HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Tuesday August 23, 2022 - 08:26:11 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA AGOOSTO 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

RW Xamse Oo Isbitaallada Ku Booqday Dad kii Ku Dhaawacmay Weerarkii Hoteel Xayaat

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo d adkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muq disho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warb ixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dad ka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaa wacy ada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka di beddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istib aallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu shee gay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska ddkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Fartaag oo mowqif aan la fileyn ka qaatay muddo kororsiga Axmed Madoobe

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jubaland, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid noqday siyaasiin miisaan leh oo ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarla maanka Jubbaland.

Senator Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay aa cadeeyey in saaxiibkiisa Axmed Madoobe uusan ku raaci doonin qorshihiisa mudo koror siga ah, "Aniga Axmed waxaan saaxiib ku aheyn danta Jubbaland, waa isla soo halganay waa madaxweynaheygii, laakiin tallaabada uu qaaday kuma raaci doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka mudo kororsiga ah aysan waxaba ka ogeyn, taas bedelkeedana ay Axmed Madoobe kala shaqeynayeen sidii loogu gacan geli lahaa gob olka Gedo, oo dowladii Farmaajo ay awood cii dan uga saartay.

"Wax talo ah oo senatorradii ama xildhibaan adii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in dastuurka So omaaliya iyo kan Jubbaland aysan ogoleyn wax mudo kororsi ah, "Hadii tani ay sharci noqaney so baarlamaankii 10-aad ayaa Farmaajo mudo kordhin u sameyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Fartaag ayaa sheegay in shalay ay Axmed Madoobe garbihiisa taagnaa yeen, balse maanta ay xaaladu sidii hore ka du wan tahay, "Hadda dadku waa soo wada jeeda an, saraakiishii ayey argagixisadu Kismaayo ku dhex layneysaa, Kismaayo dhinac loogama bixi karo waa wada miino, marka badbaado ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri.

Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh si yaasadda deegaanada Jubbaland ayaa maanta isbaheysi uga dhawaaqay magaalada Muqdi sho, kaas oo loogu magac daray "Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doo nkaan loo doortay Aadan Afey.

Farmaajo oo war cusub ka soo saaray xildhi baanimadii maanta loo dhaariyey

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Md. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ay aa qoraal mahad-celin ah ka soo saaray go’aankii uu maanta G/Shacabka ka qaa tay in uu noqdo Xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo ayaa ugu horey ntii sheegay in uu garowsan yahay in xubinnimadan joogtada ah ee Baarla maanka Federaalka Soomaaliya ay tahay masu uliyad qaran, taasi oo uu soo gutay maanta, sida uu hadalka u dhigay.

"Alle ayaa mahad leh, waxaan maanta soo gutay dhaarta Xildhibaannimo ee Golaha Shac abka ee Baarlamaanka FS, aniga oo fulinaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka,” ayuu yiri.

"Waa oo mudan in aan kaga shaqeyno da nta dalka, dadka iyo diinta, fursado wanaagsan na ugu abuurno ubadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay gud doonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka soo dhaweyntii wanaagsaneyd, isaga oo Alle ka rajeeyay in uu dalkeenna ka yeelo barwaaqo iyo nabad waarta.

Kadib dood ka dhalatay kulankii maanta Xil dhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaa day in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo waxaa ka horeeyey madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64-aad farqaddiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS mar ka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oona mu ddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah Dastuurka KMG ah.

DFS oo Ingiriiska kala hadashay sugida Am niga degaannada laga saaray Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fe deraalka iyo Dib-uheshiisiinta Xukuumadda FS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta la kulmay da niraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wa da hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaa nada laga saaray Ururka Al-Shabab iyo wax ka qabashada abaaraha kajira meelo kamid ah dalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato sugi da Amniga iyo ka xoreyn ta Al-Shabaab guud aha an dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaal iya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya ka la shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dal ka, Isla markaana ay si wanaagsan ula Shaq eyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda Ingitiiska ayaa kamid ah dowla daha dhinaca Amniga ka taageera Soomaaliya, waxaana ay tababar siisaa qaar kamid ah Ciida mada xoogga dalka ee lagu tababaro degaan nada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la dagaal amo Al-Shabaab.

Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Warfaaf inta Iyo Danjiraha Shiinaha U Fadhiya Soma lia?

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiis ka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Chaine Fea Shengchao

Wasiirka Warfaafinta XFS Da’ud Aweys ayaa Safiirka China uga mahadceliyay taagee rada joogtada ah ee Safaaraddu lagarabtaagan tahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka cod saday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadasha qeynta labada dhinac.

Safiirka China Fea Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaa taageerada Saf aaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dha qanka iyo Dalxiiska.

Cali Guudlaawe Oo Xarigga Ka Jaray Suuq Wayn Oo Laga Hirgaliyay Degmada Matab aan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray suuq wayn oo ganacsi ga qudaarta ah oo laga hirgaliyay degmada Ma tabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay hay’ adda dhistay suuqaan oo ah mid wax badan ku soo kordhin doona ganacsiga deegaanka, wa xa uuna faray maamulka degmada in hada wixii ka dambeeyo ganacsatada qudaarta loo fasaxo ku ganacsiga suuqaan. Ugu danbayn Madaxw eynaha ayaa shacab ka reer Hirshabeelle ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka de egaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kor u qaad ista ganacsiga ee dowladdu xooga ku saara yso inuu ahaado mid Horumarsan.

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad oo howlgallo kala duwan weli ka wada deaano katirsan gobolka Hiiran ay aa waxaa ay la wareegeen degaanka Hees oo hoostaga demada Matabaan ee gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Guutada 5aad ee qeybta 27ad ayaa sheegay in Cidiaamda ay da gaal kula wareegeen de gaanka Hees, isla mark aana ay burburiyeen sal dhigyadii Ururka Al-Sha baab ee deganka Hees, ka dib markii

Sidoo kale waxaa ay sheeeen in ay ciidam ada xoogga dalka Soomaaliyeed sii wadi doon aan howlallada ka dhanka ah Ururka Al-Shaba ab oo ay ka flinayaan degaannada hoostaga de gmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo dhowr jeer Al-Shabaab we eraro kala duwan ka fuliyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Ciidamada ku bogaadiyay guula ha ay ka gaareen howlgalka, isaga oo ugu ba aqay inay sii wadaan ilaa iyo inta ay ka saaraya an guud ahaan degaannada Gobolka Hiiraan.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Cii damada xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehl inayeen maleeshiyaadka macawiisleeyda wax aa ay howlgallo ka sameeynayeen degaano ho ostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Maamulka Gedo oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle ayaa si adag uga horyimid muddo kordhin uu baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland u sameeyay madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wax ka badalka uu sameey ay baarlamaanka ayaa ka dhigan in muddo xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Madoobe uu ku ek aan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto do orasho.

Guddoomiye Buulle ayaa tallaabada uu qa aday baarlamaanka dowlad goboleedka Jubb aland ku tilmaamay mid aysan aqbali karin, taa si oo uu ka dambeyo madaxweyne Ax Madobe.

Waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh. ugu baaqay inuu si deg deg ah usoo fara-geliyo arrintaan, si xal looga gaaro Jubba land-ta labada dhinac noqotay.

"Wax aan aqbaleyno ma aha muddo kororsi, dhibaatooyinkii muddo kororsi ka dhacay xoga gaal ayaa ka tahay Madaxweyne waxaa aamis anahay in isku haleyn dhankaaga lagu ansixiy ay, waa in aad jawaab deg deg ah ka bixisa xu kuumadaada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka deyriyay xaalada ma amulka haddii arrintaan sidaas kusii socoto, ay sana marnaba yeeli doonin isku-deyga uu ku meel-marsanayo xukun dheereysiga, sida uu hdalka u dhigay.

"Doorashadii u dambeysay ayaa ku kala tagn ay anaga iyo Axmed Madoobe illaa hadda ma jirto wax dib u heshiin ah oo la iskugu yimid. Waxaa ballan-qaad sameeyay madaxweyne Xa san Sheekh Maxamuud waana ka warsug eyna.”

Si kastaba, markii u horeysay ma aha ee ma amul uu muddo kordhin ku sameeyo muddo xil eedka madaxda, ayada oo horey sidan oo kale muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlam aanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gar een, inkasta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasa deed ka taagan yahay.

Madaxweynaha Puntland oo la dagaalanka Al-Sabaab kala hadlay Saraakiil Itoobiyan ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciidama da dalka Itoobiya iyo Qun sulka Itoobiya ee Pu ntland Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga laba da dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelina yeen Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ax med Cilmi Cismaan Karaash ayna qayb ka aha ayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimu qur aadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxm aan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawii shta DPL Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Tal iye Xi-geenka ciidanka Daraawiish ta iyo saraa kiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sidoo kale loo ga hadlay iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo isu socodka dadka.

Saraakiisha ka socotay dowladda Itoobiya ayaa hory u tegay Magaalooyinka Baydhabo Hargeyso iyo Beledweyne, waxaana arrintaan la sheegay inay salka ku heyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaano kamid ah dhul ka dowlad degaanka Soomaalida.

Xamarje: Iskuday dil ayaa laygu sameeyay, gaadhi ayaa gaadhiga laygaga dhuftay

Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamarje, ayaa xu kuumada Somaliland ku eedeeyay in ay isku dayday in la dilo, maalintii bannaanbaxa 11 Au gust.

Guddoomiye Xamarje oo maalintii bannaan baxa xabs iga loo taxaabay, ayaa shee gay in intii aan la qaban lay sku day ay in shil baabuur oo loo qas diyay lagu dilo, iyada oo baa buur uu watay baabuur lagu dhuftay.

"Ciidan beeleed abaabulan oo madaxweyn aha iyo ciyaalkiisu ay adeegsadaan ayaa aniga iskuday dil igu sameeyay, gaadhiga ayaa gaa dhiga laygaga dhuftay, iyada oo laygu talogalay in shil gaadhi laygu dilo" ayuu yidhi Xamarje.

Xamarje ayaa sheegay in markii uu iskuday ga dil ka bad baaday, kadibna loogu yeedhay ci idamada ilaalada wadooyinka, hadana isla mar kiiba la dhaafiyay oo xarunta danbi baadhista la geeyay iyada oo lagu eedeeyay in uu sitay bas toolad."Tii markay dhici wayday, markii gaadhiga gaadhiga laygaga dhuftay waxa laygu yeedhay hay'addii socdaalka wadooyinka, xageediiba la ii lama leexane nin muraad kale loo lahaa ay aan ahaaye sidii ayaa laygu geeyay CID-da ... maxkamada ayaa la i geeyo waxa laygu yidhi waxad sidatay bastoolad" ayuu yidhi Xamarje.

Maxkamada Degmada Hargaysa, ayaa Xam arje xabsiga kasii daysay maalintii Sabtida ka dib markii uu iibsaday laba bilood oo xabsiga oo maxkamadu ku xukuntay, kadib markii lagu helay in uu sitay bastoolad aan sharciyaysnayn

Cabdisalaan Guuleed "Shabaab waxay aam insan yihiin Taliban oo kale inay yihiin”

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo horey u soo noqday Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Su gidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa we erarkii Hotel Xayaat ku tilmaamay dhacdo aad iyo aad u xanuun badan, ayna tahay inay noq oto dhacdo soo jeediso indhaha iyo maskaxda DFS.

"Dhacdadii Hotel Xayaat ka dhacday waxay ahayd dhacdo runtii aad iyo aad u xanuun ba dan, waxay tahay dhacdo ay tah ay inay soo je ediso indhaha iyo maskaxda Do wladda Madaxweyne Xasan Sh , hay’adaha ku shaqada lehna aan is leeyahay in ay dhiilo cusub ku abu urto baa sax ah.” Ayuu yiri Cabdi salaan Guuled

Waxa uu ku baaqay in wax laga bedelo hann aanka hadda looga hawlgalo amniga Muqdi sho, isla-markaana howshaa loo dhiibo dadka ku haboon.

"Waxaa muuqata in dhegxaantii waxba celin waayeen, waxaa muuqata in barrihii kontorool ada aysan celinin, waxaana muuqata in dayac uu jiro. Waxaan aaminsanahay in dib u habayn dhab ah oo aan laga fiirineynin 4.5, hebel ha la gu raaligeliyo iyo reer hebel waxba ma helin aan lagu eeginee, sida saxda ah loo amba-qaa do, waddada saxda ahna loo maro.” Ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Waxa kaloo uu yiri "Somaliya maanta wayo oynaysaa, xaalad aad u xanuun badan baa dad kii hortaala, waad arkaysaan dadkii aad taq iin ayn oo dhan oo meyd ah oo meesha la soo sa fayo, Shabaabna waxaa muuqata inay is mahd iyeen.”

Cabdisalaan Guuleed ayaa yiri "Shabaabka maanta maaha kuwii hore, waa Shabaab cusub oo Somaliya isku diyaarinaya inay la wareega an, maanta Taliban oo kale aaminsan inay yihi in, oo dalkan xoog iyo xukun inay ku maamuli doonaan ayay aaminsan yihiin, waxayna isku diyaarinayaan dowladnimo. Marka cidda lagu soo socdo ee la doonayo in awoodda la gala wareegana oo maanta Somaliya ka masuulka ah waa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u rajeynayaa maamulkiisa in hurdada laga kaco, dadka Soomaaliyeed-na loo hiiliyo.”

Ina Guuleed ayaa intaasi raaciyay "Waxa amn iga wax looga qaban karana ay tahay, dadka ku haboon howshaa ha loo dhiibo, halagu la xis aabtamo, hala sameeyo dad la xisaabtama hay’adaha amniga, cadaaladda iyo dhaqalaha.

Shabaab haddii lala dirirayo si dhab ah ha loola diriro. Waa in dhaqaalaha la gala diriro, qadiyadda iyo caqiidada la gala diriro. Shabaab waxay u baahan yihiin hoggaan dhab ah oo la dirirsan. Haddii taasi aysan dhicina waxaan is leeyahay waxa Hotel Xayaat ka dhacay oo ba

dan baanu arki doonnaa.”

Xog: Qaabkii loo qorsheeyey loona fuliiyey weerarkii Hotel Xayaat – Maxaa dhacay ka hor weerarka?

Xog cusub oo aan helnay ayaa shaacineysa qaabkii ay kooxda Al-Shabaab u qorsheysay una fulisay weerarkii ay Ji mcihii ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqd isho. Sarkaal sare oo am niga ka shaqeeya oo codsa day inana magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta ay aa sheegay inay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hoteelka ka hor weerarka.

Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aami san yihiin inay maleehsiyada weerarka soo qa adday ay daawadeen muuqallo ku saabsan alb aabada laga galo Hoteelka iyo qolalkiisa.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarkaas ay to os ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan malees hiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hoteelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo Is ku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidan ka kadib markii ay Hoteelka gaareen.

Qaraxan ka dhacay Hoteelka ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada am niga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobol ka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud so gaaray.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu dib u dhaac u keenay hawlgalka daqiiqadii u horreeyey ee gurmadka.

Sarkaalkaas ka tirsan laamaha amniga ay aa sidoo kale sheegay inay baarayaan suurto-gal nimada in dad horey ugu sii sugnaa Hoteelka in ay ku lug lahaayeen weerarka.

Mulkiilaha Hoteelka Cabdulqaadir Maxamu ud Nuur oo loo yaqaan Faatul oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa isagu beeniyey in dad Ho teelka horey u degganaa ay weerarka ku lug lahaayeen. Waxa uu sheegay in Hoteelku uu xaqiijiyo dokumentiyadaa dadka soo degaya. Waxaa sidoo kale uu beeniyey inay cid hub ku kaydsatay Hoteelka.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xaqiij iyey in intii uu socday hawlgalka ay go’day jar anjarta Hoteelka, taasi oo dib u dhac u keentay ciidamada inay la dagaalamaan maleeshiyaad ka Al-Shabaab. Sarkaalka sare ee la hadlay VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gooyeen jaranjarta si ay ciidanka uga horistaagaan inay kula dagaalamaan dabaqa sare.

Hawlgalkan ayaa saacadihiisii ugu horreey ey waxaa gacanta ku hayey ciidamada booliis ka rasmiga ah iyo kuwa gaarka ah ee Haramc ad, hase yeeshee waxa goor dambe la wareeg ay ciidamada Gaashaan ee hoos taga hay’ad da nabadsugidda qaranka. Hase yeeshee wa xaa ugu dambayn hawlgalka dhammaystiray ci idamada Haramcad.

Sidoo kale weerarkan ayaa yimid iyadoo la isla dhexmarayo in madaxweynaha Soomaaliya uu isbeddel ku samayn doono madaxda laam aha amniga.Isha: VOA

Wasiir Muqtaar Roobow oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta ee dow la dda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roob oow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xay aat ee Magaalada Muqdisho & weerarada kale oo ay ka geystaan Soomaaliya. Muqtaar Roo boow oo ay garab fadhiyeen qaar kamid ah Cu limada Muqdisho ayaa sheegay inay tahay wax aad looga xumaado dhibaatad a ay guud ahaan dalka ka ge eysanayan Ururka Al-Shabab, isaga oo sheegay inaysan ah eyn wax Diin ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladd ooda & Cullimadooda ay wajihi doonaan Al-Sha baab, Isla markaana taasi ay keeni doonto in Al-Shabaab fursad u waayaan weerarada ay geeysanayaan.

"Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaab ka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilma hooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin ayuu yiri ” Muqtaar Rooboow.

Sidoo kale Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta wuxuu sheegay in qof walba laga rabo in uu difaacdo naftiisa iyo Malkiisa, sidoo kalena loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab sida ay ugu midoobeen dadka degan Hiiraan iyo Galm udug oo la dagaalamay.

Hadalka Wasiirka Awqaafta &Arrimaha Diin ta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Roob ow ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho uu ka dhacay weerar ay geysteen Al-Shabaab, kaas oo in la soo afjaro ay dowladda ku qaadatay in ka badan 30 saacadood

Mid ka mid ah milkiilayaasha HOTEL XAYA AT oo xog cusub shaaciyay

Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo ka mid ah mulkiilayaasha huteelka Xayaat ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay huteelka Xayaat, kaasi oo qaatay in ka badan 24-saac.

Cabdulqaadir oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerarka uu kusoo aaday xili uu mashquul badan ka jiray huteelka, isaga oo xusay in kooxda weerarka fulisay ay kasoo galeen dhinaca KM4.

"Saacadaha dhe er ee weerarka qaatay wa xa uu keenay in huteelka uu burburo, waxyaab aha la adeegsanayay oo aad u cusla iyo ma rarka qaar aan isleenahay xooga sidaas waxay aheyd saa’id. Wa xa dhacday arrin aad u culus oo dhibaatada hute elka oo xataa loo ga soo kaban kar eyn 2 sanno,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamu ud Nuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada do wladda ay huteelka soo gaareen hal saac kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab gudaha u galeen, taasi oo fursad fiican u siisay inay wa xay rabaan kasii sameeyaan gudaha.

"Dhaawaco ayaa jira iyo dhimashada hal sha qaalaha kamid ah, dhibaatada waxay u badn eyd macaamiisha. Qofka shaqaalaha ee dhin tay waxa uu kamid ahaa waardiyaha,” ayuu yiri.

Mulkiilaha ayaa beeniyay inay jiraan shaqsiya ad markii hore gudaha huteelka sii degana oo xiriir la leh kooxda fulisay weerarka, isaga oo ku dooday in nidaam amni la mariyo shaqsi yaadka degaya huteelka. "Huteelka nidaam ayuu leeyahay waxa jira awaamir nala-siiyay oo qofka marka uu huteel ka yimaado waxa la xareeya dukumtigiisa mar ka majirto cid gudaha ugu sii diyaarsaneyd, waa arrimaha la wareejinayo un, waxa cadey nayna inaysan waxba ka jirin arrintaas.”

Dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarka huteelka Xayaat ayey dowladdu sheegtay inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen, halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaaraha ayaa waxa laga soo xigtay wasaarada caafimaadka oo kasoo xaqiijisay Isb itaallada ku yaalla magaalada muqdisho, balse waxa jiri kara meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuu madda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawaco oda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda ca afimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qa bashada dadka dhaawacyada qaba.

Sidoo kale laamaha amaanka ayaa sheegay intii uu socday weerarka inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Cali Guudlaawe Oo Baaq U Diray Ganacsat ada Kasoo Jeedda Degmada Matabaan

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guu dlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay garoon di yaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Mat abaan.Madaxweynaha ayaa sheegay in dhism aha garoonkaan uu muhiim u yahay isu socod ka bul shada, ganacsiga deegaankana uu hor umar muuqda kusoo kordhin doono.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada,hay’addaha iyo qeybaha kala du wan ee bulshada in loo ist aago dhismaha garoon ka diyaradaha ee D/Mataban

Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmadaa si, waxaana dhawey ay qaybaha kala duwan ee Buldhada mataba an, isagoo Maamulka iyo bu lshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhowe ynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in Hirsha beelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horum arineed ee degmada Mata baan.

Dowaladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayaa soo deeyso maxabiis Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya

Maxabiisataan ayaa si tahriib ah waxa ay ku gareen dalka Liibiya iyagoo doonayay in ay uga sii gudbaan dalalka kale,balsa ay gacanta ku dhigeen ciidmada dalka Liibiya

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuu Xaanshi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in maxabiistaan dib loogu soo celin doono dalka

Maxabiistaan ayaa tiradooda gareysaa 14-max buus kuwaas oo in muda ah ku xirnaa Xabsiya da dalkaasi,safaarada Soomaaliya ay ku leed ahay dalkaasi ayaa xoogga saaratay sidii muw adiniintasi dalka dib loogu soo celin lahaa.

Maxbiistaan ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah dalka dib loogu soo celiyo,iyadoo Saf aarada Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ah aan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo ce lin lahaa dalka.


Xukun lagu riday dad loo heysto qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba Rag ah iyo Haween eey, kuwaas oo loo heysto inay diyaariyeen qar ixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim lugbuur & Wiilkiisa, kaas oo 29-kii Bishii July lag ula beegsaday M/ Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in qaraxa lagu dilay Wasiirkii cad aaladda Koonfur Galbeed & Wiilkiisa uu abuubulkiisa lahaa Maxamed Mee ris Ibraahim oo maqane ah kana mid ahaa ragii ka baxsaday Xabsiga Magaalada Boosaaso xill igii ay weerareen Al-Shabaab.

Ibraahim Meeris Ibraahim ayaa Xeer ilaalin ta ay sheegtay in uu ahaa fuliyaha qaraxa, isla markaana ay ehelo dhow ahaayeen wasiirka oo dhowr mar uu ka soo bedbaaday markii ay xi reen Hay’adaha Amniga, isaga oo qaraxa miino ugu aasay wadadii uu Wasiirka soo mari jiray xi lliga uu u socdo masaajidka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ibraahim Meeris Ibraahim & maq ane Maxamed Meeris Ibraahim oo wada dhash ay lagu xukumay dil toogasho halka Falastiin Aadan Shuceyb lagu riday xukun ah 15 sano oo Xabsi ah

Al-Shabaab oo lix QOF ku toogatay meel fagaare ah

Xoogaga Al-Shabaab ayaa markale fagaare ku yaalla deegaanka Kunya-barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ku toogtay illaa lix qof oo ay kooxda ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonka Mareykanka CIA.

Ragga la dilay oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo qabtay howlgallo kala duwan, kadibna waxaa xukun ku ridday maxkamad hoostegta Al-Shabaab, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa ka mid ah inay bixiyeen xo go la xiriira duqeymo lagu beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fagaaraha lagu toogtay lixdan qof ayaa wax aa sidoo kale ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab i yo dadweyne la’ isugu yeeray halkaasi.

HALKAN HOOSE KA AQRISO MAGACYADA:-

1-Aweys Aadan Xasan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeeynayay sirdoonka Mareykanka, isla-markaana uu bix iyay xogta duqeymo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

2-Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynay ey sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaat ay ilaa lix duqeymood.

3-Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, uuna bixiyey xogta laba duqeymood. 4-Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqey nayey sir doonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay du qeymo ka dhan ah Al-Shabaab.

5-Maxamad Sheekhey Barrow oo ay Al-Sha baab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoo nnada Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqe yn ka dhacday gobolka Sh/ Hoose.

6-Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqey nayey sirdoonnada Mareykanka, uuna ka qayb qaatay illaa 3 duqeymood.

Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya xiriirkoodii

Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Iran ay aa haatan qorshaynaya inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed muddo haatan ku siman lix sannadood oo uu xumaa xiriirka u dhexeeyay labadan dal.

Dalka Imaaraadka Carab ta ayaa haatan qorshayn ayaa inuu dib ugu celiyo dalka Iran safiirkiisa u fadhiyey magaalada Tehran, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta, arrintan oo u muuqata inay tahay tall aabo uu Imaaraadka Carabtu ku dardargelina yo dedaallada la doonayo in lagu wanaajiyo xri irka ay la leeyihiin dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahisay in Danjiraha Imaaraad ka u qaabilsan dalka Iran, Saif Mohammed Al Zaabi, uu dib ugu laaban doono magaalada Theran maalmaha soo socda si uu "u sii wado xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya lab adan dal ee deriska ah” horay loo sii wado si loo gaaro danaha guud ee labada dal ee deris ka ah iyo gobolka,”.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dubla maasiyiinta Mareykanka iyo Iran ay hadda do onayaan inay soo gebagebeeyaan wadahadalo u socday muddo 16 bilood oo ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa heshiiskii hubka nukliye erka dalka Iran ee ay sannadkii 2015 wada ga areen, dalka Iran iyo quwadaha caalamiga ahi, taas oo markii dambe uu ka baxay dalka Maray kanku.

Ganacsade Maraykan ah oo malaayiin dollar ku dhacay heshiis ganacsiga xoolaha Soomaaliya ah (Warbixin)

Darin Pastor wuxuu ku noolaa nolol tan ugu ladan. Wuxuu iibsaday guri ku kacaya $1.5 Mi lyan oo uu kula noolaa xaaskiisa sannadihii 2015 ilaa 2019. Guri kale oo isna ku kacaya adduun dhan $738,000 ayuu ka iibsaday Flo rida.

Lacag dhan $294,000 iyo $95,000 ayuu ku kala bixiyay dahab, fadhi iyo jiif. Halka $57,000 uu kaliya ku bixiyay dhar uu ku lebisto.

Isaga iyo ninka ay shuraa kada yihiin ee Halford W. Johnson lacagtaas ma ahan mid ay shaqeysteen. Waxaa iska leh dad ay magacyada milkiyadooda si khaldan u istic maaleen kadibna ay lacagahooda ku dhaceen.

Waa shabakad guda-ballaaran oo heshiisyo la isku dagayo ka shaqeysa oo ay ka mid yihiin shirkado xoolaha iibiya oo ka dhisan Kenya iyo Soomaaliya si loogu daabulo Cumaan, iyo shirkado dahab bug ah laga iibiyo oo ku yaal Hong Kong iyo Australia.

Warshad gaaska dabiiciga ah u bedesha shidaal ay gaadiidka iyo diyaaraduhu adeegsa daan oo ku kacaya hal bilyan ayaa oo laga soo xaday bandhig ay lahayd shirkad ganacsi oo ka dhisan gobolka Arkansas ayay isku dayeen in ay ka iibiyaan maalgeliyayaal. Qareenada max kmadda ayaa sheegay Darin iyo John ay doon ayeen inay marinhabaabiyaan xogaha kuna dar sadaan mid ka beensheegeysa qaddarka lacag ta ay heystaan.

Maalintii Arbacada, si kastaba, Darin oo 51 jir ah iyo Johnson oo 59 jir ah waxaa xeerbeegti du ku heshay caddaymo muujinaya dambiyad ooda oo la xiriira lunsiga iyo dhaca hanti. Xeer ka ciqaabta ayaana dhigaya inay xabsiga ku jir aan 25 sannadood.

Darin oo qoyskiisu ay gu’yaal badan lahaay een milkiyadda shirkadda Pepsi-Cola laanteeda Buffalo, New York iyo maamulka koox deegaan ka ka dhisan waxaa sidoo kale lagu helay dam bi ah inuu ku lug lahaa kala xawilaadda lacago qaab xatooyo ah ku socday iyo shirqool uu la damacsanaa inuu ku dhaco Maraykanka.

Dabinkaas waxaa ugu dhacay 95 maalg eshato ah kuwaas oo lacagta shaqsiga ee qof walba ka luntay ay dhan tahay $3.5 milyan.

Wax is daba-marintiisu waxay soo bilaabat ay sannadkii 2013. Waana markii Darin uu hel ay lahaanshiyaha Creative App Solution oo ah ayd shirkad ganacsi oo markii dambe uu ka beddelay magaca una bixiyay Capstone Financ ial Group.

Taniyo markaas ilaa 2017-ka, 95 maalgesh ato ayaa shirkadda Capstone wax uga iibsaday adduun dhan $19 milyan. Si kastaba, Darin iyo Johnson waxay u sheegeen been maalgashata da – iyada oo Darin uu markaas u qaameysnaa lacag malaayiin doolar ah oo lagu lahaa.

Bishii April 2017, waxay mar kale maalge shatada Capstone u balanqaadeen inay kusoo celin doonaaan afar laabka lacagta ay bixiyaan – iyaga oo u sheegay inay ku helayaan lacagt aas heshiis ay la gashay shirkado Soomaaliya ku yaalla oo ay kasoo xereeyeen adduun dhan $217.

94 kamid ah maalgashatada ayaa aqbalay, laakiin midna ma uusan helin lacagtii loo bal anqaaday maalintii loo madlanaa oo ay shirk addu u qabatay.

Qeyb kamid ah bixinta lacagahaas ayaa la sameeyey bilihii Febraayo iyo April sannadkii 2018, laakiin midkood kamid ah maalgashatada ma aysan wada helin lacagtoodii.

Baaritaanka iyo garmaqalka dambiyada loo hey sto Darin iyo saaxiibkiis waxaa soo gudbiyay ha y’adda canshuur uruurinta u qaabilsan Marey kanka ee Internal Revenue Service iyo FBI-da Maraykanka.

Waxaase Darin intaas usii dheer in loo heysto fadeexad la xiriirta jujuub dhanka jinsiga ah oo uu u geystay haweeney.

Haweeneyda ayaa sheegtay in Darin uu ku bilaabay inuu jirkeeda ku xoodaamiyo gacmihiisa. Wuxuuna u sameeyey balanqaad haddii ay isaga harto ninka ay xiriirka la leedahay.

Dhacdada oo timid xilli ay ku safrayeen diy aarad ayaa ugu dambeyntii waxaa soo fara-gel iyay booliska markii ay caga-dhigatay.

 

TUUGADA WAAWEYN IYO KUWA YAR YAR!!!.

Al xusein bin Mansuur ( Al Xilaaj ) waxa uu ahaa Persian ku dhashay Magalada Fars ee Dalka Persian sanadkii 858 waxaana lagu Dal dalay Magaaladda Baqdaad 26 March 962.

Waxa uu ahaa Nin ka mid ahaa Hogaamiy ayaasha Suufiyada. Xukunkii Cabaasiyiinta ee Wakhtigaa Talinayay ayaa dhibsatay Fikirkiisa. Kadibna waxaa lagu eedeeyay in uu la jiro koox ka soo horgeeday Dowladda, taasina waa been owday. waxaa kale oo lagu eedeeyay kalmad da "Al Xaq” oo mar uu ka hadalayay Cad aaladda uu isticmaalay loona badalay in uu yiri: waxaan ahay Xaq, kalamdaa oo ka mid ah As maa’ul xusnaa oo ka mid ah magacyada /Sifooyinka Alle.

Waxaa ka mid ahaa sababaha loo daldalay. Maalin ayuu Arkay Nin lagu soo eedeeyay Tuu ganimo oo gacanta laga jarayo. Markaa ayuu yiri:

(( Cajaban, waxaan la yaabay, Tuugii weey naa oo Gacanta ka jarayo Tuugii yaraa) ).

So maliya ma ka jiraan Maxkamado ey joogaan Tuuga waaweyn oo Ciqaabayo Tuugda yar yar? 

Qore: Yahya Amir

Ra’iisul Wasaare Hore Oo Laga Mamnuucay Inuu Dalkiisa Khudbado Ka Jeediyo

Dawladda Pakistan ayaa mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, iyaga oo u soo jeediyey eedo la xidhiidha in hadaladiisu ay abuurayaan, nacayb bul shada dhexde eda ah iyo kicin dadwey ne oo ka dhan ah xukuumad da dalkaas ka arrimisa, hase ahaatee tallaa badaas si weyn ayaa loo dha le eceeyey, waxaana laguna til maamay inay ta hay "siyaasad ku dhisan cadaadis”.

Imran Khan oo 70 jir ah, ayaa si joogto ah khudbado ugu jeediya kumanaan qof oo isugu soo baxa barxadaha waaweyn ee dalkaas, kuw aas oo ka soo horjeeda xisbiga ka arrimiya dal ka Pakistan ee PTI, ka dib markii baarlamaan ka dalkaasi uu xilka ka tuuray Imran Khan bishii April ee sannadkan.

Ka dib markii uu Imran Khan dadweyne tiro badan la hadlay maalinimadii Sabtida, ayaa xuk uumadda dalka Pakistan, gaar ahaan hay’adda maamusha warbaahinta dhinaca internetka ee PEMRA, waxay amar ku bixisay inaan telefisha nada dalkaasi aanay baahin karin khudbadaha tooska ah, wixii maanta ka dambeeya, hase ah aatee waxaa la ogolaaday in la sii daayo khud badihii uu hore u jeediyey ee la duubay.

Raila Odinga Oo Gaari Oo Kartoonno Wara aqo Ah Sida La Tagay

 Maxkamadda Dalka Kenya

Siyaasiga dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa kartoonno waraaqo ah ku watay gaari xamuul ah, xilli uu gudbinayay dacwad ka d

han ah natiijadii doorashada madaxtinimada.

Wargeys maxalli ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee door ashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeen ka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

 

 


AFAR QAAB OO AAD KU NOQON KARTO QOFKA UGU XASUUSTA FIICAN

Hilmaamka ama xasuus xumaha waa xaalad caafimaad darro oo ay dad badan la il daran yihiin. Mararka qaar waxa uu isu baddalaa cudur afka qalaad loogu yeero "Dementia" kaasoo noocyo kala duwan usii kala baxa.

Barfasoor Richard Restak, oo cilmiga neerfaha ka dhiga Jaamacadda George Washington ee dalka Mareykan ka, ay aa sheegay in hilmaamka badan ay sa bab u tahay qofka oo aan si fiican wax u ugu fiirsanin ama diiradda saarin.

Restak, oo ah madixii hore ee uru rka ay ku bahoobeen dhaqaatiirta ne erfaha ee Mareykanka, ayaa maqaal uu ku qoray wargayska Guardian ku sheeg ay in xifdinta ay muhiim tahay.

"Tusaale ahaan waxaad tagtay meel xaflad ah. Haddii aad wali ka fikirey sid waxyaabo la xiriira shaqada oo aadan si fiican u dhagaysanayn qofka kula taagan ee wax kuu sheegaya, kaddibna goor dambe aad ogaatid in aadan xasuusan qofkaas magaciisa.

"Marka ugu horraysa waxaad xifdinaysaa macluumaadka sheekada la guu sheegay, kaddibna waa inaad soo xasuusatid. Balse haddii aadan calaamadaysan, xogta kuma sii jirayso maskaxdaada."

Xasuusta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxa uu sheegay in qof kasta ay u fududaan karto in uu dib ka xasuusto waxyaabaha uu mar xifdiyay isagoo mudnaanta siinaya. Xeeladaha lagu xoojiyo xasuusta Restak waxa uu soo jeediyay in dadaal lagu bixiyo kobcinta xasuusta, isagoo hoosta ka xariiqay dhowr arrimood oo lagu xoojin karo maskaxda iyo xasuusta.Talooyinkiisa waxaa ka mid ah:

Ka fogaanta maandooriyaha

In la iska ilaaliyo waxyaabaha maandooriyaha leh. Aalkolada uma fiicna caafimaadka neerfaha, sida uu qabo barfasoorkan.

Wax kasta oo farogelin ku samayn kara shaqada tooska ah ee maskaxda ama keeni kara miyir beel waa in laga fogaado, si xasuusta loo xoojiyo.

Hurdada

In qofku uu seexdo hurdo ku filan waxay ka caawinaysaa in maskaxdiisa ay fi wanaagsan u shaqayso.

Xasuus xumada

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sababtaas darteed, in waqti kooban la seexdo maalinta gudaheeda, gaar ahaan duhurka kaddib, waxay waxtar u leedahay xasuusta.

"Hooyooyinka umusha ah ee ilmaha u soo jeeda iyo dadka dhafra ayaa ka cawda dhibaatada xasuus xumada, sababtoo ah soo jeedka badan ayaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho shaqada maskaxda," ayuu yiri Restak.

Mudnaanta xasuusta

Dhibka dhinaca aragga iyo maqalka waa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto, sidoo kalena waxaa la mid ah in xasuus la'aanta durba wax laga qabto oo aan la fududaysan.

Isdhex-galka

In qofku uu dhex galo dadka, iskana ilaaliyo kelinimada iyo fikirka ayaa qayb wayn ka qaadan karta inuu xasuustiisa xoojiyo.

Balse Restak waxa uu sheegayaa in haddii arrimahaasoo dhan la sameeyo aysan dammaanad u ahayn in xasuusta ay fiicnaanayso.

"Ma jiro qof kuu ballan qaadi kara in marka aad talooyinka raacdo aad

natiijada saxda ah heleyso, balse waxay raacista talooyinka kaa

yaraynaysaa halista ku aaddan in xasuustaada ay gebi ahaanba lunto,"

ayuu yiri.

XIGASHO BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip