Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab

0
Sunday October 18, 2015 - 10:33:43 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab

    Ciidanka Maamulka Galmudug oo Sabtidii hawlgal ka sameeyay Koonfurta Magaalada Galkacyo Ee Gobolka Mudug, ayaa waxay ku soo qab qabteen tiro rag ah, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Raggan, ayaa waxaa la tuhunsan yahay in qalqal amni ay ka a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Maamulka Galmudug oo Sabtidii hawlgal ka sameeyay Koonfurta Magaalada Galkacyo Ee Gobolka Mudug, ayaa waxay ku soo qab qabteen tiro rag ah, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab. Raggan, ayaa waxaa la tuhunsan yahay in qalqal amni ay ka abuurayen Magaalada Galkacyo, iyadoo sida la sheegayna ay ka hortaggeen Ciidanka Galmudug, xabsigana ay dhigeen. Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Ee Maamulka Galmudug, Korneyl Maxamed Cali Nuur (Gadaar), ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan waxa uu ugu yeeray nabadiidka, balse maanu sheegin inta qof ay yihiin.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Galkacyo, ayaa waxa uu sheegay in raggaasi baaritaan la marsiinayo, si faah faahin badan looga helo waxa ay yihiin iyo haddii ay jiraan xubno kale oo ku wehlinaayay joogitaankooda Magaalada.

Maxamed Cali Nuur, ayaa ka dhawaajiyay inaanay weli dhallan dadkii amni darrada ka abuuri lahaa Koonfurta Magaalada Galkacyo, haddii ay dhasheena ay la kulmi doonaan gacanta adag ee Ciidanka Galmudug.

Korneyl Gadaar, ayaa waxa uu ugu yeeray nabadiidka uu ugu baaqay inay ka fogaadan qalalaaso, ay ka abuuraan Koonfurta Galkacyo, haddii kalana ay wejihi doonaan jawaab adag.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidanka Galmudug ay ku daba jooggan xubno ka tirsan Shabaabka, oo sida la sheegay gudaha u soo galay Xarunta Gobolka Mudug.

XIGASHO:-DHACDO.COM





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip