
Dhageyso: Wiil ka badbaaday weerarkii hotel Xayaat oo xog yaab leh shaaciyey
Nuur Cali oo ka mid ahaa dadkii ay ciidanka booliska Soomaaliya ka soo badbaadiyeen weerarkii Hotel Xayaat ayaa ka sheekeeyey wixii uu indhihiisa ku arkay mudadii ay ku xayiraayeen hudaha Hotelka.
Nuur ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay ugu yaraan seddax qof oo si toos ah ay u tooganayaan ragii gudaha u galay hotelka ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay soo badbaadiyeen 106 qof, Nuur oo ka mid ahaa ayaana wareysigaan uga sheekeeyey sidii ay ciidamadu u soo badbaadiyeen.
"Anago 10 qof gaareyna ayaan galnay qeybta keydka raashinka ee Hotelka, mudo ayaan ku go’doonsaneyn halkaas, markii ciidanku gudaha soo galeena waxaan isku aamini weynay oo waxaan kala gara weynay ciidankii iyo kooxdii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri.
Nuur Cali oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Mid ka mid ah ragii dadka tooganaayey ayaa noo soo galay meel aan ku dhuumanay, laba gabdhood iyo wiil ayuu xabado ku dhuftay oo dilay, kadibna rasaas badan ayaa gadaashiisa ka dhacday, markaas ayuu naga cararay oo meel kale ayuu galay.”
Ninkaan ayaa sheegay in qolkii ay ku dhuumanayeen ay kooxdu bam ku qarxisay, kadibna uu burbur badan soo gaaray, balse ugu dambeyntii ay isku dhiibeen ciidamada ammaanka oo ayaguba dili gaaray.
Hoos ka dhageysi wareysi uu Nuur siiyeyVOA
Audio Player
Dhageyso: Wiil ka badbaaday weerarkii hotel Xayaat oo xog yaab leh shaaciyey
...