Huda: Safarkaygii Soomaaliya ee rajadayda soo nooleeyay

0
Wednesday September 07, 2022 - 10:08:27 in Wararka by
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huda: Safarkaygii Soomaaliya ee rajadayda soo nooleeyay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Huda Maxamed, waxa ay muddo dheer la dhibaataysnayd burooyin uga yaallay caloosha oo mugdi galiyay nolosheeda.

Waxay ku noolayd dalka Sucuudiga halkaas oo ay ka samaysay dadaallo badan oo ay xal ugu raadinayso burada nolosha la qaybsatay, balse nasiib-darro uma aysan suurtagelin inay hesho dhakhtar ay ku qanacdo.

Huda oo BBC Somali la hadashay ayaa sheegtay in markii ay booqatay mid ka mid ah isbitaallada dalka Sucuudiga lagu yiri "haddii aad doonayso in lagaa saaro burada, waxaa khasab ah in minka ama ilmo-galeenka lagaa saaro.”

"Markan xanuunkan isku arkay waxaan booqday isbitaal ku yaalla Sucuudiga, kaddibna dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen in ay buro caloosha iiga taallo, ayna fududdahay in la iga saaro. Waan ku qancay, waxaana soo bixiyay lacagtii qalliinka, balse dhaqtarkii ayaa isbeddelay, wuxuuna igu yiri 'waxaa khasab ah in minka ama ilmo-galeenka lagaa saaro, sababtoo ah burada caloosha oo dhan ayay ku faafaftay,” ayay tiri Huda.

Iyada oo weli ka sii warbixinaysa saamaynta ay burada nolosheeda ku yeelatay ayaa waxa ay sheegtay in qaadashada cunnada ay dhib ku ahayd.

"Safarkaygii rajada ee Soomaaliya"

Huda Maxamed iyo Dr. Shaafici Aadan Dirir

Kaddib markii ay Huda ka soo quusatay dhaqtarkii Sucuudiga ee yiri 'minka ayaa lagaa saarayaa', ayaa waxa ay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dalka Sucuudiga ay muddo ku noolayd ka hor inta aysan gelin rajada ah in Soomaaliya ay ka heleyso dhaqtar burada ka saara.

Waxay sheegtay in barta Facebook ay ka ogaatay sheekada dhaqtar Shaafi, sidaas darteedna ay u soo qaadatay go’aanka ah inay dib ugu laabato Muqdisho.

"Markii la igu yiri 'waxaa lagaa saarayaa ilmo-galeenka', aad ayaan u naxay. Waan cabsaday. Hurddada way iga haadday ilaa aan dalkayga hooyo ka imaado," ayay tiri.

Huda waa gabar aan horay guur u soo marin, taas ayaana ku kaliftay inay diiddo in ilmo-galeenka laga saaro.

Waxay tiri: "Kaddib markii aan imid magaalada Muqdisho waxaan la kulmay dhaqtar Shaafi, waxa uuna igu yiri In shaa Allaah ilmo-galeenkaaga waan kuu badbaadinayaa. Farxad weyn ayaan dareemay, marka sidaas ayaa qalliinka la iigu sameeyay.”

Alle ayaa mahad leh hadda qalliinkayga waa lagu guuleystay, caafimadkayguna wuu wanaagsan yahay oo hadda caloosha waxba iigama yaallaan, ilmo-galeenkayguna wuu ii badbaaday,” ayay tiri Huda.

Waxay intaas ku dartay in 38 buro laga soo saaray caloosheeda, kuwaas oo nolosheeda ku hayay dhibaatooyin aan la soo koobi karin.

Dhanka kale, waxay BBC Somali la hadashay Dhaqtar Shaafici Aadan Dirir oo qalliinka ku sameeyay Huda. Wuxuu sheegay labo toddobaad ka hor inay u timid oo ay arrinteeda u sharraxday.

"Waxay ii sheegtay in Sacuudiga ay ka timid oo lagu soo yiri, waa in ilmo-galeenka lagaa saaro, sidaas darteedna ay uga soo tagtay oo ay Muqdisho u soo aadday.”

Markaas kaddib Dhaqtar Shaafici ayaa sheegay in uu go’aansaday in isagoo Alle talada saaranaya uu ku sameeyo qalliin, kaas oo uu ku guuleystay inuu u badbaadiyo ilmo-galeenkeeda.

Dr. Shaafici Aadan Dirir
Qoraalka sawirka,

Dr. Shaafici Aadan Dirir

Waa kuma Dhaqtar Shaafici?

Dr. Shaafici Aadan Dirir waxa uu ka mid yahay dhaqaatiirta ka howlgasha maagalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Shaafi.

Waxa uu ku takhasusay qalliinnada guud, gaar ahaan kuwa casriga ah.

Waxbarashadiisa wuxuu ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo uu muddo dheer ku sugnaa oo uu xitaa ka soo shaqeeyay, sida uu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in sababtii ku kalliftay in markii horeba uu barto qalliinka ay ahayd markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa waxa uu u soo joogay dad badan oo dayac u dhintay.

Dr. Shaafici ayaa go’aansaday kaddib markii uu arkay baahida caafimaad ee dalka ka jirta in uu 2013-kii dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

"Tan iyo markaan dalka dib ugu soo noqday waxaan waddanka qeybihiisa kala duwan ka fuliyay qalliinno badan sida Garowe, Hargeysa, iyo Kismaayo”

Dr. Shaafici ayaa dadka uu qalliinnada ku sameeyo qaar ka tirsan waxa uu ku faafiyaa bartiisa Facebook, taas oo sababtay in dad badan oo ay ka mid tahay Huda ay uga soo safraan dalal aad fog.


Huda Maxamed iyo Dr. Shaafici Aadan Dirir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip