Gabadha Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigtay tartan feer oo naadir ah

0
Sunday August 21, 2022 - 22:38:36 in Wararka by
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadha Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigtay tartan feer oo naadir ah

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ramla Ali, oo ah gabadh Soomaali ah ayaa ku guulaysatay tartanka Feerka ee markii ugu horreysay noocisa lagu qabto magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Ramla oo 32 sano jir ah ayaa daqiiqad ka dib dhulka dhigtay Crystal Garcia Nova oo ka soo jeeda Dominica, taasoo sababtay in Ramla ay ku guuleysata tartankaasi.

Ramla ayaa sheegtay inay u hambalyeynayso gabadha ka guulaysatay.

Ramla ayaa go'aansatay inay magaca Soomaaliya ku dagaalanto, inkastoo ay haysata dhalashada dalka UK.

Ramla Cali


Waxay sheegtay in muddo toban sanadood ah oo ku jirtay feerka ay muujisay dadaal dheeri iyo naf hurid, isla markaana ay dagallantay 75 jeer, ayna ciyaaro feer ah u tagtay 20 dal.

"Arrinta yaabka leh ee ku saabsan bulshada Soomaaliyeed ayaa ah in ay is-taageeraan iyaga dhexdooda," ayay Ramla Cali u sheegay BBC Sport.

Go’aanka Ramla ee ka qeyb-galka feerka Sacuudiga ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha baraha bulshada ay soo xiganayeen tacadiga xuquuqul insaanka ee ka jira Sacuuudiga iyo sida loola dhaqmo haweenka.

Sacuudiga ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana hadda ay Yemen ka wadaan howlgal milateri oo sababay dhibaato bini’aadinimo.

Waa tuma Ramla Cali?

Ramla Cali

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayay qoyskeeda ka qaxeen magaalada Muqdisho horraantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday.

Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa. Ramla oo 32 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Ramla Cali ayaa ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.

Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah.

Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeelatay. Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriiska.Muddo dheer ayay hamigeeda ka qarineysay qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin.

"Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tartanka olimbikada, waxaan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas," ayay tiri Ramla.

Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri "Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerkan ay soo gaarto waxay soo martay dhibaatooyin badan."

"Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchroom, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuqda dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caalamiga ah ee feerka.

"Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombikada, laakiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay labadaa arimood ba ka dhabayso.

"Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir.

War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waabad guulaysatay," ayay tiri Ramla Cali.

XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip