Madax Kala Duwan Oo Ka Qeyb Gashay Salaada Janaasada Hooyada Shariif Sheekh Axmed

0
Saturday September 03, 2022 - 20:20:07 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Kala Duwan Oo Ka Qeyb Gashay Salaada Janaasada Hooyada Shariif Sheekh Axmed

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sept. 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

"Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip