dhanyahay oo aan cidna la ga tegin u hawgalo, 7) iyo inuu (wa tan ugu muhii msane) ku qotomo kuna shaqeeyo xayndaabka mabaadiida Islaamka iyo dhaqanka suubaan ee Soomaaliyeed.

"”Nabadgelinta waxay taageeri doontaa abuur ista goobo iyo fursado kala duwan si dadka iyo do wlada ay si wadajir ah u horumariyaan una tija abi yaan xalka dhibaatooyinka muuqda iyaga oo ka fa a’iideysanaya xoogga bulshada, agabka iyo ad keysiga wadajirka ah si loo gaaro isbedel waa ra”, waxaa yiri Agaasimaha Amniga iyo Caddaal adda hey’ada UNOPS Somalia Katrina Aitken-La ird. Hadafka Nabadgelinta Soomaaliya waa inuu wax ku biiriyo sidii ay u xalismi lahayd caqabada ha si da gaarka ah u haysta adeega garsoonka iyo am inga, weliba kuwa mudnaanta u leh dadka Soo maaliyeed ee ku nool degaamada mashruucu ka hawl-galayo, isla markaana uu mashruucu ibo-fur ama bilow khayr u noqdo is-bedel wanaagsan oo saamayn balaaran oo nidaami ah ku yeesha siy aasadaha iyo qaababka loo hirgeliyo mashaariic da horumarinta taasoo ku imaanaysa adeegsiga aqoonta, iyo saamaynta siyaasadeed iyo bul shaba. Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:aabdi@equalaccess.org +252610937348/+254710330200

HUDA: SAFARKAYGII SOOMAALIYA EE RAJADAYDA SOO NOOLEEYAY

Huda Maxamed iyo Dr. Shaafici Aadan Dirir

Huda Maxamed, waxa ay muddo dheer la dhi baataysnayd burooyin uga yaa llay caloosha oo mu gdi galiyay nolosheeda.Waxay ku noolayd dalka Suc uudiga halkaas oo ay ka samaysay dadaallo badan oo ay xal ugu raadinayso burada no losha la qaybsa tay, balse nasiib-darro uma aysan suurtagelin inay hesho dhakht ar ay ku qanacdo.

Huda oo BBC Somali la hadashay ay aa sheegtay in markii ay booqatay mid ka mid ah isbitaallada dal ka Sucuudiga lagu yiri "haddii aad doonayso in lagaa saaro burada, waxaa khasab ah in minka ama ilmo-galeenka lagaa saaro.”

"Markan xanuunkan isku arkay waxaan booqday isbitaal ku yaalla Sucuudiga, kaddibna dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen in ay buro caloosha iiga taallo, ay na fududdahay in la iga saaro. Waan ku qancay, wax aana soo bixiyay lacagtii qalliinka, balse dhaqtarkii ayaa isbeddelay, wuxuuna igu yiri 'waxaa khasab ah in minka ama ilmo-galeenka lagaa saaro, sababtoo ah burada caloosha oo dhan ayay ku faafaftay,” ayay tiri Huda.

Gabadhan oo burada ay ku jirtay muddo lix sano ah ayaa ka warbixinaysa dhibaatooyinkii ay la soo martay. "Burada xanuun badan ayaan ku qabay. Cu lays badan ayay igu haysay, xitaa lugta dhulka jug kuma siin karin, hal dhinacna uma seexan karin.” Iyada oo weli ka sii warbixinaysa saamaynta ay bur ada nolo sheeda ku yeelatay ayaa waxa ay sheegtay in qaadashada cunnada ay dhib ku ahayd.

"Safarkaygii rajada ee Soomaaliya"

Kaddib markii ay Huda ka soo quusatay dhaqtarkii Sucuudiga ee yiri 'minka ayaa lagaa saarayaa', ayaa waxa ay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaal iya. Waxay sheegtay in dalka Sucuudiga ay muddo ku noolayd ka hor inta aysan gelin rajada ah in Soo maaliya ay ka heleyso dhaqtar burada ka saara.

Waxay sheegtay in barta Facebook ay ka ogaat ay sheekada dhaqtar Shaafi, sidaas darteedna ay u soo qaadatay go’aanka ah inay dib ugu laabato Mu qdisho.

"Markii la igu yiri 'waxaa lagaa saarayaa ilmo-gal eenka', aad ayaan u naxay. Waan cabsaday. Hurdda da way iga haadday ilaa aan dalkayga hooyo ka im aado," ayay tiri.Huda waa gabar aan horay guur u soo marin, taas ayaana ku kal iftay inay diiddo in il mo-galeenka laga saaro.

Waxay tiri: "Kaddib markii aan imid magaalada Muqdisho waxaan la kulmay dhaqtar Shaafi, waxa uuna igu yiri In shaa Allaah ilmo-galeenkaaga waan kuu ba dbaadinayaa. Farxad weyn ayaan dareemay, marka sidaas ayaa qalliinka la iigu sameeyay.”

Alle ayaa mahad leh hadda qalliinkayga waa la gu guuleystay, caafimadkayg una wuu wanaagsan ya hay oo hadda caloosha waxba iigama yaallaan, ilmo-galeenkayguna wuu ii badbaaday,” ayay tiri Huda.

Waxay intaas ku dartay in 38 buro laga soo saaray caloosheeda, kuwaas oo nolosheeda ku hayay dhib aatooyin aan la soo koobi karin.

Dhanka kale, waxay BBC Somali la hadashay Dhaqtar Shaafici Aadan Dirir oo qalliinka ku sameey ay Huda. Wuxuu sheegay labo toddobaad ka hor in ay u timid oo ay arrinteeda u sharraxday.

"Waxay ii sheegtay in Sacuudiga ay ka timid oo la gu soo yiri, waa in ilmo-gal eenka lagaa saaro, sidaas darteedna ay uga soo tagtay oo ay Muqdisho u soo aadday.” Markaas kaddib Dhaqtar Shaafici ayaa she egay in uu go’aansaday in isagoo Alle talada saaran aya uu ku sameeyo qalliin, kaas oo uu ku guuleystay inuu u badbaadiyo ilmo-galeenkeedaDr. Shaafici Aadan Dirir

WAA KUMA DHAQTAR SHAAFICI?

Dr. Shaafici Aadan Dirir waxa uu ka mid yahay dhaq aatiirta ka howlgasha maagalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Shaafi.

Waxa uu ku takhasusay qalliinnada guud, gaar ahaan kuwa casr iga ah. Wa xbarashadiisa wuxuu ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo uu muddo dheer ku sugnaa oo uu xitaa ka soo shaqeeyay, sida uu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in sababtii ku kalliftay in markii horeba uu barto qalliinka ay ahayd markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa waxa uu u soo joogay dad badan oo dayac u dhintay.

Dr. Shaafici ayaa go’aansaday kaddib markii uu ar kay baahida caafimaad ee dalka ka jirta in uu 2013-kii dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

"Tan iyo markaan dalka dib ugu soo noqday wax aan waddanka qeybihiisa ka la duwan ka fuliyay qall iinno badan sida Garowe, Hargeysa, iyo Kismaayo”

Dr. Shaafici ayaa dadka uu qalliinnada ku same eyo qaar ka tirsan waxa uu ku faafiyaa bartiisa Fac ebook, taas oo sababtay in dad badan oo ay ka mid ta hay Huda ay uga soo safraan dalal aad fog. XIGASHO:BBC

UBNO KA TIRSAN DAACISH OO LAGU QABTAY TURKIGA IYAGOO ISKU DAYAYA FALAL AMNI DARRO

Wasaarada Arimaha Gudaha ee turkiga Oo Shaacisay In La Xiray 5 nin Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish isla markaana Isu Diyaarinayay Inay Qaadaan Tal aabo qaldan Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaacisay in Ramo Moham med Al Hamed, oo lagu naaneyso Rami Remo, kana tirsan shaqaalaha maam ulka ISIS, la qabtay xilli uu isku diyaarinayey inuu howlgal amiga lid ah fuliyo. Wasaaradda ayaa shaacisay in Rami Remo iyo 4 kale oo ka tirsan Daacish lagu qabtay gobolka Jarablus. War qo raal ah oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in shantaan xubnood ee daacisha ka tirsan isla markaana ah kuwo sare sare ay xabsi ku yaalla dalka Suuriya ka sii daa yeen kooxo kale oo ay ku jirto kooxda PKK kuwaas oo ge eyay gobalka Jarablus kuna xiray shuruudo.

Waxaa la sheegay in howlgalkaasi ay fuliyeen taliska ciidamada Gendarmerie ee gobolka Gaziantep iyo ciidamada Gendarmerie Syria Task Force.

Waxaa sidoo kale la xusay in xubnaha ISIS ay arrin amiga carqaldeyneysa ku dhaqaaqi rabeen iyagoo ku sugan Turkiga

DOWLADDA KENYA OO QABATAY DAD LA TAHRI IBINAAYAY

Sideed iyo toban kamid ah dadka dhibaato looggu geystay tahriibinta, ayaa la soo badbaadiyay, iyagoo ku sii socda meel ku taal Gacanka halkaas, oo la doo nayay in lagu iibiyo sidii adoon ahaan, sida uu sheegay aggaasinka Danbi-baa rista ee Kenya. Weerar ay fiidnimadii Talaadada fuliyeen baarayaal ka tirsan waaxda dambiyada abaabulan, ayaa dhibanayaasha laga helay guri ku yaalla Athi River, oo ku yaalla duleedka caasimada Kenya ee magaalada Nairobi.

Ciidamada dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex eedeysane oo kala ah: Cabdullaahi Xuseen Maxamed, Xasan Ibraahim Godana iyo Chari Dulacha.

Waxay ku xiran yihiin saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Nairobi, iyagoo sugaya in maxkamad la soo taago.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay maalin un ka dib markii gabadh kale oo Kee nyaan ah, 24 jir ah, Diana Chepkemoi, ay dib ugu soo laabatay dalka Kenya, ka dib markii ay kala kulantay arxan darro ay dadkii ay u shaqeyneysay ee Sacu udiyaanka ahaa.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, Ambassador Macharia Kamau, ayaa sheegay in caqabad ay ka haysato dalka Kenya, dibad u dirista shaqaale, gaar ahaan dalka Sucuudiga qeybta shaqada, ee la xiriirta gur yaha."Waxaan u sheegnay Keenyaanka si isdaba joog ah inay joojiyaan u tagista shaqada shaqaalaha guryaha dalka Sacuudiga. Haddii taasi lasii wado, qofka ayaa doortay inaanu raacin tallooyinka lasoo gudbiyey.” ayuu yiri mar kale Ma charia Kamau.

DALAL ISLAAM AH OO KA DIGAY FILIM 'XADGU DUB KU AH' DIINTA ISLAAMKA

Netflix / Jurassic World: Camp Cretaceous XIGASHADA SAWIRKA,NETFLIX Qoraalka sawirka, Netflix / Jurassic World: Camp Cretaceous 6 Saacadood ka horDalalka Khaliijka Carabta ayaa ka codsaday shirkadda soo saarta filimada ee Netflix inay meesha ka saarto dhammaan waxyaabaha loo arko in ay xadgudub ku yihiin "qiyamka Islaamka, mabaadi'da iyo dhaqanka bu lshada", sida ay ku warrantay war baahinta Sucuudiga.

Waxyaabaha ugu dambeeyay, ee ku jira fili mada waxaa kamid ah mid loogu talagalay inay daawadaan carruurta kaasoo jebinayo xeerarka u yaalla Sucuudiga iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ku cad bayaan ka soo baxaay boqortooyada Sucuud iga. Dowlada han wax faahfaahin ah kama aysan bixin arrintani.

Telefishinka dowladda Sucuudiga ayaa baahiyay muuqaallo laga soo qaaday bandhigga Jurassic World: Camp Cretaceous, kaasoo lagu arkayay labo gabdho od oo da' yar oo uu jeceyl dhexm arayay kuwaas oo is shuminayay. Muuqallada asi ayaa haseyeeshee la saaray shucaac si aysan daawadaasha u arkin. Muu qaal ku saabsan filimka muranka badan dhaliyay ee Cuties ee lagu jilay Faransii ska ayaa waxaa baahiyay teleefishinka Al Ekhbariya. Waxaa sidoo kale lagu baa hiyay qoraal ku eedeynayo Netflix in uu yahay "Mid daaha ka rogayo farriimo an shax xumo ah oo halis ku ah barbaarinta carruurta"

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan Dhammaadka Twitter boggan Muuqaal kale oo lagu daabacay Web site-ka Al Ekhbariya ayaa lagu eedeeyay Netflix in filimadeeda uu "sare u qaa dayo falalka anshax xumada ah iyadoo si xad dhaaf ah diiradda u saareysa dad ka isku jinsiga ah." Telefishinka ayaa wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka shacabka ah oo eedeymo la mid ah jeediyay, waxay mas'uuliyiinta ugu baaqeen inay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintani.

"[Netflix] waxaa lala sameeyay xiriir si ay meesha uga saarto waxyaabaha ay kamid yihiin filiShalay ku wajahan carruurta, si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciyada," ayaa lagu yiri qoraalka sida wadajirka ah uga soo baxay golaha gu ud ee Sacuudiga ee qaabilsan warbaahinta iyo Guddiga Golaha Dalalka Khaliijka Carabta u qaabilsan warbaahinta. Mas'uuliyiinta waxay u hoggaansami doonaan awaamiirta "si tallaabo habboon oo sharciga waafaqsan loo qaado mar haddii ay sii socdaan waxyaabaha xadgudubka ah" ayay ka digeen dalalka.

Dhinaca shirkadda Netflix, ilaa iyo hadda ma soo saarin wax jawaab ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.Bishii hore ayay aheyd markii mas'uuliy iinta Sucuudiga ay ku eedeeyeen shirkad da Youtube inay ogolaatay in boggeeda lagu soo bandhigo waxa ay ku tilmaame en 'xayeysiimo aan habbooneyn' oo

xagudub ku ah diinta Islaamka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip