HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Thursday September 01, 2022 - 08:04:12 in Wararka by
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal cusub magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay magacaabay Ergey cu sub, kaas oo Soomaaliya u qaabilsanaa doona ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga dalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Khadar Cabd irixmaan Maxamed.

Sidoo kale Dikreetadaan ka soo baxday xaf iiska Madaxweynaha waxaa lagu magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Shid aalka iyo Gaaska, Axmed Cali Yuusuf ayaa loo magacaabay xilkaas.

"Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka So omaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’ iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caala mi iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirix maan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Ax med Cali Yuusuf,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha oo labadan masuul ku soo xulay "aqoontooda iyo waayo-aragnimada sha qo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan” kana gudubta saboolnim ada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha cu ryaamiyey dalkeenna.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xa san Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caa lami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdiri xmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweyna ha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Muqdisho dib u gu soo laabtay kadib shir uu uga qeyb galay Tunisia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa Dorraad dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caal amiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qab tay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaar adda Qor sheynta, Maalga shiga iyo Horumarinta Dhaq aalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Be ene, Wasiiru-Dowlaha Was aaradda Arrimaha Dib adda & Iskaashiga Caa lamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masu uliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaa raha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.Ra’iisul Was aare Xamse ayaa intii uu socday shirka caala miga ee Tokyo ee horumarinta Afrika waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxe edka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taaba naysay dhinacyo kala duwan sida amniga, aba arta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo sa ameynta ay keentay.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee XFS oo kul an la yeeshay Guddiga Garsoorka iyo Awqa afta ee Golaha Shacabka BFS

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtar Roobow Cali oo ay wehliyaan was iir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax Shariif Sayid Cali iyo Lataliye Sare Maxamed Kheyrow Aadan ayaa Guddiga warbixin ka sii yay howlaha baaxada leh ee Wasaaradda hor yaala iyo qorshaha isb edel ee ay qorsheynayaan in ay ku gaaraan howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka warbixinta muhiimada ay Wasaaraddan u leedahay Qar anka, isagoo ka codsaday Guddiga inay garab ku siiyaan suurtagelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Guddoomiyaha

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimha Diinta Golaha Shacabka BFS Mudane Cali Xaji Daahir Saleeban iyo Xubnaha Guddiga ka midka ah ee ku wehliyay Koormeeka ayaa wasi iradda uga mahadceliyay soo dhaweynta ay ugu sameeyeen xarunta Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku amaanay Wasiiradda aragtida hoggaamineed ee ay ku wajaheen howlaha hortabinta u leh Wasarada.

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Maam ulaha Bangiga Adduunka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka, Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad qaabil ay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaal iya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’ adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaar aha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumar inta ee Bangiga Adduunku ka wa do Soomaaliya, gaar ahaan dada alka iyo gacanta ay ka geysanaya an gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahad celiyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowl adda ,iyaga oo howshooda ku saleynaya qorsh ooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Maxaa Looga Hadlay Kalfadhiga 5-Aad Kula nkiisa 5-Aad Baarlamaanka Galmudug?

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galm udug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa shir gudd oominayey kulanka oo ay ku wehlisay Gudoo m iye ku xigeenka labaad Marwo. Faadumo Cabdi Iyadoo Ajendaha kulanka Dorraad looga hadal yey uu ahaa:-1-Bandhiga & Akhrinta 1a ad ee Hindise-Sharciyeed ka Dhismaha Ururrada & Xisbiyada Siyaasadda ee Galmudug.

2-Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Door ashada Galmudug.

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Arrima ha Gudaha Galmudug ayaa Xildhibaa nnada Baarlamaanka la wadaagay ahmiyadda uu u leeyahay Hindishe Sharciyeedka Arurrada iyo Xisb iyada Siyaasadda ee Galmudug, waxa ana kala wareegay Guddiga Dastuurka Dib-u-heshiiinta iyo Arimaha Gudaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannan ee Doorashada Galm udug ayaa Aqrintii 1aad Maray

DFS oo Odayaasha Dhaqanka ugu baaqday ka qeyb qaadashada dagaalanka Al-Shaba ab

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Ax med Macalin Fiqi ayaa sheegay in Wasaaradda Aarimaha gudaha ay heyso liiska tirade Oday aasha Dhaqanka ee soo xulay Baarlamaanka, kuwaas oo ay dileen Ururka Al-Shabaab, isaga oo ku sheegay inay gaarayaan ilaa 324 Oday Dhaqameed.

Wasiirka oo Dorraad muqd isho kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha soo xulay Xi ldhibaannada Baarlamaan ka ayaa sheegay in Odaya asha lo oa baahan yahay in aysan aq balin in Maalin walba ay dilaan ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Wasaara dda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaal ka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi wux uu sheegay in ajandaha koowaad ee dowladda Soomaaliya u yahay waxkaqabashada dhanka Amniga, balse Odayaasha dhaqanka laa doona yo inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha & Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Dowlad oboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne ee 31-da Agoosto 2022, kuna sa absan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaandu ulaha Ciid anka Daraawiishta Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo bax ay Xafiiska Madaxweynaha Pu ntland ee Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in markii Madaxweynaha uu arkay: Dasturka Puntland Qodobkiisa 80-ad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo wa ayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xige enka Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (Lon don) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidan ka Daraawiishta Puntland.

Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xu seen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu

Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Khasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Qaaday Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir

Jugta madaafiic xoogan ayaa xilli lagu jiray salaadii subax ee saaka laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Illaa shan madfac oo jugtooda la maqlay ay aa kusoo dhacay xaafaddo ka tir san Bo ondheere iyo Cabdicasiis, saddex kamid ah ayaa ku dhacay xaafadda Busley, agagaarka Daljirka daah-soon iyo Isgoyska Shabee lle, halka mid kalena uu ku dhacay qeyb kamid ah de gmada Cabdicasiis.

Khasaaro ayaa ka dhashay hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qeybo kamid ah degmada Boondhe ere, dhowr qof ayaa la xaqiijyey inay ku dhaawacme en madfaca ku dhacay xaafadda Busley oo ay deg an yihiin dad shacab ah.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iyadoo aansay jirin tiro sugan oo laga helaayo wali weerarka hoobiyeyaasha ah Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa durbadii gaa ray goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, isla mark aana waxaa lagu daad-gureeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay madaafiicda, kuwaasi loo qaaday Isbita alo. Laamaha ammaanka dowladda Federaalka So omaaliya ayaan weli hadlin

Maamulka Koonfur Galbeed & howlgalka ATMIS oo ka shiray ka hortagga weerarada Al-Shabaab

wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dow ladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Is aaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed oo Dorraad ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Gob olka Baay.

Shirka oo bil walba la qabto ayaa waxaa ka qe ybgalay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasi maha Guud ee Madaxtoo yada & Saraakiisha laamaha Amniga qeybaho oda kala duwan iyo Saraakiisha howlalka ATMIS.

Shirka ayaa waxaa ayaa looga hadlay Xooj inta Amniga Degaannada Koonfur Galbeed iyo ka hortaga weerarada ay Al-Shabaab ay ka ge ystaan deaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyeyaasha Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa waxaa ay warbixin la xir iira xaaladda Amni shirka kusiiyeen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Ko onfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi, iyaga oo sheegay in la dardar gelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faray dhammaan sara akiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan dag aal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab & howlgallo laga fulinayo dhammaan degaannada Koonfur Galbeed.

Degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka howlgalla Cii damo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo kuwa howgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iy aga oo mar walba fuliya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmad abaaraha oo dhambaal gaarsiiyay dowladda Qatar.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qa abilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha kuur Warsame ayaa Dorraad dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Amiirka Qatar.

Ergeyga oo casuumad rasmi ah

ku tegay dalka Qatar maalintii Dorraad ayaa Dorraad kulan la qaa tay wasaaradda Arrimaha debed da, isaga oo u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Max amuud kaas oo ku aaddanaa sidii Dowladda Qatar uga qeyb qaadan lahayd gurmadka Abaaraha Soom aaliya ku dhuftay.

Ergeyga aya ka sokoow dhambaalka uu gudbi yay waxa uu si faahfaahsan uga warramay Amiirka xaaladda daran ee ka dhalatay abaarta ka taagan waddanka.Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Dorraad oo 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee do wladda.

Puntland oo xog cusub ka bixisay khilaafka ka dhex qarxay DF iyo maamullada

Wasaaradaha Maaliyadda ee shanta dowlad gobo leed ee dalka ayaa soo saaray go’aan ay dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda, waxaana go’aankaas faahfaahin ka bixiyey wasiirka maaliyadda Puntland. Xasan Shire Abgaal oo ah asiirka maaliyadda Puntland ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu ku faahfaahiyey sababtii ka damb

eysay inay wasiirradu soo saaraan go’aankaas xasaasiga ah.

"Qodobada aan cuskanay waa in wax wadatashi ama tix gelin ah aysan nasiin wasaaradda maa liyadda ee DF, go’aamada qaar wasaaradu wax tix-gelin ah nagamasiin, taas ayaana kaliftay inay jooj ino wadashaqeyntii,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiir Xasan Shire ayaa intaas ku sii daray inuu la hadlay wasiir maaliyadda dowladda federaalka, ka dibna ay ku balameen in shir ay isugu yimaadaan, balse shirkaas uu go’aankaan ka soo hor maray, isa goo sheegay dantooda ka dhex arkeen in wadasha qeynta la joojiyo marka hore.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Puntland ayaa aad uga gaagaabsaday inuu dul istaago qodobada ay ku eedeynayaan wasaaradda maaliyadda DF, isagoo ku soo koobay inay kaligeed go’aano iska qaadatay, sidii horena aysan ula shaqeyn dowlad gobolee dyada.

"Waxa kalifay in warqadaan aan soo saarno ayaa jira, go’aano aysan cidna kala tashan oo wasaaraddaan ay soo saartay ayaan dib ka ogaanay, mana doonayo inaan sii guda galo, waxaana isleeyahay waa la xali karaa hadii la isku yimaado arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyntii wasiirka maaliyadda Puntland ayaa yiri, "Dalku waa federaal oo Xamar kaliya ma ahan, marka wasaaradda maaliyadda waxaan ka dooneynaa in talo la isugu yimaado oo go’aannada la qaadanayo ay ku yimaadaan talo la wada leeyahay.”

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada gelinkii dambe ee Dorraad.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo 30-ka August, 2022, ay wasaaraduhu joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore.

Al-shabaab oo dagaal culus kula wareegtay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde oo magaalada Baledweyne dhinaca Galbeed kaga beegan qiyaas ahaan ilaa 60 KM ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Dorraad deegaankaasi la wareegeen, kadib dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ay deegaankaasi ku lahayeen ciidamada Macawiisleeyda ee Al-shabaab kula dagaalama deegaanada gobolka Hiiraan.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo Macawiisleeyda ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegaya inuu geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray.

Dadka deegaankaa Ceelcadde ayaa bilaabay iney isaga barakacaan deegaanka, maadama ciidanka Macawiisleeyda ee laga saaray deegaanka Ceelcadde aysan ka fogeyn deegaanka, islamarkaana la filan karo in mar walba ay dib ugu soo rogaal celiyaan gudaha deegaanka oo haatan ku sugan yihiin Al-shabaab.

Mudooyinkii dambe waxaa si weyn usoo kordhaayay dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada loo yaqaano Macawiisleeyda oo ah ciidamo deegaanka ah oo kasoo horjeeda hab dhaqanka Al-shabaab, kuwaas oo go'aansaday iney dagaalamaan.

Hargaysa: Nin dhintay kadib markii uu dab is qabad siiyay

Nin ayaa ku dhintay xaafada Jigjiga-yar ee mag aalada Hargaysa, kadib markii uu dab is qabads iiyay, sida Ciidanka Dab-damiska Somaliland sheegay.

"Alle haw naxariistee wax aa Dorraad abaaro 1:00 du hurnimo ku Geeriyooday xa afada Jigjiga yar nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin, marxuumkaasi oo dab is qabadsi iyay" ayaa lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Dab-damisku waxay sheegeen in ninka dhintay oo qabay xanuunka dhimirka, isla markaana ka yim id qurbaha, uu isku soo xidhay guri uu ka daganaa xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargaysa, kadib na uu dab is qabadsiiyay.

Lama oga sababta keentay in Muumin uu is gu bo, waxaana dhacdadan baadhisteeda gacanta ku haya, ciidamada booliiska iyo ciidanka dambi-baa dhiska ee CID-da, sida dab-damisku sheegay.

Ciidanka dabdamiska ayaa warbixintooda ugu danbayn bulshada ugaga digaya in aan caruurta iyo dadka maskaxda ka jiran lagaga tagin guri cidlo ah.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Koox Hubeysan Oo Dil Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo watay Bastoolad oo fiidnimadii xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ku warr ameen in Sarkaalka la toogtay, xilli uu kasoo baxayay Masjid uu ku tuk aday Salaadii Cishaha, waxaana marka hore soo ga aray dhaawac halis ah oo keenay in loola cararo Isb itaal, balse markii dambe ayuu Isbitaalka ku dhintay.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi ji ray Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed, waxaana goo bta uu falka ka baxsaday dadkii ka dambeeyay fal kaas oo aan heyntooda la garan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa si da caadada aheyd goobta gaaray, iyagoona samee yay howlgal lagu baadi goobayay kooxihii dilkaas u geystay Marxuum Cabdi Ibraahim, mana jirto cid loo qabtay falkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho, habeen ayaa waxaa degma da Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Galmudug oo ku dhawaaqday inay ka hortage yso dagaal Beeleedyada soo laab laabtay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maa mulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Waa yeel) ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaannada u dhow degmada Cabduwaaq ee Gobolka Galgadud ee u dhax

eeyay labada maleeshiyo Bee leed ay ahaayeen kuwo argagax leh, isla markaana dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay , isla marka ana heshiis horudhac ay ka gaareen dagaaladaas, sidoo kalena dhawaan magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayo shir lagu dhex-dhexaadinayo labada Beelood.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu int aasi kudaray in colaad beeleedyada kusoo laab laa btay degaannada Galmudug ay sabab u tahay in tan iyo burburkii dalka ka dhacay uu hubka gacanta u galay dadka Shacabka, balse Maamulka Gal mudug uu ku dadaalayo inay ka hortagaan inay dag aallada soo laab laabtaan.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug ku batay dagaal Beeleed yada soo laab laabto, iyada oo madaxda Galmudug ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan.

Madaxweyne Biixi: Tijaarta nin kii maagayow wax an kuu sheegayaa 30 sanno ayay dalka soo wadeen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in guddida ganacsatadu ay u soo jeediyeen in khilaafka door ashada sharciga lagu xaliyo.

Madaxweyne Biixi waxa uu she egay in guddida ganacsatadu ay bulshada u sheegeen arrin ay isaga kala hadleen, oo ay la socodsiiyeen, taasi oo ah in khilaafka doorashada sharciga lagu xaliyo, isla markaana ay ku adkeeyeen in aan sharciga la baal marin.

"Dee horta may qaldameen nimanku ayaynu is waydiinaynaa, aniga way ii yimaadeen intii ay igula hadleen ayay dadka u sheegeen, waliba canaan ayay aniga ii dheeraysiiyeen, markasta oo ay ii yima adaanba anay imaagayeen, sharciga lama dhaafi karo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"Gar ayay qaadeen, waxay yidhaahdeen sharci ayay arrintii tagtay, sharcigana waa in aynu ilaalinaa, xeer jajabna ma gali karno, lakiin anaga waxay nala noq otay ... waxay nagu yidhaahdeen bahashu waa qaali ye isa saara" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa guddida ganacsatada ka difaacay eedihii uu Dorraad u jeediyay Wasiir Ku Xig eenka Amniga Somaliland Cabdillaahi Xuseen Max amed, ee ahaa in ay qaadeen gar eexeed oo ay dan aha xisbiga Waddani ka taliyeen, Biixi waxa uu shee gay in Somaliland 30 sanno ku tiirsanayd ganacsa tadeeda.

"Waxan is waydiinayaa Somaliland-ta haduu qo fku 10 goor dhaamiyo oo uu 10 goor waxtaro, oo 10 kaalmood oo adag ka baxo oo maalin aad qoonsato adigu, maalintaa miyaan waxba loo reebaynba, wixiisii hore la eegi maayo miyaa, tijaartaa ninkii maa gayow waxan kuu sheegayaa 30 sanno ayay dalka soo wadeen" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu si toos ah uguma dhawaaqin in uu aqbalay soojeedintii ganacsatada, lakiin waxa uu ku gaabsaday in waxii ay warbaahinta ka sheegeen ay ahayd talo ay isagana la wadaageen.

Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay xiisadda cus ub ee M/Goboleedyada iyo DF?

Wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxa ay salka ku heyso xiisadda cusub ee haatan ka dhex qaraxday wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale tan dowladda federaalka Soom aaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka cus ub ee wasaaradda maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud uu isku gooni yee lay howlihii ka wada dhaxeeyey was aaradaha heer federaal iyo heer do wlad goboleed, isla-markaana uu ka baxay heshiisyadii u dhexeeyey la bada dhinac. Axmed Maxamed ayaa sidoo kale xu say in wasiirka cusub marka uu yimid xafiiska uusan dareen siin dowlad goboleedyada, taasi bedelkeed ana uu ku mashquulay arrimo kale.

"Waxa aan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn ee dowladda federaalka, gaar ahaan wasa aradda maaliyadda oo dhinac martay hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, wasaaradaha maali yadda kama shaqeeyaan siyaasadda, balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo deyn caf inta” ayuu yiri wasiirka u hadlay K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey wasiirka wasaar adda maaliyadda inuu bilaabay gacan bidixeyn isa goo aan weli shaqada la qabsan, uuna ka baxay xey ndaabkii wada- shaqeynta.

"Isaga oo aan shaqada la qabsan ayuu gacan bid ixeys ku sameeyay Dowlad-Goboleedyada, waxaa ji ra heshiisyo qoran oo gudaha & dibadda aan kula galnay Dowladda Federaalka” ayuu markale hadalki isa sii raaciyay wasiirka maaliyadda maamulka Koon fur Galbeed.

Xiisaddaan ka dhex qarxaday dowladda federa alka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa ku soo aad eyo, xilli horey u jiray mad-madow soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo ka dhashay dhismaha dowladda cusub, gaar ahaan xukuumadda oo ay saluug xoogan ka muujiyeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ‘oo u xirmay’ amar kasoo baxay Daacish

Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dorraad ay xiran yihiin qaybo ka mid ah suuqaasi kadib markii uu saameeyey amar ka soo baxay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa la gu soo warramayaa inay salka ku heyso lacago canshuur bixin ah oo ay kooxda dul dhigtay ganacsatada suuqaasi, taas oo keentay in goobaha qaar ay xirmaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay inay hanjabaad uga timid kooxda, isla-mar kaana cabsi darteed ay u xireen goobahooda gana csiga oo aan Dorraad la furin.

Goobaha ay arrintaan saameysay waxaa ka mid ah bakhaarada waa weyn, qaybta bagaashka iyo da awada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kal soonyahay.

Kooxda Daacish oo marar badan awaamiir ku soo rogtay ganacsatada Bakaaraha ayaa hadda u muuqata in markale dib u bilowday olole ay lacago u ga qaadeyso ganacsatada.

Dhacdadaan ma’aha ugub, waxaana dhowr jeer kooxdu sidaan oo kale lacago can shuuro ah ugu soo rogtay suuqa Bakaaraha, waxaana ugu dambe eyey bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo keentay in dowladda So omaaliya ay ciidamo geyso suu qa, kuwaas oo ku amray ganacsatada inay furaan goobahooda oo ay markaas u xireen digniin uga timid Daacish. Kooxda Daacish ayaa bilihii lasoo dhaafay culeys xoog leh saartay ganacsatada Muqd isho, si gaar ah kuwa Bakaaraha, sida ay shaaciye en ganasatada qaar oo aan la hadalnay.

Si kastab, dadka ku nool caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhinac walba ayey ka dhiban yihiin, Hanti, Naf iyo mustaqbal midna uma dhaqna, mana jirto aragti dhexdooda taala oo badbaadin karta ku mana mashquulsana intaas la helo, gacan dowlad eed oo arrintaan ku howlana ma jirto, waxaana Dorraad la kala dooradsiinayaa dadka reer Muqdisho inay seddex canshuur bixiyaan ama sidoo kale inay shaqo la’aan iska noqdaan

Hadalladii Ra’iisul Wasaaraha SWEDEN ee gefka ku ahaa Soomaalida oo laga falceliyey

Gabar Somali Swedish ah ayaa ka baxday xisbi ga haya talada dalkaas ee Social Democrats ayada oo ka cabanayesa hadal kasoo yeeray ra’iisul was aare Magdalena Andersson "oo gef ku ah” Sooma alida.

Saciida Xuseen Mooge ayaa cambaareysay hada llada Andersson oo toddobaadkii tegay ay ku tiri "Sweden ma ahan inay yeelato magaalooyin Soom aaliyeed (Somalitwons).”

Xisbiga Social Democrats "wuxuu noqday xisbi naceyb,” ayey Saciida Isniintii kusoo qortay barta ay ku leedahay Facebook.

Saciida ayaa intaas ku dartay inay kalsoonida kala laabtay And ersson oo ah hoggaamiyaha Xisb iga Social Democrats.

"Xisbiga Social Democrats hadda kadib uma taagna qiyamka iyo mabaadi’da aan aamnisanahay. Social Democrats wuxuu kasii fogaanaya asalkiisa wuxu una kusii siqayaa siyaasadda midigta fog, halka uu si doo kalena noqonayo xisbi naceyb,” ayey Saciida ku soo qortay barteeda Facebook.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in erayada ay adeegsa tay ra’iisul wasaaraha ay hurinayaan cunsuriyad, naceyb iyo takoor.

"Waxaan doonayaa inaan qof kasta oo ka fakara ya inuu codkiisa i siiyo doorashada aanu sidaas sam eyn. Waxaan qof kasta weydiisanayaa inuu adeegs ado inuu bulshada ka saaro kuwa xun xun,” ayey tiri.

Saciida Xuseen Mooge ayaa ah siyaasi aad loo yaqa an oo degan magaalada Gothenburg, waxayna ku jir tay liiska Social Democrats ee doorashada baarlam anka iyo tan golaha deegaanka ee magaalada.

Wareysi ay siisay wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter, ayaa ra’iisul wasaare Andersson waxay ku tiri "Ma dooneyno in Sweden ay yeelato Chinatowns (magaalooyin Shiinees, ma dooneyno in Sweden ay yeelato Somalitowns (Magaalooyin Soo maaliyeed) ama Little Italies (Italiya yaryar).”

Hadallada Andersson ayaa yimid kadib markii la cambaareeyey hindise uu soo jeediyey Wasiirka So cdaalka oo ahaa in Sweden ay ku dayato Denmark oo ay xadiddo xaafadaha ay isugu tagi karaan dadka soo-galootiga ah oo inta badan ku nool meelaha ugu amniga xun magaalooyinka.

Shacabka Soomaalida Itoobiya oo cabasho muujiyay

Dowladda Itoobiya, ayaa toddobaadkan la gudoo nsiiyay shahaado muujinaysa in kayd shidaal oo dhan 7 trillion oo Cubic feet, uu ku jiro gudaha dee gaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya.

Warkani ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqday dowladd a Itoobiya, haddana gaar ahaan ismaamulka go bolka Soomaalida, ee ay ku yaalliin ceelasha shida alka.

Arrintani ayaa waxay dadka qaar soo xusuusineysaa dhi baato ay mashruucaasi kala kulmeen markii uu billowga ahaa, muddo haatan laga joogo 50 sano.Qaar ka mid ah shacabka deegaan nada ay ceelasha shidaalka ku yaaliin, ayaa rumeys an in cudurro iyo xaalado amni-darro ay ka dhaxleen helitaanka shidaalka laga helay deegaannadooda.

Waxaana in muddo ah ay ka dhur-sugayeen faa’ iidada shidaalkaasi, sida magdhaw iyo mashaari icaha horumurinta bulsho, ee ay tahay in ay ka dhax laan shidaalka. Dowladda Itoobiya sanadki hore, ay aa waxay deegaanka Soomaalida ay ku wareejisay 50 malyan oo birr, oo lacagta wadankaasi ah, oo ay ku sheegtay iney tahay faa’iidada saamiga, ee uu deganka ku laha shidalka illa & haatan lasoo Sarey.

MAXKAMADDA SARE KENYA OO SOO SAARTAY GO’AAN LA XIRIIRA DOORASHADII DALKAAS

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goobood do orashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo ma xkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweyna ha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigee nkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo cod bixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Ker icho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandar uagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dad ka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta la gu sameeyo 48 saacadood gudahood.

Madaxa caddaaladda ee dalka Kenya Martha Koo me ayaa sheegtay in marki ay tixgaliyeen doodda ay soo bandhigeen Raila Odinga iyo qareenadiisa ay garsoorayaashu soo saari doonaan go’aan ku saa bsan dhowr su’aalood.

"Arrinta koowaad [waa] in teknoolajiyadda ay gud diga doorashada ee IEBC u adeegsadeen qabasha da doorashada guud ee 2022 ay buuxisay heerarka daacadnimada, xaqiijinta, amniga iyo hufnaanta si loo xaqiijiyo natiijooyin sax ah oo la xaqiijin karo,” ayay tiri Koome.

"Arrinta labaad ayaa ah haddii ay jirtay wax is-dabamarin markii la soo dejinayay ama lasoo gud binayay foomamka 34A ee goobaha codbixinta ee la galiyay bogga IEBC dadwaynaha. Arrinta saddexaad ayaa ah haddii uu farqi u dhexeeyo foomamka 34A ee la soo galiyay bogga dadweynaha ee IEBC iyo fo omamka 34A ee ay la geeyay Xarunta Qaran ee la socodka natiijada iyo foomamka 34a oo la siiyay wakiilada goobaha codbixinta”

Foomka 34A waa foomka lagu saxiixo xarumaha cod bixinta ee deegaannada kadib marka la dhammeeyo tirinta codadka. Marka la saxiixo, foomkan waxaa loo diraa Xarunta Qaran ee la socodka tirinta codadka, si loogu daro wadarta codbixinta madaxweynaha.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale eegi doonta haddii ay jirto kala duwanaan codadka guud ee la dhiibtay ee musharixiinta madaxweynaha iyo jagooy inka kale ee doorashada, sida guddoomiyeyaasha iyo senetarada.

Sidaas oo kale, garsoorayaasha ayaa eegi doona in Ruto uu helay in ka badan 50% codadka – oo ah shuruudaha looga baahan yahay in looga fogaado doorasho kucelis ah – iyo haddii ay jiraan wax isd abamarin iyo khaladaad ku yimid habka tirinta oo sa ameyn ku yeelan kara natiijada.

Odinga ayaa ku loolamaya natiijada rasmiga ah ee doorashada ee looga adkaaday cod yar. Ruto ay aa helay 7.1 milyan oo cod, halka Odinga uu helay 6.9 milyan.

Odinga iyo kooxdiisa ayaa aa minsan in doorashada loogu shubay Ruto, iyadoo la gu eed eeyay in ay gacan ka heleen qaar ka mid ah saraakiisha doorashada iyo guddoo miyaha guddiga doorashada ee IEBC Wafula Cheb ukati, arrintaas oo guddoomiyuhu uu beeniyay.

Dhageysigii dooddan ee Talaadadii, ayaa qaree nnada ka socda labada dhinacay ee iska soo horj eedy isku khilaafeen cidda xaqa u leh in ay matasho IEBC, inkastoo ay maxkamaddu sheegtay inay aqba li doonto doodda dhammaan guddiyada. Dhagey si ga dooddan ayaa la filayaa inuu socdo ilaa Jimcaha.

Biden oo dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay FBI-da ka dib baaritaankii Guriga Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay saraakiisha FBI-da Mareykanka, ka dib markii ay baaritaanno ku sameeyeen Guriga madaxweynihii hore ee Mar eykanka Donald Trump oo ku yaalla Florida, 8-dii bishan Augusto.Madaxweynaha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in aan la aqbali Karin in loo ha njabo muwaaddin kasta oo shaqadiisa u gudanayo si wanaagsan, waxaase ka sii daran in dhaqaalaha laga joojiyo xubno ka tirsan Booliiska iyo FBI-da, iy adoo lala xariirinaayo baaritaankii ay sameyeen hor raantii bishan.

Hadalka Biden, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Mareykanka ay shegeen in ay khatar ka dhalan karto baaritaankii la gu sameeyay Guriga Trump. Sarakiishii baaritaanka sameeyay ayaa la sheegay inay Guriga ka qateen 11 dukumenti oo muhiim u ahaa Trump.

Itoobiya Oo Duqeymo Cusub Oo Dhanka Cirka Ah Ka Fulisay Caasimadda Tigray

Magaalada caasimadda u ah gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya ee Mekell waxaa Habeen hore saqdii dhexe ka dhacay weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen xubnaha Tigrayga iyo saraakiisha isbitaal halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan noqo naya kii ugu dambeeyay oo lasoo wariyay dhowr maalmood gudahood.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii todobaadkii hore uu dagaal dhulka ah dhex maray ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF. Iska horimaadyadan soo cusboonaaday ayaa burburiyay heshiis nabadeed oo socday muddo shan bilood ah, waxaana ay meesha ka saareen dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda labada sano ku dhow ee ka socotay waqooyiga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika


MILITARIGA DALKA TURKIGA IYO QORSHAHA FOG EE SOOMAALIYA

Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Turkiga, si joo gto ah ayay usoo dhigtaa baraha bulshada sawirra da saraakiisha iyo askarta Soom aalida ee tab abarka u jooga dalk eeda. Turkigu wuxuu gudaha Soo maa liya ku leeyahay xero tababar tan ugu we yn oo dibadda dalkiisa uu ka dhi sto.Dowladda Turkiga waxay ka alin firfircoon ku leedah ay haqabt irka leyliga iyo dhibowga ciidanimo oo ask ariga Soo maaliga ah uu u baahan yahay. Waxay hadiyo jeer saraakiisha Turkidu kala taliyaan Sooma alida inay ka dhabeeyaan hanka dib-u-curashada ciidanka xoo gga dalka Soomaaliyeed.

Da’yarta kasoo baxda dugsiyada sare ee dalka ayaa codsan kara inay helaan tababbar ciidan, wax aana loogu yeeraa inay kusoo biiraan imtixaannada loo galo kamid noqoshada cutubyada la qaadanayo.

Kuwa ka gudba tijaabada iyo waraysiyada ay la yeel anayaan saraakiisha Turkida ah, waxay ugu dambe yntii kamid noqdaan kuwo la qaato. Waraysiga ka dib ayaa la go’aamiyaa haddii sarkaalku doonayo in uu helo darajo ciidan ama uu kaliya rabo tababar ci idan.

Ka hor ‘dhibowga’ ama tababbarka, ardayda wax aa la siiyaa lix bilood oo barashada afka Turkiga ah. Casharradana waxaa bixiya barayaal ka socda Mac-hadka Yunus Emre oo ah mid ku dhisan qorshaha Erdogan uu Afrika ka leeyahay.

Laakiin sida saxda, fasallada barashada luqadda waxaa loogu tala-galay hal sano. Balse lixda bilood ee loo qorsheeyey saraakiisha Soomaalida waxay la micno tahay inay ugu yaraan fahmi karaan amarrada tababarayaasha Turkida ah ay siinayaan.

Caqabad ayaase ka jirta dhanka is-fahamka. Ask arta Soomaalida ee Turkiga u jooga tababbarka way adag tahay inay si buuxda u fahmaan hadalka saraa kiisha tababbarka siin aya oo aan ku hadlin af Ingiriis ku fil an.Waana sababta keeneysa in bara shada lu qadda Turkiga ay kaalin muhiim ah ku yeelato xeryaha tababarka lagu siinayo cii damada Sooma aliya. Dadaallada tababarrada gudaha iyo kuwo di bad da loogu qaadayo ask arta So oma alida-na waa is ba rbar socdaan, san adihii u dam beeyey.

Saraakiisha Soomaalida qaarkood waxaa loo dir aa tababar ku saabsan sida lo oga hortago falalka ar gagix isanimada iyo leyliyo ka le oo howlge linta cii danka la xiriira inay kusoo qa ataan magaalada Ispar ta ee dalka Turkiga.

Waxaa cutubyadan loogu tala-galay inay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shaba ab. Laakiin mucaaradka Soomaaliya ayaa ciidamada Soomaalida ee gudaha iyo dibadda kusoo qaatay tababarada ku eedeeyey in loo adeegsaday caburin iyo qalalaaso siyaasadeed.

Markii uu jiray muddo kororsigii madaxweynaha Farmaajo sameystay bishii Abriil ee sanadkii hore, cii damada ayaa loo adeegsaday inay xabado ku fur aan dadkii dibadbaxayay oo ay ku jireen madax sare oo dalka jagooyin sare ka soo qabatay.

Ciidamada ay tababbarka siiyeen Turkiga sida Haramcad waxaa lagu eedeeyey in loo adeegsaday dano siyaasadeed oo ka hor imaanaysa ujeedkii loo tababbaray. Sida ay ku warrameen saraakiisha Tur kiga, Ankara ayaa ku dhawaad 5,000 oo askar ah u tababartay Muqdisho, kuwaas oo kala heerar iyo de rejo ah. Waxayna 30% ka yihiin wadarta ciidamada qaranka Soomaaliya. Waxaana la filayaa in tiradu intaas kasii badato.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, wuxuu sannadkii 2021 kamid ahaa dufcaddii ka qalinjebisay Akademiyadda Tababbarka Ciidanka ee loo dhisay in saraakiisha Soomaalida ah lagu siiyo tababbaro. Odowaa oo shubaal ugu hadla afka Turkish-ka, wuxuu joogto ugu safraa dalk aas .Turkiga wuxuu ciidamada Soomaalida u arkaa kuwa damaanad-qaadaya joogitaankiisa gudaha Soomaal iya, wuxuuna sii wadaa kaalmada, qalabaynta iyo tababbarka oo uu siinayo ciidamadeena. Iskaashiga difaaca iyo xeryaha tababbarka ciidamada iyada oo laga eegayo, Turkigu wuxuu doonayaa inuu ballaa riyo saameynta siyaasiga ah iyo midda awoodeynta ciidamada Soomaaliya. Marka ay timaado bixitaanka ciidamada AMISOM, Turkigu waa kan loo arko inuu qaabeyn doono ciidamada Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu soo bilow day sannadkii 2011-kii, markii kaalin lixaad leh oo bani’aadnimo uu ka geystay abaartii ku dhufatay Soo maaliya, taas oo dadka Soomaaliyeed ay aad mah diyeen. Taageeradii bini’aadanimo waxaa xigay masha ariic horumarineed oo Turkigu uu ka hirgeliyay dalka, isagoo furay iskuullo iyo xeryo lagu tababaro ciidamada qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa dib u dhiska Soomaaliya.

Xero ciidan oo aad u weyn oo la yirahdo Turki-Som ayuu hadda Turkigu ku leeyahay Muqdisho. Wa xaa kale oo shirkado Turkish ah ay maamulaan gar oonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee maga alada Muqdisho.

Sannadkii 2017-kii, ayaa la dhisay xerada. Waxa ana tallaabtaas ay Ankara ku siyaadisay heerkeedii ugu sarreeyey joogitaanka gudaha dalka dhaca Ge eska Afrika. Dhismaha xerada oo ay ku kacday lac ag dhan 50$ milyan, waa afar kilomitir oo isku war eeg ah. Waxaana mar kaliya ku tababbaran kara 1,500 oo askari.

Sanadkii 2014-kii, waxaa sidoo kale si buuxda loogu gacan-banneeyey maamulka dekadda Muqdi sho Islamic Albayrak Group. Waxaana shirkadaas xoogeeda iska leh ganacsato Turki ah, kuwaas oo xiriir dhow la leh madaxweyne Erdogan.

Sanadkii 2020-kii Turkigu wuxuu helay heshiisyo is-daba-joog ah oo macdanta iyo shidaalka ceega aga Soomaaliya uu kaga faa’iidaysan karo, wuxuuna sameeyay hannaan u oggolaanaya shirkadaha gaa rka loo leeyahay iyo kuwa dowladdu inay sahmin kar

aan fursadaha tamarta ee dalkaan ku yaalla Geeska

Afrika, istaraatiijigana ah.

XEELADDII AY TAALIBAAN KU QABSAD EEN AFGHANISTAN EE HADDA AY ADEE GSANAYAAN AL-SHABAAB


Dib u qabsashada Taliban ee maamulka Afghanistan bishii Agoosto sanndkii 2021, ma ahayn hub iyo awood ciidan kaliya oo ay kaga adkaadeen ciidamadii dowladda. Waxaa jirtay arrin kale oo saanad hub ka xoogan badan oo ay u adeegsadeen dagaalkoodii ka-dhanka ahaa dowladda Afghanistan – waana ururinta iyo qaadista canshuuraha.

Kahor ka bixitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka Afghanistan, Ururka Taliban ayaa dhisay wax u eg hannaan dowladeed oo ay canshuuraha kaga qaadaan muwaadiniinta maalin walba. Waxay ka canshuuri jireen wax walba xitaa sigaarka iyo udugga.

Dakhliga kasoo xerooda canshuurtaas wuxuu sida cad kab u ahaa miisaaniyadda Ururka ee dhismaha ciidamada, taas oo u oggolaanaysay inay ballaariyaan maamulkooda. Waxay dhiseen baro muhiim ah oo lagu hubiyo habraaca bixinta canshuuraha oo ay u arkeen hilinka ugu fudud ee guusha loo maro.

Baaritaan dhawaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in maamulka Taliban uu aad uga firfircooni iyo raadeyn badnaa maamulkii dowladdii hore oo ku taagneyd kaalmo caalami ah – aadna ugu fiicneyd hannaanka loo ururiyo canshuuraha.

Laakiin in kasta oo qiyaasta dakhli ee Ururka Taliban uu sheegtay inuu helo aan lagu kalsoonaan karin, haddana waxaa lagu soo warramayaa in kooxdu ay adduun dhan $40 milyan ay kaliya ka sameysay canshuurta ugu soo xeroota ganacsiga maandooriyaha opium-ka la yiraahdo oo aad loogu beero Afghanistan.

Lacagahani waxay Taliban ku xoojiyeen awooddooda ciidan iyo midda istiraatiji oo ay doonayeen inay ku wiiqaan taliska dowladdii hore oo taageero caalami ah ku dhisneyd. Waxayna ku guuleysteen inay xukunka ka eryaan dowladda.

Dad badan oo intii baaritaanku socday lala hadlay ayaa sheegay in habka ururinta canshuurta ee Taliban ay ka fiicneyd midda dowladdii hore ay qaadi jirtay taas oo inta badan ay la socotay laaluush iyo wax-is-daba-marin.

Musuqmaasuq yarida Taliban waxay usoo jiiday qanaacada iyo oggolaanshiyaha dad badan oo qadyaan ka joogay musuqii ay dowladdu ku dhaqmeysay. Waxay hindiseen fikrado isdhexgal iyo dhimrin ah oo loo muujinayo shacabka marka lagala macaamilayo habka bixinta canshuuraha. Waxaa ay dhiseen kaabad adag oo iyaga iyo muwaadiniinta isku xiraysa.

Canshuurta Taliban ay ka qaadaan gaadiidka xamuulka wuxuu ahaa mid kale oo aad muhiim ugu ahaa. Hannaan casri ah oo canshuuraha bixintooda iyo hubintooda loo marayo oo sahlan ayay u dhiseen gaadiidka. Canshuur-bixiyaasha waxaa la siiyaa boono ay ku qoran tahay loogada Taliban taas oo caddaynaysa inay bixiyeen lacagta. Waxaa kale oo xitaa u furneyd dadweynaha inay muujin karaan cabashadooda haddii canshuur xad dhaaf ah la saaray oo aanay awoodi karin.

Habkan waxay Taliban ugu tala-gashay inay saaxiibtinimo iyo kalsooni fiican kaga kasbato shacabka oo aan ku qanacsaneyn midkii dowladda. Hal darawal oo la hadlay baarayaasha ayaa u sheegay inuu laaluush bixiyo marka uu rabo in canshuurta dowladda laga qaado.

Daadejinta hannaan fudud oo loo siman yahay waxay Taliban siisay wadiiqo sharciyaysan oo ay talada si sahlan ugala wareegi karaan dowladda oo ay markii dambe ka awood badiyeen.

Dad badan ayaa la yaabanaa sababta aanay rabshado badan uga dhalan af-gembiga Taliban ay ku sameysay dowladda. Waxaa iska cadeyd inaysan u baahneyn awoodda qoriga inay ku maamulaan dadweyne ay mar hore kalsoonidooda ku hantiyeen hannaan maamul oo dabacsan.

Tan iyo markii si tartiib ah uu gacanteeda ugu soo dhammaaday maamulka Afghanistan, Taliban waxaa kordhay dakhligeeda, waxayna xejisatay maaliyaddii ay ku maalgelin lahayd ciidamadeeda.

Dhimasho iyo canshuurro

Sannad ayaa laga joogaa markii Taliban ay dib u qabsatay Afghanistan, waxaana ay dareemayaan in urur ahan loo qaado canshuuraha ay u fiican tahay kobaca maamulkooda.

Agoosto 2021 kahor, dakhli ay dowladdu hesho waxaa xooggeeda uu kasoo geli jiray kaalmada caalamiga ah. Hadda 80% deeqdaas ma helaan Taliban. Waxaana la xayiray keydkii dowladda.

Mac-hadka Nabadda US ayaa qiyaasaya in Taliban ay canshuurta ka heshay dakhli dhan $400 oo milyan afartii bilood ee ugu horreysay maamulkooda sannadkii hore. Waana tiro xusid mudan madaama ay qiyaas ahaan dhan tahay dakhligii ay ku howlgalaysay dowladdii ka horreysay isla sannadkaas.

In kasta oo Taliban aysan aqoonsi buuxa iyo iskaashi caalami ah helin, haddana waxaa iska cad inay ku samata-bixi karto dakhliga uga soo xerooda canshuuraha si ay uga badbaado burbur dhaqaale.

Tani waa casharro ay wax ka baran karaan kooxaha kale ee ka dagaallama dalalka Yemen iyo Soomaaliya kuwaas oo dakhliga canshuuraha u arka halbowlaha halgankooda. Waana arrin ay dunidu iska indha-tirayso.

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay ka dakhli ururis badan tahay dowladda federaalka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qiyaastay in sanadkii 2020 ay Al-Shabaab soo xareysay dakhli dhan $286 milyan.

Inaad si dhow ugu fiirsato habkii Taliban ay u martay dib-u-qabsashada Afghanistan, waxaa kuusoo baxaysa in muhiimad siinta canshuuraha iyo hannaanka maaliyadda ay ahayd sirta guusha lama filaanka ah oo ay Taliban gaartay.

Su’aasha waxay tahay, Al-Shabaab ma mari doontaa waddadii Taalibaan oo kale, oo dakhliga canshuuraha ay ururiyaan ma ku qabsan karaan Soomaaliya

WUXUU AHAA NINKA KALIYA EE KA NOOL QABIILKIISA – MEYDKIISA AYAA LA HELAY 23-KII AUGUST

Ninkii ugu dambeeyey ee ka haray qabiil ab-ogaa soo jireen ah kuna noolaa keymaha dhulka Brazil ay aa geeriyooday, sida ay ku warrameen sma s’uuliyiinta dowladda.

Ninkan, oo aan magaciisa la aqoon, wuxuu ke linnimo ugu noolaa muddo 26 sannadood ah. Waxaa lagu na aneysi jiray Ninka Godka, waayo wuxuu qodan jiray god ad gundheer oo qaarkood uu u adeegsan jiray ugaarsiga xoolaha – halka qaarka kale ay u ahaayeen gabaad uu ku dhuunto.

Meydkiisa waxaa 23 Agoosto laga helay isaga oo ku jira leexo ama wiifow ku ag yaalla godadkiisa. Ma na lagu arkin astaaamo muujinaya in la jirdilay ama uu u dhintay waxyeelo soo gaartay.

Waxaa la rumeysan yahay inuu u dhintay si dab iici ah, waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa lixdan jir.

Waa qofkii ugu dambeeyey ee qabiilkan oo ku noo laa degaanka Tanaru, gobalka Rondônia, dalka Bra zil kaasi oo xuduud la leh dalka Bolivia. Badi qabiilka uu ninkan kasoo jeeday waxaa la aa minsan yahay inay laayeen xoolo-dhaqato dooneyso inay isku soo fidiyaan dhulkooda. Sannadkii 1995, lix kamid ah qabiilkan waxaa we erar ku dilay kuwo si sharci-darro ah macdan uga qo danayay dhulkooda. Halkan NIN oo ka badbaaday ayaana ka noolaa dhammaanba faraca qabiilkiisa.

Hey’adda Funai oo la socota xaaladda qabiillada Brazil soo jireenka ku ah, waxay samata-baxa nink an ku baraarugtay sannadkii 1996, waxayna bedqab kiisa awgeed aad ula socotay dhaqdhaqaaqa aagga uu ku noolaa. Ilaa 23 kii bisha Agoosto ay meydkiisa ka heleen isaga oo ku jira leexo ama wiifow loo ma laynayo inuu ku nasanayay.

Marcelo dos Santos, oo ku xeeldheer nolosha qa biillada duurka ku nool, wuxuu sheegay in – ninkan uu isku daday baalal ama hargo maadaama uu ogaa day inuu sii dhimanayo.

"Wuxuu sugayay geeridiisa. Mana ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in la waxyeelay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas kusii daray in Ninkan loo malay nayo inuu dhintay 40-50 maalmood kahor muddo la ga joogo maalinta meydkiisa la helay. Maadaama aanu wax xiriir ah la lahaan jirin dad ka, lama yaqaan afka uu ku hadli jiray iyo qowmiy adda uu asal ahaan kasoo jeeday.

Sannadkii 2018, koox ka soctay hey’adda Funai ayaa soo bandhigtay muuqaal ay ka sameysay keynta. Gudaha muuqaalka ayaa la arkayaa NINK AN oo geed kala dul dhacaya wax u eg faas.

Tan iyo markaas, muuqiisa lama helin. Funai waxay sheegtay inaysan soo arkin qodadkiisa iyo aagga uu ku nasan jiray marwalba.

Mr. Algayer, oo hey’adda Funai katirsan kaas oo helay meydka ninkan, ayaa sheegay in dhammaan aqalladii uu dhistay sannadihii tagay ay qaarkood qoto dheeraayeen ilaa saddex mitir.

Godadka, ayuu Algayer tilmaamay inay iskugu jiri karaan qaar uu ku dhex cibaadaysan jiray iyo kuwo uu ku dhuunto.

Caddaymo la helay ayaa sidoo kale muujinaya in ninkani uu beeray dalag sida galley iyo qudaarta qaar sida babaayga iyo mooska. Waxaa kale oo uu urursan jiray malabka shinnida.

Xeerka Brazil wuxuu dhigayaa in dadka ab-oga aga ku ah Brazil ee keymaha ku nool ay xaq u leey ihiin dhulkooda. Waana mamnuuc in lagu fara-geliyo geyiga ay ku nool yihiin.

Laakiin dhimashada Ninka Godka waxay abuu rtay baraarug kale oo ah in daryeelka dhulka Tanaru loo sameeyo ilaalo joogto ah.

Waxaa dalka Brazil ku nool 240 qabiilo soo jireen ah, waxay qaar badan wajahayaan halis kaga imaan aysa macdan qodato sharci-darro ah, beerelay iyo kooxo kale oo damaacinaya dhulkooda. Saadaasha re jada samata-baxooduna ma sugna. Waxaase Brazil cadaadis lagu saarayaa inay xil iska saarto ilaalinta nolosha iyo deegaanka qabiillada duurka ku dhaqan.

Halisaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan markii ay dhawaan ka hadashay Txai Surui oo ah geyfane u dooda xuquuqdooda – iyada oo khubad ka jeedi naysay xaflad looga hadlayay cimilada adduunka iyo dhibaatooyinka ku gedaaman, waxay la kulantay hanjabaad dil ah madaama ay soo hadalqaaday nolosha qabiillada keymaha Brazil ku nool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip