Hindiya: Maxaa la isugu qabsadaa hantida dar ilaaheey loo bixiyo 'Waqf'

0
Saturday September 03, 2022 - 15:52:21 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya: Maxaa la isugu qabsadaa hantida dar ilaaheey loo bixiyo 'Waqf'

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ayaa go’aan ka gaartay hanti muddo dheer ay isku haysteen dadyowga aaminsan diimaha kala duwan oo ku nool gobolkaasi.

Hase yeeshee go’aanka ay maxkamadda gaartay waxaa ka dhalatay muran xooggan.

Guddiga waqfiga ee Karnataka waxay sheegeen dhismaha Idgah iney muslimiintu leeyihiin oo ay dadka aaminsan diimaha kale ay isticmali Karin.

Maxkamaddana waxay amar ku bixisay iney hantidaasi muranka uu ka taagan yahay ay u diiwaangashaneen hanti ‘Waqfi’ ah oo dar ilaaheey loo bixiyey.

2010-kii xukun ay maxkamaddu arrintan ka gaartay waxay ku sheegtay iney dhismahaasi gabi ahaantii leeyihiin muslimiinta horayna loogu waqfay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,SURESH SAINI

Waa maxay ‘Waqf’?

‘Waqf’ waxaa la dhahaa hanti kasta oo guurta ama ma guurta ah oo qofki lahaa ama dadki lahaa inta aysan dhiman ay ilaaheey dartii u bixiyeen oo ay siiyeen cid gaar ah.

Inta badanna waxyaabaha ‘Waqf’ loo bixiyo waxaa ka md ah dhul masaajid loo waqfo, dhismo arrimaha diinta loo waqfo, dhismo iskuul loo waqfo iyo hanti kale oo ma guurta ah oo loo bixiyo si dadka nool ay uga faa'ideystaan.

Waxyaabaha ‘waqf’ loo bixiyana marka dhanka diinta islaamka laga eego waxay leedahay darajo aad u sarreysa iyo ajir aad u badan.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya 1998-kii waxay gaartay go’aan ah hanti kasta oo mar ‘waqf’ lagu bixiyo iney weligeed ‘waqf’ sii ahaaneyso.

Haddaba ereyda ‘Waqf’ la xiriiro iyo sida loo micneeyo:

Kalmadda waa kalmad afka carabiga ah oo dadyowga muslimka ah ay si weyn u adeegsadaan.

  • Waqf: waa hantida dar ilaahey loo bixiyo
  • Waqif: waa qofka hantida dar ilaaheey ula baxay
  • Mutawalli: cidda hantidaasi maamulkeeda u xilsaaran
  • Guddiga Waqf: Guddi sharci ah oo hantidaasi dusha ka maamulaya oo la aqoonsan yahay
Masaajidkan Delhi qof ayaa Waqf ku bixiyey

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Dhismaha Taj Mahal ee caanka ah laftisu wuxuu ka mid yahay hantida ‘waqf’ lagu bixiyey oo ay maamulaan guddi ay dowladda Hindiya u xilsaartay.

Haddaba hantida Idgah oo haatan la isku haysto oo ay maxkamadda go’aanka ka soo saartay ayaa ka kooban Masaajid, Qabuuro dadka lagu aaso, beero, dhismayaal, dhul cagaaran iyo hanti kale.

Sida ay tilmaameyso warbixin la soo saaray bishii August 2022-ka dalka Hindiya waxaa ka diiwaan gashan in ka badan 851,535 hanti oo ‘Waqf’ lagu bixiyey.

Iyada oo hantida ugu badan oo waqfiga lagu bixiyey ay leeyihiin muslimiinta Sunniga iyo Shiicada ee dalka Hindiya ku nool.

Sida oo kale waxaa dalkaasi Hindiya ka jiro in ka badan 32 guddi oo maamulo hantida ‘Waqf’ lagu bixiyo ee dalka Hindiya.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip