HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Tuesday August 30, 2022 - 08:14:12 in Wararka by
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kulankii Xasan Sheekh iyo Deni oo aan wax natiijo ah laga soo saarin + Sababta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Dorraad ku soo laabtay Muqdisho ka dib markii uu maalmo ku sugnaa M/Garoowe, halkaasi oo uu kulamo dhowr ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Natiijada kulamada labada masuul ayaa illaa iyo hadda laga soo saarin war rasmi ah marka laga ree bo qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Som alia, kaasi oo lagu sheegay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’adda ha dowladda, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in kulamada ay ahaayeen ku wo si gaar ah u dhex-marayay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, isla markaana laga reebay dhammaan wasiiradii la socday madaxweyne Xasan iyo kuwa Puntland, sida uu sheegay Sakariye Maxa med Isticmaar oo ka mid ah dhinacyadii uu Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Garoowe.

Sakariye Isticmaar oo la hadlay warbaahinta gu daha qaarkood ayaa sidoo kale xusay in kulanka 2 madax looga hadlay arrimo u gaar ah, sidaas darte edna loo ogaan waayay waxyaabihii ay ka wada-ha dleen, isaga oo xusay inaysan jiri doonin wax war-sa xaafadeed ah oo ay kasoo saari doonaan kulan kooda.

2 Mudane ee Xasan Sh. & Saciid C/hi Deni ma ay san soo bandhigin wax ajendo ah oo ku saabsan kul amadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xoogan oo xiligaan ka dhex-jiray DFS iyo dowlad-goboleedka Puntland,” ayuu yiri.

Caasimada Online oo sheegtay in ay la xiriirtay Vi lla Somalia ayaa mas’uul ka tirsan waxa uu sheegay inaysna jirin khilaaf iyo colaad markii horeba u dhax eysay 2da dhinac, sidaas darteedna aysan jirin baahi loo qabo war-murtiyeed.

"Madaxweynaha wuxuu Puntland u tegay inuu ka la hadlo wada-shaqeynta 2da dhinac, iyo xoogaa ta basho ah oo jirtay uu ka qanciyo, mana jirto baahi loo qabo war-murtiyeed,” ayuu yiri sarkaalka la hadl ay Caasimada Online.

Marka laga imaado kulamadii ay yeesheen mad axweynaha Soomaaliya iyo madaxweyne D/G/Puntl and ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Pun tland ay ka aqbashay madaxweyne Xasan inay mar tigeliso shir wada-hadal oo ay iskugu imanayaan ma daxda DFS& Kuwa dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Madaxda Puntland ayaa hore u sheeg ay inaysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, ayaga oo maamulka Xas an dusha u saaray "wada-shaqeyn la’aan”

Xigasho:caasimadda.net

MaxayKa Wada Hadleen RW Xamse Iyo Guddo omiyaha Guddiga Midowga Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Md. Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Md. Moussa Faki Mahamat.

RW Xamse iyo Moussa ay aa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soom aaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa ga ar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

RW Xamse ayaa ku sygan dalka Tunisia halkaasi oo uu kaga qayb galay shirka ICAD8, waxaana uu ku lamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka qayb galayay shirkaasi.

Masuuliyiinta uu kulamo doceedyada la qaatay waxaa ka mid ahaa wasiir Ganacsiga iyo Warsha daha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig, wa xayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

Sidoo kale waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Ha yashi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taari ikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxe eya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan

Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka furaya Mach ad lagu barto…

Wasiirka cusub ee awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roob ow ayaa Dorraad tegay masaajidka Isbaheysiga Isl aamka ee magaalada Muqdisho, isagoo halkaas warbaahinta kula hadlay.

Mukhtaar Roobow sheegay in hadda uu dib u ho wlgeli doono machadkii laga bara jiray duruusta dii niga ah ee masaajidkaan uu horay u lahaa, kaas oo mar hore xirmay.

"Hadda waxaa muhiim noo ahaa inaan qiimeyno sidii dib loogu furi lahaa machadka, waan soo aragn ay qalabka yaalla, waxaan rajeyneynaa inuu dib noo gu furmo,” ayuu yiri.Sheekh Mukhtaar ayaa Alle janadiisa uga baryey Boqor Feysalkii Sacuudiga oo dhisay masaajidka Is baheysiga Islaamka ee M/ Muqdisho.

"Waxaan ku dadaalay inaan ogaado sababta dib loogu furi waayey mach adka weyn ee masaajidkaani uu leeyahay, inta ay khuseyso markii aan la tashano ayaan dib u furi doo naa, si loogu intifaaco oo arday Soomaaliyeed ay wax uga barato, macalimiin Soomaaliyeed-na ay u dhigaan,” ayu hadalkiisa ku sii daray Mukhtar Robow

Xamse Barre Oo Dowladda Aljeeriya U Gudbiyay Fariin Uu Uga Waday Xasan Sheekh Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Kamel Rezig, wax ayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

R/Wasaare Xams ayaa Dowladda Aljeeriya u gud biyay fariin uu uga waday Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in ay Dowladd So omaaliya ka caawin donaan arrimaha la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo arrim aha gurmad abaaraha.

Kulanka ayaa yimid kadib markii uu R/Wasaaraha X/F/Soomaaliya Md Xamse uu khudbad ka jeediy ey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda maga alada Tunis ee dalka Tunisia.

Waxaana khudbadda uu jeediyay uu kaga hadlay RW Xamse muhiimadda ay taagerada dowladda Ja pan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si horumar bulsho iyo isku filnaansho dha qaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.

Dowladda Soomaaliya & Mareykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxa med Nuur (Jaamac ) ayaa magaalada Muqdisho ku la kulmay Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxa uu shee gay soo dhawaynta kadib in uu taliyaha la wadaageen qorsha ha sare u qaadida awooda ciid anka xoogga dalka si ay ula wareegaan amniga guud ee Dalka.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in taliyaha uu kala hadlay arimaha la dagaalanka Alshabaab oo muddo dheer dalka ka dagaalamaya iyo sidii wax looga qaban lahaa iyaga oo iskaashanaya. Sidoo kale Wa siir jaamac ayaa sheegay in ay uga Mahad celiyeen doorka AFRICOM ay ka qaadato sara u qaadida amniga geeska Africa.

Inta badan Taliska Ciidamada Mareekanka ee Af rika ee looyaqaan Africom ayaa Soomaaliya gaar ah aan goobaha ay joogaan Al-Shabaab waxa ay ka fuli yaan duqeymo dhinaca cirka iyaga oo bar tilmaame edsanaya xubnaha sar sare Ee Al-Shabaab.

UK Oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dha qa laha Iyo Dib U Habeynta Hannaanka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr.Cilmi Maxamuud ay aa Dorraad Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya Danjire K.Foster

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasi maha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Md. Saleemaan Sh.Cumar

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliy adda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa "Dorraad waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliya dda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku sha qeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariic da horumarineed ee Soomaaliya.” Wasiirka ayaa in taa ku daray in Dowladda UK ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Shir laga yeeshay Amniga Guud ee Gobolka Gedo

Shirka oo looga hadlayey sare u qaadida Nabad ga lyada iyo Ammaanka guud ee Degmooyinka iyo degaannada, Gobolka Gedo ayaa waxaa lau qabtay Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraaki isha ugu sarreeysa Ciidamada Boolisk, Nabadsugi da, Militeriga, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Ge do, Maamulada Doolow & Beled-Xaawo.

Inta uu socdey shirka ayaa wax aa la isku weydaartey, xogaha amni ee muhiimka gaarka ah u leh Bulshada Soomaaliyeed, iya da oo la is farey in si wadajir ah la isaga kaashado.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo ayaa faray dhamaan ciidamada qaybahooda kala duwan ee ku sugan Gobolka Gedo in ay sii laba jibaaraan Shaqo oyinka Bulshada u hayaan iyo in si dhow ula socda an dhaqdhaaq kasta oo Al-Shabaab ku doonayso in ay weeraro uga fuliso Gobolka Gedo.

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay M/ Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkac yo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay she egayaan in mid kamid Ilaalada Hoteel ada kuyaalla halkaas uu Habeen hore dilay Wiil kamid ahaa dhaliyarada ugu caa nsan Magaalada Gaalkacyo.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi mahad Cabdullaahi Maxamed ayaa goob joogayaal sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaaj, hayeeshee dilka uu yimid kadib markii ay wa da murmeen Nin ilaalo ka hayay mid kamid ah Hot eelada Magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhowr xabad ood ku dhuftay.

Wiilka Dhalinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in sidoo kale uu kamid ahaa dhalinyarada sanadka an dhameysay dugsiga Sare, Isla markaana ka qeyb gashay Imtixankii ay qaaday Wasaaradda Waxbara shada dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ninkii dilka u geystay Cabdi Mahad ay xireen Ciidamada Ammaanka M/Gaalkacyo, iyada oo ehelkiisa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkee no Ninkaas.


Muddo korarsigii Lafta-gareen oo ku dhow inuu meelmaro

3bilood ayaa ka dhiman muddo xileedka sharc iga ah ee hoggaamiyaha maamulka Koonfur Gal beed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida uu yahay sharciga iyo isla ogolka dadka deegaanka, bisha De cember ee sanadkaan waa inay Ko onfur Galbeed ka dhacdaa doora sho, laakiin iyadoo ay sideed bilood dhiman tahay ma muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah.

Kal hore baarmananka Koonfur Galbeed waxay jideeyeen in la is waafajiyo muddo xileedka hoggaa miyaha maamulka iyo midka baarlamaanka oo is dhaafsanaya, laakiin saamileeda siyaasadeed ee K/ Galbeed waa qaadaceen arrintaas.

Go’aankaas wuxuu sidoo kale liddi ku yahay dast uurka heer federaal kaasoo qasab ka dhigaya is-waa fajinta muddo xileedka hey’adaha la doorto ee lab ada heer dowladeed waa federaalka iyo maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayaa hadda hoos isaga dhigay ma caamilka Villa Somalia, wuxuu ku xirtay Itoobiya inka stoo weli taasi aysan si buuxda u dhaqan gelin.

Dhawaan khabar faa’iido u noqon kara Cabdicas iis Laftagareen ayaa kasoo yeeray magaalada Kism aayo, waana inuu Axmed Madoobe qaatay hal sano oo muddo kororsi ah.

Wuxuu noqday Axmed Madoobe hoggaamiye go boleedkii seddexaad ee sameysta sanad dheeri ah. Tallaabada Axmed Madoobe oo kaliya ma ahan caa wimaada Laftagareen ee waa sida Villa Somalia isa ga indha tireyso waxa Kismaayo ka dhacay toddoba adkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/ wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka aamusay fici lka muddo kororsiga ah ee hoggaamiyaha Jubba land. Wasaaradda amniga gudaha ee DFS ayaa iya duna ka dhuumatay qadiyadaan. R/wasaare Xamza isaga si gaar ah ayey taabaneysaa arrintaan maada ama uu yahay reer Jubbaland.

Siyaasiyiin kasoo jeedo Jubbaland oo qaadacay tal laabada Axmed Madoobe ayaa DFS ugu baaqay in ay cadeyso mowqifkeeda ku aadan arrintaan, laakiin ma jirto cid illaa hadda u jawaabtay.

Haddaba aamusnaanta Villa Somalia ee tallaaba da uu qaaday Axmed Madoobe ma caawin doontaa Laftagareen, ayaa kamid ah su’aalaha miiska yaalla.

Waxaa jiray warar hore oo sheegayey inaysan koox da madaxweyne Xasan Sheekh ku qanacsaneyn mu ddo kororsiga uu isku dhajinayo Laftagareen, balse hadda uma bareeri karaan kaligiis.

Laftagareen wuxuu tallaabada muddo kororsiga qaaday intii ay jirtay dowladda hore ee madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo, sidaas darteed farriinta 1aad ee Xasan Sh. ee diidamada muddo kororsiya da socda kama billaaban karto Laftagareen, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Haddii ay dowladda xilka joogto diidan tahay mu ddo kororsiyada sharci darrada ah, farriintooda 1aad aa inay ka hadashaa tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, ayey intaas ku darayaan dadka lafa gura ya qadiyadaan.Dowladda FS haddii aysan diidin muddo korors iga Axmed Madoobe maalmaha soo aaddan waxay ka dhigan tahay in Laftagareen ay sidaasi ugu xalaa loobi doonto halkiisa sano. Xigasho:Caasimadda.net

Qatarta Alshabaab oo Shir laga yeeshay hanaan ka Amniga Guud ee Gobolka Gedo loo sugi lahaa

Shirka oo looga hadlayey sare u qaadida Nabad galyada iyo Ammaanka guud ee Degmooyinka iyo degaannada, Gobolka Gedo ayaa waxaa lau qabtay Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakii sha ugu sarreeysa Ciidamada Boolisk, Nabadsugi da, Militeriga, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Ge do, Maamulada Doolow & Beled-Xaawo. Inta uu so cdey shirka ayaa waxaa la isku weydaartey, xogaha amni ee muhiimka gaarka ah u leh Bulshada Soo maaliyeed, iyada oo la is farey in si wadajir ah la isaga kaashado.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo ayaa fa ray dhammaan ciidamada qaybahooda kala duwan ee ku sugan Gobolka Gedo inay sii laba jibaaraan Shaqooyinka Bulshada u hayaan iyo in si dhow ula socdaan dhaqdhaaq kasta oo Al-Shabaab ku doon ayso in ay weeraro uga fuliso Gobolka Gedo.

Somaliland oo ganacsatada suuqii gub tay ee Waaheen ku wargelisay war muhiim ah

Guddoomiyaha guddiga taakuleynta iyo gurmad ka suuqa Waaheen ee xukuumadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo warba ahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay soo dhamaatay nadiifinti iyo hubinta badqabka suuqii gubtay.

Wasiir Albaani ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeya ay fasax u yihiin Ganacsatadii ay dhis mayaashu kaga gubteen suuqa Waaheen inay dib u dhisan karaan dhismayaash oodii.

"Guryaha iyagu dadka ga arka u leeyihiin waxa la kul anay dadweynaha Sabtidii Dorraad tii ka horeysay, mar ka wada-hadalnay waxaanu u fasaxayna inay dhisan karaan, waxaana u sheegnay in waddooyinka dib loo dagi doonin oo guryaha naqshad loo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Albaani.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay Ganacsatada dhismayaasha leh ay ku wareejin doonaan hantidii loo ururiyay dib u dhiska suuqaas, isaga oo xusay in naqshad mideysan ay ka xukuumad ahaan u same eyeen dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen.

"Waxaa u mahad-naqeyna guddigii ay iska soo xuleen ganacsatada ee sida fiican u shaqeeyay, mar ka dadku isku imaadan iyaga oo isu-maqan wey is-fahmayaan oo arrintooda wey dhamaaneysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu faray ganacsatadii ay hantidoodii ku shuf beeshay suuqii Waaheen inay berri iska soo xaadirayaan guriga shaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay so cotay shaqadu.

Si kastaba, Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland ayaa lagu qiyaasay in ta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacaga

Xukuumadda Mustafe Cumar Oo Farriin U Dirtay TPLF Oo Magaalo Hor Leh Qabsatay

Dagaal ayaa weli laga soo sheegayaa inuu ka so cdo waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobi ya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa billowday todobaadkii hore. Ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii qabsaday magaalada Kobo ka dib markii ay ciidam mada dowladda u riixeen dhanka koonfureed ee u dhow xadka.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa goor sii hore ysay sheegay in ay isaga baxayaan magaalada si ay uga fogaadaan khatarta ah in dad badan ay ku waxy eeloobaan.

Maamul goboleedyada kale ee Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo saa ray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taa gan yihiin ciidamada dowladda iyo sidoo kale gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ah goobaha ay ka soo cusboonaadeen iska horimaadyada.

Xilligii uu taagnaa dagaalkii ugu xumaa ee sannadkii hore ayaa maamul gobolleeydo kala duwan waxay ciidamo u direen furimaha hore ee dagaalka.

Maxay salka ku heysaa xiisadda sii xoo geysatay ee Taalibaan iyo PAKISTAN?

Ku-simaha Wasiirka Difaaca ee Kooxda Taalibaan, ay aa sheegay in Pakistan ay u oggolaatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka inay hawadeeda u adeegsadaan inay galaan Afghanistan, eedaymahaas oo ay Pakistan dhawaan beenisay, kadib markii uu Mar aykanku duqaymo ka geystay Kabul. Ku-simaha wasiir ka gaashaandhigga Mullah Mohammad Yaqoob oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kabul ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay gudaha u galeen dalka Afghanistaan, iyagoo sii maraya Pakistan.

"Sida aan xogta ku hayno diyaarada ha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa soo galaya Pakistan ilaa Af ghanistaan, waxay isticmaalaan hawada Pakistan, wax aan ka codsanaynaa Pakistan in aan hawadeda aan na loo soo dhexmarin,” ayuu yiri Mulah Mohammad Yaqob.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan markiba ka ma jawaabin codsi ahaa inay dhinaceeda ka hadasho eedeymaha Taalibaan.

Maamulka Pakistan ayaa hore u beeniyay inay ku lug leeyihiin ama ay xog ka hayaan duqeyn diyaara deed oo uu Mareykanku sheegay inay ka fuliyeen Kabul bishii July oo lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Hadalka Yacquub ayaa sii xumeyn kara xiisadda u dhaxeysa dowladaha dariska ah xilli kooxda Talibanta Afghanistaan ay dhexdhexaadinayaan wadahadal u dha xeeya Pakistan iyo kooxda Taliban ee Pakistan.

Afghanistaan sidoo kale waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga Pakistan, iyadoo dalkaasi ay soo waja hday dhibaato dhaqaale.

Talibanka ayaa sheegay in ay baarayaan weerarkii cir ka ahaa ee bishii July, islamarkaana aysan helin meyd ka hogaamiyihii Al Qacida.Reuters + VOA

Deegaan sugayey in la magaaleeyo 180 sano kadib loo ogolaaday in ay Noqoto Magaalo

Gibraltar, ayaa haatan wixii ka danbeeya waxay noq onaysaa magaalo, 180 sano kadib, markii ugu horeysay ee ay siisay darajadani boqoradda Victoria.

Dhulkani ku yaalla dibadda ee Ingiri iska uu leeyahay, ayaa waxaa la qor sheeyey inuu noqdo magaalo hora antii sanadkan, iyadoo qayb ka ah nidaamka Boqorada ee Platinum Jubilee.

Laakiin markii cilmi-baarayaashu ay eegeen keydka Qaranka Ingiriiska, ayaa waxay ogaadeen in mar hor aba loo aqoon sadey magaalo Gibraltar, xili ku beegan sanadkii 1842. Go’aanka magaaleynta ayaa haatan dib loo xaqiij iyay, iyadoo Boris Johnson uu ku tilmaamay inay tahay "sharaf weyn” oo xuseysa "taariikhdeeda qaniga ah iyo kartida” Ingiriiska.

Gibraltar waxay ahayd dhul Ingiriis ah oo dibadda ku yaalla tan iyo 1713-kii, markii lagu wareejiyey boqortoo yada Ingiriiska, iyadoo la raacayo heshiis nabadeed oo la saxiixay kadib dagaalkii Isbaanishka.

Maqaamka magaalada, ayaa waxaa inta badan lala xiriiriyaa inay yeelato kaniisad, jaamacad, iyo dad tiro badan, laakiin ma jiraan xeerar u degsan oo la siiyay, waxaa ansixin doonta boqortooyada markay la tashato golaha wasiirada.

Dawladdu waxay sheegtay in Gibraltar laga saaray lii saska rasmiga ah, kadib markii kal hore ay siisay maq aamka magaalo boqoradda Victoria, laakiin ma cadda si da ay taasi u dhacday.

Diiwaanka la cusboonaysiiyay ee 81-ka goobood ee loo magacaabay magaalooyinka, ayaa hadda la daabac ay. Gibraltar waa mid kamid ah shanta goobood ee ka baxsan Boqortooyada Midowday ee la aqoonsan yahay.

Hamilton, ayaa ku taalla jasiiradda saddex xagalka Ber muda, Jamestown oo ku taalla Saint Helena, iyo Dougl as oo ku taalla Isle of Man, ayaa kal hore lagu daray liis ka, halka Stanley oo ku taalla jasiiradaha Falkland ay ka mid yihiin goobaha la magacaabay xuskii Jubilee ee sanadkan.

Southend oo ku taalla Essex, ayaa sidoo kale la sii yay aqoonsi magaalo horaantii sanadkan, kadib dilkii xil dhibaan David Amess, kaasoo wakiil ka ahaa deegaan ka K/Galbeed, ilaa sanadkii 1997-dii, oo muddo dheer na u ololeynayay arrintan.

Wasiirka xafiiska xukuumadda, Kit Malthouse, ayaa yidhi: "Magaalooyinka liiskan ku jira aad bay hodan ugu yihiin taariikhda iyo dhaqanka, dadka deegaanka ee aagaggaas degganina aad bay ugu hanweyn yihiin inay arkaan muhiimadda magaaladooda oo warqad si rasmi ah looggu soo saaro."Waxaan ku rajo weynahay in dad ka ku nool meelahan, gaar ahaan magaalooyinka cu sub, ay ka faa’iidaysan karaan faa’iidooyinka kor u kaca heerka caalamiga ah ee magaalada ay guryaha ku lee yihiin, iyo inay soo jiidan doonaan maalgashi gudaha ah, oo u badan ganacsiyada maxaliga ah.


27 sano ayuu ka maqnaa Soomaaliya markii uu soo noqdayna waa la dilay

Cabdulqaadir Maxamed Cali oo Soomaaliya ka maqnaa mudo 27 sano ah ayaa nasiib darro maalin kadib markii uu dib ugu laabtay dalka wuxuu la kul may oo lagu dilay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo muudo dhe er ku noolaa dalka Koonfur Afrika, wux uuna maalin ka hor markii la weeraray Hotel Xayaat uu booqasho ugu yimid waalidkiis iyo walaalihiis oo ku nool Mu qdisho, muddo dheerna uusan arag.

Wuxuu Hotelka u tegay sidii alaab dad loogu soo dhiibay uu ugu wareeji lahaa, balse wuxuu la kulmay weerarka, mudo labo maalmood ah aya maydkiisa la la’aa, sida ay ehelkiisu warbaahinta u sheegeen.

Dr. Ayaan Maxamed Cali oo ay walaalo yihiin Cabdu lqaadir Maxamed Cali ayaa wareysi ay siisay Idaac adda VOA ayaa sheegtay in walaalkeeda uu waqti adag soo caawiyey reerka, balse nasiib darro 27-sano kadib markii uu dalkiisa dib ugu soo laabtay la dilay.

"Maalintii Khamiista ayuu safar ka yimid, wuxuu maqnaa dhowr iyo labaatan sano, amaanooyin uu waday inuu hotelka qof ugu geeyo ayuu u tegay go obta, 20 daqiiqo intii uusan joogina waxaa bowlday qaraxyadii iyo weerarkii Hotelka, halkaas ayuuna ku dhintay,” ayey yiri Ayaan Maxamed.

Waxay sheegtay inuu ahaa curadkii reerka, taas oo sababtay inuu mudo dheer Koonfur Afrika gana csi ugu maqnaado, si walaalihiis uu waxbarashada uga caawiyo.

"Nolol adag ayuu soo maray, wuxuu hor mariyey waxbarashadeena iyo tiisaba, walaalahey oo anigu aan ugu horeeyo wuxuu na gaarsiiyey heerarka ugu sareeya waxbarashada, naftiisa, teena ayuu ka hor mariyey, ilaahey haka abaal mariyo, wuxuu ahaa ah lu diin,” ayey Ayaan hadalkeeda ku sii dartay.

Sidoo kale gabadhaan waxay sheegtay in Marxu umka toogasho lagu dilay oo wadnaha xabad looga dhuftay, isla markaana ay meydkiisa mudo labo ma almood ah ka raadinayeen isbitaallada Muqdisho, ba lse uu yaalay goobtii lagu dilay oo weerar xun uu ka socday.

MADAXWEYNE SAAMEYN LEH OO SI XOOG GAN U TAAGEERAYA KU BIIRISTA SOOMAALIYA EE EAC

Soomaaliya ayaa dhawaan soo cusbooneysiisay dalab ay ku dooneyso inay ku hesho xubinimada Uru rka Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo hadda ay ku midaysan yihiin toddobo dal. Tan iyo dhammaadkii 60-meeyadii ayay Soomaaliya daneynaysay inay xubin buuxda ka noqoto ururkan.

Muqdisho ayaa laga diiday codsigee da toban sanno kahor. Waxaana loo arkay inaysan lahayn hay’ado dowla deed oo xooggan. Laakiin madaama Koofur Suudaan oo ah dal dagaallo sokeeye la dage en laga guddoomay noqoshada xubinnimadiisa Urur ka, Soomaaliya hadda waxay leedahay rejo aad u sarreysa.

Dalabkeedii ugu horreeyey ee xubinimada waxay ku lumisay himiladii Soomaaliweyn iyo raadinta dhu lalkii ka maqnaa. Waxayna taasi halis ku ahayd Ken ya oo xubin ka ahayd ururka.

Dhulkii Seeraha Waqooyi ee NFD iyo Soomaali Galbeed ayaa ka maqnaa Soomaaliyadii xorta ahayd waagaas, marka laga reebo Jabuuti oo gumeystihii Faransiiska gacanta ugu jirtay. Hadda waxaa Urur kan si midaysan ugu bahoobay dalalka Uganda, Ken ya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfur Sudan iyo DR Congo.Sannadkii 2017-ka, waxay mar kale dalb atay inay xubin ka noqoto Ururka. Waxaase diidmo xooggan kala horyimid dalalka Kenya iyo Tanzania oo arrimo amni ku saleeyey.

Is-qab-qabsi iyo walaac Somaaliya iyo Kenya wa xay wadaagaan xuduud beenaad aad u dheer. Aad bayse iskugu diidan yihiin waxyaabo badan oo siyaa saddu ka kow tahay. Waxaase isku xira bulsho dhan oo gobalka Soomaalida ku nool iyo kuwa kale oo ganacsi xooggan ku yeeshay gudaha Kenya. Qaad ka ama jaadka ayaa sido kale ah duni isku xiraysa.

Laakiin Kenya waxay weerraro aan yareyn kala kulantay kooxda al-Shabaab. Labada waddan ayaa sidoo kale muran dhanka badda ah uu dhex maray kaas oo markii dambe ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka u xukuntay Soomaaliya.

Khubarada ayaa sheegaya dadka Tanzanian-ka ah ay aad uga shaki iyo cabsi badan yihiin Kenyaan-ka marka ay timaado ku biiritaanka Soomaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika.

"Waxay Tanzania doorbiday Koonfur Sudan xubi nnimadeeda waayo waxay leedahay shidaal,” ayuu yiri Kibuuka Maxamed oo ah falanqeeye siyaasa deed. Madaxweynaha Uganada, Yoweri Musaveni ay aa, si kastaba, ku tilmaamay Soomaaliya mid hays ata dhammaanba sababaha loogu biiri karo Ururka madaama ay xuduud la wadaagto mid kamid ah xub naha Ururka.

"Waa dal dimuqraadi ah oo ganacsiyo waaweyn oo gaar loo leeyahay oo sugan ay ka jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu horraantii bishan balanqaaday inuu Soomaa liya ka caawin doono dadaalkeeda ku aadan ku biir itaanka Ururka.

Uganda waxay ka qeyb ahayd howlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya taniyo sannadkii 2007, in kasta oo xiriir ganacsi oo aan sidaas u xoog badneyn uu ka dhaxeeyo labada dal.

Soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee u gu dheer Afrika. Waxayna dhacdaa bar istiraatiji muh iim ah. Mana ahan dal dhulxiran ah oo marwalba u baahan in waddan kale loo soo mariyo badeecadaha sida Koofurta Suudaan.

Turkiga, Shiinaha, Hindiya, Cumaan iyo Kenya ayaa ah ilaha ugu badan oo ay wax kasoo dhoof sadaan. Waxaana suuqa ugu weyn oo ay wax u dho ofiyaan uu yahay Cumaan.

Koofur Suudaan waxay xooggeeda ku tiirsan tah ay dalalka xubnaha ka ah Ururka sida Kenya iyo Uganda marka ay timaado inay wax soo degsadaan.

Rebecca Kadaga, oo ah u qaabilsanaha Uganda ee Ururka EAC ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muddo badan ganacsi fiican la lahayd xubnaha ku jira Urur ka taasina ay u fududeyn karto inay kusoo biirto.

Waxay hoosta ka xariiqday in haddii Soomaaliya ay buuxiso dhammaanba shuruudaha looga baahan yahay, ay xaqiiqdii heli doonto xubinnimadeeda Ur urka.

Ka-gudbidda caqabadaha

Anisa Osman Dirie, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ah maamul ka tirsan Midowga Afrika, ayaa sheeg tay in Soomaaliya looga baahan yahay inay ka gud ubto caqabadaha horyaalla si ay ugu biirto EAC, ay ada oo ku boorisay midnimo, nabad iyo wada noola ansho ku dhisan saaxiibnimo, waxayna intaas ku dar tay in Muqdisho ay muhiim tahay inay raadiso hogg aanka urur goboleedyada.

"Soomaaliya ma la’a aqoonyahano si caalami ah loo aqoonsan yahay oo xilal hoggaamineed ka qab an kara ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Aq oontooda iyo khibroddooda waa kuwa si buuxda loo heli karo,” ayey tiri.

"Buundada maqan waa istaraatiijiyad la isku duba riday oo lagu abuurayo wacyigelintan. Run ahaantii, burburka ku yimid hanaankii siyaasadeed ee Soom aaliya ayaa dunida ka yaabiyay, balse taasi macn aheedu maaha in aanay jirin hoggaamiyeyaal aragti fog oo waddaniyiin ah. Aad bay u badan yihiin laakiin intooda badani waxay dhibanayaal u yihiin dhibaato aysan abuurin.”

Waxay intaas ku dartay: "Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in cid kasta oo doonaysa inay Soomaaliya ka baxdo xasillooni darrada jirta ay taa geerto helitaankeeda xubinnimada EAC iyo hoggaan ka, iyo sidoo kale ururrada kale ee dowliga ah sida Urur-goboleedka IGAD, QM, iyo Midowga Afrika ama guddiyo kala duwan, (ayadoo) tani ay dejinayso ajandaha halganka dawlad-dhisidda Soomaaliya.”

Aamina Xirsi oo ah haweeney Soomaaliye ed oo ga nacsato ah oo ku nool Uganda ayaa u sheegtay Wak aaladda Wararka Anadolu in ku biiritaanka Ururka EAC uu sahlayo beekhaamada ganacsiga ay hadda ku jirto oo uu suuq furan oo laga wada macaashi karo siinayo dhammaan xubnaha.

"Waxaana uu abuurayaa isdhexgal iyo kobac dhaqaale oo xooggan,” ayay tiri.

Iyada oo la eegayo heshiiskii 1999 ee Ururku uu ga aray, haddii Soomaaliya ay ku biirto waxay fiiso la’ aan ku tagi karaan muwaadiniinteeda dhammaanba dalalka EAC. Waxaana qofku uu xaq u yeelanayaa baasaboorta Bulshada Bariga Afrika. Mana la saara yo wax canshuurro ah ganacsigiisa.

Dakhliga dhaqaalaha sannadkan ee Ururkan ay aa lagu qaddaray $300 oo bilyan, waxaana 312 mi lyan oo dad ah oo kasoo kala jeeda dalalka xubnaha ka ah ay ku safraan hal baasaboor.

Somaaliya Oo Loogu Deeqay 1.6 Mill ion Oo Xabbo Oo Ah Tallaalka COVID-19

Dawladda Soomaaliya ayaa lasoo gaarsiiyey ill aa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaali ya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee CO VAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dha maystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaadhaya illaa 2.3 million oo qof, halka in kab adan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.

Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda UN ICEF ayaa lagu sheegay in wasiir ka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasi badda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahad cel iyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.

"Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xan uunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay run tii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yiri wasiirka caafimaadku.

Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey, inay tallaalkan he leen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jir to xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay bar akac xooggan, waxaana taasi ay keenaysaa in dad ka danyarta ahi u nuglaadaan in xanuunadu ay ku dhici karaan.

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baah san, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar de gdeg ah, halka illaa 1 million oo qof ay ku baraka ceen gudaha Soomaaliya.

"Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka gey sanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Per Lindgärde.

Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yiri, "Guud ahaan shacabka So omaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka So omaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, wax aan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga ho rtago faafitaanka COVID-19″ ayuu yiri.

Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soom aaliya ay u qorshaysan tahay in la tallaalo ugu yar aan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaadho

dhammaadka sannadkan.


KAALINTA AY SOOMAALIYA KA GASHAY DALAL KA AY CARRUURTA UGU

 BADAN KU DHASHAAN


Marka la eegayo dhinaca taranka ee waddan kasta, lammaanuhu waxa uu u baahan yahay in ay u dhasha an ugu yaraan labo carruur ah, taasoo ah celcelis aha an 2.1, si aysan hoos ugu dhicin tirada guud ee shaca bkooda, iyadoo aysan xisaabta ku jirin dadka ka qaxaya waddankaas. Lixdankii sano ee lasoo

dhaafay aad ayay hoos ugu dhac day tirada taranka bani’aadamka, sida ay shaacisay Hay’adda Wada shaqaynta Dhaqaalaha iyo Horum arka (OECD).

Kuuriyada Koonfureed ayaa noqo tay dalka ay tirada ugu yar ee carruurta ah ku dhasha an, marba marka ka dambaysana tiradaas ayaa hoos u sii dhacaysa.

Hase ahaatee, Soomaaliya waxay meel sare uga jir taa liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan, sida ay muujisay xog-ururin ay sameeyeen hay’adaha World Population Review iyo Macro Trends.

Xogtan waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lafteeda ay tirada carruurta dhalanaysa sii yaraaneyso sanadba sanadka ka dambeeya.

Tusaale ahaan, sanadkan 2022 celcelis ahaan dhal ashada carruurta Soomaaliya waxay ahaayeen 5.753 cunug haweeneydiiba, tiradaas oo boqolkiiba 1.57 ka yar tii sanadkii ka horreeyay ee 2021.

Sanadkii 2020, celcelis ahaan tirada carruurta ku dhalatay Soomaaliya waxay ahaayeen 5.936 haweene ydiiba, waxayna boqolkiiba 1.53 ka yarayd tiradii 2019-kii oo ahayd 6.028 dhalasho haweeneydiiba.

Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan ay ay Soomaaliya kasoo gashay kaalinta labaad, waxaana ka sarreeya waddanka Niger oo keliya, sida lagu qee xay xogta labada hay’adood ee kala ah World Popula tion Review iyo Macro Trends.

Inkastoo ay ku kala duwan yihiin dalalka, haddana la bada hay’adoodba waxay ka siman yihiin in tobanka sa re ay yihiin waddamo ku yaalla Afrika.

Dhimashada dhalmada la xiriirta ee Soomaalida

Bankiga Adduunka, oo qiimayn ku sameeya tirada tar anka caalamka iyo arrimaha kale ee la xiriira ayaa she egay in dumar badan oo Soomaali ah ay dhintaan xilliga dhalmada.

Balse, tobankii sano ee lasoo dhaafay ayay hoos u dha cday dhimashada hooyooyinka Soomaaliya, xilliya da foosha.

Sanadkii 2000 waxaa Soomaaliya ku dhintay 1,210 dumar ah oo umul raacay, halka tiradaas ay 2017-kii ho os ugu dhacday 829.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada hooyooyinka Soomaalida ay ka badan tahay kuwa dalalka kale ee gobolka.

Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay kaalinta labaad ka gashay liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhint aan xilliga dhalmada ama sanadka ugu horreeya marka ay dhashaan kaddib, sida ku cad xog uu shaaciyay bo gga tirakoobyada ee Statista.

Inta badan dhimashooyinka la xiriira dhalmada ee ka dhaca Soomaaliya waxaa sababa arrimo laga hort agi karo sida lagu sheegay warbixin ay sameeyeen hay ’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo nafaqada oo ay 2020-kii daabacday Trocaire. Haween badan waxay dhi baatooyin kala kulmaan xanuunnada ku dhaca xilliyada uurka . Isha: BBC Somali

Tigrayga oo magaalo muhiim ah qabsad ay iyo Abiy oo dal kale taageero u doontay

Dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay kadib markii uu dib u qarxay Arbacadii, waxaana guuldarrooyin culus la gaarsiiyey ciidamada dowladda federaalka Abiy Ahmed.Ciidamada

Tigray ee loo yaqaan TDF ayaa laba maalmood gud ahood ku qabsaday magaaladii saddexaad, ayaga oo kusii siqaya gudaha gobolka Amxaarada oo ay ka dag aalamaan maleeshiyo taageersan dowladda iyo ciidam ada dowladda oo iskaashanaya.

Maalin kadib markii ay qabsadeen magaalada Kobo, Tigrayga ayaa si doo kale Habeen hore qabsaday magaaloo yinka Robit iyo Woldia. Saddexda magaalaba waxay ka tirsan yihiin gobolka Amxaarada.Magaalada Robit, ma ahan magaalo muhiim ah, oo waa magaalo yar oo u dhaxeysa Kobo iyo Woldia, hase yee shee Abiy Ahmed ayaa waxaa walaacin doona qabsa shada magaalada muhiimka ah ee Woldia, oo hadda u gacan gashay Tigray-ga.

Kobo iyo Woldia waxay isku jiraan 50km, taasi oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay Tigrayga soo jareen dhul baaxad weyn.

Fallanqeeyayaasha arrimaha militariga ayaa ka yaa ban sida fudud ee ciidanka dowladda federaalka Itoob iya cagta loo marinayo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sugan dalka Algeria, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ka almo militari weydiisan doono dowladda dalkaas. Alge ria waa dalka labaad ugu militari awoodda badan Afrika.

Tiro dad oo aan si rasmi ah loo ogeyn ayaa ku dhin tay dagaalka gobolka Tigray tan iyo markii uu billowday bishii November ee 2020.

Xabad-joojin la gaaray bishii March ayaa hakisay dhiiggii qubanayey, taasi oo ogolaatay in si tartiib ah gargaar loo gaarsiiyo gobolka oo QM ay sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macluul.

Tan iyo dhammaankii June, dowladda Abiy iyo mucaa radka ayaa dhowr mar sheegay inay doonayaan inay ga laan wadahadallo nabadeed balse waxay isku raaci wa ayeen qodobada wadahadalladaas.

Arbacadiina, dagaal cusub ayaa ka qarxay koonfurta bari ee xuduudda gobolka Tigray, meel u dhow gobolla da Amhara iyo Cafar, ayada oo labada dhinacna uu mid ba midka kale ku eedeeyey inuu riday xabadda 1aad.

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, oo si layaab leh u soo gudbiyey jaceylka uu u qabo gabadha isku calman yihiin.

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa si layaab leh u soo gudb iyey jaceylka uu u qabo gabadha isku ca lman yihiin. Dadka isticmaala Internetka, ayuu la wada agay masaafe dheer oo orod ah, isa goo u arkay taa si, sida kaliya ee dhab ta ah, ee uu ku gudbin karayo ham uun ta iyo jaceylka aan xadka laheyn ee uu u qabo gaca lisadiisa.

Ninkan oo 57 jir ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Joseph Kagiso Ndlovu. Wuxuu orday 90km oo marat oon ah, si uu ula tashado haweenay lagu magacaabo Prudence.

Waxaa la sawiray isagoo sita boor uu ku codsanayo haweeneyda in uu guursado, xilli uu ku soo dhawaaday goobtii gabagabada tartanka Marathon-ka Axadii.

"Prudence ma is guursannaa?, waa farriinta ku qorneyd boorka uu watay Joseph. Prudence, waa haweeneyda ay saaxiibada yihiin Joseph”.

Warbaahinta maxaliga ah iyo dadka ist icmaala internet ka, ayaa maalmahan oo idil ka sheekeynayay masaafa da dheer, uu ninkani ku khasbanaaday, si uu usoo jiito jacaylkiisa

Debed-baxayaal cadhaysan oo la waree gay madaxtooyada dalka Ciraaq

shan qof ayaa lagu dilay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, iyada 19 qof oo kalena ay ku dhaawacme en rabshado ka dhacay halkaas, ka dib markii uu wad aadka awoodda badan ee Shiicada ah ee Muqtada al-Sadr uu ku dhawaaqay inuu siyaasad da ka fadhiisanayo, arrintaas oo keen tay isku dhacyo u dhexeeya taageera yaashiisa iyo kooxaha kale ee ay si yaasad ahaan isaga soo horjeedaan.

Rabshadahan ayaa ka dhacay aagga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo, waxaana taageerayaasha Muqta da al-Sadr ay xoog ku geleen xarunta madaxtooyada ee dalka Ciraaq, iyaga oo la wareegay guud ahaan dhisma ha xarunta madaxtooyada.

Muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta ayaa muujin aya taageerayaasha wadaadka Muqtada al-Sadr ee la wareegay madaxtooyada oo ku dabbaalanaya berked aha kuyaalla xarunta madaxtooyada, iyada oo qaar kal ena ay ku sugan yihiin gudaha dhismaha iyo xafiisyada kale.

Ciidanka militariga ee dalka Ciraaq ayaa ku dhaw aaqay bandaw dalka oo dhan ah, laga bilaabo 3:30 gal abnimo, wakhtiga dalka Ciraaq, iyadoo ciidamada mil itarigu ay ugu baaqeen debed-baxayaasha inay ka baxa an aagga cagaaran oo xarun u ah ergada caalamiga ah ee ku sugan dalka Ciraaq. Rabshadaha ayaa bilaawday saacado kadib markii uu Muqtada al-Sadr ku dhawaa qay in uu isaga baxay siyaasadda sababo la xidhiidha ismaandhaafka siya asadeed ee dalka ka jira.

Wadaadka ayaa ku guuleystey kura astii ugu badn eyd doorashadii Oktoob ar, laakiin ma helin aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wak aaladaha wararka ee AP,

Reuters iyo AFP

Roland Mesnier Cunto kariyihii shanta mada xweyne ee Mareykanka oo geeriyo oday jimcihii

Roland Mesnier, oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana u soo karin jiray cuntooyinka macaan shan madaxweyne oo Maraykan ah, ayaa geeriyooday, isaga oo dadiisu tahay 78 sano jir.

Mesnier, ayaa markii ugu horreysay la shaqaaleysii yay xilligii Jimmy Carter, ee sanadkii 1979-kii, wuxuuna shaqada hawlgab ka noqday sanadkii 2004-tii, oo ah xilligii, Madaxweyne George W Bush.

Waxa uu dhintay jimcihii lasoo dhaafay, "kadib xan uun gaaban”, Ururka keydiya taariikhda Aqalka Cad, ay aa warkan soo galiyey bartooda.

Mesnier, ayaa wuxuu ku caan baxay in 27-kii sano ee uu joogay Aqalka Cad, in uusan waligiis siinin ama dubin cunto isku mid ah laba jeer.

Isagoo shaqadiisa ka bilaabay makhaayad tuullo oo ku taalla dalka Faransiiska, Mesnier, ayaa wuxuu sumcad diisa kusoo kasbadey hoteello waa weyn oo ku yaalla magaalooyinka Paris, Hamburg, London iyo Bermuda, kahor inta uusan ku biirin shaqaalaha madaxtooyada ee Aqal Cad.

Waxaa lagu waramay in la shaqaaleysiiyay, kadib markii uu soo jiitay marwada koowaad, ee Rosalynn Carter, iyadoo ka dalbatey inuu xoogiisa isugu geeyo karinta macmacaanka fudud iyo si guud ahaaneed cun tada kale

Ruushka Oo Ka Hor Yimid Heshiiska Xa kameynta Faafitaanka Hubka Niyuuk liyeerka

Maraykanku ayaa diidmada uu Ruushku diiday ans ixinta heshiiskii qabyo-qoraalka ahaa ka hortagga faa finta niyuukliyeerka ayaa ku sababeeyay in Ruushku uu san doonayn in uu qirto khatarta weyn ee shucaaca war shadda tamarta Niyuukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mar eykanka ayaa sheegtay in xukuu madda Moscow kaligeed ay go’aa nsata y in ay xannibto heshiiskii maalintii Jimcihii laga gaaray arrintaasi maadaama aysan jeclaysan qoraalka heshiiskaasi.

191-ka waddan ee horey u saxiixay heshii ska ka hortagga faafinta niyuukliyeer ka ayaa shantii sanaba mar dib u eegis ku sameeya heshiiskaasi.

Ka ddib muddo bil ah oo shirar socdeen, ayaa dowladda Ruushku waxa ay ku tilDorraady qabyo-qoraal ka kama dambays ta ahi ee heshiiskaasi in uu yahay mid qaab siyaasadeysan loo soo qoray

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay dee gaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada Kenya ee ka howl gala deegaanada Jubbaland iyo kuwa dagaalamaya asha Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaan ka Taabta ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shab aab ay weerar ku qaadeen Sal dhiga ay ku leeyihiin ciidanka Kenya deegaanka Ta abta ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duw an, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray laba da dhinac ee dagaalku dhexmaray, hayeeshee aan an la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray. Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka geysta Saldhigyada ciidam ada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin dee gaanada maamul goboleedka Jubbaland, waxaana ka dhasha weeraradaasi khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.


SIDEE GO’AANKII ABIY AHMED U WII QAY RAJADII SOMALILAND?

Berbera waa marinka ugu weyn iyo isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo Somaliland. Waxay dhacdaa Gacanka Cadan oo ah marin joogto loo adeegsado oo isku xira Badweynta Hidiya iyo Mediterranean-ka.

Sannado kahor, waxay ahayd meel dayac iyo duug ah. Waxaa markeedii ugu horreysay dhistay Boqortooyada Ingiriiska. Waxaana sii casriyeeyey Midowgii Soofiyeeti kadibna Maray kanka.

Dekaddu hadda waa halbowlaha nolosha Somaliland. Waxayna kala soo degtaa inta ugu badan waxa ay uga baahan tahay – sida wax la cuno ilaa qalabka dhism aha, baabuur iyo agabyo kale. Waxa ugu badan ee laga dhoofiyana waa xoolaha nool.

Isbeddelka Dorraad ka jira gudaheeda waxaa u sabab ah hay’adda Dubai Ports World oo loo soo gaabiyo DP World. Sannadkii 2017 ayay la wareegtay mas’uuliyad da dekadda waxayna ballaarisay baaxadda iyo qalabya da looga howlgalo. Waxay soo kordhisay baro si casri loo qaabeeyey oo maraakiibtu kusoo xirtaan iyo agabya da lagu soo dejiyo konteenarada. Waxaa intaas oo dhan kasii muhiimsan inay la wareegtay mas’uuliyadda iyo maamulka dekadda.

Maalin kasta shaqo joogto ah ayaa ka dhex socota. Qorshuhu waa in dekaddu awoodi karto inay dejiso nus milyan shixnado ah sannad kasta. Waana 30% awoodda wax dejineed ee dekadda Doraleh ee Jabuuti. Waxay tani mustaqbalka siin doontaa Somaliland inay noqoto xudunta saadka ee Gacanka Cadan. Waxaana ay awoodi doontaa inay loolan kula gasho dekadaha gobalka sida Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa.

Wiishashku waxay muhiim u yihiin maaraynta degdegga ah ee xamuulka looga baahan yahay dekad walba oo casri ah. Tababbarka shaqaaluhuna, wuxuu ka dhacay aa dekad aan wali mashquul badan ka jirin. Ilaa hadda, maraakiibta waxay ugu soo xirtaan si aan badnayn. Dhismaha ka socda dekadda Berbera wuxuu geesta kale xoojinayaa ganacsiga ka jira Itoobiya oo taniyo markii ay Eritrea ka go’day sannadkii 1993 dekad la’aan ahayd. Waxayna xooggeeda ku tiirsaneyd dekadda Jab uuti.

Sannadkii 2017-ka, heshiis saddex geesood ah ayaa dhex maray Itoobiya, Somaliland iyo hey’adda DP World oo ku saabsan dhismaha iyo casriyeynta dekadda Berbera. Heshiiska oo soconaya muddo 30 sannadood ah, wuxuu dhigayaa helidda dekad ganacsi, aag xor ah, laami Berbera ilaa xadka Itoobiya tagaya iyo gegi diyaaradeed oo laga dhiso Berbera. Saami 30% ayay Somaliland ku yeelatay heshiiska. Halka 19% ay yeelanayo Itoobiya. Inta soo hartay oo ah 51% waxaa qaadanaysa hey’adda DP World. Laakiin bishii June sannadkan, Somaliland ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya ay ku fashilantay inay xejisato saamigeeda 19% ee dekadda Berbera. Addis Ababa ayaa ku fashilantay inay buuxiso shuruudihii looga fadhiyay.

Laakiin dadka Somaliland waxay weli ka qabaan heshiiska rejo fiican. Micno weyn ayuuna ugu fadhiyaa hirgelinta mashruuca dhismahan dalka oo dhan. Waxay u arkaan heshiiskan mid ay ku heli karaan aqoonsi caalami ah; muwaadiniintana uu siinayo kobac dhaqaale iyo nolol heer sarreysa.

Qorshaha fog

Is-ballaarinta iyo howlgalka DP World ee Geeska Afrika wuxuu la jaanqaadayaa isbeddelka siyaadeed ee ka jira gobalka.Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wux uu xukunka yimid sannadkii 2018-ka kaddib kacdoon dadweyne iyo isbeddeldoon dimuqraadiyade ed oo dal ka ka curtay. In yar kaddib markii uu xafiiska tagay, wux uu ku guuleystay inuu soo gabagabeeyo loolanka 20-jirsaday ee Eritrea kala dhaxeeyey. Wuxuuna tallabada as ku mutaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Itoobiya waxa ku nool 100 milyan dad ka badan. Waana mid kamid ah dalalka Afrika ee kobac dhaqaale oo xooggan sameynaya. Isbeddelkii ka dhacay Itoobiya wuxuu qeyb ahaan qaabeeyey horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika.

DP World waxay sii wadaa inay ballaariso saameynte eda gobalka. Sannadkii 2006 heshiis 30-sanno socona ya oo ay la gashay Jabuuti – kaas oo ujeedkiisu ahaa qalabeynta iyo horumarinta dekadda Dolareh – ayay dowladda Jabuuti ka baxday sannadkii 2018-ka.

DP World ayaa taniyo markaas Jabuuti uga soo waree gtay dekadda Berbera ee Somaliland iyo dekadda Bosa so ee Puntland. Waxaana halkaas ku dhashay heshii skii saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo DP World dhex mara.

Sansaanta ka muuqata mashruucani wuxuu same ynayaa horumar xooggan. Wejigii hore ee dhismaha Berbera wuu soo gabagaboobay. Dhismaha Aagga xor ta ee DP World weli wuu socdaa. Dhismaha laamiga is ku xiraya Bebera iyo Togwajaale oo xuduudda ku taalla ilaa Jigjigga iyo Addis Ababa wuu soo dhammaaday.

Saraakiisha Somaliland waxay sidoo kale sheegeen inuu soo gabagaboobay dhismaha garoonka diyaarad aha. Balse waxaa weli mugdi ku jiraa sida loo dhisay oo u muuqata garoon ciidan oo Imaaraadku ka dhex sameystay Berbera.

Maxaa xiga?

Aad buu mashruuca dhismahani muhiim ugu yahay Somaliland. Waxaana ay u arkaan dhabbaha aqoonsiga caalamiga ah ay ku heli karaan. Laakiin la’aanta kaalinta Itoobiya ee kaga aadan hirgelinta Mashruuca, ma ahan mid suuragal ah. Weli waxaa muuqata in Adis Ababa aysan buuxinin shuruudihii kaga aadanaa heshiiska. Waxaa intaas dheer, in Itoobiya aysan suuqyadeeda wali u furin ganacsatada Somaliland.

Dadka Somaliland rejadoodu ma ahan mid hooseysa. Laakiin wax walba uguma socdaan sida ay jecel yihiin. Faafitaanka Covid-19 iyo dagaalka gobalka Tigrey ka socda wuxuu wiiqay kobaca dhaqaalaha Itoobiya. Waxaana halis ku jirta xasiloo nnida waddanka.

Istiraatijiyadda DP World ee maamulka dekadaha ku ya alla Gacan Cadan iyo Badda Cas waa mid raadeyna ysa siyaas adda gobalka Geeska Afrika. Laakiin in guul weyn laga gaaro waxay hadiyo jeer ku xirnaan doontaa Itoobiya iyo sida xaalkeedu ku dambeeyo.

XIGASHO:-CAASIMADDA/NET

.


SACUUDI CARABIYA OO JOE BIDEN KU WARGELISEY GO’AAN UU MUDDO

 KA HORTAAGNAA


Sacuudiga ayaa farriin adag oo hanjabaad ah u di ray Madxweynaha Maraykanka, Joe Biden. Waxayna Boqortooyadu wacad ku martay inay ku hoggaamin doonto dalalka saliidda soo saara ee OPEC + inay dhimaan wax soo saarkooda si loo dejiyo sicirka suuqyada ee kacsan.

Kadib markii qiima ha saliidda cayriin ee qeyb ahaan laga adee gsado UK uu hoos uga dhacay $100 halkii ba rmiil, wasiirkata marta ee Boqort ooyada khaliijka, Prince Abdula ziz bin Sa lman ayaa sheegay in dalalka soo saara saliidda ay ta asi uga jawaabi doonaan in la dhimo wax soo-saarka, taasi oo sare u qaadi karta qimaha.

Tani waxay ahayd fariin aan kaliya loogu talogelin sa re u qaadista qiimaha, taas oo kor u kacday ilaa $102 maalinimadii Khamiista. Laakiin waxaa kale oo loogu ta la-galay inay digniin u noqoto Maraykanka iyada oo he shiiska Nukliyeerka ah ee Iran uu ku dhow yahay gun aanad, lagana yaabo inay kusoo fatahaan suuqyada saliidda xilliga jiilaalka, sida laga soo xigtay la-taliyayaa shii hore ee Aqalka Cad iyo falanqeeyayaal sare oo arrimaha saliidda dersa. "Dadka aqoonta durugsan u leh fikirka Boqortooyada ayaa ku sheegay fara-gelintii degdedga ahayd oo ay ku sameysay qiimaha shidaalka ay durba qaaliyeysay be eca halkii barmiil ‘fuusto’ oo lagu iibsanayo wax ka bad an 100$, taas oo ah farriin culus oo awood badan. Wax ay diraysay digniin ku aadan cawaaqibka Maraykanka u ga imaan kara haddii uu oggolaado saliidda Iraan inay suuqyada dib ugu soo laabato,” ayaa lagu yiri warbixin ta Financial Times.

Sacuudiga waa xubin hormuud ah oo katirsan OP EC+oo ah ururka ay ku midaysan yihiin dalalka dhoofiya shidaalka iyo isbahaysigooda oo uu wehliyo Ruushka.

Riyadh ayaa dhowr jeer iska dhega-tirtay baaqyo kaga imaanayay Joe Biden oo ahaa in la kordhiyo wax soo saarka saliidda. Waxaa sare u kacay qiimaha tamarta ee Reer Galbeedka kadib markii cuna-qabateyn la saa ray tamarta Ruushka laga keeno. Waxayna taasi kicisay qiimaha tamarta. Waxaana laga cabsi qabaa inay kasii darto bilaha soo aaddan. Qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay wax yar bilowgii bishan – laakiin faallada Sacuu diga, oo uu taageeray Madaxweynaha OPEC +, Bru no Jean-Richard Itoua iyo dhowr dal oo saliidda soo saa ra oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Kuwait ayaa cirka kusii shareeray qiimaha.

Fara-gelinta Sacuudiga waxaa loogu tala-galay in la gu difaaco qiimaha ugu hooseeya saliidda, sida uu yiri Roger Diwan, oo ah ku-xigeenka IHS Market Experts.

Waxa kale oo jirta rejo ah soo laabashada suurta-galka ah ee fuustooyinka shidaalka Iiraan kuwaas oo wax u dhimaya wax soo saarka labada xul ee Sucuudiga iyo Ruushka ee OPEC+ ku wada jira.

La-taliyihii hore ee Aqalka Cad, Bob McNally ayaa u sheegay wargeyska Britain in fara-gelinta Abdulaziz ay ujeedadeedu tahay in xasillooni la geliyo suuqa mustaq balka saliidda cayriin ee sii socda.

Heshiiskii Nukliyeer ah oo u dhaxeeyay Iran iyo Mar eykanka oo ujeeddadiisu ahayd in la xaddido tayaynta macdanta Uranium-ta loogana qaado cuna-qabateynta ayaa maraya meel gabagabo ah. Tehran ayaana si miir qab leh dib-u-eegis ugu sameynaysa falcelinta Maray kanka ee heshiiskii uu soo diyaariyay Midowga Yurub.

Heshiiska ayaa u oggolaan doona Iiraan inay maalin walba boqollaal kun oo barmiil oo shidaal ah iib geey aan ilaa dhammaadka sannadkan. Waxayna taasi wax ka beddeli doontaa sare u kaca qiimaha shidaalka lagu kala iibsado adduunka oo dhan. Riyaad iyo Tehraan ay aa ah labo awoodood oo ku loolama Bariga Dhexe. Wa xay isku arkaan cadow soo jireen ah. Dagaalkoodu mar walba wuxuu salka ku ha yaa cidda gacanta sare ku yeelanaysa gobalka.

Haddii qiimaha shidaalka sare u kaco, waxay aad u dhaawici doontaa Joe Biden, sababtoo ah shacabka Ma reykanka oo hadda aad uga careysan qiimaha oo aad u ga sarreeya sidii uu ahaa laba sano kahor, taasina wa xay dhalin kartaa inay codadkooda siiyaan xisbiga Jam huuriga.

ODINGA OO WAR CUSUB KASOO SOO SAARAY DACWADDII UU U GUDBIYEY MAXKAMADDA SARE

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga a yaa u xaqiijiyay xoghayaha guud ee Qaramada Mi doo bay Antonio Guterres in si nabad ah lagu dha mmeeyo muranka hareeyey doorashadii madaxweyne ee dalk aas ka dhacday.Odinga oo 77 jir ah islamarkaana Ma xkamadda Sare u gudbiyey loolan ka dhan natiijadii doo rashada madaxtin imo ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashadu 15-kii Agoosto, taasi oo la sheegay inuu ku guuleystay Willi am Ruto, ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Guter res inuu ixtiraami doono xukunka Maxkamadda Sare.

"Odinga waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan ya hay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ant onio Guterres uu kula soo xiriiray khadka taleefoonka kalana hadlay doorashada Kenya iyo waxyaabihii kasoo baxay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo ba xay xafiiska Odinga Sabtidi.

"Intii lagu guda jiray wada sheek eysiga taleefoonka oo qaatay ku dhawaad 10 daqiiqo, Guterres waxa uu u ga mahad-celi yey Odinga inuu doortay inuu sii wado lo olankiisa ku aaddan natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay, isaga oo u maraya hay’ado dimoqr aadi ah iyo kuwo sharci ah iyo Maxkamadda Sare.”

Odinga ayaa bogaadiyay baaqa Guterres, isaga oo sheegay in ay ka tarjumayso ixtiraamka sare iyo xasillo onida ay caalamka u hayaan Kenya.

"Odinga waxa uu sidoo kale u xaqiijiyay Guterres in Kenyaanka ay si buuxda uga go’an tahay dimoqraadiya dda iyo in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafaadka doo rashada ee is-diidan, uuna ixtiraami doono go’aanka Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo bax ay xafiiskiisa.

Odinga ayaa horey u sheegay in natiijada doorasha da ay tahay mid aan sax aheyn, isaga oo tuhmayo in gud diga doorashada qaarkood ay sameeyeen khiya ano iyo wax is-daba marin.

Maxkamadda Sare ee Kenya weli wax waqti ah uma qaban xilliga ay qaadi doonta dacwadda kiiskan xasaasi ga ah iyo goorta lagu dhowaaqayo go’aankeeda


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip