HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH iSNIIN 22-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Monday August 22, 2022 - 08:43:36 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH iSNIIN 22-KA AGOOSTO 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Ku Baaq ay In Loo Midoobo La Dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna du qa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Max amed (Cumar Filish) oo booqday hotel Hayaat ayaa Warbaahinta u sheegay in uu murugada la wadaagaya Ehelada walaalihii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkii ka dha cay Hotel Hayaat ee degmada Wadajir.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa ciidanka A mniga uga mahad celiyay sida ay marwalba naf tooda ugu horaan badbaadinta shacabka Soo maaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxa med (Cumar Filish) ayaa ku baaqay in loo mid oowo la dagaalanka Al-shabaab, isagoona tac si u diray dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Xayaat.

Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhimatay wee rarkii hotelka Xayaat, halka ay ku dhaawacme en 107 qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caa fimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda oo Shalay hadlay.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada wee rarkii dhacay ayaa sheegtay inay weerarka ku dileen 63 Askari, halka kuwo kalena dhaawac yo gaareen, dagaal qaatay in ka badan 30 saa cadood oo xiriir ah ayaa ka dhacay hotelka Xay aat ee Magaalada Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo loo dhaariyay xil dhibaan katirsan golaha

 shacabka Somaliya

Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay si rasmi ah loogu dhaariyay xildhibaan katirsan golaha shacabka ah inta nolashiisa ka dhiman,

Farmaajo waxaa xilkan kaga horreeyay madaxw eyne Xasan Sheikh Max amuud oo sannadkii 2017 loo dhaariyay inuu noqdo xildhibaan golaha shacabka, kadib markii uu ba neeyay xilka madaxweynaha sannadkii 2017.

Qodobka 64aad farqadiisa 4aad ee dastuur ka KMG ayaa dhigaya in madaxweyne kasta oo xilka ka daga uu noqonayo xildhibaan golaha shacabka inta uu nool yahay haddii aanu sam eyn fal dambiyeed uu xasaanadiisa ku weyn.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aa soo dhoweeyay inuu kamid noqdo golaha shacabka, isagoo sheegay inuu masuuliyaddii sa ugu shaqeyndoono danta dalka, dadka iyo diinta.

madaxweyne hore Farmaajo ayaa talada dal ka looga guulaystay 15 kii bishii May ee sann adkan, kadib muddo shan sano iyo saddex bil ood oo uu dalka hoggaamin ayay.

Xil.CC Shakuur: Farmaajo laba midba kama hayo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo Shalay Golaha Shacabka geeyay mooshin ka dhan ah madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharaxay sababta ka dambey sa. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxwey nihii hore uu ka dambeeyay weerar xarunta xi sbiga Wadajir lagu qaaday 2017-kii, kaasi oo ay ku dhinteen askar ka tirsan ilaalada Cabdira xmaan."Weerarkaas waxaa lagu dilay shan wiil oo Soom aaliyeed oo kamid aheyd ilaala deyda, amark aas wux uu kasoo baxay Farmaajo oo Shalay u fadhiya in loo dhaa riyo xil Xildhibaani mo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu cus kaday Cabdiraxmaan waayit aankii Ikraan Tahliil oo raq iyo ruux ba la weysan yahay oo uu sheegay in falkaas uu dhac ay intii uu tallada dalka joo gay madaxweynihii hore ee Farmaajo."Ninka ka liya ee amarka soo bixiyay waa Farmaajo, illaa ha dda mid dhaqan Soomaaliyeed kama hayo, mid dowladeedna kama hayo oo majirto meel uu ku qirtay fal-dambiyaadkaas.”

Cabdiraxmaan ayaa xusay in saraakiishii xiligaas loo adeegsaday weerarka xarunta Wa dajir ay garowshiyo ka bixiyeen dhacdadaas, hase yeeshe illaa hadda aan cudur daar uusan ka hayn Farmaajo.

Isku-deyga Cabdiraxmaan iyo xildhibaana da ku raacsan mooshinka ka dhank ah Farmaa jo ayaa fashilmay kadib markii cod gacan taag ah lagu go’aamiyay in la dhaariyo madaxweyni hii hore oo noqonaya Xildhibaan aan dhicin.

Nabadoon Xaad oo laga soo badbaadi yey hotel Xayaat oo bixiyey xog cusub

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beela ha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii laga soo badba adiyay hotel Xayaat ayaa ka sheekee yey wixii uu ku ar kay gudaha Hotelka oo mudo shan sa aca dood ah uu ku xayiraa.

Nabadoonka ayaa ciidanka dowladda ku eedeeyey inay ka soo daaheen Hotelka oo laba saacadood ka dib ay yimaade en, intaas wux uu sheegay in Al-Shabaab ay gud aha Hotelka toogasho ka wade en. Markii la soo weeraray Hot elka wuxuu sheeg ay inay fadhiyeen banaanka hore, isla markaa na dadk ii ay u kala careen seddax jiho oo kala ah irida weyn, qeybaha kore ee Hotelka iyo dhi ca xiga Hotel Saxafi.

Nadoon Xaad ayaa intaas ku sii daray in mar kii weerarku bilowday uu u galay derbiga xiga dhinaca Hotel Saxafi, halkaas oo shan saacado od kadib ay ka soo badbaadiyeen ciidanka Har amcad oo aad uu ugu mahad celiyey.

Nabadoon Xaad ayaa yiri, "5 saac ayaan gu daha Hotel-ka ku jiray, meel u dhaxeysa Hotel Saxafi iyo Hayaat oo derbi ah ayaan galay, dad kii waa dhamaadeen dhawac faro badan ayaa yeella hotel-ka, gurmadkii looga baahnaa dowla da laga ma helin.”

Wuxuu aad u dhaliilay ciidanka Alpha Gro up, oo sida uu sheegay Shalay lagu wareejiyey howlgalka, kuwaas oo sida uu sheegay aad u burburiyey Hotelka, iyagoo aan sameyn wax gu rmad ah, taas bedelkeedna wuxuu amaanay Haramcad iyo Taliye Farxaan Qaroole.

Sidoo kale Nabadoon Xaad wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ku canaantay in sidaan ay wax ka bedelaan oo firfircoonida dadka ay hoggaanka u qabteen ay ka faa’iideystaan, isla markaana ay ku dhaqaaqaan dagaalka ay iclaa miyeen ee Al-Shabaab.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole: Al-Shab aab waa in la isku dhiibaa haddii aan…

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay weerarkii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotel Xayaat oo qaatay in ka badan 24-saac.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ugu horeyntii dhal iilay sida ay loola tacaa lay weerarkaas, isaga oo sheegay in loo baahan yahay dagaal dhab ah oo lala galo argagixisada, islamarkaana laga hortago dhib kasta oo ay maleegayaan.

"Weerarada noocaas oo kale waxa loo baah an yahay inta ay me esha imaan laga hort ago, oo la ogaado lana fashiliyo, marka looma baah na 24-saac in hal Nin kaligiis guri lagu xabadee yo oo dhulka la dhigo gurigii iyo gana csiyadii, waxaas lama fiirsan karo waa in laga hortago,” ayuu yiri.

"Waa la dagaaleyna oo aan la iska celineyn yaan dadka lagu leyn. Waa in lala diro ama waa in la isku dhiibo wax ka dhaxeeya maji raan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay san weli taagneyn xili lagu dhaliilo amni darada, maadama aysan si dhab ah looga howl-galin qorshaha ay ku wajaheyso argagixisada, taasi oo ku taliyay in la dadajiyo.

"Dadka ka hor Askar iyo Saraakiil isku dhig eysa cadowga ayaa loo baahan yahay. Dowlad dana kama hordhaceyno oo waa cusub tahay lakiin amniga wax ha ka qabato oo nimankaas si dhab ah ha u wajahdo.”

Ugu dambeyntiina wuxuu carabka ku adke eyay in loo baahan yahay fashilinta qorshayaa sha cadowgu ku dhibaateynayo shacabka, isa ga oo xusay in hay’addaha amniga uu Golaha Shacabka la xisaabtami doono.

Taliye Xijaar: 106 qof oo shacab ah aya an ka soo badbaadinay weerarka hotel Xayaat

Taliyaha guud ee ciiddanka Booliiska Soo maaliya, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xija ar) ayaa sheegay in 106 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay weerarkii Shabaab ku qaade en hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska oo ka warbixinayay howl galka ayaa sheegay inay ciidamadu Habeen hore saq dii dhexe ku guulaysteen inay soo afjaraan how galkaan.

Xijaar, wuxuu ku eedeey ay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo ha ween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerar ka. Wuxuu tilmaamay inay ciidamadu ku guula ysteen badbaadinta shacabka hotelka ku xayirnaa. wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waa yeen iyagoo badbaadinayay dadka sha cabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askar ta geeriyootay &dadka kale ee shacab ka ahaa.


QM, Midowga AFRIKA iyo Mareykanka oo ka hadlay weerarkii hoteel XAYAAT

Dowlado horleh iyo qaar ka mid ah Urura da caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo saacado ba dan qaatay.

Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afr ika, dowladaha Mareykanka, Tur kiga, UK iyoNor way ayaa siyaabo kala duwan uag hadlay weerarka an oo ay haatan dowladda federaalka ah ee So omaaliya shaaca ka qaaday in gebi ahaanba la soo afjaray.

Sida uu sheegay xoghahaya guud ee QM we erarkani ayaa ahaa mid laga noxo, wuxuuna til maamay in uu xanuunka la qaybsano ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

"Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerar ka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Feder aalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa” ayuu yiri afhayeen u hadl ay Xoghayaha guud ee QM.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhankiisa sha aca ka qaaday inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo kabasho deg-deg ah.

Siidoo kale Midowga Afrika ayaa ku boori yey ciidamada dowladda Soomaaliya inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa uu cambaareynayaa weerarka Al-Shaba ab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Fede raalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada si loo la ab qaboojiyo ehelka Dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyyeen” ayaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ururka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay safaara dda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay weerarkaan, waxayna saf aaraddu tiri "Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xa yat Hotel, Bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah, murugada waxa aan la qaybsaneynaa Dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaan, waxa aan garab taagan ahay Soomaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Safaa radda Mareykanka ee Muqdisho.

Si kastaba, xaaladda ayaa Shalay deggan, inkastoo weli ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdi sho, halkaas oo la filayo inay saraakiisha kula hadlaan warbaahintam si ay warbixin dhab ah u ga soo saaray weerarkii ka dhacay halkaas.

MAXAA KEENAY IN SAACADO BADAN UU QAA TO WEERARKII KA DHACAY HOTEEL XAYAAT?

Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA ayaa ka hadlay we erarkii saacadaha badan qaatay ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xa yaat ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho.Macow oo wareysi gaar ah siiyey Te lefishinka Universal ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu dheeraado howl galka lagu soo af jarayey weerarkaasi oo qaatay wax ka badan 24 saac.

Korneelka ayaa u saba beeyey arrintaas inuu jir ay is barbar yaac ciidan ka dhexdiisa ah, taasina ay keentay inay meesha tegeen ciidamo fara ba dan oo leh hoggaan kala duwan.

"Nasiib darrada iyo waxa dheereeyey waxaa waayey waa lagu yaacay waxaa yimid Haram cad, waxaa yimid Booliskii kale, kuwii degmoo yinka ka shaqeynaayey. Marka waxa daba dhe ereynaayo waxaa waayey ma jiro hoggaan sax ah iyo dadkii shaqadaas looga dambeyn lah aa,” ayuu wareysigaan ku yiri Korneel Cabdul aahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidama du ay sidoo kale ay dhibka wax ka geysteen, is la-markaana ay burburiyeen inta badan dhismi hii Hoteelka, taas oo uu sheegay in laga baaq san karay, haddii lala yimaado xeelad lagu bad-baadinayo dadka shacabka ah.

"Waxaa hoosaasiyey ciidankaas Booliska ee faraha badan wiilkaa dhalinyarada ah ee qoray ga la taagan jidka meesha dab-xir ayaa lagu sa meeyey daartiina waa la dumiyey dadka mee sha joogayna dhibaatada gaartay Argagixisad ana way leysay dadka, ciidankaana xabadda bannaanka ka tuuraayo ayagana dhibaato ba dan ayey geysteen,” ayuu raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan la soo afjaray weerarkii Hoteelka Xay aat ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo sheega tay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacis ay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan sar aakiil sar sare oo ka tirsan dowla dda Soom aaliya.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kha saa raha ka dhashay weerarkii hotel Xay aat ee magaalada

 Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuu madda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa war rasmi ah kasoo saaray khasa araha ka dhashay weerarkii qaraxyada Ismiid aaminta ku bilaawday ee qaatay in ka badan 30 saacadood ee Al-shabaab ku galeen gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saacada ha badan socday uu ka dhashay khasaaro isu gu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray dhismayaal, isagoona sheegay in tirada dhima shada ay xaqiijiyen ay tahay 21 ruux oo dhima sho ah dhaawacuna uu gaarayo 117 ruux.

"Tirada dhimashada weerarkii hotelka Hay aat, inta aan xaqiijinay waa 21 ruux, dhaawaca na 117 ruux 15 ka mid ah ayaa dhaawacyada asi waxay yihiin kuwa dhaawacoodu culus ya hay, waxaana siin doono door muhiim ah sidii loola tacali laha cafimaadkooda, waxaan u ma had celinaya dhaqaatiirta u dhabar adeegtay da aweynta dhaawacyada iyo askarta ciidanka xo ogga dalka oo isku howlay u gurmashada dad ka ku go'doonsana gudaha hotelka Xayaat oo Al-shabaab ka dhax dagaalamayeen " ayuu yiri Dr Cali Xaaji Aadan.

Hadalka Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa imaanaya xili ciidanka dowladda Soomaaliya ay Habeen hore saqdii dhexe soo afjareen dagaalkii ka socday gudaha hotel Xayaat ee qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah, kaasoo u dha xeeyay xubno ka tirsan Al-shabaabkii gudaha u galay hotelka iyo qeybaha kala duwan ee ciid anka dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran.

Dowladda Somalia oo ka hadashay howl gal lada ka socda Gobolka Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha do wladda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku amaanay dadka kunool degaannada hoos ta ga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee Gob olka Hiiraan dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab, iyaga oo garab ka helaya Ciidamada dowladda.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowlad da ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo aan naxariiis laheyn, Isla markaanka ay gubeen gu yo ay daganaayeen dad Shacab ah, sidoo kalena ay duugeen Ceelashii biyaha laga cabayay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in hadii aan laga horteg in Al-Shabaab ay dhibaateyn do onaan dadka kunool degaano badan oo dalka ah, hayeeshee Shacabka looga baahan yahay inay hubka qaataan oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Al-Shabaab xilligaan aysan laheyn wax awood ah kaliyana hadii lala dagaalamo leyska celin karo, isaga oo ballan qaaday in loo gurman doo no dadkii ay guryaha ka gubeen ceelashiina ay ka Aaseen.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shalay gaaray magaalada Baledweyne

Wafdigaan Shalay gaaray M/Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wax aa hogg aaminaayay wasiirka Wasaaradda Gaa shaan dhiga XFSMd.Cabduqaadir Maxamed Nuur, waxaana qe yb ka ahaa Taliyaha ciidanka xoo gga dalka So omaaliyeed Jenaraal Odawaa Yu usuf Raage, Xildhibaano ka tirsan Baarl am aan ka Soomaa liya iyo sar aakiil kale.

Wafdigaan ayaa waxaa ga roonka diyaaradaha Ug aas Khaliif ee magaalada Baled weyne kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciida mada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka Mid owga Afrika ee ATMIS.

Markii ay gaareen wafdiga magaalada Bala dweyne waxay booqdeen xurunta taliska ciida nka ATMIS ee ku taala Ceeljaale, halkaasoo ay kulama kula qaateen saraakariisha ATMIS, sar aakiisha CXDS iyo masuliyiin ka socotay maa mulka gobolka hii raan oo ay ka dhegeysteen warbixino la xariira xaaladada guud ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka wafdigaan uu hoggaamina ayo wasiirka G/dhiga Somaliya ee Shalay ku tagay Baledweyne ayaa kusoo beeg maya, xili ay ciidanka Xoogga dalka Soomaali yeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Ma cawiisleyda oo is kaashanaya ay wadaan mudo laba bilood ka badan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, islaMarkaana ay kula wareegeen deegaano badan oo ay horay gacanta ugu ha een Al-shabaab

Maxay saxaafadda ku soo aragtay guda ha Hotel Xayaat oo 48 kadib la galay?

Muddo 48-saacadood ah kadib, saxaafadda ayaa hadda loo ogolaaday inay gudaha u ga sho Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kadib weerar toos ah oo halkaas ka socday mudo labadii habeen ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale wasiirro ka ti rsan dowladda, duqa Muqdisho iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Hotelka, kuwaas oo war baahinta la hadlay, soona bandhigay xogo kala duwan, warbaahinta ayaa soo bandhigtay bu rbur baaxad leh oo hotelka soo gaaray.

Ugu horeyn wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Cali Doodishe ayaa sheegay in khasaarihii ka dhashay weerarka ay qiimeyn ku sameynayaan, si dowladdu u garab istaagto dhibanayaasha.

Wasiirka Cadaalada XFS Xasan Macalin oo balan qaaday in dadkii ay Al-Shabaab ku dil een weerarkii Hotel Xayaat ay cadaalad heli do onaan, aduun iyo aakhiraba, "Xukuumadu wax ay ku howlantahay ka hortaga dhagarta, argag ixisada,” ayuu yiri.

Duqa Muqdisho, Cumar Filish oo masuuliy iintii goobta gaartay ka mid ah ayaa dadka Soo maaliyeed ugu baaq inay iska dhiciyaan arga gixisada Al-Shabaab, "Waxaan lama aqbali ka ro, maalin kasta murugo ayaan ku jirnaa, argagi xisadu waxay dadkeena inta dilaan ku sii tilm aamaan inay mudnaayeen in la laayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 25 qof oo milkiilihii hotel Xayaat uu ku jiro ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, waxaana Shalay la qarxiyey dhamaan haraad iga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Dhismaha Wado 55-km ah oo isku xirey sa Saddex magaalo oo la dhagax dhigay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo ga aray Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Ha ylaan, ayaa dhaggax dhigay Wado Isku xiri do onta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xi ngalool.

Madaxweynaha, ayaa muu jiyey muhiimada ay u leed ahay Puntland dhaggax dhi ga wadadan, isagoo xusay in Wadadan ay dadka Gob olka Haylaan ku xireyso Gobollada kale ee Pun tland isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto, Horumarka, Kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 55Km a yaa waxaa iska kaashaday Puntland iyo Bang giga African Development Bank, Save The Chi ldren iyo urur Goboleedka IGAD. Waxaana Shalay toos loo billaabay dhismaha Wadadan oo qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu dha meystiro.

Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Mada xweynaha kala qeybgalay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, Masuuliyiinta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Hay’adda Wadooyinka Pun tland, Shirkadda dhisaysa Wadada iyo Madax ka socota Banggiga African Development Ban k, hay’adda Save The Children iyo IGAD, qaar ka mid ah xubnaha Goleyaa sha Dowladda Pun tland, Masuuliy iinta Gobolka Haylaan iyo Bul shada Degmada Dhahar.

Guri uu daganaa sarkaal ka tirsan JUBB ALAND oo la qarxiyey + Khasaaraha

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jub bada Hoose ayaa sheegaya in Habeen hore qarax lagu beegsaday guri uu daganaa sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee ma amulka Jubbal and, kaas oo geystay khasa are leh dhima sho iyo dhaa wac.

Qaraxa oo ahaa mid cul us ayaa ka dhacay xaafadda Sii naay ee mag aalada Kisma ayo, ga ar ahaan halka loo yaqa ano Todobada Geed, waxaana la sheegay in guriga loogu xir ay Aba anduulihii hore ee ciid amada Jubbal and, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Raam sade.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu dhajiyey darbiga dambe ee guriga, xilli ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caas imada Online sheegtay in u sheegay in gebi ah aan uu burburay guriga, waxaana ku dhintay qa raxa aar ka mid ah carruurta sarkaalka la beeg saday oo isaga iyo sidoo kale xaaskiisa ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanke ee dowlad goboleed ka Jubbaland, kuwaas oo Habeen hore, illaa Shalay ho wlgallo baaritaano ah ka wada halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, inkastoo qa raxan oo si wyen jugtiisa slooga maqlay xaa fadaha Kismaayo uu cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Sikastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah iyo dilal qorsheysan ka fulisay deegaannada dow lad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Maamulka Dhuusamareeb oo amarro Adag kasoo saaray Amniga

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ay aa Amarro adag kasoo saaray Amniga Guud ee Magaalada iyo sidii loo adkeyn lahaa, ku wa as oo ku socda dadka Shacab ka ah.

Amarka kasoo baxay Maa mulka oo uu Warbaa hinta u akhriyay mid kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka ayaa waxaa kamid ahaa.

In Magaalada ay mamnuuc ka tahay in lagu dhex wato Gaari leh Bensal ama muraayadaha madow, sidoo kalena dadka iibsanaya Gaadiid cusub ay laamaha Amniga kusoo wargeliyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qof walba uu soo galaya ama ka baxaya Magaalada Dhuusa mareeb la hubin doono, isaga oo dadweynaja u gu baaqay inay iska hubiya an dadka ay gur yaha ka kireysana yaan.

Amarkaan la xiriirka adkeynta Amniga ee kasoo baxay Maamulka Magaalada Dhuusam areeb ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Mu qdisho uu ka dhacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, kaas oo dad badan ku dhinteen

Baarlamanka Jubbaland oo muddo kor dhin u sameeyay madaxweyne Axmed Madobe

Kulan Shalay ka dhacay magaalada Kis maayo, oo uu yeeshay golaha wakiilada do wlad goboleedka Jubbaland, ayaa muddo ko rdhin loogu sameeyay labada gole ee dowlad goboleedka ee kala ah baarl amaanka iyo fuli nta.Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fa dhigiisi shanaad ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa ajan dihiisu ahaa in wax ka badal lagu sa meeyo dastuurka Jub baland, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 58 xildhibaan.

Baarlamaanka ayaa wax ka badel ku samee yay qodoba da 28-aad iyo 70-aad ee dastuur ka oo ka hadlaya muddo xileedka goleyaasha dowlad da, wuxuuna markii hore ahaa 4sano, haatana waxaa laga dhigay shan sa no.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo xile edka madaxweynaha hadda jooga Axmed Max amed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbal and Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si ras mi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

Horey waxaa sidan oo kale oo muddo xileedka shan sano ka dhigay baarlamaanka Koonfur Galbeed, muddo hal sano ahna ugu daray ma daxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, inka sta oo arrintaasi uu weli buuq siyaasadeed ka taa ganyahay

Cabdullaahi Kulane: Muddo kororsiga Ax med Madobe uu sameystay lama aqbali karo

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, horeyna u ahaa ma daxa shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaa may muddo kororsiga loo sameeyey madax weynaha maamulka Jubaland Ax.Madoobe.

"Wararka sheegaya in Axmed Madoobe uu ku qasbay baar la maanka Jubaland ee uu isagu soo xulay 2019, oo ay ku jiraan darawalkiisii ho re, ilaaladiisii iyo adeegayaashiisii, inay ansixi yaan muddo kororsi aan sharci ahayn, waa wax laga xumaado oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri Cabdullaahi Kulane oo warsax aafadeed soo saaray. Kulane Jiis ayaa Axmed Madoo be ku she egay inuu yahay aasaa sihii kooxda Al-Sha baab, wuxuuna sheegay inuu isdaba marin iyo mu suq-maasuq ku sameeyey doora shadii dhac day sanadkii 2019.

"Axmed Madoobe oo ah aas aasaha ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa marar ba dan leexiyay rabitaanka shacabka Jubbaland, wuxuuna wax isdaba marin ku sameeyay doo rashada Jubaland ee 2019 taas oo beesha caal amka ay u aqoonsatay inay aheyd mid khiyaa no ah oo lagu shubtay,” ayuu hadalkiisa sii raa ciyey.

"Muddo kordhinta aan waafaqsanayn dast uurka dalka ayaa noqon doonta mid uga sii dari doonta xaalada dadka reer Jubaland oo xilliga an wajahaya xaalado amni darro iyo macaluul, waxayna u baahan yihiin in si deg deg ah looga jawaabo fashilka Axmed Madoobe ee muddada tobanka sano ah”.

Ugu dambeyntii Kulane jiis ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo dadka reer Jubbaland isla markaasna loo dhiso dowlad loo dhan yahay wuxuuna sheegay in taas lagu heli karo in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah.

Baarlamaanka maamulka Jubbalandoo Shalay kulan ku yeeshay magaalada Kisma a yo ayaa ansixiyey in muddo xileedka xukuum adda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Taasi waxa ay ka dhigantahay in muddo

xileedka madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sanadka soo

socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadl ay iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Shalay oo Axad ahayd Caas imadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqa sho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii lagu gu da-jiray kulanka lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dib adda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaa bay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka ga aro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dal kiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka Is kaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya la bada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna lo ogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray De gmada Matabaan ee Gobolka

 Hiiraan

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Do wladd Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayna qayb ka yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Maamulkaas ayaa Shalay soo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Maamulka Degmadda Matabaan oo ugu horeeyo Guddoo miyaha Degmada Matabaan Bashiir Sheekee ye, ku xigeenkiisa Abdikafi Shire Colaad, xo ghayaha Degmada Cawil Nuur, Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha Bulshadda.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhaw ana haan waxa uu booqasho ku joogay deegaa no iyo degmooyin katirsan gobalka Hiiraan kuwa as oo dhawaan laga xoreeyey Argagixisada Al-shabaab.

Ra’iisal wasaaraha dalka Finland oo is ka baartay Daroogo kaddib muuqaalkii laga faafiyay

Haweeneyda Ra’isul Wa saaraha ka ah finland Sanna Marin ayaa waj ahday fadeexad ka dhalatay muuqaal laga duu bay, iyada oo qo ob ka ciyaar ku dheeleysa go ob lagu caweeyo, waxa uuna muuqaalkan ca rro badan ka abuu ray gudaha Finland.

Ra’isul Wasaare, Sanna Marin ayaa siyaas iyiinta Finland qaarkood sheegeen in ay da roogo isticmaashay xilliga ay qoob ka ciyaarta ku jirtay, waxa ayna ugu baaqeen in ay iska ba arto in daroogo isticmaashay iyo in kale. Sanna Marin, oo warbaahinta la hadashay ayaa shaa cisay in aysan wax qalad ah sameyn, waxa ay na xustay in ay iska baartay in daroogo la siiyay xilligii ay qoob ka ciyaarka samee neysay, iyadooba xustay in natiijada baarista ka war su geyso.

Waxa ay wariyaasha hor tooda ka sheegtay Ra’isul Wasaaraha Finland in aysan waligeed isticmaalin daroogo, waxa ay sidoo kale she egtay in nolosheeda aysan ku dhaqaaqin wax sharci darro ah.

Muuqaalka laga duubay Ra’isul Wasaaraha Finland ayaana si weyn u qabsaday baraha bul shada, waxaana muuqaalkan keenay in si weyn loo dhaleeceeyo Ra’isul Wasaaraha, dad ka qaarkoodna ayaana tilmaameen in daroogo isticmaashay Sanna Marin.

Gabar uu dhalay nin lagu tilmaamo Mas kaxda Putin oo qarax lagu dilay

Qarax ka dhacay meel ku dhaw magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka ayaa lagu dilay gabar uu dhalay siyaasi si weyn loo ga yaqaan Ruushka ,saaxiib dhawna la ah mad axweynaha dalkaasi Vladamir Putin.

Gaari ay wadatay Alexander Dugin ayaa qar xay xilli ay socotay wado kutaala magaalada Moscow, waxaana qaraxan la sheegay in ay ku dhimatay gabadhan uu dhalay nin lagu tilmaa mo in uu yahay Maskaxda Madaxweyne Putin, saaxiib dhawna la ah Madaxweynaha.

Warar ay baahiyeen warbaahinta qaar ayaa sheegaya in qaraxa la doonayay in lagu dilo nin ka aadka ugu dhaw Madaxweyne Putin, waxaa na la sheegay in qorshuhu ahaa in gaariga wa da raacaana gabadha iyo aabaheed balse mar kii dambe isaga haray.

Muuqaal lagu soo wadaagay barta Teleg ram oo aan la ogeyn in uu sax yahay iyo in ka le, ayaa Mr Dugin oo ku sugan qeybta adeegga deg degga ah uu u muuqday qof argagaxsan, kadib markii uu arkay sida uu u gubtay gaariga lagu weeraray gabadhiisa.Ciidamaa dambi baarista Ruushka ayaa bila abay baaritaano ay ku ogaanayaan qaraxan ka dhacay magaalada Moscow, waxaana la adke eyay amaanka aabaha dhalay gabadha qaraxa la dilay oo la tuhmayo in ujeedku ahaa in isaga la dilo.

DOWLADDA ITOOBIYA " KOOXDA TPLF WAX AY WADAA SAAN SAAN COLAADEED"

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Kooxda TPLF ay wado qorshe ah in dag aal uu mar kale ka qarxo gobol ka Tigray, iyadoo marmarsi inyo ka dhiganaysa in dowladdu ay ka baxday wadah adalladii nabade ed, sida uu War baahinta u she egay Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Leggese Tulu. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Kooxda TPLF aysan diyaar u ahayn in nabad ay ka dhacdo gobolka Tigray, isagoo xusay in TPLF aysan wali soo magacaabin xubnihii wa da hadalka iyaga iyo dowladda uga qayb gali la haa, waa siduu hadalka u dhigay Was iirku.

Waxa kale oo Wasiirku sheegay in dowladda Itoobiya ay wali diyaar latahay in nabad ay ka dhalato gobolka Tigray, hadafka dowladda ee dhinaca nabaddana uu weli yahay mid adag.

TPLF ayaa dhankeeda walaac ka muujisay wada hadal ay la gasho dowladda Itoobiya, iya doo sheegtay in wali gobolka Tigray uu ku jiro go'doon iyo xayiraad, sida Biyaha, Korontada iyo Isgaarsiinta oo guud ahaan ka maqan gob olka Tigray.

TPLF waxa kale oo ay ku doodaysaa in deg aanno kamid ah gobolka Tigray ay wali ku ma qan yihiin Axmaarada, waxayna TPLF ku celcel inaysaa in wax wada hadal ah aysan galayn ilaa dhulka ka maqan Tigray dib loo soo celi nayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF Getachow Reda oo maalmo ka hor la hadlayay Warbaahintooda.

Waxa kale oo ay TPLF ku doodaysaa in ma almihii lasoo dhaafay ay dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka Axmaaradu weeraro kusoo qa adeen degaannada Tigray, TPLF na ay jawaab ka bixinayso weeraradaas waa siday hadalka u dhigayaan hoggaaminta TPLF.

Wada hadallada nabadda ee soo jiitamayay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa u mu uqda kuwo gacanta kasii baxaya, iyadoo laba da dhinac waa dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ay u muuqdaan kuwo midba ka kale uu ku eedeynayo inuusan nabadda rabin.

Gobolka Tigray ee ay colaaduhu ragaadiye en ayaa wali waxaa ka jirta xaalad bani'aadanti nimo middii ugu darnayd oo ay wajahayaan shacabka lagu dhex dagaalamay ee Tigray.

32 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay Turkiga

Ugu yaraan 32 Qof ayaa ku geeriyooday Ko onfur Bari ee dalka Turkiga Sabtidii, kadib mar kii shil baabuur oo sababay dhimashada shaq aalaha gurmadka oo ka jawaabayey shila kaa ka horreyay, sida ay sheegeen masuuliyiinta dal kaas.

16 qof oo ay ku jiraan shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo saxafiyiin ayaa dhintay kadib markii uu bas ku dhacay goob shil hore ka dha cay, sida uu xaqiijiyay, Davut Gul, oo ah gudd oomiyaha gobolka Koonfur Bari ee Gaziantep, wuxuu intaas ku daray in 20 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda la daawe ynayo.

"Iyadoo ay dab-demiska, kooxaha caafima adka iyo asxaabta kale ay ka jawaabayeen shilkan, ayaa bas kale shil galay meel 200 mitir u jirtay halkan, baskii labaad ayaa goobtan ku soo dhacay, wuxuuna ku dhuftay shaqaalaha caafimaadka iyo dadkii dhaawaca ahaa,” ayuu yiri Davut Gul. 16 qof oo kale ayaa ku dhintay 29 kalena way ku dhaawacmeen shil kale oo ka dhacay magaalada Mardin, sida uu xaqjjiyay wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, isaga oo sheegay in 8 ka mid ah dadka

dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.


GABADHA SOOMAALIYEED EE WACDARAHA KA DHIGTAY TARTAN FEER OO

 NAADIR AH

Ramla Ali, oo ah gabadh Soomaali ah ay aa ku guulaysatay tartanka Feerka ee markii u gu horreysay noocisa lagu qabto magaalada Je ddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Ramla oo 32 sano jir ah ayaa daqiiqad ka dib dhulka dhigtay Crystal Garcia Nova oo ka soo jeeda Dominica, taas oo sababtay in Ramla ay ku guuleysata tarta nkaasi.

Ramla ayaa sheegtay inay u hambalyeynay so gabadha ka guulaysatay.

Ramla ayaa go'aansatay inay magaca So omaaliya ku dagaalanto, inkastoo ay haysata dhalashada dalka UK.

Waxay sheegtay in muddo toban sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dhe eri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal.

"Arrinta yaabka leh ee ku saabsan bulshada So omaaliyeed ayaa ah in ay is-taageeraan iyaga dhexdooda," ayay Ramla Cali u sheegay BBC Sport.

Go’aanka Ramla ee ka qeyb-galka feerka S acuudiga ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha baraha bulshada ay soo xiganayeen tacadiga xuquuqul insaanka ee ka jira Sacuuudiga iyo sida loola dhaqmo haweenka.

Sacuudiga ayaa wajahaya eedeymo la xir iira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aada naha, waxaana hadda ay Yemen ka wadaan ho wlgal milateri oo sababay dhibaato bini’a adinimo.

WAA TUMA RAMLA CALI?

Ramla Cali iyada oo ilmo yar ah ayay qoyskee da ka qa xeen magaalada Muqdi sho horraan tii sag aashameeyadii mar kii dagaalka sokeey e socday.

Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa. Ramla oo 32 jir wax ay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay no qoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawd ay markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyad eedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu ta hay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Ramla Cali ayaa ku guuleysatay tartanka fe erka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing .Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Im aam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, ma rna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay go or dambe oo habeenimo ah.

Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeelatay. Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriis ka.Muddo dheer ayay hamigeeda ka qariney say qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin. "Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tar tanka olimbikada, wax aan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas," ayay tiri Ramla.

Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri "Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerk an ay soo gaarto waxay soo martay dhibaato oyin badan."

"Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchro om, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuq da dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caal amiga ah ee feerka.

"Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombikada, la akiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay la badaa arimood ba ka dhabayso.

"Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir.

War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waa bad guulaysatay," ayay tiri Ramla Cali.

DOON AAN CIDNA WADIN OO XOG MUHIIM AH KASOO GUDBISAY GUNTA HOOSE EE BADDA

Qoraalka Muuqaalka,

Doonta robot-ka

Dooni Robot ah oo aysan cidna wadin isla markaana laga hagayay dalka UK ayaa ka soo laabatay sahankii ugu horreeyay ee lagu sa meeyay Folkaanaha Tongan ee badda ho ost eeda ka qarxay bishii January.Doonida oo ay leedahay shirkadda (U SV) Ma xlimer –wax ay qeyb ka tahay sahan lagu samey nayo gunta hoose ee badda gaar a haan me esha uu ka qarxay Folkaanaha inta u dhexeysa biyaha Hunga-Tonga Hunga-Ha'apai.

Doontan oo ay samaysay shirkad British ah oo lagu magacaabo Sea-Kit International ayaa waddaa sahminta wajigga labaad ee foolkaan ada Tonga , mashruucaas oo uu hogaaminayo Machadka Qaranka ee Biyaha iyo Cilmi-baar ista ku saabsan Cimilada (Niwa) ee New Zea land ayna maalgelineyso hay'adda Nippon ee laga leeyahay dalka Japan.

Xogta ilaa hadda ay soo ururisay ayaa xaqi ijisay warbixinadii hore ee dhaqdhaqaaqa foolk aanaha ka qaxay aaggaas.

Doonta waxaa leedahay qalab u suurtag eliy ay in xogta uu kasoo gudbiyo biyaha hoosto oda gaar ahaam 300m.

Doonta Maxlimer oo dheererkeedu yahay 12 mitir ayaa gaartay biyaha Tonga, laakiin waxaa laga hagayay meel fog oo 16,000km u jirta xe ebta Tollesbury ee Essex.

Waxay arrintani ku suurto gashay ka dib mar kii doonta lagu rakibay dayax-gacmeedka.

Qolka mugdiga ah ee laga hagayay doonta Ro bot-ka ah waxaa yaallay shaashadood waa weyn oo soo bandhigayay sawirro toos ah oo ay soo gudbinayeen kameerooyinkii ku raki bnaa doonta.Hawl-wadeennada ku sugnaa qolka ayaa si toos ah ula socday dhaqdhaqaa qa doonta, wax ayna eegayeen xogta isbaddal eyso ay doonta kasoo gudbineysay dhinaca koonfurta ee ba dda Pacific.

Ashley Skett, oo ah agaasimaha hawlgall ada ee Sea-Kit, ayaa u sheegtay barnaami jka Inside Science ee ka baxa BBC- Radio 4 in ha wl-wadeena du ay xitaa ku wada xiriiri karaan ra adiyaha ma raakiibta kale ee aaggaas ka dhaw si doomaha kale ee marayo badda aysan u og aan in qofna uusan saarnayn doonta robot-ka ee Maxlimer.

"Doonta waxaa loo nashqadeeyay in meel fog laga hago, marka tallaabo kasta, dhaqdhaq aaqkasta halkan ayaan ka hageynay" .

Mustaqbalka howlgallada badda waxaa loo isticmaali doonaa doomaha Robotic-ka ah, ee meelaha fog laga hago marka sahan laga sam eynayo gudaha badda gaar ahaan goobaha halista ah sida meelaha uu ka qarxo foolkaana ha si shaqaalaha doomaha looga maarmo oo aysan dhibaato usoo gaarin.

Mar kale ayaa doonta robot-ka ah loo diri doonaa sahan kale maadama hadda cimilada badda gobolkaas ay xun tahay si ay u soo gud biso xog kale oo muhiim ah oo ku saabsan dha qdhaqaaqa foolkaanaha Tongan ee gunta hoose ee badda.

Xogta ay soo gudbisay doonta waxay naga caawin doontaa inaan fahanno sababta qaraxa folkaanaha uu u horseeday saameyn weyn oo dhibaato leh, iyo sidoo kale saadaalinta ku saa bsan in foolkaanahaas uu qarxo mustaqbalka.

RW XAMSE OO ISBITAALLADA KU BOOQDAY DADKII KU DHAAWACMAY

 WEERARKII HOTEL XAYAAT

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqd isho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu war bixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dad ka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Madiina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawac yada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibedd iisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay do wladdu qaadeyso bukaanno kale oo isti baallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso, isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka oo uu sheeg ay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi, isaga oo Alle u ga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip