
War Ka Soo Kordhay Diyaaraddi Ay Itoobiya Ku Soo Ridday Magaalada Maqale
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay diyaarad hub u sidday fallaagada TPLF oo ka soo tallaawday xadka Suudaan iney xalay soo rideen.
Madaxa waaxda howlgallada ee wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew oo u warramaya wakaaladda wararka Itobiiya ee ENA wuxuu sheegay diyaaradda ay ciidamada cirka Itoobiya soo rideen iney ka timid dhanka Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera.
"Ciidamada dowladda dhexe waxay haatan wadaan howlgallo ay isku difaacayaan balse waxaa dhawaan billaabmi doono weerarro ka dhan ah fallaagada TPLF,” ayuu yiri Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew.
Tesfaaye waxaa kale uu sheegay labadi toddobaad ee u dambeeyey iney ciidamada fallaagada TPLF ay dagaal iisu diyaarinayeen ugu dambeyntina ay dagaal soo qaadeen.
Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Itoobiya, fallaagada Tigreegana weli kama eysan hadlin arrinkaa.
War Ka Soo Kordhay Diyaaraddi Ay Itoobiya Ku Soo Ridday Magaalada Maqale
..