HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Thursday August 25, 2022 - 08:23:19 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo u safraya Puntland iyo qorshaha socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u safraya magaa lada Garowe ee caasimadda maamulka Puntl and, sida ay shaaciyeen Puntland iyo dowladda federaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Ab shir Cumar Haruuse iyo wafdi uu hogaaminayo oo hordhac u ah safarka uu Madaxweynuhu ku tegayo deegaanada Puntland ayaa Shalay gaaray Garowe.

Wasiirka arrimaha gu daha Puntland iyo wa siirka arrimaha dibad da Soomaaliya oo Shalay saxaafada la hadlay ayaa wadajir u sha aciyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu maa lmaha soo socda Puntland tegi doono.

"Wasiir soo dhowaada, madaxweynaha iyo imaashihiisa waan iska wareysa doonaa, si xor ah ugu soo dhowaada Puntland, una dhex joo ga insha allah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gud aha Puntland Maxamed Dhabancad.

Dhankiisa Wasiirka arrimaha dibadda Soo maaliya Abshir Cumar Haruuse oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri, "Madaxda Puntland waan u ga mahad naqayaa soo dhaweyntaan diirran, waxaan u imid oo aan hordhac u ahay safar uu madaxweyne Xasan Sheekh ku imaa doono deegaanada Puntland.”

Wasiirka ayaa sidoo kale Puntland aad ugu amaanay sida ay ugu diyaar garoobeyso marti gelinta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, "Qaban qaabada socota iyo safarka uu madax weynuhu ku imaanayo fadhi ayaan isaga warey sa doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka arrim aha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruu se uu Puntland ku laabto tan iyo markii loo ma gacaabay xilkaan, sidoo kale madaxweyne Xa san Sheekh ayey markiisii ugu horeysay u noq oneysaa ee Puntland uu u safro tan iyo markii dib loo soo doortay.

Madaxweynaha ayaa hoggaan Puntland kala soo hadli doona wadashaqeynta uu doonayo in uu la yeesho maamul goboleedyada dalka, wax aana xusid mudan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ay ka dhex jirto xurguf hoose oo ka dha latay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo xulashadii Ra’iisul wasaaraha.

Shirkii labada maalin u socday Golaha Wasi irrada oo la soo gabagabeeyay

Ra’iisul wasaara ha Sooma aliya , Xa msa Cabdi Barre ay aa galinkii dambe ee Shalay soo xiray shir labo maalin u socday Golaha Xu kuu madda , kaa oo looga hadlayay si loo dar dargal iyo howlaha mudnaanta u leh Qa ranka iyo ha bka loo xoojin karo wadasha qeynta wasa aradaha iyo hay’a daha kala duwan ee Dawladda.

"Ra’iisul Wasaara ha Soomaaliya oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu sha qeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay xafiis ka oo intaa ku daray "Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku sii nayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda si da ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qar an, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeya an xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku im aanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Maalintii labaad ee shirka , ayaa la sheegay in khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maam uuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulsh ada.

Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedk an waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabin ta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqe ynta hay'adaha dowladda, adkeynta ku dhaqan ka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka ha braacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog –wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda & mideynta xogta lala wadagayo dadweynaha.

"Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaq iijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajayn ayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dabageed oo si xun u weeraray xubno ka tirsan DF

Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirSha beelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabage ed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiin ta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaal ka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa.

Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu she egay toos ula macaamila Ugaas yada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

"HirShabeelle waxaa Dacaa yadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimank aasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ug aasyada halala macaamilo, war ugaasyada qa rankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloodoortay,” ayuu yiri Mada xweyne ku xigeenka HirShabe elle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa xildhiba anada dowladda federaalka ku metela HirSha beelle wuxuu ka codsaday inay ka hor yimaad aan wixii faro gelin ku ah maamulka ee siyaas iyiinta kale ay ku kacaan."Nimanka Xamar joo ga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka Shalay ani goo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doona ya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noq do, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ay aa xitaa kacdoonka nagu wada, aniga waxay igu metelaayaan wasiirnimada, ayagana in mad axweyne ku xigeenka aan ku metelo ma raba an,” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.

Sidoo kale Yuusuf ayaa siyaasiyiinta uu sheegay inay is hayaan wuxuu u soo jeediyey inay ka wadahadlaan waxa ay isku hayaan, ma adaama sida uu sheegay ay isku qabiil yihiin, "War isku qabiilaan nahaye aan hoos u warano ama aan kala xoog badino,” ayuu yiri.

Baaqiisa uu xildhibaanada u diray wuxuu ku yiri, "Xildhibaanow waxaan idiin dirsanay dowla dda federaalka, waxaan idiin soo xulanay inaad ku wii hore ka fiicnaatiin, Hirshabeelle inaad faro gelin ku sameysaan idiinma dirin, idinkana ogolaa meyno.”

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland M Siciid Cabdulla ahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Mag aalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda DFS oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarad da Arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay safarka ay ku yimaadeen Magaalada Garoowe, waxanaa wafdiga ay kulamo kala du wan la qaadan madaxda kale ee Puntland.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha dibadda Sooma aliya ayaa horudhac u ah wafdi uu hoggaamin ayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maalinta berito ah tagaya Magaalada Garoowe.

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay dil Ceerigaabo ka dhacay

Xukuumada Somaliland ayaa shacabka reer Ceerigaabo ugu baaqday in ay isdajiyaan, ka dib cadho ka dhalatay nin ciidamada badhas aabka gobolku ku dileen mag aalada.

Banaanbaxyo rabshado wa ta oo Shalay ka dhacay M/ Ce erigaabo, oo markii danbe isku badalay banaanbaxyo doorasho lagu dalbana yo, ayaa la sheegay in markii hore ay sababtay dilka shakhsiga la dilay, xukuumada ayaa sha cabka ugu baaqday in ay is dajiyaan.

"Waxa loo baahanyahay in maydka la aaso shacabka gobolka Sanaag waxaanu ka codsa naynaa in aan daganaanshaha gobolka la rux in, in aan sharciga gacanta lagu qaadanin in wa ayeelku taliyo ... wixii arrin ahna laga wada ta shado" Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sida yidhi.

Sida dad xogogaal ahi Hiraan Online u she geen ninka dhintay, ayuu khilaaf ka dhexeeyay badhasaabka gobolka Sanaag, kadibna badha saabka ayaa damcay in uu xidho, kadibna wuu dagaalamay sidaana ciidan ka badhasaabka ay aa ku dilay. Bannaanbaxyada Shalay ka dhac ay Ceeri gaa bo oo mar kii hore la sheegay in uu kiciyay dilka dhacay, ayaa markii danbe isku badlay, banaanbaxyo dorasho lagu dalbanay o.


Nabadoon Maxamed Nuur oo lagu dilay Bakaaraha

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo ba xa ya dil qorsheysan oo ay barqanimadii Shalay kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka de egaanka ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag ku hu beysnaa Bistoolado ay u ge ysteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye oo si doo kalena ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda toogash ada fulisay ay goobta ka baxsatay, waxaana da qiiqado kadib meesha ay wax ka dhaceen ga aray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soom aaliya oo sameeyey howlgallo baarinaano ah oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Ma xamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka marxuumka, wuxuuna sidoo kale tacsi tiir aanyo leh u diray ehellada Nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dham maan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxam ed Nuur Diiriye oo Shalay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar,” ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo saaray C/raxmaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in marx uumka uu ahaa oday xilkas ah, isla-markaana Alla ka cabsi badan, wuxuuna ugu duceeyey in uu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

"Nabadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo & xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahal kaba sabar iyo iimaan haka siiyo,”.

Dilkaan ayaa qayb ka noqonaya falalka am maa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraro qaraxyo ah oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday hoteelka Xayaat.

SANBALOOLSHE oo kasoo hadlay jiida ho re dagaalka ka socda gobolka Hiiraan

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbal oolshe) ayaa booqasho ku tegay deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab, isaga oo ay wehliy aan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy eed.

Sanbaloolshe oo ka soo ha dlay jiida hore ee dagaalka ka socda gobolka hiiraan ayaa boggaadiyey ciidamada dowl adda ee dagaalka kula jira koo xda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhoweeyey tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada dowlad da oo deegaanno horleh kula wareegay how lgallada ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

"Cadowgu isagaa naga il helay, hadda waxa an leenahay annaga ayaa ka il helnay oo aan farsamadiisa iyo fuleynimadiisa baranay,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbooloshe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ay u tegeen deegaanna daas ay tahay inay garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sidoo kale guul weyn u rajeeyey. "Guul ayaan idin rajeyneynaa, sabab ta meeshaan loo yimid waxa ay tahay dhaxan taan iyo kaligiin meeshaan inaanan joogin ma daxdii Soomaaliya u sarreysay inay meeshaan timaado, waana idin garab taaganahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sanbaloolshe.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa duleed ka Matabaan ka socday dhaq-dhaqaaqyo mila tari oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ciida mo jab xoogan gaarsiiyeen kooxdaas.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, wa xaana howlgalladaan oo uu horkacayo guddo omiyaha gobolka Hiiraan si weyn looga dareem ayaa deegaanada gobolkaasi.

Greece: Dhallinyaro Soomaali ah oo la helay iyagoo naf biyo ku dhibcis ah

Toddoba qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa la helay xili ay xaaladoodu gaartay in biyo lagu dhibciyo, kuwaasi oo lug kusoo galay jasiiradda Chios ee dalka Greece xili ay naf la caari ahaayeen isla markaana cuntadii iyo biy ihii ay ka go’een.

Muuqaal lagu baahiyay bogga forRefugees ayaa muujinaya dhalinyara daan oo aad u tabar be elay, islamarkaana afka bi yo loogu dhib cinaayo, iya goo codsanaya in la bad baadiyo.

Hay’adda forRefugees ayaa sheegtay in bool iska Greece ay soo heleen toddoba ka mid ah dhalinyaradaan oo ka koobnaa 30 qof, wax aana maqan 23 kale oo Soomaali ah dhamaan tood.

For Refugees ayaa waxay kaloo sheegtay in aysan garaneyn magacyadooda balse ay jinsiy adooda Soomaali yihiin, maadaama aysan ha dli karin oo ay u baahan yihiin daryeel deg deg ah. Dhalinyaradaan ayaa kasoo tallaabay xad ka dalka Turkiga sida ay sheegtay forRefugees, iyadoo ay codsadeen in dadka dhibaateysan ee rafaadka soo maray laga joojiyo dib ugu celinta Turkiga.

Dowladda Greece ayaa bilowday in dadka tahriibayaasha ah ee la qabto in dib ay ugu celi yaan dalka ay markii hore uga gudbeen Gre ece.

Gen Odowaa: Shacabka gobolka Hiiraan wa xaa laga dulqaaday arxanlaawayaashii Alshabaab

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka general Odowaa Yuusuf Raage oo booqday gobolka Hii raan ayaa si weyn u bog aadiyay howlgallada ciida mada xoogga dalka, kuwa as oo Alshabaab ka xorr eeyay deegaanno ba dan oo gobolkaas kuyaalla. Taliyaha milata riga ay aa shacabka gobolka Hiiraan u ballanqaaday in deegaannada la xorreeyay aysan dib ugusoo laaban doonin Alshabaab islamarkaana wuxuu sheegay ciidamada milatarigu inay shacabka gobolka Hiiraan ka dulqaadeen ciriirigii iyo arx an la'aantii Shabaabku ku hayeen, sida uu she egay. General Odawaa waxa uu sheegay sha cabka deegaannada la xorreeyay ugu baaqay inay ciidamada dowladda la shaqeeyaan oo ay u soo gudbiyaan xogta Alshabaab, si looga hort ago.Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ha da lkaan jeediyay kadib markii isaga wasiirka gaashaandhigga iyo xildhibaanno katirsan barla ma anka ay booqdeen deegaannadii laga sa aray Alshabaab.

Mas'uuliyiintan waxay dhiirri galin u sameey een ciidamada xorraynta gobolka Hiiraan, iyag oo sheegay in dowladdu u jihaysatay in Als hab aab laga xorreeyo dalka meel kasta oo ay kaga sugan yihiin.

WEERARKII HOTEL XAYAAT OO KA TURJU MAYA CARRADA SHABAAB

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa fiidnimadii Jimcaha weerar u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay Ho tel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Hotelkan oo ku yaala faras-magaalaha ayaa wa xaa ku badan so cod ka Xildhibaanada Baarl amaanka Feder aalka, Saraakiisha Ciidamada & Shaqaalaha Dowlad da Federaalka, qurba joogta iyo dadka deg an caasimadda, oo ma almaha fasaxa u da maashaad tagga, waqti nasiino iyo madadaala na ku qaata, waana hotel amnigiisa aad loo ilaa liyo, deegaana ah.

Weerarkan ayaa noqday kiisii ugu muddada dheeraa, ee ay Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhi ntay dad tiradooda lagu sheegay 21 qof, halka 117 kalena ay ku dhaawacantay.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in weer arkan uu ka turjumayo, sida Shabaabku uga ca reysan yihiin gulufka militari ee ka socdo gobol ada dalka qaarkood, waana xilli Taliyaha Ciidan ka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Ra age uu Isniintii hore sheegay in guluf ka dhan ah maleeshiyadaasi uu ka socdo dalka oo dhan. Taliyaha ayaana warkan ku sheegay war eysi uu siiyay Idaacadda Codka Ciidamada.

Waa Shabaab iyo caadadii mar kasta oo cul eys uu soo fuulo inay sameeyaan amaba qaa daan weeraro argagax-gelin ah, taasoona loo fasirtay mid ay ku muujinayaan in weli ay nool yihiin amaba cuddudoodu ay taagan tahay, is la-markaana ay beegsan karaan goobaha ay ku firfircoon tahay Dowladda Federaalka.

Bishii hore ee July, Shabaabka ayaa ku guuld areystay inay Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dhigtaan marin ay kaga sii gudbayaan Gobol ka Baaleey (Bale) ee Oromia.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Axaddii Dorraad Warbaahinta kula hadlayay Xa runta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdi sho ayaa dowladda ugu baaqay inay dardargel iso hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka, isla-markaana uu weerarkii Hayat Hotel ahaa mid baqdin-gelin ah, sida uu yiri.

Weerarkan ayaa dadka reer Muqdisho soo xusuusiyay xilliyo hore, oo Shabaabku ay sid aan oo kale u beegsan jireen hoteelada magaa lada, Xarumaha Hay’adaha DFS iyo xeryaha cii damada. Waa weerarkii ugu saacadaha badn aa, intii Shabaab weerar ka gaysanayeen dal ka oo dhan, waana kiisii ugu horreeyay ee ay ka gaystaan M/Muqdisho, tan iyo markii xaf iiska dib loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud


Somaliland oo kulan isugu yeertay Hay’ad aha ka howlgalla degaannadeeda

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ah na Gudoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta, Cabdiraxmaan C/hi Ismaaciil (Saylici) oo ay we helinayaan xubnaha guddiga ayaa Shalay ku lan la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Hay’ada ha Qaramada Midoobay ee ka howlgalla deg aan nada Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa la gaga wada hadlay xaal adda guud ee abaarta jirta sidii loo dardar gel in lahaa hawlaha gurmadka abaarta, waxaana kulanlkaasi la iskula qaatay in la sii libin laabo gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaartu sa amaysay iyo in meel looga soo wada jeedo arr imaha la xiriira gurmadka abaaraha

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ka dalbaday Hay’adaha hoostaag Qaramada midoobay iany doorkooda ugu weyn ka qaat aan sidii loog grman lahaa dadka ay abaartu ku saameysay degaannada Somaliland.

Degaannada Somaliland ayaa dadka kunool waxaa ay kamid yihiin kuwa ay xilligaan sida weyn u saameeysay abaarta, waxaana aysan helin gudaha dalka iyo dibadiisaba gurmadkii loo baahnaa

AXMED MADOOBE OO DAGAAL SIYAASA DEED CUSUB KU FURAY MADAX WEYNE XASAN SHEEKH

Muddadii shanta sano aheyd ee Axmed Ma doobe uu dagaalka siyaasadeed kula jiray mad axweyne Farmaajo, hoggaamiyaha Jubaland uma baahneyn awood ciidan oo uu Farmaajo kaga badbaadyo, maadaama ay ilaaliyaan Ken yanka.

Axmed Madoobe wuxuu u baahnaa taageero dhanka sharciga iyo ra’yu caamka ah, oo uu ku muujiyo in Far maajo kula dagaashan yahay qabiil dartiis, ta asi oo uu ku guuleystay.

Waxaa taageeradaas xooggeeda uu ka hel ay golihii Midowga Musharaxiinta ee ay hogg aaminayeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, kuwaas oo si adag u difaacay madaxw eynaha Jubaland kuna taageeray doorashadi isii muranka dhalisay ee 2019.

Xasan Sheekh iyo Shariif kaliya taageero hadal uguma simin Axmed Madoobe ee waxay tageen Kismaayo ayaga oo ka qeyb-galay cal eemo-saarkiisa, taasi oo shabaddii ugu damb eysay ee ansixinta ku dhufatay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Jubaland.

Xitaa waxay taas ku kasbadeen in Farma ajo uu labadii madaxweyne ku xayiray gar oonka Aadan Cadde.

Markii Xasan Sheekh dib loo doortay, waxa uu Axmed Madoobe iyo beeshiisa ku abaal-mar iyey xilka ra’iisul wasaaraha oo aysan weligood qaban, taasi oo meesha ka saartay cabsi kasta oo Axmed Madoobe ka qabi karay in dhibaato kaga timaado dhanka dowladda federaalka.

Muxuu ku abaalguday Axmed Madoobe?

Waxaas oo dhan wuxuu Axmed Madoobe ku beddelay inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu isaga oo saddex bil kaliya xafiiska jooga uu geliyo xasarad siyaasadeed oo Soomaaliya oo idil saameyneysa. Axmed Madoobe ayaa 22-kii August wuxuu baarlamankiisa ka ansaxsaday muddo kororsi hal sano ah, isaga oo aan eeg eyn xaaladda dalka ku sugan yahay iyo waxa ka dhalan kara tallaabadiisa danta shakhsiga ah ku dhisan.

Axmed Madoobe wuxuu sanado badan ku qeylinayey in Farmaajo dastuurka ilaaliyo, oo aan laga aqbaleyn muddo kororsi, haddana Fa rmaajo oo saddex bil un sii maqan, ayuu muddo kororsigii sameeyey.

Tallaabada uu Axmed Madoobe qaaday wa xay buuq siyaasdeed oo laga baaqsan karay ku furtay madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu xafiis ka ku cusub, hadafkiisa koowaadna yahay in dagaal mideysan lala galo Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ay hortaallo xujo siyaasad eed

Xasan Sheekh hadda waxaa hortaalla xujo siyaasadeed weyn oo ah sida uu ka yeelayo ama uu wajahayo muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Haddii uu ka aamuso, oo ka dhigan aqbal aad, waxay albaabka u fureysaa in dhammaan madax goboleedyada kale ee dalka, si gaar ah Koonfur Galbed, HirShabelle iyo Galmudug ay muddo kororsi sameystaan.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Koonfur Galbeed, oo muddada Laftagareen ay ku egta hay bisha December ee 2022, inkasta oo Laf tagareen uu sameystay muddo kororsi la diidan yahay.

Tani waxay sidoo kale su’aal gelienysaa ma bda’a iyo waxa uu aaminsan yahay Xasan She ekh, maadaama dhowr sano uu Farmaajo ku dii danaa muddo kororsi horseeday dagaal uu dhi ig ku daatay oo ka dhacay Muqdisho.

Haddii Xasan Sheekh uu si shaacsan u di ido muddo kororsiga Axmed Madoobe, waxaa furmaya dagaal iyo xasarad siyaasadeed oo dowladda aysan u baahneyn, taasi oo weecin karta dagaalka la qorysheynayo in lala galo Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale horseedi kartaa inay isku dhacaan dowladda iyo Puntland, oo la rumeys an yahay inay mar walba garab u tahay Juba land.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah; in beesha Gedo ay isha ku hayso madaxweyne Xasan Sheekh, kana fileyso inuu u caddaalad falo, maadaama Axmed Madoobe uu muddo 10 sano ah kaligiis haysto kursiga madaxweynaha Jubaland, oo aan la gelin tartan siyaasadeed furan.

Waxaa illaa hadda lala yaaban yahay sabab ta Axmed Madoobe u doortay tallaabadan? Bal se sida muuqata, waa daneyste eegtay tiisa kal iya, ama diyaar u ah inuu dagaal siyaasadeed la galo dowladda Xasan Sheekh si la mid ah dowladdii Farmaajo.

Dibad-baxayaashii lagu xiray SOMALILAND oo cuntada ka SOOMAY

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeyso mucaaradka & xuku umadda, kuwaas oo hawada is ku marinayo hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda siyaas adeed ee Soma liland.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Wa ddani, Md. Maxamed Faarax Cabdi oo la hadl ay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhowaan lagu xir-xiray di bad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalooyinka Somaliland. Wuxuu tilmaamay in dadkaasi illaa iyo hadda aan la soo taagin wax maxkamad ah, isla-markaana ay ku xiran yihiin sifo sharci darro ah.

"Maxaabiistaa Baki sharci darro ayey ku xi ran yihiin waa kow, bishii 10-keedi ayaa la xiray nimankaas illaa iyo hadda wax maxkamad ah lama keenin waxaa ku tusineysaa ku tumasha da sharciga inta qof la’iska qabsado halkaas lagu xiro,” ayuu yiri xoghayuhu.

Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha xiran ay hadda ka soomeen cuntada, gaar ah aa kuwii lagu xiray degmada Baki, halka kuwa kalena ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadda iyo ciidamada Booliska inay xorriyaddooda dib ugu soo celiyaan dadkaasi, maadaama ay xiran yihiin dhowr iyo 10 cisho.

"Waxaa la soo sheegayaa inay cuntadii ka soomeen, waxaa la soo sheegayaa in ay qaar xanuunsanayaan sabab loo geeyey xitaa ayada oo jeelashii Hargeysa buuxin may oolin, marka waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah xuriya ddood dib loogu soo celiyo,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad cakiran, taas oo ka dhalatay muranka ka dha shay doorashada ee u dhexeeya xisbiyada muc aaradka iyo xukuumadda Biixi.

K/Afrika: Shacab careysan oo boobay dukaa mo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shacab careysan ay boobeen dukaamo ay leeyihiin

Ganacsato ajaaniib ah ka dib markii sida la she egay nin ajanabi ah uu di lay will 15 sano jir ah.

Rabshadaha ayaa inta badan ka dhacay agagaar ka tuulada Schoonoord (Iskuunood) ee hoostagta magaalada Jane-Fu rse (Jeenfoos), halkaasi oo lagu boobay dukaa mo ay leeyihiin ajaabiin u badan reer Pakistan.

Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay Soomaalida gobolkaasi kaddib markii warbaahinta qaranka ee SABC ay ninka dilka geystay ku sheegtay in uu u dhashay dalka Soomaaliya haseyeeshee ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ayaa arrintaasi beeniyay.


Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Xukuumadda laga sugayo amni & horumar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaas abadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaal iya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soom aaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo raj ada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasillooni, amni iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeega an dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xa qiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaali yeed.

"Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taa riikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta sha cabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna wax aan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka u ga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku am maanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Ba rre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulin tiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu xalay soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wa da-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Das tuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaalad da iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xukumay

Maxkamadda sare ee Malaysia ayaa ku am artay Ra’iisul Wasaarihii hore Najib Razak inuu bilaabo 12 sano oo xabsi ah Talaadadii kadib markii ay taageertay eedeymo la xiriira fadeex ad balaayiin dollar ah oo ka dhacday sanduuqa dow ladda ee 1Malaysia Deve lopment Berhad (1MDB).

Go’aanka maxkamad da federaalka ayaa dham eystiraya guuldaradda Naj ib, oo ilaa afar sano kahor Malaysia ku xukum ayay gacan bir ah, isla markaana cabburinayay baaritaannada maxalliga ah ee fadeexaddii 1MDB, taasoo saa meyn ku yeelatay hay’a da ha maaliyadda.

Dambi baarayaasha ay aa sheegay in ilaa 4.5 bil yan oo dollar laga xaday qasnadda 1M DB, taas oo Najib uu wax ka aasaasay sanadkii ugu horeeyay ee xukunkiisa ee 2009 – iyo in in ka badan 1 bilyan oo dollar oo lagu shubay ak oonno xiriir la leh Najib. Sarkaal ka tirsan max kamadda iyo ilo ku dhow Najib ayaa sheegay in la dhigay xabsiga Kajang, oo qiyaastii 40 KM u jira caasimadda Kuala Lumpur. "Tani waa mid aan horay loo arag, Najib wa xaa lagu xasu us an doonaa waxqabadkiisii, wu xuu ahaa Ra’ iisul wasaarihii ugu horeeyay ee ku guuldareys ta doorasho guud, wuxuuna noq day kii ugu hor eeyay ee la xukumo,” ayuu yiri Adib Zalkapli, oo ah agaasimaha hay’adda tala-bixinta khatar ta siyaasadda ee Bower Group Asia.

Najib, oo wax kusoo bartay Britan, ayaa xil ka ra’iisul wasaarenimo hayay 2009 ilaa 2018, markaas oo carada dadwaynaha ee fadeexad dii musuqmaasuqa ay keentay guuldarradii ka soo gaartay doorashada, iyo tobannaan eeday mo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay bilo ka dib.

Ra’iisul Wasaarihii hore, oo dafiray dambig an, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 210 milyan oo lacagta ringgit ah oo u dhiganta ($ 46.84 milyan) oo ganaax ah.

Fadeexadda baaxadda leh ee 1MDB ayaa keentay in Waaxda Caddaaladda ee Mareykan ka ay furto waxa noqday baaritaankeedii ugu weynaa ee hoggaamiye awooddiisa ku xada hantida dalkiisa.

Anwar Ibrahim oo ah hoggaamiyaha mucaa radka ayaa sheegay in xukunkan uu cadeynayo awooda dadka.VOA + Reuters.

Dagaalka Itoobiya iyo TPLF oo dib u qarxay iyo wararkii ugu dambeeyey

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ismaamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya iyo Ciid amo daacad u ah dowladda dhexe ayaa ka dha cay agag aarka magaalada Ko bo, sida uu shee gay Afhayeen ka Ciid amada Tigreega.

"Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo Shalay biloowd ay,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda deegaanka Kobo oo ma gaciisa ka gaabsaday, isaga oo intaas sii raaci yay "Todd obaadkii hore, waxaan arkay ci idama da gaar ka ah ee Amxaarada iyo malee shiyada Fano oo bas ku sii socda xagga hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Sey oum ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan in ay inay macluumaad ka bixiyaan warkan.

Afhayeenka TPLF Getach Reda, ayaa goor dhaweyd farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu yiri "Ciidanka taliska Abiy ayaa duu ll aan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiid da Koonfureed”

Telefishinka Tigrai, oo ah warbaahin ay ma amusho Tigray, ayaa sheegay in "ciidamada Ito obiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaaran abbaaro 5:00 subaxnimo.”

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojin tii la wada sugayey tan iyo bishii March, waxaa na uu dhaawac weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayey in lagu bilaabo wadahadallo na badeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, oo ah xisbiga maamula Tigr ayga. Dagaalkan ayaa waxa uu barakiciyey mal aay iin qof, waxana uu qaybo kamid ah gobolka Tigreega ka dhigay macaluul, iyadoo ay ku dhin tay kumannaan shacab ah.

Imaamkii Masjidka Xaramka oo lagu xuku may 10 sano oo xabsi

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukumay Imaamkii hore ee Mas ji dka Xaramka Sheekh Saalax Al-Talib, sida ay sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

MaxkamaddaRacfaanka ayaa diiday go’aan ay horey u gaar tay Maxkamadda Dambiyada Gaa rka ah, taasi oo wax da mbi ah ku waysay Sheekh Saalax, waxayna taa beddelk eeda si isay xukun xabsi ah, sida ay sheegtay ko oxda u doodda xuquuqda aa danaha ee Pris oners of Con science.

Sheekh Saalax ayaa wa xaa la xiray bishii August 20 18. Wax sharaxaad oo rasmi ah lag ama bix in xa bsiga Sheekh oo 48 jir ah.

Hase yeeshee kooxaha u doodda xuquuqda aad anaha ayaa sheegay in xarigiisu yimid ka dib markii uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in Muslimiinta uu waajib ka saaran yahay inay ka hadlaan xuShalay ka dhex jirta bulshada.

Sacuudi Carabiya ayaa waxay caan ku ta hay inay si joogto ah u xirto dadka u dhaqaaqa bulshada, suxufiyiinta iyo culimada ayada oo sabab cad aan la sheegin.

Tobaneeyo wadaad ayaa la xiray tan iyo 2017, oo ay ku jiraan qaar ku baaqay dib u he shiisiin laga dhex sameeyo dalalka Khaliijka, ka dib markii Sacuudiga ay go’doomiyeen Qatar.

In badan oo ka mid ah culimadaas ayaa weli xabsi ku jira, inkasta oo xiriirka Qatar iyo Sac uudiga uu soo wanaagsanaaday.

Toddobaadkii tegay, mas’uuliyiinta Sacuudi ga ayaa 34 sano oo xabsi ah ku xukumay gab ar diyaarineysay shahaadada PhD oo lagu ma gacaabo Salma Al-Shehab sababo la xiriira in ay twitter soo dhigtay qoraal ka dhan ah dowl adda, taasi oo dhalisay caro caalami ah. a.

War Ka Soo Kordhay Diyaaraddi Ay Itoobiya Ku Soo Ridday Magaalada Maqale

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay diyaarad hub u sidday fallaagada TPLF oo ka soo tallaawday xadka Suudaan iney Habeen hore soo rideen.

Madaxa waaxda howlgallada ee wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya Sarre eya Guud Tefaaye Ayalew oo u warramaya wakaaladda wararka Itobiiya ee ENA wuxuu sheegay diyaaradda ay ciidamada cirka Itoobiya soo rideen iney ka timid dhanka Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera.

"Ciidamada dowladda dhexe waxay haatan wadaan howlgallo ay isku difaacayaan balse waxaa dhawaan billaabmi doono weerarro ka dhan ah fallaagada TPLF,” ayuu yiri Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka uu Shalay oo Ar baca ah uu soo dhigay la taliyaha sare ee arrim aha Amniga ee ra’iisul wasaaraha Itobiiya Rid waan Xuseen ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay lahaayeen ‘cadowga taariikhiga ah ee Itoobi ya ee caanka ku ah inay si joogto ah uga shaq eeyaan sidii ay dalkan u wiiqi lahaayeen’ inkas ta la tailyuhu uu magacaabin dalka uu u la jedo.

Tesfaaye waxaa kale uu sheegay labadi 7aad ee u dambeeyey iney ciidamada fallaaga da TPLF ay dagaal iisu diyaarinayeen ugu da mbeyntina ay dagaal soo qaadeen.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya she egashada Itoobiya, fallaagada Tigreegana weli kama eysan hadlin arrinkaa.

Mareykanka oo dambi ku helay rag doo nayay inay afduub geystaan

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dembi ku he shay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleeg een qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Go bolka Michigan, Gretchen Whitm er, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduuba an Gu ddoomiyaha, halka ay qorsheeyeen inay qarxi yaan buundooyin ama ay bartilmaame edsad aan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gur ma daan, inta uu socdo qorshaha afdub ku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jir aan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahaw areeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qo rshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya ga adiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Del aware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xidhi idha walxo qarxa oo uu haystay.

Xeerbeegtida ayaa ki iskan ka doodaysay wa khti illaa sideed sa acadood ah oo muddo laba maalmood ah.

Kiiskan ayaa baadhistaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo da gaalamay dalka Maraykanka, oo ka tirsanaa ko ox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maq lay, xubno ka sheekaysanaysa inay laayaan cii danka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si ho ose ula shaqeeyo laanta dembi baadhista Ma raykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey ko oxda qorshaynaysay inay afduubaan badha sa abka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelay ey tababarada loogu diyaargaroobayo afduu bka guddoomiyaha gobolka.

Caddaymaha uu soo ururiyey ayaa loo istic maalay in lagu fashiliyo shirqoolkaas isla mark aana lagu xidhxidho, dadkii soo abaabulay.

Dalalka Yurub Oo 500 Oo Sano Kadib Waja haya Abaartii Ugu Xumeyd

Saddex-meelood laba meelood oo ka mid ah wadamada Yurub ah ayaa waxaa ka soo ba xaya digniinno la xir iira abaar ah tii ugu u gu xu mayd ee nooc an ah muddo 500 sa no ah ay wajahaan

Warbixintii ugu dambaysay ee ay soo saart ay hay’adda caalamiga ah ee la socodka aba araha ayaa sheegtay in 47% qaaradda ay ku ji rto xaalad digniin ah taasoo la macno ah in qalleyl badan uu dhulka ah uu jiro.

Warbixintu waxay ka digaysaa in qallaylku uu saameyn doono wax-soo-saarka iyo duurjo ogta ah, lagana yaabo inuu dhowr bilood dhee raad ah ka sii jiro qaar ka mid ah gobollada koonfureed ee Yurub.

Mareykanka oo Ukraine ugu deeqay Balaayiin Dollar

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ku dhawaad ​​3 bilyan oo doolar oo gargaar militari ah oo cusub oo la siinayo Ukraine, iyadoo ma daxweyne Joe Biden uu sheegay in gargaarka looga golleeya hay in lagu ca awiyo dalka inuu ka difaaco du ulaanka Ruushka "muddo dhe er” iyadoo dagaalku uu galay bishii toddobaad.

Bayaan ka soo baxay Mare ykan ka Arbac adii, ayaa lagu sheegay in xirmada $ 2.98bn ay u oggolaaneyso Ukrain si ay u hesho nidaa myada difaaca hawada, "Nidaamka madaafiic da iyo rasaasta, nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn, iyo radar”.

Ukraine ayaa Shalay u dabaal dageysa ma dax-bannaanideeda Midowgii Soofiyeeti ay ka qaadatay sannadkii 1991.


SIDEE QABIILKA LUO EE UU KA DHASHAY RAILA ODINGA U HORSEEDEEN GUULDARRADIISA?


Gu’yaal badan, ruugcaddaaga siyaasiga mu caaradka Kenya, Raila Odinga wuxuu ahaa jaa ngooyaha siyaasadda gobollada galbeed ee ku teedsan Harada Victoria. Wuxuuna ahaa mid aad is kugu haleeya codadka qo wmiyadda Luo ee uu ka dha shay, shantii doorasho ee madax tinimada Kenya uu u loolamay.

Aad ayay xaggiisa ugu janjeeraan xaqiiqdii. Waxaana ay ugu yeeraan Baba ama Aabbe ay u arkaan inuu rabay inuu xididdada u siibo mu suqmaasuqa baahay balse ku guul-darreystay afar jeer oo uu u tartamay xilka madaxtinimada. Laba jeer ayuu ku sigtay in loo doorto mada xweynaha Kenya.

Laakiin hadda waxaa su’aal laga keenay da acadnimada qowmiyaddiisa Luo kaddib markii Odinga, oo 77 jir, toddobaadkii tagay markii sha naad lagu dhawaaqay in looga guuleystay door ashada madaxtinimada.

Doorasho ay codadkooda ka dhiibteen in ka badan 14 milyan oo Kenyan ah, tirinta codadkii la dhiibtay ayaa muujisay in farqi dhan 233,000 oo codad ah uu ka hooseeyey loolamihiisa, Wil liam Ruto oo hadda wali sii ah madaxweyne ku xigenka Kenya balse ku guleystay dorashada.

Laakiin haddii uu heli lahaa codadka 600 ,000 oo ah codbixiyaashii iska diiwaangeliyay afar ismaamul goboleed oo ay degaan qowmi yadda Luo, Raila waqtigan wuxuu noqon lahaa guuleystaha doorashada madaxtinimada.

Soo ma xaadirin goobaha laga dhiibto codadka

Dadka deegaanka ayaa waraysiyo lala yee shay ku sheegay in Raila uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabi jireen madaama uu isku gaar yeelay daadejinta awood qeybsiga xisbigiisa. Waxay si doo kale ku tilmaameen mid ku talax-tagay siy aasaddii musuqmaasuqa ku dhisneyd oo uu sida weyn markii hore uga soo horjeeday. "Raila wuxuu noo ahaa nin shacab,” ayuu yi ri John Okello, oo 38 jir ah kana mid ah dadka ha lka milyan ka badan ee ku nool Kisumu.

"Laakiin hadda yididiiladii aan u heynay way dhimatay,” ayuu sii raaciyay.

Is-xulufeysiga ku dhisan qowmiyadaha wu xuu ahaa dhaqan jiheeya siyaasadda Kenya sa nnado badan, taas oo abuurtay musuqmaasuq iyo sinnaan la’aan. Marka laga gaaro xilliyada doorashooyinkana, waxaa abuurma qalalaase.

Laakiin sannadkan wax badan ayaa isbeddel ay, waxaana muuqataa in dadku kasoo gudbe en qadkii qowmiyadnimada, ayna billaabeen inay la jaanqaadaan siyaasadda isbeddelka. Isbeddelkan wuxuu si gaar ah uga soo muuq day bartamaha Kenya oo ay ku badan yihiin qo wmiyadda Kikuyu oo ah kuwa ugu badan Kenya, kuwaas oo ku gacanseyray doonista Uh uru Kenyatta oo ahayd inay codadkooda siiy aan Raila Odinga. Taas cagsigeeda, waxay co dadkooda ugu shubeen William Ruto, oo kasoo jeeda qowmiyadda Kelenjin ee degta gobalka Rift Valley.

"Dad badan waxay markii hore aaminsana ayeen in codadka qowmiyad walba uu aadi doo no meel lasii og yahay – balse wax weyn ayaa iska beddelay middaas,”ayuu yiri Ken Opalo oo siyaasadda Kenya ku xeeldheer. Dhowr jeer oo doorashooyinku socdeenna socdaal ku maray Kenya inteeda badan. "Qanacsanaan la’aanta iyo madax xanuunka ay qowmiyadda Kikuyu ka qaaday bandhigii Uhuru iyo farriintii kasoo horjeeday ee uga timid Will iam Ruto ayaa wax badan geesta kale u rog ay,” ayuu sii raaciyay.

Deegaannada ay ku xooggan yihiin qowm iyadda Luo ee kala ah Kisumu, Homa Bay, Si aya iyo Migori waxaa codadkooda ka dhiibtay 72% dadkii is-diiwaangelisay. Waana tiro 20% aad uga hooseysa doorashadii dhacday sann adkii 2013.

Goobaha kale ee dadka codadkooda dhiibtay ay aad u yaraayeen waxaa kamid ah Mombasa oo ah meel kale oo Raila aad ugu xisaabtamayay codadkeeda.

Halka deegaannada looga codeeyey William ay in ka badan 80% codbixiyayaashu soo xaadireen. Wuxuuna si fudud ku hantiyay codadka gobalka Central Kenya iyo kuwo badan oo kamid ah gobalka ay beeshiisu ku badan tahay ee Rift Valley.

Khubarada ayaa hadda sidoo kale ol’olihii Raila Odinga ku sheegaya mid aan xambaarsaneyn farriin cad oo la fahmi karo.

Balse Ruto oo ah ganacsade maalqabeen ah, wuxuu ol’olihiisa ku saleeyey mid loogu adeegayo fuqarada, wuxuuna astaan xisbigiisa uga dhigay gaari-gacan.

Taageerayaasha Odinga ayaa sheegay in taniyo markii isbahaysi uu la sameystay Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 uusan ku laabanin deegaanka uu kasoo jeedo si uu ula socdo xaaladaha ay ku nool yihiin iyo dhibaatooyinka dhaqandhaqaale oo ay la daalaa-dhacayaan.

Markii Raila oo ku dhawaaqay inuu maxkamad da ka qaadan doono racfaan ku saabsan natiij ada doorashada waxaa joogsaday dibadbaxya da, waxaana dad badan oo ku sugan Kisumu ay ugu baaqeen inuu la shaqeeyo madaxwey naha la doortay ee Ruto




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip